Tirada Akhristayaasha Boloogga

Friday, January 11, 2019

Halkee Ka Aadnaa Halkan?


IMG_0750 copy.jpg
Waxa ay ahayd doorashadii shanaad oo ka dhacda Buntilaan, tan iyo markii la asaasay Buntilaan, muddo laga joogo labaatan sanno. In kasta oo aynu galnay sannad cusub, 2019-ka; in kasa oo aynu u joogno isbeddal weyn oo ka dhacay adduunka, guud ahaan dhanka saxaafada, gaar ahaan baraha bulshadu ku xadhiidho, sida: Faysbuugga iyo Tiwitarka, oo badi dadka Soomaaliyeed, oo u badan dhallinyaro ay ku xidhanyihiin, haddii aannay ba la qabatimin (Addictive). Balse, aan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan aannay caqliyadoodu isbeddal weyn aannu ku imaan, welina aannay baraarugin, oo aannay ka muuqan bisayl isbeddal togan doon, dadka caqliyadoodu xorta tahayna waxa ay u qaybsameen: qaar goonni joog noqday, (Isolation); oo dadka ka dhex baxay, noqdayna dal joog iyo dibed joogba iyo qaar ku dhex milmay siyaasadda dhaqaalaha iyo qabyaaladda ah, ee foosha xun, waxna ka beddi kari waayey. Doorashadii ka dhacday dhowaan Buntilaan, waxa ay soo celisay su'aalo aan weli laga jawaabin iyo su'aalo taagnaa oo ay sii murugtay. Weli dadka waxa ay isweydiinayaa: horta Buntilaan halkee u socotaa? Halkee ka timi? Yaa xil ka qaban kara? Yaase jagooyinka ugu sareeya ee Buntilaan loo oggolyahay in ay qabtaan? Sidan wax loo xulo, ma xaqbaa? Ma xulbaa? Ma xalbaa? Ma xorbaa? 


Waan ka xumahay in aan dhaho burburkii kadib iyo burburkii ka hor siyaasadda Soomaaliya waxaa hormuud ka ahaa, siyaasiyiin aan aqoon badan lahayn, karti darro-u-raacdo, tuuganimo-u-raacdo, dantiisa uun ka shaqaysta, oo aan ka shaqayn danta dadkiisa, ku shaqaysta xilka loo dhiibto, oo aan dadka ugu shaqayn, magac iyo mansab u raadsanada xilka. Dadka xaaladooduna ay ku wareegto, konton sanno in ka badan: waxbarasho xumo, caafimad xumo, nolol xumo, dhaqaale xumo, ammni-darro, caddaalad-darro, colaad iyo mustaqbal la'aan. Tani waxa ay sababtay in bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ay u qaybsamaan labo kooxood: koox yar, oo lagu tilmaamo hormuudka bulshada oo ku tanaaday hantidii ummada- kooxdani waa kooxda aan ugu yeedho Soomali burjuwaasii (Somali bourgeoisie), iyo dadka inta badan oo ku dulman dhulkoodii; dadkii hormuudka u ahaana, ay go'aamiyeen halka maanta xaaladda Soomaaliyeed taagantahay. 

Sida caalamka badankiis maanta ka jirtana, xaaladda Soomaalidu maanta waxa ay noqotay , qof raadsanaya waxa uu cuni lahaa ama aan hayn waxa uu carruurtiisa waxbarasho ku geeyo iyo qof carruurtiisii waxbarasho la'aadi waayeen dhereg iyo baruur darteed (obesity). Si fudud, Soomaaliya maanta waxaa ka jirta sinnaan la'aan (inequality) dhanka dhaqaalaha iyo sinnaan la'aan dhanka mansabka ah, waxaana ka jidha guud ahaan Soomaaliya, kala sarayn qabiil nidaam (Clan Seniority System). Soomaaliya maanta waxa ay maraysaa in xaq-darrada xaq loo arko, caddaalad-darradana caddaalad loo arko, xumaantana samaan loo arko. Soomaaliya, wakhtigan, qofka laguma xushmeeyo kartiidiisa iyo aqoontiisa, balse waxaa lagu soo dhoweeyaa qabiilkiisa iyo dhaqaalihiisa, laguma soo dhoweeyo, lagumana maamuuso daacadnimadiisa iyo run-ka-hadalka, waxaa lagu soo dhoweeyaa ninka mumaamarada hoosta ka wada, ee ka shaqaynaya musuqmaasuq iyo caddaalad-darro. 

Mar la weydiiyey caalimkii weynaa ee Ruumi: Sidee ummad u dhimataa? Waxa uu ku jawaabay: "marka ay ummudu joojiso in kala saarto sax iyo khaladka, waa dhimataa". Shaki igama jidho maanta in Soomaalidu xaaladdaa lagu dhinto ku jirto; kamana war-warweegayo in aan dhaho dadka hormuudka noo ah, badankood ma kala saari karaan, waxa saxan iyo waxa khaldan; haddiiba aanay saxdana khalad u aqoon, khaladkana sax u aqoon. Waxa aynnu ka sugnaana waa in ay noqdaan malaggii nafta ina ka qaadi lahaa, haddii aanay halistaa xal loo helin.

Haddii aan u soo laabto dooraashadii ka qabsoontay Buntilaan, waxa ay ahayd mid si goonniya loo eegaayey loona sugaayey. Marka laga yimaado siyaasi Cabdiweli Cali Gaas, in shano oo uu xil hayey, aannu qaban wixii laga sugaayey, lagana filaayey, balee iskadaa inuu qabtee, waxa uu ku fashilmay in uu wax ka qabto dhaqaalaha Buntilaan, isagoo ah dhaqaalyahan. Waxa uu Gaas laf-dhuun gashay ku noqday dawladda dhexe, ee haatan talada haysa. Gaas, marka laga yimaado waxaa kaloo doorashadan macno weyn u samaynaayey, awooddaha qarsoon ee gobolka ku herdamaya, ha noqoto dunida reer galbeed ee Maraykan hormuudka ka yahay iyo dunida Carbeed. Ugu danbayn doorashadan waxaa macno weyn u samaynaayey, musharaxiin aqoonyahanno ah, inta laga bartayna aqoon iyo karti u saaxiib, sida Dr. Cali Ciise Cabdi, oo musharax ahaa. Ninkan iyo ragga kaloo lamid ah, oo Juxe, ku jidho, waxa ay ahayd, waxa doorashadan xiisaha u samaynaya. 

Balse su'aasha taagnayd waxa ay ahayd: Madax-dhaqameedku ma soo xuli doonaan, iyagoo og xaaladda gobolka, iyagoo og muhiimada doorashadan, xildhibaano karti iyo aqoon leh? Mase waxa ay soo xuli doonaan kan dhaqaalaha sita, kan nin madax-dhaqameed u dhow, oo caddaalad-darradu halkaas bay ka sii socon doontaa? Buntilaan, ma waxay noqon doontaa meel lawada leeyahay? Mise meel lawada leeyahay, la siina kala leeyahay?- George Orwell formula. Buntilaan ma waxa ay u baahantahay reer reer beddala? Mise waxa doorkan bulshada loo dooran doonaa: yaa mudan? Yaa karti leh? Yaa hoggaamiyaha? Yaa taariikh nadiif leh? Yaa afkaar siyaasaddeed doorashda ku gelaya, oo aan ku gelayn, dhaqaale iyo markan waa markii qabiilkayga? Buntilaan dooroshiyinkii ka qabsoomay, ee tan dhacday ka horreeeyey dhammaantood waxa ay ku suntanaayeen dhaqaale iyo qabyaalad. Nidaamkaa foosha xun si looga gudbo Buntilaan, waxaa lagu rejo weynaa doorashadan hadda qabsoontay, in ay noqontoonto, tii nasakhi lahayd doorashooyinkii ka horreeyey. La moodse, noqon weyday! Doorashadii ugu danbaysay oo uu mudane Deni ku guulaystay, waxa ay qabsoontay sidii doorashooyinkii hore, ee ku dhisnaa: dhaqaale ma sidataa iyo doorkan waa doorkii qabiilkayga. Ma hayo dhaqaalaha saxda ah, oo ku baxay doorashadii Buntilaan, balse markii aan dhagaystay dadka arrimaha Buntilaan sida dhow ula socdaa, waxaa la sheegayaa dhaqaale kor u dhaafaya maalaayiin in lagu bixiyey doorashadii ka dhacday gobolkaas. Waxa ay ahayd- Guutaale ahaan kolay, wax la filanaayey in doorashadaasi noqon doonto mid musuqmaasuq hareeyo iyo mid aan qofka loo eegin: Waa kuma musharaxin? Karti ma u leeyahay xilka?

Soomaali, taariikh wanaagsan waxa ay ku lahayd madax-dhaqameedka, waxa ay ahaayeen garaadka iyo araga bulshada, waa halka Soomaali ka socon jirtay weligeed, waa madaxii ummada Soomaaliyeed. Waa asaasayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo dejiyayaasha dastuurka aan qornayn, ee kuwa aynnu qor-qoranay, ee laga soo minguuriyey ummadaha kale ka wanaagsan, marka la joogo Soomalida dhexdeeda. Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed waxay caan ku ahaayeen ka shaqaynta danta guud, horumarinta wixii Soomaali horay u dhigaya, qabashada wixii khaldan, toosinta wixii taban, in kasta oo madax-dhaqameed walba uu matali jidhay, qabiil goonniya, haddana waxaa laga sinnaa danta guud. Madax-dhaqameedkii meeqaamka joogay, oo ahaa madaxii Soomaaliyeed, waxay sku beddaleen dhowanahan majo, haddii lagu yaqaanay toosinta wixii qaloocan, hadda qaloocinta wixii dantooda ku hor-imaanaya, xattaa danta guud; haddii ay madax-dhaqameedku ay caan ku ahaayeen garasho dheer iyo mustaqbalka fog, maanta waxay caan ku yihiin dano dhow, oo aan shakhsi dhaafsiisnayn. Saaxiibkood iyo wiilkoodu waa kii lacagta haysta, xattaa, haddii uu nin xunyahay, oo dambiile ah, kii lacag haysta iyaga agtooda waa mid wanaagsan, oo xalaal ah. 

Waxa ay maanta hormuud ka yihiin, masuulna ka yihiin hoggaanka tayada xun, karti liita, ee ilaa maanta hortaagan Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan. Si kastaba, doorashadii waxa ay u dhacday, sidii caadada ahayd, oo ku dhisnayd qori-isu-dhiibka qabiilaysan (Maxamuud Saleebaan), iyo dhaqaale, ma sidataa? Inkasta oo uu sii mootan yahay muddo laga joogo toddoba sanno, oo ay ka danbeeyeen labo doorasho, oo ka dhacay Buntilaan, Alle ha u naxariistee Cabdiqaadir Aroma baa laga hayaa: "Buntilaan qof aragti gorgor leh, markuu dastuurkeeda akhriyo, waxaa hoos kaga qoran, maamulka Buntilaan nin aan Maxamuud Saleebaan ahayn, waa ka mamnuuc". Guutaale ahaan ma aaminsani nidaam bulsho ku dhaqanto baa horumar keena, ma aaminsani dimuqraadiyad qof iyo cod ah, baa horumar keenta, mana qabo horumar ma gaarto bulsho qoys u taliyaan. Balse, waxaan qabaa nidaamka dadka hoggaanka u haya, baa keena horumar ama dib-u-dhac. Balse nidaamkan qori isu dhiibka ah, ee Buntilaan ka jidha, waa nidaam musharaxiinta lagu xusho dhaqaale iyo qabiil. Taasi ma soo wado wax dan iyo xal ah, oo aan ka ahayn dib-u-dhac.

Ma ihi mucaarad ka soo horjeeda Deni, sida aannan u ahayn taageero Deni u jidbaysan. Balse waxaan ahay shakhsi kamid dadka doorashadii ka dhacday Buntilaan niyad-jab ku abuurtay, taa macnaheedu maaha Deni uma qalmo xilka madaxweyne, balse, waa qaabka wax u socdaan. Deni, waxaan qabaa in wakhti la siiyo, waxaan aaminsanahay in ficil lagu xukumo qofka. Qoraal uu hadda ka hor qoray buu Ibrahim-Hawd ku yidhi: "Xilka ama gun baad ku noqon ama gob", marka, Deni, shan sanno oo uu haysto taariikhda waxa u geli doonta: taariikh guneed ama taariikh gobeed!  Gaas waxa uu olalaha ku galay in qorshahiisa ay kamid yihiin, welibana ay muhiim tahay in la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah. Shan sanno uu xilkaa hayey, wuu ku guuldarraystay in uu doorasho hal qof iyo hal cod ah suurto gal ka dhigo, Deni, ololihiisa waxa auu ku galay doorasho hal qof iyo hal cod ah, mase qabo in uu suurto gelin karo; xattaa, haddii doorasho hal qof la gaadho waxaan aamminsanahay in foolxumo soo kordhin doonto, oo ay dadku isku nici doonaan, colaadna ay abuuri doonto, maadama bulshadu wacyigooda siyaasi aad u liito, dhaaaale xumo baahsan jirto, aqoonta dadka ay aad u hoosayso, shaqo la'aan baahsan jirto, maxkamado awood leh aannay jidhin oo xisbiyada kala saadha, guddi doorasho oo caddaalad ah, isla jeerkaasna awood leh, aanay jidhin, hay'ado ka baxi kara doorashada hal qof iyo hal cod aannay jidhin, dhaqaale doorasho lagu qabto iyo weliba xisbiyo aragtiyo siyaasadeed ku dhisan oo aan ku dhisnayn isbahaysi reer, aannay jidhin,waayo Soomali ma hayno aragti siyaasi oo kala qaybisa, aan ka ahayn aragti qabiileed. Intaa marka la isku qabto aad bay u adagtahay doorasho nadiif ah, xalaal ah, dadka isku keenta, ee aan kala geyn in ay ka qabsoonto Buntilaan iyo guud ahaan Soomaaliya. 

Siyaasada Buntilaan waxaa si fiican u qeexaya, hadal uu yidhi borofaysar reer Tansaaniya ah, oo ah: "Waxa suurto galka ah siyaasada Afrika, mar kasta maahan wax la fuliyo, waxa la fuliyo, mar kasta maaha wax saxan, waxa saxan, mar kasta maahan wax akhlaaqaysan, waxa akhlaaqaysan mar kasta mahaan wax la rabo, waxa la rabona, mar kasta maahan wax suurto gal ah.
What is logical in African politics is not always pratical, what is pratical is not always right, what is right is not always ethical, what is ethical is not always desired and what is desired is not logical.

Doorashadii Buntilaan ma jirto waxa ay kaga duwanayd, dooraashooyinkii hore ee ka dhacay gobolkaas. Cabdilaahi baa yimi, Cadaa xigay, Faroole baa yimi, Gaas baa xigay, ugu danbayn waa Deni. Buntilaan marka laga yimaado qabiilkan wax lagu xulanayo ee foosha xun, oo geedka lagu xidhay: kartidii, aqoontii iyo tayadii, waxay u muuqataa ceel saddex reer maalinba qolo ka cabayso. Inkasta oo ay qabiilkan xilka isku dhiibdhiibaya, aannay wax badan dhaamin nolosha dadka kale, waayo dad yar baa ku tanaada xilka, ee qabiil lama gaarsiiyo, ee qabiilku waa dariiq loo sii maro ceelka. Sidaas awgeed waxaan kamid ahaa dadkii aadka u dhagaystay, ee sida dhowna ula socday khudbadihii musharaxiinta Buntilaan, waxaan islahaa doorashadani waa waa tii la oran lahaa: yaa tayo leh? Yaa mudan hoggaanka? Balse, waxaan islahaa waxaa sida aad u dhagaysanayso si ka dhow u dhagaysanaya Baarlamaanka, si sannadkan lixdan iyo lixdaa qof dadka ugu ra'raan meel naq leh, oo laga sahminayo khudbadaha musharaxiinta waanse qarway, waxaan nimanka qabana waan ka doonay.

Ugu danbayn, dhallinyarada Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan, oo lagu tilmaamo tirada ugu badan dalka waa in la bilaabo halgan cusub oo hor leh, oo isbeddal doon ah, oo ku dhisan rabitaan dhab ah, si aan u helno dad ina matala, oo xilka ku qaban: qabiil iyo qarash. Waxaan filayaa, maamulada Soomaaliya ka jidha dhammaantood, Muqdisho ilaa Garoowe, Hir-shabeele ilaa Koonfur Galbeed, Galmudug ilaa Jubalaan, nimanka xilka ka hayaa, si dadban in aanay matelin shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah, shacabka Soomaaliyeed maaha kuwa dhabta ah, oo doortay. Xildhibaanku waxa soo doortay, oday madax-dhaqameed ah, oo aan u fekerayn dan guud, kuna keenay caddaalad-darro, eex iyo weli dhaqaale. Xildhibaankii oo dhaqaale laga soo qaaday, isaguna waxa uu dhaqaale ka qaaday raggii xilka madaxtinimada raadinaayey. 

Sidee, dad si ganacsi ah, siyaasada Soomaaliya ugu shaqaysanaya, oo dhaqaale lagu kala qaadanayo, ay ugu shaqeeyaan dan guud ama ugu fikiraan si guud (collectively), dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay la yimaadaan kacdoon isbeddel doon, oo lagu beddalayo waxa foosha xun, ee dalkeenna ka socda. Bernie Sanders baa yidhi: "haddii aadan aragti ku soo galayn siyaasada, ka bax". Nidaamkan maanta jidha, ee sidaa doorasho u qabanaya waa in aynu beddalnaa, haddii kale oo aynu u adkaysano qaabka wax u socdaan, wakhti dheer baynu xorriyada iyo nolol wanaagsan sugi doona. Xorriyadu maaha oo kaliya in aad ka madax-banaan tahay awood banaanka kaaga timi; balse, haddii aadan haysan shaqo xor ma tihid, haddii aadan haysan caafimaad xor ma tihid, haddii aadan haysan qof adi si dhab ah kuu matala, xor ma tihid, haddii aadan hadli karin xor ma tihid. Shacabka Buntilaan waxay ka dhiganyihiin, sidii qof Dhurwaa ku aamminay xoolihiisii, kadib markii uu Dhurwaagii cunay xoolihiina, uu qofkii yaabay, oo isweydiiyey: Muxuu Dhurwaagu xoolaha u cunay, waan aaminee. PLO formula. 

Dhallinyaradu Soomaaliyeed guud ahaan ama isbeddalka hormuud ha ka noqdaan, oo qiimihiisa ha bixiyaan ama noloshaa iyo mustaqbal la'aanta baynnu ku jidhaynaa. Waa in aynnu hormuud ka noqonaa kacdoon siyaasadeed oo nadiif ka ah: musuqmaasuq, eex, caddaalad-darro, kala sarayn, oo aynnu hormuud ka noqonaa: yaa karti leh? Yaa hooggimya ah? Yaa taariikh nadiif leh? Yaa aqoon leh?




                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                Dhaka, Bangalaadesh. 

Sunday, February 11, 2018

Xorriyadda Go'aan Qaadashada ama Iktiyaarku (free will) Ma Jirtaa?

Qofku in uu leeyahay xorriyad go'aan qaadasho ama iktiyaar (free will) oo uu wax walba sameeyo isaga oo aannay saamaynayn caqabad gudeed iyo mid dibadeed, waa waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay. Tusaale ahaan ninka geel jiraha waxa uu aaminsayahay inuu doorashadiisa uu wax walba ku sameeyo, naagta maskiinada ah ee guriga hooyadeed ama qaraabadeed bariiska ka cuntaa marka ay is-guursadaan nin ay Faysbuugga iska barteen waxa ay saaxibadeed iyo nafteedaba ugu sheekaysaa aaminsantahayna in ay doorashadeeda iyo ikhtiyaarkeeda (her free will) ku raacday ninka.
Ninka shaqo yar ka shaqaysta oo naag guursada waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisha uu ku doortay gabadhaa; ninka siyaasiga ah ee go'aan gaara waxa uu aaminsanyahay in uu isagu uu go'aankaa uu ku sameeyey doorashadiisa; ninka iyo naagta is jecel waxa ay aaminsanyihiin in ay doorashadooda isku jeclaadeen. Horta ma jiraa qof ikhtiyaarkiisa (free will) iyo dootashadiisa xor u ah oo sax ma tahay go'aanada aynnu gaarno in ay ku yimaadaan doorashadeena?
Dooda xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will) waa dood u muuqata mid sahlan ama su'aal haddii laga dhigo waxa ay u muuqataa su'aal si dhib yar looga jawaabi karo. Balse mar walba oo aad baaritaan ku samaysid, waxaad oggaanaysaa in doodaasi adag tahay ama aan laga gaarayn jawaab dhinac uun u dhacda oo innoo kala cadaysa in ikhtiyaar (free will) ay jirto iyo in aannay jirin.
Saynisyahanno badan waxa ay qabaan in aannay jirin wax xorriyad go'aan qaadasho ah ama ikhtiyaar ah (free will), waxayna go'aankaa gaareen daraasado iyo tijaabooyin kala duwan kadib; waxa ay doodoodu tahay in shay walba oo adduunka dul saaarni (physical world) ficiladiisa ay go'aamiso dhacdo iyada ko horreysay (determinism), tusaale ahaan haddii aad caag meel istaajiso kadibna aad dhagax ku tuurto, dhicida caaga waxaa sababay dhagaxa oo iyada ka horreeyey; sida oo kale dhulgariir haddii uu dhaco waxaa ka danbeeyey maatar ka dhaqaaqday halkeedii hore.
Qaammuuska Oxford kalmda saynisyahannadu ku doodayaan ee determinism waxa uu ku qeexayaa: "The belief that people are not free to choose what they are like or how they behave, becouse these things are decided by their surrounding and other things over which they have no control". Balse dadka doodaa ka soo horjeeda baa ku dhaliila saynisyahannada in aan ikhtiyaarka (free will), si saynis ah loo darsin ee loo darso qaab bayloojiya (biological). Balse qoladan danbe qudhooda waxaa xiraysa oraahda, uu yidhi filosoofka John Searle ee ah: " Human behaivor is part of the natural world".
Tusaale ahaan qofka Isaaqa ah oo dhallinyarada ah oo maanta ku dhagan goonni-isu-taaga Soomaalilaan, waxaa sababay odayaashii Isaaq ee ko horeeeyey, sidoo kale qofka Warsengeli ama Dhulbahante ee maanta raba midnimadii Soomaaliya waxa sababay odayaashii ay isku qabiilka ahaaayeen ka horreeyey, guud ahaan qabyaaladan Soomaaliya baabbi'say waxaa ka danbeeyey odaayshii hore, ee qofna ma dhalan isagoo qabyaaladiiste ah.
Peter Van Inwagen oo ah borofaysor falsafada ka dhiga jaamacadda Notre dame, isla markaasna ah cilmi-baare falsafadeed waxa uu doodiidiisa ku soo uruuriyey in ay xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) uu yahay wax aan la garanayn oo aan si dhab loo qeexi karin in ay jirto iyo in aannay jirin. John Searle oo kontan sanno in ka badan ah borofaysor falasafada ah, wakhtigana kaalinta kowaad kaga jira filosoofada wakhtigan nool, waxa ay isku dood dhowyihiin Inwagen waxa uu arkaa xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarku (free will) nooc dhibaato ah.
Waxa uu ku doodayaa in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga haysto xorriyada go'aan qaadashada ama ikhtiyaarka (free will), aragti walbana ay xoojinayaan cadaymo, balse aannay jirin mid la dooran karo, waxa ay doodiisu ku soo uruuraysa in ay jiri karto xorriyad go'aan qaadasho oo qofka ama ay noqon karto Khiyaali (Illusion) iyada oo loo eegayo xaaladaha.
Roy Baumeister oo borofaysar Phychology ah jaamacadda Florida State waxa uu qabaa in ay jirto xorriyad doorasho (free will) oo ay tahay nooc kamid ah dabeecadaha ay maamulaan soona saaraan dadku, waxa doodiisa ku soo uruurinayaa in doorashada go'aanka ama ikhtiyaarku ay kamid tahay waxyaalaha asaasiga ah ee dadka.
Cilmi baaraha u dhashay dalka Maraykanka Josoph Price waxa uu ku qeexay ikhtiyaar (free will): "awooodda uu qofku ku doorto in uu shay ku qabto ama iska daayo isagoo aannay haysan caqabad gudeed iyo caqabad dibaddeed". Sidoo kale waxaa qeexid taa ka duwan siinaya qaammuuska Oxford, in kasta oo filoosoforo badan diidanyihiin qeexidaa, balse haddii aynnu qeexidan qaadano, badanka dadku waxa ay noqonayaan kuwo aan doorasho iyo ikhtiyaarkooda (free will) aan go'aan ku gaarin.
Filosofooro kale baa iyanna qaba in aannay jirin wax xorriyad go'aan qaadasho ah ama ikhtiyaar (free will), Charles Darwin waxa uu ku dooday in aannay dadka baarin ujeedooyinkooda ay wax u qabanayaan; isla jeerkaasna ay wax iska qabtaan iyagoo aan ka fekerin. 1838-dii, Darwin waxa ku dooday in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo tahay dhalanteed (Delusion). Tusaale ahaan maanta haddii aad waydiiso arday jaamacad dhigta sababta uu jaamacadda u galay iyo weliba qaybta uu ka doortay waxa uu u doortay, si kuu qanciyo buu qofkaasi waxa uu kuu soo tirinaya sababo, balse xaqiiqdii been ah amaba runtuu kuu sheegaya oo waxa uu ku oronayaa waan iska galay ama caqabad gudeed ama dibaddeed oo ku riixday buu kuu sheegaya.
Filosoofkii Spinoza ma aaminsanayn in ay jirto wax ikhtiyaar ah oo uu qofku leeyahay, waxa uu ku dooday oo yidhi: "cunugga yar waxa uu aaminsanyahay in uu ikhtiyaarkiisa ku cabo caanaha naaska hooyadii ama caanaha la siiyo, kurayga ciishooda ee aan waxba ka fiirsan (hot-headed) waxa uu aaminsnyahay in ikhtiyaarkiisa (free will) uu ku aarsaday (vegeance), ninka iska hadla oo ku dhaco xanuunka loo yaqaan darandooriga ee uu qofku iska hadlo (delirious) iyo naagta isku daranta oo uu ku dhaco isla xanuunkaasi (garrulous) waxa ay aaminsanyihiin in ay ikhtiyaarkooda ku hadlayaan, iyaga oo aan awoodayn in ay hadalkooda haystaan ama aamusaan; wax xorriyad doorasha ah ma jirto, waa dhalanteed (illusion)".
Cilmiga lagu barto habdhiska dareen wadayaasha ama dareemayaasha jidhka (Neurobiology) ayaa cadaynaya in aannay jirin ikhtiyaar (free will) dhammaystiran (absolute freedom), qofkana labo waxyaabood baa noloshiisa saamayn weyn ku leh, sameeyana inta badan noloshiisa: kow, cunsurka hidasidayaasha qofka (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (Environment factor), tusaale ahaan ma jiro qof doorta nooca jinsi oo noqonaya, adigu inaad naag tahay ama inaad tahay nin waa lagu dooray oo wax go'aan ah kuma lihid, qawmiyadda aad ka dhalatay adigu ma dooran ee waa laguu dooray, dhiigaagu nooca uu yahay waa laguu dooray, balse adigu ma dooran, hooyada iyo aabbaha ma dooran, reero faqiir ah iyo reer taajir ah inaad ka dhalatay, adigu ma dooran ee waa laguu dooray.
Inaad madowga sharka ah tahay ama inaad tahay midabyada kale waa laguu dooray ee adigu ma dooran, inaad nin dheer noqoto ama gaabnaanta masiibada ah adigu ma dooran ee waa laguu dooray, guud ahaan qaab dhismeedkaaga iyo cidda aad tahay: qabiil ahaan iyo qowmiyad ahaan waa laguu dooray wax xorriyad doorasha ah kuma lihid, inaad sidaas aqbashana waad ku khasban tahay oo wax ikhtiyaar ah ma lihid.
Waxadan kaloo aadan dooran deegaanka aad ku dhalanayso, afka lagaga hadlo, asalka dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin. Qofku labadaa arrimood oo aynu kor ku soo xusnay baa noloshiisa saamayn weyn ku yeesha, aqoonyahanno badan iyagoo taa ka duulaya go'aan walba oo uu qofku gaaro waxa ay sabab uga dhigaan saamayn banaanka kaga timid ama mid gudeed oo deeggaankiisa ka dhaxlay oo uu ku khasbanyahay. Tusaale ahaan adoo meel iska fadhiya oo aan dagaal diyaar u ahayn, baa nin candhuuf kugu tufay, kadib baa la dagaalantay nabar xuna gaarsiisay. Dhibta iyo dagaalka waxa kugu khasbay waa saamayn banaanka kaaga timid.
Labadaa arrimood ee abuurka qofka iyo hidesidyaashiisa (genetic factor) iyo cunsurka deegaanka (environment factor) marka laga yimaado diimaha samaawigu, khaasatan diinta Islaamku waxa ay qabtaa: in qofka loo qoray risiqiisa, janno iyo naar waxa uu ku danbayn doono, mid hooga iyo mid wanaagsan iyo inta uu noolaanayo (cimrigiisa) marka qofka intaas loo qoray aqoonyahannadaasi waxa ay ku doodaan in aannay jirin wax ikhtiyaar ah (free will) oo uu qofku leeyahay.
Aqoonyahanno badan oo ku kala aragti duwan doorashada in qofku wax walba uu ikhtiyaar (free will) u leeyahay baase isku raacsan in aannu qofna dooran, maamulina karin aragtiyaha ku soo dhacaya maskaxdiisa, tusaal ahaan filosoofkii reer Jarmal Nietzsche waxaa uu leeyahay: "A thought comes when "it" wants, not when "I" want". Waxa sidan ku raacsan filosoofkan reer Jarmal, Dr-Yasir Fazaga oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ah darsa, kana mid ah aqoonyahanka wax ka jeediya muuqaal baahiyaha, faafiya dacwada Islaamka ee Peace TV.
Garaadka dahsoon iyo go'aan qaadashada.
Garaadka dahsoon (subconscious) waxa uu dowr ka qataa go'aanka qofka, balse waa in marka hore garaadkaas lagu quudiyaa xog badan, tusaale ahaan ilmo yar haddii aabbihii garaaco ama hooyadii garaacdo go'aanka uu garaadka dahsoon siin karo waa in ooyo uun, balse ma garan karo ka carar oo guriga ama magaalada uga tag, waayo weli garaadkiisii xog badan kuma jirto. Saysnisyahanka saxafiga ah ee Malcolm Gladwell buuggiisa "Blink", waxa ku jira sawir soo jiidasho leh oo ka turjumaya waxyaalaha muhiimka ah iyo waxyaalo adag oo garaadka dahsoon qaato labo daqiiqo gudahood, iyadoo aannay maskaxdeennu go'aanka ka qayb gelin.
Garaadka dahsoon ee qaadanaya go'aano masiiri ah, iyadoo maskaxda aannay ka qayb qaadan go'aanada waxa ay la mid tahay diyaarad aannan duuliye wadin, maanta waxa aynnu aragnaa diyaarad aannan duuliye wadin, taas macnaheedu waa in garaadka dahsoon uu gaaro go'aan bilaa duuliye ah oo aannay maskaxda ka qayb qaadan. Tusaale ahaan haddii aad nin doob ah aad tusto sawirro qaawan oo rag iyo dumar ah isugu jira, markiiba ninku waxa uu isha la raacaya sawirka dumar, uma baahna in uu ka fekero, waayo garaadka dahsoon baa go'aaminaya, naag gashaanti ah oo nin doon ah haddii sawiradaa iyadana la tuso isla daqiiqadiiba waxa ay indhaheedu aadayaan sawirka ragga uma baahna ka feker iyo go'aan laga fiirsado.
Dhakhtarka cilmi nafsiga ee la dhaho Ed de Haan waxa uu lee yahay: "aad bay mararka qaar u wanaagsantahay in aynnu samayno go'aan dhaqaale oo muhiim ah, sida in aynnu iibsano guri iyada oo aannay maskaxdeennu ka fekerin.
Borofaysorka jaamacadda Harvaard Daniel Wegner oo ah dhakhtar cilmi-nafsi tijaabooyin badan oo uu sameeyey waxa ku ogaaday in aannay jirin wax ikhtiyaar oo doorasha oo uu qofku leeyahay oo ay tahay khiyaali; garaadka dahsoon waxa uu sameysaa go'aano wax ilbiriqsi ka yar, kuwaas oo salka ku haya dhacdooyinka inna sameeya, habka go'aaminta waxaa saameeya habkii maskaxdeena loo soo barbaariyey iyo wixii aynnu soo baranay. Isbeddalka baaxada leh ee ku socda deegaankeenna waxa ay ka dhigan tahay in aan la sadaalin karin nolosheenna, habka maskaxdeennu u korayso iyo deegaanka aynnu ku noolnahay waxyaabaha aynnu ka dhaxlayno waxa ay ka dhigan tahay in aynaan lahayn xorriyad doorosho oo dhammays tiran (complete free will) weli waxa aynnu aaminsanahay in aynu si joogta ah u samaynayno doorasho xor ah, waxa aynuna ku tilmaanaa ikhtiyaar (free will) waa khiyaali, sidan waxaa yidhi, Wegner.
Waxyaalaha muuqda (physical) iyo go'aan qaadashada.
Cunsurka waxyaalaha muuqda (physical factor) ayaa saamayn wayn ku leh go'aan qaadashada qofka, sida heer-kulka (temperature) iyo iftiinka (light) tusaale ahaan dagaalo si qiiro ah loo qaaday ama dagaalo qiireed gardarro ah oo dhacay waxay dhaceen xilliga xagaaga ah ee kulul (hot summers) daraasad lagu sameeyey 2,131 dagaal oo dhacay 3,500 sanno ee ugu danbeeyey waxa ay dhaceen xilli xagaa ah, dagaaladasina waxa ay ka dhaceen koonfur iyo waqooyi; halka waddanada u dhow dhul-baraha (equator) aannay saamayn xilliyadu. Dhammaan dagaalada waxaa go'aamiyey xilliga xagaaga ee kulul ee wax saamayn ah kuma lahayn doorasho iyo ikhtiyaarka bulshada.
Iftiinka ayaa isna saamayn ku leh go'aankeenna, tusaale ahaan haddii lammaane isqaba ninku jecelyahay in iftiinka ay wax walba ku dhammaystaan, gabadhuna ay jeceshahay in hawlahooga mugdiga u raaciyaan, haddii khilaaf dhaco ay isku fahmi waayaan kadibna uu qoyskaasi burburo waxaa saamayn dibadeed ku leh iftiinka, oo qoyska kala diray.
Deegaanka iyo go'aan qaadashada.
Go'aannada dadka waxaa saameyn weyn ku leh, deegaanka ay ku noolyihiin. Tusaale ahaan qofka maanta Soomaaliga ah waxaa la yaab ku noqonaya nin shukaansanaya nin kale iyo naag doonaysa naag kale, haddii qof Soomaali ah la yimaado dhaqankaasna dhammaan hal meel baa looga soo wada-horjeensanayaa; halka waddanada qaar uu ka yahay go'aan caadiya. Sidoo kale in qof Soomaali ah uu suuqa qaawanaan ku maraa, in dadka dhexdooda wax ku cunaa, in gabadh suuqa dhexdiisa isku qabsadaan oo isku dhunkadaan, in naag isqaawiso dhammaan bulashada Soomaaliyeed ka yeeliso, qofka garaadkiisu shaqaynayona taas ku dhici maayo, halka waddanada qaar ay caadi ka tahay, sababtu labada bulsho baa kala duway go'aanadooda ay gaarayaana waxaa saamayn ku leh deegaanka.
Tusaale kale, ninka reer galbeed haddii gabadh guursanayo isaga oo aan sabab isweydiin waxa uu ka beddalaa magaca, kadib marka uu guurku dhaco, go'aankaas waxaa saamayn ku leh deeganaaka; sidoo kale haddii nin iyo naag Soomaali ah is shukaansadaan ninka gabdhaha doonaya, gabadha ma dooni karto, go'aankaas waxaa saamayn ku leh deegaanka.
Xorriyada go'aan qaadasho ama iktiyaar (free will) iyo xanuunada maskaxda.
Xanuunada ku dhaca maskaxdu waxa ay keenaan in ay beddalaan xaalada caadiga (normal) ah ee qofka; qofka maskaxda ka jiran ma awooddo in uu xakameeyo ficiladiisa. Tusaale ahaan haddii hooyo waayeel ah xanuun maskaxda ka haleelo diin ahaan wax waajibaad ah oo saaran ma jiraan, waayo maskax ahaan ma fiyoobo. Dalka Holland sharciga dambiilaha (criminal Law) qofka maskax ahaan jiran wax danbi ah ma leh, dalal badan oo kale qofka maskaxda ka jiran waxba looma raaco. 2003-dii guri kalkaalisooyin, haweenay siddeetan iyo kow jir ah, oo la dhibtoonayd xanuun dhanka maskaxda waxa ay dishay wiilkeedii oo siddeed jir ah, kaas oo isna xanuun dhanka maskaxda ah la jiranaa.
1981-dii John Hinckley ayaa isku dayey in uu shirqool ku dilo madaxweynihii Maraykan ee Ronald Reagan; 2003-dii Mijailo Mijailović ayaa dilay wasiirkii arrimaha dibedda ee Swedan Anna Lindh, dilaagu waxa uu aaminsana in Ciise ku amaray dilkaa uu gaystay. Dad musliim ah baa jira oo iyagoo maskaxda ka jiran dhibaato u gaysta dadka kale iyagoo aaminsan in Eebbe sidaa ku amray. Dhammaan dadkaas aynnu soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waa dad maskax ahaan u jiranaa.
Qofkasta oo garsho leh waxa uu aaminsanyahay in aannan waxba loo racayn oo aannu rabitaankiisa waxba ku samayn qof la ildaran xanuun maskaxeed. Tusaale ahaan nin maskaxda ka jiran haddii uu ilmo yar dhib u gaysto rabitaankiisa kuma samayn. Sidoo kale haddii hooyo iyo aabbo labaduba sigaarka cabaa ay dhalaan wiil xanuun maskaxda ah qaba, hooyadaasna iyadoo sigaarka cabta haddana ay nuujiso wiilkaa yar, markii uu weynaado dhibta uu gaysto ma isaga ka masuula oo ikhtiyaarkiisa iyo doorashadiisu ku qabtay, mise waalidkaa khaldan?
Haddii aabbo qaba xanuunka dilaaga ah Aids-ka haddii uu guursado naag maskiin ah oo aan ogayn, marka ay gabdhii uur qaado iyada iyo ilmahadeena ay qaadan xanuunkaas, gabadhiina xanuun maskaxda ah ha leelo, kadibna nacayb dartii xanuunkii u sii faafiso, ma aabbaha khaladka leh, ma dawladda mise naagtaa?
Ugu danbayn dooda jiritaanka xorriyada go'aan qaadasho (free will) wax jawaab ah lama gaarin, daraasado iyo tijaabooyin la sameeyey baa muuninya in aannay jirin wax xorriyad ah, qoloda ku doodaysa in ay jirto xorriyada iyanna waxa ay soo qaadanayaan cadaymo. Robert Lawrence Kuhn oo soo saara barnaamijka "Closer to truth", ayaa baaritaan badan ku sameeyey arrintan waxa uu la kulmay aqoonyahanno, filosoofaro, dhakhaatiir cilmi-nafsi, cilmi-baarayaal iyo aqoonyahannada sayniska qaybohooda kala duwan, welina uma soo bixin jawaab xaqiijinaysa jirtaanka xorriyada go'aan qaadasho ama ikhtiyaar (free will) iyo sidoo kale in aannay jirin; sidoo kale borofaysor Dick Swaab buuggiisa "we are our brains", waxa uu kaga hadlayaa cutub dhan jiritaanka xorriyada go'aan qaadashada (free will) in kasta oo uu cadaymo badan soo qaadanayo oo uu ku diidayo jiritaanka xorriyada go'aan qaadashada, haddana doodiisa weli maaha mid lagu qanci karo ama dhammaystiran.



                             W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan

Saturday, February 3, 2018

Xirida Maskaxda.

Adduunkan aynu ku noolnahay waxaa ka buuxo siro badan oo aan weli daaha laga qaadin, noolayaal iyo awooddo kale kuwaas oo innoo saameeya si kala duwan; waxaynu ku noolnahay adduun waxa aynu ognahay ay ka badan tahay waxa aynaan ogayn; adduun waxa ina saameynaya oo aynu ognahay ay ka badan tahay waxa ina saameeya oo aynaan ogayn. Adduun aan qofna sugayn qofka is-tagana, aadanahu uu halkiisa kaga tagayo, waa sababta aynu maalin walba u aragno dad maskaxdooda (intellectual) ka shaqaysiiyey oo daah furaya (discovery) noolayaal, awooddo iyo siro si kala gedisan inoo saameeya ama waxayba ogaadaan waxaynaan ogayn oo si toos ah ama si dadban u sameeye adduunkan aynnu ku noolnahay.
Haddii ay sidaas tahay waxa aynu taaganahay bilowga wadada aqoonta, aqoonta innoo kala sheegaysa waxa ina anfacaya iyo waxa halista ina ku ah ama halis ku ah adduunkan aynu ku noolnahay. Balse qarnigan kow labaatanaad oo aynu maanta joogno marka la barbar dhigo qarniyadii kowaad, labaad iyo saddexaad waxaad ogaanaysa in aynnu wax badan ka ogsoonahay dadkii noolaa qarniyadaa hore.
Dhowr qarni ka hor dadku waxa ay aaminsanaayeen in aannay biri duuli karin, balse taas waxaa la beeniyey marka diyaaradi duushay; diyaarada oo ka samaysan biro. Cumar binu Khadaab haddii maanta dib loo soo noolaysiiyo waxa uu la ashqaraari lahaa horumarka baaxada leh oo aadanahu gaaray. Hase ahaatee mar walba cilmiga waxa aynnu ka ognahay wax aad u yar; qofka wax akhriya, baadhaa ama wax dhigtaa baa ogaan kara in mar walba oo uu wax ogaado uu qofkaasi ogaado in aannu waxba ogayn. Eebbe baa inoo sheegaya in cilmiga wax yar la ina ka siiyey, waxa uu Eebbe aayad ku leeyahay:
وما أوتيتم من العلم إلا قليلا.
Hasa yeeshee horumarka aadanahu waa joogto. Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo baxaya wax cusub oo aan horay u jirin ama wax jiray oo wax laga beddalayo. Waxaana la keenayaa fikrado cusub; waxaana khadka laga saaraya fikrado duug ah. Waxaa is beddalaya cimilada adduunka, waxaa is beddel weyn ku imaanayaa dhulka, waxaa is beddalaya aqoonta dadka; waxaa is beddalaya waxa la xirto, la raaco ama la cuno. Waa tii uu lahaa abwaan Axmed Siciid "Tafe" oo saaxiibkii u jawaabaya:
Biraha moodharada ah, kolay ku tahay ama banaadiiqda 
Beryo wixii la haystoba, khalqigu wuu beddelayaaye.

Deegaanka qofku ku noolyahay waxa uu dowr weyn ka qaataa hab-fikirkiisa, hal-abuurkiisa iyo qaab nololeedkiisa. Haddii qofkaasi la yimaado qaab fikir ka duwan sida dadkaasi u fakaraan degaanka ku xeeran baa marna la safta qofka oo wakhti siiya, marna dadka caburiya qofka oo ku sheega waxan uu wado waxaan shar mooyee wanaag soo wadin.
Horumar dhaqaale, aqoon, fikir, xadaarad, hub iyo wixii la mid ah in la gaaro waxaa jira wax caqabad ku ah; waa caqabad wax walba oo dadkan anfacaya afka qabata inta ay qaban karto. Waa dadka qaarkii oo markaa awoodda gacanta ku haya ama bulshudu ku xiran tahay, kuwaas oo qof walba oo ka fikir duwan ama fikir cusub keena cunaha qabta, qofkaa fikirka keenayna dila, xira ama u hanjaba. Dadka qaarkii waxa ay ku doodaan in marka bulshadu wax qabantinto in sida looga beddela ay adag tahay. Tusaale ahaaan dhammaan ergadii uu Eebbe soo diray fariintii ay ula yimaadaan dadkii loo soo diray waa ku diidi jireen, waxayna noqon jireen qaar la dilo, la xiro ama loo hanjabo ka hor intaanay ka gudbin caqabadaa.
Qarnigii lix iyo tobnaad wixii ka horreeyey dunida reer galbeedka waxaa awood ku lahayd kaniisadda; kaniisaddaanna wax walba maamuli jirtay, loona dabo-fadhiisan jidhay. Tusaale ahaan haddii suunaami dhaco waxaa wax laga weydiin jiray kaniisadda, kaniisadduna waxa ay oran jireen sida caadada ah waa cadho Eebbe; haddii uu qof xanuusado kaniisaddaa wax laga weydiin jiray; kaniisadduna sidii caada ahayd waxa ay odhan jirtay waa imtixaan Eebbe, ee iska samir.
Waxaa kaloo jiray boqoro kaniisadda aan ka madax banaanayn oo lahaa awood; mararka qaarna waxaaba la gaarsiin jiray in la dhaho boqorka Ilaahay baa doorta. Kaniisadda oo wax walba xukunta oo awoodda oo dhanna gacanta ku haysaa baa waxaa soo baxay waxgarad badan iyo aqoonyahanno la yimid wax markaa ku cusbaa dadka, oo ah aqoon; ahaanna xaqiiqo iyo cilmi maanta la isticmaalo, hase yeeshee kaniisaddii waa u dulqaadan weyday waxayna kala hortimid dagaal aan kala joogsi lahayn.
Ummad aan gorfeyn iyo lahayn goobo, lagu doodo
Dhaqankeedu waa guul wadiyo, geeso wada fiiqe.
Cali Ileeye.

Qarnigii lix iyo tobnaad filosoofkii u dhashay dalka Talyaaniga Galileo kadib daabacadii buuggiisa "The Dialogue of the two world systems", waxa uu siday aragtida ah in dhulku qorraxda ku dul wareego. Balse wadaadadii wakhtigaas inta ay qabteen bay xireen waxa lagu khasbay in uu aragtidaa ka laabto haddii uu rabo in uu naftiisa badbaadiyo, waa uu yeelay, waxaanna uu yidhi: "sida kitaabka Eebbe ku qoran [Injiilka] ayaa sax ah, qorraxda ayaa dhulka ku dul wareegta, anigana shaydaan ayaa i duufasday oo wax hadalka Eebbe khilaafsan afka ii geliyey".
Filosoof Galileo waxa uu ahaa saynisyahan cilmiga xiddigiska iyo meerayaasha (astronomer). Cilmiga sayniska ee aadanahu ku tanaaday oo laa'intii horumarka aadaahu qabyo ahaan lahaa baa wakhtigaas ninkaa fakeray oo cilmiga xanbaarsanaa lagu lahaa ka noqo fikirkaas baadida ah, waxaad keentay bidco (heresy), lamana dhagaysanayn. Sidoo kale 1600-kii Giordona Brundo waxa uu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay aragtida Copernican view, inta la soo qabtay baa la xidhay waxaana lagu eedeeyey bidcinimo (Heresy) iyo caasinimo (impiety) waana la dilay.
Aqoonyahannadan labada ah keliya ma ahayn, sidoo kale waxaa dilal, hanjabaad, handadid iyo aflaagado la isugu daray aqoonyahanno kale oo wakhtigaas noolaa; halka qaar kalenna afkaar muhiim ah oo aqoon ah hayey iska haysteen lana dhinteen.
Filosoofkii Faransiiska ahaa Pierre Abelard baa ku calaacalay: "Allaa og inta jeer ee aan ku fekeray quus aan joogay, in aan ka qaxo dhulka masiixida, oo aan aado dhulka cawaanta si aan halkaa nabad ugu noolaado, jisyana isaga bixiyo, si aniga oo masiixi ah aan ugu dhex noolaado cadowga masiix".
Dhammaadkii qarnigii todaba iyo tobnaad iyo bilowgii qarnigii siddeed iyo tobnaad waxaa uu filosoforadii reer Yurub u ahaa qarnigii filosoofada (Philosophical movement), ama sida taariikhda u gashay qarnigii dhaqdhaqaaqii enlightenment waxa kaloo uu ahaa xilligii sababaynta (Age of reason) waxa xilligaas soo baxay raggii cuslaa ee aqoonyahanka ahaa, sida: John Locke oo loo yaqaan aabbaha libraaliyada (Father of liberalism) Locke waxa uu kamid ahaa raggii ugu cuslaa wakhtigaas, Descartes, Newton, Galileo, Giordona Brundo, Immanuel Kant dhammaan raggani iyo raggii la midka ahaa waxa ay diideen in la daba saocdo caadooyiinkii hore (Traditional) waxayna sideen fariin ah in wax walba la sababeeyo.
Filosoofer Immanuel Kant oo raggan culus ee isbeddalka Yurub ka dhaliyey kamid ahaa, ayaa qarnigii siddeed iyo tobnaad waxa uu qoray maqaal (Essay) uu kaga hadlaayey su'aasha waa maxay enlightenment/ what's enlightenment? 
Waxa uu ku sheegay in ay tahay qofku in u fekero si xor, isaga oo aan cabsi ku jirin, in uu ku dhiirado inuu xujayn karo, su'aalo la imaan karo qofku iyo IWM.

Dhowrkaa qarni oo aad loo cabudhinaayey, si toos ah iyo si dadban aqoonyahankii reer Yuhub qarnigii siddeed iyo tobnaad iyo kii sagaal iyo tobnaad oo ku beegnayd 1760-kii ilaa 1860-kii loollan dheer iyo dagaal u dhaxeeyey kaniisadda iyo aqoonyahanka waxaa guulaystay aqoonyahankii. Sababtanna Eebbaa innoo sheegay in waxa dadka anfacayaa ay waari doonaan, baaqina ahaan doonaan, halka waxa aan nafta lahayn si kasta oo uu awood u leeyahay laga guulaysan doono. Eebbe waxa uu aayad ku yidhi:
وأما ما ينفع الناس فيمكث في الأرض.
Wixii dadka anfacayana dhulkuu baaqi ku sii ahaan doonaa.

Guushii ay keeneen raggaas aqoonyahanka ah baa u horseeday maanta dunida Yurub inay ku noolaadan nolol aad u sareysa; nolol aqoomaysan; nolol dadku wada-noolaan karaan iyagoo kala aragti, diin, deegaan iyo dhaqan duwan. Caqligii markii la furayna waxaa soo baxay cilmiyo iyo horumar dhinacyo badan laga gaaray. Adaan ku weydiiyee: haddii laga guulaysan lahaa aqoonyahankii la cabudhinaayey, la dilaayey, loo diidaayey inuu fekero si uu cilmi bulshada ugu soo kordhiyo ama wixii aan cilmi ku dhisnayn khadka laga saaro, ma suurto geli lahayd horumarka maanta aadanahu ku tanaadayo?
Qarnigii sagaalaad laga soo bilaabo maskaxda muslimiinta waxaa lagu dhiirigeliyey in ay naqliga ka hor mariyaan maskaxda, maskaxdii muslimiintana quful baa lagu jabiyey, fekerkii iyo hal-abuurnimadiina baadi lagu tilmaamay, sidaas bay uga mid noqdeen duunyada kadib markii caqligii la xiray.
Laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa maanta waxgaradka iyo aqoonyahanka muslimku waxa ay ku noolyihiin cabsi. Waxaa la yaab ah marka laga yimaado dadka caadiga ah ee nolosha wanaagsan u raadsanaya dunida reer galbeedka in aqoonyahankii muslimku ee waaqicigoodu sareeyey laga baacsaday dalkoodii oo ay maanta masaafuris ku yihiin dunida reer galbeed. Kaaga darane waxa ay haystaan xoriyad ay kaga hadli karaan wixii ay rabaan! Soo cajiib maaha.
Dalalkoodiina waxaa loo diiday in ay fekeraan, hal-abuur cusubna la yimaadaan. Waxaa lagu addoonsaday inay Shaafici, Maaliki, Ibnu Taymiya, Maxamed Cabdiwahaab, Xanbal, uu ku ekaa xilligii caqligu, ayna waajib tahay in raggaas qaabkii ay wax u fahmaan loo fahmo, diinta loo qaato, caqligana loo adeegsado in raggaas lagu raaco; caqliga iyo naqligana uu horreeyo naqligu.
2-December-1949-kii waxaa la dilay asaasihii ururka ilaa maanta jira ee Ikhwaan Muslimiinka Xasan Al-Banna, Xasan markaa la dilayo waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aqoon iyo firfircooni ku jirtay; Sayid Qudbi oo ay saaxiib ahaayeen waxna soo wada barteen Xasan Al-Banna oo ahaa mufakir: dood, qoraal iyo cilmi baarid ku xeel dheeraa, laguna tilmaami jiray in uu safka hore kaga jiro aqoonyahanka qalinkiisu, qoraalkiisu iyo doodiisuba ay samayn leeyihiin, waxaa la mariyey afkaartiisa awgeed xarig, jirdil iyo ciqaab aan yarayn.
Sayid Qudbi waxa uu ahaa aqoonyahan kulmistay labo cilmi: diini iyo maadi, taa waxaa u raacday in uu kulmistay labo xadaaradood iyo labo deegaan oo aad u kala dhaqan, dabci, aqoon, fikir, siyaasad iyo dhaqaale duwan waa dalkiisa hooyo ee Masar iyo weliba dalka Maraykanka uu waxbarasho u aaday sannad ka hor dilkii aqoonyahankii ay saaxiibada ahaayeen ee Xasan Al-banna; Qudbi markii uu soo noqday dalkiisa hooyo waxa uu la kulmay bahdil, xadhig iyo ciqaab uu kaa kulmay jeelka.
Toban sanno in ku dhow oo uu xirnaa, sii dayntiisa kadib waxa uu qoray buugga marka labaad uu jeelka u galay ee naqdinaya qaab bulsheedkii dunida muslimka ah, waa buugga: "Macallim cala Dariiq". Sayid Qudbi aakhirkii waa la dilay. Qoraaladiisa cadhada, ciilka ay ka muuqato dadka qaarkii waxa ay u sababeeyaan silicii uu kala kulmay jeelka.
Labadan nin keliya ma ahayn boqolaal aqoonyahan baa afka la qabtay, kuwo kale waa la xidhay, kuwa kale noloshooda caadiga ah bay iska wateen iyagoo duruufaha qaar oo jiray tixgelinaya.
Qarnigii labaatanaad markii ay uu soo baxay khadka wax lagu daabaco dalka Sacuudiga waxaa laga soo saaray fatwo lagu xaarantinimaynayo khadkaas, iyadoo ujeedku ahaa in ay khaldayso daabacada quraanka; tan keliya ma ahayn ee wax walba oo horumar oo la gaaray dunida muslimiinta waxa ay ka ahayd xaaraam iyo waxaan diintu oggolayn. Dadkana waxaa loogu sheekayn jiray welina loogu sheekeeyaa gaalo adduun baa la siiyey, muslimna aakhiro. Ninka sidaas leh waxa uu rabaa inuu diin faafiyo, adaan ku weydiiyee nin leh sawirku iyo kaamiradu waa xaaraan wax ma sheegi karaa nin dayax gacmeed sameeyey, diyaarado aan cidi wadin soo saaray, gujis badda hoosteeda maraya wata?!
Ma jiro maanta hal wadan oo muslim ah oo adduunka: waxbarasho ahaan, akhris ahaan, qoraal tayo leh ahaan, warbahin ahaan, wax-soo saar ahaan iyo hub ahaan safka hore kaga jira, Turkiga oo Yurub ku yaala oo xoogaa dedaalaya marka laga yimaado dhammaan dunida muslimka ah qafil baa lagu jabiyey maskaxdii muwaadiniinta muslimiinta.
Waxa ay ahayd kitaabka Bukhaari in aynu ku dhaqano, balse sida bukhaarka adduunka ula tartano. Balse taasi ma dhicin, oo weli waxa aynnu noolnahay nolishii baadiyaha ee uu noolaa Bukhaari. Dunida muslimka maanta waxaa ka jirta jooji fekerka, ha isweydiin wax su'aal ah, dhagayso oo adeec. Inta la ogyahay quraanka iyo xadiiska nebiga (SCW) baa waxyi ah oo qofka wax ka qaadan karaa, qarniyadaa aynu soo tilmaanay waxaa soo biiray caalim hadalkii in laga dhigo wax lama taabtaan ah oo ay tahay in sideeda loo qaato. Iyada oo taa laga duulayo dunida muslimka waxaa waajib lagaga dhigay inaanay idhohooda quraanka ku fahmin, balse qaabkii Ibnu Taymiya iyo Maxamed Cabdiwahaab iyo caalimiintii la midka ahaa ee ay wax u dhigeen in sideeda loo qaato.
Dhibta ugu weyna waxa ay timi, marka fikirkii raggaas ee diinta laga dhigay la keenay dalal ay ku noolaayeen dal si walba uga duwan oo laga dhaqan geliyey. Waxaa kaloo la soo raray qaabkii ay diinta u fahmeen. Maanta dunida muslimka ah waxaa ka jirta: sidaa diinta u fahan, su'aalahaasi waa xaaran ha isweydiin, waxaas iyo waxaas ha ka hadlin, waxaas iyo waxaas waxba ha ka baadhin, sidaa u soco, sidan u qosol, sidaa wax u arag, waayo dhammaan sidan waxaa wax u arkay culimo noolaa qarniyadii dhexe.
Taasi waxa ay keentay in maanta dunida muslimka keli keli iyo si jamac ahba looga baxsado oo la aado dunida reer galbeedka. Waayo qofku dabeecad ahaan kuma noolaan karo meel afka la is-hayo, maskaxda loo diiday in ay fekerto, oo aannay ool wax xoriyad ah. Dhibta ugu weynina waxa ay ku dhacday aqoonyahankii yidhi, sidan laga wanaagsane aynu adduunka la tartano oo wax iska beddalno. Qofna loo sheegi maayo waxa ku dhacaya Salmaana Cawda, in uu ku noolyahay xaalad aad u adag, xoriyadiisiina laga qaaday. Muffakar Cabdiraxmaan Bashiir in aannu soo booqan karin dalkiisa. Boqolaal kale baa masaafuris ku jooga dalal aan dalkoodii ahayn.
Hadraawi baa laga hayaa:
Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli.

Soomaaliya oo ah dalalka ugu badan ee afkaaraha diinta lagu tijaabiyo aqoonyahankii fekeraayey in uu joogo ma soo dhowaan, kii baacsadayna isna intuu dunida u baxay buu halkaa ka bilaabay inuu ka wado maskax xirida. Xaqiiqdii xaalad adag baynu ku jirnaa, xaalad maskaxdeenii la xiray, oo aynu la dhibtoonayno afkaaro niman dhintay oo diin la inoo ka dhigay oo aan oggolayn wax horumar. Guud ahaan maanta waxaa la maraya in shay walba wax lag waydiiyo nin masaajid fadhiya oo aan warba ka hayn adduuunka iyo halka la isla marayo. Haddii dawlad la rabo in la dhiso isaga la weydiinayaa isaguna qar buu la qarda-jeexayaa, haddii dawlad burburto isaga la weydiiyaa isaguna isma beddaee hal jawaan buu bixiyaa, haddii waddo la dhisayo isagaa loola tagaa, isaguna waxa ku jawabaa sidii ay la tahay. Soomaali iyo guud ahaan dunida muslimka ah waxaa la wadaa dhisida masaajid aan la garanayn sababta loo dhisay iyo baahida cida loo dhisay. Dadka waxaa loo dhisaa masaajido iyagoo aannan haysan waxbarasho tayo leh, waxaa loo dhisaa masaajid iyagoo aannan haysan maktabad buug tayo leh yaalaan, waxaa la dhisaa masaajid iyadoo ay dhisan yihiin masaajido tiro beel ah.
Xaaji Aadan Af-qalooc baa Soomalida ka yaabay, sida ay nolsosha gunnimada ah u doorteen, oo aynaan marnaba la tartamayn aadanaha, gabay uu tiriyey Xaajigu baa waxaa ku jirtay:
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone 
Dunjigii Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane 
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw iskama daayo 
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey?
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya.






                        W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

                                          Hargeysa, Soomaalilaan


















Wednesday, January 31, 2018

Soomaaliyey Taariikhda Cashar Ma Ka Baranaa?

Taariikhdu iyadaa cashar kuugu filin, waa haddii aad wax ka baranayso, caqligaaguna qaadanayo casharadaa. Waxaad ka qaadan kartaa waayo-aragnimo iyo xigmado aan adiga kugu dhicin. Balse ku dhacay dad adiga ka horreeyey. Sababtu waxa ay tahay in taariikhdu ay sideeda isku soo celiso, oraahdii Eduardo Galeano waa tii ay ahayd: History never really says goodbye. History says, 'See you later.'
Markii Nebiga (SCW) Eebbe soo diray fariinta waxa uu ka bilaabay magaaladii uu jeclaa, waa Makka; waa magaaladii looga yaqiin aamiin, run sheege iyo akhlaaq wanaagga. Goortiise uu ula yimid dadkii reer Makka wax ku cusbaa, welibana u diidiya waxii ay caabudi jireen aad bay uga horyimaadaan.
Haddii uu dacwadii sii waday, waxaa bilowgii rumeeyey dad aad u yar, in kasta oo nebiga (SCW) la dhibay oo si toos ah iyo si dadba wax looga sheegay, haddana la iskuma deyin in nafta laga qaado sababtuna waa qabiilka uu ka dhashay nebigu (SCW) oo awood ku lahaa Makka. Balse dadkii looma ooyaanka ahaa markii ay rumeeyeen Ilaahay, dacwadii nebigana soo dhoweyeen waxaa lagu amray in ay ka noqdaan; wixii ka noqday mooyee wixii kale aakhiray iska aadeen; qaar badana lamaba oran diinta cusub ee aad qaadateen ka noqda, waa la dilay. Sababta sidaas dadkaa masaakiinta ah loogu sameeyey waxa ay ahayd in lagu bajiyo nebiga (SCW) iyo cid walba oo maskiin ah oo rumaysa.
Waxyar kadib waxaa nebiga Makka, inta aannu ka haajirin rumeeyey qabiilada laandharaha rag ka soo jeedey oo aan lagu dhici karin, sida: Cumar binu Khadaab iyo Xamse oo nebiga adeer ugu beegnaa dagaalkii Uxidna uu dilay nin xornnimo loo ballan qaaday. Waa ninkii madoobaa, waa ninkii la odhan jirey Waxshi. Nebiga (SCW) intii rumaysay baa aad uga gilgishay dilka, hanjabaada, aflagaadada iyo bahdilka lagu hayo markaas bay damceen in ay dagaal qaadaan, Ilaahay baase jawaab siiyey, wax aannay ogayna u sheegay, asxaabadan iyaga waxaa u muuqday wax iska dhiciya, balse kama fekerin mustaqbalka, waxa ay ku fekereen rag iska dhiga, balse isma oran horta ma leedihiin awood dhaqaale, ciidan iyo deegaan; waxay ka fekereen maanta iyo berri. Ilaahay baa aayadan ku soo dejiyey nebiga (SCW) isagoo ku amraya nebiga iyo intii raacday in ay gacmaha laabtaan oo aannay wax dagaal ah qaadin, ayaada waxa ay leedahay:
ْ كُفُّوا أَيْدِيَكُمْ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ ..
Sidaas waxaa loo lahaa in mustaqbalka wax jira baannay aqoon u lahayn. Sunnaha Eebbe kownkan u dhigay baa ah, in aan laga dheerayn ee sida ugu habboon isbeddal lagu abuuro, ee aannay ujeedku kaa noqon maantaanu nebi helnay aynu boodna siiro ilaa boqol (Zero to hundred); maantaynu helnay madexweyne daacad wax walba maalin ha ku xaliyo. Waxaa sidaa loo leeyahayna bulsho haddii la rabo in isbeddel lagu sameeyo wakhti bay qaadataa. Waayo bulshadu waxa ay qabatinto in si dhibyar looga beddalaa aad bag u adagtahay.
Marka nebi la soo diro, sida Eebbe innoo ka warramay bulshadaa markii uu la doodo oo u soo bandhigo daliil iyo cadayn waxa ay ku oran jireen bulshadaasi nebigaas:
قالو وجدنا اباءنا 
waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaayashayo.

Sida aayad ku cad, macna ahaana waxay gudbinaysaa waxan keliya waxa aannu u haysanaa waxa aannu ka soo gaarnay aabbayaashayo, sax iyo khaladba. Adigu hadda diinta islaamka oo aad aaminasantahay ma ka tegi kartaa? Diinta garashadaada iyo qanaacadaada kuma qaadan, ee waxaa ka qaadatay hooyada iyo aabbaha iyo weliba deegaanka aad ku nooshahay. Dadkuna waa sidaas. In bulsho la beddalaa waa arrin aad u adag.
Muddo kadib waxaa dhacay dagaalkii Beder, ka gadaal Uxid. Isku soo bax ay isku soo baxeen ciidamadii uu nebigu (SCW) hoggaaminaayey iyo ciidamadii Makka ka yimid, wahadal kadib waxaa la soo fadhiisatay miiska wada-hadalka; heeshiis in la kala qorto baa lagu heshiiyey, nebiga waxaa heshkii uu qoraayey Cali binu abii-daalib, waxa uu qoray magaca nebiga, markaas baa qorayshi tidhi tirtir annagu uma naqaan nebiye, cali wuu diiday waxaana gacantiisa ku tirtiray nebiga (SCW).
Qodob heshiiskaas ku jiray baa lahaa: "muslimiinta qofkii ka soo baxsada la soo celin maayo, balse annaga [gaaladii] qofka naga soo baxsada waa in aad noo soo celisaa Maxammadow". Nebigu waa yeelay. Waayo nebigu kama fekerin maanta iyo berri, ee waxa uu eegayaa mustaqbalka fog. Taariikhyanadu waxa ay sheegaan in heshiiskaasi uu u janjeedhay dhinac, weliba dhinaca qoladii nebiga ka soo horjeeday. Balse nebigu ma eegin waxa markaa dhacaya ee waxa uu fiiriyey waxa mystaqbalka imaan doona.
Intiina taariikhda haysaa waad ogtihiin in dadkii markii ay is-dhex galeen, diintii faaftay, dad badana ku qanceen in diinta nebi Muxammed (SCW) wadaa ay tahay diin xaq ah oo aannay ahayn qof iska hadlaya. Ugu danbayn heshiiskaasi waxa uu sababay in muslimiintu sii wataan guulo, balse heshiiska nebiga iyo raggii ka soo horjeeday waxaa ka niyad jabsanaa rag badan oo ku jidhay safka nebiga (SCW). Nebiguse maanta iyo berri kama fekerin.
Awooddii Tataarka waxa ay ahayd awooddii keli ahayd oo adduunka soo marta oo labo sanno guduhood ka qubsata dhul aannay dawlad horteed timidna ku qabsan, mid ka danbaysayna aannay samayn. Dawladdii iyo khilaafadii Islaamka inta ay jabisay, bay ku tumatay dhulkana la sintay. Hoggaamiyihii Tataarka Kinjiskhaan waxa uu falay wax aannu falin hoggaamiye hortii iyo gadashii ay awooddi waayeen. Bulshadii ay qabsadeen oo ay ku jirto muslimiintu markii danbe waa ka faa'idaysteen, iyagoo eegaya mustaqbalka fog, ee aan eegayn maanta iyo berri. Waayo isbeddalka laguma dhiso caaddifad iyo waan awoodnaa.
Dawladdaha casriga ah ila eeg; dagaalki labaad waxaa lagu jabiyey awooddii Jarmalka, waa awooddii aan u naxariisanayn adduunka, wax wadan ah oo ay tixgelinaysay ma jirin, dal walbana fartay ugu yeedhay. France wixii ay dhigtay lama amaanin, Ingiriisku maskaxda ha isticmaalee waxii france ku dhacay waa ku dhici lahayd, haddii aannu caqliga ka shaqaysiin. Yurub guud ahaan Jarmal uma nixin. Awoodda baaxadaas leh baa dagaalka lagu jebiyey; afartii dal ee ku guulaystay dagaalka waxa ay cuna-qabatayn ku soo rogeen dalalkii dagaalkaas laga guulaystay, Jarmalka cuno-qabatayn waxaa u raacday in loo kala qaybiyey labo qaybood, derbigii caanka ahaana la kala dhexdhigay. Isma adkayn ee waa u hoggaansatay, wixii loogu taliyey, kamana fekerin maanta iyo berri, waxa ay ka fekereen mustaqbalka fog. Jarmal waxa uu uruursaday reer Yurub waxa uu dhegta ugu shubay walaalahu meel ma kal tagaan iyo adduunka cidii is xigtaa iyadaa isku tola, ee aynu is uruursano; cadowgeennu waa Maraykan, China Iyo Ruushka, isagoo taa wada bay haddana jabiyeen darbigii la kala dhexdhigay, halkaasna waxa ay ku noqdeen dal qudhah. Jarmalka weyn (Great Germany).
Maanta Jarmalku waxa uu ka dhaqaalo badan yahay afartan dal in kabadan, caalamka waxaa loo daabulaa waxa uu soo saaro: wax la cuno, wax la raaco iyo wax la gashto. Hubka uu Sacuudiga ka iibiyo waxa lagu qiyaasay 550 milyan, in uu ka faa'ido, Waad xusuusataa markii Iiraan heshiiska lala galaayey golaha shanta ah ee ammaanka ee qarammada midoobay, oo kala ah: Ruush, China, France, Ingiriis iyo Maraykan waxaa lix lagaga dhigay Jarmalka. Hadda waxa la wadaa qorshe ay iyadu dabada ka riixayso oo ah in goloha ammaanka la kordhiyo, Yurubna iyada loogu daro. Midowga reer Yurub iyada ugu cadcad, dhaqaale ahaana adduunka wadanada ugu horreeya bay ku jirtaa. Mustaqbalkay ka fekereen reer Jarmal maanta iyo berri kama fekerin.
Jabbaan waxa ahayd awood mar adduunka amarkeedu ka socday, waxa ay xulufo ahaayeen Jarmalka; dagaalkii labaad ee adduunka Jarmal ha la jabiyee Jabbaan waxaa u raacday xasuuq kii ugu xumaa ee adduunka ka dhaca, waxaa lagu tuuray hubka ba'an ee wax gumaada, markaas baa la qabsaday oo sidii doono laga yeelay iyada oo aan loo naxin. Gabdhahoodii baa la kofsday, raggoodii baa la laayey, khayraadkoodii baa la qaatay iyagoo u jeeda. Waxaa lagu soo rogay cuno-qabatayn ilaa maanta saaran. Jabbaan isma dhiibin ma calaacalin, wixii loogu taliyey bay yeeleen hawshoodana waa iska wateen. Waxayna la noolaatay, la saaxiibtay, wax badana u oggolaatay dalkii xasuuqii ugu xumaa u gaystay. Qarniyo kadib maanta waxa uu kamid yahay waddanada ugu waxbarashada wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada ugu dhaqaalaha wanaagsan adduunka, waxa uu kamid yahay waddanada waxa ay soo saara kuwa ugu tayada wanaagsan; Maraykanka dadkiisa baa isugu faana badeecada Jabbaan; go'aanada ay gaarayso qarammada midoobay lama dhaafiyo Jabbaan; Jabbaan dadkeedu mustaqbalkay ka fekereen ee kama fekerin maanta iyo berri.
Yuhuuddu mar baa dhiigoodu xalaal ahaa, mar baa lagu udhuudhin jidhay xerooyinka qaxootiga, mar baan loo oggalayn waxbarasho nooc walbay tahay; mar baa nolosha laga la dagaalami jidhay, maanta adduunka horumar dhan walba ah bay Yuhuud ka gaareen. Yuhuudi maanta iyo berri kama fekerine, mustaqbalkay ka fekreen. Waxa ay la noolaadeen dadkii iyo dalalkii nolosha kala dagaalamayey. Maanga ma sheki baa kaaga jira awoodda yuhuuda? Carabtii inta ay ka yaabeen awoodda maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa ee Yuhuuda bay Xaramaka kasoo dhex habaareen; qaarkii aan habaarka garanayna iska ooyeen.
Soomaaliya iyo Itoobbiya waxaa ka dhaxeeyey xiriir aan marnama wanaagsanayn. Afar hoggaamiye oo kala ahaa: boqor Negus Yeshaq, boqor Menelik, boqor Xalyse Salaase, boqor Xayle Maryam afartan nin iyo kuwii ka danbeeyey waxa ay si toos iyo si dadban u sheegeen in aannu jirin wax qaran ah oo leeyihin Soomaaliya; dagaalo badan bay dhammaan madaxdii Itoobbiya ku soo qaadeen dhulka Soomaaliyeed iyagoo ku doodaya in ay Soomaali ka tirsan yihiin dhulwaynaha Itoobbiya. Boqor Xayle Salaase waxa uu yidhi: "We do not believe that Somali state can be viable stand alone". Tan iyo qarnigii shan iyo tobnaad Itoobbiya waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay in ay adduunka ka tirtirto wax la dhaho dal Soomaaliyeed.
Itoobbiya gobol bay Soomaliya ka haysata, Soomaliyana dagaal toos ah iyo dagaal af ahba waxa u gashay sidii ay Itoobbiya uga qaadi lahayd gobolkaas ay xoogga iyo xaqadarrada ku haysato. Nasiibdarrose markii hoggaankii taliskii Siyaad xumaaday Itoobbiya waxa ay marti gelisay jabhado kala qorshe iyo kala aragti duwanaa, ugu danbayna waxaa suurto gashay in laga guulaysto dawladdii uu hoggaaminaayey Jalle Siyaad Barre.
Ha laga guulaystee Soomaali waxa ay gashay burbur iyo dagaal sokeeye oo dabo-dheeraday (Prolonged civil war), kaas oo sababay in qabiilada Soomaali ay aad isku nacaan, kalana aamminaad baxaan; dawlad walba oo timaada qofkii doonaa, ha hoggaamiyee kalskoni lama siin, cuqdad bayna kala qaadeen. Qabiil walba gobolkii u badnaa buu dawlad ka samaystay; calan, dastuur iyo madaxweynena waa yeesheen; halka Waqooyi uu ku dhawaaqay in ay ka go'een jamhuuriyaddii Soomaaliya. Soomaaliya god bay gashay, dadkeedaana geliyey.
Dawladdaha reer galbeed iyo kuwa bariguba oo awalba diidanaa awoodda Soomaaliya burburkeedii danba kama gelin, waxaana macquul ah in ay ka qayb qaateen burburintii dawladdii dhexe ee Soomaaliya; cadow kala xune, kalana arxan darane, kalana soo jireensane, kalana qorshe foge, kuwaa jabkeenaasi guul iyo gobonnimo u ahaa.
Waraabaha ku ruugiya iyo, aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid.

Abwaan Dhoodaan.

Itoobbiya jabkii Soomaaliya waa ku faa'iday ka sakow in ay xalisay khilaafkeedii gudaheeda, kama suulin in ay samaysato rag ka soo jeeda gobolkii Soomaaliya ka maqnaa. Qorshe kaa fogna waa la hayde, waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in ay hesho marmarsiiyo ay Soomaaliya ku gasho oo ay dagaal ku qaado, arrintaas waxa fududeeyey kooxaha diinta (Radical Islamist), welina suurto gal ka dhigay in Itoobbiya si xarago ah ku joogto dalka Soomaaliya.
Qofka Soomaliga ah waxaa hagta shacuurta (Emotional) maalinta uu qabo, tusaale ahaan, ninku haddii uu nin saaxiib dhab ah la yahay inuu xiriirka qofka u jadho waxa ay ku xirantahay in ay isku dhacaan dabeedna uu xiraarkaas baabbi'iyo; naagta la qabo si walba oo ay xiriir wanaagsan ula leedahay ninkeeda iyo carruurteeda in ay xiriirkaa wanaagsan baabbi'iso waxa ay ku xirantahay in lala guursado. Waayo qofka Soomaaliga ah kama fekerayo mustaqbalka. Soomaaliya iyo Itoobbiya maqaadiirta is-baday; sida Itoobbiya iyo Soomaaliya isku yihiina waa sida aad adiga iyo sankaagu isku tihiin, sankaagu hadduu qurmo miyaa iska jaraysaa mise waad nadiifin? Waxaan filayaa in aad adiga oo madaxa ruxaya aad leedahay waan nadiifin!
Itoobbiya xaqiiqdii waa ka dad badan tahay Soomaaliya tobbanka sanno ee soo socda waxaa lagu wadaa in dadkeedu ay gaaraan boqol iyo soddon milyan in ka badan, bad ma leh Itoobbiya; halka Soomaaliya ay Itoobbiya ka dad yartahay leedahayna xeebta Africa ugu dheer. Khayraad ahaan Soomaaliya waa dal qaniya, balse maskaxda Soomaligu waa mid faqiir ah, waana maalin la noole. Dalkeennu waa burburay, dadkeenuna waa burbureen. Dhowr iyo labataan sanno oo aynu Soomaaliyey dagaal iyo khilaaf siyaasadeed ku jirnay Itoobbiyana waxa ku socday dhisme dhan walba ah.
Gobolkii in ka maqnaa iska daaye, maanta iyadoo Itoobbiya munaafaqadanaysa baa ay Soomaali qabiilqabiil iyo gobolgobol u maamushaa, guud ahaana Soomaali ugu talisaa. Dekada Berbera oo Imaraat dhisayo baa saami laga siiyey, dadka qaarkood qiil bay u raadiyeen, balse xaqiiqadu waa in Itooobbiya aan gorgortan la gelin karin saamigeeda; Qalbi-dhagax baa loo gacan geliyey, wiil Soomaali ahna safiir ba ay u soo magcaabeen, waxaas oo dhan miyeynu ka calaacalnaa mise taariikhda baynu cashar iyo ximad ka baranaa?
Horta waa mare, wiil la soo magcaabay gobol ina ka maqan xalaalayn maayo, diintuba maydka waa kuu xalaalaysay haddii aad nafta ku badbaadinaysid. Innaguna mayd waxba ma dhaanee, gobol xoog la ina kaga haysanayo waxa uu ku egyahay inta ayny innagu isdhisayno: dad iyo dalba. Waa mar kale ahe Itoobbiya ma khiyaamayn kartid wax walbana waa ogtahay nin dadkeeda weerar ku hayaa oo dagaal ku wada in Soomaaliya marti geliso waa burbur hor leh, waayo waxaad wax marti gelin kartaa marka aad adigu awood leedahay. Itoobbiya si fiican bay Soomaaliya u kala taqanaa, dabo-dhilif Soomali ahna waa samaysteen dalkaagana xaafad xaafad bay u kala barteen. Qalbi-dhagax waa nin halgamaa ah, balse qarnkeena ka weyn, Itoobbiya haddii aad u gacan geliso nin amni darro ku haya waxaa kula gelaysaa heshiis ah in ay munaafaqada kaa daayaan, oo dalkaaga kuu nabad geliyaan. Balse Qalbi-dhagax waa halyey maxaa loogu gacan geliyey, horta awood ma leedahay? Soomali caadifad dad iyo dal laguma dhiso. Soomali kacaay dal laguma dhiso.
Adduunka cashar baynu ka baran karnaa, casharkaas oo aynu Itoobbiya wax badan u samayn karno innagoo eegayna mustaqbalka fog, Itoobbiyana ay ina kaga dayso munaafaqada qotada dheer, waayo wax badan haddii aynu maanta uga tanaasulno maaha in aynu siinay, ee waa in aynu isdhisayno; dad iyo dalba. Soomli ma maalin baynu la noolanaa mise mustaqbalka bsy ka fekernaa?






                           W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                          Hargeysa, Soomaalilaan