Hordhac
Qaarad
iyo qaran walba, xaaladda adduunka maanta waxaa lagu sifayn karaa hal eray oo
kaliya- ARGGAGAX! Dal walba- mid awood leh iyo ku faqiir ah, mid
horumaray iyo mid dib-u-dhacsan, mid daryeel caafimaad oo tayo leh haysta iyo
mid aan haysan, mid xulufo leh iyo mid aan lahayn- dhammaantood xaaladdooda
waxaa lagu sifayn karaa mid arggagax leh. Bulsho badan oo dhaxashay nolol
xorriyaddu saaxiib iyo hoy u tahay, bulsho badan oo aan dareemin muhiimada iyo
qiimaha xorriyadda ayaa kaddib markii ay hal mar guryihii lagu xarreeyey, loo
diiday in ay is-booqdaan, laga mamnuucay in ay cisbitaalka ku booqdaan dadkii
ay jeclaayeen, laga hor is-taagay in ay duugaan sidii dhaqanka iyo caadada u
ahayd kuwii ay jeclaayeen ayaa hal mar dareemay qiimaha xorriyada, faa’iddada
caafimaadka iyo raafadka xabiska.
Badankoodu
hadda ayey dareemeen dhibta lagu hayo shacabka reer Falastiin, kuwaas oo qarni
barkii xorriyad daleed iyo mid daddeed ba loo diiday; bulsho badan ayaa
dareentay nolosha uu hadda ku noolyahayJulian Assange, Salmaan Al-cawda iyo
inta lamidka ah ee caddaalad darrada u xiran. Bulsho badan oo ay Hindiya ugu
horreyso ayaa dareentay dhibta reer Kashmiir uu ku hayo maamulka xagjirka ah ee
Modi iyo Amit Shah. Ma maqashay abaar dhib badnayd oo sannaddadan danbe dhulka
Soomaalida haysay, oo dad badan u bixiyeen SIMA, saamaynta uu Koorano Fayraska
ku yeeshay adduunka waxaa lagu magcaabi karaa "Xanuunkii Sima".
Saddexda
Saamaynta Leh.
Yeelkeede,
xaaladda arggagaxa iyo saamaynta leh ee uu adduunka ku yeeshay Karoona Fayrasku
waxa uu dal kasta iyo bulsho walba ku khasbay in ay saddex qolo u dabo
fariistaan: talo, hoggaamin, hal-abuur iyo rejo. Saddexdaas qolo oo kala ah:
Madaxda dalkooda, Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimaha iyo
Saynisyahanada.
Siyaasiyiinta.
Xaaladdan
adag ee lagu jiro waxa ay kala saartay hooggaamiyihii kartida u saaxiibka ahaa
iyo kii kartida darnaa. Dhammaan khuburada caafimaadku iyo aqoonyahanada kale
ba waxa ay ammaan u soo jeediyeen hoggaamiyayaal dhowr ah oo si fiican uga
badbaadiyey dadkooda Fayraskan halista ah, dalalkaas haddii aan dhowr ka
tilmaamo waxaa kamid ah: Singaboor, Taywaan, Taylaan, New Zealand iyo Jarmalka.
Hoggaamiyayaasha fadhiidka noqday waxaa kamid ah: Trump ka Maraykan, Boris
Johnson ka Ingiriiska, oo xattaa xanuunkii isaga soo ritay, Jair Bolsonaro ha
Baraasiil, Modi ga Hindiya, hoggamiyaha Talyaaniga iyo Macron ka Faransa.
Hoggaamiyayaasha Diimaha.
Culimada
diimaha ama hoggaamiyayaasha diimuhu markii Koroona Fayrasku u kala gudbay
dhowr dal, waxa ay u qayb-sameen labo kooxood: koox aad u yar, oo wacyi ahaan
iyo aqoon ahaan dhisan, oo markiiba ku baaqday in la dhagaysto talada, aqoonta
iyo amarada ka imaanaya khuburada caafimaadka iyo qolo labaad oo aad u faro
badan, oo markiiba khuraafaad dadka ula dareeray, kuwaas oo xattaa keenay waxa
ay ugu yeerayn daawo.
