Tirada Akhristayaasha Boloogga

Tuesday, December 28, 2021

Warraysi Yuval Nuux Haraari


Markii uu Yuval Nuux Haraari daabacay buuggiisa "Sapiens", sannadkii 2014- kii kaas oo ka warramaayey taariikhda Aadanaha, waxa uu noqday buugga loogu iibsiga badan yahay adduunka, wuxuuna ka dhigay taariikh yahanka borofaysarka reer Israa'iil oo aan wax badan laga aqoon mid kamid ah qoraayaasha iyo mufakiriinta ugu caansan adduunka.

Laakiin, markii aannu kula kullanay Yuval Nuux Tel Aviv xagaagan, ma ahayn waxa walaaca ku hayey noolayaashii hore, balse, mustaqbalkeenna. Yuval Nuux Haraari waxa uu rumaysan yahay in aynnu qarka u saaranahay in aynnu abuurno maaha kuwa cusub oo kaliya, ka hormarsan Aadanaha, balse, gabi-ahaan ba noolayaal cusub--  kuwo aad inoo ka caqli badan innaga. Waa wax u eg sayniska khiyaaliga ah. Balse, Yuval Nuux Haraari waxa uu leeyahay xaqiiqdii arrintu sidaas wayba ka khatar badan tahay.

Anderson Cooper: Waxaad tidhi: "Waxa aynnu nahay jiilkii ugu danbeeyey ee Homo Sapiens ka. Hal qarni ama labo, dhulka waxaa qabsan doona noolayaal kale oo ina ka duwan innaga, sida aynnu uga duwanahay Jimbansiiga (Chimpanzees)".

Yuval Nuux Haraari: Haa.

Anderson Cooper: Taasi maxay la macno tahay? Taasi waa arrin iga yaabiyey aniga.

Yuval: "Sida aad ogatahay dhowaan waxa aynnu yeelan doonaa awoodda dib loogu qaabayn karo jirkeenna iyo maskaxdeenna, haddii ay tahay in jiinkeenna dib loo qaabeeyo ama in si toos ah maskaxdeenna lagu xiriiriyo kambiyuutarka ama ba in gebi ahaan ba la abuuro ma noolayaal ama mashiinada caqliga leh kuwaas oo aan lahayn xubno jidheed ama ba maskaxeed. Tiknooloojiyadana waxa ay u hormaraysaa si xawli ah oo khatarteeda leh.

Anderson Cooper: Haddii ay taasi sax tahay, dabadeed waxa ay abuuraysaa gabi ahaan ba noolayaal kale.

Yuval Nuux Haraari: tani waa wax dhaafsiisan noolayaal kale.

Yuval Nuux Haraari waxa uu ka hadlayaa tartanka loogu jiro mashiinada caqliga leh iyo sida oo kale tiknooloojiyada kale sida jiinka dib loo qaabanayo, kaas oo waalidka u suurto galinaya maalin uun in ay helaan carruur maskax badan ama soo jiidasho leh ama maskaxda kambiyuutarka in ay sababto in Aadanaha iyo mashiinadu is-dhexgalaan.

Anderson Cooper: Maxay ku samaynaysaa bulshada taasi? Waxa ay u muuqataa in taajirku heli karo fursad fiican; halka aannay kuwa kale haysan?

Yuval Nuux Haraari: khataraha aynnu arki doono tobanaanka sanno ee soo socda waa sinnaan la'aan wayn oo aynnaan arag taariikhda hore, sababta oo ah waa markii koowaad oo aynnu arki doono sinnaan la'aan dhanka bayloojikaalka ah. Haddii tiknooloojiyada cusub ay suurto gal u noqoto in ay helaan taajirka oo kaliya ama dalal goonniya dabadeed Aadanahu waxa y u kala qaybsi doonaan dabaqado dhanka bayloojikaalka ah (Biological castes) maxaa yeelay waxa ay haystaan jidh gooniya iyo awood goonniya.

Yuval Nuux Haraari waxa uu sannadadii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa jeedinta casharada iyo qoraalada ka hadlaya waxa ku imaan doono Aadanaha mustaqbalka.

 

Yuval Nuux Haraari oo ka hadlaya Davos 2018: " Jiilasha soo socda waxa aynnu baran doonaa sida loo farsameeyo jidhkeena iyo maskaxdeenna". Waxa uu qoray labo oo ka warranaya dhibaatooyinka aynnu la kulmi karno mustaqbalka-- "Homo Deus", iyo 21 Lessons for the 21st century". -- waxaana soo raaca buuggiisa kale ee Sapiens kaas oo laga gaday 35 milyan in ka badan oo buug, loona turjumay 65 luqadood. Buugtiisa waxaa talo-bixin ka dhiibtay madaxweyne Barack Obama iyo sida oo kale madaxda shirkadaha tiknooloojiyada sida: Mark Zuckerberg iyo Bill Gate.

Anderson Cooper: Miyaanay taasi kamid ahayn nooc  is-burinta kamid ah?

Yuval Nuux Haraari: Waxa ay inyar ka cabsanayaan awooddooda, waxa ay xaqiiqsadeen saamaynta ballaadhan oo ay ku leeyihiin adduunka iyo tadawurka, runtii. Waana taas tan cabsida ku haysa qayb iyaga kamid ah. Waana arrin wanaagsan. Waana sababta ay u danaynayaan ilaa xad in ay dhagaystaan.

Anderson Cooper: Waxaad ku bilowday adiga oo ah borafaysar taariikheed. Maxaad hadda naftaada ku qeexi lahayd?

Yuval Nuux Haraari: Weli waxaan ahayn taariikh yahan. Balse, waxaan filayaa in taariikhdu tahay daraasaynta isbeddalka. Kaliya maaha daraasaynta wixii dhacay oo kaliya. Waxa kale oo ay ka hadashaa mustaqbalka.

Haraari waxa uu PHD ka qaatay jaamacadda Oxford, waxa uuna ku diyaariyey Taariikhda. Hadda waxa uu ku nool yahay Israa'iil, halkaas oo ay weli baaqi ku tahay taariikh hore. Waxa uu na geeyey goob taariikhi ah (Archaeological Site) oo lagu magcaabo Tel Gezer.

Haraari waxa uu yidhi magaalooyinka tan oo kale ah waxaa suurto gal ka dhigay in ay baaqi ahaadaan waa isbeddelka caqliyeed (cognitive change) ee ku dhacay Aadanaha-- Homo Sapiens-- muddo hadda laga joogo 70, 000 kun sanno ka hor. Taas oo inna ka caawisay in ay abuurno luqadaha, kaddib na suurto gal innoo ka dhigtay in aynnu isku dhexgalno koox aad u faro badan, oggolaatay na in Neanderthals iyo noolayaasha kale ba aan la jaan qaadi karin isbeddelkan in la cirib tiro.

Haraari waxa uu leeyahay hadda innaga ayaa khatar ugu jirna in aynnu dhibane u noqono mashiinada caqliga leh (Artificial intelligence).

Yuval Nuux Haraari: waxaan u malayn waxa ugu wayn oo aynnu waajahayno in ay tahay kala weecsanka tadawurka (Evolutionary Divergence). Milyanaan sanno  garaadka iyo dareenku (Intelligence and Consciousness) waxa ay ahaayeen kuwo wada socda. Dareenku waa awoodda aad ku dareemayso sheeyada, sida: xanuunka, farxadda, jacaylka iyo nacaybka. Garaadku waa awoodda aad ku xalinayso dhibaatada. Balse, kambiyuutaradu iyo mashiinada caqliga leh ma leh wax dareen ah,  waxa ay leeyihiin garaad. Waxa ay dhibta u xaliyaan sida aynnu u xalino si ka duwan gabi-ahaan ba.

Hadda, marka la joogo sayniska khiyaaliga ah (Sceince fiction) badanka waxaa u muuqataa in mar walba oo kambiyuutarisku kuwo garaadkoodu sarreeyo in ay lama huraan tahay in heli doonaan dareen (Consciousness). Balse, xaqiiqdii arrinku kaas waa ka cabsi badan yahay marka la eego in ay dhibta xalinayaan in badan iyaga oo aan lahayn wax dareen ah.

 

Anderson Cooper: Waxa ay yeelan doonaan awooddeenna mid ka sarraysa?

Yuval Nuux Haraari: Mar hore bayba inna ka awood bateen.

Kuwa daymaha bixiyaa ayaa si joogta ah ayaa isticmaala mashiinada caqliga leh ee ka' kan si ay u ogaadaan qofka u qalma in la siiyo daynta, suuqyada caalamiga ah hadda waxa ay u socdaan in ay ku go'aan qaataan go'aamada ay gaarayaan mashiinada fallanqaynaya xog aad u faro badan, oo aanay fahmayn xataa borogaraamarisku.

