Tirada Akhristayaasha Boloogga

Tuesday, December 28, 2021

Warraysi Yuval Nuux Haraari


Markii uu Yuval Nuux Haraari daabacay buuggiisa "Sapiens", sannadkii 2014- kii kaas oo ka warramaayey taariikhda Aadanaha, waxa uu noqday buugga loogu iibsiga badan yahay adduunka, wuxuuna ka dhigay taariikh yahanka borofaysarka reer Israa'iil oo aan wax badan laga aqoon mid kamid ah qoraayaasha iyo mufakiriinta ugu caansan adduunka.

Laakiin, markii aannu kula kullanay Yuval Nuux Tel Aviv xagaagan, ma ahayn waxa walaaca ku hayey noolayaashii hore, balse, mustaqbalkeenna. Yuval Nuux Haraari waxa uu rumaysan yahay in aynnu qarka u saaranahay in aynnu abuurno maaha kuwa cusub oo kaliya, ka hormarsan Aadanaha, balse, gabi-ahaan ba noolayaal cusub--  kuwo aad inoo ka caqli badan innaga. Waa wax u eg sayniska khiyaaliga ah. Balse, Yuval Nuux Haraari waxa uu leeyahay xaqiiqdii arrintu sidaas wayba ka khatar badan tahay.

Anderson Cooper: Waxaad tidhi: "Waxa aynnu nahay jiilkii ugu danbeeyey ee Homo Sapiens ka. Hal qarni ama labo, dhulka waxaa qabsan doona noolayaal kale oo ina ka duwan innaga, sida aynnu uga duwanahay Jimbansiiga (Chimpanzees)".

Yuval Nuux Haraari: Haa.

Anderson Cooper: Taasi maxay la macno tahay? Taasi waa arrin iga yaabiyey aniga.

Yuval: "Sida aad ogatahay dhowaan waxa aynnu yeelan doonaa awoodda dib loogu qaabayn karo jirkeenna iyo maskaxdeenna, haddii ay tahay in jiinkeenna dib loo qaabeeyo ama in si toos ah maskaxdeenna lagu xiriiriyo kambiyuutarka ama ba in gebi ahaan ba la abuuro ma noolayaal ama mashiinada caqliga leh kuwaas oo aan lahayn xubno jidheed ama ba maskaxeed. Tiknooloojiyadana waxa ay u hormaraysaa si xawli ah oo khatarteeda leh.

Anderson Cooper: Haddii ay taasi sax tahay, dabadeed waxa ay abuuraysaa gabi ahaan ba noolayaal kale.

Yuval Nuux Haraari: tani waa wax dhaafsiisan noolayaal kale.

Yuval Nuux Haraari waxa uu ka hadlayaa tartanka loogu jiro mashiinada caqliga leh iyo sida oo kale tiknooloojiyada kale sida jiinka dib loo qaabanayo, kaas oo waalidka u suurto galinaya maalin uun in ay helaan carruur maskax badan ama soo jiidasho leh ama maskaxda kambiyuutarka in ay sababto in Aadanaha iyo mashiinadu is-dhexgalaan.

Anderson Cooper: Maxay ku samaynaysaa bulshada taasi? Waxa ay u muuqataa in taajirku heli karo fursad fiican; halka aannay kuwa kale haysan?

Yuval Nuux Haraari: khataraha aynnu arki doono tobanaanka sanno ee soo socda waa sinnaan la'aan wayn oo aynnaan arag taariikhda hore, sababta oo ah waa markii koowaad oo aynnu arki doono sinnaan la'aan dhanka bayloojikaalka ah. Haddii tiknooloojiyada cusub ay suurto gal u noqoto in ay helaan taajirka oo kaliya ama dalal goonniya dabadeed Aadanahu waxa y u kala qaybsi doonaan dabaqado dhanka bayloojikaalka ah (Biological castes) maxaa yeelay waxa ay haystaan jidh gooniya iyo awood goonniya.

Yuval Nuux Haraari waxa uu sannadadii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa jeedinta casharada iyo qoraalada ka hadlaya waxa ku imaan doono Aadanaha mustaqbalka.

 

Yuval Nuux Haraari oo ka hadlaya Davos 2018: " Jiilasha soo socda waxa aynnu baran doonaa sida loo farsameeyo jidhkeena iyo maskaxdeenna". Waxa uu qoray labo oo ka warranaya dhibaatooyinka aynnu la kulmi karno mustaqbalka-- "Homo Deus", iyo 21 Lessons for the 21st century". -- waxaana soo raaca buuggiisa kale ee Sapiens kaas oo laga gaday 35 milyan in ka badan oo buug, loona turjumay 65 luqadood. Buugtiisa waxaa talo-bixin ka dhiibtay madaxweyne Barack Obama iyo sida oo kale madaxda shirkadaha tiknooloojiyada sida: Mark Zuckerberg iyo Bill Gate.

Anderson Cooper: Miyaanay taasi kamid ahayn nooc  is-burinta kamid ah?

Yuval Nuux Haraari: Waxa ay inyar ka cabsanayaan awooddooda, waxa ay xaqiiqsadeen saamaynta ballaadhan oo ay ku leeyihiin adduunka iyo tadawurka, runtii. Waana taas tan cabsida ku haysa qayb iyaga kamid ah. Waana arrin wanaagsan. Waana sababta ay u danaynayaan ilaa xad in ay dhagaystaan.

Anderson Cooper: Waxaad ku bilowday adiga oo ah borafaysar taariikheed. Maxaad hadda naftaada ku qeexi lahayd?

Yuval Nuux Haraari: Weli waxaan ahayn taariikh yahan. Balse, waxaan filayaa in taariikhdu tahay daraasaynta isbeddalka. Kaliya maaha daraasaynta wixii dhacay oo kaliya. Waxa kale oo ay ka hadashaa mustaqbalka.

Haraari waxa uu PHD ka qaatay jaamacadda Oxford, waxa uuna ku diyaariyey Taariikhda. Hadda waxa uu ku nool yahay Israa'iil, halkaas oo ay weli baaqi ku tahay taariikh hore. Waxa uu na geeyey goob taariikhi ah (Archaeological Site) oo lagu magcaabo Tel Gezer.

Haraari waxa uu yidhi magaalooyinka tan oo kale ah waxaa suurto gal ka dhigay in ay baaqi ahaadaan waa isbeddelka caqliyeed (cognitive change) ee ku dhacay Aadanaha-- Homo Sapiens-- muddo hadda laga joogo 70, 000 kun sanno ka hor. Taas oo inna ka caawisay in ay abuurno luqadaha, kaddib na suurto gal innoo ka dhigtay in aynnu isku dhexgalno koox aad u faro badan, oggolaatay na in Neanderthals iyo noolayaasha kale ba aan la jaan qaadi karin isbeddelkan in la cirib tiro.

Haraari waxa uu leeyahay hadda innaga ayaa khatar ugu jirna in aynnu dhibane u noqono mashiinada caqliga leh (Artificial intelligence).

Yuval Nuux Haraari: waxaan u malayn waxa ugu wayn oo aynnu waajahayno in ay tahay kala weecsanka tadawurka (Evolutionary Divergence). Milyanaan sanno  garaadka iyo dareenku (Intelligence and Consciousness) waxa ay ahaayeen kuwo wada socda. Dareenku waa awoodda aad ku dareemayso sheeyada, sida: xanuunka, farxadda, jacaylka iyo nacaybka. Garaadku waa awoodda aad ku xalinayso dhibaatada. Balse, kambiyuutaradu iyo mashiinada caqliga leh ma leh wax dareen ah,  waxa ay leeyihiin garaad. Waxa ay dhibta u xaliyaan sida aynnu u xalino si ka duwan gabi-ahaan ba.

Hadda, marka la joogo sayniska khiyaaliga ah (Sceince fiction) badanka waxaa u muuqataa in mar walba oo kambiyuutarisku kuwo garaadkoodu sarreeyo in ay lama huraan tahay in heli doonaan dareen (Consciousness). Balse, xaqiiqdii arrinku kaas waa ka cabsi badan yahay marka la eego in ay dhibta xalinayaan in badan iyaga oo aan lahayn wax dareen ah.

 

Anderson Cooper: Waxa ay yeelan doonaan awooddeenna mid ka sarraysa?

Yuval Nuux Haraari: Mar hore bayba inna ka awood bateen.

Kuwa daymaha bixiyaa ayaa si joogta ah ayaa isticmaala mashiinada caqliga leh ee ka' kan si ay u ogaadaan qofka u qalma in la siiyo daynta, suuqyada caalamiga ah hadda waxa ay u socdaan in ay ku go'aan qaataan go'aamada ay gaarayaan mashiinada fallanqaynaya xog aad u faro badan, oo aanay fahmayn xataa borogaraamarisku.

Haraari waxa uu leeyahay dalalka iyo Kambaniyada maamula xogta ugu badan ayaa noqon doona mustaqbalka kuwa maamula adduunka.

Yuval Nuux Haraari: maanta adduunka xogta ayaa ka qiimo badan lacagta. Toban sanno ka hor shirkadaha waa wayn ayaa ku bixinaayey bilyanis iyo bilyanis WhatsApp ka, Instagram ka, dadku na way la yaabanaayeen: "miyey waalan yihiin?" Maxay ugu bixinayaan waxaas oo lacag ablikayshano (Applications) aan soo saarayn wax lacag ah. Sababtu  waa in ay soo saarayso xog.

Anderson Cooper: Xogtuna waa furaha?

Adduunku hadda waxa uu u socdaa in uu noqdo mid xogta la kaydsanayo, xogta la beeranayo. Dagaalkii qaboobaa, waxaa jiray derbigii xadiidka ahaa, hadda se waxaa jira Silicon ta xadiidka ah taas oo u dhaxaysa Maraykan iyo Shiinaha. Xagee xogtu aadaysaa? Kalifoorniya mise Shenzhen ilaa Shangahaay ilaa Biijiin.

Yuval Nuux Haraari waxaa walaac ku haysa in Karoone fayrasku uu albaab u furay xog uruuri aan caadi ahayn oo ay xataa ku jirto xogta Biometric ah.

Anderson Cooper: Waa maxay xogta Biometric ah?

Yuval Nuux Haraari: Waa xogta ka warramaysa waxa ka dhacaya gudaha jirkayga. Ilaa hadda waynnu aragnay. Shirkadaha iyo dowladdaha ayaa uruursanaya xogta ku saabsan halka aynnu aadnay? Cida aynnu la kullanay? Iyo filanka aynnu daawanay? Wejiga kan xigaa waa xogta qarsoon ee ka soo warramaysa diirkeena hoostiisa.

Anderson Cooper: Waxaan xiranahay, tusaale ahaan, raacsane, kaas oo la socda cabirka Wadnahayga iyo hurdadayda. Mana garanayo meel ay aadayso xogtaasi.

Yuval Nuux Haraari: Waxaad garabkaaga ku sidataa wakiil KGB ah adiga oo raalli ka ah.

Anderson Cooper: Waxaan u malayn in ay faa'ido iigu jirto.

Yuval Nuux Haraari: Waa mid faa'ido kuu leh. Waxaan ula jeedaa arrinka oo dhan maaha oo kaliya mid khariban oo aad u xun (Dystopia) balse, sida oo kale waa mid wanaagsan. Xogta noocan ah waa mid inoo sahlaysa in aynnu samayno nidaamkii caafimaad ee ugu wanaagsanaa taariikhda. Su'aashu se waxa weeye: maxaa kale oo lagu qabanayaa xogta? Yaa kormeeraya? Yaa se maamulaya?

Sannadkan horaantii sa dowladda Israa'iil ayaa siisay xogta caafimaad ee mu'waadinteeda shirkada daaawooyinka ee Pfizer si ay u heso ahmiyadda kala horraysiinta talaalka. Xogtaas kuma aysan jirin aqoonsiga shakhsiyasadeed ee mu'waadinka.

Anderson Cooper: Marka maxay ka rabtaa Pfizer xogta Israa'iil oo dhan?

Anderson Cooper: sababtoo ah si u soo saarto daawooyin cusub, daawayn cusub, waxaad u baahan tahay xogta caafimaadka. Waa sida asaaska u ah daraasaadka caafimaadka. Mana aha mid gebi ahaan ba xun.

Yuval Nuux Haraari waxaa lagu dhaleeceeyaa in uu sheego dhibaatooyinka isaga oo raacin wax xal ah. Balse, waxa uu jayaa aragtiyo ku aadan sida loo xaddidi karo in aan si khaldan loo isticmaalin xogta.

Yuval Haraari: hal xeer oo muhiim waxa weeye in haddii aad hesho xogtayda waa in loo isticmaalo in ay aniga i caawiso, balse aniga la igu dhibaatayn (manipulate). Qodob kale oo muhiim ahna waa mar walba oo kor loo qaado kormeerka (surveillance) dadka waa in ay barbar socotaa in sida oo kale la kormeero shirkadaha, dowladda iyo dadka madaxda ah. Qodobka saddexaad na waa in la oggolaan in xogta oo dhan ay ku koobnaanto hal meel. Taasi waa dariiqa kali-talisnimada.

Haraari oo ka hadlaya mustaqbalka waxbarashada: Netflix ayaa inoo sheegi doonta waxa aynnu daawanayno, Amazon waxa ay inoo sheegi doonta waxa aynnu iibsanayno. Marka danbe tobanka ama labaatanka ama soddonka sanno ee soo socda Al-garoosamkaasi waxa inoo sheegi doonaa waxa aynnu ka baranayno College ka, halka aynnu ka shaqaynayno, cida aynnu guursanayno iyo weli ba cida aynnu codkeena siin doono marka doorashada la joogo.

 

Haraari waxa uu aaminsanyahay haddii aan la helin maamul baaxad leh in aynnu khatar ugu jirno in aynnu noqonayno waxa uu ugu yeedhay: "Jabsada xogta shakhsiyasadeed ee Aadanaha".

Anderson Cooper: Taas macnaheedu waa maxay?

Yuval Nuux Haraari: in aad jabsato xogta Aadanaha waa in aad ogaato si ka wanaagsan sida ay naftooda u yaqaaniin. Sidaas darteed na, si khaldan uga faa'idaystaan nidaamka banaanka ah. Waxa ay awood u leeyihiin in ay xusuustaan wax kasta. Wax walba oo aad horay u qabatay. Dabadeed na fallanqayso iyo in xidhiidh ka dhaxaysiiso xogta si aad wax badan oo aragti ah uga hesho qofka aad tahay.

Anderson Cooper: marka ay dadka ka fekerayaan xogta waxa ay u malaynayaan oo kaliya in Kambaniyadu raadinayaan waxa ay jecel yihiin iyo waxa aannay jeclayn, laakiin xogta aad ka hadlayso waa mid intaas ka sii qoto-dheer.

Yuval Nuux Haraari: tusaale ahaan, ka fikir labaatan sanno kaddib marka xogta dhan ee taariikheed ee qofka ee weriye kasta, qaadi kasta, siyaasi kasta, masuul milatari kasta uu hayo qof ku sugan Beijing ama Washington in aad si khaldan u isticmaashaa xogtaa waa waxaan horay taariikhda loogu arag.

Haraari waxa uu sida oo kale daabacay qaybtii labaad buuggii sa: "Sapiens", oo sawirro ah. Waxa uu u dhigaa ardayda Computer Scientists iyo Bioengineers jaamacadda Hebrew ee Israa'iil maadooyinka Akhlaaqda iyo falsafada.

Dhigida Haraari: Dadku marka ay qorayaan koodhka (Code), waxa ay dib u qaabanayaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo akhlaaqda iyo weliba qaab dhismeedka bulshada.

Anderson Cooper: Marka aan ka hadlayo koodhka iyo injineerada, kama fekerayo filosoofarada iyo abwaanada?

Yuval Nuux Haraari: Hadda maaha arrin taagan. Balse, waxa ay noqon doontaa arrin, maxaa yeelay waxa ay xallin doonaan arrimaba la xidhiidha falsafada iyo akhlaaqda. Haddii aad qaabanayso, baabuur is-wadaya, baabuurkaas is-wadayaa waxa uu doonayaa in uu qaato go'aan ku dhisan akhlaaq. Tusaale ahaan, si kadis ah ayaa ilmo yar ugu soo booday baabuurka hortiisa. Qaabka kaliya aad kaga hortagi karto ilmahaa baabuurka hor orday waa in aad dariiqa ka saarto kuna dhufato baabuur kale. Waxaana laga yaabaa hantiilihii baabuurka oo hurda kursiga danbe in uu dhinto. Waxaad u baahantahay in aad u sheegto Algorithm waxa la samaynayo xaaladdan oo kale.

Waxaad u baahantahay in aad xaliso xaqiidii su'aalahan falasafadaysan oo kale. Yaa la dilayaa? Bishii la soo dhaafay Qaramada Midoobay waxa ay soo jeedisay in la joojiyo nidaamyada mashiinada caqliga leh ee khatarta ku ah xuquuqda aadanaha ilaa la isku raacayo xeer ilaalinaya, la taliyaasha madaxweyne Bidana waxa ay soo jeediyeen waxa ay ugu yeedheen: "Qaraarka xuquuqda". Si loo ilaaliyo qayb kamid ah tiknooloojiyada cusub.

Haraari waxa uu leeyahay sida Aadanuhu u barteen in ay wada-shaqeeyaan mid ba midka kale in badan oo kumanaan sanno ah ka hor waxa aynnu u baahanahay in aynnu wada-shaqayno hadda.

Yuval Nuux Haraari: Hubaashii, hadda, waxa aynnu joognaa bar aynnu u baahanahay in aynnu wada-shaqayno. Uma maamuli kartid waxyaabaha qarxa ee mashiinada caqliga leh heer qaran. Iakuma dayayo in aan sheego aragti waxa dhici doono mustaqbalka. Waxaan isku dayayaa in aan dadka uga digo ixtimaalka ugu khatarsan ee dhici kara, waxaan ku rejo waynahay in aynnu wax ka qabano hadda si aynnu uga hortagno.


Warraysi.:  Yuval Noah Harari

                      W.T.:  Maxamed Cabdi Maxamed "Guutaale". 

Friday, February 5, 2021

Bariga Dhaxe iyo Trump

 

Soomaalidaa tiraahda; “Ayax tag eelna reeb”. Iyaga oo ula jeeda saamaynta taban ee Ayaxu kaga tago, goobta uu ka tago. Isla oraahdii baan u isticmaalay Donald J. Trump siyaasiyaddiisii Bariga Dhaxe iyo shakhsiyadiisa si gaar ahaaneed. Waase macquul in aannay munaasib ahayn isbarbardhiga aan samaayey, balse, waxaa muhiim ah in aad ila fahanto waxaan macno ahaan ula jeedo.

 

Kaddib qarraxii Maraykanka ee caanka ku noqday 9/11, dowladda Maraykanku waxa ay ka dhigtay Bariga Dhaxe gobol ay si joogta ah uga samayso hawl-galo ciidameed. Warbixin uu baahiyey machadka Watson (Watson Institute for International and Public Affairs) ayaa sheegtay in kaddib dhacdadii 9/11 in ay si toos ay ugu dhinteen hawl-galadii Maraykanka ee Bariga Dhaxe dad tiro ahaan dhan siddeed boqol oo kun (800, 000) qof. Laga soo bilaabo sannadkii 2001 na ay guryahooda ka qaxeen dad tiradooda lagu qiyaasayo soddon iyo toddoba milyan (37 milyan).

 

Gelintaankii Maraykan galay Ciraaq oo gobolka xaaladdiisa saamayn xun ku yeelatay, gu’gii Carabta ayaa kaga sii daray xaaladda gobolka. Masar iyo Tunuusiya, oo kala ah labadii dal ee gu’gii Carabtu ka bilaabmay waxa ay ka badbaadeen in dalkooda dagaal hoy u noqdo. Balse, Masar waxaa dowladdii ay doorteen dadka reer Masar markii koowaad mar kale afduubtay ciidanka oo taageero ka helaya dalal shisheeye. Liibiya, Qadaafi kama dambayn. Siiriya, Bishaar Al-asad, Iiraan, Raashiya iyo dowladdaha Maraykan iyo Israa’iil baa u beddelay goob dagaal. Yaman, waxa ay gashay dagaal sokeeye, dagaal diineed na waa u raacday; Iiraan iyo Sacuudigana waxa ay ka dhigeen dalkii dhiiga iyo xasuuqa. Ciraaq, kaddib hawlgalkii Maraykanka ee sannadkii 2003 kama soo kaban, waxaanna ka socda dagaal salka ku haya, siyaaasad iyo mid diineed. Lubnaan sii daa warkeeda. Muddo sannad ah bay bilaa dowlad ahayd, markii cid loo waayeyna wasiirkii koowaad ee booska laga cayrsaday baa ku soo laabtay. Falastiin waa dhibanaha Bariga Dhaxe.

 

Hawlgaladii milateri ee Maraykanka iyo kali-taliyaashii ugu danbayntii burburiyey dowladdooda iyo dalkooda waxaa ka dhashay wixii ugu waynaa waxaa kamid ahaa in ay samaysantay ama la sameeyey ururka arggagixisada ah ee adduunka ugu khatarta badan ee Daacish, kuwaas oo qabsaday dhul badan oo kamid ah Ciraaq iyo Siiriya. Inkasta oo hadda laga guulaystay intii badnayn. Qoraal uu qoray Maha Yaxya ayuu ku sheegay in dalalka Carabtu dunida kale ay aad uga danbeeyaan marka ay timaado astaamaha horumarka: xorriyada siyaasaddeed, horumarka sayniska, iyo weliba xaquuqda dumarka. Isku soo duuboo, Bariga Dhaxe waxa kaliya oo lagu sifayn karaa, waxa uu ku sifaayey qoraa Maha Yaxya qoraalkiisa: The Middle East’s Lost Decades: “Tobanankii sanno ee khasaaray”. Gobolka sidaa u qasan, sida uu ku xusay qoraalkiisa Disaster in the Desert, Martin Indyk madaxweyne walba oo Maraykan ah oo la doorto sannadkii 2016 kii waxaa sugaysay caqabad wayn oo diblomaasiyaddeed.

 

Iiraan iyo Trump

 

Tan iyo maalintii khadka laga saaray dowladdii uu hoggaaminaayey Maxamed Risa Shah, sannadkii 1979- muddo hadda laga joogo afartan iyo labo sanno, taas oo saaxiib dhow la ahayd reer galbeedka uuna dalka Iiraan qabsaday dowlad uu hoggaaminaayey wadaadkii Aayatullaah Khumanaay, Maraykan waxa ay shaydaanka Bariga Dhaxe iyo cadowgeeda koowaad ba u aqoonsatay dalka Iiraan. Madaxweyne walba intii uu xilkaas joogay waxa uu dagaal dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed ku qaaday Iiraan. Taas beddelkeed na Iiraan iska caabin bay samaynaysay mar walba iyo meel walba.

 

Obama, madaxweynihii ka horreeyey Trump, ayaa sannadkii 2015 Iiraan heshiis dhanka hubka nukliyeerka ah la gaaray, kaas lagu magcaabay Joint Comprehensive Plan of Actions (JCPOA) heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa: Iiraan, Maraykan, Jarmalka, Shiinaha, Faransa, Ingiriiska iyo Ruushka. Heshiiskaas baa u oggolaaday Iiraan in ay adduunka soo dhex-gasho, oo ay ka nasato cuna-qabatayn dhaqaale iyo siyaasaddeed. Balse, haddii Obama iyo Iiraan heshiiskaas guul u arkayeen, Trump iyo raggiisu waxa ay u ahayd heshiiskii ugu xumaa ee la galo. Trump markii uu xilka yimid na waxa uu ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay.

 

Labo dhib oo waa wayn baa haystay oday Trump: kow, in aannu wax aqoon ah u lahayn Bariga Dhaxe, xog fiicana ka haysan, sida uu sheegay Fariid Sakariye. Labo, in uu nacayb goonniya u qabay Brack Obama, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee madow oo dalkaas xukuma. Trump waxa uu ku dedaalay si aannay taariikhda Maraykan u galin wax qabad Obama leeyahay, in uu tuuro heshiis walba oo uu galay Obama. Wuuna samaayey badankood.

 

Wasiirkii arrimaha dibada Mike Pompeo ayaa bilaabay waxa ay ugu yeereen culayskii ugu adkaa (Maximum Pressure) oo lagu soo rogay Iiraan. Dalalkii heshiiska qaybta ka ahaa, sida: Raashka, Shiinaha, Ingiriis iyo Jarmalka waxaa loogu goodiyey cuno-qabatayn haddii Iiraan wax naxariis ah loo muujiyo. Dalalkii Iiraan ganacsiga la lahaana, sida: Hindiya iyo Malaysiya waxaa lagu amray in ay ka laabtaan. Dhaqanka maamulka Trump iyo siyaaaaddiisa ka dhanka ah Iiraan waxa ay farxad galisay Sacuudiga iyo Israa'iil oo Iiraan u arka cadowgooda koowaad.

 

Pompeo ayaa Iiraan ka dalbaday si heshiis cusub loo gaaro arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin: in aan Iiraan loo oggolayn wax Uuraniyaam ah oo ay kordhiyaan, in aannay wax faro-galin ah ku samayn hay'adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga (International Atomic Energy Agency) in aannay samaysan wax gantaal ah oo awood u leh nukliyeer, in aan wax taageero ah loo muujin Xamaas, Xisbulaah, Kooxda Jihaadiyiinta ah ee reer Falastiin, Maleeshiyada Shiicada ah ee reer Ciraaq, Taalibaan, ama Xuutiyiinta Yaman, in ay ciidankooda kala baxaan Siiriya, in ay ka tanaasulaan dabeecadaha khatarta ku ah Israa'iil, Sacuudi ama Imaaraat.

 

Iiraan inkasta oo ay bilowgii is-xakamaysay aynna ka dalbatay dalalkii qaybta ka ahaa heshiiska in dhaqaalaheeda iyo heshiiska la badbaadiyo haddana markii danbe waxa ay qudheedu si aan dhammaystirnayn uga baxday heshiiskii. Dhibaatada Trump haysata waxa ay ahayd in uu xiriirkii Iiraan sii xumaayey, sidaa si lamid ah waxaa ka sii dartay xaaladdii amni ee gobolka. Iiraan waxaa lagu eedeeyey weeraro dhowr ah oo lala beegsaday maraakiib iyo doonyo maraayey marinka Hormus, Iiraan sida oo kale waxa ay soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay, Xuutiga ay Iiraan taageerto na waxa ay duqayn ay sheegteen ka gaysteen haamaha shidaalka ee magaalada Abqayq, dalka Sacuudiga. Xisbullaah waxa ay kordhiyeen feejignaanta ka dhanka ah Israa'iil, Xamaas iyo ururka Jihaad doonka ah ee reer Falastiina waxa sameeyeen weeraro ka dhan ah Israa'iil.

 

Dhanka kale Israa'iil waxa ay ku fashilantay in ay wax horumar ka sameeyso weeraada ay ku hayso dalka Siiriya, halkaas oo ay Iiraan ka joogaan ciidamo lagu qiyaaso afartan kun in ka badan. Waxa ay se ugu darnayd markii Trump amray in la dilo Jeneraal Salaymaan Qaasimi. Dilkaas waxaa ka dhashay caro xoogan. Isku soo duuboo Trump heshiis na ka tag, Iiraana waxba kama beddelin, inkasta oo ay cunaqabatayntu dhaawacday dhaqaalaheeda.

 

Sacuudiga iyo Trump

 

Aqoonyahannada Bariga Dhaxe wax ka qoraa badankood waxa ay isku raacsanyihiin in Sacuudigu aannu dalalka Carbeed iyo Muslim a aannu nabad iyo colaad midna ku hoggaamin. Doorkiisu waxa uu ahaa kaliya in uu taageero ama la safto nidaamka Maraykan. Kaddib burburkii dowladdii Ciraaq, colaadda Siiriya iyo dowlad xumada Masar, Sacuudigu waxaa u soo baxday door uu isku muujin karo, oo uu ku hoggaamin karo arrimaha Carbeed iyo kuwa dunida Muslim ka ah ba. Maxamed Binu Salmaan, oo loo garan ogyahay MBS oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa bilaabay waxa uu ugu yeeray dib u habayn dhaqaale, la dagaalan musuq iyo in loo oggolaado dumarka in gaariga kaxayn karaan.

 

Trump ayaa markii la doortay safarkii sii koowaad ku tagay dalka Sacuudiga natiijadii ugu waynayd ee ka dhalatay safarkaas na waxa uu noqday in Trump uu fasax u siiyo Sacuudiga, Masar iyo Imaaraatka in ay go’doomiyaan dalka ay dariska yihiin ee Qadar. Sida oo kale, Inkasta oo uu ka horreeyey dagaalka Yaman, haddana waxa uu Trump taageero ku siiyey Sacuudiga dagaalka ay ka wadaan dalka Yaman, kaas oo noqday masiibadii bini aadantinino ee ugu xumayd ee dhowanahan la arko. Labadaas xaaladdood ba waxa ay kaga sii dareen xaaladdii gobolka oo awalb ba liidatay. Trump hortii Bariga Dhaxe dagaal siyaasaddeed oo u dhaxaayey dalal la garanayo iyo afkaaro diineed ayaa ka jiray, balse, Trump markii uu yimid waxaa ku soo korodhay khilaaf u dhaxeeyey dalalkii xulufada la ahaa Maraykanka oo uu kaga hortagi jiray Iiraan. Cunaqabataynta Qadar waxa ay fursad u noqotay dalka Iiraan, oo dagaalkaas si fiican uga faaidaystay.

 

Waxay se ugu darnayd, kaddib markii Maxamed Binu Salmaan u sheegay Jared Kushner, wiilka uu sodaga u yahay Trump, una qaabilsanaa la talinta Bariga Dhaxe in uu ku taageerayo Trump siyaasaddooda cusub ee ku aadan Bariga Dhaxe, tan ugu waynna ay ahayd in la soo gababeeyo oo dhinac la iska dhigo arrinta Falastiin. Waxaynna bilaabeen qorshe aan guulaysan oo ay ugu magac dareen: “Heshiiskii Qarniga”. Maxamed Binu Salmaan waxa uu u yeeray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas si uu ugu qamciyo in uu aqbalo heshiiska qarniga uguma beddesho dhaqaale uu bixinayo Sacuudigu.

 

Maxamuud Cabaas waxa uu iska diiday hadalkii Maxamed Binu Salmaan, waxaannu uu adduunka u sheegay sheekada raqiiska ah ee ula yimid Ina Salmaan, taas oo ay ka dhalatay caro xoogan. MBS sida oo kale waxa uu ku wargeliyey Jared Kushner in aqoonsiga Maraykanku u aqoonsaday Qudus magaalo Israaiil uu ku taagersanyahay, carada ka dhalatana aannay sii jirayn, oo ay kaliya tahay jibo.

 

Koox abaabulan oo ka socota Maxamed Binu Salmaan ayaa ku dilay Turkiga Jamaal Khashuqshi oo ahaa weriye ka faalooda arrimaha Sacuudiga. Taas oo ay ka dhalatay caro aad u xoogan. Balse, waxaa MBS la saftay oo ka hor istaagay cambaarayn kaga timaada gudaha Maraykan iyo caalamka ba oday Trump. Xulufaysi ay bilowday Sacuudigu si looga hortago Iiraan, uguna magac dartay: “Arab NATO” ayaa isaguna fashilmay.

 

Israa'iil iyo Falastiin

 

Siyaasadda Trump ee ku aadan Falastiin iyo Israa'iil waxa ay ahayd mid ka duwan, kana foolxun dhammaan madaxweynayaashii hore ee Maraykan. Siyaasaddiisu waxa ay ahayd in aannay wax ixtiraam u ahayn, aannayna aqoonsanayn xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa khuseeya Falastiin iyo Israaiil. Bishii July, sannadkii 2019, Jason Greenblatt oo Trump u qaabilsanaa wadahadalada khuseeya Falastiin iyo Israaiil ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in aannay ba aqoonsanayn wixii xeer ah ee khuseeya Falastiin. Waxa uu ku daray in maamulka Trump aannay ba aaminsanayn wax labo dal ah oo la dhaho Israaiil iyo Falastiin. Siyaasadda Trump waxa ay ahayd in la tuuro wixii hore, si loo sameeyo xeerar cusub oo Bariga Dhaxe ka dhaqangala.

 

Trump, wax walba oo uu ka codsaday Natenyahu waa uu sameeyey. Sida uu sheegay Netanyahu, Trump waxa uu ka codsaday in uu ka baxo heshiiska Iiraan, waana ka baxay. Waxa kale oo uu ka codsaday in Israaiil loo aqoonsado Qudus, Trump waa u aqoonsaday. Waxa kale oo uu Maraykan u raray safaaradiisii isla Qudus. Taas oo ay ka dhalatay caro xoog leh, waxaana dhaleeceeyey dalal dhowr ah. Heshiiskii nabadda qaybtiisa dhaqaale dhiska ee lagu qabtay Baxrayn waxaa iska diiday in ay qayb ka noqdaan Falastiin oo uu khuseeyey, iyaga oo ku sheegay gorgortan foolxun. Waxa kale oo uu Trump u aqoonsaday Israaiil Golen Hights oo ah dhul ay xoog kaga qabsatay Siiriya. Taas oo ka soo horjeeda xeerarka cadadkiisu yahay 242 oo ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Netanyahu oo dalkiisu dhowr doorasho oo ku celis ah galay kuna olaleeyey waxbaqadkaas isaga iyo Trump keeneen kama caawin in uu ku guulaysto doorashadii, inkasta oo uu hadda hoggaamiyo dowlad ay mucaaradku qayb ka yihiin. Dowladda cusub ee Maraykan ee uu hoggaamiyo Biden waxa uu la yimaado aynnu eegno.

 

XIGASHO:

1: Disaster in Desert, Martin Indyk

2: There Will Be a One-state Solution, Yousef Munayyer

3: The Wanted Wars, Robert Malley

4: The Middle East’s Lost Decades

5: America’s Great Satan

6: Iran Wants the Nuclear Deal It Made, Mohammad Javad Zarif


W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.

 

 


Saturday, October 10, 2020

Soomaaliya uma Baahna oohin, Naga Caawiya Dagaalka Arggagixisada.


Muqdisho, Soomaaliya- Oct. 14 gaadhi xamuul ah oo sida labo tan qaraxa guryaha lagu farsameeyo ayaa ku qarxay is-goyska Soobe, mid kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa waxaa laga maqlaayey maal aad u fog. In ka badan 400 qof ayaa lagu dilay- 150 qof ayaa gubtay kuwaas oo aan la aqoonsan, halka boqolaal kale dhaawacmeen. Qoysaska ayaa socanaayey saacado iyagoo burburka ka doon-doonaayey kuwii ay jeclaayeen. 

Boqolaal muwaadin ayaa safaf dhaadheer u galay dhakhaatiirta saacado si ay ugu deeqaan dhiig. Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo dareewalada ambalaaska ayaa sameeyey wax walba oo ay awooddaan si u badbaadiyaan dhaawaca. Soomaali ka caraysan, kana calool-xun ayaa isugu yimid is-goyska Soobe iyagoo dhaleecaynaya Islaaamiyiinta mintidiinta ah ee Al-shabaab axmaqnimadooda. Hoggaamiyayaasha Turkiga, Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Faransiiska iyo qaramada midoobay ayaa dhaleeceyey weerarka. 

Balse, dhaleecayntu maaha mid Soomaaliya ka saacidaysa dagaalka ay Al-shabaab iyo kuwa qaraxa u sameeya kula jirto. Si ay Soomaaliya uga guulaysto kooxda arggagixisada ah ee Al-shabaab Soomaaliya waxa ay u baahanto khuburo iyo qalabka ka dhiman, sida oo kale waxa ay u baahantahay aragti cusub oo wada-shaqayneed oo dhexmarta ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibadeenna beesha caalamka.

Shaki kuma jiro in ay Al-shabaab, oo xiriir la leh Al-qaacida ay gaystaan qaraxa. Qaraxyada lagu sameeyo guryaha waa xeeldaha guud ee ay kooxahan mintidiinta ah u isticmaalaan dagaalkooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Qaraxii Oct. 14 waxa uu ahaa mid khasaarihiisu sarreeyo, si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab kuma dhacdo in ay qaadato masuuliyada iyo in ay qirato falkaa waxashnimada ah xattaa xubnahooda ama kuwa taabacsan. 

Dhowr sanno ka hor Al-shabaab waxa ay ahaayeen kuwa maamula badanka Koonfurta Soomaaliya oo dhan- ugu yaraan kala badh dalka. Intaas kaddib, Soomaalida iyo ciidamada midowga Afrika ayaa Al-shabaab ka saaray badanka magaalooyinka waa wayn; duqaynta cirka ee Maraykanka iyo hawl-galada Soomaalida iyo ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa dilay tobanaan hoggaamiyayaasha mintidiinta. 

Balse, Al-shabaab oo haysata ugu yaraan 8, 000 oo dagaalyahan, ayaa weli ku sugan dhulka baadiyaha ah, magaalooyin badana waxa ay ku hayaan go'doon, waxayna qas ku sameeyaan isu socodka wadooyinka waa wayn.

Dookha dagaal ee Al-shabaab waxa uu ahaa waxyaabaha qarxa oo la soo qorsheeyey. Waxa ay isticmaaleen waxyaabaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo 395 weerer sannadkii 2016, kaas oo galaaftay 723 qof dad ah, waxaana ku dhaawacmay 1,100 qof- waxaynna siyaaday 110% marka loo eego sannadkii 2015-kii, taas oo la soo weriyey 265 weerar. Al-shabaab sida oo kale waxa ay kordhiyeen awoodda hubkooda, iyagoo kor u qaaday celcelis ahaan baaxada qaraxyadooda shan kiilo (qiyaastii 11 pounds) ilaa 40 kiilo (qiyaastii 88 pounds) sida oo kale waxaa kordhay waxyaabaha qarxa ee loo adeegsado is-miidaaminta ee gaawaadhida lagu rakibo 100 kiilo ilaa 200 kiilo (qiyaastii 220 ilaa 440 pounds) waxaynna gaareen 800 ilaa 1, 000 kiilo (1, 763 ilaa 2, 205 pounds) intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016. 

Soo noqnoqoshada badan iyo awoodda qaraxyada ay isticmaasho Al-shabaab ayaa sare u qaaday dalabaadka waxyaabaha qarxa iyo qaybahooda kala duwan. Halkii xubnaha Shabaab kaga tiirsanaayeen qarax u aasida gadiidka milateriga kuwaas oo dhulka lagu aaso iyo adeegsida madaafiicda, waxay noqdeen kuwa hadda la qabatimay qaraxyada guryaha lagu sameeyo kuwaas oo la bacrimiyo ama badeecadooda laga heli karo suuqa iyagoo iib ah.

Si loo aqoonsado, loonana dagaalamo kuwa miinada sameeya, Soomaaliya waxa ay u baahantahay in ay awooddo oo isticmaasho xogta sirdoon ee goobta danbigu ka dhacay: waxyaabaha qaraxa iyo waxyaabihii ka haray qaraxii, qarxiyihii, waxyaabaha ay ka koobanyihiin, simi-kaararka lagu hadlo, faro ka qaadid iyo DNA. 

Balse, in ka badan shan sanno oo aannu helaynay taageero banaanka ah bilowgii sannadkii 2017-kii waxaannu haysanay afar kooxood oo boolis ah kuwaas oo shaqada ka badantahay, kuwaas oo aan haysan waxyaabaha ka saacidaya in baaritaan lagu sameeyo qaraxa kaddib, aan haysan wax laab ah oo lagu baaro danbiga, iyo kaliya hal qalab oo la soo amaahday oo loo isticmaalo moobeelada gacanta ee la soo qabtay. 

Dowladda curdinka ee Soomaaliya waxa ay la halgamaysaa weli bixinta mushaharaadka saraakiisha booliska iyo askarta si joogto ah, mana awooddo in ay dhaqaalaheeda ku tababarto, qalabayso kooxda u khaas ah miinooyinka wakhtiyadan dhow. Yaaran baahsan oo ka jirta aaladaha loo isticmaalo kala jarida is-gaarsiinta (Jammer), robotyo, iyo qalabka kale ee difaaca loo isticmaalo waxa ay ka dhigantahay waxa ay la macno tahay in ay dadkani ku hawl-galaan halis naftooda qudhooda. Sirdoonkayagu iyo kooxdayda wax falanqaysaa waxa ay weli ku tiirsanyihiin qalabkii wax lagu baari jiray qarnigii labaatanaad. 

Waxaannu ahayn kuwo ku hawl-galaya indho la'aan gabi ahaan ba. Saaxiibadayada beesha caalamka ayaa noo soo bandhigay in ay na siinayaan "caawinaad farsamo" balse, niyadooda wanaagsan darteed waxay naga sii dhigtay kuwo ka sii indho la sidii hore. 

Cadaymaha laga soo uruuriyey goobaha qaraxa, waxaa isticmaalay, soona saaray khuburo ajaanib ah, kuwaas oo ula dhaqmay sirdoonkayaga badeeco ahaan, halkii ay ka noqon lahayd hanti la wadaago dagaalkayga ka dhanka ah cadow aannu wada leenahay. Marka banaanka loo saaro [Xogtayada] waa dhif dhif haddiiba la soo celiyo. 

Inyar oo ka mid ah baadhitaanka ka dambeeya qaraxa ayaa nala la wadaagaa. Inta badan, wax warbixina oo ku saabsan qaraxa ma maqalno. Taas ayaa keentay, in aannu weli ku xidhanahay asxaabta ajnabiga ah, halkii aannu, annagu, baran lahayn aqoonta iyo xirfadda shaqadana dhinacayaga kaga toosi lahayn. Wadaagista xogtu ma aha wax weyn, hasayeeshee sababo jira awgood, marka ay noqoto qarraxyada lagu soo farsameeyo guryaha taas oo galaafata Soomaali badan ayaa waxa ay u muuqataa arrin aanay ku filnayn keliya beesha caalamka.

Bishii May, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xilsaaray in mudnaan aad u sarraysa la siiyo, lana khalkhaliyo shabakadda qarxiyayaasha iyo kooxaha sameeya. Hay'adda sirdoonka ee heer qaran iyo qaybaha Ammaanka, qaybta aan anigu madax ka ahay ayaa la siiyey masuuliyadda fallaqaynta iyo ka faa'idaysiga cadaymaha laga soo uruuriyey weerarada arggagixisada, samaynta qorshe lagaga hortagaayo kuwa miinooyinka u qaabilsan arggagixisada, lagana hor-tago weerarada.

Waxaannu adkaynay annagoo isku xeernay ammaanka Muqdisho si aannu u hubino isu socodka dagaalyahanada, hubka iyo waxyaabaha qarxa. Waxaannu aqoonsanay miinooyinka badana la isticmaalo qaybahooda kuwaas oo loo soo dhoofiyey ganacsi ahaan iyo hababka aannu u xanimi karno ama aannu u maamuli ahayn helidooda.

Sida oo kale waxaannu kala xiriirnay saaxiibadayda beesha caalamka oo ay ku jiraan Maraykanku, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay tababarada iyo caawinaada farsamooyinka aannan haysan : in ay naga caawiyaan dhisitaanka laab yar, qaybta lagu baaro danbiyada, kiimikada, iyo waxyaabaha khaaska ah ee elegtarooniga ah, isku jirka sirdoon qaran iyo booliska heer federaal ee Soomaliya ee ammaanka booliska helidooda jeel ay uga faa'idaystaan in ay dambiilayaasha ku baaraan, xog qaran iyo awoodda diyaarinta warbixinta. Ma annnu helin wax jawaab ah. 

Waxaannu ka codsanay saaxiibadayada beesha caalamka in ay la wadaagaan xogta oo dhan iyo cadaynta ay ka soo heleen qarraxa ee Soomaaliya dowladda heer qaran. Waa se la iska dhego-tiray! Xogta muhiimka ah iyo cadaynga dambiyada lagu galo dalka Soomaaliya weli waxaa loo dhoofiyaa, laguna soo fallanqeeyaa dibedda, taasina waxa ay noo diiidaa annaga fursada in aannu difaacno muwaadiniintayada, kulana xisaabtano kuwa dambigaas galay.

Bishii siddeedaad, waxaan la xiriiray xafiiska F.B.I si ay nooga caawiyaan sida looga hortagi karo waxyaaha qarxa ee la soo farsameeyo kaas oo khatar ku ah Sooomaaliya. Qaybta arggagixisada waxyaabaha qarxa ee F.B.I oo caan ku ah khibradeeda miinooyinka lagu aaso geesaha wadooyinka. Waxaan ka codsaday in aan la kulmo si aannu khatartaa uga wada-hadalno, balse kamaannu helin wax jawaab ah. 

Qaraxii loo adeegsaday gaadhiga ee Oct. 14 waxa uu ahaa danbi laga galay dadka Soomaaliyeed iyo danbi laga galay bini- aadantinimada. Balse ma awoodno in aannu helno wax cadayn ah, isticmaalmo sirdoonkayga, iyo kiis lagu la xisaabtamo kuwa ka masuulka ah danbigaas. Weerarada noocaas ah waxaa laga yaabaa in ay sii socdaan- Soomaaliya kaliya maaha, balse sida oo kale dalalka kale ee Shabaab ka hawl-gasho. Waxaannu u baahanahay caawimaad si annu u xaqiijino in aannu u dhicin mar kale xasuuqaas oo kale. Si aynnu taas u samayno waa in aynnaan ka cabsan fashilkeenna dhammaanteen si aynnu isaga difaacno weerarada bahalnimada ah.

Waxa aannu u baahannahay tababbarro badan, qalab heersarreeya iyo in aannu awood u leennahay in aannu dalka gudihiisa ku baadhi karno dambiyada/gaboodyada. Dibedda uma saari karno, lamana wadaagi karno baadhitaannadayada iyo xogaha sirdoonkayaga ba, qandaraaslayaal gaar loo leeyahay oo dheefdoon ah. Waa in aannu helnaa awoodaha lagaga faaiidaysan karo caddaymaha sirdoonka, si aannu dambiilayaasha ugu xukumi karno maxkamadaha dalka iyo sidii aannu u lana nimaadno xeelad-Soomaaliyeed ee la gu jabinayo cadawgan. Waa mid ay nagu leeyihiin dhibbanayaasha Muqdisho.

----------------------

W/Q: Cabdulaahi Maxamed Sanbalooshe, Madaxii hore ee Hay'adda Sirdoonka NISA ee Soomaaliya

W/T: Maxamed Cabdi Maxamed (Tilmaame Guutaale)


Friday, May 22, 2020

Yaa ku Yidhi Halyey iyo Hal-abuur Walba Caddaalad buu Helaa?

Hordhac

Qaarad iyo qaran walba, xaaladda adduunka maanta waxaa lagu sifayn karaa hal eray oo kaliya- ARGGAGAX! Dal walba- mid awood leh iyo ku faqiir ah, mid horumaray iyo mid dib-u-dhacsan, mid daryeel caafimaad oo tayo leh haysta iyo mid aan haysan, mid xulufo leh iyo mid aan lahayn- dhammaantood xaaladdooda waxaa lagu sifayn karaa mid arggagax leh. Bulsho badan oo dhaxashay nolol xorriyaddu saaxiib iyo hoy u tahay, bulsho badan oo aan dareemin muhiimada iyo qiimaha xorriyadda ayaa kaddib markii ay hal mar guryihii lagu xarreeyey, loo diiday in ay is-booqdaan, laga mamnuucay in ay cisbitaalka ku booqdaan dadkii ay jeclaayeen, laga hor is-taagay in ay duugaan sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd kuwii ay jeclaayeen ayaa hal mar dareemay qiimaha xorriyada, faa’iddada caafimaadka iyo raafadka xabiska.
Badankoodu hadda ayey dareemeen dhibta lagu hayo shacabka reer Falastiin, kuwaas oo qarni barkii xorriyad daleed iyo mid daddeed ba loo diiday; bulsho badan ayaa dareentay nolosha uu hadda ku noolyahayJulian Assange, Salmaan Al-cawda iyo inta lamidka ah ee caddaalad darrada u xiran. Bulsho badan oo ay Hindiya ugu horreyso ayaa dareentay dhibta reer Kashmiir uu ku hayo maamulka xagjirka ah ee Modi iyo Amit Shah. Ma maqashay abaar dhib badnayd oo sannaddadan danbe dhulka Soomaalida haysay, oo dad badan u bixiyeen SIMA, saamaynta uu Koorano Fayraska ku yeeshay adduunka waxaa lagu magcaabi karaa "Xanuunkii Sima".

Saddexda Saamaynta Leh.

Yeelkeede, xaaladda arggagaxa iyo saamaynta leh ee uu adduunka ku yeeshay Karoona Fayrasku waxa uu dal kasta iyo bulsho walba ku khasbay in ay saddex qolo u dabo fariistaan: talo, hoggaamin, hal-abuur iyo rejo. Saddexdaas qolo oo kala ah: Madaxda dalkooda, Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimaha iyo Saynisyahanada.

Siyaasiyiinta.

Xaaladdan adag ee lagu jiro waxa ay kala saartay hooggaamiyihii kartida u saaxiibka ahaa iyo kii kartida darnaa. Dhammaan khuburada caafimaadku iyo aqoonyahanada kale ba waxa ay ammaan u soo jeediyeen hoggaamiyayaal dhowr ah oo si fiican uga badbaadiyey dadkooda Fayraskan halista ah, dalalkaas haddii aan dhowr ka tilmaamo waxaa kamid ah: Singaboor, Taywaan, Taylaan, New Zealand iyo Jarmalka. Hoggaamiyayaasha fadhiidka noqday waxaa kamid ah: Trump ka Maraykan, Boris Johnson ka Ingiriiska, oo xattaa xanuunkii isaga soo ritay, Jair Bolsonaro ha Baraasiil, Modi ga Hindiya, hoggamiyaha Talyaaniga iyo Macron ka Faransa.

Hoggaamiyayaasha Diimaha.

Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimuhu markii Koroona Fayrasku u kala gudbay dhowr dal, waxa ay u qayb-sameen labo kooxood: koox aad u yar, oo wacyi ahaan iyo aqoon ahaan dhisan, oo markiiba ku baaqday in la dhagaysto talada, aqoonta iyo amarada ka imaanaya khuburada caafimaadka iyo qolo labaad oo aad u faro badan, oo markiiba khuraafaad dadka ula dareeray, kuwaas oo xattaa keenay waxa ay ugu yeerayn daawo.

Koonfurta Kuuriya oo si xun xanuunku ugu dhuftay waxaa la sixi waayey oo diiday taladii iyo amaradii khuburada caafimaadka kaniisad ay ku cibaadaystaan koox Kiristan ah, oo xagjir ah. Taas oo aad u faafisay xanuunka. Kaniisadan oo lagu magcaabo Shincheonji (New Heaven and Earth) Jannada cusub iyo Dhulka, waxaa asaasay nin lagu magcaabo Lii Maan Hii, sannadkii 1984. Ninkan oo sheegtay in uu yahay ninka Ciise u hadla, ayaa ku doodday xattaa in aannu dhimanayn. Lii iyo xertiisu waxa ay diideen in la xiro kaniisadooda; waxa aynna ku dooddeen Karoonahan in loogu marmarsiiyoonayo diintooda iyo cibaadadooda.

Hindiya, bishii March-14-keedii, qolo Hinduu ah, waxa ay cabeen kaadi Lo'aad, waxa aynna sheegeen in ay daawo ka tahay kaadida Lo' du Fayrska Karoona, taas oo ay keento bakteeriya, inkasta oo ay hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) sheegtay in xanuunkan Fayras keeno, balse, aannay keenin Bakteeriya. Nin lagu magcaabo Om Prakash ayaa sheegay in ay wakhti dheer isticmaalayeen kaadida Lo'da si ay ugu nadiifiyaan jirkooda iyo ruuxdooddada; isla jeerkaasna ay daawo ka tahay jeermiska Karoona Fayras.

Hinduugaas waxa ay canbaarayn u soo jeediyeen dowladda Hindiya iyagoo ku dhaliilay in ay soo dhoofsanayaan daawo qalaad, iyadoo ka dhuumanaysa kaadida Lo'da oo ah daawo diimeed wakhti badan bulshadaasi soo isticmaalaysay. Waxaa se yaab lahayd baadari aad looga yaqaan Maraykanka, oo kaniisad ka taajiray oo deggan dalka Maraykanka laguna magcaabo Kenneth Copeland ayaa labadii bishii afraad muuqaal uu siidaayey ku sheegay in uu dabaysha ku dari doona Fayraska Karoona; taasi la yaab bay runtii noqotay. Iskadaa in uu dabayl ku daree, hal Milyan oo Maraykan ah ka badan baa Fayraskii soo ritay, boqol iyo konton kun oo nafood na waa galaaftay.

Culimo badan oo Islaam ah ayaa qudhooda markii cudurka ka dilaacay Shiinaha, sheegay in cudurkan Ilaahay ugu talo galay Shiinaha, si uu ugu hiiliyo muslimiinta dhiban ee Wiigariska, oo dowladda dalkaasi ku hayso dhib aan yarayn. Markii cudurkii Shiinaha dhaafay oo u gudbay dalal badan oo aan Muslim ahayn, culimadii waxa ay ku dareen in cudurkan Ilaahay ku imtixaanayo dadka aan muslimka ahayn, kuwaas oo sida ay hadalka u dhigeen xadgudbay. Culimada tabliiqa ah ayaa qudhoodu aan joojin kulamo iyo muxaadooriyin ay ku lahaayeen Baakistaan iyo dalal kale, iyaga oo ku doodday in aannu cudurkani Muslimiinta ku dhicin. Taas oo keentay in cudurkii si dhakhso ah u faafo, ilaa markii dambe dowladda Baakistaan joojisay kulamo ay lahaayeen culimadaas tabliiqa ah, marka kalenna go'doomisay masaajidyo ay tabliiqu kullan ku lahaayeen oo xanuunka laga helay.

Malaysiya bishii saddexaad ee sannadkan dad tiradoodu tahay 673, oo laga helay xanuunka, saddex meelood oo labo meelood waxa ay kullan ku lahaayeen masaajid ay ku kulmeen kooxda tabliiqa, oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Baakistaan.

Ciraaq Shiikh lagu magcaabo Hadi Al-modarresi oo sheegay in xanuunkan Shiinaha Ilaahay ugu talo galay si uu ugu hiiliyo musliiminta Shiinaha, buu soo ritay Fayraskii. Inkasta oo gadaal laga qaxiijiyey in cudurka laga daaweyey isaga iyo qoyskiisa ba. Culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu horreeyo Umal inkasta oo uu markii danbe afka duubtay, dadkana ka wacyi galiyey xanuunkan halista ah, balse, markii hore waxa uu ku doodday in xanuunkan Ilaahay gaalada ku imtixaanayo, kuwaas oo macaasidoodii badatay; sidaas si lamid ah waxaa sameeyey Shiikh Barbaraawiga Hargaysa, oo markii hore xanuunka ku sheegay xanuun Ilaahay gaalo ku imtixaanayo, is-buuc kaddibna isagaa isku jawaabay oo is-radiyey. Isagoo leh, xanuunkan looma aannayn karo xanuun gaaalo. Shiikh Xuseen Cali ga Tabliiqa ah waxa uu ka horyimid isagoo jeedinaayey khudbad talada caafimaadka ee oronaysa in aan la isi salaamin, si aannu xanuunku u gudbin.

Yeelkiise yaabku, Boosaaso Shiikh lagu magcaabo Rusheeye oo ka shaqaysta waxa uu ugu yeedhay dumarka Jinku galo ayaa sheegay in uu hayo daawadii Karoona Fayraska isagoo dadka horkeenay booyad biyo ah; Shiikhaas oo markii danbe Boosaso isaga baxay, oo aaday dhankaas iyo Burco. Burco iyo Hargaysa waxaa ka soo baxay wadaado sheegay in hayaan daawadii Karoonaha.

Isku soo duuboo, dhammaan siyaasiyiinta fashilmay, oo ay ugu horreeyaan Trump ka Maraykan, Bolsonaro ha Baraasiil iyo kuwa Iiraan iyo hoggaamiyaayasha diimaha ee aynnu ka soo sheekaynay dhammaantood waxa ay ka sinaayeen hal arrin taas oo ah in ay kor u qaadayaan aragtida mu'aamaraadka ama shirqoolka (Conspiracy Theories) iyagoo leh halkaas baa lagu sameeyey Karoonaha, sidaasna waa loo sameeyey, cidaasna waa loogu talo galay, si loogu dilo dadkooda iyo dhaqaalahooda.

Qoloda saddexaad ee adduunka sida dhow loo sugaayey taladooda, khibradooda, aqoontooda iyo weliba hal-abuurkooda ku saabsan talaal lagu la tacaalayo fayraskan waa Saynisyahannada, oo ah qoloda aynnu kaga sheekayn doono qoraalkeenan. Saynisyahannadu waxa ay inta badan caan ku yihiin hadal yar iyo howl badan. Saddexdii qarni ee aynnu soo dhaafnay ma jirto cid ka wax qabad badnayd saynisyahannada kuwaas dhinac walba hal-abuurkooda lagu liibaanay.

Qoraalkeennan kagama sheekayn doono wax qabadkii saynisyahanada oo dhan, kaliya waxa aynnu eegi doonaa sida ay horumar wayn uga sameeyeen caafimaadka (Health) iyo sida ay xanuuno badan oo dilaa ahaa u soo af-jareen, iyagoo soo saaraya talaalo iyo daawooyin.

Waxqabadka Saynisyahanada Dhanka Caafimaadka.

Buuggiisa Englightenment Steven Pinker waxa dadka waydiiyey su'aashan: How do we explain the gift of life that has been granted to more and more of our species since the end of the 18th century? Su'aasha sida aad doonto uga jawaaab, balse, ma jirto cid ka mudan mahadnaq iyo amaan, Ilaahay ka sakow, aqoonyahanada sayniska, kuwaas oo xanuuno badan oo dilaa ahaa soo afjaray.