Koonfurta
Kuuriya oo si xun xanuunku ugu dhuftay waxaa la sixi waayey oo diiday taladii
iyo amaradii khuburada caafimaadka kaniisad ay ku cibaadaystaan koox Kiristan
ah, oo xagjir ah. Taas oo aad u faafisay xanuunka. Kaniisadan oo lagu magcaabo
Shincheonji (New Heaven and Earth) Jannada cusub iyo Dhulka, waxaa
asaasay nin lagu magcaabo Lii Maan Hii, sannadkii 1984. Ninkan oo sheegtay in
uu yahay ninka Ciise u hadla, ayaa ku doodday xattaa in aannu dhimanayn. Lii
iyo xertiisu waxa ay diideen in la xiro kaniisadooda; waxa aynna ku dooddeen
Karoonahan in loogu marmarsiiyoonayo diintooda iyo cibaadadooda.
Hindiya,
bishii March-14-keedii, qolo Hinduu ah, waxa ay cabeen kaadi Lo'aad, waxa aynna
sheegeen in ay daawo ka tahay kaadida Lo' du Fayrska Karoona, taas oo ay keento
bakteeriya, inkasta oo ay hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) sheegtay in
xanuunkan Fayras keeno, balse, aannay keenin Bakteeriya. Nin lagu magcaabo Om
Prakash ayaa sheegay in ay wakhti dheer isticmaalayeen kaadida Lo'da si ay ugu
nadiifiyaan jirkooda iyo ruuxdooddada; isla jeerkaasna ay daawo ka tahay
jeermiska Karoona Fayras.
Hinduugaas
waxa ay canbaarayn u soo jeediyeen dowladda Hindiya iyagoo ku dhaliilay in ay
soo dhoofsanayaan daawo qalaad, iyadoo ka dhuumanaysa kaadida Lo'da oo ah daawo
diimeed wakhti badan bulshadaasi soo isticmaalaysay. Waxaa se yaab lahayd
baadari aad looga yaqaan Maraykanka, oo kaniisad ka taajiray oo deggan dalka
Maraykanka laguna magcaabo Kenneth Copeland ayaa labadii bishii afraad muuqaal
uu siidaayey ku sheegay in uu dabaysha ku dari doona Fayraska Karoona; taasi la
yaab bay runtii noqotay. Iskadaa in uu dabayl ku daree, hal Milyan oo Maraykan
ah ka badan baa Fayraskii soo ritay, boqol iyo konton kun oo nafood na waa
galaaftay.
Culimo
badan oo Islaam ah ayaa qudhooda markii cudurka ka dilaacay Shiinaha, sheegay
in cudurkan Ilaahay ugu talo galay Shiinaha, si uu ugu hiiliyo muslimiinta
dhiban ee Wiigariska, oo dowladda dalkaasi ku hayso dhib aan yarayn. Markii
cudurkii Shiinaha dhaafay oo u gudbay dalal badan oo aan Muslim ahayn,
culimadii waxa ay ku dareen in cudurkan Ilaahay ku imtixaanayo dadka aan
muslimka ahayn, kuwaas oo sida ay hadalka u dhigeen xadgudbay. Culimada
tabliiqa ah ayaa qudhoodu aan joojin kulamo iyo muxaadooriyin ay ku lahaayeen
Baakistaan iyo dalal kale, iyaga oo ku doodday in aannu cudurkani Muslimiinta
ku dhicin. Taas oo keentay in cudurkii si dhakhso ah u faafo, ilaa markii dambe
dowladda Baakistaan joojisay kulamo ay lahaayeen culimadaas tabliiqa ah, marka
kalenna go'doomisay masaajidyo ay tabliiqu kullan ku lahaayeen oo xanuunka laga
helay.
Malaysiya
bishii saddexaad ee sannadkan dad tiradoodu tahay 673, oo laga helay xanuunka,
saddex meelood oo labo meelood waxa ay kullan ku lahaayeen masaajid ay ku
kulmeen kooxda tabliiqa, oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Baakistaan.
Ciraaq
Shiikh lagu magcaabo Hadi Al-modarresi oo sheegay in xanuunkan Shiinaha Ilaahay
ugu talo galay si uu ugu hiiliyo musliiminta Shiinaha, buu soo ritay Fayraskii.
