Koox saynis-yahanno ah baa isku keenay tobban daanyeer, waxay u diyaariyeen qol;
qolkaas waxay ka soo laad-laadiyeen muus, waxay kaloo dhigeen miis. Waxaa kaloo
labadaa [ muuska iyo miiska ] ay qolka la keeneen tuubbo biyo qabow tuuraysa.
Mid kamid ah daanyeerka haddii uu ku istaago miiska, muuska waxa uu ku gaari
karaa si dhib yar. Mid kastoo kamid ah danyeerka oo isku daya inuu miiska uu
boodo, si uu u gaaro muuska waxaa lagu furaa biyahaa, dhammaan daanyeerka
kalenna waxaa saamayn ku yeesha biyahaa qabow. Dhowr jeer haddii ay isku dayeen
waxay la kulmeen biyo qabow. Daanyeerkii inay muuska doontaan waa iska daayeen
si ay biyaha qabow uga badbaadaan.
Cilmi-baadhayaashu waxay ka saareen hal daanyeer, waxayna ku soo
beddeleen hal daanyeer oo cusub. Daanyeerkii cusbaa waxay ishiisu qabatay
muuskii waxa uuna isku dayey inuu aado muuska, balse waxaa ku dhacday waxaanu
filayn. Dhammaan daanyeerkii intii ay u midoobeen bay garaaceen daanyeerkii
cusbaa, si aanu u aadin muuska. Hadda garo daanyeerka cusub waxa meesha ka
dhacay lama socon ee keliya waxaa u muuqday muuskaa. Daanyeerkii isku daygii ma
samayn oo waxaa u diiday sagaalkii daanyeer oo hore wayna garaaceen, wayna ka
joojiyeen inuu aado dhankii muuska.
Cilmi-baadhayaashu waxay haddana meeshii ka saareen hal daanyeer
oo kale waxaana lagu soo baddelay daanyeer cusub. Hadda waa labo daanyeer oo
aan arag wax biyo ah iyo siddeed daanyeer oo la kulmay biyihii. Daanyeerkii
cusbaa baa is-yiri aad muuska, balse dhammaan daanyeerkii baa isugu tagay oo
garaacay. Xataa waxaa ku jiray daanyeerkii hore oo isaga laftarkiisa la
garaacay. Balse [ daanyeerkii labada kii hore ee ku soo horreeyey meesha ]
isagu ma garanayo sababta lagu garaacay iyo sababta uu daanyeerka cusub u
garaacay!
Sidaas bay ku socotay in marba laga saaro hal daanyeer oo lagu soo
baddelo daanyeer cusub. Ilaa laga gaaray in la baddelo dhammaan daanyeerkii
biyaha qabow iyo iska caabinta la kulmay, taas waxaa bar-bar socotay in
daanyeer walba oo la soo geliyo ay u midoobayeen dhammaan daanyeerka intiisa
kale oo ay garaacayeen. Tobban cusub bay noqdeen oo aan midkoodna arag wax biyo
qabow ah. Balse waxay sii wadeen wax ay daanyeerkii hore sameeyeen oo aanay u
hayn sabab iyo xujo. Tobbankan daanyeer wax isku day ah ma samayn si ay muuska
u soo qabsadaan, wax biyo ahna lama kulmin. Sababta u diiday waa wixii ay ka
arkeen daanyeerkii hore oo aannu hal daanyeer kala joogin.
Dadkeenna qaarbaa sidaa ah, haddii aanay dhammaan dadkeenna maanta
sidaas wada ahayn. Waayo waxaynu noqonnay ummad u nugul wax walba. Heer waxaynu
gaarnay sida daanyeerka, haddii aynaan kaba liidan. Dhaqamada aynnaan sababayn
karin ase aynnu awoowayaasheen ka soo gaadhnney, ee aynnu sida indhala’aanta ah
u aaminsannahay waxa kamid ah takoorka dadka Gabooyaha la yidhaahdo ee aynnaan
waxba ku kala duwanayn. Waxaa aynnu ka dhigannahay daanyeerkaa aan garanayn
sababta isaga loo garaacay ee loogu diidey inuu muuska raadsado ee haddana kan
cusub ee isku day sameeyaba garaacaya!
W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
Hargeysa, Soomaalilaan
No comments:
Post a Comment