Tirada Akhristayaasha Boloogga

Wednesday, January 31, 2018

Soomaaliyey Taariikhda Cashar Ma Ka Baranaa?

Taariikhdu iyadaa cashar kuugu filin, waa haddii aad wax ka baranayso, caqligaaguna qaadanayo casharadaa. Waxaad ka qaadan kartaa waayo-aragnimo iyo xigmado aan adiga kugu dhicin. Balse ku dhacay dad adiga ka horreeyey. Sababtu waxa ay tahay in taariikhdu ay sideeda isku soo celiso, oraahdii Eduardo Galeano waa tii ay ahayd: History never really says goodbye. History says, 'See you later.'
Markii Nebiga (SCW) Eebbe soo diray fariinta waxa uu ka bilaabay magaaladii uu jeclaa, waa Makka; waa magaaladii looga yaqiin aamiin, run sheege iyo akhlaaq wanaagga. Goortiise uu ula yimid dadkii reer Makka wax ku cusbaa, welibana u diidiya waxii ay caabudi jireen aad bay uga horyimaadaan.
Haddii uu dacwadii sii waday, waxaa bilowgii rumeeyey dad aad u yar, in kasta oo nebiga (SCW) la dhibay oo si toos ah iyo si dadba wax looga sheegay, haddana la iskuma deyin in nafta laga qaado sababtuna waa qabiilka uu ka dhashay nebigu (SCW) oo awood ku lahaa Makka. Balse dadkii looma ooyaanka ahaa markii ay rumeeyeen Ilaahay, dacwadii nebigana soo dhoweyeen waxaa lagu amray in ay ka noqdaan; wixii ka noqday mooyee wixii kale aakhiray iska aadeen; qaar badana lamaba oran diinta cusub ee aad qaadateen ka noqda, waa la dilay. Sababta sidaas dadkaa masaakiinta ah loogu sameeyey waxa ay ahayd in lagu bajiyo nebiga (SCW) iyo cid walba oo maskiin ah oo rumaysa.
Waxyar kadib waxaa nebiga Makka, inta aannu ka haajirin rumeeyey qabiilada laandharaha rag ka soo jeedey oo aan lagu dhici karin, sida: Cumar binu Khadaab iyo Xamse oo nebiga adeer ugu beegnaa dagaalkii Uxidna uu dilay nin xornnimo loo ballan qaaday. Waa ninkii madoobaa, waa ninkii la odhan jirey Waxshi. Nebiga (SCW) intii rumaysay baa aad uga gilgishay dilka, hanjabaada, aflagaadada iyo bahdilka lagu hayo markaas bay damceen in ay dagaal qaadaan, Ilaahay baase jawaab siiyey, wax aannay ogayna u sheegay, asxaabadan iyaga waxaa u muuqday wax iska dhiciya, balse kama fekerin mustaqbalka, waxa ay ku fekereen rag iska dhiga, balse isma oran horta ma leedihiin awood dhaqaale, ciidan iyo deegaan; waxay ka fekereen maanta iyo berri. Ilaahay baa aayadan ku soo dejiyey nebiga (SCW) isagoo ku amraya nebiga iyo intii raacday in ay gacmaha laabtaan oo aannay wax dagaal ah qaadin, ayaada waxa ay leedahay:
ْ كُفُّوا أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ ..
Sidaas waxaa loo lahaa in mustaqbalka wax jira baannay aqoon u lahayn. Sunnaha Eebbe kownkan u dhigay baa ah, in aan laga dheerayn ee sida ugu habboon isbeddal lagu abuuro, ee aannay ujeedku kaa noqon maantaanu nebi helnay aynu boodna siiro ilaa boqol (Zero to hundred); maantaynu helnay madexweyne daacad wax walba maalin ha ku xaliyo. Waxaa sidaa loo leeyahayna bulsho haddii la rabo in isbeddel lagu sameeyo wakhti bay qaadataa. Waayo bulshadu waxa ay qabatinto in si dhibyar looga beddalaa aad bag u adagtahay.
Marka nebi la soo diro, sida Eebbe innoo ka warramay bulshadaa markii uu la doodo oo u soo bandhigo daliil iyo cadayn waxa ay ku oran jireen bulshadaasi nebigaas:
قالو وجدنا اباءنا 
waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaayashayo.

