Tirada Akhristayaasha Boloogga

Sunday, February 11, 2018

Xorriyadda Go'aan Qaadashada ama Iktiyaarku (free will) Ma Jirtaa?

Qofku in uu leeyahay xorriyad go'aan qaadasho ama iktiyaar (free will) oo uu wax walba sameeyo isaga oo aannay saamaynayn caqabad gudeed iyo mid dibadeed, waa waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay. Tusaale ahaan ninka geel jiraha waxa uu aaminsayahay inuu doorashadiisa uu wax walba ku sameeyo, naagta maskiinada ah ee guriga hooyadeed ama qaraabadeed bariiska ka cuntaa marka ay is-guursadaan nin ay Faysbuugga iska barteen waxa ay saaxibadeed iyo nafteedaba ugu sheekaysaa aaminsantahayna in ay doorashadeeda iyo ikhtiyaarkeeda (her free will) ku raacday ninka.
Ninka shaqo yar ka shaqaysta oo naag guursada waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisha uu ku doortay gabadhaa; ninka siyaasiga ah ee go'aan gaara waxa uu aaminsanyahay in uu isagu uu go'aankaa uu ku sameeyey doorashadiisa; ninka iyo naagta is jecel waxa ay aaminsanyihiin in ay doorashadooda isku jeclaadeen. Horta ma jiraa qof ikhtiyaarkiisa (free will) iyo dootashadiisa xor u ah oo sax ma tahay go'aanada aynnu gaarno in ay ku yimaadaan doorashadeena?
Dooda xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will) waa dood u muuqata mid sahlan ama su'aal haddii laga dhigo waxa ay u muuqataa su'aal si dhib yar looga jawaabi karo. Balse mar walba oo aad baaritaan ku samaysid, waxaad oggaanaysaa in doodaasi adag tahay ama aan laga gaarayn jawaab dhinac uun u dhacda oo innoo kala cadaysa in ikhtiyaar (free will) ay jirto iyo in aannay jirin.
Saynisyahanno badan waxa ay qabaan in aannay jirin wax xorriyad go'aan qaadasho ah ama ikhtiyaar ah (free will), waxayna go'aankaa gaareen daraasado iyo tijaabooyin kala duwan kadib; waxa ay doodoodu tahay in shay walba oo adduunka dul saaarni (physical world) ficiladiisa ay go'aamiso dhacdo iyada ko horreysay (determinism), tusaale ahaan haddii aad caag meel istaajiso kadibna aad dhagax ku tuurto, dhicida caaga waxaa sababay dhagaxa oo iyada ka horreeyey; sida oo kale dhulgariir haddii uu dhaco waxaa ka danbeeyey maatar ka dhaqaaqday halkeedii hore.
Qaammuuska Oxford kalmda saynisyahannadu ku doodayaan ee determinism waxa uu ku qeexayaa: "The belief that people are not free to choose what they are like or how they behave, becouse these things are decided by their surrounding and other things over which they have no control". Balse dadka doodaa ka soo horjeeda baa ku dhaliila saynisyahannada in aan ikhtiyaarka (free will), si saynis ah loo darsin ee loo darso qaab bayloojiya (biological). Balse qoladan danbe qudhooda waxaa xiraysa oraahda, uu yidhi filosoofka John Searle ee ah: " Human behaivor is part of the natural world".
Tusaale ahaan qofka Isaaqa ah oo dhallinyarada ah oo maanta ku dhagan goonni-isu-taaga Soomaalilaan, waxaa sababay odayaashii Isaaq ee ko horeeeyey, sidoo kale qofka Warsengeli ama Dhulbahante ee maanta raba midnimadii Soomaaliya waxa sababay odayaashii ay isku qabiilka ahaaayeen ka horreeyey, guud ahaan qabyaaladan Soomaaliya baabbi'say waxaa ka danbeeyey odaayshii hore, ee qofna ma dhalan isagoo qabyaaladiiste ah.
Peter Van Inwagen oo ah borofaysor falsafada ka dhiga jaamacadda Notre dame, isla markaasna ah cilmi-baare falsafadeed waxa uu doodiidiisa ku soo uruuriyey in ay xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) uu yahay wax aan la garanayn oo aan si dhab loo qeexi karin in ay jirto iyo in aannay jirin. John Searle oo kontan sanno in ka badan ah borofaysor falasafada ah, wakhtigana kaalinta kowaad kaga jira filosoofada wakhtigan nool, waxa ay isku dood dhowyihiin Inwagen waxa uu arkaa xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) nooc dhibaato ah.
Waxa uu ku doodayaa in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga haysto xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will), aragti walbana ay xoojinayaan cadaymo, balse aannay jirin mid la dooran karo, waxa ay doodiisu ku soo uruuraysa in ay jiri karto xorriyad go'aan qaadasho oo qofka ama ay noqon karto Khiyaali (Illusion) iyada oo loo eegayo xaaladaha.
Roy Baumeister oo borofaysar Phychology ah jaamacadda Florida State waxa uu qabaa in ay jirto xorriyad doorasho (free will) oo ay tahay nooc kamid ah dabeecadaha ay maamulaan soona saaraan dadku, waxa doodiisa ku soo uruurinayaa in doorashada go'aanka ama ikhtiyaarku ay kamid tahay waxyaalaha asaasiga ah ee dadka.
Cilmi baaraha u dhashay dalka Maraykanka Josoph Price waxa uu ku qeexay ikhtiyaar (free will): "awooodda uu qofku ku doorto in uu shay ku qabto ama iska daayo isagoo aannay haysan caqabad gudeed iyo caqabad dibaddeed". Sidoo kale waxaa qeexid taa ka duwan siinaya qaammuuska Oxford, in kasta oo filoosoforo badan diidanyihiin qeexidaa, balse haddii aynnu qeexidan qaadano, badanka dadku waxa ay noqonayaan kuwo aan doorasho iyo ikhtiyaarkooda (free will) aan go'aan ku gaarin.
Filosofooro kale baa iyanna qaba in aannay jirin wax xorriyad go'aan qaadasho ah ama ikhtiyaar (free will), Charles Darwin waxa uu ku dooday in aannay dadka baarin ujeedooyinkooda ay wax u qabanayaan; isla jeerkaasna ay wax iska qabtaan iyagoo aan ka fekerin. 1838-dii, Darwin waxa ku dooday in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo tahay dhalanteed (Delusion). Tusaale ahaan maanta haddii aad waydiiso arday jaamacad dhigta sababta uu jaamacadda u galay iyo weliba qaybta uu ka doortay waxa uu u doortay, si kuu qanciyo buu qofkaasi waxa uu kuu soo tirinaya sababo, balse xaqiiqdii been ah amaba runtuu kuu sheegaya oo waxa uu ku oronayaa waan iska galay ama caqabad gudeed ama dibaddeed oo ku riixday buu kuu sheegaya.
Filosoofkii Spinoza ma aaminsanayn in ay jirto wax ikhtiyaar ah oo uu qofku leeyahay, waxa uu ku dooday oo yidhi: "cunugga yar waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa ku cabo caanaha naaska hooyadii ama caanaha la siiyo, kurayga ciishooda ee aan waxba ka fiirsan (hot-headed) waxa uu aaminsnyahay in ikhtiyaarkiisa (free will) uu ku aarsaday (vegeance), ninka iska hadla oo ku dhaco xanuunka loo yaqaan darandooriga ee uu qofku iska hadlo (delirious) iyo naagta isku daranta oo uu ku dhaco isla xanuunkaasi (garrulous) waxa ay aaminsanyihiin in ay ikhtiyaarkooda ku hadlayaan, iyaga oo aan awoodayn in ay hadalkooda haystaan ama aamusaan; wax xorriyad doorasha ah ma jirto, waa dhalanteed (illusion)".
Cilmiga lagu barto habdhiska dareen wadayaasha ama dareemayaasha jidhka (Neurobiology) ayaa cadaynaya in aannay jirin ikhtiyaar (free will) dhammaystiran (absolute freedom), qofkana labo waxyaabood baa noloshiisa saamayn weyn ku leh, sameeyana inta badan noloshiisa: kow, cunsurka hidasidayaasha qofka (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (Environment factor), tusaale ahaan ma jiro qof doorta nooca jinsi oo noqonaya, adigu inaad naag tahay ama inaad tahay nin waa lagu dooray oo wax go'aan ah kuma lihid, qawmiyadda aad ka dhalatay adigu ma dooran ee waa laguu dooray, dhiigaagu nooca uu yahay waa laguu dooray, balse adigu ma dooran, hooyada iyo aabbaha ma dooran, reero faqiir ah iyo reer taajir ah inaad ka dhalatay, adigu ma dooran ee waa laguu dooray.
Inaad madowga sharka ah tahay ama inaad tahay midabyada kale waa laguu dooray ee adigu ma dooran, inaad nin dheer noqoto ama gaabnaanta masiibada ah adigu ma dooran ee waa laguu dooray, guud ahaan qaab dhismeedkaaga iyo cidda aad tahay: qabiil ahaan iyo qowmiyad ahaan waa laguu dooray wax xorriyad doorasha ah kuma lihid, inaad sidaas aqbashana waad ku khasban tahay oo wax ikhtiyaar ah ma lihid.
Waxadan kaloo aadan dooran deegaanka aad ku dhalanayso, afka lagaga hadlo, asalka dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin. Qofku labadaa arrimood oo aynu kor ku soo xusnay baa noloshiisa saamayn weyn ku yeesha, aqoonyahanno badan iyagoo taa ka duulaya go'aan walba oo uu qofku gaaro waxa ay sabab uga dhigaan saamayn banaanka kaga timid ama mid gudeed oo deeggaankiisa ka dhaxlay oo uu ku khasbanyahay. Tusaale ahaan adoo meel iska fadhiya oo aan dagaal diyaar u ahayn, baa nin candhuuf kugu tufay, kadib baa la dagaalantay nabar xuna gaarsiisay. Dhibta iyo dagaalka waxa kugu khasbay waa saamayn banaanka kaaga timid.
Labadaa arrimood ee abuurka qofka iyo hidesidyaashiisa (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (environment factor) marka laga yimaado diimaha samaawigu, khaasatan diinta Islaamku waxa ay qabtaa: in qofka loo qoray risiqiisa, janno iyo naar waxa uu ku danbayn doono, mid hooga iyo mid wanaagsan iyo inta uu noolaanayo (cimrigiisa) marka qofka intaas loo qoray aqoonyahannadaasi waxa ay ku doodaan in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo uu qofku leeyahay.
Aqoonyahanno badan oo ku kala aragti duwan doorashada in qofku wax walba uu ikhtiyaar (free will) u leeyahay baase isku raacsan in aannu qofna dooran, maamulina karin aragtiyaha ku soo dhacaya maskaxdiisa, tusaal ahaan filosoofkii reer Jarmal Nietzsche waxaa uu leeyahay: "A thought comes when "it" wants, not when "I" want". Waxa sidan ku raacsan filosoofkan reer Jarmal, Dr-Yasir Fazaga oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ah darsa, kana mid ah aqoonyahanka wax ka jeediya muuqaal baahiyaha, faafiya dacwada Islaamka ee Peace TV.
Garaadka dahsoon iyo go'aan qaadashada.
Garaadka dahsoon (subconscious) waxa uu dowr ka qataa go'aanka qofka, balse waa in marka hore garaadkaas lagu quudiyaa xog badan, tusaale ahaan ilmo yar haddii aabbihii garaaco ama hooyadii garaacdo go'aanka uu garaadka dahsoon siin karo waa in ooyo uun, balse ma garan karo ka carar oo guriga ama magaalada uga tag, waayo weli garaadkiisii xog badan kuma jirto. Saysnisyahanka saxafiga ah ee Malcolm Gladwell buuggiisa "Blink", waxa ku jira sawir soo jiidasho leh oo ka turjumaya waxyaalaha muhiimka ah iyo waxyaalo adag oo garaadka dahsoon qaato labo daqiiqo gudahood, iyadoo aannay maskaxdeennu go'aanka ka qayb gelin.
Garaadka dahsoon ee qaadanaya go'aano masiiri ah, iyadoo maskaxda aannay ka qayb qaadan go'aanada waxa ay la mid tahay diyaarad aannan duuliye wadin, maanta waxa aynnu aragnaa diyaarad aannan duuliye wadin, taas macnaheedu waa in garaadka dahsoon uu gaaro go'aan bilaa duuliye ah oo aannay maskaxda ka qayb qaadan. Tusaale ahaan haddii aad nin doob ah aad tusto sawirro qaawan oo rag iyo dumar ah isugu jira, markiiba ninku waxa uu isha la raacaya sawirka dumar, uma baahna in uu ka fekero, waayo garaadka dahsoon baa go'aaminaya, naag gashaanti ah oo nin doon ah haddii sawiradaa iyadana la tuso isla daqiiqadiiba waxa ay indhaheedu aadayaan sawirka ragga uma baahna ka feker iyo go'aan laga fiirsado.
Dhakhtarka cilmi nafsiga ee la dhaho Ed de Haan waxa uu lee yahay: "aad bay mararka qaar u wanaagsantahay in aynnu samayno go'aan dhaqaale oo muhiim ah, sida in aynnu iibsano guri iyada oo aannay maskaxdeennu ka fekerin.
Borofaysorka jaamacadda Harvaard Daniel Wegner oo ah dhakhtar cilmi-nafsi tijaabooyin badan oo uu sameeyey waxa ku ogaaday in aannay jirin wax ikhtiyaar oo doorasha oo uu qofku leeyahay oo ay tahay khiyaali; garaadka dahsoon waxa uu sameysaa go'aano wax ilbiriqsi ka yar, kuwaas oo salka ku haya dhacdooyinka inna sameeya, habka go'aaminta waxaa saameeya habkii maskaxdeena loo soo barbaariyey iyo wixii aynnu soo baranay. Isbeddalka baaxada leh ee ku socda deegaankeenna waxa ay ka dhigan tahay in aan la sadaalin karin nolosheenna, habka maskaxdeennu u korayso iyo deegaanka aynnu ku noolnahay waxyaabaha aynnu ka dhaxlayno waxa ay ka dhigan tahay in aynaan lahayn xorriyad doorosho oo dhammays tiran (complete free will) weli waxa aynnu aaminsanahay in aynu si joogta ah u samaynayno doorasho xor ah, waxa aynuna ku tilmaanaa ikhtiyaar (free will) waa khiyaali, sidan waxaa yidhi, Wegner.
Waxyaalaha muuqda (physical) iyo go'aan qaadashada.
Cunsurka waxyaalaha muuqda (physical factor) ayaa saamayn wayn ku leh go'aan qaadashada qofka, sida heer-kulka (temperature) iyo iftiinka (light) tusaale ahaan dagaalo si qiiro ah loo qaaday ama dagaalo qiireed gardarro ah oo dhacay waxay dhaceen xilliga xagaaga ah ee kulul (hot summers) daraasad lagu sameeyey 2,131 dagaal oo dhacay 3,500 sanno ee ugu danbeeyey waxa ay dhaceen xilli xagaa ah, dagaaladasina waxa ay ka dhaceen koonfur iyo waqooyi; halka waddanada u dhow dhul-baraha (equator) aannay saamayn xilliyadu. Dhammaan dagaalada waxaa go'aamiyey xilliga xagaaga ee kulul ee wax saamayn ah kuma lahayn doorasho iyo ikhtiyaarka bulshada.
Iftiinka ayaa isna saamayn ku leh go'aankeenna, tusaale ahaan haddii lammaane isqaba ninku jecelyahay in iftiinka ay wax walba ku dhammaystaan, gabadhuna ay jeceshahay in hawlahooga mugdiga u raaciyaan, haddii khilaaf dhaco ay isku fahmi waayaan kadibna uu qoyskaasi burburo waxaa saamayn dibadeed ku leh iftiinka, oo qoyska kala diray.
Deegaanka iyo go'aan qaadashada.
Go'aannada dadka waxaa saameyn weyn ku leh, deegaanka ay ku noolyihiin. Tusaale ahaan qofka maanta Soomaaliga ah waxaa la yaab ku noqonaya nin shukaansanaya nin kale iyo naag doonaysa naag kale, haddii qof Soomaali ah la yimaado dhaqankaasna dhammaan hal meel baa looga soo wada-horjeensanayaa; halka waddanada qaar uu ka yahay go'aan caadiya. Sidoo kale in qof Soomaali ah uu suuqa qaawanaan ku maraa, in dadka dhexdooda wax ku cunaa, in gabadh suuqa dhexdiisa isku qabsadaan oo isku dhunkadaan, in naag isqaawiso dhammaan bulashada Soomaaliyeed ka yeeliso, qofka garaadkiisu shaqaynayona taas ku dhici maayo, halka waddanada qaar ay caadi ka tahay, sababtu labada bulsho baa kala duway go'aanadooda ay gaarayaana waxaa saamayn ku leh deegaanka.
Tusaale kale, ninka reer galbeed haddii gabadh guursanayo isaga oo aan sabab isweydiin waxa uu ka beddalaa magaca, kadib marka uu guurku dhaco, go'aankaas waxaa saamayn ku leh deeganaaka; sidoo kale haddii nin iyo naag Soomaali ah is shukaansadaan ninka gabdhaha doonaya, gabadha ma dooni karto, go'aankaas waxaa saamayn ku leh deegaanka.
Xorriyada go'aan qaadasho ama iktiyaar (free will) iyo xanuunada maskaxda.
Xanuunada ku dhaca maskaxdu waxa ay keenaan in ay beddalaan xaalada caadiga (normal) ah ee qofka; qofka maskaxda ka jiran ma awooddo in uu xakameeyo ficiladiisa. Tusaale ahaan haddii hooyo waayeel ah xanuun maskaxda ka haleelo diin ahaan wax waajibaad ah oo saaran ma jiraan, waayo maskax ahaan ma fiyoobo. Dalka Holland sharciga dambiilaha (criminal Law) qofka maskax ahaan jiran wax danbi ah ma leh, dalal badan oo kale qofka maskaxda ka jiran waxba looma raaco. 2003-dii guri kalkaalisooyin, haweenay siddeetan iyo kow jir ah, oo la dhibtoonayd xanuun dhanka maskaxda waxa ay dishay wiilkeedii oo siddeed jir ah, kaas oo isna xanuun dhanka maskaxda ah la jiranaa.
1981-dii John Hinckley ayaa isku dayey in uu shirqool ku dilo madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan; 2003-dii Mijailo Mijailović ayaa dilay wasiirkii arrimaha dibedda ee Swedan Anna Lindh, dilaagu waxa uu aaminsana in Ciise ku amaray dilkaa uu gaystay. Dad musliim ah baa jira oo iyagoo maskaxda ka jiran dhibaato u gaysta dadka kale iyagoo aaminsan in Eebbe sidaa ku amray. Dhammaan dadkaas aynnu soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waa dad maskax ahaan u jiranaa.
Qofkasta oo garsho leh waxa uu aaminsanyahay in aannan waxba loo racayn oo aannu rabitaankiisa waxba ku samayn qof la ildaran xanuun maskaxeed. Tusaale ahaan nin maskaxda ka jiran haddii uu ilmo yar dhib u gaysto rabitaankiisa kuma samayn. Sidoo kale haddii hooyo iyo aabbo labaduba sigaarka cabaa ay dhalaan wiil xanuun maskaxda ah qaba, hooyadaasna iyadoo sigaarka cabta haddana ay nuujiso wiilkaa yar, markii uu weynaado dhibta uu gaysto ma isaga ka masuula oo ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisu ku qabtay, mise waalidkaa khaldan?
Haddii aabbo qaba xanuunka dilaaga ah Aids-ka haddii uu guursado naag maskiin ah oo aan ogayn, marka ay gabdhii uur qaado iyada iyo ilmahadeena ay qaadan xanuunkaas, gabadhiina xanuun maskaxda ah ha leelo, kadibna nacayb dartii xanuunkii u sii faafiso, ma aabbaha khaladka leh, ma dawladda mise naagtaa?
Ugu danbayn dooda jiritaanka xorriyada go'aan qaadasho (free will) wax jawaab ah lama gaarin, daraasado iyo tijaabooyin la sameeyey baa muuninya in aannay jirin wax xorriyad ah, qoloda ku doodaysa in ay jirto xorriyada iyanna waxa ay soo qaadanayaan cadaymo. Robert Lawrence Kuhn oo soo saara barnaamijka "Closer to truth", ayaa baaritaan badan ku sameeyey arrintan waxa uu la kulmay aqoonyahanno, filosoofaro, dhakhaatiir cilmi-nafsi, cilmi-baarayaal iyo aqoonyahannada sayniska qaybohooda kala duwan, welina uma soo bixin jawaab xaqiijinaysa jirtaanka xorriyada go'aan qaadasho ama ikhtiyaar (free will) iyo sidoo kale in aannay jirin; sidoo kale borofaysor Dick Swaab buuggiisa "we are our brains", waxa uu kaga hadlayaa cutub dhan jiritaanka xorriyada go'aan qaadashada (free will) in kasta oo uu cadaymo badan soo qaadanayo oo uu ku diidayo jiritaanka xorriyada go'aan qaadashada, haddana doodiisa weli maaha mid lagu qanci karo ama dhammaystiran.