Inkasta oo gadaal laga qaxiijiyey in cudurka laga daaweyey isaga iyo qoyskiisa
ba. Culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu horreeyo Umal inkasta oo uu markii danbe
afka duubtay, dadkana ka wacyi galiyey xanuunkan halista ah, balse, markii hore
waxa uu ku doodday in xanuunkan Ilaahay gaalada ku imtixaanayo, kuwaas oo
macaasidoodii badatay; sidaas si lamid ah waxaa sameeyey Shiikh Barbaraawiga
Hargaysa, oo markii hore xanuunka ku sheegay xanuun Ilaahay gaalo ku
imtixaanayo, is-buuc kaddibna isagaa isku jawaabay oo is-radiyey. Isagoo leh,
xanuunkan looma aannayn karo xanuun gaaalo. Shiikh Xuseen Cali ga Tabliiqa ah
waxa uu ka horyimid isagoo jeedinaayey khudbad talada caafimaadka ee oronaysa
in aan la isi salaamin, si aannu xanuunku u gudbin.
Yeelkiise
yaabku, Boosaaso Shiikh lagu magcaabo Rusheeye oo ka shaqaysta waxa uu ugu
yeedhay dumarka Jinku galo ayaa sheegay in uu hayo daawadii Karoona Fayraska
isagoo dadka horkeenay booyad biyo ah; Shiikhaas oo markii danbe Boosaso isaga
baxay, oo aaday dhankaas iyo Burco. Burco iyo Hargaysa waxaa ka soo baxay
wadaado sheegay in hayaan daawadii Karoonaha.
Isku
soo duuboo, dhammaan siyaasiyiinta fashilmay, oo ay ugu horreeyaan Trump ka
Maraykan, Bolsonaro ha Baraasiil iyo kuwa Iiraan iyo hoggaamiyaayasha diimaha
ee aynnu ka soo sheekaynay dhammaantood waxa ay ka sinaayeen hal arrin taas oo
ah in ay kor u qaadayaan aragtida mu'aamaraadka ama shirqoolka (Conspiracy
Theories) iyagoo leh halkaas baa lagu sameeyey Karoonaha, sidaasna waa loo
sameeyey, cidaasna waa loogu talo galay, si loogu dilo dadkooda iyo
dhaqaalahooda.
Qoloda
saddexaad ee adduunka sida dhow loo sugaayey taladooda, khibradooda, aqoontooda
iyo weliba hal-abuurkooda ku saabsan talaal lagu la tacaalayo fayraskan waa
Saynisyahannada, oo ah qoloda aynnu kaga sheekayn doono qoraalkeenan.
Saynisyahannadu waxa ay inta badan caan ku yihiin hadal yar iyo howl badan.
Saddexdii qarni ee aynnu soo dhaafnay ma jirto cid ka wax qabad badnayd
saynisyahannada kuwaas dhinac walba hal-abuurkooda lagu liibaanay.
Qoraalkeennan
kagama sheekayn doono wax qabadkii saynisyahanada oo dhan, kaliya waxa aynnu
eegi doonaa sida ay horumar wayn uga sameeyeen caafimaadka (Health) iyo sida ay
xanuuno badan oo dilaa ahaa u soo af-jareen, iyagoo soo saaraya talaalo iyo
daawooyin.
Waxqabadka Saynisyahanada Dhanka Caafimaadka.
Buuggiisa
Englightenment Steven Pinker waxa dadka waydiiyey su'aashan: How do we
explain the gift of life that has been granted to more and more of our species
since the end of the 18th century? Su'aasha sida aad doonto uga
jawaaab, balse, ma jirto cid ka mudan mahadnaq iyo amaan, Ilaahay ka sakow,
aqoonyahanada sayniska, kuwaas oo xanuuno badan oo dilaa ahaa soo afjaray.
Xanuunada
safmarka ah (Epidemics) waxa ay dili jireen milyinis qof ka badan, waxa dhulka
la simi jireen xadaarado dhan, waxa aynna burbur xoogaan iyo dhibaato kaga tagi
jireen dadka. Cudurradaas safmareenka ah faqiir iyo taajir ba uma aabbo yeeli
jirin, labada ba isku si buu u layn jiray. Sannadkii 1836 ninkii xilligaas ugu
taajirsanaa addduunka oo lagu magcaabo Nathan Mayer Rotheschild ayaa u
geeriyooday xanuun ka soo bax ah; dhowr boqortooyo oo Ingiriis ah waxaa
xilligoodii soo gaabiyey oo ay u geeriyoodeen dhowr xanuun oo kala duwan, sida:
Malaariya, Tiibay (TB), oof-wareen (Pneumonia), tiifow (Typhoid) iyo furuq
(Smallpox), madaxweynii Maraykanka Henry William Harrison wax yar kaddib
caleemo saarkiisii waxaa soo ritay
xanuun, kaas oo uu muddo bil ah kaddib u geeriyooday; James Polk madexweyne
kale oo Maraykan ah isna waxaa soo ritay daacuun colooleed saddex bil kaddib
markii uu baneeyey xafiiska sannadkii 1849 kii.
Balse,
sida taariikhda ku cad, laga soo bilaabo dhammaadkii qarnigii siddeed iyo
tobnaad, markaas oo ay saynisyahannada hal-abuureen talaalka iyo kaddib markii
la dedejiyey aragtida jeermiska ee cudurada, waxaa xal loo helay xanuun badan
oo galaafan jiray bilyanis dad ah; waxyaabaha la gaaray ama la ogaaday waxaa
kamid ah: awoodda iyo faa'iddada gacmo dhaqashada, ummulisada, daawaynta biyaha
wasakhaysan, kuwaas oo galaafan jiray tiro badan oo dad ah iyo in la xakameeyey
xanuunka jadeecada.
Sannadkii
1995 koox saynisyahanno ah ayaa ku dhawaaqay talaalka cudurka Dabaysha (Polio)
ee uu hal-abuuray saynisyahanka Jones Salk, cudurkaas oo sannad walba galaafan
jiray kumanaan dad ah. Jones kaligii maahee, waxaa jira saynisyahanno kale oo
uu kamid yahay Karl Landsteiner kaas oo daaha ka qaaday noocyada dhiiga (Blood
Groups) taas oo ay ku badbaadeen bilyanis dad ah.
Koox
kale oo saynisyahanna ah oo aadan maqal, balse maalin walba hal-abuurkoodii iyo
waxqabadkoodii dad lagu badbaadiyo baan halkan kuugu soo gudbin,
saynisyahanadaa waxaa kamid ah: Abel Wolman iyo Linn Enslow oo hal-abuuray
daawada biyaha lagu sifeeyo ee loo yaqaan Kolooriin (Chlorination of water)
taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 177 milyan oo nafood, William Foege kaas
oo keenay habka lagu ciribtirayo furuqa (Smallpox Eradication Strategy) taas oo
badbaadisay dad lagu qiyaaso 131 milyan, Maurice Hilleman kaas oo hal-abuuray
daawada siddeedda (Eight Vaccines) waxa aynna badbaadisay 129 milyan dad lagu
qiyaaso ah, John Enders talaalka jadeecada (Measles Vaccine) waxa aynna
badbaadisay 120 milyan tiro lagu qiyaaso oo dad ah.
Howard
Florey oo hal-abuuray daawo anti-baayootik ah oo lagu magcaabo Penicillin taas
oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 82 milyan oo dad ah. Gaston Roman oo hindisay
talaal lagu magcaabo Diphtheria iyo tenanus taas oo ay ku badbaadeen dad 60
milyan lagu qiyaaso. David Nalin oo hal-abuuray daawo afka laga qaato kaddib
marka qofku fuuq baxo, taas oo badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 54
milyan. Paul Ehrlich oo hal-abuuray daawada Diphtheria iyo tenanus waxa ay
badbaadisay 42 milyan.
