Waxa ay ahayd doorashadii shanaad oo ka dhacda Buntilaan, tan iyo markii la asaasay Buntilaan, muddo laga joogo labaatan sanno. In kasta oo aynu galnay sannad cusub, 2019-ka; in kasa oo aynu u joogno isbeddal weyn oo ka dhacay adduunka, guud ahaan dhanka saxaafada, gaar ahaan baraha bulshadu ku xadhiidho, sida: Faysbuugga iyo Tiwitarka, oo badi dadka Soomaaliyeed, oo u badan dhallinyaro ay ku xidhanyihiin, haddii aannay ba la qabatimin (Addictive). Balse, aan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan aannay caqliyadoodu isbeddal weyn aannu ku imaan, welina aannay baraarugin, oo aannay ka muuqan bisayl isbeddal togan doon, dadka caqliyadoodu xorta tahayna waxa ay u qaybsameen: qaar goonni joog noqday, (Isolation); oo dadka ka dhex baxay, noqdayna dal joog iyo dibed joogba iyo qaar ku dhex milmay siyaasadda dhaqaalaha iyo qabyaaladda ah, ee foosha xun, waxna ka beddi kari waayey. Doorashadii ka dhacday dhowaan Buntilaan, waxa ay soo celisay su'aalo aan weli laga jawaabin iyo su'aalo taagnaa oo ay sii murugtay. Weli dadka waxa ay isweydiinayaa: horta Buntilaan halkee u socotaa? Halkee ka timi? Yaa xil ka qaban kara? Yaase jagooyinka ugu sareeya ee Buntilaan loo oggolyahay in ay qabtaan? Sidan wax loo xulo, ma xaqbaa? Ma xulbaa? Ma xalbaa? Ma xorbaa?
Waan ka xumahay in aan dhaho burburkii kadib iyo
burburkii ka hor siyaasadda Soomaaliya waxaa hormuud ka ahaa, siyaasiyiin aan
aqoon badan lahayn, karti darro-u-raacdo, tuuganimo-u-raacdo, dantiisa uun ka
shaqaysta, oo aan ka shaqayn danta dadkiisa, ku shaqaysta xilka loo dhiibto, oo
aan dadka ugu shaqayn, magac iyo mansab u raadsanada xilka. Dadka xaaladooduna
ay ku wareegto, konton sanno in ka badan: waxbarasho xumo, caafimad xumo, nolol
xumo, dhaqaale xumo, ammni-darro, caddaalad-darro, colaad iyo mustaqbal la'aan.
Tani waxa ay sababtay in bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ay u qaybsamaan labo
kooxood: koox yar, oo lagu tilmaamo hormuudka bulshada oo ku tanaaday hantidii
ummada- kooxdani waa kooxda aan ugu yeedho Soomali burjuwaasii (Somali
bourgeoisie), iyo dadka inta badan oo ku dulman dhulkoodii; dadkii hormuudka u
ahaana, ay go'aamiyeen halka maanta xaaladda Soomaaliyeed taagantahay.
Sida caalamka badankiis maanta ka jirtana, xaaladda
Soomaalidu maanta waxa ay noqotay , qof raadsanaya waxa uu cuni lahaa ama aan
hayn waxa uu carruurtiisa waxbarasho ku geeyo iyo qof carruurtiisii waxbarasho
la'aadi waayeen dhereg iyo baruur darteed (obesity). Si fudud, Soomaaliya
maanta waxaa ka jirta sinnaan la'aan (inequality) dhanka dhaqaalaha iyo sinnaan
la'aan dhanka mansabka ah, waxaana ka jidha guud ahaan Soomaaliya, kala sarayn
qabiil nidaam (Clan Seniority System). Soomaaliya maanta waxa ay maraysaa in
xaq-darrada xaq loo arko, caddaalad-darradana caddaalad loo arko, xumaantana
samaan loo arko. Soomaaliya, wakhtigan, qofka laguma xushmeeyo kartiidiisa iyo
aqoontiisa, balse waxaa lagu soo dhoweeyaa qabiilkiisa iyo dhaqaalihiisa,
laguma soo dhoweeyo, lagumana maamuuso daacadnimadiisa iyo run-ka-hadalka,
waxaa lagu soo dhoweeyaa ninka mumaamarada hoosta ka wada, ee ka shaqaynaya
musuqmaasuq iyo caddaalad-darro.
