Tirada Akhristayaasha Boloogga

Thursday, November 23, 2017

Waa Lagu Addoonsan Haddii Aad Yeesho!


Taariikh-ahaan adoonsigu waa wax soo jiray. Oraahdii caanka ahayd ee Maalik binu Nebina waa tii ay ahayd: "Adoonsigu waa wax soo jiray, qofkii oggolaadana waa la gumaystaa". Dadka madow ayaa caan ku ah in la gumausto. Intii aan Nebiga (SCW) Eebbe soo dirina, dadka madow waxay ku jireen adoonsi. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa asxaabigii modoobaa ee Bilaal Eebbe raalli-ha-ka-noqdee oo intii aanay diintu soo degin ahaa adoon.


Haddaba si qofka loo gumaysto waa in xurmo-nafeedka laga dilaa, si u oggolaado in lagu shaqaysto una adeeco mudanihiisa. Balse dadka qaar baa diiday inay adoon u noqdaan dad iyagoo kale ah. Waxaa dadkaa kamid ahaa Frederick Douglass iyo Rosa park.


Frederick Douglass oo ahaa nin madow waxa uu ku noolaa Maryland. Maryland waxaa ka jiray sharci ah in qof adoonka ah uu lamid yahay hantida caadiga. Douglass markiiba waxa uu ka soo horjeedsaday inuu adoon u noqdo qof kale. Waxaa jiray nin loo gayn jiray qofka adoonka ah ee la iibsado si ugu sameeyo tijaabo, waxaana la oran jiray Eddie. Eddie waxaa loo geeyey Frederick Douglass waxuunna garaacyey muddo lix bilood ah subax walba. Markii laga quustayna ninkii lahaa dib ayuu isaga iibiyey, Frederick Douglass waxa laga qoray xigmadda ah: "Haddii aadan si sharafi ku jirto u noolaan karin si sharafi ku jirto u dhimo".


Hawaynadii la oran jiray Rosa park waxay ahayd haweynadii badashay sharci yaalay oo ahaa in dadka madowga ahi ay basaska fariistaan xaga danbe, xaga horena waxaa iska lahaa dadka cadaanka. Rosa Park ayaa baska soo fuushay maalin, waxayna fariisatay dhanka hore ee baska, wadihii gaariga baa ku yiri: "Dhanka danbe aad marwo", markii ay waydiisay sababta uu xaga hore ugu diidayna waa iska cadayd oo waxa weeye waxaad tahay qof madow.


Rosa Park waa diiday, dadkii madowga ahaana waa kaceen jeer ah ku guulaysteen inay beddelaan sharcigaa dhigayey in baska dadna xaga hore la saaro [cadaanka] dadna dhanka danbe ay aadaan [madowga]. Abwaan Dhoodaan baa isna yiri: "Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato, maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye".






W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan


Xidhiidhka La-qabsi ee Dadka iyo Xayawaanka

Koox saynis-yahanno ah baa isku keenay tobban daanyeer, waxay u diyaariyeen qol; qolkaas waxay ka soo laad-laadiyeen muus, waxay kaloo dhigeen miis. Waxaa kaloo labadaa [ muuska iyo miiska ] ay qolka la keeneen tuubbo biyo qabow tuuraysa. Mid kamid ah daanyeerka haddii uu ku istaago miiska, muuska waxa uu ku gaari karaa si dhib yar. Mid kastoo kamid ah danyeerka oo isku daya inuu miiska uu boodo, si uu u gaaro muuska waxaa lagu furaa biyahaa, dhammaan daanyeerka kalenna waxaa saamayn ku yeesha biyahaa qabow. Dhowr jeer haddii ay isku dayeen waxay la kulmeen biyo qabow. Daanyeerkii inay muuska doontaan waa iska daayeen si ay biyaha qabow uga badbaadaan.
Cilmi-baadhayaashu waxay ka saareen hal daanyeer, waxayna ku soo beddeleen hal daanyeer oo cusub. Daanyeerkii cusbaa waxay ishiisu qabatay muuskii waxa uuna isku dayey inuu aado muuska, balse waxaa ku dhacday waxaanu filayn. Dhammaan daanyeerkii intii ay u midoobeen bay garaaceen daanyeerkii cusbaa, si aanu u aadin muuska. Hadda garo daanyeerka cusub waxa meesha ka dhacay lama socon ee keliya waxaa u muuqday muuskaa. Daanyeerkii isku daygii ma samayn oo waxaa u diiday sagaalkii daanyeer oo hore wayna garaaceen, wayna ka joojiyeen inuu aado dhankii muuska.
Cilmi-baadhayaashu waxay haddana meeshii ka saareen hal daanyeer oo kale waxaana lagu soo baddelay daanyeer cusub. Hadda waa labo daanyeer oo aan arag wax biyo ah iyo siddeed daanyeer oo la kulmay biyihii. Daanyeerkii cusbaa baa is-yiri aad muuska, balse dhammaan daanyeerkii baa isugu tagay oo garaacay. Xataa waxaa ku jiray daanyeerkii hore oo isaga laftarkiisa la garaacay. Balse [ daanyeerkii labada kii hore ee ku soo horreeyey meesha ] isagu ma garanayo sababta lagu garaacay iyo sababta uu daanyeerka cusub u garaacay!
Sidaas bay ku socotay in marba laga saaro hal daanyeer oo lagu soo baddelo daanyeer cusub. Ilaa laga gaaray in la baddelo dhammaan daanyeerkii biyaha qabow iyo iska caabinta la kulmay, taas waxaa bar-bar socotay in daanyeer walba oo la soo geliyo ay u midoobayeen dhammaan daanyeerka intiisa kale oo ay garaacayeen. Tobban cusub bay noqdeen oo aan midkoodna arag wax biyo qabow ah. Balse waxay sii wadeen wax ay daanyeerkii hore sameeyeen oo aanay u hayn sabab iyo xujo. Tobbankan daanyeer wax isku day ah ma samayn si ay muuska u soo qabsadaan, wax biyo ahna lama kulmin. Sababta u diiday waa wixii ay ka arkeen daanyeerkii hore oo aannu hal daanyeer kala joogin.
Dadkeenna qaarbaa sidaa ah, haddii aanay dhammaan dadkeenna maanta sidaas wada ahayn. Waayo waxaynu noqonnay ummad u nugul wax walba. Heer waxaynu gaarnay sida daanyeerka, haddii aynaan kaba liidan. Dhaqamada aynnaan sababayn karin ase aynnu awoowayaasheen ka soo gaadhnney, ee aynnu sida indhala’aanta ah u aaminsannahay waxa kamid ah takoorka dadka Gabooyaha la yidhaahdo ee aynnaan waxba ku kala duwanayn. Waxaa aynnu ka dhigannahay daanyeerkaa aan garanayn sababta isaga loo garaacay ee loogu diidey inuu muuska raadsado ee haddana kan cusub ee isku day sameeyaba garaacaya!








W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan