Tirada Akhristayaasha Boloogga

Friday, February 15, 2019

Fashilku Halkuu Ka Jiraa?

Sida uu qabo Dr. Yuval Harari, aadanuhu waa xayawaan sheekooyinka wax isugu gudbiya ama sheekooyinka ku fekera, kana door bida tirada iyo xaqiiqooyinka. Qarnigii labataanaad saddex afkaarood baa adduunkan aynnu ku nool nahay isugu soo hadhay, saddexdaas oo ay hormuud u ahaayeen, Maraykan iyo Ingiriis, oo dhinac ah, Raashiya iyo China oo dhinac ah iyo Jarmalka, oo Hitler horboodaayey. Balse, saddexda afkaarood ba doodoodu waxa  ay ahayd in mid walba hayso xalka adduunka u fiican. Yeelkeede, haddana waxaa ka horreeyey aragti qadiimi ahayd, oo badi dhulweynaha reer Yurub ka jirtay, taas oo ahayd fikradii fiyuudaaliisamka (Feudalism), taas oo dadku u qaybsanaayeen koox yar oo hantida iyo dhulka leh (Landlords) iyo dadka inta badan oo shaqaale ahaa (Landless), fikradaa waxaa ka takhalusay kacdoonadii ka curtay dunida reer galbeedka, waxaana ka dhashay nidaamkan hanti-goosadka ah (Capitalism) kaas oo dadka u beddalay nidaamkii hore, ee Fiyuudaaliisamka, oo kaniisadii Kaatooligu qayb lixaad leh, ku lahayd. 

Nidaamkan ayaa dadka u ballan-qaaday, dhammaan dadku in ay nimcaysan doonaan, oo ay ka raysan doonaan dhibkii, burburkii iyo silicii soo maray; kacdoonkii dalka Faransiiska ka curtay, ee lagaga soo horjeeday fiyuudaalismka (feudalism) waxaa halku dheg u ahayd: Sinnaan (Equality), xorriyad (liberty) iyo walaaltinimo (Fraternity). Inkasta oo uu dhaamay, oo ay dad badana soo dhoweeyeen, nidaamkan hanti-goosadka, haddana dad badan baa aad uga horyimad, oo ka waayey wixii laga filaayey. Aqoonyahanadii naqdiyey (critic) oo nidaamka hanti-goosadka ah ka biyo diiday, waxaa kamid ahaa, Karl Marx. Muddo soddan sanno u dhow, oo laga joogo kacdoonkii dalka Faransiiska ayuu Karl Marx dhashay, oo ku beegan gu'gii 1818-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Jarmalka. Waxa uu fursad u helay in uu wax barto, xilligaas oo ay waxbarashadu aad u adkayd, wuxuuna jaamacadda ka diyaariyey falasafada iyo sharciga isagoo ku sugnaa dalka Jarmalka, oo laga cayrin doono kadib markii uu bilaabay in uu naqdiyo nidaamka hanti-goosadka ah, isagoo ku dhaliilay, in nidaamkani aannu ahayn kii keenaaayey: sinaanta, xorriyadda iyo walaaltinimada.

Dalka Jarmalka ayaa laga masaafuriyey, waxaana loo masaafuriyey, Karl Marx, dalka Faransiiska; dalka Faransiiskuna waxa uu isku dhaafiyey Biljamka, ugu danbayn Baraasalis waxa ay u sii masaarufisay dalka Ingriiska, gaar ahaan caasimadda dalkaas, London. Waa halka uu ku noolaan doono noloshiisa inta ka dhiman isaga iyo xaaskiisu, waana halka ugu badan ee uu qoraaladiisa ku qoray, ugu danbayna ku dhiman doono, qabrigiisuna ku yaal. Karl Marx, waxa uu dhintay isaga oo aan afkaarihiisa si qoto-dheer loogu fiirsan, looguna dhabo gelin, iska daa in la hirgeliyo, lagana dhagaysto afkaartiise, waxa uu noqday tuke-canbaar leh, oo dhib-wade ah. Haddii aannu ahayn sharwade, dalkiisa lagama soo cayriyeen, labo dal oo kale isma soo dhaafiyeen, ugu danbayn masaafuris kuma noqdeen dal aan dalkiisa ahayn. Waxa uu dhiman doonaa isagoo og in nidaamka hanti-goosadka ah wax badan ka khaldanyihiin, in uu yahay nidaam dad yari ku danaadayaan, dadka inta badana ay yihiin dhibanayaal. Waxa uu dadka u kala qaybiyey labo qolo: qolo tanaaday- Burjuwaasii (Bourgeoisie) iyo qolo aan waxba gacanta ugu jidhin, oo ah dadka intiisa badan, borolaateriyeet (Proletariat), Burjuwaasii, waa qoloda hore  ay gacanta ugu jirto wax walba oo hanti laga dhalinaayey, oo qoloda dhaqaaluhu ugu yeedhaan "Means of production", oo kala ah: dhul (Land), dhaqaale (Capital) iyo shaqaale (labor) iyo qofka intaas isku keenaya oo loo yaqaan Entrepreneurship; qoloda labaad waxba gacanta uguma jiraan aan ka ahayn labadooda gacmood iyo maskaxdooda, waana dadka inta ugu badan.

