Tirada Akhristayaasha Boloogga

Thursday, January 25, 2018

Ma Sharci Caalami Ah Baa Adduunka Kala Xadeeya?

Dal kasta waxa uu leeyahay sharci uu ku maamulo dadkiisa; waxaa kaloo jira sharci ay sameeyeen dalalka awoodda leh kaas oo kala xadeeya adduunka; waa sharci sida kuwa dhigay ina leeyihiin waxa uu kala xadeynayaa danaha kala duwan ee isdiidan ee bulshooyinka caalamka. Waaba haddii ay sidaas tahaye. Shamis Xusayn oo ah haweeynay Soomaali ah oo qortay buugga: Whose world is it anyway". Waxay ku qortay buuggeeda oraah cajiib ah, oo oranaysa: Stories are narrated and passed from genartion to another and it does not need an expert to explain". Si aynu waxa maanta sharciga la innoo ku sheegayo u fahano bal mayno taariikhda dib ugu noqono.
Ururka qarammada midoobay (United Nation) hortii waxaa jiray urur ka horreeyey oo adduunka oo dhan sida maanta qarammada midoobay u taliya, waa ururkii la oran jiray League of nation, waanna ururkii bilowgii qarnigii labatanaad lagu asaasay shir ka dhacay dalka France. Ururkan ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ka ilaaliyo nabadda adduunka. Balse taasi waa waxa dadka loogu sheekeenaayee, waxa ka hooseeyey fikrad taa lid ku ah. Dhowr iyo toban sanno kadib waxaa dagaal dad badan ku hoobteen isaga horyimid dalalkii marka ugu awoodda weynaa adduunka asaaska ururkana qayb ka qaatay, loona xilsaaray ilaalinta nabadda adduunka.
Waa dagaalkii koowaad, waa dagaalkii naf iyo walba lagu waayey; dagaalkaas reer Yurub waxay ku waayeen shan iyo toban milyan oo qof oo u badan askar. Dagaalkaa iyo kii labaad oo reer Yurub ku waayeen in ka badan afartan milyan oo u badan dad rayid ah, oo aan wax badan ka danbayn wax urur lama dhisin. Dagaalkii labaad ee lagu hoobtay kadib waxaa la asaasay ururuka ilaa maanta jira, waa ururka loo yaqaan qarammada midoobay (United Nations), waxaa ururkan asaasay dalalkii ku guulaystay dagaalkii labaad, waxayna kala ahaayeen: Faransa, Maraykan, Ruush iyo Ingiriis, waa afarta dal ee golaha ammaanka ah qarammada midoobay joogtada ah. Waxaa shan ku noqoday oo golaha joogtada ku soo biiray dalka China oo la soo baxday awood iyo hubka wax gumaada.
Ururkan ayaa isna ujeedkiisu tahay inuu ilaaliyo nabadda adduunka, waanna ujeedkiisa ugu weyn. Balse su'aashu waxay tahay: sharciyada u yaal qarammada midoobay ee caalamiga ah, ujeedkii loo abuuray ururkan iyo in dalalka khilaafaadka siyaasadeed ka jiraan in la caawiyo ma sameeyeen mise waa qoraal uun?
Doodo badan oo aan dhagayste ka ahaa baan xaadiray, idaacdaha iyo muuqaal baahiyaasha baan aad uga dhagaystay rag iyo dumar ku doodaya sharci caalamiya baa jira oo lagu dhaqmaa, adduunkuna tixgeliyaa; balse xaqiiqadu sidaas ma tahay? Waa maya jawaabtu. Ururka qarammada midoobay lama tixgeliyo wax sharci ah, mana ilaaliyo nabadda adduunka. Iskadaa inuu ilaaliyee shanta golaha joogtada ah baa nabadda adduunka burburya oo ku tunta.
Sharciga adduunka kala xadaa waa awood aqooneed, dhaqaale iyo ciidan, waddanka intaas haysta waa laga leexdaa, balse kuwa aan intaa la hayn adduunkan wax naxariis ah kuma haystaan. Waxaa rumoobaysa xigmda cajiibka ah ee tiraahda: "The strong one do what they want, the weak one suffer what they must". Oo macne ahaan noqonaysa: kuwa awoodda leh waxa ay sameeyaan wax walba oo ay rabaan, balse kuwa daciifka waxa ay la silcaan waxa ay ku khasban yihiin. Waddanada daciifka waa waddanada ku calaacala: caddaalad meeday? Nabadda ha la ilaaliyo. Adduunka wada noolaanshihiisa ha laga shaqeeyo iyo hadalo aan kuwan dhaamin.
Labada dal ee xulafada ah waa Maraykan iyo Ingiriise waxay maalin cad dagaal ku qaadeen Ciraaq; Ciraaq waxa ay markaa ahayd dal dhinac walba ka dhisan, dalkaasi markaa waxa uu soo saari jiray: Saynisyahanno aqoon sare leh, dhaqaal yahanno iyo dhakhaatiir tayo leh. Madaxweynihii xilligaa waxa uu dalkiisa ka dhigay: dal leh warshado, dal khayraadkiisa gudeed la soo baxa, dal waxbarasho tayo leh ah iyo dal hub leh; hub uu ku difaacdo dadkiisa iyo dalkiisa.
Shirkii amniga ee Asia (Asian security Summit, 2003) oo ka dhacayeey Singapore ku xigeenka xogyaha difaaca Maraykanka Paul Wolfowitz waxa uu ka sheegay sababta ay dalkaas [Ciraaq] u galayaan ay tahay saliida (Oil) waxaanna uu yiri: "Let us look at it simply, the most important difference between North Korea and Iraq, the country is swimming in Oil".
Dalkaas ay burburiyeen Maraykan iyo Ingiriis maanta waa bahalo galeen, waxa ay burburiyeen dhismayaashii dawladda, waxa ay burburiyeen goobihii taariikhiga ahaa, waxa ay burburiyeen dhammaan kaabayaashii dhaqaalaha, waxa ay dileen kumanaan kun oo qof oo noloshooda iska wata, waxa ay bara kiciyeen maalaayin qof. Labadii nin ee wakhtigaa kala hoggaaminaayey labadaas dal [Bush iyo Blair] maxkamadda caalamiga ah wax danbi ah kuma soo oogin. Sharcigii caalamigi ahaa bay jabiyeen labadaas dal, waxayna maalin cad iyagoo aan cid tixgalinayn weerer ku qaadeen dal dhisan. Mee sharcigii caalamigi ahaa?
Dalka Maraykan waxa uu hawl galo ka fuliya meel walba iyo dal walba oo ay dantiisu ka gasho; xuduudiisuna waxa ay ku dhammaata halka ay dantiisu ku dhammaato. Israa'iil tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii 1967-dii oo ay kaga guulaystay Carabta waxa ay qabsatay dhul, waxa ay ku xadgudubtay sharciyo badan oo u yaalay qarammada midoobay, waxayna ku kacday gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxa ay xirtay boqolaal reer Falastiin ah, waxayna ku kacday wax ka soo horjeeda qannuunka caalamiga ah. Qarammada midoobay tan iyo gu'gii 1967-dii ilaa iyo 2017-kii waxa ay soo saartay kow iyo toban qaraar Israa'iilna hal mid kama fulin; dhegna jalaq uma siin.
Qaraaradii ay soo saartay qarammada midoobay waxaa kamid ahaa kii ay soo saartay 1967-dii. Qaraarkan waxaa soo saaray golaha amniga ee qarammada midoobay, waxa uuna ahaa qaraar 242 oo oranaya: Golaha ammaanka ee qarammada midoobay waxa ay isku raaceen qaraar ay ugu baaqayaan in ay Israa'iil ka baxdo dhulkii ay qabsatay dagaalkii 1967-dii. Balse waxa uu ahaa hadal la iska yidhi. Sidoo kale shirka sannad laha ee qarammada midoobay waxa arrinta Israa'iil laga soo saaray toddaba qaraar tan iyo dabshidkii 1967, July, 4-teedii ilaa December, 23, 2016--kii.
Sidoo kale ha'ayda UNESCO waxa ay arrinta Israa'iil ka soo saartay dhowr qaraar oo uu ugu horreeyey kii soo baxay November, 27, 1996-dii, waxaana ugu danbeeyey qaraarkii soo baxay November, 18, 2017-kii. Balse in qaraaradaa la fuliyo iska daaye xattaa kuwo hor leh oo ka sii xun bay Israa'iil ku dhaqaaqdaa. Dhowaana waxa ay ugu hanjabtay in ka bixi doonto xubinimadii ay ka ahayd UNESCO.
Afrikadan masaakiinta ah ururkooda loogu yeero Aftica Union waxa uu dhigayaa xeer oranaya: "xuduudihii gumaysigii reer Yurub ka tagay waa sidoodii, wax laga beddali karo ma jirto". Maraykan isagoo taa og buu Suudaan kala jaray oo sameeyey dal gacan ku rimis ah. Taas keliya ujeedkiisu ma ahayne intuu dadkaa cawaanka dagaal ku furay oo ay gaajo duurka ugu dhinteen, waxna xabaddu leeftay, waxna firxad noqdeen baa Maraykan iyo China nuugeen khayraadkoodii.
Daraasad hadda soo baxday baa sheegaysa in dhowrkii sanno ee u danbeeyey hub kala iibsashadu ay gaartay halkii ugu saraysay. Amnesty International waxa ay sheegaysaa in kharashaadkii ku baxay hubka gu'gii 2016 uu dhan yahay $1.7 trillion, $375 bilyan ayey ku sheegtay Amnesty in lagu kala iibsaday hubka kiisa fudud. Dalalka kala ah: Ruushka, Maraykan, Ingiriis, France iyo China ayaa iibiyey hubka nooca walba ah leh 70%; dhammaan shantan dal waxa ay xubin joogta ah ka yihiin qarammada midoobay waana kuwa loo xilsaaray ilaalinta nabadda adduunka. Horta waa su'aale ma adduunka u xilsaaray inay nabadda ilaaliyaan oo shaqadaa u igmaday mise iyaga isku doortay?
Waa riwaayad waxa ka socda qarammada midoobay, haddii daacad laga yahay sharci caalamiya iyo ilaalinta nabadda adduunka shantan dal baa la bedbedli lahaa. Balse su'aashu waxa weeye yaa beddelaya?
Dalka Jarmalka ayaa dhowaan iclaamiyey in ay joojiyaan hubkii ay ka iibin jireen xulafada Sacuudiga kaas lagu burburin jiray dalka Yamen. Dalka Jarmalka ayaa lagu qiyaasay lacagta uu hubka kaga iibiyo Sacuudiga in ay tahay shan boqol iyo kontan milyan oo doolar ($550million). Sidoo kale sida laga soo xigtay ururka fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ee lagu magcaabo Campaign Against Arms Trade (CAAT) ayaa sheegay in dalka Iniriisku uu Sacuudiga iyo xulafadiisa ka iibiyey hub dhaqaalihiisu noqonayo $6.3 billion.
Ururka fadhigiisu yahay Geneva ee lagu magcaabo SAM Organisation for Rights and Liberties ayaa sheegay in dalka Yamen lagu dilay gu'gii ina dhaafay afar boqol iyo kontan dad rayid ah. Kadib dagaalkii labaad ee reer Yurub waxaa la burburiyey ama is burburiyey dalal aan tiradoodu yarayn. Dhammaan dalalkaas waxaa si toos ama si dad badan uga qayb qaadanayey wadannada shanta ah ee xubinta joogtada ah ka ah qarammada midoobay. Dalka Rwanda oo uu xasuuq ka dhacay hadda waxaa la haystaa dalka France kaas la leeyahay waxa uu qayb ka ahaa xasuuqii ka dhacay dalkaas. Ingiriis, Ruushka, France, China iyo Maraykan wadannada burburay ee bariga dhaxe dhammaan samayn toos ah ama mid dadban bay ku lahaayeen.
Dalka China waxa uu xoog ku haystaa dhul aannu lahayn iyo dal aannu lahayn; China iyo Jabbaan waxa ay isku haystaan jasiirado. Dalka Ruushku waxa uu xoog ku qaatay gobol kamid ah Ukrine, haddana weli waxa uu ka wadaa dagaal gudeed isaga oo ujeedkiisu tahay in uu ka qaaro gobol wax ka badan; Israa'il waxa ay haystaa dhul aannay lahayn, Hindiya waxa xoog ku haysataa dhul aannay lahayn oo ay ku andacoonayso waxaa na siiyey gumaysitihii Ingiriis; Itoobbiya iyo Kiiniya waxay Soomaaliya ka haystaan labo gobol oo ay leeyihiin waxaa na siiey gumaystihii Ingiriis. Guud ahaaan badanka dhulalka xoogga lagu haysto adduunka waxaa bixiyey Ingiriis; Isagoo [Ingiriis] kala gooyey dad isku af ah, isku dhaqan ah iskuna deegaan ah.
Maxkamadda Caalamiga ah waxa ay eedo, maxkamad iyo canbaarayn u jeedisaa waddanada soo koraya; waxa ay maxkamadaysaa dalalka soo koraya siyaasiyiinta, dhammaan siyaasiyiinta reer galbeed ee ku kaca wax ka dhan ah xuquuqda aadanaha wax dacwad ah kuma soo eedayso.
Ugu dambayn dhammaan waxaa qarniyadii ina soo dhaafay iyo kan aynu hadda ku jirno lagu tuntay sharciyo ay dhigteen kuwa awoodda leh, waxaa lagu kacay gabood falo, waxaa la xasuuqay dad, waxaa la xiray dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, waxaa la qaxiyey dad aan waxba galabsan. Ujeedku waa in aynu fahana dal iyo awood leh oo diyaarsan laguma xad gudbo, balse masaakiinta waa lagu tumanyaa khayraadkoodana waa la qaadanaya wax sharci ah oo kala celinaya ma jiro.
Sharcigu keligii waxba ma ilaaliyo, ee waxaa ilaaliya dad daacad ka ah. Sharci caalamkan la tixgeliya waa jiraa, balse waa sharciga kuwa awoodda leh wada dhigtaan ee ku kala leexanaya awooddooda. Balse qof maskiin ah, cid sharci u tixgelinaysaa ma jirto. Soomaalina horrey uga maahmaahday, waa tii ay tidhi: maskiin baa miska la fuulo leh.