                             W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

Saturday, February 3, 2018

Xirida Maskaxda.

Adduunkan aynu ku noolnahay waxaa ka buuxo siro badan oo aan weli daaha laga qaadin, noolayaal iyo awooddo kale kuwaas oo innoo saameeya si kala duwan; waxaynu ku noolnahay adduun waxa aynu ognahay ay ka badan tahay waxa aynaan ogayn; adduun waxa ina saameynaya oo aynu ognahay ay ka badan tahay waxa ina saameeya oo aynaan ogayn. Adduun aan qofna sugayn qofka is-tagana, aadanahu uu halkiisa kaga tagayo, waa sababta aynu maalin walba u aragno dad maskaxdooda (intellectual) ka shaqaysiiyey oo daah furaya (discovery) noolayaal, awooddo iyo siro si kala gedisan inoo saameeya ama waxayba ogaadaan waxaynaan ogayn oo si toos ah ama si dadban u sameeye adduunkan aynnu ku noolnahay.
Haddii ay sidaas tahay waxa aynu taaganahay bilowga wadada aqoonta, aqoonta innoo kala sheegaysa waxa ina anfacaya iyo waxa halista ina ku ah ama halis ku ah adduunkan aynu ku noolnahay. Balse qarnigan kow labaatanaad oo aynu maanta joogno marka la barbar dhigo qarniyadii kowaad, labaad iyo saddexaad waxaad ogaanaysa in aynnu wax badan ka ogsoonahay dadkii noolaa qarniyadaa hore.
Dhowr qarni ka hor dadku waxa ay aaminsanaayeen in aannay biri duuli karin, balse taas waxaa la beeniyey marka diyaaradi duushay; diyaarada oo ka samaysan biro. Cumar binu Khadaab haddii maanta dib loo soo noolaysiiyo waxa uu la ashqaraari lahaa horumarka baaxada leh oo aadanahu gaaray. Hase ahaatee mar walba cilmiga waxa aynnu ka ognahay wax aad u yar; qofka wax akhriya, baadhaa ama wax dhigtaa baa ogaan kara in mar walba oo uu wax ogaado uu qofkaasi ogaado in aannu waxba ogayn. Eebbe baa inoo sheegaya in cilmiga wax yar la ina ka siiyey, waxa uu Eebbe aayad ku leeyahay:
وما أوتيتم من العلم إلا قليلا.
Hasa yeeshee horumarka aadanahu waa joogto. Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo baxaya wax cusub oo aan horay u jirin ama wax jiray oo wax laga beddalayo. Waxaana la keenayaa fikrado cusub; waxaana khadka laga saaraya fikrado duug ah. Waxaa is beddalaya cimilada adduunka, waxaa is beddel weyn ku imaanayaa dhulka, waxaa is beddalaya aqoonta dadka; waxaa is beddalaya waxa la xirto, la raaco ama la cuno. Waa tii uu lahaa abwaan Axmed Siciid "Tafe" oo saaxiibkii u jawaabaya:
Biraha moodharada ah, kolay ku tahay ama banaadiiqda 
Beryo wixii la haystoba, khalqigu wuu beddelayaaye.

Deegaanka qofku ku noolyahay waxa uu dowr weyn ka qaataa hab-fikirkiisa, hal-abuurkiisa iyo qaab nololeedkiisa. Haddii qofkaasi la yimaado qaab fikir ka duwan sida dadkaasi u fakaraan degaanka ku xeeran baa marna la safta qofka oo wakhti siiya, marna dadka caburiya qofka oo ku sheega waxan uu wado waxaan shar mooyee wanaag soo wadin.
Horumar dhaqaale, aqoon, fikir, xadaarad, hub iyo wixii la mid ah in la gaaro waxaa jira wax caqabad ku ah; waa caqabad wax walba oo dadkan anfacaya afka qabata inta ay qaban karto. Waa dadka qaarkii oo markaa awoodda gacanta ku haya ama bulshudu ku xiran tahay, kuwaas oo qof walba oo ka fikir duwan ama fikir cusub keena cunaha qabta, qofkaa fikirka keenayna dila, xira ama u hanjaba. Dadka qaarkii waxa ay ku doodaan in marka bulshadu wax qabantinto in sida looga beddela ay adag tahay. Tusaale ahaaan dhammaan ergadii uu Eebbe soo diray fariintii ay ula yimaadaan dadkii loo soo diray waa ku diidi jireen, waxayna noqon jireen qaar la dilo, la xiro ama loo hanjabo ka hor intaanay ka gudbin caqabadaa.
Qarnigii lix iyo tobnaad wixii ka horreeyey dunida reer galbeedka waxaa awood ku lahayd kaniisadda; kaniisaddaanna wax walba maamuli jirtay, loona dabo-fadhiisan jidhay. Tusaale ahaan haddii suunaami dhaco waxaa wax laga weydiin jiray kaniisadda, kaniisadduna waxa ay oran jireen sida caadada ah waa cadho Eebbe; haddii uu qof xanuusado kaniisaddaa wax laga weydiin jiray; kaniisadduna sidii caada ahayd waxa ay odhan jirtay waa imtixaan Eebbe, ee iska samir.
Waxaa kaloo jiray boqoro kaniisadda aan ka madax banaanayn oo lahaa awood; mararka qaarna waxaaba la gaarsiin jiray in la dhaho boqorka Ilaahay baa doorta. Kaniisadda oo wax walba xukunta oo awoodda oo dhanna gacanta ku haysaa baa waxaa soo baxay waxgarad badan iyo aqoonyahanno la yimid wax markaa ku cusbaa dadka, oo ah aqoon; ahaanna xaqiiqo iyo cilmi maanta la isticmaalo, hase yeeshee kaniisaddii waa u dulqaadan weyday waxayna kala hortimid dagaal aan kala joogsi lahayn.
Ummad aan gorfeyn iyo lahayn goobo, lagu doodo
Dhaqankeedu waa guul wadiyo, geeso wada fiiqe.
Cali Ileeye.

Qarnigii lix iyo tobnaad filosoofkii u dhashay dalka Talyaaniga Galileo kadib daabacadii buuggiisa "The Dialogue of the two world systems", waxa uu siday aragtida ah in dhulku qorraxda ku dul wareego. Balse wadaadadii wakhtigaas inta ay qabteen bay xireen waxa lagu khasbay in uu aragtidaa ka laabto haddii uu rabo in uu naftiisa badbaadiyo, waa uu yeelay, waxaanna uu yidhi: "sida kitaabka Eebbe ku qoran [Injiilka] ayaa sax ah, qorraxda ayaa dhulka ku dul wareegta, anigana shaydaan ayaa i duufasday oo wax hadalka Eebbe khilaafsan afka ii geliyey".
Filosoof Galileo waxa uu ahaa saynisyahan cilmiga xiddigiska iyo meerayaasha (astronomer). Cilmiga sayniska ee aadanahu ku tanaaday oo laa'intii horumarka aadaahu qabyo ahaan lahaa baa wakhtigaas ninkaa fakeray oo cilmiga xanbaarsanaa lagu lahaa ka noqo fikirkaas baadida ah, waxaad keentay bidco (heresy), lamana dhagaysanayn. Sidoo kale 1600-kii Giordona Brundo waxa uu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay aragtida Copernican view, inta la soo qabtay baa la xidhay waxaana lagu eedeeyey bidcinimo (Heresy) iyo caasinimo (impiety) waana la dilay.
Aqoonyahannadan labada ah keliya ma ahayn, sidoo kale waxaa dilal, hanjabaad, handadid iyo aflaagado la isugu daray aqoonyahanno kale oo wakhtigaas noolaa; halka qaar kalenna afkaar muhiim ah oo aqoon ah hayey iska haysteen lana dhinteen.
Filosoofkii Faransiiska ahaa Pierre Abelard baa ku calaacalay: "Allaa og inta jeer ee aan ku fekeray quus aan joogay, in aan ka qaxo dhulka masiixida, oo aan aado dhulka cawaanta si aan halkaa nabad ugu noolaado, jisyana isaga bixiyo, si aniga oo masiixi ah aan ugu dhex noolaado cadowga masiix".
Dhammaadkii qarnigii todaba iyo tobnaad iyo bilowgii qarnigii siddeed iyo tobnaad waxaa uu filosoforadii reer Yurub u ahaa qarnigii filosoofada (Philosophical movement), ama sida taariikhda u gashay qarnigii dhaqdhaqaaqii enlightenment waxa kaloo uu ahaa xilligii sababaynta (Age of reason) waxa xilligaas soo baxay raggii cuslaa ee aqoonyahanka ahaa, sida: John Locke oo loo yaqaan aabbaha libraaliyada (Father of liberalism) Locke waxa uu kamid ahaa raggii ugu cuslaa wakhtigaas, Descartes, Newton, Galileo, Giordona Brundo, Immanuel Kant dhammaan raggani iyo raggii la midka ahaa waxa ay diideen in la daba saocdo caadooyiinkii hore (Traditional) waxayna sideen fariin ah in wax walba la sababeeyo.
Filosoofer Immanuel Kant oo raggan culus ee isbeddalka Yurub ka dhaliyey kamid ahaa, ayaa qarnigii siddeed iyo tobnaad waxa uu qoray maqaal (Essay) uu kaga hadlaayey su'aasha waa maxay enlightenment/ what's enlightenment? 
Waxa uu ku sheegay in ay tahay qofku in u fekero si xor, isaga oo aan cabsi ku jirin, in uu ku dhiirado inuu xujayn karo, su'aalo la imaan karo qofku iyo IWM.