Sida aayad ku cad, macna ahaana waxay gudbinaysaa waxan keliya waxa aannu u haysanaa waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaashayo, sax iyo khaladba. Adigu hadda diinta islaamka oo aad aaminasantahay ma ka tegi kartaa? Diinta garashadaada iyo qanaacadaada kuma qaadan, ee waxaa ka qaadatay hooyada iyo aabbaha iyo weliba deegaanka aad ku nooshahay. Dadkuna waa sidaas. In bulsho la beddalaa waa arrin aad u adag.
Muddo kadib waxaa dhacay dagaalkii Beder, ka gadaal Uxid. Isku soo bax ay isku soo baxeen ciidamadii uu nebigu (SCW) hoggaaminaayey iyo ciidamadii Makka ka yimid, wahadal kadib waxaa la soo fadhiisatay miiska wada-hadalka; heeshiis in la kala qorto baa lagu heshiiyey, nebiga waxaa heshkii uu qoraayey Cali binu abii-daalib, waxa uu qoray magaca nebiga, markaas baa qorayshi tidhi tirtir annagu uma naqaan nebiye, cali wuu diiday waxaana gacantiisa ku tirtiray nebiga (SCW).
Qodob heshiiskaas ku jiray baa lahaa: "muslimiinta qofkii ka soo baxsada la soo celin maayo, balse annaga [gaaladii] qofka naga soo baxsada waa in aad noo soo celisaa Maxammadow". Nebigu waa yeelay. Waayo nebigu kama fekerin maanta iyo berri, ee waxa uu eegayaa mustaqbalka fog. Taariikhyanadu waxa ay sheegaan in heshiiskaasi uu u janjeedhay dhinac, weliba dhinaca qoladii nebiga ka soo horjeeday. Balse nebigu ma eegin waxa markaa dhacaya ee waxa uu fiiriyey waxa mystaqbalka imaan doona.
Intiina taariikhda haysaa waad ogtihiin in dadkii markii ay is-dhex galeen, diintii faaftay, dad badana ku qanceen in diinta nebi Muxammed (SCW) wadaa ay tahay diin xaq ah oo aannay ahayn qof iska hadlaya. Ugu danbayn heshiiskaasi waxa uu sababay in muslimiintu sii wataan guulo, balse heshiiska nebiga iyo raggii ka soo horjeeday waxaa ka niyad jabsanaa rag badan oo ku jidhay safka nebiga (SCW). Nebiguse maanta iyo berri kama fekerin.
Awooddii Tataarka waxa ay ahayd awooddii keli ahayd oo adduunka soo marta oo labo sanno guduhood ka qubsata dhul aannay dawlad horteed timidna ku qabsan, mid ka danbaysayna aannay samayn. Dawladdii iyo khilaafadii Islaamka inta ay jabisay, bay ku tumatay dhulkana la sintay. Hoggaamiyihii Tataarka Kinjiskhaan waxa uu falay wax aannu falin hoggaamiye hortii iyo gadashii ay awooddi waayeen. Bulshadii ay qabsadeen oo ay ku jirto muslimiintu markii danbe waa ka faa'idaysteen, iyagoo eegaya mustaqbalka fog, ee aan eegayn maanta iyo berri. Waayo isbeddalka laguma dhiso caaddifad iyo waan awoodnaa.