                                W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

Tuesday, January 23, 2018

Fikirka Takoorku Weli Wuu Noolyahay.

Midab-takoorka ama cunsurinimada bulshooyinku kula kacaan dadka la deggan ama ay isku deegaanka yihiin waa waxaan loo hayn daliil iyo cadayn. Balse waa waxay ka dhaxlaan dhaqankooda (Culture) iyo deegaankooda (Environment). Soomalida kuma cusba Takoorku (Discrimination), tan iyo taariikh fog Soomaalidu waxa ay takoor iyo dulmi ku hayeen: dad ay isku diin yihiin, isku dhaqan yihiin, isku af yihiin, isku isir yihiin, iskuna taariikh yihiin. Culimada oo ah hormuudka Soomaalida in kasta oo ay dhaqanka foosha xun ka horyimaadeen haddana weli ma baabbi'in, iyaga qudhooda waxaad moodaa inuu hayo dabarka dhaqanka iyo aaminaada bulshada (Culture and believe of the soceity).
Sidaas oo ay tahy takoorku Waa wax soo jiray taariikh fog; waanna wax soo jiray ka awoow ka awoow, goonnina Soomalida kuma ah takoorku oo waxa uu ka jiraa ama ka jiri jiray adduunka oo dhan. Sida uu sheegay halgamaaagii Malcolm X, oo ahaa halgamaa u dhaqdhaqaqa dadka madow: "Takoorku waa dhibaato ka jirta adduunka oo dhan". Tookooridu waxa ay keentay in bulshooyinka qaar la baabbi' iyo ama la cirib tiro. Bulshooyinka la cirib tiray waxaa kamid ah: Red Indians iyo Aborigins.
Maraykanka waxa uu in badan ka jirtay, welina ka jirta takoor iyo cunsurinimo lagu samaynaayey madowga iyo bulshooyin kale, heer ay gaartay inaanay cadaanku iyo bulshooyinka la hayb sooco, aannay isku si u helin: wax barashada, caafimaadka, dakhliga, shaqada iyo baahiyaha asaasiga ah.
Madaxweynaha hadda u taliya Maraykanka ayaa ah cunsuri aad u neceb: madowga, muslimka iyo soo galootiga. Dadka cunsiraga ah reer Maraykan ayaa Trump aad ugu codeeyey taas oo muujinaysa in takoorku iyo fikirka uu weli ka jiro gudaha Maraykan. Tan iyo markii uu xilka Trump ku guulaystay waxaa soo badanaya falalka ku dhisan nacaybka, takoorka, weerarka, dilka iyo hanjaabada ka imaanaya cunsuriyiinta xagjirka ah iyo Trump kaas oo ku qaadayaan bulshooyinkaa la hayb sooco; tani waxay sababtay in dad badan oo madow ay ku soo noqdaan Africa, halkan ka akriso maqaal lagu daabacay degalka Al-Jazeera oo ka shakeenaya dad Afrika ku soo noqday, iyagoo ka soo cararaya falalka cunsurinimo ee ka imaanaya cunsuriyiinta reer Maraykan.
Yurub waxaa ka jirtay, welina ka jirta takoor lagula kici jiray dadka qaar, tasoo gaartay heerka midab takoorku ka gaaray maraykanka ama meel ka sii fog. Maraykan iyo yurub, qarnigii toddaba iyo tobnaad waxaa caan ka ahaa sawir muujinaya lammaane caddaan ah oo ilma yar oo madow jirkiisa saabuun aad ugu xoqaya, iyagoo isku dayaya inay jirka ilmaha madoobaanta ka mayraan. Marine Le Pen oo ka sharaxnayd xisbiga far-right ahna gabadhii uu xilka kaga guulaystay madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa iyana ahayd cunsuriyad weyn; waxayna ololaheeda ku gashay falal cunsurinimo ka muuqato. Ururka fadhigiisu yahay Ingiriiska ee lagu magcaabo far-right group ayaa iyana ah cunsuriyiin.
Carabta waxaa ka jirtay, hadda na weli ka jira midab takoor iyo inaanay dad u haysan madowga waxayna ka dhigan jireen madowga "Addoomo". Dadka madow xayawaanka waxba ma dhaamin, oo xayawaankaa ka fiicna ama ba ka darejo roonaa. Maxaa yeelay xayawaanka lama doorin. Dadka taariikhda galay oo ay Carabtu takoor iyo addoonsi kula kaceen waxaa kamid ahaa "Bilaal" (RC). Sidoo kale waxaa kamid ahaa "Cantar" oo ninkan waxaa takoori jiray aabbihii dhalay, Cantar guriga aabbihii buu addoon ka ahaa; Cantar waxa uu ahaa Carab, jirkiisa oo madooba aabbihii dhalay waxa uu ka dhigay addoon aan la xaq iyo xaquuq ahayn carruurta kale oo ay Cantar walaalaha ahaayeen.
Maalin baa lasoo weeraray qoyskii Cantar markasaa aabbihii ku yiri: "war cadowga naga dhici Cantarow". waxa uu ugu jawaabay: "Addoonku waxa uu yaqaan sida xoolaha loo maalo". Dalka Liibiya ammintan aynu joogno waxaa lagu kala iibsanaayey dad addoomo ah oo madow. Sacuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo waddano kale oo Carab ah dadka ka shaqeeye ee madow iyo bulshooyinka lagada tiroda badan yahay, waxaa loo diraa shaqo aad u hoosaysa; oo hadda na aad u adag.


Dalka Burma waxaa falal takoor, cunsurinimo iyo xasuuq lagu hayaa qawmiyada Rohingya; qawmiyadan laga tirada badan yahay ayaa dawladda dalkaas waxay ugu marmarsiiyootaa in aannay ahayn dad asal ahaan dalkaas ka soo jeeda. Balse ay yihiin dad waa danbe soo degay, ugana soo talaabay dalka ay deriska yihiin ee Bangaledesh. Ha'ayadaha xaquuqul aadahana ayaa sheegaya in dalkaas uu k socdo xasuuq iyo isir sifayn. Qaramadda midoobayna waxay aad u canbaaraysay waxa ka socda dalkaa oo ay ku tilmaantay isir sifayn.
Dadka qaarkood baa ku dooda in nacaybka isir iyo takooridu ay salka ku hayaan diimaha, oo ay dhammaan dadka cunsuriyiinta ah ay yihiin dad aamminaad diimeed dabada ku haya. Nebi Muxammed (SCW) markii Eebbe diinta la soo diray in kasta oo ay jireen falalkan cunsurinimo, isir nacayb iyo addoonsi haddanna in kasta oo dadka Islaamka ku abtirsada ka yeeray, haddana fikirkaasi weli ma baabbi'in. Nebiga dabadiina dadkii diintan bartay qoloba badan oo diinta daliil uga soo helay in la naco wixii aan Muslim ahayn, oo aan lala deggin, lala noolaan, lala rafiiqin iyo in wadooyinka lagu ciriiriyo.
Culimada Muslimka ah qaar badan baa weli aaminsiyiin fikirka: isir nacaybka ah, cunsurinimada ah iyo addoonsiga.



                                W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

Saturday, January 20, 2018

Dimuqraadiyadu Horumar Miyey Tahay?

Tan iyo tariikh fog aadanuhu waxa uu ahaa kuwo is maamula ama isku taliya. Dabeecad ahaana aadanahu haddii ay labo qof ka badan yihiin waxa ay u baahan yihiin hoggaan; haddii aanay hoggaan yeelana waxaa khaldamaysa hawshu qaabka ay u socoto. Tusaale ahaan guriga ay kuwad noolyihiin qoys-- waxa ay u baahan yihiin aabbo iyo hooyo iskaashanaya oo inta kale maamulaya, siinnayanna ama bixinaya waxa guriga looga baahan yahay. Haddii gurigu aannu lahayn aabbo oo uu dhintay, maqanyahay ama uu furay hooyada amaba uu yahay maqane jooga, hooyaduna annay ninka waxba dhaamin waxa uu gurigaasi noqonayaa guri fawdo ah, oo aan lahayn jiho uu ka socdo iyo meel uu u socdo. Marka haddii gurigii aannu ka maarmi karin maamul hooyo iyo aabbo ah, bulasho ma ka maarmi kartaa hoggaamiye, danahooda ka shaqeeya? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu tahay: "maya".
Si kale haddii aynu u dhigno, waxaaba la oran karaa dad aan is maamulini waxay khilaafayaan sunnaha Eebbe kawnkan u dhigay. Haddaba taariikhdu waxay inoo sheegaysaa in aadanahu tiro ba dhowr nooc oo hoggaan ah soo mareen, waxaana kamid ah: mid boqortooyo-- oo hoggaanka la iska dhaxlo, mid keli taliye (Dictatorship)-- oo dadka ku qabsada awood ciidan, mid ay dadka maamulaan dadka magaca, aqoonta iyo dhaqaalaha leh iyo mid bulshadu doorato hoggaankooda (Democracy).
Qarnigan ay wax walba isbeddaleen hoggaanku waxa uu ku soo uruuray in loo qabto labo nooc: qaab dadku soo doortaan hoggaankooda (Democracy) iyo nooc kaliye taliye u eg (Dictator) Waxaa jira dad weli isku maamula qaab boqortooyo (Kingdom rule), oo waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dalka Sacuudiga. Balse waxaad moodaa in noocan maamul uu wakhtigiisii sii dhammaanayo oo uu yahay gebagebo.
Ujeedkaya qoraalkanse baa ah, in aan dul istaago qaabkan doorasho oo reer galbeedku hormuudka ka yihiin [Dimuqradiyada] oo ay dadka ku beerleexowsadaan inuu yahay qaabka keli oo lagu gaari karo horumar. Sidaa ma tahay oo horumar ma lagu gaari karaa? Aragtidan dad badan baa sideeda u qaatay inay tahay arrin run ah. In kasta oo ay wanaagsan tahay bulshadu inay doorato qofka ay u arkaan inuu dadkooda iyo dalkooda danahooda ka shaqaynayo haddana in qaab doorasho uu horumar wado waa falsafad been ah oo u baahan in la iska shaandheeyo; isla jeerkaasna in mar walba la helaa musharaxda saxda ah oo dadka jeclaan lahaayeen waa arrin adag. Tusaalenna waxaa inoo ku filan, in gabadh [Hillary Clinton] aqoon leh, khibrad leh, karti leh, waayo-aragnimo leh laga doortay nin [Trump] ay si walba uga wanaagsan tahay. Marka maxay macno samaynaysaa dimuqraadiyadu? Mise waxbaa qaldan?
Waxaan halkan idin kula wadagi doonaa tiro ba dhowr hoggaamiye oo ah kali taliyaal, balse dadkooda iyo dalkooda horumar gaarsiiyey. Keliya horumar ma gaarsiine, balse waxay hormuud ka yihiin adduunka: haddii ay noqoto dhaqaale, siyaasad, dhaqan iyo awood ciidan; isla jeerkaasna Khuburo badan oo darsa xaalada dhaqaale, ciidan iyo siyaasadeed ba waxay saadaalinayaan in dhowr wadan oo ay u taliyaan kali taliyayaal ay la wareegi doonaan maamulka iyo siyaasada lagu maamulo adduunkan (Political Hegomany).
Raa'isul wasaarihii hore ee dalka Malaysia horumarkeeda ka danbeeyey Mahathir Mohamed waxa uu ahaa keli taliye, aan jixin jixin. Raa'isul wasaarihii wakhtiga adag u soo baxay dalka Itoobbiya Melez Sanawi waxa uu ahaa keli taliye, aan waaban. Madaxweynihii Singapore horumarkeeda bilowgii sa lahaa waxa uu ahaa keli taliye. Madaxweynaha China Xi Jinping, oo horumar dhan walba ah gaarsiiyey dadkiisa iyo dalkiisa waa keli taliye. Putin-ka Ruushka waa keli taliye, aan cid kale u daba fariisan danaha dadkiisa iyo dalkiisa. Madaxweynaha Turkiga oo dalkiisa ka dhigay dal saaxada siyaasada adduunka dhan walba ka muuqda waa kali taliye. Hadda ogow Turkigu maanta waa awood soo baxday! Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame waa kali taliye dadkiisa iyo dalkiisa gaarsiiyey horumar isagoo weliba ka soo saaray xaalad quus ah!
wadanno badan oo ka tirsan kuwa soo koraya (developing country), sida Kiiniya, Nijeeriya iyo wadanno kale ba doorashada laga qabto waxaa caawiya wadanada reer galbeedka, haddii aad uu fiirsatid na waxaad arkayasaa in doorashada dimuqraadiyada lagu sheego oo dalalkaa laga qabto aannay ka shaqayn danaha dadkaa iyo dalkaas. Balse siyaasiyiintaa dalalkaas waa kuwo u daacad ah wadannada reer galbeedka; isla jeerkaasna waxay ka shaqeeyaan danaha reer galbeedka. Marka maxay mcno ah dadkaas dimuqraadiyadu u samyanaysaa?
Waddanada waxaa ka jirta: musuqmaasuq, xasilooni darro siyaasadeed, dhaqaale xumo, waxbarashada dalalkaas oo aan tayo lahayn, caddaalad darro, isla xisaabtan la'aan, awoodda dalka oo looga danbeeyo hadba markaa ninka talada haya. Dalalkaas madaxdooda waxaa lagu soo doortaa si dumuqraadiya.
Tan macnaheedu maaha in qof kali taliye ah uu dalkii sa gaarsiin karo horumar. Waxaa jira keli taliyaal dadkooda iyo dalkooda ka dhigay horumar la'aan iyo sabool. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabi, Geelaha Jabbuuti, Yaxye Jaamicii lagaga guulaystay doorashadii Gaambiya, Cali C. Saalixii Yamen ee la dilay, Mursiga shacabka Masar iska eryeen, kan hadda xilka madaxweyne haya ee dalka Masar Siisii iyo qaar kale. Dhammaan madaxdaa aan soo tilmaamay waa kuwo digtaytar ah; dadkooda iyo dalkoodana adduunka ka reebay.
Si kastaba madaxda dadkooda iyo dalkooda gaarsiin karaa kuma xirna ma keli taliyaa? Ma dimuqraadi baa? Mise waa boqortooyo? Waxa keliya oo ay ku xirantahay waa in qofkaasi leeyahay astaamaha wanaagsan ee hoggaamiye; isla jeerkaasna ay ka go'antahay inuu dadkiisa iyo dalkiisa samoto bixiyo, daacadna ka yahay in amaanadaa ay u dhiibteen uu ugu hiiliyo, gaarsiiyona: horumar caddaaladeed, amni, dhaqaaleed, siyaasad bisil, arrimaha bulshada oo ka sameeyo horumar iyo inuu go'aamiyo qofka saxda iyo booskiisa saxda ah (the right man to the right position).
Qofna macno u samayn mayso qofkaasi waa hoggaamiyo dadkiisu soo doorteen, hadhowna marka uu xilka ka dagayno uu ka tago isagoo wixii ay haysteen ku tagri falay, dastuurkii ku tuntay, musuqmaasuq ku dhaqmay, caddaalad darro sameeyey, u kala eexday dadkii doortay, waxbarasho la'aan dadkiisii kaga tagay, caafimaad la'aan kaga tagay; isla hoggaamiyihii bulshadu soo dooratayna lagu arko markii uu xilka banaayo hanti tiro beel ah, oo aannu haysan markii uu talada dalka qabtay. Markaasna aannu xilku noqon abaalmarin.
Waxaan kaloo qofna aan macno u samaynayn in nin keli taliye ah intuu qabsado talada dalka uu siduu doono dadkiisa iyo dalkiisa ka yeelo. Dadkiisana u arko waxaan mudnayn inay noolaadaan; qof isagu dherga dadkiisuna ay ku noolaadaan xaalad sabool ah. Cali Cabdalle Saalixii la dilay intii uu xilka hayey marbaa dhaqaalihiisa lagu qiyaasay wax ka badan soddon milyan, waynuna la soconaa dalka Yamen sida uu ahaa, madaxweynihii xilka laga riday dalka Masar Xusni Mubaarik waxa uu haystay hanti aad u badan, Qadaafigii dalka Liibiya xukumi jiray waxa uu haaytay dhaqaale aad u faro badan, madax kale baa jirta oo hadda keli taliyaal ah ama la soo doorto oo aan waxba is dhaamin oo dadkooda iyo dalkooda gaarsiiya xaalad si walba sabool u ah.

W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

Thursday, January 18, 2018

Dumarka Iyo Islaamka.

Islamku miyuu xaqiraa dumarka?

waa su`aal mug weyn, qoraal yarna laguma soo koobi karo su'aashan balse aynu wax yar dul istaagno. Maanta caalamka qadiyadda dumarka dood baa ka taagan, haddii aad eegto dhanka siyaasadda (political) maamulka (managment), dhaqaalaha (Economic)iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Haddaba wax yar ila eeg taariikhda dumarka.

Quraanka Eebbe waxuu ku xusay inuu Fircoon layn jiray wiilashii reer binu isra`il gabdhahoodanna ay guursan jireen kuna hayeen dulmi weyn. Qurayshi intaanu Nebi Muxammed (scw) soo bixin gabdhaha iyagoo nool bay aasi jireen, ninka gabadh u dhalatona farxad uma ool, murugo iyo werwer bay u ahayd. Wax xaquuq ahna ma lahayn dumarku. Diinta islaamku markay timi wax walba wey isbaddeleen gabdhaha waxaa loo oggolaaday inay noolaan karaan, inay raggu meherka iyaga lagu leeyahay iyo inay ka qayb qaadan karaan arrimaha bulshada, xaqa iyo xuquuqda Islaamku siiyey dumarka kuma xirna wakhti inta dunidu jirto waa xaquuq ay leeyihiin, mana aha xaq qof kale u gartaye waxaa siiyey Eebbihii abuuray.
Haddii aynu wax yar dib u milicsano qarniyadii ugu danbeyey ee aynu soo dhaafnay ama kuwa aynu hadda ku jirno dumarku dhibta laga galay aan tusaale aan badnayn kaa siiyo. Buugga uu qoray Abdulrahman A. Sheeha ee magiciisu yahay "Woman in the shade of islam" waxa uu ku leeyahay ma jiro hal sharci, maamul ama xeer nidaameed oo mudnaan gaar ah siinaya ama joogtaynaya ama difaacaya xuquuqda dumarka sida islamku u ilaaliyey wakhtiyadii hore ama kuwii danbe. Mufakkirka reer France ee caanka ah laguna magcaabo Gustave Le Bond waxa uu ku qoray dhiganaha"The Arab Civilization" dhaqan wanaagga uu kula dhaqmay islamku dumarka iyo sharfida uu sharfay waa mid aan xad lahayn.....!!
1586--dii waxaa shir lagu qabtay dalka France si loo kala cadeeyo in dumarku bini Aadam yihiin iyo in kale. Dood dheer kadib dadkii kasoo qayb galay shirka waxay dhammaadkii shirka soo saareen in dumarku yihiin bini Aadam; balse loo abuuray inay shaqaale u noqdaan nimanka. Hindiya qayb ka mid ah gabadha ninkeedu dhinto marka ninkeeda la gubayo iyadana waa lala gubi jiray iyadoo nool, qeyb Hindiya kamid ahna hadda gabadha waxaa guursanaya labo nin. Reer galbeedku gabadha marka la guursado waxay ka beddalaan magaca aabbaheed iyagoo u bixiya magaca ninka guursaday.
Waxaa jiray wakhti sharciga Ingiriis uu oggolaanayey in raggu dumarka iibsan karaan. Wakhtiga sharcigaasi soo baxayo dhulal badan oo muslim ka taliyo waxaa madax ka ahaa dumar. Shinihii hore xaqiraada dumarka waxay ka shabaheen Carabtii jaahiliga, waxaa jirta maahmaah Shiine ah oo tiraahda: "Listen to your wife, but never believe what she says".
Islaamku dumarka waa sharfay xaqoodana waa siiyey. Balse wakhtiga aynu maanta noolnahay dumarka ugu badan ee dulman waxay ku noolyihiin dalalka muslimka. Tusaale ahaan, daraasad ay samaysay UK Forced Marraige waxay cadaysay in dalka Baakistaan kow ka yahay gabdhaha xoogga lagu guursado, darasaad kale oo ay samaysay UNICEF baa iyana cadaysay in dalalka Afgaanistaan, Nijeeriya, Soomaaliya, Baakistaan ay kow ka yihiin gabdhaha yaryar ee aan qaangaadhin in la guursado. Kooxaha argagixisadda ah baa iyana caburin, xaqiraad iyo bahdil ku haya dumarka. Boko-xaraam bay ahayd kuwii koox gabdho yaryar ah oo aan waxba galabsan af-duubtay oo duurka la galay. Daalibaan iyana waxay madaxa ka toogteen Malala Yuusuf oo goob fagaare ka tiri: "... Dumarka xaq bay u leeyihiin inay wax bartan". Al-shabaab iyo Al-qaacida baa iyana tacadiyo baahsan ku haya dumarka.
Dhanka waxbarashada dumarka muslimiinta ah aad bay u danbeeyaan. Dumarka tacadiyada lagu hayo waxaa kow ka ah rag wadaaddo sheeganaya. Waxaa xusid mudan maalin ay laanta afka Soomaaliga ee BBC--du dood qabatay oo lagaga doodaayey "Dumarku ma hoggaamin karaan ummadda.." in nin wadaad sheeganyey uu yiri: "... Dumarka caqligoodu waa nusqaan". Nasiibdarro waa qof cilmi sheeganaya ninka sidaa u hadlayaa.




W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

Wednesday, January 17, 2018

Badhan Maxaa Ka Khaldan?

Marka aad masiibada, bur-burka iyo baabba'a aad adigu gacantaada ku samaysanayso iyo marka ay banaanka kaaga timaado waa labo arrimood oo aad u kala duwan. Waan hubaa waxaad isweydiinaysaa: tolow maxaa soo socda? Bilo ka hor safar aan ku joogay magaalada Badhan waxaan ku arkay wax lagu farxo iyo war aan farxad badin. Tan danbe aan kuu sii wadee waxaan Badhan ku arkay dad iyagu bur-burka dadkooda iyo dalkooda gacantooda ku samaysanaya.
Horay baa qayb kamid ah dadka deggan gobolka Sanaag loogu shaambadeeyey inay yihiin dad argagixiso ah, tan inay ku dhacdo waa mid ay iyagu ka danbeeyeen iyo mid banaanka looga keenay. Balse waa dhacdo taariikhi ah. Maanta magaalada Badhan oo ah magaalo madaxda labaad ee gobolka Sanaag waxaan ku arkay dhowr arrimood oo soo wada bur-burka iyo baabba'a dad iyo duunyo. Waxaa kamid ah arrimahaas:
1: Dulmi: Badhan waxaa ka taagan dulmi aad u baahsan oo aad ka wis-wisayso, haddii aad aqoon leedahay laguu eegi maayo maxaad taqaan iyo maxaad garanaysaa? Balse waxaa lagu weydiinayaa yaad garanaysaa ama se yaa ku wada? Kooxaha diimaha ee gobolkaas tee kamid tahay iyo yuu la saaxiib yahay?
Badhan intii aan joogay baa shaqo la soo dhejiyey, shauraahadaha shaqada waxa lagu qoray cidda loo baahanyahay waxa looga baahan yahay. Shuurudihii la soo dhejiyey oo dhan inta laga booday baa shaqadii waxaa la siiyey nin aan hal mid ka buuxin shuruudihii shaqada.

2: Midnimo la'aan: Badhan waxay caan ku ahayd dad isku meel ujeeda, midaysan had iyo goorna ilaaliya danaha guud ee gobolka, hadda taasi ma taal. Dadku ma midaysna tani waxay sahashay inay dhacaan dhibaatooyin hadda la arko oo taagan iyo mid mustaqbalka imaandoonta.
3: Cadow koriso: waa arrin masiibadeeda wadata. aqoonyahanka gobolku, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo siyaasiyiintu inay ogyihiin khatarta ururka argagxisada ah oo ku sii awoodaysanaya gobolka. Dadka aan soo tilmaamay guud-ahaan, gaar-ahaan siyaasiyiinta inay cadowgaa ka warhayaan oo aanay ka qaadin wax taallabo ah.
4: War la'aan: waxaa nasiibdarro ah in dadka deegaanku ay yihiin kuwo aan la socon waxa gobolkooda ka dhacaya shar iyo khayrba. Masiibo ka wayn ma jirto in dadka aanay la socon waxa ka dhacaya deegaankooda.
5: shaqada: haddii aad isku eekto dadka ku shaqeeya shaqada rasmiga ah (Formal job) iyo shaqada aan rasmiga ahayn (Informal job) magaalada Badhan waxaa badan tan aan rasmiga ahayn (Informal job). Tani maaha wax lala yababo; sidoo kale tan macneheedu maaha inay yartahay shaqada u baahan aqoonta ama shaqada rasmiga ah (Formal job).
Magaalada Badhan kama jiro maamul u arimiya. Labada maamul ee Soomaalilaan iyo Buntilaan baa ku muransan. Labada maamulba waxaa u jooga maayaro. Maamul la'aantan waxay sahashay inay firqooyinka diimaha ee jooga magaalada ku tartamaan: waxbaraaho-ahaan, shaqo-ahaan iyo hadba waxay magaaladu u baahantahay.
Dhubaatooyinkaa aynu kor ku soo xusnay iyo kuwa kale ba waxay u horsadeen dib u dhacaa ka jira gobolka. magaalada Badhan waxaa biyaha looga keenaa meel ka baxsan magaalada taas ku adag dadka masaakiinta ah, Dadka Badhan deggan 60% waa dad u badan dad dan yar ah. Biyaha waxaa keena booyaddo; booyadda biyaha ah qiime ahaan waa lixdan doolar. Dadka danyarta ahi ma awoodaan inay iibsadaan biyaha.
Magaalada Badhan qofka inuu quraanka barto waa in uu adaa labo meelood mid un: xadaanno ama macallin keligii haysta qol. Qofka aada xadaannada waxaa lacag laga qaadaa toban doolar halka qofka aada macallinkaa keligii shaqaysanaya ay tahay siddeed doolar. Magaalada Badhan qofka dhigta dugsiga sare lacag ahaan bishii waxaa laga qaadaa labaatan doolar; halka qofka dugsiga hoose dhigtana laga qaado lacag u dhaxaysa labo iyo toban doolar ilaa shan iyo toban doolar. Iskuulada qaar waxaa dhiga dad iyagu u baahan in wax loo dhigo.
Dadka danyarta ah waxaa ku adag nolol maalmeedka (Daily life), waslada hilibka ah magaalada Badhan waxay ka maraysaa boqol kun oo shilin soomaali ah, qudaarta iyada warkeeda daa.



W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan

Thursday, November 23, 2017

Waa Lagu Addoonsan Haddii Aad Yeesho!


Taariikh-ahaan adoonsigu waa wax soo jiray. Oraahdii caanka ahayd ee Maalik binu Nebina waa tii ay ahayd: "Adoonsigu waa wax soo jiray, qofkii oggolaadana waa la gumaystaa". Dadka madow ayaa caan ku ah in la gumausto. Intii aan Nebiga (SCW) Eebbe soo dirina, dadka madow waxay ku jireen adoonsi. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa asxaabigii modoobaa ee Bilaal Eebbe raalli-ha-ka-noqdee oo intii aanay diintu soo degin ahaa adoon.


Haddaba si qofka loo gumaysto waa in xurmo-nafeedka laga dilaa, si u oggolaado in lagu shaqaysto una adeeco mudanihiisa. Balse dadka qaar baa diiday inay adoon u noqdaan dad iyagoo kale ah. Waxaa dadkaa kamid ahaa Frederick Douglass iyo Rosa park.


Frederick Douglass oo ahaa nin madow waxa uu ku noolaa Maryland. Maryland waxaa ka jiray sharci ah in qof adoonka ah uu lamid yahay hantida caadiga. Douglass markiiba waxa uu ka soo horjeedsaday inuu adoon u noqdo qof kale. Waxaa jiray nin loo gayn jiray qofka adoonka ah ee la iibsado si ugu sameeyo tijaabo, waxaana la oran jiray Eddie. Eddie waxaa loo geeyey Frederick Douglass waxuunna garaacyey muddo lix bilood ah subax walba. Markii laga quustayna ninkii lahaa dib ayuu isaga iibiyey, Frederick Douglass waxa laga qoray xigmadda ah: "Haddii aadan si sharafi ku jirto u noolaan karin si sharafi ku jirto u dhimo".


Hawaynadii la oran jiray Rosa park waxay ahayd haweynadii badashay sharci yaalay oo ahaa in dadka madowga ahi ay basaska fariistaan xaga danbe, xaga horena waxaa iska lahaa dadka cadaanka. Rosa Park ayaa baska soo fuushay maalin, waxayna fariisatay dhanka hore ee baska, wadihii gaariga baa ku yiri: "Dhanka danbe aad marwo", markii ay waydiisay sababta uu xaga hore ugu diidayna waa iska cadayd oo waxa weeye waxaad tahay qof madow.


Rosa Park waa diiday, dadkii madowga ahaana waa kaceen jeer ah ku guulaysteen inay beddelaan sharcigaa dhigayey in baska dadna xaga hore la saaro [cadaanka] dadna dhanka danbe ay aadaan [madowga]. Abwaan Dhoodaan baa isna yiri: "Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato, maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye".






W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan


Xidhiidhka La-qabsi ee Dadka iyo Xayawaanka

Koox saynis-yahanno ah baa isku keenay tobban daanyeer, waxay u diyaariyeen qol; qolkaas waxay ka soo laad-laadiyeen muus, waxay kaloo dhigeen miis. Waxaa kaloo labadaa [ muuska iyo miiska ] ay qolka la keeneen tuubbo biyo qabow tuuraysa. Mid kamid ah daanyeerka haddii uu ku istaago miiska, muuska waxa uu ku gaari karaa si dhib yar. Mid kastoo kamid ah danyeerka oo isku daya inuu miiska uu boodo, si uu u gaaro muuska waxaa lagu furaa biyahaa, dhammaan daanyeerka kalenna waxaa saamayn ku yeesha biyahaa qabow. Dhowr jeer haddii ay isku dayeen waxay la kulmeen biyo qabow. Daanyeerkii inay muuska doontaan waa iska daayeen si ay biyaha qabow uga badbaadaan.
Cilmi-baadhayaashu waxay ka saareen hal daanyeer, waxayna ku soo beddeleen hal daanyeer oo cusub. Daanyeerkii cusbaa waxay ishiisu qabatay muuskii waxa uuna isku dayey inuu aado muuska, balse waxaa ku dhacday waxaanu filayn. Dhammaan daanyeerkii intii ay u midoobeen bay garaaceen daanyeerkii cusbaa, si aanu u aadin muuska. Hadda garo daanyeerka cusub waxa meesha ka dhacay lama socon ee keliya waxaa u muuqday muuskaa. Daanyeerkii isku daygii ma samayn oo waxaa u diiday sagaalkii daanyeer oo hore wayna garaaceen, wayna ka joojiyeen inuu aado dhankii muuska.
Cilmi-baadhayaashu waxay haddana meeshii ka saareen hal daanyeer oo kale waxaana lagu soo baddelay daanyeer cusub. Hadda waa labo daanyeer oo aan arag wax biyo ah iyo siddeed daanyeer oo la kulmay biyihii. Daanyeerkii cusbaa baa is-yiri aad muuska, balse dhammaan daanyeerkii baa isugu tagay oo garaacay. Xataa waxaa ku jiray daanyeerkii hore oo isaga laftarkiisa la garaacay. Balse [ daanyeerkii labada kii hore ee ku soo horreeyey meesha ] isagu ma garanayo sababta lagu garaacay iyo sababta uu daanyeerka cusub u garaacay!
Sidaas bay ku socotay in marba laga saaro hal daanyeer oo lagu soo baddelo daanyeer cusub. Ilaa laga gaaray in la baddelo dhammaan daanyeerkii biyaha qabow iyo iska caabinta la kulmay, taas waxaa bar-bar socotay in daanyeer walba oo la soo geliyo ay u midoobayeen dhammaan daanyeerka intiisa kale oo ay garaacayeen. Tobban cusub bay noqdeen oo aan midkoodna arag wax biyo qabow ah. Balse waxay sii wadeen wax ay daanyeerkii hore sameeyeen oo aanay u hayn sabab iyo xujo. Tobbankan daanyeer wax isku day ah ma samayn si ay muuska u soo qabsadaan, wax biyo ahna lama kulmin. Sababta u diiday waa wixii ay ka arkeen daanyeerkii hore oo aannu hal daanyeer kala joogin.
Dadkeenna qaarbaa sidaa ah, haddii aanay dhammaan dadkeenna maanta sidaas wada ahayn. Waayo waxaynu noqonnay ummad u nugul wax walba. Heer waxaynu gaarnay sida daanyeerka, haddii aynaan kaba liidan. Dhaqamada aynnaan sababayn karin ase aynnu awoowayaasheen ka soo gaadhnney, ee aynnu sida indhala’aanta ah u aaminsannahay waxa kamid ah takoorka dadka Gabooyaha la yidhaahdo ee aynnaan waxba ku kala duwanayn. Waxaa aynnu ka dhigannahay daanyeerkaa aan garanayn sababta isaga loo garaacay ee loogu diidey inuu muuska raadsado ee haddana kan cusub ee isku day sameeyaba garaacaya!








W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan