Tirada Akhristayaasha Boloogga

Saturday, February 3, 2018

Xirida Maskaxda.

Adduunkan aynu ku noolnahay waxaa ka buuxo siro badan oo aan weli daaha laga qaadin, noolayaal iyo awooddo kale kuwaas oo innoo saameeya si kala duwan; waxaynu ku noolnahay adduun waxa aynu ognahay ay ka badan tahay waxa aynaan ogayn; adduun waxa ina saameynaya oo aynu ognahay ay ka badan tahay waxa ina saameeya oo aynaan ogayn. Adduun aan qofna sugayn qofka is-tagana, aadanahu uu halkiisa kaga tagayo, waa sababta aynu maalin walba u aragno dad maskaxdooda (intellectual) ka shaqaysiiyey oo daah furaya (discovery) noolayaal, awooddo iyo siro si kala gedisan inoo saameeya ama waxayba ogaadaan waxaynaan ogayn oo si toos ah ama si dadban u sameeye adduunkan aynnu ku noolnahay.
Haddii ay sidaas tahay waxa aynu taaganahay bilowga wadada aqoonta, aqoonta innoo kala sheegaysa waxa ina anfacaya iyo waxa halista ina ku ah ama halis ku ah adduunkan aynu ku noolnahay. Balse qarnigan kow labaatanaad oo aynu maanta joogno marka la barbar dhigo qarniyadii kowaad, labaad iyo saddexaad waxaad ogaanaysa in aynnu wax badan ka ogsoonahay dadkii noolaa qarniyadaa hore.
Dhowr qarni ka hor dadku waxa ay aaminsanaayeen in aannay biri duuli karin, balse taas waxaa la beeniyey marka diyaaradi duushay; diyaarada oo ka samaysan biro. Cumar binu Khadaab haddii maanta dib loo soo noolaysiiyo waxa uu la ashqaraari lahaa horumarka baaxada leh oo aadanahu gaaray. Hase ahaatee mar walba cilmiga waxa aynnu ka ognahay wax aad u yar; qofka wax akhriya, baadhaa ama wax dhigtaa baa ogaan kara in mar walba oo uu wax ogaado uu qofkaasi ogaado in aannu waxba ogayn. Eebbe baa inoo sheegaya in cilmiga wax yar la ina ka siiyey, waxa uu Eebbe aayad ku leeyahay:
وما أوتيتم من العلم إلا قليلا.
Hasa yeeshee horumarka aadanahu waa joogto. Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo baxaya wax cusub oo aan horay u jirin ama wax jiray oo wax laga beddalayo. Waxaana la keenayaa fikrado cusub; waxaana khadka laga saaraya fikrado duug ah. Waxaa is beddalaya cimilada adduunka, waxaa is beddel weyn ku imaanayaa dhulka, waxaa is beddalaya aqoonta dadka; waxaa is beddalaya waxa la xirto, la raaco ama la cuno. Waa tii uu lahaa abwaan Axmed Siciid "Tafe" oo saaxiibkii u jawaabaya:
Biraha moodharada ah, kolay ku tahay ama banaadiiqda 
Beryo wixii la haystoba, khalqigu wuu beddelayaaye.