Dawladdaha casriga ah ila eeg; dagaalki labaad waxaa lagu jabiyey awooddii Jarmalka, waa awooddii aan u naxariisanayn adduunka, wax wadan ah oo ay tixgelinaysay ma jirin, dal walbana fartay ugu yeedhay. France wixii ay dhigtay lama amaanin, Ingiriisku maskaxda ha isticmaalee waxii france ku dhacay waa ku dhici lahayd, haddii aannu caqliga ka shaqaysiin. Yurub guud ahaan Jarmal uma nixin. Awoodda baaxadaas leh baa dagaalka lagu jebiyey; afartii dal ee ku guulaystay dagaalka waxa ay cuna-qabatayn ku soo rogeen dalalkii dagaalkaas laga guulaystay, Jarmalka cuno-qabatayn waxaa u raacday in loo kala qaybiyey labo qaybood, derbigii caanka ahaana la kala dhexdhigay. Isma adkayn ee waa u hoggaansatay, wixii loogu taliyey, kamana fekerin maanta iyo berri, waxa ay ka fekereen mustaqbalka fog. Jarmal waxa uu uruursaday reer Yurub waxa uu dhegta ugu shubay walaalahu meel ma kal tagaan iyo adduunka cidii is xigtaa iyadaa isku tola, ee aynu is uruursano; cadowgeennu waa Maraykan, China Iyo Ruushka, isagoo taa wada bay haddana jabiyeen darbigii la kala dhexdhigay, halkaasna waxa ay ku noqdeen dal qudhah. Jarmalka weyn (Great Germany).
Maanta Jarmalku waxa uu ka dhaqaalo badan yahay afartan dal in kabadan, caalamka waxaa loo daabulaa waxa uu soo saaro: wax la cuno, wax la raaco iyo wax la gashto. Hubka uu Sacuudiga ka iibiyo waxa lagu qiyaasay 550 milyan, in uu ka faa'ido, Waad xusuusataa markii Iiraan heshiiska lala galaayey golaha shanta ah ee ammaanka ee qarammada midoobay, oo kala ah: Ruush, China, France, Ingiriis iyo Maraykan waxaa lix lagaga dhigay Jarmalka. Hadda waxa la wadaa qorshe ay iyadu dabada ka riixayso oo ah in goloha ammaanka la kordhiyo, Yurubna iyada loogu daro. Midowga reer Yurub iyada ugu cadcad, dhaqaale ahaana adduunka wadanada ugu horreeya bay ku jirtaa. Mustaqbalkay ka fekereen reer Jarmal maanta iyo berri kama fekerin.
Jabbaan waxa ahayd awood mar adduunka amarkeedu ka socday, waxa ay xulufo ahaayeen Jarmalka; dagaalkii labaad ee adduunka Jarmal ha la jabiyee Jabbaan waxaa u raacday xasuuq kii ugu xumaa ee adduunka ka dhaca, waxaa lagu tuuray hubka ba'an ee wax gumaada, markaas baa la qabsaday oo sidii doono laga yeelay iyada oo aan loo naxin. Gabdhahoodii baa la kofsday, raggoodii baa la laayey, khayraadkoodii baa la qaatay iyagoo u jeeda. Waxaa lagu soo rogay cuno-qabatayn ilaa maanta saaran. Jabbaan isma dhiibin ma calaacalin, wixii loogu taliyey bay yeeleen hawshoodana waa iska wateen. Waxayna la noolaatay, la saaxiibtay, wax badana u oggolaatay dalkii xasuuqii ugu xumaa u gaystay. Qarniyo kadib maanta waxa uu kamid yahay waddanada ugu waxbarashada wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada ugu dhaqaalaha wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada waxa ay soo saara kuwa ugu tayada wanaagsan; Maraykanka dadkiisa baa isugu faana badeecada Jabbaan; go'aanada ay gaarayso qarammada midoobay lama dhaafiyo Jabbaan; Jabbaan dadkeedu mustaqbalkay ka fekereen ee kama fekerin maanta iyo berri.
Yuhuuddu mar baa dhiigoodu xalaal ahaa, mar baa lagu udhuudhin jidhay xerooyinka qaxootiga, mar baan loo oggalayn waxbarasho nooc walbay tahay; mar baa nolosha laga la dagaalami jidhay, maanta adduunka horumar dhan walba ah bay Yuhuud ka gaareen. Yuhuudi maanta iyo berri kama fekerine, mustaqbalkay ka fekreen. Waxa ay la noolaadeen dadkii iyo dalalkii nolosha kala dagaalamayey. Maanga ma sheki baa kaaga jira awoodda yuhuuda? Carabtii inta ay ka yaabeen awoodda maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa ee Yuhuuda bay Xaramaka kasoo dhex habaareen; qaarkii aan habaarka garanayna iska ooyeen.
Soomaaliya iyo Itoobbiya waxaa ka dhaxeeyey xiriir aan marnama wanaagsanayn. Afar hoggaamiye oo kala ahaa: boqor Negus Yeshaq, boqor Menelik, boqor Xalyse Salaase, boqor Xayle Maryam afartan nin iyo kuwii ka danbeeyey waxa ay si toos iyo si dadban u sheegeen in aannu jirin wax qaran ah oo leeyihin Soomaaliya; dagaalo badan bay dhammaan madaxdii Itoobbiya ku soo qaadeen dhulka Soomaaliyeed iyagoo ku doodaya in ay Soomaali ka tirsan yihiin dhulwaynaha Itoobbiya. Boqor Xayle Salaase waxa uu yidhi: "We do not believe that Somali state can be viable stand alone". Tan iyo qarnigii shan iyo tobnaad Itoobbiya waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay in ay adduunka ka tirtirto wax la dhaho dal Soomaaliyeed.
Itoobbiya gobol bay Soomaliya ka haysata, Soomaliyana dagaal toos ah iyo dagaal af ahba waxa u gashay sidii ay Itoobbiya uga qaadi lahayd gobolkaas ay xoogga iyo xaqadarrada ku haysato. Nasiibdarrose markii hoggaankii taliskii Siyaad xumaaday Itoobbiya waxa ay marti gelisay jabhado kala qorshe iyo kala aragti duwanaa, ugu danbayna waxaa suurto gashay in laga guulaysto dawladdii uu hoggaaminaayey Jalle Siyaad Barre.
Ha laga guulaystee Soomaali waxa ay gashay burbur iyo dagaal sokeeye oo dabo-dheeraday (Prolonged civil war), kaas oo sababay in qabiilada Soomaali ay aad isku nacaan, kalana aamminaad baxaan; dawlad walba oo timaada qofkii doonaa, ha hoggaamiyee kalskoni lama siin, cuqdad bayna kala qaadeen. Qabiil walba gobolkii u badnaa buu dawlad ka samaystay; calan, dastuur iyo madaxweynena waa yeesheen; halka Waqooyi uu ku dhawaaqay in ay ka go'een jamhuuriyaddii Soomaaliya. Soomaaliya god bay gashay, dadkeedaana geliyey.
Dawladdaha reer galbeed iyo kuwa bariguba oo awalba diidanaa awoodda Soomaaliya burburkeedii danba kama gelin, waxaana macquul ah in ay ka qayb qaateen burburintii dawladdii dhexe ee Soomaaliya; cadow kala xune, kalana arxan darane, kalana soo jireensane, kalana qorshe foge, kuwaa jabkeenaasi guul iyo gobonnimo u ahaa.
Waraabaha ku ruugiya iyo, aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid.

