Tirada Akhristayaasha Boloogga

Thursday, January 18, 2018

Dumarka Iyo Islaamka.

Islamku miyuu xaqiraa dumarka?

waa su`aal mug weyn, qoraal yarna laguma soo koobi karo su'aashan balse aynu wax yar dul istaagno. Maanta caalamka qadiyadda dumarka dood baa ka taagan, haddii aad eegto dhanka siyaasadda (political) maamulka (managment), dhaqaalaha (Economic)iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Haddaba wax yar ila eeg taariikhda dumarka.

Quraanka Eebbe waxuu ku xusay inuu Fircoon layn jiray wiilashii reer binu isra`il gabdhahoodanna ay guursan jireen kuna hayeen dulmi weyn. Qurayshi intaanu Nebi Muxammed (scw) soo bixin gabdhaha iyagoo nool bay aasi jireen, ninka gabadh u dhalatona farxad uma ool, murugo iyo werwer bay u ahayd. Wax xaquuq ahna ma lahayn dumarku. Diinta islaamku markay timi wax walba wey isbaddeleen gabdhaha waxaa loo oggolaaday inay noolaan karaan, inay raggu meherka iyaga lagu leeyahay iyo inay ka qayb qaadan karaan arrimaha bulshada, xaqa iyo xuquuqda Islaamku siiyey dumarka kuma xirna wakhti inta dunidu jirto waa xaquuq ay leeyihiin, mana aha xaq qof kale u gartaye waxaa siiyey Eebbihii abuuray.
Haddii aynu wax yar dib u milicsano qarniyadii ugu danbeyey ee aynu soo dhaafnay ama kuwa aynu hadda ku jirno dumarku dhibta laga galay aan tusaale aan badnayn kaa siiyo. Buugga uu qoray Abdulrahman A. Sheeha ee magiciisu yahay "Woman in the shade of islam" waxa uu ku leeyahay ma jiro hal sharci, maamul ama xeer nidaameed oo mudnaan gaar ah siinaya ama joogtaynaya ama difaacaya xuquuqda dumarka sida islamku u ilaaliyey wakhtiyadii hore ama kuwii danbe. Mufakkirka reer France ee caanka ah laguna magcaabo Gustave Le Bond waxa uu ku qoray dhiganaha"The Arab Civilization" dhaqan wanaagga uu kula dhaqmay islamku dumarka iyo sharfida uu sharfay waa mid aan xad lahayn.....!!
1586--dii waxaa shir lagu qabtay dalka France si loo kala cadeeyo in dumarku bini Aadam yihiin iyo in kale. Dood dheer kadib dadkii kasoo qayb galay shirka waxay dhammaadkii shirka soo saareen in dumarku yihiin bini Aadam; balse loo abuuray inay shaqaale u noqdaan nimanka. Hindiya qayb ka mid ah gabadha ninkeedu dhinto marka ninkeeda la gubayo iyadana waa lala gubi jiray iyadoo nool, qeyb Hindiya kamid ahna hadda gabadha waxaa guursanaya labo nin. Reer galbeedku gabadha marka la guursado waxay ka beddalaan magaca aabbaheed iyagoo u bixiya magaca ninka guursaday.
Waxaa jiray wakhti sharciga Ingiriis uu oggolaanayey in raggu dumarka iibsan karaan. Wakhtiga sharcigaasi soo baxayo dhulal badan oo muslim ka taliyo waxaa madax ka ahaa dumar. Shinihii hore xaqiraada dumarka waxay ka shabaheen Carabtii jaahiliga, waxaa jirta maahmaah Shiine ah oo tiraahda: "Listen to your wife, but never believe what she says".
Islaamku dumarka waa sharfay xaqoodana waa siiyey. Balse wakhtiga aynu maanta noolnahay dumarka ugu badan ee dulman waxay ku noolyihiin dalalka muslimka. Tusaale ahaan, daraasad ay samaysay UK Forced Marraige waxay cadaysay in dalka Baakistaan kow ka yahay gabdhaha xoogga lagu guursado, darasaad kale oo ay samaysay UNICEF baa iyana cadaysay in dalalka Afgaanistaan, Nijeeriya, Soomaaliya, Baakistaan ay kow ka yihiin gabdhaha yaryar ee aan qaangaadhin in la guursado. Kooxaha argagixisadda ah baa iyana caburin, xaqiraad iyo bahdil ku haya dumarka. Boko-xaraam bay ahayd kuwii koox gabdho yaryar ah oo aan waxba galabsan af-duubtay oo duurka la galay. Daalibaan iyana waxay madaxa ka toogteen Malala Yuusuf oo goob fagaare ka tiri: "... Dumarka xaq bay u leeyihiin inay wax bartan". Al-shabaab iyo Al-qaacida baa iyana tacadiyo baahsan ku haya dumarka.
Dhanka waxbarashada dumarka muslimiinta ah aad bay u danbeeyaan. Dumarka tacadiyada lagu hayo waxaa kow ka ah rag wadaaddo sheeganaya. Waxaa xusid mudan maalin ay laanta afka Soomaaliga ee BBC--du dood qabatay oo lagaga doodaayey "Dumarku ma hoggaamin karaan ummadda.." in nin wadaad sheeganyey uu yiri: "... Dumarka caqligoodu waa nusqaan". Nasiibdarro waa qof cilmi sheeganaya ninka sidaa u hadlayaa.




W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

No comments:

Post a Comment