Tirada Akhristayaasha Boloogga

Thursday, January 25, 2018

Ma Sharci Caalami Ah Baa Adduunka Kala Xadeeya?

Dal kasta waxa uu leeyahay sharci uu ku maamulo dadkiisa; waxaa kaloo jira sharci ay sameeyeen dalalka awoodda leh kaas oo kala xadeeya adduunka; waa sharci sida kuwa dhigay ina leeyihiin waxa uu kala xadeynayaa danaha kala duwan ee isdiidan ee bulshooyinka caalamka. Waaba haddii ay sidaas tahaye. Shamis Xusayn oo ah haweeynay Soomaali ah oo qortay buugga: Whose world is it anyway". Waxay ku qortay buuggeeda oraah cajiib ah, oo oranaysa: Stories are narrated and passed from genartion to another and it does not need an expert to explain". Si aynu waxa maanta sharciga la innoo ku sheegayo u fahano bal mayno taariikhda dib ugu noqono.
Ururka qarammada midoobay (United Nation) hortii waxaa jiray urur ka horreeyey oo adduunka oo dhan sida maanta qarammada midoobay u taliya, waa ururkii la oran jiray League of nation, waanna ururkii bilowgii qarnigii labatanaad lagu asaasay shir ka dhacay dalka France. Ururkan ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ka ilaaliyo nabadda adduunka. Balse taasi waa waxa dadka loogu sheekeenaayee, waxa ka hooseeyey fikrad taa lid ku ah. Dhowr iyo toban sanno kadib waxaa dagaal dad badan ku hoobteen isaga horyimid dalalkii marka ugu awoodda weynaa adduunka asaaska ururkana qayb ka qaatay, loona xilsaaray ilaalinta nabadda adduunka.
Waa dagaalkii koowaad, waa dagaalkii naf iyo walba lagu waayey; dagaalkaas reer Yurub waxay ku waayeen shan iyo toban milyan oo qof oo u badan askar. Dagaalkaa iyo kii labaad oo reer Yurub ku waayeen in ka badan afartan milyan oo u badan dad rayid ah, oo aan wax badan ka danbayn wax urur lama dhisin. Dagaalkii labaad ee lagu hoobtay kadib waxaa la asaasay ururuka ilaa maanta jira, waa ururka loo yaqaan qarammada midoobay (United Nations), waxaa ururkan asaasay dalalkii ku guulaystay dagaalkii labaad, waxayna kala ahaayeen: Faransa, Maraykan, Ruush iyo Ingiriis, waa afarta dal ee golaha ammaanka ah qarammada midoobay joogtada ah. Waxaa shan ku noqoday oo golaha joogtada ku soo biiray dalka China oo la soo baxday awood iyo hubka wax gumaada.
Ururkan ayaa isna ujeedkiisu tahay inuu ilaaliyo nabadda adduunka, waanna ujeedkiisa ugu weyn. Balse su'aashu waxay tahay: sharciyada u yaal qarammada midoobay ee caalamiga ah, ujeedkii loo abuuray ururkan iyo in dalalka khilaafaadka siyaasadeed ka jiraan in la caawiyo ma sameeyeen mise waa qoraal uun?
Doodo badan oo aan dhagayste ka ahaa baan xaadiray, idaacdaha iyo muuqaal baahiyaasha baan aad uga dhagaystay rag iyo dumar ku doodaya sharci caalamiya baa jira oo lagu dhaqmaa, adduunkuna tixgeliyaa; balse xaqiiqadu sidaas ma tahay? Waa maya jawaabtu. Ururka qarammada midoobay lama tixgeliyo wax sharci ah, mana ilaaliyo nabadda adduunka. Iskadaa inuu ilaaliyee shanta golaha joogtada ah baa nabadda adduunka burburya oo ku tunta.
Sharciga adduunka kala xadaa waa awood aqooneed, dhaqaale iyo ciidan, waddanka intaas haysta waa laga leexdaa, balse kuwa aan intaa la hayn adduunkan wax naxariis ah kuma haystaan. Waxaa rumoobaysa xigmda cajiibka ah ee tiraahda: "The strong one do what they want, the weak one suffer what they must". Oo macne ahaan noqonaysa: kuwa awoodda leh waxa ay sameeyaan wax walba oo ay rabaan, balse kuwa daciifka waxa ay la silcaan waxa ay ku khasban yihiin. Waddanada daciifka waa waddanada ku calaacala: caddaalad meeday? Nabadda ha la ilaaliyo. Adduunka wada noolaanshihiisa ha laga shaqeeyo iyo hadalo aan kuwan dhaamin.
Labada dal ee xulafada ah waa Maraykan iyo Ingiriise waxay maalin cad dagaal ku qaadeen Ciraaq; Ciraaq waxa ay markaa ahayd dal dhinac walba ka dhisan, dalkaasi markaa waxa uu soo saari jiray: Saynisyahanno aqoon sare leh, dhaqaal yahanno iyo dhakhaatiir tayo leh. Madaxweynihii xilligaa waxa uu dalkiisa ka dhigay: dal leh warshado, dal khayraadkiisa gudeed la soo baxa, dal waxbarasho tayo leh ah iyo dal hub leh; hub uu ku difaacdo dadkiisa iyo dalkiisa.
Shirkii amniga ee Asia (Asian security Summit, 2003) oo ka dhacayeey Singapore ku xigeenka xogyaha difaaca Maraykanka Paul Wolfowitz waxa uu ka sheegay sababta ay dalkaas [Ciraaq] u galayaan ay tahay saliida (Oil) waxaanna uu yiri: "Let us look at it simply, the most important difference between North Korea and Iraq, the country is swimming in Oil".
Dalkaas ay burburiyeen Maraykan iyo Ingiriis maanta waa bahalo galeen, waxa ay burburiyeen dhismayaashii dawladda, waxa ay burburiyeen goobihii taariikhiga ahaa, waxa ay burburiyeen dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha, waxa ay dileen kumanaan kun oo qof oo noloshooda iska wata, waxa ay bara kiciyeen maalaayin qof. Labadii nin ee wakhtigaa kala hoggaaminaayey labadaas dal [Bush iyo Blair] maxkamadda caalamiga ah wax danbi ah kuma soo oogin. Sharcigii caalamigi ahaa bay jabiyeen labadaas dal, waxayna maalin cad iyagoo aan cid tixgalinayn weerer ku qaadeen dal dhisan. Mee sharcigii caalamigi ahaa?
Dalka Maraykan waxa uu hawl galo ka fuliya meel walba iyo dal walba oo ay dantiisu ka gasho; xuduudiisuna waxa ay ku dhammaata halka ay dantiisu ku dhammaato. Israa'iil tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii 1967-dii oo ay kaga guulaystay Carabta waxa ay qabsatay dhul, waxa ay ku xadgudubtay sharciyo badan oo u yaalay qarammada midoobay, waxayna ku kacday gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxa ay xirtay boqolaal reer Falastiin ah, waxayna ku kacday wax ka soo horjeeda qannuunka caalamiga ah. Qarammada midoobay tan iyo gu'gii 1967-dii ilaa iyo 2017-kii waxa ay soo saartay kow iyo toban qaraar Israa'iilna hal mid kama fulin; dhegna jalaq uma siin.
Qaraaradii ay soo saartay qarammada midoobay waxaa kamid ahaa kii ay soo saartay 1967-dii. Qaraarkan waxaa soo saaray golaha amniga ee qarammada midoobay, waxa uuna ahaa qaraar 242 oo oranaya: Golaha ammaanka ee qarammada midoobay waxa ay isku raaceen qaraar ay ugu baaqayaan in ay Israa'iil ka baxdo dhulkii ay qabsatay dagaalkii 1967-dii. Balse waxa uu ahaa hadal la iska yidhi. Sidoo kale shirka sannad laha ee qarammada midoobay waxa arrinta Israa'iil laga soo saaray toddaba qaraar tan iyo dabshidkii 1967, July, 4-teedii ilaa December, 23, 2016--kii.
Sidoo kale ha'ayda UNESCO waxa ay arrinta Israa'iil ka soo saartay dhowr qaraar oo uu ugu horreeyey kii soo baxay November, 27, 1996-dii, waxaana ugu danbeeyey qaraarkii soo baxay November, 18, 2017-kii. Balse in qaraaradaa la fuliyo iska daaye xattaa kuwo hor leh oo ka sii xun bay Israa'iil ku dhaqaaqdaa. Dhowaana waxa ay ugu hanjabtay in ka bixi doonto xubinimadii ay ka ahayd UNESCO.
Afrikadan masaakiinta ah ururkooda loogu yeero Aftica Union waxa uu dhigayaa xeer oranaya: "xuduudihii gumaysigii reer Yurub ka tagay waa sidoodii, wax laga beddali karo ma jirto". Maraykan isagoo taa og buu Suudaan kala jaray oo sameeyey dal gacan ku rimis ah. Taas keliya ujeedkiisu ma ahayne intuu dadkaa cawaanka dagaal ku furay oo ay gaajo duurka ugu dhinteen, waxna xabaddu leeftay, waxna firxad noqdeen baa Maraykan iyo China nuugeen khayraadkoodii.
Daraasad hadda soo baxday baa sheegaysa in dhowrkii sanno ee u danbeeyey hub kala iibsashadu ay gaartay halkii ugu saraysay. Amnesty International waxa ay sheegaysaa in kharashaadkii ku baxay hubka gu'gii 2016 uu dhan yahay $1.7 trillion, $375 bilyan ayey ku sheegtay Amnesty in lagu kala iibsaday hubka kiisa fudud. Dalalka kala ah: Ruushka, Maraykan, Ingiriis, France iyo China ayaa iibiyey hubka nooca walba ah leh 70%; dhammaan shantan dal waxa ay xubin joogta ah ka yihiin qarammada midoobay waana kuwa loo xilsaaray ilaalinta nabadda adduunka. Horta waa su'aale ma adduunka u xilsaaray inay nabadda ilaaliyaan oo shaqadaa u igmaday mise iyaga isku doortay?
Waa riwaayad waxa ka socda qarammada midoobay, haddii daacad laga yahay sharci caalamiya iyo ilaalinta nabadda adduunka shantan dal baa la bedbedli lahaa. Balse su'aashu waxa weeye yaa beddelaya?
Dalka Jarmalka ayaa dhowaan iclaamiyey in ay joojiyaan hubkii ay ka iibin jireen xulafada Sacuudiga kaas lagu burburin jiray dalka Yamen. Dalka Jarmalka ayaa lagu qiyaasay lacagta uu hubka kaga iibiyo Sacuudiga in ay tahay shan boqol iyo kontan milyan oo doolar ($550million). Sidoo kale sida laga soo xigtay ururka fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ee lagu magcaabo Campaign Against Arms Trade (CAAT) ayaa sheegay in dalka Iniriisku uu Sacuudiga iyo xulafadiisa ka iibiyey hub dhaqaalihiisu noqonayo $6.3 billion.
Ururka fadhigiisu yahay Geneva ee lagu magcaabo SAM Organisation for Rights and Liberties ayaa sheegay in dalka Yamen lagu dilay gu'gii ina dhaafay afar boqol iyo kontan dad rayid ah. Kadib dagaalkii labaad ee reer Yurub waxaa la burburiyey ama is burburiyey dalal aan tiradoodu yarayn. Dhammaan dalalkaas waxaa si toos ama si dad badan uga qayb qaadanayey wadannada shanta ah ee xubinta joogtada ah ka ah qarammada midoobay. Dalka Rwanda oo uu xasuuq ka dhacay hadda waxaa la haystaa dalka France kaas la leeyahay waxa uu qayb ka ahaa xasuuqii ka dhacay dalkaas. Ingiriis, Ruushka, France, China iyo Maraykan wadannada burburay ee bariga dhaxe dhammaan samayn toos ah ama mid dadban bay ku lahaayeen.
Dalka China waxa uu xoog ku haystaa dhul aannu lahayn iyo dal aannu lahayn; China iyo Jabbaan waxa ay isku haystaan jasiirado. Dalka Ruushku waxa uu xoog ku qaatay gobol kamid ah Ukrine, haddana weli waxa uu ka wadaa dagaal gudeed isaga oo ujeedkiisu tahay in uu ka qaaro gobol wax ka badan; Israa'il waxa ay haystaa dhul aannay lahayn, Hindiya waxa xoog ku haysataa dhul aannay lahayn oo ay ku andacoonayso waxaa na siiyey gumaysitihii Ingiriis; Itoobbiya iyo Kiiniya waxay Soomaaliya ka haystaan labo gobol oo ay leeyihiin waxaa na siiey gumaystihii Ingiriis. Guud ahaaan badanka dhulalka xoogga lagu haysto adduunka waxaa bixiyey Ingiriis; Isagoo [Ingiriis] kala gooyey dad isku af ah, isku dhaqan ah iskuna deegaan ah.
Maxkamadda Caalamiga ah waxa ay eedo, maxkamad iyo canbaarayn u jeedisaa waddanada soo koraya; waxa ay maxkamadaysaa dalalka soo koraya siyaasiyiinta, dhammaan siyaasiyiinta reer galbeed ee ku kaca wax ka dhan ah xuquuqda aadanaha wax dacwad ah kuma soo eedayso.
Ugu dambayn dhammaan waxaa qarniyadii ina soo dhaafay iyo kan aynu hadda ku jirno lagu tuntay sharciyo ay dhigteen kuwa awoodda leh, waxaa lagu kacay gabood falo, waxaa la xasuuqay dad, waxaa la xiray dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, waxaa la qaxiyey dad aan waxba galabsan. Ujeedku waa in aynu fahana dal iyo awood leh oo diyaarsan laguma xad gudbo, balse masaakiinta waa lagu tumanyaa khayraadkoodana waa la qaadanaya wax sharci ah oo kala celinaya ma jiro.
Sharcigu keligii waxba ma ilaaliyo, ee waxaa ilaaliya dad daacad ka ah. Sharci caalamkan la tixgeliya waa jiraa, balse waa sharciga kuwa awoodda leh wada dhigtaan ee ku kala leexanaya awooddooda. Balse qof maskiin ah, cid sharci u tixgelinaysaa ma jirto. Soomaalina horrey uga maahmaahday, waa tii ay tidhi: maskiin baa miska la fuulo leh.







                                W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

No comments:

Post a Comment