Mar la weydiiyey caalimkii weynaa ee Ruumi: Sidee ummad u
dhimataa? Waxa uu ku jawaabay: "marka ay ummudu joojiso in kala saarto sax
iyo khaladka, waa dhimataa". Shaki igama jidho maanta in Soomaalidu xaaladdaa
lagu dhinto ku jirto; kamana war-warweegayo in aan dhaho dadka hormuudka noo
ah, badankood ma kala saari karaan, waxa saxan iyo waxa khaldan; haddiiba aanay
saxdana khalad u aqoon, khaladkana sax u aqoon. Waxa aynnu ka sugnaana waa in
ay noqdaan malaggii nafta ina ka qaadi lahaa, haddii aanay halistaa xal loo
helin.
Haddii aan u soo laabto dooraashadii ka qabsoontay
Buntilaan, waxa ay ahayd mid si goonniya loo eegaayey loona sugaayey. Marka
laga yimaado siyaasi Cabdiweli Cali Gaas, in shano oo uu xil hayey, aannu qaban
wixii laga sugaayey, lagana filaayey, balee iskadaa inuu qabtee, waxa uu ku
fashilmay in uu wax ka qabto dhaqaalaha Buntilaan, isagoo ah dhaqaalyahan. Waxa
uu Gaas laf-dhuun gashay ku noqday dawladda dhexe, ee haatan talada haysa. Gaas,
marka laga yimaado waxaa kaloo doorashadan macno weyn u samaynaayey, awooddaha
qarsoon ee gobolka ku herdamaya, ha noqoto dunida reer galbeed ee Maraykan
hormuudka ka yahay iyo dunida Carbeed. Ugu danbayn doorashadan waxaa macno weyn
u samaynaayey, musharaxiin aqoonyahanno ah, inta laga bartayna aqoon iyo karti
u saaxiib, sida Dr. Cali Ciise Cabdi, oo musharax ahaa. Ninkan iyo ragga kaloo
lamid ah, oo Juxe, ku jidho, waxa ay ahayd, waxa doorashadan xiisaha u
samaynaya.
Balse su'aasha taagnayd waxa ay ahayd: Madax-dhaqameedku
ma soo xuli doonaan, iyagoo og xaaladda gobolka, iyagoo og muhiimada
doorashadan, xildhibaano karti iyo aqoon leh? Mase waxa ay soo xuli doonaan kan
dhaqaalaha sita, kan nin madax-dhaqameed u dhow, oo caddaalad-darradu halkaas
bay ka sii socon doontaa? Buntilaan, ma waxay noqon doontaa meel lawada
leeyahay? Mise meel lawada leeyahay, la siina kala leeyahay?- George Orwell
formula. Buntilaan ma waxa ay u baahantahay reer reer beddala? Mise waxa
doorkan bulshada loo dooran doonaa: yaa mudan? Yaa karti leh? Yaa hoggaamiyaha?