Haraari waxa uu leeyahay dalalka iyo Kambaniyada maamula xogta ugu badan ayaa noqon doona mustaqbalka kuwa maamula adduunka.

Yuval Nuux Haraari: maanta adduunka xogta ayaa ka qiimo badan lacagta. Toban sanno ka hor shirkadaha waa wayn ayaa ku bixinaayey bilyanis iyo bilyanis WhatsApp ka, Instagram ka, dadku na way la yaabanaayeen: "miyey waalan yihiin?" Maxay ugu bixinayaan waxaas oo lacag ablikayshano (Applications) aan soo saarayn wax lacag ah. Sababtu  waa in ay soo saarayso xog.

Anderson Cooper: Xogtuna waa furaha?

Adduunku hadda waxa uu u socdaa in uu noqdo mid xogta la kaydsanayo, xogta la beeranayo. Dagaalkii qaboobaa, waxaa jiray derbigii xadiidka ahaa, hadda se waxaa jira Silicon ta xadiidka ah taas oo u dhaxaysa Maraykan iyo Shiinaha. Xagee xogtu aadaysaa? Kalifoorniya mise Shenzhen ilaa Shangahaay ilaa Biijiin.

Yuval Nuux Haraari waxaa walaac ku haysa in Karoone fayrasku uu albaab u furay xog uruuri aan caadi ahayn oo ay xataa ku jirto xogta Biometric ah.

Anderson Cooper: Waa maxay xogta Biometric ah?

Yuval Nuux Haraari: Waa xogta ka warramaysa waxa ka dhacaya gudaha jirkayga. Ilaa hadda waynnu aragnay. Shirkadaha iyo dowladdaha ayaa uruursanaya xogta ku saabsan halka aynnu aadnay? Cida aynnu la kullanay? Iyo filanka aynnu daawanay? Wejiga kan xigaa waa xogta qarsoon ee ka soo warramaysa diirkeena hoostiisa.

Anderson Cooper: Waxaan xiranahay, tusaale ahaan, raacsane, kaas oo la socda cabirka Wadnahayga iyo hurdadayda. Mana garanayo meel ay aadayso xogtaasi.

Yuval Nuux Haraari: Waxaad garabkaaga ku sidataa wakiil KGB ah adiga oo raalli ka ah.

Anderson Cooper: Waxaan u malayn in ay faa'ido iigu jirto.

Yuval Nuux Haraari: Waa mid faa'ido kuu leh. Waxaan ula jeedaa arrinka oo dhan maaha oo kaliya mid khariban oo aad u xun (Dystopia) balse, sida oo kale waa mid wanaagsan. Xogta noocan ah waa mid inoo sahlaysa in aynnu samayno nidaamkii caafimaad ee ugu wanaagsanaa taariikhda. Su'aashu se waxa weeye: maxaa kale oo lagu qabanayaa xogta? Yaa kormeeraya? Yaa se maamulaya?

Sannadkan horaantii sa dowladda Israa'iil ayaa siisay xogta caafimaad ee mu'waadinteeda shirkada daaawooyinka ee Pfizer si ay u heso ahmiyadda kala horraysiinta talaalka. Xogtaas kuma aysan jirin aqoonsiga shakhsiyasadeed ee mu'waadinka.

Anderson Cooper: Marka maxay ka rabtaa Pfizer xogta Israa'iil oo dhan?

Anderson Cooper: sababtoo ah si u soo saarto daawooyin cusub, daawayn cusub, waxaad u baahan tahay xogta caafimaadka. Waa sida asaaska u ah daraasaadka caafimaadka. Mana aha mid gebi ahaan ba xun.

Yuval Nuux Haraari waxaa lagu dhaleeceeyaa in uu sheego dhibaatooyinka isaga oo raacin wax xal ah. Balse, waxa uu jayaa aragtiyo ku aadan sida loo xaddidi karo in aan si khaldan loo isticmaalin xogta.

Yuval Haraari: hal xeer oo muhiim waxa weeye in haddii aad hesho xogtayda waa in loo isticmaalo in ay aniga i caawiso, balse aniga la igu dhibaatayn (manipulate). Qodob kale oo muhiim ahna waa mar walba oo kor loo qaado kormeerka (surveillance) dadka waa in ay barbar socotaa in sida oo kale la kormeero shirkadaha, dowladda iyo dadka madaxda ah. Qodobka saddexaad na waa in la oggolaan in xogta oo dhan ay ku koobnaanto hal meel. Taasi waa dariiqa kali-talisnimada.

Haraari oo ka hadlaya mustaqbalka waxbarashada: Netflix ayaa inoo sheegi doonta waxa aynnu daawanayno, Amazon waxa ay inoo sheegi doonta waxa aynnu iibsanayno. Marka danbe tobanka ama labaatanka ama soddonka sanno ee soo socda Al-garoosamkaasi waxa inoo sheegi doonaa waxa aynnu ka baranayno College ka, halka aynnu ka shaqaynayno, cida aynnu guursanayno iyo weli ba cida aynnu codkeena siin doono marka doorashada la joogo.

 

Haraari waxa uu aaminsanyahay haddii aan la helin maamul baaxad leh in aynnu khatar ugu jirno in aynnu noqonayno waxa uu ugu yeedhay: "Jabsada xogta shakhsiyasadeed ee Aadanaha".

Anderson Cooper: Taas macnaheedu waa maxay?

Yuval Nuux Haraari: in aad jabsato xogta Aadanaha waa in aad ogaato si ka wanaagsan sida ay naftooda u yaqaaniin. Sidaas darteed na, si khaldan uga faa'idaystaan nidaamka banaanka ah. Waxa ay awood u leeyihiin in ay xusuustaan wax kasta. Wax walba oo aad horay u qabatay. Dabadeed na fallanqayso iyo in xidhiidh ka dhaxaysiiso xogta si aad wax badan oo aragti ah uga hesho qofka aad tahay.

Anderson Cooper: marka ay dadka ka fekerayaan xogta waxa ay u malaynayaan oo kaliya in Kambaniyadu raadinayaan waxa ay jecel yihiin iyo waxa aannay jeclayn, laakiin xogta aad ka hadlayso waa mid intaas ka sii qoto-dheer.

Yuval Nuux Haraari: tusaale ahaan, ka fikir labaatan sanno kaddib marka xogta dhan ee taariikheed ee qofka ee weriye kasta, qaadi kasta, siyaasi kasta, masuul milatari kasta uu hayo qof ku sugan Beijing ama Washington in aad si khaldan u isticmaashaa xogtaa waa waxaan horay taariikhda loogu arag.

Haraari waxa uu sida oo kale daabacay qaybtii labaad buuggii sa: "Sapiens", oo sawirro ah. Waxa uu u dhigaa ardayda Computer Scientists iyo Bioengineers jaamacadda Hebrew ee Israa'iil maadooyinka Akhlaaqda iyo falsafada.

Dhigida Haraari: Dadku marka ay qorayaan koodhka (Code), waxa ay dib u qaabanayaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo akhlaaqda iyo weliba qaab dhismeedka bulshada.

Anderson Cooper: Marka aan ka hadlayo koodhka iyo injineerada, kama fekerayo filosoofarada iyo abwaanada?

Yuval Nuux Haraari: Hadda maaha arrin taagan. Balse, waxa ay noqon doontaa arrin, maxaa yeelay waxa ay xallin doonaan arrimaba la xidhiidha falsafada iyo akhlaaqda. Haddii aad qaabanayso, baabuur is-wadaya, baabuurkaas is-wadayaa waxa uu doonayaa in uu qaato go'aan ku dhisan akhlaaq. Tusaale ahaan, si kadis ah ayaa ilmo yar ugu soo booday baabuurka hortiisa. Qaabka kaliya aad kaga hortagi karto ilmahaa baabuurka hor orday waa in aad dariiqa ka saarto kuna dhufato baabuur kale. Waxaana laga yaabaa hantiilihii baabuurka oo hurda kursiga danbe in uu dhinto. Waxaad u baahantahay in aad u sheegto Algorithm waxa la samaynayo xaaladdan oo kale.

Waxaad u baahantahay in aad xaliso xaqiidii su'aalahan falasafadaysan oo kale. Yaa la dilayaa? Bishii la soo dhaafay Qaramada Midoobay waxa ay soo jeedisay in la joojiyo nidaamyada mashiinada caqliga leh ee khatarta ku ah xuquuqda aadanaha ilaa la isku raacayo xeer ilaalinaya, la taliyaasha madaxweyne Bidana waxa ay soo jeediyeen waxa ay ugu yeedheen: "Qaraarka xuquuqda". Si loo ilaaliyo qayb kamid ah tiknooloojiyada cusub.

Haraari waxa uu leeyahay sida Aadanuhu u barteen in ay wada-shaqeeyaan mid ba midka kale in badan oo kumanaan sanno ah ka hor waxa aynnu u baahanahay in aynnu wada-shaqayno hadda.

Yuval Nuux Haraari: Hubaashii, hadda, waxa aynnu joognaa bar aynnu u baahanahay in aynnu wada-shaqayno. Uma maamuli kartid waxyaabaha qarxa ee mashiinada caqliga leh heer qaran. Iakuma dayayo in aan sheego aragti waxa dhici doono mustaqbalka. Waxaan isku dayayaa in aan dadka uga digo ixtimaalka ugu khatarsan ee dhici kara, waxaan ku rejo waynahay in aynnu wax ka qabano hadda si aynnu uga hortagno.


Warraysi.:  Yuval Noah Harari

                      W.T.:  Maxamed Cabdi Maxamed "Guutaale". 

Friday, February 5, 2021

Bariga Dhaxe iyo Trump

 

Soomaalidaa tiraahda; “Ayax tag eelna reeb”. Iyaga oo ula jeeda saamaynta taban ee Ayaxu kaga tago, goobta uu ka tago. Isla oraahdii baan u isticmaalay Donald J. Trump siyaasiyaddiisii Bariga Dhaxe iyo shakhsiyadiisa si gaar ahaaneed. Waase macquul in aannay munaasib ahayn isbarbardhiga aan samaayey, balse, waxaa muhiim ah in aad ila fahanto waxaan macno ahaan ula jeedo.

 

Kaddib qarraxii Maraykanka ee caanka ku noqday 9/11, dowladda Maraykanku waxa ay ka dhigtay Bariga Dhaxe gobol ay si joogta ah uga samayso hawl-galo ciidameed. Warbixin uu baahiyey machadka Watson (Watson Institute for International and Public Affairs) ayaa sheegtay in kaddib dhacdadii 9/11 in ay si toos ay ugu dhinteen hawl-galadii Maraykanka ee Bariga Dhaxe dad tiro ahaan dhan siddeed boqol oo kun (800, 000) qof. Laga soo bilaabo sannadkii 2001 na ay guryahooda ka qaxeen dad tiradooda lagu qiyaasayo soddon iyo toddoba milyan (37 milyan).

 

Gelintaankii Maraykan galay Ciraaq oo gobolka xaaladdiisa saamayn xun ku yeelatay, gu’gii Carabta ayaa kaga sii daray xaaladda gobolka. Masar iyo Tunuusiya, oo kala ah labadii dal ee gu’gii Carabtu ka bilaabmay waxa ay ka badbaadeen in dalkooda dagaal hoy u noqdo. Balse, Masar waxaa dowladdii ay doorteen dadka reer Masar markii koowaad mar kale afduubtay ciidanka oo taageero ka helaya dalal shisheeye. Liibiya, Qadaafi kama dambayn. Siiriya, Bishaar Al-asad, Iiraan, Raashiya iyo dowladdaha Maraykan iyo Israa’iil baa u beddelay goob dagaal. Yaman, waxa ay gashay dagaal sokeeye, dagaal diineed na waa u raacday; Iiraan iyo Sacuudigana waxa ay ka dhigeen dalkii dhiiga iyo xasuuqa. Ciraaq, kaddib hawlgalkii Maraykanka ee sannadkii 2003 kama soo kaban, waxaanna ka socda dagaal salka ku haya, siyaaasad iyo mid diineed. Lubnaan sii daa warkeeda. Muddo sannad ah bay bilaa dowlad ahayd, markii cid loo waayeyna wasiirkii koowaad ee booska laga cayrsaday baa ku soo laabtay. Falastiin waa dhibanaha Bariga Dhaxe.

 

Hawlgaladii milateri ee Maraykanka iyo kali-taliyaashii ugu danbayntii burburiyey dowladdooda iyo dalkooda waxaa ka dhashay wixii ugu waynaa waxaa kamid ahaa in ay samaysantay ama la sameeyey ururka arggagixisada ah ee adduunka ugu khatarta badan ee Daacish, kuwaas oo qabsaday dhul badan oo kamid ah Ciraaq iyo Siiriya. Inkasta oo hadda laga guulaystay intii badnayn. Qoraal uu qoray Maha Yaxya ayuu ku sheegay in dalalka Carabtu dunida kale ay aad uga danbeeyaan marka ay timaado astaamaha horumarka: xorriyada siyaasaddeed, horumarka sayniska, iyo weliba xaquuqda dumarka. Isku soo duuboo, Bariga Dhaxe waxa kaliya oo lagu sifayn karaa, waxa uu ku sifaayey qoraa Maha Yaxya qoraalkiisa: The Middle East’s Lost Decades: “Tobanankii sanno ee khasaaray”. Gobolka sidaa u qasan, sida uu ku xusay qoraalkiisa Disaster in the Desert, Martin Indyk madaxweyne walba oo Maraykan ah oo la doorto sannadkii 2016 kii waxaa sugaysay caqabad wayn oo diblomaasiyaddeed.

 

Iiraan iyo Trump

 

Tan iyo maalintii khadka laga saaray dowladdii uu hoggaaminaayey Maxamed Risa Shah, sannadkii 1979- muddo hadda laga joogo afartan iyo labo sanno, taas oo saaxiib dhow la ahayd reer galbeedka uuna dalka Iiraan qabsaday dowlad uu hoggaaminaayey wadaadkii Aayatullaah Khumanaay, Maraykan waxa ay shaydaanka Bariga Dhaxe iyo cadowgeeda koowaad ba u aqoonsatay dalka Iiraan. Madaxweyne walba intii uu xilkaas joogay waxa uu dagaal dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed ku qaaday Iiraan. Taas beddelkeed na Iiraan iska caabin bay samaynaysay mar walba iyo meel walba.

 

Obama, madaxweynihii ka horreeyey Trump, ayaa sannadkii 2015 Iiraan heshiis dhanka hubka nukliyeerka ah la gaaray, kaas lagu magcaabay Joint Comprehensive Plan of Actions (JCPOA) heshiiskaas waxaa qayb ka ahaa: Iiraan, Maraykan, Jarmalka, Shiinaha, Faransa, Ingiriiska iyo Ruushka. Heshiiskaas baa u oggolaaday Iiraan in ay adduunka soo dhex-gasho, oo ay ka nasato cuna-qabatayn dhaqaale iyo siyaasaddeed. Balse, haddii Obama iyo Iiraan heshiiskaas guul u arkayeen, Trump iyo raggiisu waxa ay u ahayd heshiiskii ugu xumaa ee la galo. Trump markii uu xilka yimid na waxa uu ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay.

 

Labo dhib oo waa wayn baa haystay oday Trump: kow, in aannu wax aqoon ah u lahayn Bariga Dhaxe, xog fiicana ka haysan, sida uu sheegay Fariid Sakariye. Labo, in uu nacayb goonniya u qabay Brack Obama, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee madow oo dalkaas xukuma. Trump waxa uu ku dedaalay si aannay taariikhda Maraykan u galin wax qabad Obama leeyahay, in uu tuuro heshiis walba oo uu galay Obama. Wuuna samaayey badankood.

 

Wasiirkii arrimaha dibada Mike Pompeo ayaa bilaabay waxa ay ugu yeereen culayskii ugu adkaa (Maximum Pressure) oo lagu soo rogay Iiraan. Dalalkii heshiiska qaybta ka ahaa, sida: Raashka, Shiinaha, Ingiriis iyo Jarmalka waxaa loogu goodiyey cuno-qabatayn haddii Iiraan wax naxariis ah loo muujiyo. Dalalkii Iiraan ganacsiga la lahaana, sida: Hindiya iyo Malaysiya waxaa lagu amray in ay ka laabtaan. Dhaqanka maamulka Trump iyo siyaaaaddiisa ka dhanka ah Iiraan waxa ay farxad galisay Sacuudiga iyo Israa'iil oo Iiraan u arka cadowgooda koowaad.

 

Pompeo ayaa Iiraan ka dalbaday si heshiis cusub loo gaaro arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin: in aan Iiraan loo oggolayn wax Uuraniyaam ah oo ay kordhiyaan, in aannay wax faro-galin ah ku samayn hay'adda caalamiga ah ee tamarta atoomiga (International Atomic Energy Agency) in aannay samaysan wax gantaal ah oo awood u leh nukliyeer, in aan wax taageero ah loo muujin Xamaas, Xisbulaah, Kooxda Jihaadiyiinta ah ee reer Falastiin, Maleeshiyada Shiicada ah ee reer Ciraaq, Taalibaan, ama Xuutiyiinta Yaman, in ay ciidankooda kala baxaan Siiriya, in ay ka tanaasulaan dabeecadaha khatarta ku ah Israa'iil, Sacuudi ama Imaaraat.