Deegaanka qofku ku noolyahay waxa uu dowr weyn ka qaataa hab-fikirkiisa, hal-abuurkiisa iyo qaab nololeedkiisa. Haddii qofkaasi la yimaado qaab fikir ka duwan sida dadkaasi u fakaraan degaanka ku xeeran baa marna la safta qofka oo wakhti siiya, marna dadka caburiya qofka oo ku sheega waxan uu wado waxaan shar mooyee wanaag soo wadin.
Horumar dhaqaale, aqoon, fikir, xadaarad, hub iyo wixii la mid ah in la gaaro waxaa jira wax caqabad ku ah; waa caqabad wax walba oo dadkan anfacaya afka qabata inta ay qaban karto. Waa dadka qaarkii oo markaa awoodda gacanta ku haya ama bulshudu ku xiran tahay, kuwaas oo qof walba oo ka fikir duwan ama fikir cusub keena cunaha qabta, qofkaa fikirka keenayna dila, xira ama u hanjaba. Dadka qaarkii waxa ay ku doodaan in marka bulshadu wax qabantinto in sida looga beddela ay adag tahay. Tusaale ahaaan dhammaan ergadii uu Eebbe soo diray fariintii ay ula yimaadaan dadkii loo soo diray waa ku diidi jireen, waxayna noqon jireen qaar la dilo, la xiro ama loo hanjabo ka hor intaanay ka gudbin caqabadaa.
Qarnigii lix iyo tobnaad wixii ka horreeyey dunida reer galbeedka waxaa awood ku lahayd kaniisadda; kaniisaddaanna wax walba maamuli jirtay, loona dabo-fadhiisan jidhay. Tusaale ahaan haddii suunaami dhaco waxaa wax laga weydiin jiray kaniisadda, kaniisadduna waxa ay oran jireen sida caadada ah waa cadho Eebbe; haddii uu qof xanuusado kaniisaddaa wax laga weydiin jiray; kaniisadduna sidii caada ahayd waxa ay odhan jirtay waa imtixaan Eebbe, ee iska samir.
Waxaa kaloo jiray boqoro kaniisadda aan ka madax banaanayn oo lahaa awood; mararka qaarna waxaaba la gaarsiin jiray in la dhaho boqorka Ilaahay baa doorta. Kaniisadda oo wax walba xukunta oo awoodda oo dhanna gacanta ku haysaa baa waxaa soo baxay waxgarad badan iyo aqoonyahanno la yimid wax markaa ku cusbaa dadka, oo ah aqoon; ahaanna xaqiiqo iyo cilmi maanta la isticmaalo, hase yeeshee kaniisaddii waa u dulqaadan weyday waxayna kala hortimid dagaal aan kala joogsi lahayn.
Ummad aan gorfeyn iyo lahayn goobo, lagu doodo
Dhaqankeedu waa guul wadiyo, geeso wada fiiqe.
Cali Ileeye.

Qarnigii lix iyo tobnaad filosoofkii u dhashay dalka Talyaaniga Galileo kadib daabacadii buuggiisa "The Dialogue of the two world systems", waxa uu siday aragtida ah in dhulku qorraxda ku dul wareego. Balse wadaadadii wakhtigaas inta ay qabteen bay xireen waxa lagu khasbay in uu aragtidaa ka laabto haddii uu rabo in uu naftiisa badbaadiyo, waa uu yeelay, waxaanna uu yidhi: "sida kitaabka Eebbe ku qoran [Injiilka] ayaa sax ah, qorraxda ayaa dhulka ku dul wareegta, anigana shaydaan ayaa i duufasday oo wax hadalka Eebbe khilaafsan afka ii geliyey".
Filosoof Galileo waxa uu ahaa saynisyahan cilmiga xiddigiska iyo meerayaasha (astronomer). Cilmiga sayniska ee aadanahu ku tanaaday oo laa'intii horumarka aadaahu qabyo ahaan lahaa baa wakhtigaas ninkaa fakeray oo cilmiga xanbaarsanaa lagu lahaa ka noqo fikirkaas baadida ah, waxaad keentay bidco (heresy), lamana dhagaysanayn. Sidoo kale 1600-kii Giordona Brundo waxa uu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay aragtida Copernican view, inta la soo qabtay baa la xidhay waxaana lagu eedeeyey bidcinimo (Heresy) iyo caasinimo (impiety) waana la dilay.
Aqoonyahannadan labada ah keliya ma ahayn, sidoo kale waxaa dilal, hanjabaad, handadid iyo aflaagado la isugu daray aqoonyahanno kale oo wakhtigaas noolaa; halka qaar kalenna afkaar muhiim ah oo aqoon ah hayey iska haysteen lana dhinteen.
Filosoofkii Faransiiska ahaa Pierre Abelard baa ku calaacalay: "Allaa og inta jeer ee aan ku fekeray quus aan joogay, in aan ka qaxo dhulka masiixida, oo aan aado dhulka cawaanta si aan halkaa nabad ugu noolaado, jisyana isaga bixiyo, si aniga oo masiixi ah aan ugu dhex noolaado cadowga masiix".
Dhammaadkii qarnigii todaba iyo tobnaad iyo bilowgii qarnigii siddeed iyo tobnaad waxaa uu filosoforadii reer Yurub u ahaa qarnigii filosoofada (Philosophical movement), ama sida taariikhda u gashay qarnigii dhaqdhaqaaqii enlightenment waxa kaloo uu ahaa xilligii sababaynta (Age of reason) waxa xilligaas soo baxay raggii cuslaa ee aqoonyahanka ahaa, sida: John Locke oo loo yaqaan aabbaha libraaliyada (Father of liberalism) Locke waxa uu kamid ahaa raggii ugu cuslaa wakhtigaas, Descartes, Newton, Galileo, Giordona Brundo, Immanuel Kant dhammaan raggani iyo raggii la midka ahaa waxa ay diideen in la daba saocdo caadooyiinkii hore (Traditional) waxayna sideen fariin ah in wax walba la sababeeyo.
Filosoofer Immanuel Kant oo raggan culus ee isbeddalka Yurub ka dhaliyey kamid ahaa, ayaa qarnigii siddeed iyo tobnaad waxa uu qoray maqaal (Essay) uu kaga hadlaayey su'aasha waa maxay enlightenment/ what's enlightenment? 
Waxa uu ku sheegay in ay tahay qofku in u fekero si xor, isaga oo aan cabsi ku jirin, in uu ku dhiirado inuu xujayn karo, su'aalo la imaan karo qofku iyo IWM.

Dhowrkaa qarni oo aad loo cabudhinaayey, si toos ah iyo si dadban aqoonyahankii reer Yuhub qarnigii siddeed iyo tobnaad iyo kii sagaal iyo tobnaad oo ku beegnayd 1760-kii ilaa 1860-kii loollan dheer iyo dagaal u dhaxeeyey kaniisadda iyo aqoonyahanka waxaa guulaystay aqoonyahankii. Sababtanna Eebbaa innoo sheegay in waxa dadka anfacayaa ay waari doonaan, baaqina ahaan doonaan, halka waxa aan nafta lahayn si kasta oo uu awood u leeyahay laga guulaysan doono. Eebbe waxa uu aayad ku yidhi:
وأما ما ينفع الناس فيمكث في الأرض.
Wixii dadka anfacayana dhulkuu baaqi ku sii ahaan doonaa.

Guushii ay keeneen raggaas aqoonyahanka ah baa u horseeday maanta dunida Yurub inay ku noolaadan nolol aad u sareysa; nolol aqoomaysan; nolol dadku wada-noolaan karaan iyagoo kala aragti, diin, deegaan iyo dhaqan duwan. Caqligii markii la furayna waxaa soo baxay cilmiyo iyo horumar dhinacyo badan laga gaaray. Adaan ku weydiiyee: haddii laga guulaysan lahaa aqoonyahankii la cabudhinaayey, la dilaayey, loo diidaayey inuu fekero si uu cilmi bulshada ugu soo kordhiyo ama wixii aan cilmi ku dhisnayn khadka laga saaro, ma suurto geli lahayd horumarka maanta aadanahu ku tanaadayo?
Qarnigii sagaalaad laga soo bilaabo maskaxda muslimiinta waxaa lagu dhiirigeliyey in ay naqliga ka hor mariyaan maskaxda, maskaxdii muslimiintana quful baa lagu jabiyey, fekerkii iyo hal-abuurnimadiina baadi lagu tilmaamay, sidaas bay uga mid noqdeen duunyada kadib markii caqligii la xiray.
Laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa maanta waxgaradka iyo aqoonyahanka muslimku waxa ay ku noolyihiin cabsi. Waxaa la yaab ah marka laga yimaado dadka caadiga ah ee nolosha wanaagsan u raadsanaya dunida reer galbeedka in aqoonyahankii muslimku ee waaqicigoodu sareeyey laga baacsaday dalkoodii oo ay maanta masaafuris ku yihiin dunida reer galbeed. Kaaga darane waxa ay haystaan xoriyad ay kaga hadli karaan wixii ay rabaan! Soo cajiib maaha.
Dalalkoodiina waxaa loo diiday in ay fekeraan, hal-abuur cusubna la yimaadaan. Waxaa lagu addoonsaday inay Shaafici, Maaliki, Ibnu Taymiya, Maxamed Cabdiwahaab, Xanbal, uu ku ekaa xilligii caqligu, ayna waajib tahay in raggaas qaabkii ay wax u fahmaan loo fahmo, diinta loo qaato, caqligana loo adeegsado in raggaas lagu raaco; caqliga iyo naqligana uu horreeyo naqligu.
2-December-1949-kii waxaa la dilay asaasihii ururka ilaa maanta jira ee Ikhwaan Muslimiinka Xasan Al-Banna, Xasan markaa la dilayo waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aqoon iyo firfircooni ku jirtay; Sayid Qudbi oo ay saaxiib ahaayeen waxna soo wada barteen Xasan Al-Banna oo ahaa mufakir: dood, qoraal iyo cilmi baarid ku xeel dheeraa, laguna tilmaami jiray in uu safka hore kaga jiro aqoonyahanka qalinkiisu, qoraalkiisu iyo doodiisuba ay samayn leeyihiin, waxaa la mariyey afkaartiisa awgeed xarig, jirdil iyo ciqaab aan yarayn.
Sayid Qudbi waxa uu ahaa aqoonyahan kulmistay labo cilmi: diini iyo maadi, taa waxaa u raacday in uu kulmistay labo xadaaradood iyo labo deegaan oo aad u kala dhaqan, dabci, aqoon, fikir, siyaasad iyo dhaqaale duwan waa dalkiisa hooyo ee Masar iyo weliba dalka Maraykanka uu waxbarasho u aaday sannad ka hor dilkii aqoonyahankii ay saaxiibada ahaayeen ee Xasan Al-banna; Qudbi markii uu soo noqday dalkiisa hooyo waxa uu la kulmay bahdil, xadhig iyo ciqaab uu kaa kulmay jeelka.
Toban sanno in ku dhow oo uu xirnaa, sii dayntiisa kadib waxa uu qoray buugga marka labaad uu jeelka u galay ee naqdinaya qaab bulsheedkii dunida muslimka ah, waa buugga: "Macallim cala Dariiq". Sayid Qudbi aakhirkii waa la dilay. Qoraaladiisa cadhada, ciilka ay ka muuqato dadka qaarkii waxa ay u sababeeyaan silicii uu kala kulmay jeelka.
Labadan nin keliya ma ahayn boqolaal aqoonyahan baa afka la qabtay, kuwo kale waa la xidhay, kuwa kale noloshooda caadiga ah bay iska wateen iyagoo duruufaha qaar oo jiray tixgelinaya.
Qarnigii labaatanaad markii ay uu soo baxay khadka wax lagu daabaco dalka Sacuudiga waxaa laga soo saaray fatwo lagu xaarantinimaynayo khadkaas, iyadoo ujeedku ahaa in ay khaldayso daabacada quraanka; tan keliya ma ahayn ee wax walba oo horumar oo la gaaray dunida muslimiinta waxa ay ka ahayd xaaraam iyo waxaan diintu oggolayn. Dadkana waxaa loogu sheekayn jiray welina loogu sheekeeyaa gaalo adduun baa la siiyey, muslimna aakhiro. Ninka sidaas leh waxa uu rabaa inuu diin faafiyo, adaan ku weydiiyee nin leh sawirku iyo kaamiradu waa xaaraan wax ma sheegi karaa nin dayax gacmeed sameeyey, diyaarado aan cidi wadin soo saaray, gujis badda hoosteeda maraya wata?!
Ma jiro maanta hal wadan oo muslim ah oo adduunka: waxbarasho ahaan, akhris ahaan, qoraal tayo leh ahaan, warbahin ahaan, wax-soo saar ahaan iyo hub ahaan safka hore kaga jira, Turkiga oo Yurub ku yaala oo xoogaa dedaalaya marka laga yimaado dhammaan dunida muslimka ah qafil baa lagu jabiyey maskaxdii muwaadiniinta muslimiinta.
Waxa ay ahayd kitaabka Bukhaari in aynu ku dhaqano, balse sida bukhaarka adduunka ula tartano. Balse taasi ma dhicin, oo weli waxa aynnu noolnahay nolishii baadiyaha ee uu noolaa Bukhaari. Dunida muslimka maanta waxaa ka jirta jooji fekerka, ha isweydiin wax su'aal ah, dhagayso oo adeec. Inta la ogyahay quraanka iyo xadiiska nebiga (SCW) baa waxyi ah oo qofka wax ka qaadan karaa, qarniyadaa aynu soo tilmaanay waxaa soo biiray caalim hadalkii in laga dhigo wax lama taabtaan ah oo ay tahay in sideeda loo qaato. Iyada oo taa laga duulayo dunida muslimka waxaa waajib lagaga dhigay inaanay idhohooda quraanka ku fahmin, balse qaabkii Ibnu Taymiya iyo Maxamed Cabdiwahaab iyo caalimiintii la midka ahaa ee ay wax u dhigeen in sideeda loo qaato.
Dhibta ugu weyna waxa ay timi, marka fikirkii raggaas ee diinta laga dhigay la keenay dalal ay ku noolaayeen dal si walba uga duwan oo laga dhaqan geliyey. Waxaa kaloo la soo raray qaabkii ay diinta u fahmeen. Maanta dunida muslimka ah waxaa ka jirta: sidaa diinta u fahan, su'aalahaasi waa xaaran ha isweydiin, waxaas iyo waxaas ha ka hadlin, waxaas iyo waxaas waxba ha ka baadhin, sidaa u soco, sidan u qosol, sidaa wax u arag, waayo dhammaan sidan waxaa wax u arkay culimo noolaa qarniyadii dhexe.
Taasi waxa ay keentay in maanta dunida muslimka keli keli iyo si jamac ahba looga baxsado oo la aado dunida reer galbeedka. Waayo qofku dabeecad ahaan kuma noolaan karo meel afka la is-hayo, maskaxda loo diiday in ay fekerto, oo aannay ool wax xoriyad ah. Dhibta ugu weynina waxa ay ku dhacday aqoonyahankii yidhi, sidan laga wanaagsane aynu adduunka la tartano oo wax iska beddalno. Qofna loo sheegi maayo waxa ku dhacaya Salmaana Cawda, in uu ku noolyahay xaalad aad u adag, xoriyadiisiina laga qaaday. Muffakar Cabdiraxmaan Bashiir in aannu soo booqan karin dalkiisa. Boqolaal kale baa masaafuris ku jooga dalal aan dalkoodii ahayn.
Hadraawi baa laga hayaa:
Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli.

Soomaaliya oo ah dalalka ugu badan ee afkaaraha diinta lagu tijaabiyo aqoonyahankii fekeraayey in uu joogo ma soo dhowaan, kii baacsadayna isna intuu dunida u baxay buu halkaa ka bilaabay inuu ka wado maskax xirida. Xaqiiqdii xaalad adag baynu ku jirnaa, xaalad maskaxdeenii la xiray, oo aynu la dhibtoonayno afkaaro niman dhintay oo diin la inoo ka dhigay oo aan oggolayn wax horumar. Guud ahaan maanta waxaa la maraya in shay walba wax lag waydiiyo nin masaajid fadhiya oo aan warba ka hayn adduuunka iyo halka la isla marayo. Haddii dawlad la rabo in la dhiso isaga la weydiinayaa isaguna qar buu la qarda-jeexayaa, haddii dawlad burburto isaga la weydiiyaa isaguna isma beddaee hal jawaan buu bixiyaa, haddii waddo la dhisayo isagaa loola tagaa, isaguna waxa ku jawabaa sidii ay la tahay. Soomaali iyo guud ahaan dunida muslimka ah waxaa la wadaa dhisida masaajid aan la garanayn sababta loo dhisay iyo baahida cida loo dhisay. Dadka waxaa loo dhisaa masaajido iyagoo aannan haysan waxbarasho tayo leh, waxaa loo dhisaa masaajid iyagoo aannan haysan maktabad buug tayo leh yaalaan, waxaa la dhisaa masaajid iyadoo ay dhisan yihiin masaajido tiro beel ah.
Xaaji Aadan Af-qalooc baa Soomalida ka yaabay, sida ay nolsosha gunnimada ah u doorteen, oo aynaan marnaba la tartamayn aadanaha, gabay uu tiriyey Xaajigu baa waxaa ku jirtay:
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone 
Dunjigii Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane 
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw iskama daayo 
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey?
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya.






                        W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

                                          Hargeysa, Soomaalilaan


















No comments:

Post a Comment