Tirada Akhristayaasha Boloogga

Wednesday, May 22, 2019

Maxaa Iiraan Lagu Galay?


Dhalashada Iiraanta Cusub

Muddo dheer dalka Iiraan waxaa ka talinaayey boqortooyo lagu magcaabo Pahlavi ( Pahlavi Dynasty), boqortooyadaa Iiraan ka talinaysay muddo tobanaan sano ah, waxaa galaaftay kacdoonkii ka dhacay dalka Iiran, sanadkii 1979-kii; sanadkaa waxaa ka dhacay dalka Iiraan kacdoon lagu tuuray dawladdii uu xilligaa hoggaaminaayey Maxamed Rida Shaah; Shaah dad badan baa ku dhaliila in uu ahaa dabo-dhilif u shaqeeya, ama ka shaqeeya danaha reer galbeed. Yeelkeeda, waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay dunida reer galbeedka  kacdoonkan ay wadaan wadaado Islaami ah, in uu ka dhaco dalka Iiraan, welibana ay dalka la wareegaan; waxaa se in la xuso ah, kacdoon ka dhan ah dawladdihii Muslimka ahaa ee xilligaas jiray ama xornimadii kadib nidaamayadii talinaayey in ay wadeen wadaaddo Islaami ah, balse suni ah iyo xisbiyo siyaasi ah oo suni ah, oo laga tilmaami karo xisbiga siyaasiga ah ee Islmaagi ah Ikhwaanul Muslimiinka, balse uma suurto galin in suniga oo dunida Muslimka ah ka ah 85% ilaa 90% in ay dal kacdoon ku qabsadaan, Iiraan oo shiico tahay qaalibiyada, dunida Muslimka ahna ka ah, wax lagu qiyaaso 10% ilaa 15% ayaa ku guulaystay in ay dhisaan dawlad ku abtirsata Islaam. 

   Kacdoonka Iiraan ee guulaystay waxaa hoggaamiye ka ahaa, Aayatullaahi Khumayni, oo ilaa maanta dunida si fiican looga yaqaan, tani waxa ay ka caraysiisay dalal badan oo suni ah, gaar ahaan dalka Sacuudiga, labo sababood ba: waa mida koowaad' e nidaamkii Shaah oo xiriir wanaagsan la lahaa Sacuudiga iyo weliba saaxiibada qadiimiga ah ee Sacuudiga, dunida reer galbeedka, gaar ahaan dalka Maraykanka, labo Sacuudigu waxa uu ogaa in Aayatullaahi Khumayni uu dib u soo noolaysiinayo fikirka shiiciga ah iyo weliba loolankii u dhaxeeyey Sunniga iyo Shiiciga, waxaa kaloo xusid mudan in dawladda Sacuudigu ay fikirka Khumayni labo siyood ba ay uga cabsatay: mar waa in Shiico ku dhiiranayso, kuna faanayso dawladdaa iyaga matasha oo u dhalatay, mar labaad waa in ay ka cabsadeen in fikirkaasi uu ku fido gobolka.

    Aayatullaah Khumayni shakhsi ahaan waxa uu aaminsanaa in fikirkiisu aanu ku koobnayn Iiraan oo kaliya, balse uu faafi doono, oo gaari doono dunida Muslimka ah. Bilowgii uu xilka qabtayba shiicada degan dalka Baakistaan waxaa gashay ruux cusub oo ka soo shidaal qaadanaysa dalka Iiraan, waxay bilaabeen dhaqaaq siyaasi ah, dawladdii xilligaas oo aanan u bogin baa caburis dadban iyo mid toos ah ba kala hortimid dhaqdhaqaaqaa, balse waxaa si cad uga hadlay oo welibana dawladdii Baakistaan u hanjabay Aayatulaah Khumayni, isagoo ku leh, waxaan idinku samaynayaa wixii aan ku sameeyey Shaah.

  Dawladda Islaamiga ah, ee Iiraan bilowgii waxa ay ku koobnayd, kuna mashquulsanayd gudaha dalkeeda saamayn xoog lehna kuma lahayn gobolka, marka laga raabo dagaal siddeed sano socday oo dhex maray Iiraan iyo Ciraaq, gobolku waxa uu ahaa nabad, waxaana inta badan saamayn muuqata ku lahaa dawladdaha reer galbeedka iyo weliba xulafadooda qadiimiga ah ee dawladdaha Muslimka ah, gaar ahaan dawladdaha Suniga ah. 

Billowgii Saamaynta Iiraan ee Gobolka.

Dagaalkii ka dhankaa ahaa Ciraaq, oo uu Maraykanku ku qabsaday dalkaas, sanaddii 2003-dii baa waxa uu beddalay nidaamkii wax u socdeen oo dhan. Dad badan oo aqoonyahan ah, oo aad ugu dhuun-duleela siyaasadda gobolka iyo weliba mida Maraykanka baa qaba in dagaalkaas lagu khaldanahaa, siyaasad khaldan oo la qaatayna ay ahayd. Aqoonyahanadaa waxaa kamid ah Francis Fukuyama oo ah aqoonyahan weyn oo dhanka siyaasadda wax ka qora. Yeelkadeede, Buush iyo nidaamkii sii waxa ay ku doodeen in dagaalka Ciraaq uu yahay dabayshii dimuqraadiyada ee gobolkaas iyo weliba soo afjarka xagjirka ka dagaalama gobolkaas.

Haddii 2003-dii uu Buush lagu qanciyey ama uu ku qancay dagaal lagu qaado Ciraaq in uu horseedi doono barwaaqo iyo dimuqraadiyad iyo weliba shacab is-oggol oo ka dhaxeeya hal dal iyo calan waa marin habaabeen.

    Dalka Ciraaq waxaa aqlabiyadda ah Shiico, waxaana in badan soo xukumaayey Suni oo uu ugu danbeeyey Saddaam Xusayn; dagaalkii Maraykanku ku galay Ciraaq waxa uu dhaliyey sida dad badan aqoonyahani qabaan dalkii ugu horreeyey oo Carab ah, oo shiico aqlabiyadda tahay, kaas oo aan horrey u jirin.

    Burburkii nidaamkii Saddaam Xusayn waxa uu ahaa billowgii saamaynta Iiraan. Iiraan waxa ay toos faraha ula soo gashay dalka Ciraaq siyaasaddiisa, waxa ayna noqotay laacibka keliya ee ugu amarka sareeya, taas oo ay ku gaaracday dhiggooda dalalka sunniga ah ee uu hoggaaminayo Sacuudigu iyo weliba dalalka galbeedka ee uu hoggaaminiyo Maraykan. Wixii ka danbeeyey saamaynta ay Iiraan ku yeelanaysay gobolka waa koraysay, halka saamaynta dunida Carabtu hoos u sii dhacaysay. Waxaa in la xuso ah, markii Kurdidu ay bilaabeen in ay afti ku goostaan dhulkooda Maraykan waa uga digay Kurdida in ay falkaa sameeyaan, balse waxba kama beddelin arrinta. aftidii markii ay qaadeen Kuridu oo ku dhawaaqeen in ay goosteen, Iiraan ayaa Kurdidii kala hadashay arrintii aftida miiska wada-hadalkana ku soo celisay. Kurdidu waxay xulufo dhow la yihiin Iiraan, waxayna qayb weyn oo lixaad leh, ka yihiin dadka oggolaanaya saamaynta Iiraan ee gobolka.

Markii uu billowday kacdoonkii Carabtu waxa ay mar labaad ahayd fursad u soo baxday dalka Iiraan. Iiraan kacdoonadii Carabta ka dhashay waxa ay sii siyaadisay saamaynta ay ku leedahay gobolka. Gobolka bariga dhexe oo muddo astaan u ahaa siyaasad deggan, oo ay xukumaan boqorro ama kali taliyeyaal waxaa beddalay xasilooni-darro siyaasadeed iyo dagaallo joogta ah, tobankiii sano ee u danbeeyey. Xasilooni-darro siyaasadeed oo walba oo ka dhacda bariga dhexe ama xasilooni-darro walba oo ka dhex dhacda dalalka carabta waxa ay fursad dahabiya u tahay dalka Iiraan, saamaynteeduna sii koraysay. 

Iiraan miisaaniyada ku baxda difaaceeda waa ka yaryahay dhiggeeda dalalka ay xifaaltamaan. Tusaale ahaan sanadkii 2016-kii machadka Stockholm International Peace Research waxa uu sheegay in 3% dakhligeeda ay dalka Iiraan ku maalgaliso ciidamadeeda; halka dalalka Sacuudigu dakhligiisa sanadkii 10% uu ku maal galiyo ciidamadiisa, Israa'iil 6%, Ciraaq 5% halka Jordan ay ku maalgaliso 4%. Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada aad bay uga danbaysaa dalka Sacuudiga, isla sanadkii 2016-kii dalka Sacuudigu waxa uu ku bixiyey 63.7 bilyan, dhanka difaaca, halka dalka Iiraan ay ku bixisay 12.7 bilyan dhanka difaaca, taas oo ka dhigan in Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada ay aad uga danbayso Sacuudiga.

    Balse Iiraan si ay taas uga kabato waxa ay maalgalin isugu jirta tababar, dhaqaale iyo qalab siisay Xuutiyiinta dalka Yaman ka dagaalamaya, kuwaas oo dagaal kula jira xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga oo dalkaas dagaal kaga jira muddo sanada ah, waxaa xusid mudan in Sacuudiga iyo xalufadiisa oo dhaqaale badan haysta, dhaqaale badana galiyey soo iibsashada hubka aanay weli ka guulaysan Xuutiyiinta dagaalka kula jirta. Xuutiga kaliya ma maalgalin dalka Iiraan, waxa  kale oo ay Iiraan taageero siisaa Xisbu-llaah iyo weliba Xamaas, oo dagaal ka dhan ah Israa'iil wada, halkaas kuma istaagin Iiraan waxa ay si toos ah faraha ula gashay dagaalka sokeeye ee ka dilaacay Siiriya iyo weliba  taageero ay siiso kooxo shiico ah, oo dalkaas ka jira, dagaalna kula jiray kooxdii argagixisada ahayd ee Daacish.  Siiriya, Iiraan waxa ay ka noqotay laacibka ugu muhiimsan ee arrimaha siyaasiga ah ee dalkaas iyo weliba dalka ugu horreeya oo weli ku joogo madaxweynaha Siiriya Bishaar al-asad. Markii uu billowday dagaalka sokeeye ee dalka Siiriya; dalalka Ciraaq iyo weliba Siiriya waxaa ka dillaacday kooxda argagixisada ah ee Daacish, taas oo dhul badan qabsatay, kadib waxaa cagta mariyey dalal badan oo ay kamid yihiin: Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo weliba Turkiga.

Obama iyo Iiraan

Dalka Maraykanka oo cuno-qabatayn saaray dalka Iiraan, taas oo la xiriirta hubka nukliyeerka iyo weliba habdhaqanka ay ka wado gobolka oo aan la jeclaysan, muddo dheer ayey xanibaadaasi saarnayd, taas oo ay aad u soo dhoweeyeen Israa'iil iyo weliba dalalka suniga ah, oo Sacuudi ugu horreeyo. Madaxa dalalka Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa si kulul u canbaareeyey Iiraan. Balse saamaynta sii koraysa ee Iiraan waxba kama dhimin, ee waa ku sii kortay; halka Sacuudiga iyo dalalka ay xulafada yihiin saamayntoodu hoos u dhacday. Soomaalidaa tiraahda geedku biyaha waa ku baxaa, Iiraan dhaleecaynta iyo hanjabaada madaxda galbeedka, Israa'iil iyo Sacuudiga waa ay ku kortay.

Sanadkii 2015-kii ayaa dalalka Maraykanka, Ruushka, shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo weliba Jarmalka waxa ay heshiis la galeen dalka Iiraan , kaas oo khuseeyey hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo weliba dabeecadaha ay ka wado gobolka, ugu danbayn dalalkaasi waxa ay ku guulaysteen in ay heshiis la gaaraan dalka Iiraan; Iiraan waxaa laga khafiifiyey cuno-qabatayntii saarnayd. Balse Israa'iil iyo weliba dalalka Suniga ah, ee Sacuudigu hoggaamiyo heshiiskaas waa caro-galiyey, waxa ay ka shekiyeen saaxiibkoodii hore, balse qudhooda waxaa loogu beddalay heshiiskaa in laga iibiyo hubab ay markaa baahi u qabeen. Yeelkadeede, Iiraan saamaynteedii gobolka waa sii korodhay. Heshiiskaa kadib xiriirka u dhaxeeyey Riyaad iyo dhiggeeda ma uusan qaboobin, uma se dhowaan, waxaa sii xumaaday xiriirka laba dal; waxayse ugu darnayd markii dalka Sacuudigu uu dilay dad ka badan afartan oo uu ku jiro wadaad weyn oo lagu magcaabo Nimir Al-nimir, oo shiici ahaa, una dhashay dalka Sacuudiga kaas oo ay ka carootay Iiraan. Taageero ka carooday dilka wadaadkaa oo reer Iiraan ah ayaa weerar ku qaaday safaarada Sacuudiga ee dalka Iiraan, inkasta oo ay Iiraan falkaa dhaleecaysay, kama joojin Sacuudiga iyo xulafadiisa in ay xiriirka u jaraan dalka Iiraan.