Dhowrkaa qarni oo aad loo cabudhinaayey, si toos ah iyo si dadban aqoonyahankii reer Yuhub qarnigii siddeed iyo tobnaad iyo kii sagaal iyo tobnaad oo ku beegnayd 1760-kii ilaa 1860-kii loollan dheer iyo dagaal u dhaxeeyey kaniisadda iyo aqoonyahanka waxaa guulaystay aqoonyahankii. Sababtanna Eebbaa innoo sheegay in waxa dadka anfacayaa ay waari doonaan, baaqina ahaan doonaan, halka waxa aan nafta lahayn si kasta oo uu awood u leeyahay laga guulaysan doono. Eebbe waxa uu aayad ku yidhi:
وأما ما ينفع الناس فيمكث في الأرض.
Wixii dadka anfacayana dhulkuu baaqi ku sii ahaan doonaa.

Guushii ay keeneen raggaas aqoonyahanka ah baa u horseeday maanta dunida Yurub inay ku noolaadan nolol aad u sareysa; nolol aqoomaysan; nolol dadku wada-noolaan karaan iyagoo kala aragti, diin, deegaan iyo dhaqan duwan. Caqligii markii la furayna waxaa soo baxay cilmiyo iyo horumar dhinacyo badan laga gaaray. Adaan ku weydiiyee: haddii laga guulaysan lahaa aqoonyahankii la cabudhinaayey, la dilaayey, loo diidaayey inuu fekero si uu cilmi bulshada ugu soo kordhiyo ama wixii aan cilmi ku dhisnayn khadka laga saaro, ma suurto geli lahayd horumarka maanta aadanahu ku tanaadayo?
Qarnigii sagaalaad laga soo bilaabo maskaxda muslimiinta waxaa lagu dhiirigeliyey in ay naqliga ka hor mariyaan maskaxda, maskaxdii muslimiintana quful baa lagu jabiyey, fekerkii iyo hal-abuurnimadiina baadi lagu tilmaamay, sidaas bay uga mid noqdeen duunyada kadib markii caqligii la xiray.
Laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa maanta waxgaradka iyo aqoonyahanka muslimku waxa ay ku noolyihiin cabsi. Waxaa la yaab ah marka laga yimaado dadka caadiga ah ee nolosha wanaagsan u raadsanaya dunida reer galbeedka in aqoonyahankii muslimku ee waaqicigoodu sareeyey laga baacsaday dalkoodii oo ay maanta masaafuris ku yihiin dunida reer galbeed. Kaaga darane waxa ay haystaan xoriyad ay kaga hadli karaan wixii ay rabaan! Soo cajiib maaha.
Dalalkoodiina waxaa loo diiday in ay fekeraan, hal-abuur cusubna la yimaadaan. Waxaa lagu addoonsaday inay Shaafici, Maaliki, Ibnu Taymiya, Maxamed Cabdiwahaab, Xanbal, uu ku ekaa xilligii caqligu, ayna waajib tahay in raggaas qaabkii ay wax u fahmaan loo fahmo, diinta loo qaato, caqligana loo adeegsado in raggaas lagu raaco; caqliga iyo naqligana uu horreeyo naqligu.
2-December-1949-kii waxaa la dilay asaasihii ururka ilaa maanta jira ee Ikhwaan Muslimiinka Xasan Al-Banna, Xasan markaa la dilayo waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aqoon iyo firfircooni ku jirtay; Sayid Qudbi oo ay saaxiib ahaayeen waxna soo wada barteen Xasan Al-Banna oo ahaa mufakir: dood, qoraal iyo cilmi baarid ku xeel dheeraa, laguna tilmaami jiray in uu safka hore kaga jiro aqoonyahanka qalinkiisu, qoraalkiisu iyo doodiisuba ay samayn leeyihiin, waxaa la mariyey afkaartiisa awgeed xarig, jirdil iyo ciqaab aan yarayn.
Sayid Qudbi waxa uu ahaa aqoonyahan kulmistay labo cilmi: diini iyo maadi, taa waxaa u raacday in uu kulmistay labo xadaaradood iyo labo deegaan oo aad u kala dhaqan, dabci, aqoon, fikir, siyaasad iyo dhaqaale duwan waa dalkiisa hooyo ee Masar iyo weliba dalka Maraykanka uu waxbarasho u aaday sannad ka hor dilkii aqoonyahankii ay saaxiibada ahaayeen ee Xasan Al-banna; Qudbi markii uu soo noqday dalkiisa hooyo waxa uu la kulmay bahdil, xadhig iyo ciqaab uu kaa kulmay jeelka.
Toban sanno in ku dhow oo uu xirnaa, sii dayntiisa kadib waxa uu qoray buugga marka labaad uu jeelka u galay ee naqdinaya qaab bulsheedkii dunida muslimka ah, waa buugga: "Macallim cala Dariiq". Sayid Qudbi aakhirkii waa la dilay. Qoraaladiisa cadhada, ciilka ay ka muuqato dadka qaarkii waxa ay u sababeeyaan silicii uu kala kulmay jeelka.
Labadan nin keliya ma ahayn boqolaal aqoonyahan baa afka la qabtay, kuwo kale waa la xidhay, kuwa kale noloshooda caadiga ah bay iska wateen iyagoo duruufaha qaar oo jiray tixgelinaya.
Qarnigii labaatanaad markii ay uu soo baxay khadka wax lagu daabaco dalka Sacuudiga waxaa laga soo saaray fatwo lagu xaarantinimaynayo khadkaas, iyadoo ujeedku ahaa in ay khaldayso daabacada quraanka; tan keliya ma ahayn ee wax walba oo horumar oo la gaaray dunida muslimiinta waxa ay ka ahayd xaaraam iyo waxaan diintu oggolayn. Dadkana waxaa loogu sheekayn jiray welina loogu sheekeeyaa gaalo adduun baa la siiyey, muslimna aakhiro. Ninka sidaas leh waxa uu rabaa inuu diin faafiyo, adaan ku weydiiyee nin leh sawirku iyo kaamiradu waa xaaraan wax ma sheegi karaa nin dayax gacmeed sameeyey, diyaarado aan cidi wadin soo saaray, gujis badda hoosteeda maraya wata?!
Ma jiro maanta hal wadan oo muslim ah oo adduunka: waxbarasho ahaan, akhris ahaan, qoraal tayo leh ahaan, warbahin ahaan, wax-soo saar ahaan iyo hub ahaan safka hore kaga jira, Turkiga oo Yurub ku yaala oo xoogaa dedaalaya marka laga yimaado dhammaan dunida muslimka ah qafil baa lagu jabiyey maskaxdii muwaadiniinta muslimiinta.
Waxa ay ahayd kitaabka Bukhaari in aynu ku dhaqano, balse sida bukhaarka adduunka ula tartano. Balse taasi ma dhicin, oo weli waxa aynnu noolnahay nolishii baadiyaha ee uu noolaa Bukhaari. Dunida muslimka maanta waxaa ka jirta jooji fekerka, ha isweydiin wax su'aal ah, dhagayso oo adeec. Inta la ogyahay quraanka iyo xadiiska nebiga (SCW) baa waxyi ah oo qofka wax ka qaadan karaa, qarniyadaa aynu soo tilmaanay waxaa soo biiray caalim hadalkii in laga dhigo wax lama taabtaan ah oo ay tahay in sideeda loo qaato. Iyada oo taa laga duulayo dunida muslimka waxaa waajib lagaga dhigay inaanay idhohooda quraanka ku fahmin, balse qaabkii Ibnu Taymiya iyo Maxamed Cabdiwahaab iyo caalimiintii la midka ahaa ee ay wax u dhigeen in sideeda loo qaato.
Dhibta ugu weyna waxa ay timi, marka fikirkii raggaas ee diinta laga dhigay la keenay dalal ay ku noolaayeen dal si walba uga duwan oo laga dhaqan geliyey. Waxaa kaloo la soo raray qaabkii ay diinta u fahmeen. Maanta dunida muslimka ah waxaa ka jirta: sidaa diinta u fahan, su'aalahaasi waa xaaran ha isweydiin, waxaas iyo waxaas ha ka hadlin, waxaas iyo waxaas waxba ha ka baadhin, sidaa u soco, sidan u qosol, sidaa wax u arag, waayo dhammaan sidan waxaa wax u arkay culimo noolaa qarniyadii dhexe.
Taasi waxa ay keentay in maanta dunida muslimka keli keli iyo si jamac ahba looga baxsado oo la aado dunida reer galbeedka. Waayo qofku dabeecad ahaan kuma noolaan karo meel afka la is-hayo, maskaxda loo diiday in ay fekerto, oo aannay ool wax xoriyad ah. Dhibta ugu weynina waxa ay ku dhacday aqoonyahankii yidhi, sidan laga wanaagsane aynu adduunka la tartano oo wax iska beddalno. Qofna loo sheegi maayo waxa ku dhacaya Salmaana Cawda, in uu ku noolyahay xaalad aad u adag, xoriyadiisiina laga qaaday. Muffakar Cabdiraxmaan Bashiir in aannu soo booqan karin dalkiisa. Boqolaal kale baa masaafuris ku jooga dalal aan dalkoodii ahayn.
Hadraawi baa laga hayaa:
Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli.