Yaa taariikh nadiif leh? Yaa afkaar siyaasaddeed doorashda ku gelaya, oo aan ku
gelayn, dhaqaale iyo markan waa markii qabiilkayga? Buntilaan
dooroshiyinkii ka qabsoomay, ee tan dhacday ka horreeeyey dhammaantood waxa ay
ku suntanaayeen dhaqaale iyo qabyaalad. Nidaamkaa foosha xun si looga gudbo
Buntilaan, waxaa lagu rejo weynaa doorashadan hadda qabsoontay, in ay
noqontoonto, tii nasakhi lahayd doorashooyinkii ka horreeyey. La moodse, noqon
weyday! Doorashadii ugu danbaysay oo uu mudane Deni ku guulaystay, waxa ay
qabsoontay sidii doorashooyinkii hore, ee ku dhisnaa: dhaqaale ma sidataa iyo
doorkan waa doorkii qabiilkayga. Ma hayo dhaqaalaha saxda ah, oo ku baxay
doorashadii Buntilaan, balse markii aan dhagaystay dadka arrimaha Buntilaan
sida dhow ula socdaa, waxaa la sheegayaa dhaqaale kor u dhaafaya maalaayiin in
lagu bixiyey doorashadii ka dhacday gobolkaas. Waxa ay ahayd- Guutaale ahaan
kolay, wax la filanaayey in doorashadaasi noqon doonto mid musuqmaasuq hareeyo
iyo mid aan qofka loo eegin: Waa kuma musharaxin? Karti ma u leeyahay xilka?
Soomaali, taariikh wanaagsan waxa ay ku lahayd
madax-dhaqameedka, waxa ay ahaayeen garaadka iyo araga bulshada, waa halka
Soomaali ka socon jirtay weligeed, waa madaxii ummada Soomaaliyeed. Waa
asaasayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo dejiyayaasha dastuurka aan qornayn, ee
kuwa aynnu qor-qoranay, ee laga soo minguuriyey ummadaha kale ka wanaagsan,
marka la joogo Soomalida dhexdeeda. Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed waxay caan
ku ahaayeen ka shaqaynta danta guud, horumarinta wixii Soomaali horay u
dhigaya, qabashada wixii khaldan, toosinta wixii taban, in kasta oo
madax-dhaqameed walba uu matali jidhay, qabiil goonniya, haddana waxaa laga
sinnaa danta guud. Madax-dhaqameedkii meeqaamka joogay, oo ahaa madaxii
Soomaaliyeed, waxay sku beddaleen dhowanahan majo, haddii lagu yaqaanay
toosinta wixii qaloocan, hadda qaloocinta wixii dantooda ku hor-imaanaya,
xattaa danta guud; haddii ay madax-dhaqameedku ay caan ku ahaayeen garasho
dheer iyo mustaqbalka fog, maanta waxay caan ku yihiin dano dhow, oo aan
shakhsi dhaafsiisnayn. Saaxiibkood iyo wiilkoodu waa kii lacagta haysta,
xattaa, haddii uu nin xunyahay, oo dambiile ah, kii lacag haysta iyaga agtooda
waa mid wanaagsan, oo xalaal ah.
Waxa ay maanta hormuud ka yihiin, masuulna ka yihiin
hoggaanka tayada xun, karti liita, ee ilaa maanta hortaagan Soomaalida guud
ahaan, gaar ahaan Buntilaan. Si kastaba, doorashadii waxa ay u dhacday, sidii
caadada ahayd, oo ku dhisnayd qori-isu-dhiibka qabiilaysan (Maxamuud
Saleebaan), iyo dhaqaale, ma sidataa? Inkasta oo uu sii mootan yahay muddo
laga joogo toddoba sanno, oo ay ka danbeeyeen labo doorasho, oo ka dhacay
Buntilaan, Alle ha u naxariistee Cabdiqaadir Aroma baa laga hayaa:
"Buntilaan qof aragti gorgor leh, markuu dastuurkeeda akhriyo, waxaa hoos
kaga qoran, maamulka Buntilaan nin aan Maxamuud Saleebaan ahayn, waa ka
mamnuuc". Guutaale ahaan ma aaminsani nidaam bulsho ku dhaqanto baa
horumar keena, ma aaminsani dimuqraadiyad qof iyo cod ah, baa horumar keenta,
mana qabo horumar ma gaarto bulsho qoys u taliyaan. Balse, waxaan qabaa
nidaamka dadka hoggaanka u haya, baa keena horumar ama dib-u-dhac. Balse
nidaamkan qori isu dhiibka ah, ee Buntilaan ka jidha, waa nidaam musharaxiinta
lagu xusho dhaqaale iyo qabiil. Taasi ma soo wado wax dan iyo xal ah, oo aan ka
ahayn dib-u-dhac.
Ma ihi mucaarad ka soo horjeeda Deni, sida aannan u ahayn
taageero Deni u jidbaysan. Balse waxaan ahay shakhsi kamid dadka doorashadii ka
dhacday Buntilaan niyad-jab ku abuurtay, taa macnaheedu maaha Deni uma qalmo
xilka madaxweyne, balse, waa qaabka wax u socdaan. Deni, waxaan qabaa in wakhti
la siiyo, waxaan aaminsanahay in ficil lagu xukumo qofka. Qoraal uu hadda ka
hor qoray buu Ibrahim-Hawd ku yidhi: "Xilka ama gun baad ku noqon ama
gob", marka, Deni, shan sanno oo uu haysto taariikhda waxa u geli doonta:
taariikh guneed ama taariikh gobeed! Gaas waxa uu olalaha ku galay
in qorshahiisa ay kamid yihiin, welibana ay muhiim tahay in la gaaro doorasho
hal qof iyo hal cod ah. Shan sanno uu xilkaa hayey, wuu ku guuldarraystay in uu
doorasho hal qof iyo hal cod ah suurto gal ka dhigo, Deni, ololihiisa waxa auu
ku galay doorasho hal qof iyo hal cod ah, mase qabo in uu suurto gelin karo;
xattaa, haddii doorasho hal qof la gaadho waxaan aamminsanahay in foolxumo soo
kordhin doonto, oo ay dadku isku nici doonaan, colaadna ay abuuri doonto,
maadama bulshadu wacyigooda siyaasi aad u liito, dhaaaale xumo baahsan jirto,
aqoonta dadka ay aad u hoosayso, shaqo la'aan baahsan jirto, maxkamado awood
leh aannay jidhin oo xisbiyada kala saadha, guddi doorasho oo caddaalad ah,
isla jeerkaasna awood leh, aanay jidhin, hay'ado ka baxi kara doorashada hal
qof iyo hal cod aannay jidhin, dhaqaale doorasho lagu qabto iyo weliba xisbiyo
aragtiyo siyaasadeed ku dhisan oo aan ku dhisnayn isbahaysi reer, aannay
jidhin,waayo Soomali ma hayno aragti siyaasi oo kala qaybisa, aan ka ahayn
aragti qabiileed. Intaa marka la isku qabto aad bay u adagtahay doorasho nadiif
ah, xalaal ah, dadka isku keenta, ee aan kala geyn in ay ka qabsoonto Buntilaan
iyo guud ahaan Soomaaliya.
Siyaasada Buntilaan waxaa si fiican u qeexaya, hadal uu
yidhi borofaysar reer Tansaaniya ah, oo ah: "Waxa suurto galka ah
siyaasada Afrika, mar kasta maahan wax la fuliyo, waxa la fuliyo, mar kasta
maaha wax saxan, waxa saxan, mar kasta maahan wax akhlaaqaysan, waxa
akhlaaqaysan mar kasta mahaan wax la rabo, waxa la rabona, mar kasta maahan wax
suurto gal ah.
What is logical in African politics is not always
pratical, what is pratical is not always right, what is right is not always
ethical, what is ethical is not always desired and what is desired is not
logical.
Doorashadii Buntilaan ma jirto waxa ay kaga duwanayd,
dooraashooyinkii hore ee ka dhacay gobolkaas. Cabdilaahi baa yimi, Cadaa xigay,
Faroole baa yimi, Gaas baa xigay, ugu danbayn waa Deni. Buntilaan marka laga
yimaado qabiilkan wax lagu xulanayo ee foosha xun, oo geedka lagu xidhay:
kartidii, aqoontii iyo tayadii, waxay u muuqataa ceel saddex reer maalinba qolo
ka cabayso. Inkasta oo ay qabiilkan xilka isku dhiibdhiibaya, aannay wax badan
dhaamin nolosha dadka kale, waayo dad yar baa ku tanaada xilka, ee qabiil lama
gaarsiiyo, ee qabiilku waa dariiq loo sii maro ceelka. Sidaas awgeed waxaan
kamid ahaa dadkii aadka u dhagaystay, ee sida dhowna ula socday khudbadihii
musharaxiinta Buntilaan, waxaan islahaa doorashadani waa waa tii la oran lahaa:
yaa tayo leh? Yaa mudan hoggaanka? Balse, waxaan islahaa waxaa sida aad u
dhagaysanayso si ka dhow u dhagaysanaya Baarlamaanka, si sannadkan lixdan iyo
lixdaa qof dadka ugu ra'raan meel naq leh, oo laga sahminayo khudbadaha
musharaxiinta waanse qarway, waxaan nimanka qabana waan ka doonay.
Ugu danbayn, dhallinyarada Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar
ahaan Buntilaan, oo lagu tilmaamo tirada ugu badan dalka waa in la bilaabo
halgan cusub oo hor leh, oo isbeddal doon ah, oo ku dhisan rabitaan dhab ah, si
aan u helno dad ina matala, oo xilka ku qaban: qabiil iyo qarash. Waxaan
filayaa, maamulada Soomaaliya ka jidha dhammaantood, Muqdisho ilaa Garoowe,
Hir-shabeele ilaa Koonfur Galbeed, Galmudug ilaa Jubalaan, nimanka xilka ka
hayaa, si dadban in aanay matelin shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah, shacabka
Soomaaliyeed maaha kuwa dhabta ah, oo doortay. Xildhibaanku waxa soo doortay,
oday madax-dhaqameed ah, oo aan u fekerayn dan guud, kuna keenay
caddaalad-darro, eex iyo weli dhaqaale. Xildhibaankii oo dhaqaale laga soo
qaaday, isaguna waxa uu dhaqaale ka qaaday raggii xilka madaxtinimada
raadinaayey.
Sidee, dad si ganacsi ah, siyaasada Soomaaliya ugu shaqaysanaya,
oo dhaqaale lagu kala qaadanayo, ay ugu shaqeeyaan dan guud ama ugu fikiraan si
guud (collectively), dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay la yimaadaan kacdoon
isbeddel doon, oo lagu beddalayo waxa foosha xun, ee dalkeenna ka socda. Bernie
Sanders baa yidhi: "haddii aadan aragti ku soo galayn siyaasada, ka
bax". Nidaamkan maanta jidha, ee sidaa doorasho u qabanaya waa in aynu
beddalnaa, haddii kale oo aynu u adkaysano qaabka wax u socdaan, wakhti dheer
baynu xorriyada iyo nolol wanaagsan sugi doona. Xorriyadu maaha oo kaliya in
aad ka madax-banaan tahay awood banaanka kaaga timi; balse, haddii aadan haysan
shaqo xor ma tihid, haddii aadan haysan caafimaad xor ma tihid, haddii aadan
haysan qof adi si dhab ah kuu matala, xor ma tihid, haddii aadan hadli karin
xor ma tihid. Shacabka Buntilaan waxay ka dhiganyihiin, sidii qof Dhurwaa ku
aamminay xoolihiisii, kadib markii uu Dhurwaagii cunay xoolihiina, uu qofkii
yaabay, oo isweydiiyey: Muxuu Dhurwaagu xoolaha u cunay, waan aaminee. PLO
formula.
Dhallinyaradu Soomaaliyeed guud ahaan ama isbeddalka
hormuud ha ka noqdaan, oo qiimihiisa ha bixiyaan ama noloshaa iyo mustaqbal
la'aanta baynnu ku jidhaynaa. Waa in aynnu hormuud ka noqonaa kacdoon
siyaasadeed oo nadiif ka ah: musuqmaasuq, eex, caddaalad-darro, kala sarayn, oo
aynnu hormuud ka noqonaa: yaa karti leh? Yaa hooggimya ah? Yaa taariikh nadiif
leh? Yaa aqoon leh?
No comments:
Post a Comment