Karl Marx isagoo sidaa u dhaliilaya nidaamka hanti-goosadka ayuu dhimanayaa, waxa uu dhintay gu'gii 1883-dii. Waxa uu ka tagay buug badan iyo maqaalo aad u faro badan, in kasta oo uu jacayl u qabay, una go'ay dhaqaalaha, ugana tagay cilmigii uu jaamacadda ku bartay oo ahayd Falasafada iyo sharciga haddana kuma koobnayn dhaqaalaha oo qudha, balse, waxa uu wax ka qoray: siyaasadda, dhaqanka, falsafada iyo taariikhda.

Muddo markii uu sii mootanaa Karl Marx, ayaa afkaarihiisii dib loo soo noolaysiiyey, balse, markan kuma koobna goob ganacasi, dal iyo dowlad gaar ah. Markan afkaartiisii waxaa ay isaga gudubtay, dal ilaa dal kale, qaarad ilaa qaarad kale. Waxay walaalaysay: dad kala dhaqan ah, kala diin ah, kala taariikh ah, kala midab ah, kala dal ah, balse hal ujeeddo wadaaga. Sida taariikhyanadu sheegaan, qoraaladiisuna ay marag ka yihiin, Karl Marx waxa uu ahaa nin naxariis badan, dulmigana aad u neceb, dadkuna in ay tanaadaan si guud u doonaaeyey. 

Qarnigii labaatanaad adduunkan waxaa isugu soo hadhay saddex afkaarood, oo mid walba taageeraheeda wadato: kow, fikrad Maraykan iyo Ingiriis horboodayeen oo ah aragtida xorta ah (Liberal ideology), aragtii kumyuunisti (Communist ideology), oo Ruushku hoggaamiye u ahaa iyo ugu danbayn aragtidii Faashiisamka (Fascist ideolgy). Dagaalkii labaad ee adduunka, ee lagu jabiyey Jarmalka, waxaa la guuldaraystay afkaartiisii. Laga soo bilaabo 1940-kii ilaa laga soo gaadhayo dhammaadkii qarnigii labataanaad, oo ku siman 1980-kii adduunka waxa uu u qaybsanaa wax Maraykan raacsan iyo afkaartiisa iyo kuwo raacsan Ruushka iyo afkaartiisa. 

Haddii Karl Marx uu ahaa aqoonyahan qalin wax ku diida, oo doonaya in uu caddaalad-darrada iyo sinnaan la'aanta adduunka ka jirta uu qalin ku suuliyo; waxa ay afkaarihiisu saamayn doonaa jiialal danbe oo doonaya in ay gumaysiga, caddaalad-darrada, sinnaan la'aan la'aanta, dhiig-marashada (Exploitation) dhibta iyo gaajada in aqoon iyo ficil ba lagu suuliyo. Si kastaba ha ahaatee, laga soo 1950-kii ilaa laga soo gaadho 1967-dii aragtida xorta ah ee Maraykan hormuudka u ahaa waxay halgan iyo loolan adag la gashay si guud aragtidii Communist-ga, gaar ahaan wiil ku dhashay dalka Arjantiin (Argentine): Ernesto "Che" Guevara, waxa uu ahaa: qoraa, fiisigisyahan, diblomaasi, hoggaamiye dagaal (Guerrilla leader), iyo kacaani Maarkiisiya (Marxist Revolutionary), haddii maqaadiirtu u qorshaysay inuu ku dhasho dalka Arjantiin, oo loogu yeedho wiilkii reer Argentine, waxa uu noqon doonaa, nin ficilkiisu iyo taariikhdiisuba ay ka gudubto dalkaas uu ku dhashay oo uu noqdo nin reer Latin America ah, halkaas kuma istaagayso ee waxa uu noqon doonaa nin heer caalamiya iyo nin muwaadin u ah, dalal kala duwan. Che, waxa lagu xusuusan doonaa halgankiisii dheera, qabashadii uu saaxiibkii Castro la qabtay dalka Cuba iyo ugu danbayn isagoo noloshiisa u hudhay ka xoraynta adduunka gaajada, faqriga, ku tiirsanaanta, bur-bur oo dhan oo ku sababeeyey waxa ugu yeedhay gumaysiga (Imperialism), dagaalo aannu ku guulaysan oo ka galay dalka Kongo, ugu danbayn waxaa lagu dili doonaa dalka Booliifiya (Bolivia), oo uu kaga jidhay dagaal uu rabay in uu dalkaa kaga saaro dawladdii xilligaas jirtay, oo taageero ka helaysay Maraykanka. 

Si kastaba ha u dhacdee, ugu danbayn aragtidii Communist-ga waa laga adkaaday, oo waxa adduunka qarnigii labaatanaad dhammaadkiisii ilaa iyo maanta ku soo hartay hal aragti, oo ah aragtida xorta ah. Si kastaba ha u dhacdee adduun kala xidh-xidhnaa qarnigii labatanaad iyo dagaalo joogta ah, waxaa beddalay adduun isku furmay, oo ay ka shaqayso aragtida Maraykan, Hindiya ilaa China ilaa Brazil iyo wadano badan oo kale waxaa ka dhacday isbeddal weyn, caalamkuna waxa uu noqday dalal isku tiirsan, oo aan kala maarmin, ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaanba, sidaas waxaa sahlay aragtida xorta ah, ee adduunkan ku soo hartay iyo weliba horumarka tiknooloojiyudu (technology),  samaysay. Waxaana adduunkan ka dhacay in dadku, dalalku iyo ganacsiyadu ay isku tiirsanaadaan (globalization). 

Maraykan isaga oo danihiisa kooban (Narrow National Interest), eeganaya ayuu kali-taliyaal la saaxiibay, oo in ay xilka ku dheeraadaan sabab u noqday, hadalo qurrux badan, oo xaqiiqada ka fog, sida: Dimuqraadiyad, suuqa xorta ah, xuquuqda aadanaha, waxa uu ku burburiyey dalal badan, oo ay Ciraaq ka mid tahay, ilaan iyo maantana aan soo kaban. Iskadaa hadaladii Maraykan ee wanaagsanaaye, maanta dalkaasi dad iyo dalba aad buu u liitaa. Marka intaa laga yimaado se, maanta adduunku waxa uu noqday adduun aan kala maarmin, oo si walba isugu tiirsan. Sida uu horay u yidhi, khabiirka reer Maraykan, Thomas Friedman adduunkan aynu maanta ku noolnahay waxa uu marayaa halkii aad ka xumaan lahayd koritaanka dalka kula tartamaya, taa beddalkeed, in aad ka xumaato dhibka soo gaadha dalka baratanka aad kula jirto. Tusaale-ahaan: dalka Hindiya maanta in uu kor-u-kac dhaqaale sameeyo iyo in burbur dhaqaale ku yimaado dalalka ay kamid yihiin Maraykan iyo dalalka kale waxaa u wanaagsan in ay dhaqaale kac sameeyo, waayo, dhaqaale burbur haddii uu ku yimaado, saamayn mayso oo qudha dalka Hindiya, balse, waxay saamaynaysaa adduunka oo dhan. 

Isku furanka adduunka, oo ay aragtida xorta ah, hoggaaminayso iyo tiknooloojiyada (technology) horumarka ay samaysay waxa ay fududaysay in maanta aadanuhu ku jidho wakhtigoodii ugu fiicnaa, oo jiil noolaado. Taas macnaheedu maaha, dhib kama jirto adduunkan; dhibaato badan oo ay kamid yihiin: gaajo, colaad, musuqmaasuq, qaxooti, dawlad la'aan, dhiig-miirasho, waxbarasho xumo, dagaalo iyo kuwa kale ba adduunkan waa ka jidhaan, balse, si guud marka loo qiimeeyo xaaladda guud ee dadka adduunka, qarnigan dadka nool waxa ay ku jidhaan xilligii ugu fiicnaa oo la noolaado, sida ay qabaan khuburo badan. 

Yeelkeede, dhowrkii sanno ee u danbayey adduunka waxaa ka socday isebeddalo siyaasaddeed oo waa weyn iyo weliba mid dhaqaale, oo lagaga soo horjeedo aragtida xorta ah iyo weliba suuqa xorta ah. Kacdoonadan badankoodu waxa ay ka socdaan adduunka oo dhan, balse, dunida reer Galbeedka waxaa ka soo baxay waxa afka qalaad loogu yeedho "Nationalist/populists  leaders", hoggaamiyayaasha eegaya danaha dadkooda iyo dalkooda oo dafiraya danaha adduunka. Dalka Faransa waxaa loolan adag gashay gabadha garabka midig (right-wing) Marine Le Pen, dalka Maraykanka waxaa la doortay Donald Trump, dalka Barzil waxaa ka soo baxay Jair Bolsonaro, dalka Talyaaniga waa la mid, ka bixidii Biritayn midowga Yurub, Isbayn iyo dalal kale oo Yurub ah. Dhammaan doorooshooyinkan iyo weliba aftida Biritayn kaga baxday Midowga Yurub iyo doorashada Trump waxay diraysaa fariin ah, in shaki la galiyey aragtidii adduunkan ku harsanayd iyo shaki soo kala dhex galay adduunkii isku tiirsanaa.
  

 Hadda ba su'aashu waxa ay tahay: Maxaa isbeddalay? Halkeese wax ka qaloocdeen?

Saddex arrimood in ay dhibaatadan sababeen baan u arkaa, saddexdaas oo kala ah: kow, horumarka ay samaysay Tiknooloojiyadu (Technology development). Labo, sinnaan la'aan dhanka dhaqaale ah (Income Inequality). Saddex, fashilka ku yimi aragtidii xorta ahayd (failure of liberal ideology).
Horumarka Technology-ga

Tan koowaad oo ah, isbeddalka ku yimi Tiknooloojiyada; tobanaankii sanno ee u danbeeey aadunuhu waxa uu horumar fiican ka sameeyey dhanka Tiknooloojiyada, haddii aad maqli jirtay diyaarad casri ah baa la sameeyey, gaadhi cusub baa soo baxay, waxaas laga soo gudub, aaduhu waxa uu gaadhay in uu sameeyo mashiinada caliga leh (Artificial Intelligency) kuwaas oo shaqada ka saaray kumanaan dad, dagaalkii labaad ee adduunka waxaa baahi weyn loo qabay duuliyayaal, balse, maanta waxaa jidha diyaarado keligood is-wada, haddii aad suuqa alaab u doonan jirtay, oo safar u geli jirtay, maanta waxaa la marayaa in aad ku adeegato qaab online ah, oo gurigaaga lagugu keeno. Waxaa maanta la helayaa ama dhowaanba soo baxaya gawaadhi iyagu is-wada, oo aan qofna wadin, oo ka khasaaro yar, kana shaqo badan dareewalada, ka hor Inernaytka (internet),  tusaale-ahaan jaamacadda waxaa waraaqaha shaqada looga baahanyahay u kala gudbin jidhay dad shaqaale ah, keliya jaamacadda maaha, Bankiyada iyo goobaha kale ee shaqada baa iyana lamid ahaa. Balse, wakhtigan aynnu maanta joogno uma baahnid qof warqadahaa kuu kala gudbiya, Yurub qof jooga baa daqiiqad gudaheed boqolool waraaqood oo muhiim u ah, u diraya Africa, isla maalin gudaheedna jawaabteeda buu helayaa. Xattaa aaduhu shaqadaa intaa le'eg kama bixi kareen. Tani waxa ay sababtay, kaliya maaha in ay dad shaqadii ka saartay, balse, in ay dadku la qabsan waayaan isbeddalka aan la caabin karin, ee Technology-ga ama ay dib is-ku cusboonaysiin waayaan (update).

Labo: Sinnaan La'aan dhanka dhaqaale ee Jirta

Qodobka labaad oo ah, sinnaan la'aan dhanka dakhliga ah, qarnigii sagaal iyo tobnaad buu Karl Marx ka digay in aannu nidaamka hanti-goosadka (Capitalism), aannu keenayn: sinnaan, xorriyad iyo walaaltinimo, oo ahayd ujeedadii ugu weynayd oo ay u dhasheen kacdoonadii ka curtay dunida reer galbeedka, blase, cidi kama dhagaysan. muddo ku siman 250 sanno oo ay jirtay aragtida hanti-goosadka, waxaa cadaatay wixii uu Karl Marx ku dhaliilayey. Maanta dalalka adduunka ee qaniga ah (richest country) iyo kuwa saboolka ah (poorest country) waxaa u dhaxaaye farqi aad u weyn. Maaha sinaan la'aantu mid u dhaxaysa dalalka oo qudha, balse, dal walba gudihiisa waxaa ka jidha sinnaan la'aan aad u saraysa. Maxammed Al-bawaasiisi, oo ah wiilkii ay ka bilaabmeen kacdoonadii Carbeed, waxa uu dab naftiisa la qabad siiyey saboolnimada haysay, fursad la'aanta iyo shaqo la'aanta dalkiisa ka jirtay, halka Madaxweynihii xilligaas Sayid Caabidiin oo muddo xilka dalkaas hayey uu dhaqaalihiisu is-aqoon; Masar la mid, Liibiya la mid, Siiriyana kaba sii daran.

Oxfam oo ah, urur caalamiya oo la dagaalama saboolnimada ayaa xog ay daabacday 2010-kii ku sheegtay in dad tiradooda lagu qiyaaso 388 ay leeyihiin hanti ka badan dadka halka hoose jooga oo ah dad lagu qiyaaso 3.3 bilyan dad ah.  - 2017-kii ayayse ka sii dartay markii Oxfam mar labaad soo bandhigtay in siddeed qof oo kaliya ay ka hanti badan yihiin dadka halka soo jooga, oo markan tiradoodu sii koradhay, oo lagu qiyaaso 3.6 bilyan. Dadka hantidaas leh waxaa kamid ah: Bill Gates, Warren Buffett, Jeff Bezos, Carlos Slim HelĂș. Bernie Sanders ayaa isagoo aad u xanaaqsan ololihiisii ku galay sinnaan la'aan ka jirta dalka Maraykanka, isagoo aad ugu soo celcelinaayey in wax laga qabto, waxa uu tilmaamay in dad lagu qiyaaso 0.1% ay ka hanti badanyihiin dadka salka jooga, oo ah 90%. Sida oo kale waxa uu tilmaamay in qoyska Walton ee Walmart iska leh in ay ka hanti badan yihiin 40% dadka salka dhaqaale ahaan jooga, ee dalka Maraykanka. Kaliya dadkan tirada yar oo ku naaloonaya dhaqaalaha iyo hantida adduunka, kaliya fursad uma haystaan: helida waxbarasho tayo, caafimaad tayo leh, fursad shaqo, balse, waxay khatar ku yihiin jiritaanka sharciga ama dal la wada leeyahay, sida ay khuburo badan qabaan. Sida meelo badan ka dhacdayna dadka hantida leh, waxay toos saamayn muuqata ugu leeyihiin doorashooyinka ka qabsooma dalkooda. 
Fashilka ku Yimid Nidaamka Hanti-goosadka ah ama Aragtida Xorta ah. 

Qodobka Saddexaad oo ah fashilka ku yimi, nidaamka Hanti-goosadka (Capitalism/ Liberal), gu'gii 1929-kii ilaa 1930-kii ayuu fashil weyn ku yimi nidaamka hanti-goosadka, kadib dhaqaale yahankii weynaa ee reer Ingiriis John Maynard Keynes, ayaa markaa ku dooday in dawladdu suuqa farageliso, oo ay iyadu hagto, in kasta oo isaga qudhiisu afkaartiisa beddalay, haddana waxa uu la kulmay dhaleecayn badan, in kasta oo laga qaatay afkaartiisii. Muddo kadib, oo ku beegan 1970-kii dawladdii Ronald Reagan iyo gabadhii reer Ingiriis ee laga soo doortay xisbiga Conservative-ka Margaret Thatcher ayaa soo celieyey in dawladdu suuqa gacanta kala baxdo, oo isagu ismaamulo, balse, 2008-dii ayuu mar labaad fashil ku yimi, oo khaasirihiisa ilaa maanta lala dareemayaa.

La iskuma diidana dhibaatada hanti-goosadka, in kasta oo tobanaan sanno ka hor dalalka Galbeedka aan laga taaban karin, oo ay ahayd waxa keliya oo aan la dhaliilin, balse, maanta aqoonyahanadii ka aflaxay jaamacadda Maraykanka oo lasoo cabsiiyey aragtidaa ayaa ka soo booday, waxaana kamid ah, Richard Wolf, oo ah aqoonyahan dhaqaale oo weyn, Sanator Bernie Sanders iyo aqoonyahanka reer Bangaladesh Dr. Maxamed Yuunis, oo ah asaasaha Grameen Banka. Aqoonyahanno kale oo kamid yahay Dr. Yuval Harari na waxa uu ku dooday aannay la qabsin karin xilligan, sababtoo ah: Artificial Intelligence, Bio-technology iyo Info-technology, baanay la jaan-qaadi karin. Marka waa in ay dib isku cusboonaysiisaa ama waa in laga guuraa, oo aragti beddasha la helaa.




                   W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

                                Dhaka, Bangalaadesh.