Soomaaliya oo ah dalalka ugu badan ee afkaaraha diinta lagu tijaabiyo aqoonyahankii fekeraayey in uu joogo ma soo dhowaan, kii baacsadayna isna intuu dunida u baxay buu halkaa ka bilaabay inuu ka wado maskax xirida. Xaqiiqdii xaalad adag baynu ku jirnaa, xaalad maskaxdeenii la xiray, oo aynu la dhibtoonayno afkaaro niman dhintay oo diin la inoo ka dhigay oo aan oggolayn wax horumar. Guud ahaan maanta waxaa la maraya in shay walba wax lag waydiiyo nin masaajid fadhiya oo aan warba ka hayn adduuunka iyo halka la isla marayo. Haddii dawlad la rabo in la dhiso isaga la weydiinayaa isaguna qar buu la qarda-jeexayaa, haddii dawlad burburto isaga la weydiiyaa isaguna isma beddaee hal jawaan buu bixiyaa, haddii waddo la dhisayo isagaa loola tagaa, isaguna waxa ku jawabaa sidii ay la tahay. Soomaali iyo guud ahaan dunida muslimka ah waxaa la wadaa dhisida masaajid aan la garanayn sababta loo dhisay iyo baahida cida loo dhisay. Dadka waxaa loo dhisaa masaajido iyagoo aannan haysan waxbarasho tayo leh, waxaa loo dhisaa masaajid iyagoo aannan haysan maktabad buug tayo leh yaalaan, waxaa la dhisaa masaajid iyadoo ay dhisan yihiin masaajido tiro beel ah.
Xaaji Aadan Af-qalooc baa Soomalida ka yaabay, sida ay nolsosha gunnimada ah u doorteen, oo aynaan marnaba la tartamayn aadanaha, gabay uu tiriyey Xaajigu baa waxaa ku jirtay:
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone 
Dunjigii Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane 
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw iskama daayo 
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey?
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya.






                        W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

                                          Hargeysa, Soomaalilaan


















Wednesday, January 31, 2018

Soomaaliyey Taariikhda Cashar Ma Ka Baranaa?

Taariikhdu iyadaa cashar kuugu filin, waa haddii aad wax ka baranayso, caqligaaguna qaadanayo casharadaa. Waxaad ka qaadan kartaa waayo-aragnimo iyo xigmado aan adiga kugu dhicin. Balse ku dhacay dad adiga ka horreeyey. Sababtu waxa ay tahay in taariikhdu ay sideeda isku soo celiso, oraahdii Eduardo Galeano waa tii ay ahayd: History never really says goodbye. History says, 'See you later.'
Markii Nebiga (SCW) Eebbe soo diray fariinta waxa uu ka bilaabay magaaladii uu jeclaa, waa Makka; waa magaaladii looga yaqiin aamiin, run sheege iyo akhlaaq wanaagga. Goortiise uu ula yimid dadkii reer Makka wax ku cusbaa, welibana u diidiya waxii ay caabudi jireen aad bay uga horyimaadaan.
Haddii uu dacwadii sii waday, waxaa bilowgii rumeeyey dad aad u yar, in kasta oo nebiga (SCW) la dhibay oo si toos ah iyo si dadba wax looga sheegay, haddana la iskuma deyin in nafta laga qaado sababtuna waa qabiilka uu ka dhashay nebigu (SCW) oo awood ku lahaa Makka. Balse dadkii looma ooyaanka ahaa markii ay rumeeyeen Ilaahay, dacwadii nebigana soo dhoweyeen waxaa lagu amray in ay ka noqdaan; wixii ka noqday mooyee wixii kale aakhiray iska aadeen; qaar badana lamaba oran diinta cusub ee aad qaadateen ka noqda, waa la dilay. Sababta sidaas dadkaa masaakiinta ah loogu sameeyey waxa ay ahayd in lagu bajiyo nebiga (SCW) iyo cid walba oo maskiin ah oo rumaysa.
Waxyar kadib waxaa nebiga Makka, inta aannu ka haajirin rumeeyey qabiilada laandharaha rag ka soo jeedey oo aan lagu dhici karin, sida: Cumar binu Khadaab iyo Xamse oo nebiga adeer ugu beegnaa dagaalkii Uxidna uu dilay nin xornnimo loo ballan qaaday. Waa ninkii madoobaa, waa ninkii la odhan jirey Waxshi. Nebiga (SCW) intii rumaysay baa aad uga gilgishay dilka, hanjabaada, aflagaadada iyo bahdilka lagu hayo markaas bay damceen in ay dagaal qaadaan, Ilaahay baase jawaab siiyey, wax aannay ogayna u sheegay, asxaabadan iyaga waxaa u muuqday wax iska dhiciya, balse kama fekerin mustaqbalka, waxa ay ku fekereen rag iska dhiga, balse isma oran horta ma leedihiin awood dhaqaale, ciidan iyo deegaan; waxay ka fekereen maanta iyo berri. Ilaahay baa aayadan ku soo dejiyey nebiga (SCW) isagoo ku amraya nebiga iyo intii raacday in ay gacmaha laabtaan oo aannay wax dagaal ah qaadin, ayaada waxa ay leedahay:
ْ كُفُّوا أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ ..
Sidaas waxaa loo lahaa in mustaqbalka wax jira baannay aqoon u lahayn. Sunnaha Eebbe kownkan u dhigay baa ah, in aan laga dheerayn ee sida ugu habboon isbeddal lagu abuuro, ee aannay ujeedku kaa noqon maantaanu nebi helnay aynu boodna siiro ilaa boqol (Zero to hundred); maantaynu helnay madexweyne daacad wax walba maalin ha ku xaliyo. Waxaa sidaa loo leeyahayna bulsho haddii la rabo in isbeddel lagu sameeyo wakhti bay qaadataa. Waayo bulshadu waxa ay qabatinto in si dhibyar looga beddalaa aad bag u adagtahay.
Marka nebi la soo diro, sida Eebbe innoo ka warramay bulshadaa markii uu la doodo oo u soo bandhigo daliil iyo cadayn waxa ay ku oran jireen bulshadaasi nebigaas:
قالو وجدنا اباءنا 
waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaayashayo.

Sida aayad ku cad, macna ahaana waxay gudbinaysaa waxan keliya waxa aannu u haysanaa waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaashayo, sax iyo khaladba. Adigu hadda diinta islaamka oo aad aaminasantahay ma ka tegi kartaa? Diinta garashadaada iyo qanaacadaada kuma qaadan, ee waxaa ka qaadatay hooyada iyo aabbaha iyo weliba deegaanka aad ku nooshahay. Dadkuna waa sidaas. In bulsho la beddalaa waa arrin aad u adag.
Muddo kadib waxaa dhacay dagaalkii Beder, ka gadaal Uxid. Isku soo bax ay isku soo baxeen ciidamadii uu nebigu (SCW) hoggaaminaayey iyo ciidamadii Makka ka yimid, wahadal kadib waxaa la soo fadhiisatay miiska wada-hadalka; heeshiis in la kala qorto baa lagu heshiiyey, nebiga waxaa heshkii uu qoraayey Cali binu abii-daalib, waxa uu qoray magaca nebiga, markaas baa qorayshi tidhi tirtir annagu uma naqaan nebiye, cali wuu diiday waxaana gacantiisa ku tirtiray nebiga (SCW).
Qodob heshiiskaas ku jiray baa lahaa: "muslimiinta qofkii ka soo baxsada la soo celin maayo, balse annaga [gaaladii] qofka naga soo baxsada waa in aad noo soo celisaa Maxammadow". Nebigu waa yeelay. Waayo nebigu kama fekerin maanta iyo berri, ee waxa uu eegayaa mustaqbalka fog. Taariikhyanadu waxa ay sheegaan in heshiiskaasi uu u janjeedhay dhinac, weliba dhinaca qoladii nebiga ka soo horjeeday. Balse nebigu ma eegin waxa markaa dhacaya ee waxa uu fiiriyey waxa mystaqbalka imaan doona.
Intiina taariikhda haysaa waad ogtihiin in dadkii markii ay is-dhex galeen, diintii faaftay, dad badana ku qanceen in diinta nebi Muxammed (SCW) wadaa ay tahay diin xaq ah oo aannay ahayn qof iska hadlaya. Ugu danbayn heshiiskaasi waxa uu sababay in muslimiintu sii wataan guulo, balse heshiiska nebiga iyo raggii ka soo horjeeday waxaa ka niyad jabsanaa rag badan oo ku jidhay safka nebiga (SCW). Nebiguse maanta iyo berri kama fekerin.
Awooddii Tataarka waxa ay ahayd awooddii keli ahayd oo adduunka soo marta oo labo sanno guduhood ka qubsata dhul aannay dawlad horteed timidna ku qabsan, mid ka danbaysayna aannay samayn. Dawladdii iyo khilaafadii Islaamka inta ay jabisay, bay ku tumatay dhulkana la sintay. Hoggaamiyihii Tataarka Kinjiskhaan waxa uu falay wax aannu falin hoggaamiye hortii iyo gadashii ay awooddi waayeen. Bulshadii ay qabsadeen oo ay ku jirto muslimiintu markii danbe waa ka faa'idaysteen, iyagoo eegaya mustaqbalka fog, ee aan eegayn maanta iyo berri. Waayo isbeddalka laguma dhiso caaddifad iyo waan awoodnaa.
Dawladdaha casriga ah ila eeg; dagaalki labaad waxaa lagu jabiyey awooddii Jarmalka, waa awooddii aan u naxariisanayn adduunka, wax wadan ah oo ay tixgelinaysay ma jirin, dal walbana fartay ugu yeedhay. France wixii ay dhigtay lama amaanin, Ingiriisku maskaxda ha isticmaalee waxii france ku dhacay waa ku dhici lahayd, haddii aannu caqliga ka shaqaysiin. Yurub guud ahaan Jarmal uma nixin. Awoodda baaxadaas leh baa dagaalka lagu jebiyey; afartii dal ee ku guulaystay dagaalka waxa ay cuna-qabatayn ku soo rogeen dalalkii dagaalkaas laga guulaystay, Jarmalka cuno-qabatayn waxaa u raacday in loo kala qaybiyey labo qaybood, derbigii caanka ahaana la kala dhexdhigay. Isma adkayn ee waa u hoggaansatay, wixii loogu taliyey, kamana fekerin maanta iyo berri, waxa ay ka fekereen mustaqbalka fog. Jarmal waxa uu uruursaday reer Yurub waxa uu dhegta ugu shubay walaalahu meel ma kal tagaan iyo adduunka cidii is xigtaa iyadaa isku tola, ee aynu is uruursano; cadowgeennu waa Maraykan, China Iyo Ruushka, isagoo taa wada bay haddana jabiyeen darbigii la kala dhexdhigay, halkaasna waxa ay ku noqdeen dal qudhah. Jarmalka weyn (Great Germany).
Maanta Jarmalku waxa uu ka dhaqaalo badan yahay afartan dal in kabadan, caalamka waxaa loo daabulaa waxa uu soo saaro: wax la cuno, wax la raaco iyo wax la gashto. Hubka uu Sacuudiga ka iibiyo waxa lagu qiyaasay 550 milyan, in uu ka faa'ido, Waad xusuusataa markii Iiraan heshiiska lala galaayey golaha shanta ah ee ammaanka ee qarammada midoobay, oo kala ah: Ruush, China, France, Ingiriis iyo Maraykan waxaa lix lagaga dhigay Jarmalka. Hadda waxa la wadaa qorshe ay iyadu dabada ka riixayso oo ah in goloha ammaanka la kordhiyo, Yurubna iyada loogu daro. Midowga reer Yurub iyada ugu cadcad, dhaqaale ahaana adduunka wadanada ugu horreeya bay ku jirtaa. Mustaqbalkay ka fekereen reer Jarmal maanta iyo berri kama fekerin.
Jabbaan waxa ahayd awood mar adduunka amarkeedu ka socday, waxa ay xulufo ahaayeen Jarmalka; dagaalkii labaad ee adduunka Jarmal ha la jabiyee Jabbaan waxaa u raacday xasuuq kii ugu xumaa ee adduunka ka dhaca, waxaa lagu tuuray hubka ba'an ee wax gumaada, markaas baa la qabsaday oo sidii doono laga yeelay iyada oo aan loo naxin. Gabdhahoodii baa la kofsday, raggoodii baa la laayey, khayraadkoodii baa la qaatay iyagoo u jeeda. Waxaa lagu soo rogay cuno-qabatayn ilaa maanta saaran. Jabbaan isma dhiibin ma calaacalin, wixii loogu taliyey bay yeeleen hawshoodana waa iska wateen. Waxayna la noolaatay, la saaxiibtay, wax badana u oggolaatay dalkii xasuuqii ugu xumaa u gaystay. Qarniyo kadib maanta waxa uu kamid yahay waddanada ugu waxbarashada wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada ugu dhaqaalaha wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada waxa ay soo saara kuwa ugu tayada wanaagsan; Maraykanka dadkiisa baa isugu faana badeecada Jabbaan; go'aanada ay gaarayso qarammada midoobay lama dhaafiyo Jabbaan; Jabbaan dadkeedu mustaqbalkay ka fekereen ee kama fekerin maanta iyo berri.
Yuhuuddu mar baa dhiigoodu xalaal ahaa, mar baa lagu udhuudhin jidhay xerooyinka qaxootiga, mar baan loo oggalayn waxbarasho nooc walbay tahay; mar baa nolosha laga la dagaalami jidhay, maanta adduunka horumar dhan walba ah bay Yuhuud ka gaareen. Yuhuudi maanta iyo berri kama fekerine, mustaqbalkay ka fekreen. Waxa ay la noolaadeen dadkii iyo dalalkii nolosha kala dagaalamayey. Maanga ma sheki baa kaaga jira awoodda yuhuuda? Carabtii inta ay ka yaabeen awoodda maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa ee Yuhuuda bay Xaramaka kasoo dhex habaareen; qaarkii aan habaarka garanayna iska ooyeen.
Soomaaliya iyo Itoobbiya waxaa ka dhaxeeyey xiriir aan marnama wanaagsanayn. Afar hoggaamiye oo kala ahaa: boqor Negus Yeshaq, boqor Menelik, boqor Xalyse Salaase, boqor Xayle Maryam afartan nin iyo kuwii ka danbeeyey waxa ay si toos iyo si dadban u sheegeen in aannu jirin wax qaran ah oo leeyihin Soomaaliya; dagaalo badan bay dhammaan madaxdii Itoobbiya ku soo qaadeen dhulka Soomaaliyeed iyagoo ku doodaya in ay Soomaali ka tirsan yihiin dhulwaynaha Itoobbiya. Boqor Xayle Salaase waxa uu yidhi: "We do not believe that Somali state can be viable stand alone". Tan iyo qarnigii shan iyo tobnaad Itoobbiya waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay in ay adduunka ka tirtirto wax la dhaho dal Soomaaliyeed.
Itoobbiya gobol bay Soomaliya ka haysata, Soomaliyana dagaal toos ah iyo dagaal af ahba waxa u gashay sidii ay Itoobbiya uga qaadi lahayd gobolkaas ay xoogga iyo xaqadarrada ku haysato. Nasiibdarrose markii hoggaankii taliskii Siyaad xumaaday Itoobbiya waxa ay marti gelisay jabhado kala qorshe iyo kala aragti duwanaa, ugu danbayna waxaa suurto gashay in laga guulaysto dawladdii uu hoggaaminaayey Jalle Siyaad Barre.
Ha laga guulaystee Soomaali waxa ay gashay burbur iyo dagaal sokeeye oo dabo-dheeraday (Prolonged civil war), kaas oo sababay in qabiilada Soomaali ay aad isku nacaan, kalana aamminaad baxaan; dawlad walba oo timaada qofkii doonaa, ha hoggaamiyee kalskoni lama siin, cuqdad bayna kala qaadeen. Qabiil walba gobolkii u badnaa buu dawlad ka samaystay; calan, dastuur iyo madaxweynena waa yeesheen; halka Waqooyi uu ku dhawaaqay in ay ka go'een jamhuuriyaddii Soomaaliya. Soomaaliya god bay gashay, dadkeedaana geliyey.
Dawladdaha reer galbeed iyo kuwa bariguba oo awalba diidanaa awoodda Soomaaliya burburkeedii danba kama gelin, waxaana macquul ah in ay ka qayb qaateen burburintii dawladdii dhexe ee Soomaaliya; cadow kala xune, kalana arxan darane, kalana soo jireensane, kalana qorshe foge, kuwaa jabkeenaasi guul iyo gobonnimo u ahaa.
Waraabaha ku ruugiya iyo, aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid.

Abwaan Dhoodaan.

Itoobbiya jabkii Soomaaliya waa ku faa'iday ka sakow in ay xalisay khilaafkeedii gudaheeda, kama suulin in ay samaysato rag ka soo jeeda gobolkii Soomaaliya ka maqnaa. Qorshe kaa fogna waa la hayde, waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in ay hesho marmarsiiyo ay Soomaaliya ku gasho oo ay dagaal ku qaado, arrintaas waxa fududeeyey kooxaha diinta (Radical Islamist), welina suurto gal ka dhigay in Itoobbiya si xarago ah ku joogto dalka Soomaaliya.
Qofka Soomaliga ah waxaa hagta shacuurta (Emotional) maalinta uu qabo, tusaale ahaan, ninku haddii uu nin saaxiib dhab ah la yahay inuu xiriirka qofka u jadho waxa ay ku xirantahay in ay isku dhacaan dabeedna uu xiraarkaas baabbi'iyo; naagta la qabo si walba oo ay xiriir wanaagsan ula leedahay ninkeeda iyo carruurteeda in ay xiriirkaa wanaagsan baabbi'iso waxa ay ku xirantahay in lala guursado. Waayo qofka Soomaaliga ah kama fekerayo mustaqbalka. Soomaaliya iyo Itoobbiya maqaadiirta is-baday; sida Itoobbiya iyo Soomaaliya isku yihiina waa sida aad adiga iyo sankaagu isku tihiin, sankaagu hadduu qurmo miyaa iska jaraysaa mise waad nadiifin? Waxaan filayaa in aad adiga oo madaxa ruxaya aad leedahay waan nadiifin!
Itoobbiya xaqiiqdii waa ka dad badan tahay Soomaaliya tobbanka sanno ee soo socda waxaa lagu wadaa in dadkeedu ay gaaraan boqol iyo soddon milyan in ka badan, bad ma leh Itoobbiya; halka Soomaaliya ay Itoobbiya ka dad yartahay leedahayna xeebta Africa ugu dheer. Khayraad ahaan Soomaaliya waa dal qaniya, balse maskaxda Soomaligu waa mid faqiir ah, waana maalin la noole. Dalkeennu waa burburay, dadkeenuna waa burbureen. Dhowr iyo labataan sanno oo aynu Soomaaliyey dagaal iyo khilaaf siyaasadeed ku jirnay Itoobbiyana waxa ku socday dhisme dhan walba ah.
Gobolkii in ka maqnaa iska daaye, maanta iyadoo Itoobbiya munaafaqadanaysa baa ay Soomaali qabiilqabiil iyo gobolgobol u maamushaa, guud ahaana Soomaali ugu talisaa. Dekada Berbera oo Imaraat dhisayo baa saami laga siiyey, dadka qaarkood qiil bay u raadiyeen, balse xaqiiqadu waa in Itooobbiya aan gorgortan la gelin karin saamigeeda; Qalbi-dhagax baa loo gacan geliyey, wiil Soomaali ahna safiir ba ay u soo magcaabeen, waxaas oo dhan miyeynu ka calaacalnaa mise taariikhda baynu cashar iyo ximad ka baranaa?
Horta waa mare, wiil la soo magcaabay gobol ina ka maqan xalaalayn maayo, diintuba maydka waa kuu xalaalaysay haddii aad nafta ku badbaadinaysid. Innaguna mayd waxba ma dhaanee, gobol xoog la ina kaga haysanayo waxa uu ku egyahay inta ayny innagu isdhisayno: dad iyo dalba. Waa mar kale ahe Itoobbiya ma khiyaamayn kartid wax walbana waa ogtahay nin dadkeeda weerar ku hayaa oo dagaal ku wada in Soomaaliya marti geliso waa burbur hor leh, waayo waxaad wax marti gelin kartaa marka aad adigu awood leedahay. Itoobbiya si fiican bay Soomaaliya u kala taqanaa, dabo-dhilif Soomali ahna waa samaysteen dalkaagana xaafad xaafad bay u kala barteen. Qalbi-dhagax waa nin halgamaa ah, balse qarnkeena ka weyn, Itoobbiya haddii aad u gacan geliso nin amni darro ku haya waxaa kula gelaysaa heshiis ah in ay munaafaqada kaa daayaan, oo dalkaaga kuu nabad geliyaan. Balse Qalbi-dhagax waa halyey maxaa loogu gacan geliyey, horta awood ma leedahay? Soomali caadifad dad iyo dal laguma dhiso. Soomali kacaay dal laguma dhiso.
Adduunka cashar baynu ka baran karnaa, casharkaas oo aynu Itoobbiya wax badan u samayn karno innagoo eegayna mustaqbalka fog, Itoobbiyana ay ina kaga dayso munaafaqada qotada dheer, waayo wax badan haddii aynu maanta uga tanaasulno maaha in aynu siinay, ee waa in aynu isdhisayno; dad iyo dalba. Soomli ma maalin baynu la noolanaa mise mustaqbalka bsy ka fekernaa?






                           W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

Friday, January 26, 2018

Dooda Jinka.

Dooda Jinku waa dood in badan soo taagnayd, welina taagan, aqoonyahano badana ay isku khilaafeen; kuna kala aragti duwanadeen. Dooda Jinku waxa ay ka bilaamataa: horta Jinku ma jiraa? Haddii uu jiro maxaa laga abuuray? Jin iyo Shaydaan maxay kala yihiin? Shaydaan iyo malaa'ig maxay isku yihiin? Jinku ma dhalaa? wax ma cunaa? ma cabaa mase dhintaa? Dadka miyuu galaa? Ujeedka uu u galo waa maxay? miyeysa is guursadaan Jin iyo dad? haddii ay is guursadaan ma is gayaan? haddii ay is gayaanse carruur noocee ah dhalaan?
Su'aalahaa iyo kuwo kale ba waxaa ka taagan dood; qoraalkan baan rabaa inaan ku dul istaago doodaa ku saabsan jinka.

Ugu horreyn jiritaanka jin aad baa loogu kala aragti duwan yahay, saynisyahanno badan waxa ay ku tageen in aannu jirin wax jin la dhahaa; qolo kale oo waxa ay qabaan waxa jinka lagu sheego inuu yahay waxa sayniska casriga ah uu daaha ka qaaday oo ah jeermis ilma-aragto ah oo nool. Filosoforo badan baa qaba in jinku yahay xumaanta qofka naftiisu samayso; halka malaa'igtu tahay wanaagga qofka naftiisu samayso. Balse aannay jirin wax qoom ah oo jin la dhaho iyo sidoo kale wax malaa'ig la dhaho.
Qolooyinka diimaha samaawiga ku abtirsada qaar kamid ah baa iyana diidan jiritaanka jinka. tusaale ahaan qolo kiristanka kamid ah baa qaba in waxa jin la dhahaa uu yahay ruuxda meerayaasha. Muslimiinta qayb kamid baa iyana qaba in aannu jirin wax jin la dhaho, waxaanna kamid ah Jahimiya iyo muctasilah. waxa ay diideen jiritaanka Jineed, sidoo kale waxaa iyana diiday qayb kamid ah Yahuudda. Balse inta badan dadka ku abtirsadaa diimaha samaawiga ah waxa ay aaminsan yihiin jiritaanka jinka.
Dr-Mohommed al-Bahiy waxa uu qabaa in jinka iyo malaa'igtu ay isku mid yihiin oo aannu u dhaxayn wax farqiya. Dr-Mohammed is ka qarinta iyo in aan dadku arkin buu sabab uga dhigayaa in ay yihiin nooc isku mid ah.
Diinta Islaamku maxay ka tiri jinka?
Diinta Islaamku waxa ay xaqiijisay jiritaanka Jinka. Balse si faahfaahsan uga ma ay waramin. Waxaadna moodaa in diinta qaabka ay uga hadlayso: jinka iyo shaydaanka ay tahay duuduub ku laq. Aayado dhowr ah baa xaqiijinaya jiritaankiisa, waxa ay soo qaadan karnaaa:
قُلْ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ اسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ الْجِنِّ فَقَالُوا إِنَّاسَمِعْنَا قُرْآنًا عَجَبًا. 
Diinta Islaamku waxa kaloo sheegtay ujeedka loo abuuray oo ah cibaado; jinkuna uu la mid yahay dadka, mid Eebbihii caasiya iyo mid raacaba oo diintiisa qaatana uu leeyahay.

وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون.
Diinta Islaamku waxa kaloo ay qabtaa in jinka ay arkaan eygu iyo dameerku; halka diigu uu arko malaa'igta, waxaana jira xadiisyo dhowr ah oo sheegaya arrintaas. Balse qofka fekerayaa waxa uu isweydiin karaa: maxay tahay xigmada Eebbe ka lahaa in uu jinka awood u siiyo inuu iska qariyo dadka; halka dadku aannay awood u lahayn inay arkaan jinka? Maxaa macno ah oo ku jira is qarintiisaas. Diinta Islaamka waxa kaloo ay qabtaa sida xadiisyo badan sheegayaan in jinku iska dhigo wixii uu rabo, balse arrinta laftirkeeda diintu si faahfaahsan ugamay hadal, waxaana ka dhalanaya su'aalo dhowr ah: maxay tahay xigmada ku jirta in jinku uu iska dhigo waxa uu rabo? Maxay tahay ujeedkii Eebbe ka lahaa inuu jinka awood u siiyo inuu iska dhigo waxa uu rabo? Maxaa lagu cadayn karaa in abees walba aanay ahayn jin ama abeesada abeesada ah iyo abeesada jinka ah maxaa lagu kala garanayaa?
Jinka maxaa laga abuuray?
Diinta Islaamku waxa ay qabtaa in jinka laga abuuray dab holcaya, oo aan lahayn wax qiiq ah. Waxaana sidaa sheegaysa aayadan:
وَالْجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ السَّمُوم.
Su'aasha ugu badan ee ka dhalatana waa: sidee dab loogu cadaabayaa jin oo ka laga abuuray dab. Waaba haddii la cadaabee! Jawaabta haddii si caqliya loogo jawaabo waa: adigaba markii ugu horreysay waxaa lagaa abuuray dhoobo, hadda siigada, dhoobada, ciida iyo niistuba naftaada waxay gelin karaan halis; aan soo dhoweeyo aadanaha waxaa laga abuuray markii kowaad dhoobo. Balse abuuritaankiisa kadib waxa uu noqday wax kale oo jidh iyo lafo is haysta. Jinkuna waa la mid. Haa, asal ahaan dab baa laga abuuray. Balse hadda sida dadku dhoobadii kadib wax kale u noqdeen baa isna u noqday wax kale.
Ma isku mid baa jinka iyo Shaydaanku?
Inta aan la gaarin jinka iyo Shaydaanku ma isku mid baa? Shaydaan laftarkiisa waxaa ka taagan dood aad u xoogan. Aqoonyahanno badan baa qaba in Shaydaan uu ahaa mid kamid ah malaa'igta, weliba kuwooda ugu sareeya. Doodoodana waxa ay ku xoojinayaan aayadda oronaysa:
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُواْ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآإِبْلِيسَ أَبَىٰ وَٱسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِين
Markii aannu ku nidhi malaa'igta u sujuuda Aadam, waa sujuudeen [Malaa'igtii] marka laga reebo Ibliis, waa diiday [Ibliis] wuuna isweyneeyey waxaana kuwa gaaloobay mid kamid ah.
Aqoonyahanada ku doodaya in shaydaanku uu ahaa malaa'ig waxa ay leeyihiin aayadan baa muujinaysa in shaydaanka uu ahaa malaa'ig, diididda uu diiday isagoo keli ah baa keentay in magaciisa laga xuso malaa'igta kale oo dhammaan malaa'igtii waa yeeshay. Balse isaga oo ahaa malag baa diiday. Ibnu Kasiir waa uu ka gaabsaday inuu shaydaanka meel raaciyo waxa uuna hadalkiisa ku soo koobay: "... Eebbe og tan ugu wanaagsan ee uu shaydaan yahay".
Aqoonyahanno ka aragti gedisan kuwaa hore baa iyana qaba in Shaydaan uu kamid ahaa jinka; waxayna doodoodu ku xoojinayaan aayad quraan ah oo Eebbe ku leeyahay:
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُواْ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآإِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ...
Markii aannu ku nidhi malaa'igtii u sujuuda aadam waa u sujuudeen marka laga reebo Ibliis, waxa uu kamid ahaa jinka.
Doodan qolodan danbese waxaad moodaa in ay su'aalo dhowr ahi ay ka dhalanayaan, kuwaas oo ah: maxaa shaydaanka isagoo jin ah la dejiyey malaa'igta? Maxay tahay xigmadii ku jirtay inuu kamid noqdo malaa'igta? Haddiise uu Eebbe shaydaan shahwad ku abuuray sidee buu ula joogay malaa'igta oo aan labnna ahayn dhedignna ahayn? Ma shaydaamad dhedig/jin ah baa la joogtay?
Su'aashii kore oo ahayd ma isku mid baa jin iyo shaydaan aynu u soo noqono. In kasta oo dood xoogan ay ka taagan tahay: Shaydaanku ma malaa'ig baa mise waa Jin? Haddana bal aynu isla eegno dood kale oo ah: Jinka iyo shaydaanka.
Qalooyinka ku dooda shaydaanku jinkuu kamid yahay, waxa ay soo daliishadaan aayada oronaysa: كان من الجن. Waxayna qabaan inuu yahay qayb jinka kamid ah oo falaagowday; lab iyo dhedigna leh. Balse kama jawaabin su'aalo door ah oo arrintan khuseeya, aayadaha sheegaya in shaydaan uu kamid ahaa jinna si faahfaahsan ugamay hadal. Tusaale ahaan maxay kala yihiin Shaydaan iyo Jin? Kama jawaabin su'aashan. Sidoo kale waxaa imaanaysa su'aal kale oo ah: ma shaydaanka laga soo farcamay mise jin? Taasna waa ka gaabsadeen.
Ibnu Taymiyah waxa uu qabaa, in shaydaan yahay jinka aabbahood, sida aadam u yahay aabbaha aadanaha. Balse su'aasha oronaysa maxaa shaydaan dhexgeeyey malaa'ig? Jin kale ma la socdeen? Haddii uu jinku kamid ahaa malaa'igta oo uu Ilaahay caabudi jiray caasiyeyna kadib markii uu diiday inuu u sujuudo aadam, Maxaa Eebbe halkaa mar ugu jaray kaarka naarta iyo ka fogaanshaha naxatiistiisa? Aadam haddii uu caasiyey Ilaahay oo Eebbe ka oggolaaday inuu u toobad keeno, maxaa shaydaan u diiday?
Jinku wax ma cunaa mase cabaa?
Dad baa qaba in jinku uu wax cuno, waxna cabo; aniga qudheennu waxa ay dareemi karnaa in noole uu wax cuno, waxna cabo. Balse su'aashu waxa ay tahay muxuu cabaa? Muxuuse cunaa? Dad badan oo arrintan ka hadlaa waxa ay qabaan in jinku waxa uu cuno ay tahay lafaha dadka wax ka cunaan iyo wixii lamidka ah; waxaa kaloo ay qabaan in jinku uu wax la cuno qofka aan cuntadiisa bisanka ku bilaabin, waxa ayna daliishanayaan xadiisyo dhowr ah oo kala goor iyo kala goob nebigu (SCW) laga soo weriyey. Balse qofka fekerayaa waxa uu isweydiin karaa: maxay tahay macnaha qoom dhan oo Eebbe abuuray in la dhaho lafaha dadku tuuraan iyo qof cuntoo uu cunayo bisinka ka ilaaway baa calafkoodu ku jiraa? Ma la oran karaa jinku waxa uu wax la cunaa xayawaanka kuwaas oo aan cuntadooda bisinka u qaban? Haddiise shinbirtu iyo dacwadu ay risiqooga raadsanayaan, maxaa shaydaan risiqiisa ku xidhay qof hurda ama qof aan waxaba cunin oo faqiir?
Aqoonyahanno kale waxa ay qabaan in aannu jinku waxna cunin waxna cabin. Waxa doodoodu tahay in jinku uu noocyo badan yahay; qayb jinka kamid ah baa wax cuna, waxna caba, waxna guursada. Balse dhammaantood maaha sidaas. Tusaale ahaan ninka lagu magcaabo Wahiib ibnu Munabix waxa uu leeyahay: "jinku waa noocyo kala duwan. Jinka saafida ah waa ruux aan waxba cunin, cabin, dhiman oo aan tarmin, waxaa jira balse kuwo lid ku ah kuwaa hore, oo iyagu wax cuna, caba, galmooda, dhinta, carruurna dhala".
Dood kale waxa ay ka taagan tahay jinku sidee wax u cunaa? Miyuu wax calaliyaa sida aadanaha? Miyuu liqaa? Mise neef ahaan buu u qataa? Aqoonyahanno badan waxa ay qabaan maadama aan diintu ka waramin sida iyo qaabka jinku wax u cuno in laga gaabsado oo aan laga hadlin, maadama oo aan lagaarayn jawaab cilmiya oo lagu kalsoonaan karo. Aragtidan waxaa qaba Dr-Cumar al-ashqar.
Guurka Jinka iyo aadanaha.
Hadda ka hor aniga oo dhagaysanaya Shiikh Dirir baa waxaa la weydiinaayey su'aalo; nin kamid ah dadka ayaa su'aal u soo qoray shiikha, waxayna ahayd: Shiikh waxaan ahay nin daciif ah, naag jin ah baan la sheekaystaa si aan awood uga dhigto annoon cidna ku dhibayn ma is guursan karnaa? Diintuse maxay ka qabtaa? Wax lala yaabo maaha, in qof ku dhahaa jin baan la sheekaystaa ama waannuba isku galmoonaa, waayo waxa ay dhacday in badan dad arrintan sheeganaya, iyagoo kala goob iyo kala goor sheegtay.
Balse su'aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay is guursiga jinka iyo insiga maxay diintu ka qabtaa? Arrintan aad baa loogu kala aragti duwan yahay in kasta oo aan qolada diidani ay caqliga isticmaalayso; halka kuwa kale ay iyana aoo daliishanayaan aayado quraan ah. Tusaale ahaan Ibnu Taymiyah waxa uu leeyahay: "aadanahu iyo jinku waa is guursan karaan, carruurna waa isku dhali karaan, tani waa dhacdaa badanaa, waana mid la garanayo". Aqoonyahanno kale baa iyana dhaha waa makruuh guurkaasi waxaana kamid ah Qataadada. Imaam Maalik ma mamnuucin oo kuma doodin in guurkaasi mamnuuc yahay waayo wax daliil ah oo xaaran ka dhigaya bannu helin; mana oggolaan oo wuubka gaabsaday.
Qalooyinka diida guurka Jinka iyo Insiga baase ku dooda in guurkaasi aannu yeelanayn jacayl iyo wada-noolaansho. Sababta oo ah jinka iyo aadanaha waxaa kala duwan abuuritaankooda. Waxaa kaloo jirta doodoodan aayad ay ku xoojiyaan oo ku leeyihiin Alle waxa uu nooc walba oo makhluuqiisa kamid ah u abuuray mid lamid ah, kan kale--tusaale ahaan aadanaha iyo jinka- maadama sida aayadan ku xusan aannay gaarnayn nabad, jacayl iyo wada-noolaansho guurkaasi ma banaana; aayadaasna waa aayada oronaysa:
وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ.
Aayadaha Ale waxaa kamid ah inuu idin ka abuuuray nafahiina xaasas si aad ugu degtaan xagooda dhexdiinana waxa uu ka yeelay roonaansho iyo naxariis. Waxaan kaloo weli dood ka taagan tahay carruurta ay dhalaan; ma waxay noqonayaan carruur jin ah oo aan dadku awood u lahayn inay arkaan? Mise waxay noqonayaan carruur insi ah? Mise labadaba?
Jinku ma dhintaa?
Dhimishadu aadanaha ahaan Eebbe qof walba waa ku xukumay, aayadii quraanka ah waa tan oronaysa:
كل نفس ذائقة الموت.
Balse waxaa su'aali ka taagan tahay jinku ma dhintaa? Sida Eebbe ku sheegay aayada soo socota noole walba oo naf ku jirto wuu dhimanayaa, cidda keliya ee soo haraysana waa Alle:

كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ* وَيَبْقَى وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلالِ. 
Balse weli dood waxay ka taagan tahay haddii jinku dhinto, waa kee jinka dhintaa? Ma jinka gaal iyo muslimka ah leh baa mise waa jinka Shyadaanka ah. Sida quraanka ku cadse shaydaanku waxa uu baaqi sii ahaandoonaa inta ka horreysa maalimka qiyaamaha.

Ugu danbayn su'aasha iyaduna dooda ugu xoogan ka taagan yahay waa: jinku dadka ma galaa mise ma galo? Dhowaan bay aqoonyahanno badan aad u kala tageen doodaas; qolo waxay ku doodeen in jinku dadka galo, halka qolo kale ku tageen inaan jinku dadka saamayn ku yeelan. Qolodan danbe waxa ay daliil xoogan ka haystaan cilmiga casriga ah Iyo diinta. Tusaale ahaan aayad quraan ah buu Eebbe kaga waramay, waxa uu maalinta qiyaamaha uu shaydaan oron doono, waan idiin yeeray, idinkuna waad i ajiibteen. Sidoo kale waxaa jira aayado sheegaya in jinku uu yahay mid daciif. Dhan kale kuwa ku dooda baa iyana la yimaada daliil.



                                



                        W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan