Tirada Akhristayaasha Boloogga

Wednesday, January 17, 2018

Badhan Maxaa Ka Khaldan?

Marka aad masiibada, bur-burka iyo baabba'a aad adigu gacantaada ku samaysanayso iyo marka ay banaanka kaaga timaado waa labo arrimood oo aad u kala duwan. Waan hubaa waxaad isweydiinaysaa: tolow maxaa soo socda? Bilo ka hor safar aan ku joogay magaalada Badhan waxaan ku arkay wax lagu farxo iyo war aan farxad badin. Tan danbe aan kuu sii wadee waxaan Badhan ku arkay dad iyagu bur-burka dadkooda iyo dalkooda gacantooda ku samaysanaya.
Horay baa qayb kamid ah dadka deggan gobolka Sanaag loogu shaambadeeyey inay yihiin dad argagixiso ah, tan inay ku dhacdo waa mid ay iyagu ka danbeeyeen iyo mid banaanka looga keenay. Balse waa dhacdo taariikhi ah. Maanta magaalada Badhan oo ah magaalo madaxda labaad ee gobolka Sanaag waxaan ku arkay dhowr arrimood oo soo wada bur-burka iyo baabba'a dad iyo duunyo. Waxaa kamid ah arrimahaas:
1: Dulmi: Badhan waxaa ka taagan dulmi aad u baahsan oo aad ka wis-wisayso, haddii aad aqoon leedahay laguu eegi maayo maxaad taqaan iyo maxaad garanaysaa? Balse waxaa lagu weydiinayaa yaad garanaysaa ama se yaa ku wada? Kooxaha diimaha ee gobolkaas tee kamid tahay iyo yuu la saaxiib yahay?
Badhan intii aan joogay baa shaqo la soo dhejiyey, shauraahadaha shaqada waxa lagu qoray cidda loo baahanyahay waxa looga baahan yahay. Shuurudihii la soo dhejiyey oo dhan inta laga booday baa shaqadii waxaa la siiyey nin aan hal mid ka buuxin shuruudihii shaqada.

2: Midnimo la'aan: Badhan waxay caan ku ahayd dad isku meel ujeeda, midaysan had iyo goorna ilaaliya danaha guud ee gobolka, hadda taasi ma taal. Dadku ma midaysna tani waxay sahashay inay dhacaan dhibaatooyin hadda la arko oo taagan iyo mid mustaqbalka imaandoonta.
3: Cadow koriso: waa arrin masiibadeeda wadata. aqoonyahanka gobolku, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo siyaasiyiintu inay ogyihiin khatarta ururka argagxisada ah oo ku sii awoodaysanaya gobolka. Dadka aan soo tilmaamay guud-ahaan, gaar-ahaan siyaasiyiinta inay cadowgaa ka warhayaan oo aanay ka qaadin wax taallabo ah.
4: War la'aan: waxaa nasiibdarro ah in dadka deegaanku ay yihiin kuwo aan la socon waxa gobolkooda ka dhacaya shar iyo khayrba. Masiibo ka wayn ma jirto in dadka aanay la socon waxa ka dhacaya deegaankooda.
5: shaqada: haddii aad isku eekto dadka ku shaqeeya shaqada rasmiga ah (Formal job) iyo shaqada aan rasmiga ahayn (Informal job) magaalada Badhan waxaa badan tan aan rasmiga ahayn (Informal job). Tani maaha wax lala yababo; sidoo kale tan macneheedu maaha inay yartahay shaqada u baahan aqoonta ama shaqada rasmiga ah (Formal job).
Magaalada Badhan kama jiro maamul u arimiya. Labada maamul ee Soomaalilaan iyo Buntilaan baa ku muransan. Labada maamulba waxaa u jooga maayaro. Maamul la'aantan waxay sahashay inay firqooyinka diimaha ee jooga magaalada ku tartamaan: waxbaraaho-ahaan, shaqo-ahaan iyo hadba waxay magaaladu u baahantahay.
Dhubaatooyinkaa aynu kor ku soo xusnay iyo kuwa kale ba waxay u horsadeen dib u dhacaa ka jira gobolka. magaalada Badhan waxaa biyaha looga keenaa meel ka baxsan magaalada taas ku adag dadka masaakiinta ah, Dadka Badhan deggan 60% waa dad u badan dad dan yar ah. Biyaha waxaa keena booyaddo; booyadda biyaha ah qiime ahaan waa lixdan doolar. Dadka danyarta ahi ma awoodaan inay iibsadaan biyaha.
Magaalada Badhan qofka inuu quraanka barto waa in uu adaa labo meelood mid un: xadaanno ama macallin keligii haysta qol. Qofka aada xadaannada waxaa lacag laga qaadaa toban doolar halka qofka aada macallinkaa keligii shaqaysanaya ay tahay siddeed doolar. Magaalada Badhan qofka dhigta dugsiga sare lacag ahaan bishii waxaa laga qaadaa labaatan doolar; halka qofka dugsiga hoose dhigtana laga qaado lacag u dhaxaysa labo iyo toban doolar ilaa shan iyo toban doolar. Iskuulada qaar waxaa dhiga dad iyagu u baahan in wax loo dhigo.
Dadka danyarta ah waxaa ku adag nolol maalmeedka (Daily life), waslada hilibka ah magaalada Badhan waxay ka maraysaa boqol kun oo shilin soomaali ah, qudaarta iyada warkeeda daa.



W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

No comments:

Post a Comment