Xilligii Trump

   Ganacsade Trump oo aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn siyaasadda ayaa loo doortay madaxweyne dalka Maraykanka. Trump waxaa lagu bartay tan iyo ololihiisii: been, hanjabaad, muslim nacayb, hadallo is-burin, nin cunsuri ah, taageero u ah Israa'il, aad ugu kacsan xiriirka ganacsi ee shiinaha iyo weliba nin diidan heshiiskii lala galay dalka Iiraan iyo weliba heshiiskiisii khuseeyey cimilada, ee lagu saxiixay dalka Faransiiska. Doorashadiisa, siyaasadiisa arrimaha gudaha lama saadaalin karin, iskaddaa tiisa arrimaha dibadee.

  Waxaa xaqiiqo noqonaya hadalkii Fariid Sakariya ee ahaa: "Understanding Donald Trump's foreign policy is a bit of challenges since the president has written and spoken little on the subject for most of his life".

  In la fahmaa siyaasadda arrimaha dibedda ee Donald Trump waa caqabad maadama madaxeynuhu uu wax yar ka qoray ama ka hadlay maadada noloshiisa inta badan.

    Safarkiisii ugu horreeyey Trump waxa uu ku tagay dalka Sacuudiga halkaas oo uu kula kulmay dalal badan oo muslim ah, Sacuudigana xulufo la ah. Halkaas waxaa ka bilaabanaya dhibaato kale. Markii uu dalkiisa ku laabtay muddo kama soo wareegin markii wadanada Sacuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn ay cuno-qabatayn cirka, dhulka iyo badda ku soo rogeen dalka Qadar, oo ay xulufo dhow ahaayeen. Dalalkan ayaa Qadar ku eedeeyey argagixiso taageerid iyo falal kale, balse mar kale fursad waxay siiyeen dalka Iiraan oo ay dalka Qadar u soo dhowaatay, Iiraan kaliya ma aha dalka Turkiga oo muddo saldhig ka doondoonaayey bariga dhexe ayaa isna helay fursad dahabi ah kaas oo soo dhowaystay dalka Qadar, welibana saldhig milateri ka helay.

   Trump waxa uu mamnuucay in ay dalkiisa soo galaan lix dal oo muslim ah oo ay Iiraan ka mid tahay, waxa kale oo uu laalay heshiishkii lala galay dalka ee Iiraan ee ku saabsanaa nukliyeerka Iiraan. Waxaa xusid mudan in markii uu Trump ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, ee uu saxiixay wiilkii madoobaa, in uu hadlay raa'isul wasaaraha Israa'iil Netanyahu uuna yidhi: "anaa ka codsaday in uu Trump ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan". Trump mar kale waxa uu cuno-qabatayn ku soo rogay dalka Iiraan, welibana waxa uu ku hanjabay in dalka Iiraan la tacaamula uu cawaaqib xumo kala kulmaayo, mar kale waxaa arrintan soo dhoweeyey  ra'iisul wasaaraha Israa'iil, mar kalena yidhi: "anaa ka codsaday Mr. Trump in uu sidaa sameeyo". Keliya Israa'iil ma soo dhowayn go'aanka Trump, waxaa kaloo aad u soo dhoweeyey dalka Sacuudiga iyo wadammo uu hor boodo oo sunni u badan.

   Khuburo badan baa saadaalisay in maadaama heshiiska Iiraan la tuuray ay waxa keliya oo banaan ay tahay dagaal. Obama qudhiisa ayaa yidhi: "...heshiis aan Iiraan lala gelin, doorashada keliya oo noo banaan waa dagaal". Balse Iiraan uma joojin waxaas oo dhan saamaynta ay gobolka ku leedahayna waa sii korodhay. Iiraan waxa ay saaxiib dhow ka dhigatay dalka Ruushka, kaas ay heshiisyo badan kala saxiixdeen, saaxiibka uu Ruushku la saaxiibay Iiraan waxa ay siisay fursad ah in bariga dhexe siyaasadiisa uu ka noqdo laacib muhiim. Jarmalka, Ingiriiska iyo weliba Faransiiska muhiim kama aha siyaasadda bariga, sida Raashiyaa. Ruushku fursadaas ma gaareen haddii aanu Iiraan u suurto gelin. Taasi waxa ay muujinaysaa muhiimada dalka Iiraan iyo saamayntiisa. Sida uu qoraal uu qoray ku sheegay Vali Nasr Ruushku waxa uu noqday awoodda keliya ee cid walba kala hadasho arrimaha gobolka.

   Ruushka, Iiraan iyo Turkiga waxa ay jaangoynayaan mustaqbalka Siiriya. Aqoonyahanno badan baa qaba in aanu Ruushku dhaqaale iyo awood ciidan saamayntaa ku yeelan, balse uu ku gaaray siyaasad iyo weliba saaxiibka uu ka dhigtay Iiraan, oo ah mid kamid ah awoodaha gobolka, welibana kuwa ugu muhiimsan. Sidii uu Trump u laalay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, xiisaddu waa sii kacaysay, waxaa saxaafada iyo tuwitarka la isku marinaayey hanjabaad joogto ah. Maxamed binu Salmaan oo dalka Sacuudiga maanta ugu awood badan, Trump, Mike Pompeo, Bolton iyo weliba Netanyahu waxa ay weerar afka ku qaadeen dalka Iiraan.

Waxayse xaaladdu ka sii dartay markii uu Trump argagixiso ku tilmaamay ciidanka gaarka ah ee kacaanka, ee dalka Iiraan, waxa kaloo ay xaaladdu ka sii dartay markii la isku muran dhaafay marinka Hormus, Maraykan oo diyaaradihiisa dagaalka u daabulay gobolka iyo weliba maraakiib Sacuudigu leeyahay oo lagu waxyeeleeyey biyaha Imaaraatka Carabta. Ilo aan la magcaabin oo Maraykanka ka shidaal qaata baa weerarka ku eedeyey dalka Iiraan, balse weli wax cad lagama hayo, balse waxa ay sii xumaysay xiisaddii xumayd ee u dhaxaysay Maraykan iyo Iiraan. Waxaa kaloo la sheegay in ciidamo gaaraya 120, 000 ay u daabulayaan gobolka. Trump waa beeniyey dagaal lagu qaadayo Iiraan, waxaaana uu sheegay in uu Iiraan ka rabo in ay soo wacaan.

