Tirada Akhristayaasha Boloogga

Friday, February 5, 2021

Bariga Dhaxe iyo Trump

 

Soomaalidaa tiraahda; “Ayax tag eelna reeb”. Iyaga oo ula jeeda saamaynta taban ee Ayaxu kaga tago, goobta uu ka tago. Isla oraahdii baan u isticmaalay Donald J. Trump siyaasiyaddiisii Bariga Dhaxe iyo shakhsiyadiisa si gaar ahaaneed. Waase macquul in aannay munaasib ahayn isbarbardhiga aan samaayey, balse, waxaa muhiim ah in aad ila fahanto waxaan macno ahaan ula jeedo.

 

Kaddib qarraxii Maraykanka ee caanka ku noqday 9/11, dowladda Maraykanku waxa ay ka dhigtay Bariga Dhaxe gobol ay si joogta ah uga samayso hawl-galo ciidameed. Warbixin uu baahiyey machadka Watson (Watson Institute for International and Public Affairs) ayaa sheegtay in kaddib dhacdadii 9/11 in ay si toos ay ugu dhinteen hawl-galadii Maraykanka ee Bariga Dhaxe dad tiro ahaan dhan siddeed boqol oo kun (800, 000) qof. Laga soo bilaabo sannadkii 2001 na ay guryahooda ka qaxeen dad tiradooda lagu qiyaasayo soddon iyo toddoba milyan (37 milyan).

 

Gelintaankii Maraykan galay Ciraaq oo gobolka xaaladdiisa saamayn xun ku yeelatay, gu’gii Carabta ayaa kaga sii daray xaaladda gobolka. Masar iyo Tunuusiya, oo kala ah labadii dal ee gu’gii Carabtu ka bilaabmay waxa ay ka badbaadeen in dalkooda dagaal hoy u noqdo. Balse, Masar waxaa dowladdii ay doorteen dadka reer Masar markii koowaad mar kale afduubtay ciidanka oo taageero ka helaya dalal shisheeye. Liibiya, Qadaafi kama dambayn. Siiriya, Bishaar Al-asad, Iiraan, Raashiya iyo dowladdaha Maraykan iyo Israa’iil baa u beddelay goob dagaal. Yaman, waxa ay gashay dagaal sokeeye, dagaal diineed na waa u raacday; Iiraan iyo Sacuudigana waxa ay ka dhigeen dalkii dhiiga iyo xasuuqa. Ciraaq, kaddib hawlgalkii Maraykanka ee sannadkii 2003 kama soo kaban, waxaanna ka socda dagaal salka ku haya, siyaaasad iyo mid diineed. Lubnaan sii daa warkeeda. Muddo sannad ah bay bilaa dowlad ahayd, markii cid loo waayeyna wasiirkii koowaad ee booska laga cayrsaday baa ku soo laabtay. Falastiin waa dhibanaha Bariga Dhaxe.

 

Hawlgaladii milateri ee Maraykanka iyo kali-taliyaashii ugu danbayntii burburiyey dowladdooda iyo dalkooda waxaa ka dhashay wixii ugu waynaa waxaa kamid ahaa in ay samaysantay ama la sameeyey ururka arggagixisada ah ee adduunka ugu khatarta badan ee Daacish, kuwaas oo qabsaday dhul badan oo kamid ah Ciraaq iyo Siiriya. Inkasta oo hadda laga guulaystay intii badnayn. Qoraal uu qoray Maha Yaxya ayuu ku sheegay in dalalka Carabtu dunida kale ay aad uga danbeeyaan marka ay timaado astaamaha horumarka: xorriyada siyaasaddeed, horumarka sayniska, iyo weliba xaquuqda dumarka. Isku soo duuboo, Bariga Dhaxe waxa kaliya oo lagu sifayn karaa, waxa uu ku sifaayey qoraa Maha Yaxya qoraalkiisa: The Middle East’s Lost Decades: “Tobanankii sanno ee khasaaray”. Gobolka sidaa u qasan, sida uu ku xusay qoraalkiisa Disaster in the Desert, Martin Indyk madaxweyne walba oo Maraykan ah oo la doorto sannadkii 2016 kii waxaa sugaysay caqabad wayn oo diblomaasiyaddeed.