Xanuunada safmarka ah (Epidemics) waxa ay dili jireen milyinis qof ka badan, waxa dhulka la simi jireen xadaarado dhan, waxa aynna burbur xoogaan iyo dhibaato kaga tagi jireen dadka. Cudurradaas safmareenka ah faqiir iyo taajir ba uma aabbo yeeli jirin, labada ba isku si buu u layn jiray. Sannadkii 1836 ninkii xilligaas ugu taajirsanaa addduunka oo lagu magcaabo Nathan Mayer Rotheschild ayaa u geeriyooday xanuun ka soo bax ah; dhowr boqortooyo oo Ingiriis ah waxaa xilligoodii soo gaabiyey oo ay u geeriyoodeen dhowr xanuun oo kala duwan, sida: Malaariya, Tiibay (TB), oof-wareen (Pneumonia), tiifow (Typhoid) iyo furuq (Smallpox), madaxweynii Maraykanka Henry William Harrison wax yar kaddib caleemo saarkiisii  waxaa soo ritay xanuun, kaas oo uu muddo bil ah kaddib u geeriyooday; James Polk madexweyne kale oo Maraykan ah isna waxaa soo ritay daacuun colooleed saddex bil kaddib markii uu baneeyey xafiiska sannadkii 1849 kii.

Balse, sida taariikhda ku cad, laga soo bilaabo dhammaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad, markaas oo ay saynisyahannada hal-abuureen talaalka iyo kaddib markii la dedejiyey aragtida jeermiska ee cudurada, waxaa xal loo helay xanuun badan oo galaafan jiray bilyanis dad ah; waxyaabaha la gaaray ama la ogaaday waxaa kamid ah: awoodda iyo faa'iddada gacmo dhaqashada, ummulisada, daawaynta biyaha wasakhaysan, kuwaas oo galaafan jiray tiro badan oo dad ah iyo in la xakameeyey xanuunka jadeecada.

Sannadkii 1995 koox saynisyahanno ah ayaa ku dhawaaqay talaalka cudurka Dabaysha (Polio) ee uu hal-abuuray saynisyahanka Jones Salk, cudurkaas oo sannad walba galaafan jiray kumanaan dad ah. Jones kaligii maahee, waxaa jira saynisyahanno kale oo uu kamid yahay Karl Landsteiner kaas oo daaha ka qaaday noocyada dhiiga (Blood Groups) taas oo ay ku badbaadeen bilyanis dad ah.

Koox kale oo saynisyahanna ah oo aadan maqal, balse maalin walba hal-abuurkoodii iyo waxqabadkoodii dad lagu badbaadiyo baan halkan kuugu soo gudbin, saynisyahanadaa waxaa kamid ah: Abel Wolman iyo Linn Enslow oo hal-abuuray daawada biyaha lagu sifeeyo ee loo yaqaan Kolooriin (Chlorination of water) taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 177 milyan oo nafood, William Foege kaas oo keenay habka lagu ciribtirayo furuqa (Smallpox Eradication Strategy) taas oo badbaadisay dad lagu qiyaaso 131 milyan, Maurice Hilleman kaas oo hal-abuuray daawada siddeedda (Eight Vaccines) waxa aynna badbaadisay 129 milyan dad lagu qiyaaso ah, John Enders talaalka jadeecada (Measles Vaccine) waxa aynna badbaadisay 120 milyan tiro lagu qiyaaso oo dad ah.

Howard Florey oo hal-abuuray daawo anti-baayootik ah oo lagu magcaabo Penicillin taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 82 milyan oo dad ah. Gaston Roman oo hindisay talaal lagu magcaabo Diphtheria iyo tenanus taas oo ay ku badbaadeen dad 60 milyan lagu qiyaaso. David Nalin oo hal-abuuray daawo afka laga qaato kaddib marka qofku fuuq baxo, taas oo badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 54 milyan. Paul Ehrlich oo hal-abuuray daawada Diphtheria iyo tenanus waxa ay badbaadisay 42 milyan.

Andreas Gruntzig oo hal-abuuray daawada cudur kala xidha halbowlaha dhiiga kaas oo lagu magcaabo Angioplasty waxa aynna badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 15 milyan. Grace Eldering iyo Pearl Kendrick ayaa iyaguna hindisay talaalka qiix-dheerta taas oo badbaadisay 14 milyan. Gertude Elion oo hal-abuuray daawada Rational drug design taas oo badbaadisay 5 milyan. Koox cilmi-baadhayaal ah oo diiwaan galiyey inta dad ee hal-abuurkaaas ku badbaaday ayaa sheega dad lagu qiyaasi shan bilyan oo dad ah, iyagoo doortay kaliya boqol saynisyahan oo kaliya.

Cudurka furuqa oo qarnigii labaatanaad galaaftay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 300 milyan ayaa la soo af-jaray ama la cidhib tiray. Mo ogtahay akhristow in bukaankii ugu danbeeyey ee xanuunkaas furuqa laga daweeyey uu ahaa Soomaali sannadkii 1977? Waxaan filayaa, waa maya. Balse, waad garanaysaa dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya.

Xanuunka duumada (Malaria) oo galaafan jirtay kala badh dadkii noolaa qarnigii labaatanaad iyo wixii ka horreeyey ayaa rejo laga qabaa in la cirib tiro inta lagu guda jiro qarnigan. Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2015 ayay hoos u dhacday 60%, hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa dejisay qorshe lagu yaraynayo xanuunka 90% sannadka 2030, waxaana la rejaynayaa in laga ciribtiro xanuunkan soddan iyo shan dal, oo kamid ah shagaashan iyo toddoba dal oo xanuunkan faafaa ka jiro. Xanuunkan duumada ayaa laga soo afjaray dalka Maraykanka sannadkii 1951, kaas oo uu ka ahaa shaacsane.

Intaas waxaad ku sii dartaa horumarka laga gaadhay aqoonta dhakhaatiirta, kuwaas awood u yeeshay in ay aqoon buuxda u leeyihiin jirka qofka, iyagoo qalliin ku samaynaya meel walba oo jirkeenna kamid ah. Ha ilaawin hal-abuurka qalabka cusub kaas oo fudeeyey in si fudud xanuuno badan lagu daawayn karo ama lagu xakamayn karo. Waa sax, waxaa jira xanuuno badan, sida HIV, AIDS oo aan weli daawo loo helin, balse, waxaa guul ah sida loo xakameeyey, oo dalal badan oo xattaa Afrika ugu horreyso looga yereeyey xanuunkan.



Ugu danbayn xanuunka Karoona Fayraska oo maanta madaxa la galay shan milyan oo qof oo bukto ah, dhimishaduna kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins, waxa uu ku soo beegmay xilli aqoonta, tiknooloojiyada, khibrada iyo awoodda saynisku ay aad u sarreyso, waxaana hadda saynisyahanada laga sugayaa in ay sannad gudihii kaga jawaabaan fayraskan. Ha moodin in cudurkan sidaa dhaksaha u faafayo ay keentay awood darrada iyo aqoon yari dhanka dadka ah, balse waxaa sababay wada-shaqayn la'aanta dhanka dowladdaha ah, gaar ahaan labada dowladdood ee adduunka ugu awoodda badan, Shiinaha iyo Maraykanka, iyo weliba karti darada madaxada qaar, sida madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Arrin siyaasiddeed baa keenay in uu si dhakhso ah ku faafo.

Isku soo duuboo, weli ma helin saynisyshanadaas aynnu ka sheekaynay, oo keenay horumarkaas iyo guushaas aqoonsigii ay mudnaayeen. Balse, yaa ku yidhi taariikhda caddaalad samaysa? Yaa ku yidhi halyey iyo hal-abuur walba caddaalad buu helaa?


Xigasho:

1: Buugga Steven Pinker, Enlightenment.
2: Al-Jazeera
3: BBC News
4: South China Morning
5: Dawn.com
6: World Health Organizatin (WHO)
7:Agence France-Presse (AFP)
           8: Johns Hopkins University
9: Hiiraan.com
10: The New Arab


                 W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.

Saturday, March 28, 2020

Adduunka Fayraska Karoona Dabadii


Aadanuhu hadda waxa ay waajahayaan dhibaato caalamiya. laga yaabaa in ay tahay dhibaatadii ugu waynayd ee jiilkan. Go'aanada ay qaataan dadku iyo dawladduhu is-buucayadan soo socda ayaa qaabayn doona adduunka sannadada imaan doona. Ma saamayn doonaan oo kaliya hababkeenna daryeelka caafimaad oo kaliya, balse, dhaqaalaheenna, siyaasadda iyo dhaqanka. Waa in aynnu la nidaamnaa ficil qorshaysan si degdeg ah. Waa in aynnu sida oo kale xisaabta ku darsanaa cawaaqibyada fog ee ka dhalan karta ficiladeenna. Kala doorashada baddiilka (Alternatives), waa in aynnaan is-waydiin oo kaliya, sidee looga gudbaa khatartan degdeg ah, balse, adduun noocee ah ayeynu dhaxli doonaa kaddib marka aynnu ka gudubno duufaantan. Haa, duufaantan waa dhaafi doonaa, aadanuhu waa badbaadi doonaa, badankeennu waxa aynnu ahaan doonaa kuwo weli nool- balse, waxa aynnu ahaan doonaa adduun ka duwan kan maanta.
Kuwo badan oo xaaladdo degdeg ah oo ku meel gaar ah ayaa noqon doona kuwo sii jira. Taasi waa dabeecadda xaaladdaha degdeg ah. Waxa ay horay u soo dhigaan hababka taariikheed. Go'aanno qaadan lahaa xilliga xaaladdu caadi tahay sannado badan ayaa lagu meel marinayaa saacado. Qaan-gaar la'aanta iyo weliba tiknooloojiyada khatar badan ayaa la hawl galinayaa. Waayo khatarta in aan waxba la qaban baa ka wayn. Dhammaan dalalkii ayaa hadda isku beddalay Guinea-pigs oo si baaxad wayn loogu samaynayo tijaabo bulsheed. Maxaa dhacaya marka qof walba shaqadiisa ka gudanayo guriga, laguna wada xiriirayo masaafo ahaan (distance)? Maxaa dhacaya marka dhammaan is-kuulada iyo jaamacadduhu ku baxaan qaab Online ah? Xilliga caadiga ah, dawladdaha, ganacsiyada iyo gudiga waxbarashadu ma yeelayaan in ay sameeyaan tijaabadaas, balse, wakhtigan maaha mid caadi ah.
Xilligan dhibaatada, waxa aynnu waajahaynaa labo doorasho oo gaar ah oo muhiim ah. Kan koowaad waa kan u dhaxeeya kalitalisnimada kormeereed (Totalitarian surveillance) iyo awoddaynta muwaadiniinta (Citizen Empowerment). Kan labaadna waxa uu dhaxeeyaa go'doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnida adduunka (Global Solidarity).
Kormeerida Maqaarka Hoose (Under-the-skin Surveillance).
Si aad u joojiso cudurkan saf-mareenka ah, dhammaan dadku waxa ay u baahinyihiin in ay raacaan xeerar goonniya. Waxaa jira labo hab oo lagu gaaro. Habka koowaad waxa weeye in dawladdu ku samayso dadka kor-joogtayn joogt ah, kuwa xeerka jabiyana lagu ciqaabo. Maanta, waa markii koowaad taariikhda aadanaha, tiknooloojiyadu macquul ka dhigtay in kor-joogtayn lagu sameeyo qof walba wakhti kasta. Konton sanno ka hor, KGB ma awooddin in ay la socoto muwaadinka Soofiyeedka ee ka jooga 240m labaatan iyo afar saac ee maalintii. Xattaa ma awooddin KGB in ay si heersare ah u maamusho xogtii la soo aruuriyey. KGB waxa ay ku tiirsanayd sirdoonka dadka iyo lafo-gurkooda. Mana saamayn karayn in ay sirdoonkooda la socodaan muwaadin kasta. Balse, hadda dawladdu waxa ay ku tiirsantahay tiknooloojiyad mar walba joogto ah iyo Al-goriisam awood badan leh, halkii ay kaga tiirsanaan lahayd sirdoonka dadka.
Dagaalka ka dhanka ah oo ay kula jiraan fayraska saf-mareenka ah ee Karoona dhowr dawladdood ayaa is-ticmaalay agabka wax lagu kormeero (Surveillance tools). Kiiska ugu muhiimsan ee laga xusi karano waa kan Shiinaha. Iyagoo si dhow u kormeeraya taleefanada gacanta, samaynaya in la isticmaalo boqolaal milyan oo kaamiro oo lagu aqoonsanayo wajiyada iyo in dadka amar lagu siiyo in hubiyaan, diraan heerkulka jirkooda iyo weliba xaaladdooda caafimaad, dawladda Shiinaha maaha oo kaliya kuwo markiiba sheegaya kuwo looga shakiyo in qabaan fayraska Karoona, balse, waxa ay la socdaan qof walba dhaqdhaqaaqiisa waxayna sheegayaan cida uu xiriir la sameeyey. Tiro ablikayshano talafeenka gacanta ah ayaa uga digaya muwaadiniinta dadka u dhow ee qaaday fayraska.

Wax ku Saabsan Sawirka (About the Photography).
Sawirradan la socda maqaalkan waxaa laga soo qaaaday Webcams wadooyinkii Talyaaniga oo saxare u muuqda marka kor laga fiiriyo. Waxaa helay, oo ka faa'daystay Graziano Panfili sawir qaade hadda ku nool xaalad karantiin ah (Lockdown).
Tiknooloojiyada noocan oo kale ah kuma koobna Bariga Aasiya oo kaliya. Raa'sul wasaaraha Israa'iil ayaa dhowaan soo saaray amaro ah in loo daabulo Wakaalada Amaanka ee Israa'ii tiknooloojiyada wax lagu kormeero (Surveillance Technology) sida caadiga waxaa loogu talo galay kayd lagu la dagaalamo arggagixisada, balse, hadda waa in lagu raadraaco dadka la buka fayraska Karoona Markii ay gudiga baarlaamaanka ah ee joogtada ah diideen in ay dalabkaas sharciyeeyaan Netanyahu waxa uu isticmaalay dikrayto xaalad degdeg ah.
Waxaaba macquul ah in lagu dooddo waxan wax cusub kuma jiraan. Sannadihii ugu danbeeyey dawladda iyo kambaniyada waa wayn ba (Corporations) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo isticmaala tiknooloojiyad casriya taas oo lagu raadraaco, lagu kormeero loogana faa'iidaysto dadka. Balse, haddii aynnaan taxadar muujin fayraskan saf-mareenka ah waxaa laga yabaa si kasta ha ahaatee in uu astaan u noqdo xaalad kormeer oo taariikhiya. Maaha oo kaliya in xaalad caadi ah ka dhigto daabulida agabka wax lagu kormeero dalalka markii horeba iska diiday, balse, in ay tilmaan u tahay is-beddal lagaga imaanayo kormeerida maqaarka dushiisa ilaa kormeerida maqaarka hoostiisa (under-skin).
Weli, marka fartaadu taabato shaashada moobaylkaaga, kuna dhufato linki dawladduna ay rabtay in ogaato waxa saxda ah oo fartaadu kilik (click) garaysay, fayraska karona dartii, dantii dawladda hadda waa is-beddeshay. Hadda dawladdu waxa ay doonaysaa in ay ogaato heer kulka fartaada iyo garaaca dhiigaaga ee maqaarka hoostiisa.

Macaanka Xaaladdaha Degdega (The Emergency Pudding).
Mid kamid ah dhibaatooyinka aynnu waajahayno marka aynnu ka shaqanayno meel la is kormeerayo ayaa ah in aynnan ogayn sida la innoo kormeerayo iyo waxa la imaan doonto sannada soo socda. Tiknoloojiyada wax lagu kormeero (Technology Surveillance) ayaa ah mid si degdeg ah horumar u samaynaysa, wax u muuqday sayniska khiyaaliga ah (Science-fiction) toban sanno ka hor ayaa maanta ah war hore (Old news). Inkasta oo ay tahay fikrad la tijaabiyey, ka soo qaad in ay dawladdu dalbato in muwaadin walba xirto qalabka lagu la socda jirka iyo dabaceedaha gaarka ah ee qofka, gaar ahaan wadno garaaca iyo heer kulka jirka (Biomatric bracelet) labaatan iyo afar saac ee maalintii. Maxsuulka xogta waxaa kaydinaya, haddana falan-qayn ku samayn doona Al-goriisam dawladdu leedahay. Al-goriisam kaasi waxa uu awood u leeyahay in uu ogaado in aad xanuusantahay ka hor inta aadan adigu ogaan, waxa ay sida oo kale ogaan halkee baad ku sugnayd iyo weliba cidda aad la kullantay. Xiriirsanaanta gudbinta fayraska waxaa laga yabaa in la soo yareeyo ama la soo af-jaro. Qalab noocaas oo kale ah waxaa laga yabaa in uu soo af-jaro cudurkan saf-mareenka ah. War aad u wanaagsan, sax?
Dhibtu waxa weeye, dabcan, taasi waxa ay sharciyad siinaysaa kormeerid cusub (New Surveillance) oo arggagax leh. Haddii aad ogtahay, tusaale ahaan in aan daawaday Fox News halkii aan ka daawan lahaa CNN taasi waxa ay wax kaa baraysaa aragtidayda siyaasaddeed iyo weliba laga yaabee tan shakhsiyadayda. Haddii aad awood u leedahay in aad kormeerto waxa ku dhacaya heerkulka jirkayga, cadaadiska dhigayga iyo wadno garaacayga marka aan daawanayo muuqaal, waxaad ogaanaysaa waxa iga farxiya, waxa iga oohiya iyo waxa iga caraysiiya.
Waa muhiim in aad xusuusnaato in carada, faraxadda, caajisnimada iyo jacaylku in ay yihiin daahiro bayloojiya (Biological Phenomena) sida qandhada iyo qufaca. Isla tiknooloojiyada sheegaysa qufaca waxa ay awood u leedahay in ay sheegto qosolka. Haddii kambaniyada waa wayn iyo dawladduhu bilaabaan in ay ka faa'idaystaan qalabka lagu la socda dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka ogaan karaan shakhsiyadeenna si ka wanaagsan sida aynnu innagu u ognahay. Ma sadaalin karaan oo kaliya dareemaheenna, balse, waxa ay ka faa'idaysan karaan dareemaheenna, waxa aynna inna ka gadi karaan wax walba oo ay rabaan- haddii ay noqoto badeecad ama siyaasad.
Qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka dhigi karaan Cambridge xogta lagu la fo guro (Cambridge Anlytica's Data) xeeladdeeda lagu jabsado mid u muuqata xillgii dhagxaanta (Stone age). Bal sawirro Waqooyiga Kuuriya sannadka 2030 markaas oo muwaadin kasta laga rabo in uu xirto qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah iyo jirka qofka labaatan iyo afar saac ee maalintii. Haddii aad dhagaysato khudbad uu jeedinayo hoggaamiyaha wayn, qalabkuna uu sheego in aad caraysan tahay, waad tagtay.
Dabcan, waad ka dhigi kataa qalabka wax lagu la socdo (Biometric Surveillance) mid ku meeel gaar ah, kaas oo la isticmaalayo inta lagu jiro xaaladda degdeg ah. Marka ay dhammaatano la qaadayo. Balse, go'aanada ku meel gaarka ahi waxa ay leeyihiin dabeecado aan wanaagsanayn oo ah in ay sii jiraan, gaar ahaan mar walba oo ay jiraan xaaladdo degdeg ah oo qarsoon. Dalkayga hooyo ee Israa'iil, tusaale ahaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku meel gaar ah intii lagu gudo jiray dagaalkii madax-banaanida ee sannadkii 1948 kaas oo lagu meel mariyey tiro amaro ah oo lagu faaf-reebayo saxaafada, la wareegida dhulka iyo xeer gooniya si loogu samayato macmacaan (kugu ciyaari maayo). Dagaalkii madax-baanaanida waa mid waa hore lagu guulaystay, balse, Israa'iil kuma dhawaaqin in xaaladdii degdeg ahayd dhammaatay. Waxa ay ku guuldarraysatay in ay baabi'iso amaro badan oo ku meel gaar ahaa kuwaas oo la qaatay sannadkii 1948 (xaaladdii degdeg ahayd ee sannadkii 1948 nasiib wanaag waxaa la qaaday sannadkii 2011).
Xattaa, marka la soo af-jaro fayraska Karoona, qaar kamid ah dawladdaha u ooman xogta waxay ku dooddi doonaan in la sii joogteeyo agabka lagu la socda xogta khaaska ah ee qofka, maxaa yeelay cabsida laga qabo fayraska Karoona oo mar labaad dilaaca ama maayee xanuunka Ebola oo ka soo bixi kara mar kale bartamaha Africa ama mayee ... waad heshay fikrada. Dagaalka ugu culus dhowaanahan waxa uu ka socday xogaheenna khaaska ah. Dhibaatada fayraska Karoona ayaa laga yabaa in ay sii xoojiso dagaalka. Goortii dadka la kala dooran siiyo xogta shakhsiga ah iyo caafimaadka, badanaa dadku waxa ay door bidaan caafimaadka.

Saabuunta Booliska (The Soap Police).
In dadka la waydiiyo in ay kala doortaan xogaha khaaska ah (Privacy) iyo caafimaadkooda (Health) waa halka dhibtu taal. Maxaa yeelay waa doorasho khaldan. Waxa aynnu xaq u leenahay in aan helno labadoodaba. Waxa aynnu dooran karnaa in aan difaacano caafimaadkeenna, joojinona fayraska Karoona ee saf-mareenka ah, maaha in ay bilowno hirgelinta nidaam kalitalisnimo oo wax kormeera (Totalitarian Surveillance Regime), balse, in la awooddeeyo muwaadiniinta (Empowering Citizens). Isbuucyadii ugu danbeeyey dedaaladii guulaystay ee lagu tacaalaayey fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxaa la yimid Koonfurta Kuuriya, Singaboor iyo Taiwan. Inkasta oo ay dalalkani la yimaadeen agab (Application) lagu tixraacayo, waxa ay ku tiirsanaayeen tijaabo gun-dheer, soo sheegida xogo daacad ah iyo rabitaan in la shaqeeyeen muwaadiniintooda oo ah kuwo wacyi fiican leh.
Kormeerida dawladda dhaxe (Centralised Monitoring) iyo ciqaabida aadka u daran maaha hababka kaliya ee dadka ka dhigaya in adeecaan sharciga. Marka dadka loo sheego xaqiiqooyinka cilmiga ku salaysan, dadkuna aamminaan xogta ay sheegayso dawladdu, dadka waxa ay qabanayaan wax saxda ah, iyagoo aan u baahnayn in uu ilaaliyo walaalka wayn (Big Brother). Bulsho wacyi fiican leh oo is-diraysa baa ka wanaagsan ayaa badanaa ka awood badan, oo ka wanaagsan mid boolis ilaalinaayo oo jaahil ah.
Ka soo qaad, tusaale ahaan in aad saabuun ku dhaqdo gacmahaaga. Tani waa mid kamid ah waxyaabaha ugu sarreeya ee aadanuhu nadaafad ahaan horumar ka sameeyey. Ficilkani yari waxa uu badbaadiyaa nolasha malaayiin qof sannad walba. Inkasta oo aynnu iska dhaxalnay innagu, waxa ay ahayd qarnigii sagaal iyo tobnaad markii saynisyahanadu ogaadeen muhiimada ay leedahay in gacmaha lagu dhaqdo saabuun. Wixii ka horreeyey xattaa dhakhtarada waxa ay isaga gudbi jireen dhowr qaliin iyaga oo aan dhaqin gacmahooga.
Maantase bilyan dad ah baa maalin walba gacmahooga dhaqa. Maaha in ay ka baqayaan saabuunta booliska (Soap Police) balse, waa in ay fahmeen xaqiiqada. Gacmahayga waxaan ku dhaqaa saabuun, maxaa yeelay waxaan maqlay in fayraska iyo bakteeriyadu, waxaan fahmay in ay noolahan yaryari (Tiny organism) ay sababaan xanuun, waxaan kaloo ogahay in saabuuntu disho.
Balse, si loo gaadho in dadku raacaan loona helo oo wado-shaqayn heer sare ah waxaad u baahantahay aaminaad. Dadku waxa ay u baahanyihiin in ay aaminaan sayniska, dawladda, iyo warbaahinta. Dhowrkii sanno ee ina dhaafay, siyaasiyiin masuuliyada ka maran ayaa si cad u curyaamiyey sayniskii, dawladdii iyo warbaahintii. Waxaaba laga yabaa in siyaasiyiintaa ka maran masuuliyada in ay isku beddelaan kali-taliyaal, iyagoo sabab uga dhigaya in aan waxba lagu aamini karin shacabka.
Sida caadiga ah, aaminaadii sannado badan la soo burburinaayey laguma dhiso karo hal habeen. Balse, hadda maaha xilliyadii caadiga ahaa. Marka lagu jiro dhibta, maskaxdu waxa ay awood u leedahay in ay si degdeg ah isku beddesho. Waxaa laga yabaa in ay adiga iyo carruurtada idin dhextiil dood aan wanaagsan, balse, marka ay dhacdo xaalad degdeg ah, waxaas si degdeg ah ula soo baxaysaa aaminaad iyo saaxiibtinimo idiin qarsoonayd. Waxaadna u kala ordaysaan caawinta midba midka kale.
Halkii aad ka dhisi lahayd nidaam lagu kormeero dadka, maaha wakhti danbe in dib loo dhiso aaminaada sayniska, dawladda iyo warbaahinta. Waa in aynnu ka faa'idaysanaa tiknoolooniyada cusub, iyadoo awood la siinayo muwaadiniinta. Waxaan door bidayaa in aan ogaado heer kulka jirkayga, garaaca dhiigayga, balse, waa in aan xogtayda loo isticmaalin in aannay dhisan dawlad kali-talis ah. Halkii, waa in ay noqotaa xog iga dhigaysa mid wacyi sare leh iyo mid ka dhigaysa in dawladda lala xisaabtamo.
Haddii aan labaatan iyo afar saac ee maalintii aan la socdo xaaladdayda caafimaad ogaan maayo oo kaliya in aan halis ku ahay dadka kale, balse, dabeecadaha ka qayb-qaadanaya caafimaadkayga. Haddii aan helayo xisaab iyo xog lagu kalsoonaar karo oo ku saabsan faafida fayraska Karoona, waxaan ogaan karaa in dawladdu ii sheegayso run iyo ay la timid siyaasad ay kula dagaalamayso fayraskan saf-mareenka ah. Xusuusnow mar walba tiknooloojiyada dawladdu u adeegsanayso in ku kormeerto dadka, waxaa sida oo kale loo adeegsan karaa in lagu kormeero dawladda qudheeda.
Fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxa uu noqon doonaa imtixaan wayn oo muwaadineed. Maalmaha imaan doona, waa in qof walba ka doortaa aaminaada xogta sayniska iyo khuburada caafimaadka, aragtiyaha aan salka iyo raadka lahayn ee shirqoolka iyo siyaasiyiinta danlayda ah. Haddii aynnu ku fashilano in aan qaadano go'aanka saxda ah, waxaa laga yabaa in iska wareejino xorriyadeennii ugu qaalisanayd, innagoo ku fakerayna in sidaasi tahay qaabka kali ah oo aynnu ku ilaalin karno caafimaadkeenna.

Waxa Aynnu u Baahanahay Qorshe Caalamiya (Global Plan).
Go'aanka labaad ee muhiimka ah ee aynnu waajahayno ayaa ah kan u dhaxeeya go'doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnaanta dhammaan adduunka (Global Solidarity). Fayraskan saf-mareenka ah iyo dhibaatada ka dhalatay ee dhaqaale burbur labaduba waa dhibaatooyin caalamiya (Global Problems). Waxaanna lagu xalin karaa in dalalku dhammaan ka wada-shaqeeyaan (Global Co-operation).
Ugu horreyn si looga guulaysto fayraskan waxa aynnu u baahanahay in dhammaan dalalku aynnu wadaagno xogta. Taasi waa faa'iidada ay dadka ka haystaan fayraska. Karoona fayraska Shiinaha iyo Karoona fayraska Maraykan isma dhaafsan karaan sida aadanaha loogu gudbiyo fayraska. Balse, Shiinuhu waxa uu siin karaa Maraykanka cashar muhiim ah oo ku saabsan fayraska Karoona iyo sida loola tacaalo. Xogta uu daaha ka qaada subaxii dhakhtarka Talyaani ee Milan joogaa ayaa badbaadin karta nafo badan oo reer Tahran ah fiidkii. Marka ay dawladda Ingiriis ka labo labayso dhowr siyaasaddood waxa ay talo ka heli kartaa Kuuriya oo dhibtan soo martay bil ka hor. Si ay tani u dhacdo waxa aynnu u baahanahay wada-shaqayn iyo is-aaminaad.
Dalalka waa in ka go'antahay in wadaagaan xogta si daah-furan aynna noqdaan kuwo talo raadsada iyo weliba kuwo awoodda in ay aamminaan xogta iyo aqoonta ay heleen. Waxa kale oo aynnu u baahanahay dedaal caalamiya si aynnu u soo saarno una qaybino qalabka caafimaadka, weliba qalabka tijaabada lagu qaado iyo mashiinada neefsashada (Respiratory machines). Halkii uu dal walbaa uu u hawl-gali lahaa kaligiis, kaydsan lahaana qalab walba oo uu helo, dedaalada wada-shaqayneed ee caalamiga ah ayaa soo dedejin karta wax soo saarka, xaqiijin kartana qalabka lagu badbaadinayo dadka in loo qaybiyo si caddaalad ku jirto. Sida dal walba u qarameeyo warshadihiisa muhiimka marka uu ku jiro dagaal dagaalka adaanaha ee ka dhanka ah fayraska Karoona waxa ay innoo ka baahanyihiin in aadanaha u fekerno (Humanise) marka la soo saarayo waxyaabaha muhiimka ah. Dalalka qaniga ah ee uu ka jiro kiisaska kooban ee fayraska waa in ay u diraan dalalka saboolka ah ee uu ka jiro kiisas badan oo fayraska ah qalabka muhiimka ah, isagoo aaminaya in marka u baahanyahay taageero uu ka helayo dalalka kale.
Waa in aynnu sidoo kale u fekernaa in dalalka ay ka jirto kiisaska kooban ee fayraska uu diraa dhakhaatiirta caafimaadka dalalka uu ka jiro kiisaska faraha badan ee fayraska, si ay u caawiyaan xaaladda ay u baahanyihiin, sida oo kalenna khibrad uga bartaan. Haddiiba fayraska saf-mareenka ah uu jihada kale aado caawinaadu aado dhanka kale.
Wada-shaqaynta caalamiga ah sidoo kale waxa ay geli karaa dhanka dhaqaalaha. Ka soo qaad dabeecada dhaqaalaha iyo xiriirsanaanta dalabaadka, haddii dawlad kastaa ay kaligeed wax iska qabsato iyadoo aan ahmiyad siinayn kuwa kale, natiijadu waxa ay noqonaysaa qas iyo mid dabo-dheeraata. Waxa aynnu u baahanahay qorshe ficil oo caalamiya, waxa aynnuna ugu baahanahay si degdeg ah.
Sida oo kale waxa aynnu u baahanahay heeshiis caalamiya oo khuseeya safarka. Xayiraada safarada caalamiga ah bilooyin waxa ay abuuri doonaan dhibaatooyin kale, wax aynna adkayn doontaa dagaalka lagu la jiro fayraska Karoona. Dalalku waxa ay u baahanyihiin in ay wada-shaqeeyaan si ugu yaraan safarada muhiimka ah, sida: saynisyahanada, dhakhtarada, wariyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatadu isaga gooshaan adduunka. Tan waxaa lagu gaari karaa iyadoo la helo heshiis caalamiya iyadoo dadka safraya lagu sii baarayo dalalkooda. Haddii aad ogtahay in dadka la soo hubiyey loo oggolyahay diyaarada waxaad u oggolaanaysaa dalkaaga.
Nasiib-darro, dalalka wakhtigan way adagtahay in ay intan sameeyaan. Curyaamin wadareed ayaa dib-u-dhigtay beesha caalamka. Waxa ay u muuqata in aannay jirin wax hoggaamin ah. Mid la rejaynaayey ayaa ahayd in isbuucyadii ina dhaafay la rabay in uu qabsoomo shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka ku bahoobay G7, si ay ula yimaaadaan qorshe guud. G7 waxa ay qabteen shir ku qabsoomay muuqaal isbuucan kamana soo bixin qorshahaasi.
Dhibaatooyinkii hore ee adduunku soo maray, sida: dhaqaale burburkii 2008 iyo fayraskii saf-mareenka ahaa ee Ebola, dawladda Maraykan waxa ay ciyaartay doorkeedii hoggaamineed ee adduunka, balse, nidaamka Maraykan ee maanta jiraa waxa ay u muuqaata in uu doorkaas ka haajiray. Waxa uu cadeeyey in uu danaynayo saraynta Maraykan in ka badan mustaqbalka aadanaha.
Maamulkani xattaa waxa uu meel cidlo ah kaga tagay xulafadiisii ugu dhowayd. Markii uu mamnuucay safarada Yurub oo dhan, dhib wayn ba kuma hayn in uu sii siiyo wax ogaysiin ah. Ha ka la tashado oo kaliya reer Yurub amarada aadka u daran (Drastic measures). Waxaaba fadeexaysay dalka Jarmalka, kaas ku dacwaysay in uu u soo gudbiyey hal bilyan farmasiiyada Jarmalka kuwaas oo uu rabay in uu ka iibsado xaquuqda gaar ahaaneed ee talaalka cusub ee Covid-19. Xattaa haddii maamulkan hadda jiraa uu beddelo dhaqankaas oo la yimaado qorshe caalamiya, dalal faro ku tiris ah baa raacaya dal aan masuuliyad qaadayn, khaladna qiranayn, wax walba oo wanaagsana naftiisa ku sifaynaya, isagoo wixii dhaleecayn dusha ka saaraya kuwa kale.
Haddii aanay dalalka kale buuxin booskaa uu beeneeyey Maraykan, kaliya ma sii adkaanayso in la joojiyo fayraska saf-mareenka ah, balse, waxa ay sababi doontaa in dhaxalkiisu sumeeyo xiriirka caalamiga ah sannadada imaan doona. Hase yeeshee dhibaato walba sida oo kale waa fursad. Waa in aynnu rejaynaa fayraskan saf-mareenka ah in aadanahu xaqiijistaan khatarta daran ee ku hayo midnimo laa'aanta caalamiga ah.
Aadanahu waxa ay u baahanyihiin in kala doortaan, miyayna isla burburnaa midnimo la'aanta darteed? Mise waxa aynnu la nimaadnaa wado kale oo ah isku duubnida caalamaga ah (Global Solidarity)? Haddii aynnu doorano midnimo la'aanta, kaliya ma sii dabo-dheerayn doonto dhibaatada, balse, sida oo kale waxa ay sababi doontaa masiibo ka sii daran. Balse, haddii aynnu doorano isku suubnida adduunka, maaha kaliya guul laga gaarayo fayraska Karoona, balse, sida oo kale dhammaan cudurada saf-mareenka ah ee imaan doona mustaqbalka iyo dhibaatooyinka khatarta ah oo ay waajihi doonaan aadanuhu qarniga kow iyo labaatanaad.



                                        W.Q.:  Yuval Noah Harari
                                       W.T.:  Maxamed Cabdi Maxamed "Guutaale".