Abwaan Dhoodaan.

Itoobbiya jabkii Soomaaliya waa ku faa'iday ka sakow in ay xalisay khilaafkeedii gudaheeda, kama suulin in ay samaysato rag ka soo jeeda gobolkii Soomaaliya ka maqnaa. Qorshe kaa fogna waa la hayde, waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in ay hesho marmarsiiyo ay Soomaaliya ku gasho oo ay dagaal ku qaado, arrintaas waxa fududeeyey kooxaha diinta (Radical Islamist), welina suurto gal ka dhigay in Itoobbiya si xarago ah ku joogto dalka Soomaaliya.
Qofka Soomaliga ah waxaa hagta shacuurta (Emotional) maalinta uu qabo, tusaale ahaan, ninku haddii uu nin saaxiib dhab ah la yahay inuu xiriirka qofka u jadho waxa ay ku xirantahay in ay isku dhacaan dabeedna uu xiraarkaas baabbi'iyo; naagta la qabo si walba oo ay xiriir wanaagsan ula leedahay ninkeeda iyo carruurteeda in ay xiriirkaa wanaagsan baabbi'iso waxa ay ku xirantahay in lala guursado. Waayo qofka Soomaaliga ah kama fekerayo mustaqbalka. Soomaaliya iyo Itoobbiya maqaadiirta is-baday; sida Itoobbiya iyo Soomaaliya isku yihiina waa sida aad adiga iyo sankaagu isku tihiin, sankaagu hadduu qurmo miyaa iska jaraysaa mise waad nadiifin? Waxaan filayaa in aad adiga oo madaxa ruxaya aad leedahay waan nadiifin!
Itoobbiya xaqiiqdii waa ka dad badan tahay Soomaaliya tobbanka sanno ee soo socda waxaa lagu wadaa in dadkeedu ay gaaraan boqol iyo soddon milyan in ka badan, bad ma leh Itoobbiya; halka Soomaaliya ay Itoobbiya ka dad yartahay leedahayna xeebta Africa ugu dheer. Khayraad ahaan Soomaaliya waa dal qaniya, balse maskaxda Soomaligu waa mid faqiir ah, waana maalin la noole. Dalkeennu waa burburay, dadkeenuna waa burbureen. Dhowr iyo labataan sanno oo aynu Soomaaliyey dagaal iyo khilaaf siyaasadeed ku jirnay Itoobbiyana waxa ku socday dhisme dhan walba ah.
Gobolkii in ka maqnaa iska daaye, maanta iyadoo Itoobbiya munaafaqadanaysa baa ay Soomaali qabiilqabiil iyo gobolgobol u maamushaa, guud ahaana Soomaali ugu talisaa. Dekada Berbera oo Imaraat dhisayo baa saami laga siiyey, dadka qaarkood qiil bay u raadiyeen, balse xaqiiqadu waa in Itooobbiya aan gorgortan la gelin karin saamigeeda; Qalbi-dhagax baa loo gacan geliyey, wiil Soomaali ahna safiir ba ay u soo magcaabeen, waxaas oo dhan miyeynu ka calaacalnaa mise taariikhda baynu cashar iyo ximad ka baranaa?
Horta waa mare, wiil la soo magcaabay gobol ina ka maqan xalaalayn maayo, diintuba maydka waa kuu xalaalaysay haddii aad nafta ku badbaadinaysid. Innaguna mayd waxba ma dhaanee, gobol xoog la ina kaga haysanayo waxa uu ku egyahay inta ayny innagu isdhisayno: dad iyo dalba. Waa mar kale ahe Itoobbiya ma khiyaamayn kartid wax walbana waa ogtahay nin dadkeeda weerar ku hayaa oo dagaal ku wada in Soomaaliya marti geliso waa burbur hor leh, waayo waxaad wax marti gelin kartaa marka aad adigu awood leedahay. Itoobbiya si fiican bay Soomaaliya u kala taqanaa, dabo-dhilif Soomali ahna waa samaysteen dalkaagana xaafad xaafad bay u kala barteen. Qalbi-dhagax waa nin halgamaa ah, balse qarnkeena ka weyn, Itoobbiya haddii aad u gacan geliso nin amni darro ku haya waxaa kula gelaysaa heshiis ah in ay munaafaqada kaa daayaan, oo dalkaaga kuu nabad geliyaan. Balse Qalbi-dhagax waa halyey maxaa loogu gacan geliyey, horta awood ma leedahay? Soomali caadifad dad iyo dal laguma dhiso. Soomali kacaay dal laguma dhiso.
Adduunka cashar baynu ka baran karnaa, casharkaas oo aynu Itoobbiya wax badan u samayn karno innagoo eegayna mustaqbalka fog, Itoobbiyana ay ina kaga dayso munaafaqada qotada dheer, waayo wax badan haddii aynu maanta uga tanaasulno maaha in aynu siinay, ee waa in aynu isdhisayno; dad iyo dalba. Soomli ma maalin baynu la noolanaa mise mustaqbalka bsy ka fekernaa?






                           W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

No comments:

Post a Comment