Tirada Akhristayaasha Boloogga

Friday, January 26, 2018

Dooda Jinka.

Dooda Jinku waa dood in badan soo taagnayd, welina taagan, aqoonyahano badana ay isku khilaafeen; kuna kala aragti duwanadeen. Dooda Jinku waxa ay ka bilaamataa: horta Jinku ma jiraa? Haddii uu jiro maxaa laga abuuray? Jin iyo Shaydaan maxay kala yihiin? Shaydaan iyo malaa'ig maxay isku yihiin? Jinku ma dhalaa? wax ma cunaa? ma cabaa mase dhintaa? Dadka miyuu galaa? Ujeedka uu u galo waa maxay? miyeysa is guursadaan Jin iyo dad? haddii ay is guursadaan ma is gayaan? haddii ay is gayaanse carruur noocee ah dhalaan?
Su'aalahaa iyo kuwo kale ba waxaa ka taagan dood; qoraalkan baan rabaa inaan ku dul istaago doodaa ku saabsan jinka.

Ugu horreyn jiritaanka jin aad baa loogu kala aragti duwan yahay, saynisyahanno badan waxa ay ku tageen in aannu jirin wax jin la dhahaa; qolo kale oo waxa ay qabaan waxa jinka lagu sheego inuu yahay waxa sayniska casriga ah uu daaha ka qaaday oo ah jeermis ilma-aragto ah oo nool. Filosoforo badan baa qaba in jinku yahay xumaanta qofka naftiisu samayso; halka malaa'igtu tahay wanaagga qofka naftiisu samayso. Balse aannay jirin wax qoom ah oo jin la dhaho iyo sidoo kale wax malaa'ig la dhaho.
Qolooyinka diimaha samaawiga ku abtirsada qaar kamid ah baa iyana diidan jiritaanka jinka. tusaale ahaan qolo kiristanka kamid ah baa qaba in waxa jin la dhahaa uu yahay ruuxda meerayaasha. Muslimiinta qayb kamid baa iyana qaba in aannu jirin wax jin la dhaho, waxaanna kamid ah Jahimiya iyo muctasilah. waxa ay diideen jiritaanka Jineed, sidoo kale waxaa iyana diiday qayb kamid ah Yahuudda. Balse inta badan dadka ku abtirsadaa diimaha samaawiga ah waxa ay aaminsan yihiin jiritaanka jinka.
Dr-Mohommed al-Bahiy waxa uu qabaa in jinka iyo malaa'igtu ay isku mid yihiin oo aannu u dhaxayn wax farqiya. Dr-Mohammed is ka qarinta iyo in aan dadku arkin buu sabab uga dhigayaa in ay yihiin nooc isku mid ah.
Diinta Islaamku maxay ka tiri jinka?
Diinta Islaamku waxa ay xaqiijisay jiritaanka Jinka. Balse si faahfaahsan uga ma ay waramin. Waxaadna moodaa in diinta qaabka ay uga hadlayso: jinka iyo shaydaanka ay tahay duuduub ku laq. Aayado dhowr ah baa xaqiijinaya jiritaankiisa, waxa ay soo qaadan karnaaa:
قُلْ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ اسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ الْجِنِّ فَقَالُوا إِنَّاسَمِعْنَا قُرْآنًا عَجَبًا. 
Diinta Islaamku waxa kaloo sheegtay ujeedka loo abuuray oo ah cibaado; jinkuna uu la mid yahay dadka, mid Eebbihii caasiya iyo mid raacaba oo diintiisa qaatana uu leeyahay.

وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون.
Diinta Islaamku waxa kaloo ay qabtaa in jinka ay arkaan eygu iyo dameerku; halka diigu uu arko malaa'igta, waxaana jira xadiisyo dhowr ah oo sheegaya arrintaas. Balse qofka fekerayaa waxa uu isweydiin karaa: maxay tahay xigmada Eebbe ka lahaa in uu jinka awood u siiyo inuu iska qariyo dadka; halka dadku aannay awood u lahayn inay arkaan jinka? Maxaa macno ah oo ku jira is qarintiisaas. Diinta Islaamka waxa kaloo ay qabtaa sida xadiisyo badan sheegayaan in jinku iska dhigo wixii uu rabo, balse arrinta laftirkeeda diintu si faahfaahsan ugamay hadal, waxaana ka dhalanaya su'aalo dhowr ah: maxay tahay xigmada ku jirta in jinku uu iska dhigo waxa uu rabo? Maxay tahay ujeedkii Eebbe ka lahaa inuu jinka awood u siiyo inuu iska dhigo waxa uu rabo? Maxaa lagu cadayn karaa in abees walba aanay ahayn jin ama abeesada abeesada ah iyo abeesada jinka ah maxaa lagu kala garanayaa?
Jinka maxaa laga abuuray?
Diinta Islaamku waxa ay qabtaa in jinka laga abuuray dab holcaya, oo aan lahayn wax qiiq ah. Waxaana sidaa sheegaysa aayadan:
وَالْجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ السَّمُوم.
Su'aasha ugu badan ee ka dhalatana waa: sidee dab loogu cadaabayaa jin oo ka laga abuuray dab. Waaba haddii la cadaabee! Jawaabta haddii si caqliya loogo jawaabo waa: adigaba markii ugu horreysay waxaa lagaa abuuray dhoobo, hadda siigada, dhoobada, ciida iyo niistuba naftaada waxay gelin karaan halis; aan soo dhoweeyo aadanaha waxaa laga abuuray markii kowaad dhoobo. Balse abuuritaankiisa kadib waxa uu noqday wax kale oo jidh iyo lafo is haysta. Jinkuna waa la mid. Haa, asal ahaan dab baa laga abuuray. Balse hadda sida dadku dhoobadii kadib wax kale u noqdeen baa isna u noqday wax kale.
Ma isku mid baa jinka iyo Shaydaanku?
Inta aan la gaarin jinka iyo Shaydaanku ma isku mid baa? Shaydaan laftarkiisa waxaa ka taagan dood aad u xoogan. Aqoonyahanno badan baa qaba in Shaydaan uu ahaa mid kamid ah malaa'igta, weliba kuwooda ugu sareeya. Doodoodana waxa ay ku xoojinayaan aayadda oronaysa:
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُواْ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآإِبْلِيسَ أَبَىٰ وَٱسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِين
Markii aannu ku nidhi malaa'igta u sujuuda Aadam, waa sujuudeen [Malaa'igtii] marka laga reebo Ibliis, waa diiday [Ibliis] wuuna isweyneeyey waxaana kuwa gaaloobay mid kamid ah.
Aqoonyahanada ku doodaya in shaydaanku uu ahaa malaa'ig waxa ay leeyihiin aayadan baa muujinaysa in shaydaanka uu ahaa malaa'ig, diididda uu diiday isagoo keli ah baa keentay in magaciisa laga xuso malaa'igta kale oo dhammaan malaa'igtii waa yeeshay. Balse isaga oo ahaa malag baa diiday. Ibnu Kasiir waa uu ka gaabsaday inuu shaydaanka meel raaciyo waxa uuna hadalkiisa ku soo koobay: "... Eebbe og tan ugu wanaagsan ee uu shaydaan yahay".
Aqoonyahanno ka aragti gedisan kuwaa hore baa iyana qaba in Shaydaan uu kamid ahaa jinka; waxayna doodoodu ku xoojinayaan aayad quraan ah oo Eebbe ku leeyahay:
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُواْ لِءَادَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآإِبْلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلْجِنِّ...
Markii aannu ku nidhi malaa'igtii u sujuuda aadam waa u sujuudeen marka laga reebo Ibliis, waxa uu kamid ahaa jinka.