 

Iiraan iyo Trump

 

Tan iyo maalintii khadka laga saaray dowladdii uu hoggaaminaayey Maxamed Risa Shah, sannadkii 1979- muddo hadda laga joogo afartan iyo labo sanno, taas oo saaxiib dhow la ahayd reer galbeedka uuna dalka Iiraan qabsaday dowlad uu hoggaaminaayey wadaadkii Aayatullaah Khumanaay, Maraykan waxa ay shaydaanka Bariga Dhaxe iyo cadowgeeda koowaad ba u aqoonsatay dalka Iiraan. Madaxweyne walba intii uu xilkaas joogay waxa uu dagaal dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed ku qaaday Iiraan. Taas beddelkeed na Iiraan iska caabin bay samaynaysay mar walba iyo meel walba.

 

Obama, madaxweynihii ka horreeyey Trump, ayaa sannadkii 2015 Iiraan heshiis dhanka hubka nukliyeerka ah la gaaray, kaas lagu magcaabay Joint Comprehensive Plan of Actions (JCPOA) heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa: Iiraan, Maraykan, Jarmalka, Shiinaha, Faransa, Ingiriiska iyo Ruushka. Heshiiskaas baa u oggolaaday Iiraan in ay adduunka soo dhex-gasho, oo ay ka nasato cuna-qabatayn dhaqaale iyo siyaasaddeed. Balse, haddii Obama iyo Iiraan heshiiskaas guul u arkayeen, Trump iyo raggiisu waxa ay u ahayd heshiiskii ugu xumaa ee la galo. Trump markii uu xilka yimid na waxa uu ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay.

 

Labo dhib oo waa wayn baa haystay oday Trump: kow, in aannu wax aqoon ah u lahayn Bariga Dhaxe, xog fiicana ka haysan, sida uu sheegay Fariid Sakariye. Labo, in uu nacayb goonniya u qabay Brack Obama, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee madow oo dalkaas xukuma. Trump waxa uu ku dedaalay si aannay taariikhda Maraykan u galin wax qabad Obama leeyahay, in uu tuuro heshiis walba oo uu galay Obama. Wuuna samaayey badankood.

 

Wasiirkii arrimaha dibada Mike Pompeo ayaa bilaabay waxa ay ugu yeereen culayskii ugu adkaa (Maximum Pressure) oo lagu soo rogay Iiraan. Dalalkii heshiiska qaybta ka ahaa, sida: Raashka, Shiinaha, Ingiriis iyo Jarmalka waxaa loogu goodiyey cuno-qabatayn haddii Iiraan wax naxariis ah loo muujiyo. Dalalkii Iiraan ganacsiga la lahaana, sida: Hindiya iyo Malaysiya waxaa lagu amray in ay ka laabtaan. Dhaqanka maamulka Trump iyo siyaaaaddiisa ka dhanka ah Iiraan waxa ay farxad galisay Sacuudiga iyo Israa'iil oo Iiraan u arka cadowgooda koowaad.

 

Pompeo ayaa Iiraan ka dalbaday si heshiis cusub loo gaaro arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin: in aan Iiraan loo oggolayn wax Uuraniyaam ah oo ay kordhiyaan, in aannay wax faro-galin ah ku samayn hay'adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga (International Atomic Energy Agency) in aannay samaysan wax gantaal ah oo awood u leh nukliyeer, in aan wax taageero ah loo muujin Xamaas, Xisbulaah, Kooxda Jihaadiyiinta ah ee reer Falastiin, Maleeshiyada Shiicada ah ee reer Ciraaq, Taalibaan, ama Xuutiyiinta Yaman, in ay ciidankooda kala baxaan Siiriya, in ay ka tanaasulaan dabeecadaha khatarta ku ah Israa'iil, Sacuudi ama Imaaraat.

 

Iiraan inkasta oo ay bilowgii is-xakamaysay aynna ka dalbatay dalalkii qaybta ka ahaa heshiiska in dhaqaalaheeda iyo heshiiska la badbaadiyo haddana markii danbe waxa ay qudheedu si aan dhammaystirnayn uga baxday heshiiskii. Dhibaatada Trump haysata waxa ay ahayd in uu xiriirkii Iiraan sii xumaayey, sidaa si lamid ah waxaa ka sii dartay xaaladdii amni ee gobolka. Iiraan waxaa lagu eedeeyey weeraro dhowr ah oo lala beegsaday maraakiib iyo doonyo maraayey marinka Hormus, Iiraan sida oo kale waxa ay soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay, Xuutiga ay Iiraan taageerto na waxa ay duqayn ay sheegteen ka gaysteen haamaha shidaalka ee magaalada Abqayq, dalka Sacuudiga. Xisbullaah waxa ay kordhiyeen feejignaanta ka dhanka ah Israa'iil, Xamaas iyo ururka Jihaad doonka ah ee reer Falastiina waxa sameeyeen weeraro ka dhan ah Israa'iil.

 

Dhanka kale Israa'iil waxa ay ku fashilantay in ay wax horumar ka sameeyso weeraada ay ku hayso dalka Siiriya, halkaas oo ay Iiraan ka joogaan ciidamo lagu qiyaaso afartan kun in ka badan. Waxa ay se ugu darnayd markii Trump amray in la dilo Jeneraal Salaymaan Qaasimi. Dilkaas waxaa ka dhashay caro xoogan. Isku soo duuboo Trump heshiis na ka tag, Iiraana waxba kama beddelin, inkasta oo ay cunaqabatayntu dhaawacday dhaqaalaheeda.

 

Sacuudiga iyo Trump

 

Aqoonyahannada Bariga Dhaxe wax ka qoraa badankood waxa ay isku raacsanyihiin in Sacuudigu aannu dalalka Carbeed iyo Muslim a aannu nabad iyo colaad midna ku hoggaamin. Doorkiisu waxa uu ahaa kaliya in uu taageero ama la safto nidaamka Maraykan. Kaddib burburkii dowladdii Ciraaq, colaadda Siiriya iyo dowlad xumada Masar, Sacuudigu waxaa u soo baxday door uu isku muujin karo, oo uu ku hoggaamin karo arrimaha Carbeed iyo kuwa dunida Muslim ka ah ba. Maxamed Binu Salmaan, oo loo garan ogyahay MBS oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa bilaabay waxa uu ugu yeeray dib u habayn dhaqaale, la dagaalan musuq iyo in loo oggolaado dumarka in gaariga kaxayn karaan.

 

Trump ayaa markii la doortay safarkii sii koowaad ku tagay dalka Sacuudiga natiijadii ugu waynayd ee ka dhalatay safarkaas na waxa uu noqday in Trump uu fasax u siiyo Sacuudiga, Masar iyo Imaaraatka in ay go’doomiyaan dalka ay dariska yihiin ee Qadar. Sida oo kale, Inkasta oo uu ka horreeyey dagaalka Yaman, haddana waxa uu Trump taageero ku siiyey Sacuudiga dagaalka ay ka wadaan dalka Yaman, kaas oo noqday masiibadii bini aadantinino ee ugu xumayd ee dhowanahan la arko. Labadaas xaaladdood ba waxa ay kaga sii dareen xaaladdii gobolka oo awalb ba liidatay. Trump hortii Bariga Dhaxe dagaal siyaasaddeed oo u dhaxaayey dalal la garanayo iyo afkaaro diineed ayaa ka jiray, balse, Trump markii uu yimid waxaa ku soo korodhay khilaaf u dhaxeeyey dalalkii xulufada la ahaa Maraykanka oo uu kaga hortagi jiray Iiraan. Cunaqabataynta Qadar waxa ay fursad u noqotay dalka Iiraan, oo dagaalkaas si fiican uga faaidaystay.

 

Waxay se ugu darnayd, kaddib markii Maxamed Binu Salmaan u sheegay Jared Kushner, wiilka uu sodaga u yahay Trump, una qaabilsanaa la talinta Bariga Dhaxe in uu ku taageerayo Trump siyaasaddooda cusub ee ku aadan Bariga Dhaxe, tan ugu waynna ay ahayd in la soo gababeeyo oo dhinac la iska dhigo arrinta Falastiin. Waxaynna bilaabeen qorshe aan guulaysan oo ay ugu magac dareen: “Heshiiskii Qarniga”. Maxamed Binu Salmaan waxa uu u yeeray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas si uu ugu qamciyo in uu aqbalo heshiiska qarniga uguma beddesho dhaqaale uu bixinayo Sacuudigu.

 

Maxamuud Cabaas waxa uu iska diiday hadalkii Maxamed Binu Salmaan, waxaannu uu adduunka u sheegay sheekada raqiiska ah ee ula yimid Ina Salmaan, taas oo ay ka dhalatay caro xoogan. MBS sida oo kale waxa uu ku wargeliyey Jared Kushner in aqoonsiga Maraykanku u aqoonsaday Qudus magaalo Israaiil uu ku taagersanyahay, carada ka dhalatana aannay sii jirayn, oo ay kaliya tahay jibo.

 

Koox abaabulan oo ka socota Maxamed Binu Salmaan ayaa ku dilay Turkiga Jamaal Khashuqshi oo ahaa weriye ka faalooda arrimaha Sacuudiga. Taas oo ay ka dhalatay caro aad u xoogan. Balse, waxaa MBS la saftay oo ka hor istaagay cambaarayn kaga timaada gudaha Maraykan iyo caalamka ba oday Trump. Xulufaysi ay bilowday Sacuudigu si looga hortago Iiraan, uguna magac dartay: “Arab NATO” ayaa isaguna fashilmay.

 

Israa'iil iyo Falastiin

 

Siyaasadda Trump ee ku aadan Falastiin iyo Israa'iil waxa ay ahayd mid ka duwan, kana foolxun dhammaan madaxweynayaashii hore ee Maraykan. Siyaasaddiisu waxa ay ahayd in aannay wax ixtiraam u ahayn, aannayna aqoonsanayn xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa khuseeya Falastiin iyo Israaiil. Bishii July, sannadkii 2019, Jason Greenblatt oo Trump u qaabilsanaa wadahadalada khuseeya Falastiin iyo Israaiil ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in aannay ba aqoonsanayn wixii xeer ah ee khuseeya Falastiin. Waxa uu ku daray in maamulka Trump aannay ba aaminsanayn wax labo dal ah oo la dhaho Israaiil iyo Falastiin. Siyaasadda Trump waxa ay ahayd in la tuuro wixii hore, si loo sameeyo xeerar cusub oo Bariga Dhaxe ka dhaqangala.

 

Trump, wax walba oo uu ka codsaday Natenyahu waa uu sameeyey. Sida uu sheegay Netanyahu, Trump waxa uu ka codsaday in uu ka baxo heshiiska Iiraan, waana ka baxay. Waxa kale oo uu ka codsaday in Israaiil loo aqoonsado Qudus, Trump waa u aqoonsaday. Waxa kale oo uu Maraykan u raray safaaradiisii isla Qudus. Taas oo ay ka dhalatay caro xoog leh, waxaana dhaleeceeyey dalal dhowr ah. Heshiiskii nabadda qaybtiisa dhaqaale dhiska ee lagu qabtay Baxrayn waxaa iska diiday in ay qayb ka noqdaan Falastiin oo uu khuseeyey, iyaga oo ku sheegay gorgortan foolxun. Waxa kale oo uu Trump u aqoonsaday Israaiil Golen Hights oo ah dhul ay xoog kaga qabsatay Siiriya. Taas oo ka soo horjeeda xeerarka cadadkiisu yahay 242 oo ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Netanyahu oo dalkiisu dhowr doorasho oo ku celis ah galay kuna olaleeyey waxbaqadkaas isaga iyo Trump keeneen kama caawin in uu ku guulaysto doorashadii, inkasta oo uu hadda hoggaamiyo dowlad ay mucaaradku qayb ka yihiin. Dowladda cusub ee Maraykan ee uu hoggaamiyo Biden waxa uu la yimaado aynnu eegno.

 

XIGASHO:

1: Disaster in Desert, Martin Indyk

2: There Will Be a One-state Solution, Yousef Munayyer

3: The Wanted Wars, Robert Malley

4: The Middle East’s Lost Decades

5: America’s Great Satan

6: Iran Wants the Nuclear Deal It Made, Mohammad Javad Zarif


W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.