Andreas
Gruntzig oo hal-abuuray daawada cudur kala xidha halbowlaha dhiiga kaas oo lagu
magcaabo Angioplasty waxa aynna badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 15
milyan. Grace Eldering iyo Pearl Kendrick ayaa iyaguna hindisay talaalka
qiix-dheerta taas oo badbaadisay 14 milyan. Gertude Elion oo hal-abuuray
daawada Rational drug design taas oo badbaadisay 5 milyan. Koox
cilmi-baadhayaal ah oo diiwaan galiyey inta dad ee hal-abuurkaaas ku badbaaday
ayaa sheega dad lagu qiyaasi shan bilyan oo dad ah, iyagoo doortay kaliya boqol
saynisyahan oo kaliya.
Cudurka
furuqa oo qarnigii labaatanaad galaaftay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 300 milyan
ayaa la soo af-jaray ama la cidhib tiray. Mo ogtahay akhristow in bukaankii ugu
danbeeyey ee xanuunkaas furuqa laga daweeyey uu ahaa Soomaali sannadkii 1977?
Waxaan filayaa, waa maya. Balse, waad garanaysaa dagaalkii Soomaaliya la gashay
Itoobiya.
Xanuunka
duumada (Malaria) oo galaafan jirtay kala badh dadkii noolaa qarnigii
labaatanaad iyo wixii ka horreeyey ayaa rejo laga qabaa in la cirib tiro inta
lagu guda jiro qarnigan. Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2015 ayay hoos u dhacday
60%, hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa dejisay qorshe lagu yaraynayo xanuunka
90% sannadka 2030, waxaana la rejaynayaa in laga ciribtiro xanuunkan soddan iyo
shan dal, oo kamid ah shagaashan iyo toddoba dal oo xanuunkan faafaa ka jiro.
Xanuunkan duumada ayaa laga soo afjaray dalka Maraykanka sannadkii 1951, kaas
oo uu ka ahaa shaacsane.
Intaas
waxaad ku sii dartaa horumarka laga gaadhay aqoonta dhakhaatiirta, kuwaas awood
u yeeshay in ay aqoon buuxda u leeyihiin jirka qofka, iyagoo qalliin ku
samaynaya meel walba oo jirkeenna kamid ah. Ha ilaawin hal-abuurka qalabka
cusub kaas oo fudeeyey in si fudud xanuuno badan lagu daawayn karo ama lagu
xakamayn karo. Waa sax, waxaa jira xanuuno badan, sida HIV, AIDS oo aan weli
daawo loo helin, balse, waxaa guul ah sida loo xakameeyey, oo dalal badan oo
xattaa Afrika ugu horreyso looga yereeyey xanuunkan.
Ugu
danbayn xanuunka Karoona Fayraska oo maanta madaxa la galay shan milyan oo qof
oo bukto ah, dhimishaduna kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, sida ay shaacisay
jaamacadda Johns Hopkins, waxa uu ku soo beegmay xilli aqoonta,
tiknooloojiyada, khibrada iyo awoodda saynisku ay aad u sarreyso, waxaana hadda
saynisyahanada laga sugayaa in ay sannad gudihii kaga jawaabaan fayraskan. Ha
moodin in cudurkan sidaa dhaksaha u faafayo ay keentay awood darrada iyo aqoon
yari dhanka dadka ah, balse waxaa sababay wada-shaqayn la'aanta dhanka
dowladdaha ah, gaar ahaan labada dowladdood ee adduunka ugu awoodda badan,
Shiinaha iyo Maraykanka, iyo weliba karti darada madaxada qaar, sida
madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Arrin siyaasiddeed baa keenay in uu si
dhakhso ah ku faafo.
Isku
soo duuboo, weli ma helin saynisyshanadaas aynnu ka sheekaynay, oo keenay
horumarkaas iyo guushaas aqoonsigii ay mudnaayeen. Balse, yaa ku yidhi
taariikhda caddaalad samaysa? Yaa ku yidhi halyey iyo hal-abuur walba caddaalad
buu helaa?
Xigasho:
1:
Buugga Steven Pinker, Enlightenment.
2:
Al-Jazeera
3:
BBC News
4:
South China Morning
5:
Dawn.com
6:
World Health Organizatin (WHO)
7:Agence
France-Presse (AFP)
8: Johns Hopkins University
9:
Hiiraan.com
10:
The New Arab
W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale. T.