Doodan qolodan danbese waxaad moodaa in ay su'aalo dhowr ahi ay ka dhalanayaan, kuwaas oo ah: maxaa shaydaanka isagoo jin ah la dejiyey malaa'igta? Maxay tahay xigmadii ku jirtay inuu kamid noqdo malaa'igta? Haddiise uu Eebbe shaydaan shahwad ku abuuray sidee buu ula joogay malaa'igta oo aan labnna ahayn dhedignna ahayn? Ma shaydaamad dhedig/jin ah baa la joogtay?
Su'aashii kore oo ahayd ma isku mid baa jin iyo shaydaan aynu u soo noqono. In kasta oo dood xoogan ay ka taagan tahay: Shaydaanku ma malaa'ig baa mise waa Jin? Haddana bal aynu isla eegno dood kale oo ah: Jinka iyo shaydaanka.
Qalooyinka ku dooda shaydaanku jinkuu kamid yahay, waxa ay soo daliishadaan aayada oronaysa: كان من الجن. Waxayna qabaan inuu yahay qayb jinka kamid ah oo falaagowday; lab iyo dhedigna leh. Balse kama jawaabin su'aalo door ah oo arrintan khuseeya, aayadaha sheegaya in shaydaan uu kamid ahaa jinna si faahfaahsan ugamay hadal. Tusaale ahaan maxay kala yihiin Shaydaan iyo Jin? Kama jawaabin su'aashan. Sidoo kale waxaa imaanaysa su'aal kale oo ah: ma shaydaanka laga soo farcamay mise jin? Taasna waa ka gaabsadeen.
Ibnu Taymiyah waxa uu qabaa, in shaydaan yahay jinka aabbahood, sida aadam u yahay aabbaha aadanaha. Balse su'aasha oronaysa maxaa shaydaan dhexgeeyey malaa'ig? Jin kale ma la socdeen? Haddii uu jinku kamid ahaa malaa'igta oo uu Ilaahay caabudi jiray caasiyeyna kadib markii uu diiday inuu u sujuudo aadam, Maxaa Eebbe halkaa mar ugu jaray kaarka naarta iyo ka fogaanshaha naxatiistiisa? Aadam haddii uu caasiyey Ilaahay oo Eebbe ka oggolaaday inuu u toobad keeno, maxaa shaydaan u diiday?
Jinku wax ma cunaa mase cabaa?
Dad baa qaba in jinku uu wax cuno, waxna cabo; aniga qudheennu waxa ay dareemi karnaa in noole uu wax cuno, waxna cabo. Balse su'aashu waxa ay tahay muxuu cabaa? Muxuuse cunaa? Dad badan oo arrintan ka hadlaa waxa ay qabaan in jinku waxa uu cuno ay tahay lafaha dadka wax ka cunaan iyo wixii lamidka ah; waxaa kaloo ay qabaan in jinku uu wax la cuno qofka aan cuntadiisa bisanka ku bilaabin, waxa ayna daliishanayaan xadiisyo dhowr ah oo kala goor iyo kala goob nebigu (SCW) laga soo weriyey. Balse qofka fekerayaa waxa uu isweydiin karaa: maxay tahay macnaha qoom dhan oo Eebbe abuuray in la dhaho lafaha dadku tuuraan iyo qof cuntoo uu cunayo bisinka ka ilaaway baa calafkoodu ku jiraa? Ma la oran karaa jinku waxa uu wax la cunaa xayawaanka kuwaas oo aan cuntadooda bisinka u qaban? Haddiise shinbirtu iyo dacwadu ay risiqooga raadsanayaan, maxaa shaydaan risiqiisa ku xidhay qof hurda ama qof aan waxaba cunin oo faqiir?
Aqoonyahanno kale waxa ay qabaan in aannu jinku waxna cunin waxna cabin. Waxa doodoodu tahay in jinku uu noocyo badan yahay; qayb jinka kamid ah baa wax cuna, waxna caba, waxna guursada. Balse dhammaantood maaha sidaas. Tusaale ahaan ninka lagu magcaabo Wahiib ibnu Munabix waxa uu leeyahay: "jinku waa noocyo kala duwan. Jinka saafida ah waa ruux aan waxba cunin, cabin, dhiman oo aan tarmin, waxaa jira balse kuwo lid ku ah kuwaa hore, oo iyagu wax cuna, caba, galmooda, dhinta, carruurna dhala".
Dood kale waxa ay ka taagan tahay jinku sidee wax u cunaa? Miyuu wax calaliyaa sida aadanaha? Miyuu liqaa? Mise neef ahaan buu u qataa? Aqoonyahanno badan waxa ay qabaan maadama aan diintu ka waramin sida iyo qaabka jinku wax u cuno in laga gaabsado oo aan laga hadlin, maadama oo aan lagaarayn jawaab cilmiya oo lagu kalsoonaan karo. Aragtidan waxaa qaba Dr-Cumar al-ashqar.
Guurka Jinka iyo aadanaha.
Hadda ka hor aniga oo dhagaysanaya Shiikh Dirir baa waxaa la weydiinaayey su'aalo; nin kamid ah dadka ayaa su'aal u soo qoray shiikha, waxayna ahayd: Shiikh waxaan ahay nin daciif ah, naag jin ah baan la sheekaystaa si aan awood uga dhigto annoon cidna ku dhibayn ma is guursan karnaa? Diintuse maxay ka qabtaa? Wax lala yaabo maaha, in qof ku dhahaa jin baan la sheekaystaa ama waannuba isku galmoonaa, waayo waxa ay dhacday in badan dad arrintan sheeganaya, iyagoo kala goob iyo kala goor sheegtay.
Balse su'aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay is guursiga jinka iyo insiga maxay diintu ka qabtaa? Arrintan aad baa loogu kala aragti duwan yahay in kasta oo aan qolada diidani ay caqliga isticmaalayso; halka kuwa kale ay iyana aoo daliishanayaan aayado quraan ah. Tusaale ahaan Ibnu Taymiyah waxa uu leeyahay: "aadanahu iyo jinku waa is guursan karaan, carruurna waa isku dhali karaan, tani waa dhacdaa badanaa, waana mid la garanayo". Aqoonyahanno kale baa iyana dhaha waa makruuh guurkaasi waxaana kamid ah Qataadada. Imaam Maalik ma mamnuucin oo kuma doodin in guurkaasi mamnuuc yahay waayo wax daliil ah oo xaaran ka dhigaya bannu helin; mana oggolaan oo wuubka gaabsaday.
Qalooyinka diida guurka Jinka iyo Insiga baase ku dooda in guurkaasi aannu yeelanayn jacayl iyo wada-noolaansho. Sababta oo ah jinka iyo aadanaha waxaa kala duwan abuuritaankooda. Waxaa kaloo jirta doodoodan aayad ay ku xoojiyaan oo ku leeyihiin Alle waxa uu nooc walba oo makhluuqiisa kamid ah u abuuray mid lamid ah, kan kale--tusaale ahaan aadanaha iyo jinka- maadama sida aayadan ku xusan aannay gaarnayn nabad, jacayl iyo wada-noolaansho guurkaasi ma banaana; aayadaasna waa aayada oronaysa:
وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ.
Aayadaha Ale waxaa kamid ah inuu idin ka abuuuray nafahiina xaasas si aad ugu degtaan xagooda dhexdiinana waxa uu ka yeelay roonaansho iyo naxariis. Waxaan kaloo weli dood ka taagan tahay carruurta ay dhalaan; ma waxay noqonayaan carruur jin ah oo aan dadku awood u lahayn inay arkaan? Mise waxay noqonayaan carruur insi ah? Mise labadaba?
Jinku ma dhintaa?
Dhimishadu aadanaha ahaan Eebbe qof walba waa ku xukumay, aayadii quraanka ah waa tan oronaysa:
كل نفس ذائقة الموت.
Balse waxaa su'aali ka taagan tahay jinku ma dhintaa? Sida Eebbe ku sheegay aayada soo socota noole walba oo naf ku jirto wuu dhimanayaa, cidda keliya ee soo haraysana waa Alle:

كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ* وَيَبْقَى وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلالِ. 
Balse weli dood waxay ka taagan tahay haddii jinku dhinto, waa kee jinka dhintaa? Ma jinka gaal iyo muslimka ah leh baa mise waa jinka Shyadaanka ah. Sida quraanka ku cadse shaydaanku waxa uu baaqi sii ahaandoonaa inta ka horreysa maalimka qiyaamaha.

Ugu danbayn su'aasha iyaduna dooda ugu xoogan ka taagan yahay waa: jinku dadka ma galaa mise ma galo? Dhowaan bay aqoonyahanno badan aad u kala tageen doodaas; qolo waxay ku doodeen in jinku dadka galo, halka qolo kale ku tageen inaan jinku dadka saamayn ku yeelan. Qolodan danbe waxa ay daliil xoogan ka haystaan cilmiga casriga ah Iyo diinta. Tusaale ahaan aayad quraan ah buu Eebbe kaga waramay, waxa uu maalinta qiyaamaha uu shaydaan oron doono, waan idiin yeeray, idinkuna waad i ajiibteen. Sidoo kale waxaa jira aayado sheegaya in jinku uu yahay mid daciif. Dhan kale kuwa ku dooda baa iyana la yimaada daliil.



                                



                        W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

2 comments: