Tirada Akhristayaasha Boloogga

Saturday, January 20, 2018

Dimuqraadiyadu Horumar Miyey Tahay?

Tan iyo tariikh fog aadanuhu waxa uu ahaa kuwo is maamula ama isku taliya. Dabeecad ahaana aadanahu haddii ay labo qof ka badan yihiin waxa ay u baahan yihiin hoggaan; haddii aanay hoggaan yeelana waxaa khaldamaysa hawshu qaabka ay u socoto. Tusaale ahaan guriga ay kuwad noolyihiin qoys-- waxa ay u baahan yihiin aabbo iyo hooyo iskaashanaya oo inta kale maamulaya, siinnayanna ama bixinaya waxa guriga looga baahan yahay. Haddii gurigu aannu lahayn aabbo oo uu dhintay, maqanyahay ama uu furay hooyada amaba uu yahay maqane jooga, hooyaduna annay ninka waxba dhaamin waxa uu gurigaasi noqonayaa guri fawdo ah, oo aan lahayn jiho uu ka socdo iyo meel uu u socdo. Marka haddii gurigii aannu ka maarmi karin maamul hooyo iyo aabbo ah, bulasho ma ka maarmi kartaa hoggaamiye, danahooda ka shaqeeya? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu tahay: "maya".
Si kale haddii aynu u dhigno, waxaaba la oran karaa dad aan is maamulini waxay khilaafayaan sunnaha Eebbe kawnkan u dhigay. Haddaba taariikhdu waxay inoo sheegaysaa in aadanahu tiro ba dhowr nooc oo hoggaan ah soo mareen, waxaana kamid ah: mid boqortooyo-- oo hoggaanka la iska dhaxlo, mid keli taliye (Dictatorship)-- oo dadka ku qabsada awood ciidan, mid ay dadka maamulaan dadka magaca, aqoonta iyo dhaqaalaha leh iyo mid bulshadu doorato hoggaankooda (Democracy).
Qarnigan ay wax walba isbeddaleen hoggaanku waxa uu ku soo uruuray in loo qabto labo nooc: qaab dadku soo doortaan hoggaankooda (Democracy) iyo nooc kaliye taliye u eg (Dictator) Waxaa jira dad weli isku maamula qaab boqortooyo (Kingdom rule), oo waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dalka Sacuudiga. Balse waxaad moodaa in noocan maamul uu wakhtigiisii sii dhammaanayo oo uu yahay gebagebo.
Ujeedkaya qoraalkanse baa ah, in aan dul istaago qaabkan doorasho oo reer galbeedku hormuudka ka yihiin [Dimuqradiyada] oo ay dadka ku beerleexowsadaan inuu yahay qaabka keli oo lagu gaari karo horumar. Sidaa ma tahay oo horumar ma lagu gaari karaa? Aragtidan dad badan baa sideeda u qaatay inay tahay arrin run ah. In kasta oo ay wanaagsan tahay bulshadu inay doorato qofka ay u arkaan inuu dadkooda iyo dalkooda danahooda ka shaqaynayo haddana in qaab doorasho uu horumar wado waa falsafad been ah oo u baahan in la iska shaandheeyo; isla jeerkaasna in mar walba la helaa musharaxda saxda ah oo dadka jeclaan lahaayeen waa arrin adag. Tusaalenna waxaa inoo ku filan, in gabadh [Hillary Clinton] aqoon leh, khibrad leh, karti leh, waayo-aragnimo leh laga doortay nin [Trump] ay si walba uga wanaagsan tahay. Marka maxay macno samaynaysaa dimuqraadiyadu? Mise waxbaa qaldan?
Waxaan halkan idin kula wadagi doonaa tiro ba dhowr hoggaamiye oo ah kali taliyaal, balse dadkooda iyo dalkooda horumar gaarsiiyey. Keliya horumar ma gaarsiine, balse waxay hormuud ka yihiin adduunka: haddii ay noqoto dhaqaale, siyaasad, dhaqan iyo awood ciidan; isla jeerkaasna Khuburo badan oo darsa xaalada dhaqaale, ciidan iyo siyaasadeed ba waxay saadaalinayaan in dhowr wadan oo ay u taliyaan kali taliyayaal ay la wareegi doonaan maamulka iyo siyaasada lagu maamulo adduunkan (Political Hegomany).
Raa'isul wasaarihii hore ee dalka Malaysia horumarkeeda ka danbeeyey Mahathir Mohamed waxa uu ahaa keli taliye, aan jixin jixin. Raa'isul wasaarihii wakhtiga adag u soo baxay dalka Itoobbiya Melez Sanawi waxa uu ahaa keli taliye, aan waaban. Madaxweynihii Singapore horumarkeeda bilowgii sa lahaa waxa uu ahaa keli taliye. Madaxweynaha China Xi Jinping, oo horumar dhan walba ah gaarsiiyey dadkiisa iyo dalkiisa waa keli taliye. Putin-ka Ruushka waa keli taliye, aan cid kale u daba fariisan danaha dadkiisa iyo dalkiisa. Madaxweynaha Turkiga oo dalkiisa ka dhigay dal saaxada siyaasada adduunka dhan walba ka muuqda waa kali taliye. Hadda ogow Turkigu maanta waa awood soo baxday! Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame waa kali taliye dadkiisa iyo dalkiisa gaarsiiyey horumar isagoo weliba ka soo saaray xaalad quus ah!
wadanno badan oo ka tirsan kuwa soo koraya (developing country), sida Kiiniya, Nijeeriya iyo wadanno kale ba doorashada laga qabto waxaa caawiya wadanada reer galbeedka, haddii aad uu fiirsatid na waxaad arkayasaa in doorashada dimuqraadiyada lagu sheego oo dalalkaa laga qabto aannay ka shaqayn danaha dadkaa iyo dalkaas. Balse siyaasiyiintaa dalalkaas waa kuwo u daacad ah wadannada reer galbeedka; isla jeerkaasna waxay ka shaqeeyaan danaha reer galbeedka. Marka maxay mcno ah dadkaas dimuqraadiyadu u samyanaysaa?
Waddanada waxaa ka jirta: musuqmaasuq, xasilooni darro siyaasadeed, dhaqaale xumo, waxbarashada dalalkaas oo aan tayo lahayn, caddaalad darro, isla xisaabtan la'aan, awoodda dalka oo looga danbeeyo hadba markaa ninka talada haya. Dalalkaas madaxdooda waxaa lagu soo doortaa si dumuqraadiya.
Tan macnaheedu maaha in qof kali taliye ah uu dalkii sa gaarsiin karo horumar. Waxaa jira keli taliyaal dadkooda iyo dalkooda ka dhigay horumar la'aan iyo sabool. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabi, Geelaha Jabbuuti, Yaxye Jaamicii lagaga guulaystay doorashadii Gaambiya, Cali C. Saalixii Yamen ee la dilay, Mursiga shacabka Masar iska eryeen, kan hadda xilka madaxweyne haya ee dalka Masar Siisii iyo qaar kale. Dhammaan madaxdaa aan soo tilmaamay waa kuwo digtaytar ah; dadkooda iyo dalkoodana adduunka ka reebay.
Si kastaba madaxda dadkooda iyo dalkooda gaarsiin karaa kuma xirna ma keli taliyaa? Ma dimuqraadi baa? Mise waa boqortooyo? Waxa keliya oo ay ku xirantahay waa in qofkaasi leeyahay astaamaha wanaagsan ee hoggaamiye; isla jeerkaasna ay ka go'antahay inuu dadkiisa iyo dalkiisa samoto bixiyo, daacadna ka yahay in amaanadaa ay u dhiibteen uu ugu hiiliyo, gaarsiiyona: horumar caddaaladeed, amni, dhaqaaleed, siyaasad bisil, arrimaha bulshada oo ka sameeyo horumar iyo inuu go'aamiyo qofka saxda iyo booskiisa saxda ah (the right man to the right position).
Qofna macno u samayn mayso qofkaasi waa hoggaamiyo dadkiisu soo doorteen, hadhowna marka uu xilka ka dagayno uu ka tago isagoo wixii ay haysteen ku tagri falay, dastuurkii ku tuntay, musuqmaasuq ku dhaqmay, caddaalad darro sameeyey, u kala eexday dadkii doortay, waxbarasho la'aan dadkiisii kaga tagay, caafimaad la'aan kaga tagay; isla hoggaamiyihii bulshadu soo dooratayna lagu arko markii uu xilka banaayo hanti tiro beel ah, oo aannu haysan markii uu talada dalka qabtay. Markaasna aannu xilku noqon abaalmarin.
Waxaan kaloo qofna aan macno u samaynayn in nin keli taliye ah intuu qabsado talada dalka uu siduu doono dadkiisa iyo dalkiisa ka yeelo. Dadkiisana u arko waxaan mudnayn inay noolaadaan; qof isagu dherga dadkiisuna ay ku noolaadaan xaalad sabool ah. Cali Cabdalle Saalixii la dilay intii uu xilka hayey marbaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasay wax ka badan soddon milyan, waynuna la soconaa dalka Yamen sida uu ahaa, madaxweynihii xilka laga riday dalka Masar Xusni Mubaarik waxa uu haystay hanti aad u badan, Qadaafigii dalka Liibiya xukumi jiray waxa uu haaytay dhaqaale aad u faro badan, madax kale baa jirta oo hadda keli taliyaal ah ama la soo doorto oo aan waxba is dhaamin oo dadkooda iyo dalkooda gaarsiiya xaalad si walba sabool u ah.

W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

No comments:

Post a Comment