 

Iiraan inkasta oo ay bilowgii is-xakamaysay aynna ka dalbatay dalalkii qaybta ka ahaa heshiiska in dhaqaalaheeda iyo heshiiska la badbaadiyo haddana markii danbe waxa ay qudheedu si aan dhammaystirnayn uga baxday heshiiskii. Dhibaatada Trump haysata waxa ay ahayd in uu xiriirkii Iiraan sii xumaayey, sidaa si lamid ah waxaa ka sii dartay xaaladdii amni ee gobolka. Iiraan waxaa lagu eedeeyey weeraro dhowr ah oo lala beegsaday maraakiib iyo doonyo maraayey marinka Hormus, Iiraan sida oo kale waxa ay soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay, Xuutiga ay Iiraan taageerto na waxa ay duqayn ay sheegteen ka gaysteen haamaha shidaalka ee magaalada Abqayq, dalka Sacuudiga. Xisbullaah waxa ay kordhiyeen feejignaanta ka dhanka ah Israa'iil, Xamaas iyo ururka Jihaad doonka ah ee reer Falastiina waxa sameeyeen weeraro ka dhan ah Israa'iil.

 

Dhanka kale Israa'iil waxa ay ku fashilantay in ay wax horumar ka sameeyso weeraada ay ku hayso dalka Siiriya, halkaas oo ay Iiraan ka joogaan ciidamo lagu qiyaaso afartan kun in ka badan. Waxa ay se ugu darnayd markii Trump amray in la dilo Jeneraal Salaymaan Qaasimi. Dilkaas waxaa ka dhashay caro xoogan. Isku soo duuboo Trump heshiis na ka tag, Iiraana waxba kama beddelin, inkasta oo ay cunaqabatayntu dhaawacday dhaqaalaheeda.

 

Sacuudiga iyo Trump

 

Aqoonyahannada Bariga Dhaxe wax ka qoraa badankood waxa ay isku raacsanyihiin in Sacuudigu aannu dalalka Carbeed iyo Muslim a aannu nabad iyo colaad midna ku hoggaamin. Doorkiisu waxa uu ahaa kaliya in uu taageero ama la safto nidaamka Maraykan. Kaddib burburkii dowladdii Ciraaq, colaadda Siiriya iyo dowlad xumada Masar, Sacuudigu waxaa u soo baxday door uu isku muujin karo, oo uu ku hoggaamin karo arrimaha Carbeed iyo kuwa dunida Muslim ka ah ba. Maxamed Binu Salmaan, oo loo garan ogyahay MBS oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa bilaabay waxa uu ugu yeeray dib u habayn dhaqaale, la dagaalan musuq iyo in loo oggolaado dumarka in gaariga kaxayn karaan.

 

Trump ayaa markii la doortay safarkii sii koowaad ku tagay dalka Sacuudiga natiijadii ugu waynayd ee ka dhalatay safarkaas na waxa uu noqday in Trump uu fasax u siiyo Sacuudiga, Masar iyo Imaaraatka in ay go’doomiyaan dalka ay dariska yihiin ee Qadar. Sida oo kale, Inkasta oo uu ka horreeyey dagaalka Yaman, haddana waxa uu Trump taageero ku siiyey Sacuudiga dagaalka ay ka wadaan dalka Yaman, kaas oo noqday masiibadii bini aadantinino ee ugu xumayd ee dhowanahan la arko. Labadaas xaaladdood ba waxa ay kaga sii dareen xaaladdii gobolka oo awalb ba liidatay. Trump hortii Bariga Dhaxe dagaal siyaasaddeed oo u dhaxaayey dalal la garanayo iyo afkaaro diineed ayaa ka jiray, balse, Trump markii uu yimid waxaa ku soo korodhay khilaaf u dhaxeeyey dalalkii xulufada la ahaa Maraykanka oo uu kaga hortagi jiray Iiraan. Cunaqabataynta Qadar waxa ay fursad u noqotay dalka Iiraan, oo dagaalkaas si fiican uga faaidaystay.

 

Waxay se ugu darnayd, kaddib markii Maxamed Binu Salmaan u sheegay Jared Kushner, wiilka uu sodaga u yahay Trump, una qaabilsanaa la talinta Bariga Dhaxe in uu ku taageerayo Trump siyaasaddooda cusub ee ku aadan Bariga Dhaxe, tan ugu waynna ay ahayd in la soo gababeeyo oo dhinac la iska dhigo arrinta Falastiin. Waxaynna bilaabeen qorshe aan guulaysan oo ay ugu magac dareen: “Heshiiskii Qarniga”. Maxamed Binu Salmaan waxa uu u yeeray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas si uu ugu qamciyo in uu aqbalo heshiiska qarniga uguma beddesho dhaqaale uu bixinayo Sacuudigu.

 

Maxamuud Cabaas waxa uu iska diiday hadalkii Maxamed Binu Salmaan, waxaannu uu adduunka u sheegay sheekada raqiiska ah ee ula yimid Ina Salmaan, taas oo ay ka dhalatay caro xoogan. MBS sida oo kale waxa uu ku wargeliyey Jared Kushner in aqoonsiga Maraykanku u aqoonsaday Qudus magaalo Israaiil uu ku taagersanyahay, carada ka dhalatana aannay sii jirayn, oo ay kaliya tahay jibo.

 

Koox abaabulan oo ka socota Maxamed Binu Salmaan ayaa ku dilay Turkiga Jamaal Khashuqshi oo ahaa weriye ka faalooda arrimaha Sacuudiga. Taas oo ay ka dhalatay caro aad u xoogan. Balse, waxaa MBS la saftay oo ka hor istaagay cambaarayn kaga timaada gudaha Maraykan iyo caalamka ba oday Trump. Xulufaysi ay bilowday Sacuudigu si looga hortago Iiraan, uguna magac dartay: “Arab NATO” ayaa isaguna fashilmay.

 

Israa'iil iyo Falastiin

 

Siyaasadda Trump ee ku aadan Falastiin iyo Israa'iil waxa ay ahayd mid ka duwan, kana foolxun dhammaan madaxweynayaashii hore ee Maraykan. Siyaasaddiisu waxa ay ahayd in aannay wax ixtiraam u ahayn, aannayna aqoonsanayn xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa khuseeya Falastiin iyo Israaiil. Bishii July, sannadkii 2019, Jason Greenblatt oo Trump u qaabilsanaa wadahadalada khuseeya Falastiin iyo Israaiil ayaa u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in aannay ba aqoonsanayn wixii xeer ah ee khuseeya Falastiin. Waxa uu ku daray in maamulka Trump aannay ba aaminsanayn wax labo dal ah oo la dhaho Israaiil iyo Falastiin. Siyaasadda Trump waxa ay ahayd in la tuuro wixii hore, si loo sameeyo xeerar cusub oo Bariga Dhaxe ka dhaqangala.

 

Trump, wax walba oo uu ka codsaday Natenyahu waa uu sameeyey. Sida uu sheegay Netanyahu, Trump waxa uu ka codsaday in uu ka baxo heshiiska Iiraan, waana ka baxay. Waxa kale oo uu ka codsaday in Israaiil loo aqoonsado Qudus, Trump waa u aqoonsaday. Waxa kale oo uu Maraykan u raray safaaradiisii isla Qudus. Taas oo ay ka dhalatay caro xoog leh, waxaana dhaleeceeyey dalal dhowr ah. Heshiiskii nabadda qaybtiisa dhaqaale dhiska ee lagu qabtay Baxrayn waxaa iska diiday in ay qayb ka noqdaan Falastiin oo uu khuseeyey, iyaga oo ku sheegay gorgortan foolxun. Waxa kale oo uu Trump u aqoonsaday Israaiil Golen Hights oo ah dhul ay xoog kaga qabsatay Siiriya. Taas oo ka soo horjeeda xeerarka cadadkiisu yahay 242 oo ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Netanyahu oo dalkiisu dhowr doorasho oo ku celis ah galay kuna olaleeyey waxbaqadkaas isaga iyo Trump keeneen kama caawin in uu ku guulaysto doorashadii, inkasta oo uu hadda hoggaamiyo dowlad ay mucaaradku qayb ka yihiin. Dowladda cusub ee Maraykan ee uu hoggaamiyo Biden waxa uu la yimaado aynnu eegno.

 

XIGASHO:

1: Disaster in Desert, Martin Indyk

2: There Will Be a One-state Solution, Yousef Munayyer

3: The Wanted Wars, Robert Malley

4: The Middle East’s Lost Decades

5: America’s Great Satan

6: Iran Wants the Nuclear Deal It Made, Mohammad Javad Zarif


W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.