     Waxaa se ila quman in aan wax yar ka iraahdo John Bolton oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Trump. Bolton waxaa lagu xasuustaa rabitaankiisii iyo weliba doorkiisii uu ku lahaa dagaalkii Ciraaq, waxa uu kamid ahaa maskaxihii ka danbeeyey dagaalka Ciraaq. Weli waxa uu ka mid yahay dadka faro ku turiska ee aaminsan in go'aankii lagu galay dagaalkaa uu ahaa mid saxan. Mudane Trump markii uu magcaabay Bolton dad badan baa saadaaliyey in uu dagaal horseedi karo. Bolton waxa uu yaqaan labo doorasho mid uun: In dagaal la qaado ama in nidaamka uu diido la beddalo, sida uu hadda ka wado Venezuala, billowgiina uu ku dayey Iiraan. Waxa uu hadda kamid yahay dadka tirada yar ee Trump ku riixaya dagaalka Iiraan.

    Dagaalkan Iiraan ka dhan cida dabada ka riixaysa ma aha oo keliya John Bolton, waxaa horboodaya Israa'iil, Maxamed Binu Salmaan ka Sacuudiga iyo xulafadiisa. Waxaan rabaa in aan xuso hadal uu yidhi Vali Nasr oo ah aqoonyahanada darsa waxna ka qora gobolka, kana mid ah, ragga ugu horreeya, oo ahaa: xaqiiqada la yaabka ah waxa ay tahay awoodda halgan ee bariga dhexe ayaamahan, Carabi waa ka maqantahay, u fiirso dagaalada hadda socda, dhammaantood waa awoodo aanan Carab ahayn- Iiraaniyiin, Turki, Raashiyaan, Israa'iil iyo Amerikaan- ayaa galaya dagaalada si ay u go'aamiyaan: yaa qaabayn doono dunida Carbeed. Loollanka socda waxaan rabaa in aan akhristow kuugu celiyo carabi waa ka maqantahay, waa macquul in ay la socdaan dalal kale, sida: Maraykan ama Israa'iil, balse kama dhigna in ay door muhiim ah ciyaarayaan.

Maxaa Iiraan lagu Galay?
Iiraan waxa lagu haysto inta aanan u gelin aan is-weydiino, IIraan maxay isku halanaysaa, oo waa iyadan la dhaqaajin la'yahaye? waxa keliya oo IIraan isku halaynaysaa waa hubkeeda sawaariikhda ah iyo weliba hubka nukliyeerka ah, taas oo siisay kalsooni ahin aan dagaal lagu qaadi karin, haddii lagu qaadano ay gobolku aanu nabad ka ahaanayn. su'aashii hore aan usoo laabto oo ahayd: IIraan Maxaa Lagu Galay? 

   Iiraan waxaa lagu galay dhowr arrimood oo muhiim ah: kow Iiraan waxa ay saamayn muuqata iyo awood muuqata ku yeelatay gobolka taas oo baqdin galisay Maraykanka, maadaama uu u arko in Iiraan danihiisa ka hortimid. Labo, Israa'iil kama raalli aha, awoodda muuqata ee Iiraan, kow, Iiraan waxay taageero siisaa jabhado dagaal kula jira Israa'iil. labo, Israa'iil, Iiraan waxa ay u aragtaa awoodda kaliya oo Muslim ah, oo gobolka taas oo khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama Israa'iil ay ka takhalustay dhammaan dalalkii caqabadda ku ahaa waxa hadda dhishan oo Sacuudigu ugu horreeyana aanay Israa'iil ku soo dhici karin, Israa'iil waxa ay u aragtaa dagaal lagu qaado Iiraan in ay faa'ido weyn ugu jirto.

Saddex, Iiraan waxaa aad ugu dhegan dalal u badan sunni oo uu hoggaamiyo Sacuudiga kuwaas oo uu ka dhexeeyey loollan taariikhiya labada farac ee Islaamka ku abtirsada waa Suniga iyo Shiicada e. Dunida galbeedka halka ay ka eegaan dalka iyo dadka; ama dadku uu dal ka dhaxeeyo, dunida Carabta ama sunniga iyo shiicada waxaa muhiim u ah isku dheelitirnaan awoodeed waxa uu ugu yeedhay Vali Nasr "Balance of Power". Tan iyo sidii uu u dhashay kacdoonka Iiraan 1979-kii, waxaa sii kordhayey awoodda shiicada, gaar ahaan Iiraan, halka dhiggooda sunniga ay awooddoodu hoos u dhacday, ama ay galeen dagaal sokeeye oo ay adagtahay in laga soo kabto. Taasi waxa ay caro-gelisay Sacuudiga oo tamar kale aanan maanta hayn, balse dagaal lagu qaado Iiraan u arka in mar labaad ay faa'iido ugu jirto.


Gunaanad

      Qoraalkan kooban waxa uu ka warramayey dhalashadii cusbayd ee Iiraan, gaar ahaan kacdoonkii dhacay 1979-kii. Qoraalkan waxa kale oo uu ka sheekeeyey saamaynta Iiraan ee gobolka iyo sida ay ku soo bilaabmatay, iyo halka ay gaartay, qoraalku waxa kale oo uu sheegay in dunida Carbeed maanta dagaalka ka socda dhulkooda ay ka maqanyihiin, halka Iiraan awooddeeda iyo saamaynteeda ay korodhay. Qoraalku waxa kale oo uu si kooban u dul istaagay heshiiskii dalalka awoodda badan, oo Maraykan ugu horreeyo la galeen Iiraan iyo hubkeeda nukliyeerka, qoraalka waxa uu si kooban uu u dul istaagay Iiraan waxa lagu galay, waxaa kale oo qoraalku sheegay Iiraan waxa ay isku halaynayso. qoraalku waxaa kale oo uu dul istaagay Ruushka oo laacib muhiim ah ka noqday gobolka. Qoraalku waxa kaloo uu xusay in heshiiskaas aanu raalli-gelin Israa'iil iyo Sacuudiga. Ugu danbayn waxa kaloo qoraagu xusay xilligii Trump yimi iyo waxa is-beddelay, iyo khatarta dagaal ee macquulka ah. 

Waxaa xusid mudan, oo aan akhristaha sharafta leh u sheegayaa in si mawduucan loo fahmo loo baahanyahay qoraal dhexdhexaad, oo xog sax ah xanbaarsan laga qoro loollanka qotoda-dheer ee u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada. Mawduucan wax laga qoray Af-somaali ahaan, waa yaryihiin dadka badanaa ka hadlaa waa culimada Soomaaliyeed kuwaas oo aan si dhexdhexaad ah uga hadlin mawduucan. Waxa aan isku dayi doonaa in aan ka qoro, qoraal dhexdhexaad ah oo wax inoo iftiimiya, Waa haddi Eebbe idmo. 





                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale


                                    Dhaka, Bangladesh.  



Saturday, March 23, 2019

Buug Soo Koobid: Isku Dhaca Xadaaradaha.



 Hordhaca Qoraaga

Ka hor inta aanan idinla wadaagin buuggii uu qoray Samuel Huntington, ee uu ugu magac daray: Isku Dhaca Xadaaradaha, dib-u-samaynta nidaamka caalamka. “The Clash of Civilizations, Remarking of World Order”, aan wax yar ka iraahdo qoraaga. Samuel P. Huntington waxa uu ahaa qoraa, la -taliye, borofaysar iyo caalim siyaasaddeed, oo u dhashay dalka Maraykanka. Waxa uu qoray buug ka badan shan iyo toban, oo uu kamid yahay buuggan aan halkan idin kula wadaagayo, waxa kaloo uu qoray ku dhowaad boqol maqaal. Qoraagu waxa uu inta badan wax ka qori jiray: siyaasadda gudaha ee dalka Maraykanka, arrimaha dawladnimada, amaanka iyo weliba xiriirka caalamiga ah. Waxa uu in ka badan qarni barkii ka ahaa bare wax ka dhiga jaamacadda Harvard. Waxa uu kala shaqeeyey qorshaynta dhanka amaanka madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter. 

Hordhaca Aragtida Qoraaga

Hordhacaa taariikheed ee qoraaga oo kooban, aan ku xejiyo sababta ka danbaysay aragtida Samuel Huntington. Tobanaan sanno oo uu socday dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey dawladihii isku sifeeyey adduunka xorta ah (Free World), oo Maraykan hoggaamiye u ahaa, iyo garabkii kale ee shuuciga, oo Ruushku hormuud u ahaa, waxaa uu adduunku u qaybsanaa labadaa kooxood iyo koox kale oo isku sifaysay dhexdhexaad (Non-aligned) oo sida, qoraagu laftirkiisu qabo u badanaa: dalal dhowaan xorriyad qaatay, dhaqaale xumo ka jirto, deganaan la'aan siyaasadeed ka jirto, oo labadaa kooxeed ee sare ku dul dagaalamayeen. 

Dhammaadkii qarnigii labaatanaad baa laga guulaystay midowgii Soofiyeetka, oo ahaa garabka kaliya oo awoodda ku haystay dawladaha reer Galbeedka. Markan aqoonyahanada xiriirka caalimigu waxa ay is-weydiiyeen su'aal ah: haddii laga adkaaday midowgii Soofiyeedka adduunku sidee u ekaanayaa? Sidee loo akhriyaa? Waa maxay aragtida ka turjumaysa halka adduunku u jihaystay? Raggii qalinka qaatay ee aragtiyaha la yimid waxaa kamid ahaa Francis Fukuyama, oo qoray buuggiisa caanka ah: The End of History and Last Man. Qoraa Fukuyama waxa uu ku dooday in aadanuhu joogo dhammaadkii taddawarka afkaareed ee aadanaha, oo aragtida xorta ah ee reer galbeedka ay tahay dhammaadka noocii ugu danbeeyey ee dawladeed, waxa uu buuggiisa Fukuyama ku leeyahay sidan:

"What we may be witnessing is not just the end of cold war, or passing of a particular period of post-war history, but the end of history as such: that is end point of mankind's ideological evolution and the universalization of western liberal democracy as the final form of human government". 


Buuggan ayaa dood dhaliyey, siyaabo kala duwana looga falceliyey, dadka qaarbaa u qaatay in qoraaga aragtidiisa ay wax ka jiraan, oo aadanuhu u jihaystay dhanka iyo wada-noolaansho iyo nabad, qolo kale baa ka biyo diiday, oo si uun u saluugay aragtida Fukuyama, waxaa raggaas kamid ah, Edward Said, oo ku tilmaamay, dhammaadkii Fukuyama, "[...] The End of Fukuyama", balse macallinkii Fukuyama iyo saaxiibkii ayaa dhowr sanno kadib, oo ku beegan 1993-dii waxa uu maqaal ku dabaacay wargeeska Foriegn Affairs, oo ugu magac daray : "The Clash of Civilizations?" Sida buugga qoraaga ku qoran waxa uu dhaliyey doodii ugu dheerayd oo uu daabaco wargeeskaasi, laga soo bilaabo 1940-kii. Qoraaga qudhiisu waxa uu qoro waxa uu ahaa qoraal uu qoro kii ugu dooda badnaa. Sidii doona ha looga falceliyee, mid naxa, mid diida, mid wax u baxaan, mid wax ku raaca iyo kuwo dhaha wax cusubna maaha, mana aha muhiim ah aragtidu buuggu xanbaarsanyahay, Samuel, 1996-dii waxa uu maqaalkii u beddalay buug uu isla cinwaankii siiyey, balse markan waxa uu ka reebay su'aashii, uu watay maqaalku: "The Clash of Civilizations, Remarking of World Order ". 

Cinwaanka Buugga

Magaca uu siiyey qoraagu buuggiisa si walba oo loo dhigo maaha mid cusub, ee waa mid soo jiray, qoraagu ha ka soo qaato ama yaanu ka soo qaadane, waxaa magaca uu buuggu wato uu ku jiray, maqaal uu qoray, 1990-kii, Bernard Lewis oo uu ugu magac daray: "The Roots of Muslim Rage".

Muxuu Buuggu ka Hadlayaa? 

Buuggan mudane Samuel Huntington waxa uu xambaarsanyahay aragti ka duulaysa siyaasadda adduunku waxa ay gashay weji cusub, wajigan cusub, adduunku uma qaybsanaan doono aragtiyo sidii kuwii dagaalkii qaboobaa, balse markan waxa uu adduunku u qaybsami doonaa dhaqan, halka dhaqankaas ugu sarreysana waa xadaarad (Civilization), oo ah waxa bulsho isku haya. Adduunku waxa uu markii koowaad uu noqdo adduun xadaarado kala duwan (Multicivilizations) iyo weliba iyagoo kala jooga cirifyo kala duwan (multipolar). 


Sida uu qabo mudane Huntington xiriirka xaadaraduhu waxa uu ahaa mid aad u yar ama aanan jirin, balse, bilowgii taariikhdan casriga, oo ku beegan 1500-kii, siyaasadda adduunku waxa ay qaaday labo wado, mid waa in dunida reer galbeedku, in ka badan afar boqol oo sano, ay dhisteen nidaam caalamiya oo cirifyo kala duwan, xadaarada galbeed gudaheeda ah, reer galbeedku oo ay ugu horreeyaan Fransa, Biritayn, Jarmal, Isbayn, Maraykan iyo kuwa kale in ay is-dhexgaleen, tartameen, mar kalena dhexdooda ay ka dhaceen dagaalo aan la mahadin; mar kale dunida reer galbeed waxa ay isku fidiyeen, qabsadeen, gumaysteen ama saamayn ku yeesheen dhammaan ilbaxnimooyinka kale oo dhan.

Intii lagu guda jiray dagaalkii qaboobaa, adduunku waxa uu kala tagay labo cirif (bipolar), waxaana loo qaybsamay saddex kooxood, sidaan horey hordhaca ugu sheegayba koox waxa ahayd koox dhaqaale fiican leh, nidaam siyaasadeed oo degan leh, horumar tiknooloji iyo weliba mid saynisba samaysay, wax soo guumaysatay, waa qolada la baxday adduunka xorta ah, oo u badan dunida reer galbeed iyo xulafadooda, oo qarnigii labataanaad hoggaamiye u ahaa Maraykan, koox kale oo aan samayn horumar dhaqaale oo sidaa u buuran, saboolna u badnaa oo ku midoobay midowgii soofiyeedka, oo Ruushku u ahaa madax, labadan kooxood dagaalka badanaa ka dhaxeeyey waxa uu ahaa mid afkaareed, siyaasi iyo dhaqaale. Waxaana uu dagaalku ka socday dalal dhowaan xorriyad qaatay, sabool u badnaa, xasilooni siyaasadeed aannay ka jirin, iskuna sifeeyey dhexdhexaad.

Waxaa xusid mudan Maraykan iyo wixii uu hoggaamiyaha u ahaa, ama raacsanaa, in ay duruufi isku keentay, balse aannay muhiim ahayn in ay isku dhaqan, taariikh iyo deegaan ahaayeen, sidaa qudheeda waxaa ahaa midowgii Soofiyeed oo ku walaaloobay afkaar, balse aannay midayn diin, dhaqan, Af ama taariikh.


Jabkii soo gaaray dhammaadkii qarnigii labaatanaad midowgii Soofiyeedka waxa ay ahayd taariikh dhammaatay iyo weliba iyadoo la galay taariikh bilow ah, sida uu qabo Samuel, wixii ka danbeeyey jabkii Midowga Soofiyeedka iyo guusha aragtida xorta ah ee reer galbeedka adduunku uma qaybsanaan doono afkaaro sidii kuwii dagaalkii qaboobaa, siyaasad ama dhaqaale, balse markan adduunku waxa uu u kala safan doonaa dhaqammo. Bulsho walbaa waxa ay isku dayaysaa in ay jawaab u helaan, su'aal asaasi ah: Yeynu nahay? Jawaabta waxa ay dadku uga jawaabayaan qaab abtirsiinyeed, diin, Af, taariikh, qiyam, caadooyin iyo hay'ado. Waxa ugu weyn oo dad isku keenaya ama kala kaxaynayaa waa xadaarad; xadaaradana waxaa ugu weyn waa diin. 

Maxaa Cadayn u ah in La Gaaray Xilligii Dadku ku Midoobi Lahaayeen Ilbaxnimadooda?

Qoraagu waxa uu soo qaadanayaa tusaalayaal kala duwan  si uu inoo tuso in adduunku afkaar kala kaxaysay, balse markan dhaqanku dadka isku keenayo. Kadib muran dheer waxaa burbur ku yimid bulshooyinkii ku midoobay Yugaslaafiya (Yugoslavia), waxayna u qaybsameen dhowr koox: koox Serbia hoggaaminaysay, oo taageero ka helaysay Raashiya, maadama ay isku ilbaxnimo ka soo wada-jeedaan, labo, Kuraweeshiya (Croatia) oo taageero ka helaayey reer galbeedka, iyo Boosniya oo taageero ka heshay dalal badan oo muslimiin ah, sida: Iran, Turkey, Libya iyo Sacuudiga taageerayaashaas oo isugu jiray ciidan gaaraya 18 kun iyo weliba dhaqaale.

Qoraagu waxa uu qabaa dagaalada ka dhaca bulsho isku dhaqan ah ama isku ilbaxnimo ka soo jeeda in aannu saamayn culus ku lahayn adduunka, sida dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, balse waxa uu ka digayaa in dagaalka ka dhaca labo bulsho oo ku kala abtirsada labo ilbaxnimo oo kala duwan in ay khatar ku tahay adduunka, sida khilaafka Kashmiir, ee u dhaxeeya Hindiya iyo Baakistaan iyo weliba dagaalkii ka dhexdhacay dalkii la ay isku oran jiray Yugoslaafiya. Dawladaha waa weyna ay eegayaan ama hiil siinayaan  hadba  kii xiga ama kii  dantoodu ku jirto, sidii ka dhacday Yogaslaafiya, oo reebtay taariikh murugo badan.

Samuel  waxa uu qabaa in dalalka isku ilbaxnimada ku abtirsadaa ay si fiican isku dhexgalayaan  wada-shaqayn  markii ay timaado, iyo weliba in ay ka dhaxaynayso is-aaminaad, aan  ka dhaxayn dalalka kala ilbaxnimada ah. Waa halka qoraagu ka leeyahay adduunku waxaa isku beddalay gobalaysi (Regionalizition), xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Singapore iyo China iyo weliba walaashood Malaysia, in uu ka badanyahay kan ay la leeyihiin dalal kale. Mar kale ururuda jira ee ku abtirsada hal ilbaxnimo waxa ay leeyihiin wada-shaqayn fiican, tusaale ahaan Midowga reer Yurub, balse ururada ku kala abtirasda dalalka kala xadaarada duwan in ay adkaanayso in ay wada-shaqeeyaan. Waxaa  iyana  midoobaya  waa  sida qoraagu  qabee  bulshada  isku  dhaqanka ah oo horay  u  kala  qaybsanayd, sidii labadii Jarmal.

Dawladdaha  adduunku  waxay ahaanayaan  laacibka arrimaha caalamka, balse adduunku waxa uu u qaybsanaan doonaa siddeed xadaaradood. Qoraa Samuel Huntington waxa uu taxay  siddeedan xadaaradood,  mid walbaana  dalbaa hoggaamiye u ah, marka laga reebo xadaarada  Afrika,  xaadarada Islaamka, xadaarada  Latin Amerika. Siddeeda xadaaradoodna waxa ay kala yihiin: xadaarada galbeedka, oo Maraykan iyo Franco-German ay madax u yihiin, labo: xadaarada Sinic, oo dalka China hormuud u yahay, xadaarada Hindu, oo dalka Hindiya hoggaanka u hayso, Orthodox, oo ay Raashiya hoggaaminayso, Jabaan, oo ah, xadaarad keligeed ah, Islaam, Latin America iyo xaaarada Africa, saddexdaas ba kama jirto wadan hoggaamiye u ah, ama ay isku aqoonsanyihiin.

Xadaarada Islaamku sida qoraagu qabo, maaha xadaarad leh dal hoggaamiya, waxaa ka maqan waxa uu ugu yeeray "Core State", oo iyagana la kala hadla, caalamkana kala hadla. Dalka raba in uu hoggaanka u qabto ilbaxnimada Islaamka waxaa laga rabaa in uu yeesho khayraad dhaqaaleed, awood ciidan, ururo karti leh, shakhsiyad Islaam (Islam identity) iyo ko-go'naasho, si uu u siiyo hoggaaminta siyaasaddeed iyo weliba diineed ummada.  Dhowr wadan baa ku hardamaya hoggaaminta xadaaradaas: kow, Iran. Iran waa dal dhaqaale ahaan fiican, ciidan fiican haysta, dal ahaana bariga dhexe dhacda, taariikhda muslimtana qayb ka ah, balse dhibtu waxa ay tahay dunida muslimka ah 90% waa suni, halka 10% ay Shiico ka tahay. Sidoo kale taariikh  aan wanaagsanayn  waxa ay ka dhaxaysaa Carabta iyo Beershiyaanka.  Pakistan, dal ciidan fiican leh, dadkiisuna ay tiro badan yihiin, balse waxa uu wajahayaa dhaqaale xumo baahsan iyo qaybsanaan dhanka isirka ah iyo weliba mid diineed, taa waxaa u raacda dagaal kala dhaxeeya Hindiya iyo weliba xasilooni-darro siyaasadeed.

Indunuusiya waa dalka ugu balaaran ee muslim dego, dhaqaale ahaana koraya, balse dhul ahaan waa ka fogyahay dhulka islaamka dhexda u ah, waxaana dega qowmiyado kala dhaqan ah, oo kala diin ah. Masar, waa dal carbeed, dadkiisu aad u badanyahay, meel dhex ah, istaariji ahaan muhiim ah, hoggaaminaya jaamacadda Islaamka laga barto ee Al-Azhar, balse Masar waa dal sabool ah, ku tiirsan Maraykanka, hay'adaha reer galbeedku maamulaan iyo weliba wadamada saliida qaniga ku ah.

Sacuudiga, oo ah xudduntii Islaamka, halkii uu ku soo degay, afka dalkaas oo ah afka diinta Islaamka, magaalooyinkii barakaysnaa oo halkaas ku yaal, khayraad saliideedna haysta, iskuna sifeeya dal diinta ku ad-adag, balse dadkiisa oo yar, iyo weliba halka uu dhaco oo aad u jilicsan baa keentay in uu ku tiirsanaado Maraykanka. Ugu danbayn Turkiga, oo ah dal dhaqaale ahaan fiican, dadkiisu badan yihiin, ciidan ahaan wanaagsan, taariikh ahaan Islaamka saamayn ku leh, balse dhibtu waa in Turkugu uu yahay dal Cilmaani ah, ilaa ay ka go'antahay in uu Turkigu isku sifaynayo dal cilmaani ah, hoggaanka looma oggola, waa sida uu qabo qoraa Samuel Huntington. Ilbaxnimada Islaamku in aannay lahayn dal hoggaamiya waa waxa keenaya dhibaatada ka jirta gudaha dalalka ilbaxnimadaas ku abtirsada ama ay isku hayaan kuwa aan ahayn.

Xadaarad Caalamiya

Samuel Huntington waxa uu aad uga soo horjeedaa aragtida iyo weliba dadka qaba in ay jirto xadaarad caalamiya, oo adduunka oo dhan ka dhaxaysa (Universal civilization). Inkasta oo ay aragtidani ahayd, aragti ka dhalatay awoodda iyo xukunka ay isku fidiyeen reer galbeedku, oo ay dhankooda ka timid, haddana dadka ay saamaysay, oo aragtida qaba waxaa kamid ah, rag uu qoraagu ku tilmaamay in ay qaxooti ku yimaadeen dunida reer galbeedka, oo aragtidaa qaatay. V.S.Naipaul oo sheegay in la joogo xilligii ilbaxnimada caalimiga ahayd, waxa uu ugu yeeray "Universal civilization", iyo weliba  Fouad Ajami oo aragtidan la qaba ayuu qoraagu aad u dhaliilay.

Kalmadda xadaarad waxaa hormariyey qarnigii siddeed iyo tobnaad mufakiriin reer Fransa ah, si ay dadka ugu kala saaraan, iyaga [Reer galbeed] waa ilbax dunida kale waa dad dib-u-dhacsan, oo badow ah. Kalmadda xadaarad waxa ay ka soo horjeedaa cawaan (barbarism), bulshada ilbaxa ah waa kuwo deggan magaalooyinka, waxna baratay. In aad noqotaa ilbax waa wax wanaagsan, in aadan ahayna waa wax xun.

Xadaaradaha Caqabada ah

Qoraagu waxa uu qalinkiisa ku badanyahay ka hadalka labo xadaaradood, labadan ilbaxood, mar waxa uu uga digayaa reer galbeedka, isagoo leh, khatarta ugu badan waxa ay ilbaxnimada reer galbeed kaga imaanaysaa waxa uu ugu yeedhay "Challenger civilizations", oo ah ilbaxnimada China hoggaaminayo, oo inta ugu badan degaan ku ah Bariga Aasiya, labo, ilbaxnimada Islaamka, oo ku tilmaamay in iyagoo farqi u dhaxeeyo labadaa ilbaxnimo, ay haddana u midoobayaan ilbaxnimada reer galbeedka. mar kale qoraagu waxa uu sheegayaa, horumarka ilbaxnimooyinka kale ee aan reer galbeedka ahayn in ay ka dhigantahay in adduunku horumarayo; isla jeerkaasna aannu adduunku noqonayn adduun ay ka shaqayso si caalamiya dhaqanka, qiyamka iyo rabitaanka xadaarada galbeedku. waxa uu leeyahay: "The world was become more modern and less western". 

Waxa uu mudane Huntington qabaa horumarka labadaa ilbaxnimo- waa ilbaxnimada Islaamka iyo weliba Sinic-tee, in mid walbaa horumar samaynayso, balse ay mid walba horumar gooniya samaynayso. Kow, ilbaxnimada bariga Aasiya (East Asia) horumarka ay samaynayso waa mid dhaqaale, dalalka China, Malaysia, Singapore, Hong Kong, Taiwan iyo Thailand ayaa ku talaabsaday horumar dhaqaale muddo tobanaan sano ah, waxa uu dhaqaalahoodu  kordhaayey sannadkii inta u dhaxaysa 8 ilaa 10%. Waxaa horumar dhaqaale iyaguna sameeyey dalalka dhaca Koonfurta Aasiya. Taasi waxa ay keentay in ay awoodda dhaqaale iyo mida dhaqan ee dalalkaas ay kor-u-kacdo, iyagoo aaminay horumarka ay gaareen in ay sabab u ahayd dhaqankooda iyo ilbaxnimadooda, taasina waxa ay keentay in ay fagaarayaasha caalamka kaga faanaan. Qoraagu waxa uu soo xiganayaa shir dalalka reer Yurub la-lahaayeen dhigooda Bariga Aasiya, oo uu Mahathir Muhamad ka yiri, shirka intii uu socday: "European Values are European values, Asian values are universal values".

Muslimku, taa cagsigeed, waxa ay bilaabeen in ay dib-u-soo noolaysiiyaan ilbaxnimadoodii. Waxay muslimiintu u weecdeen xalka raadinta Islaamka, oo halku dhigooddu waa: Xalku waa Islaam, "Islam is the solution". Waxaa kordhay wacyiga muslimiinta ee ku aadan ilbaxnimadooda, waxayna soo dhoweeyaan wixii horumar ah, oo ilbaxnimada galbeedka uga imaanaysa, waxayse raddiyeen in ay ka tagaan dhaqankooda iyo ilbaxnimadooda.

Mudane Huntington waxa uu ugu yeeray waxa ka socda dunida Muslimka soo noolaanshaha Islaamka (The Islamic Resurgence), waxaana uu barbar dhigay dib-u-habayntii lagu sameeyey Borootastant (Protestant Reformation), balse ilbaxnimada Islaamku hal mid bay kaga duwantahay dhiggeeda Protestent, taas oo ah qof walba oo Muslim ah, in ay gaartay soo noolaanshaha ilbaxnimada Islaamku. Waa sida qoraagu qabee. 1995-tii dal walba oo Muslim yahay qaalibiyada, marka laga reebo Iiraan, waxay ahaayeen inta badan Islaamiyiin dhaqan ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaan marka loo eego shan iyo toban sano ka hor, sidan waxaa yiri, Samuel Huntington.

Ururada Islaamiyiinta ah baa dalalka Muslimka ku xoogaysanaya, haddii ay noqoto dhisida xarumo lagu barto quraanka, xarumo caafimaad, xarumo waxbarasho, xarumo agoomeed, xarumo lagu caawiyo dadka masaakiinta ah, waxa uu qoraagu tusaale u soo qaadanayaa dhul-gariir ka dhacay dalka Masar 1992-dii oo ururada Islaamiyiinta ah ay dadka caawinayeen oo ay wadooyinka taagnaayeen ka hor dawladda oo adeeggii loo igmaday la soo daahday, baraarug wax qabad, haddii ay noqoto dhismo xarumaha aan kor ku soo tilmaamay ama baraarug wacyi waxa ay ka jirtaa dalka yar ee Jordan, oo dad ahaan afar milyan ah, waxaa baraarugaa ka waday sida qoraagu qabo Ikhwaanu muslimiinka.

Dalka Jordan bilowgii 1990-kii waxaa ka hawlgalaayey afartan Iskuul oo Islaami ah, 120 xarumood oo lagu barto quraanka, cisbataalo tiro badan iyo labataan xarumood oo dadka lagu daaweeyo. Albaabka ku xiga oo West Bank iyo Gaza ah ururada Islaamiyiinta ah waxay ka wadaan baraarug kaa lamid ah, haddii ay noqoto wax qabad iyo midow dhallinyareed. Qoraagu waxa ka socda dhulka Muslimiinta waxa uu ugu yeeray: "Religious-welfare-state-within-the-secular-state". Dal cilmaani ah, balse kooxo diimeed ay ka wadaan daryeelka dadka danyarta ah.

Baraaruggaa ka socda dhulka Muslimka waxaa raacda tirada muslimka ah oo sii badanaysa, taasoo la macno ah in ay carruurta ay dhalayaan ay aad u badanyihiin, dalal badan oo Muslim ah baa tiradoodu kor u kacday. Dalalka muslimka ah waxaa ku badan tirada dhallinyarada u dhaxaysa shan iyo toban ilaa iyo labaatan iyo afar. Isku soo duuduuboo, qoraagu waxa uu qabaa dhaqaalihii ilbaxnimada ee reer galbeedka in uu hoos u dhacay, sidaa si lamid ah taranka dadka in uu is-taagay, waxa uu qoraagu ugu yeeray "Demographic stagnation". Labada ilbaxnimo ee uu qoraagu ku tilmaamay "Challenger Civilizations", in ay dhaqaale ahaan aad u kobcayaan, isla markaasna taran ahaan aad u korayaan.

Dhallinyarada muslimku waxay khatar ugu jiraan in kooxaha xagjirka ah oo ku sii xoogaysanaya dunida Muslimka ah ay qortaan ama qaxooti ku noqdaan dalal kale. Dhaqaale koboca China iyo walaalihii waxa uu awood siinayaa dalalka Aasiya, dadka sii koraya ee muslimiintuna waxay khatar ku yihiin dhexdooda iyo weliba dadka aan ilbaxnimadaas ahayn. Si kooban labadaa ilbaxnimo, waa tan Bariga Aasiya oo dhaqaale kobac xawli ku socda samaysay iyo dhiggeeda- waa ilbaxnimada lslaamkee oo ku guulaystay isku uruurinta bulshada (Social Mobilization) iyo kororka dadka (population growth) in ay yihiin caqabada ugu weyn ee ilbaxnimada galbeedka. 

Doodda uga badan maqaalka qoraaga waxa ay ka dhalatay cinwaanka uu ugu magac daray xuduudaha dhiigaya ee Islaamka, (Islam's Bloody Borders), isagoo ka duulaya in dalal badan oo muslim ah dhexdooda dagaal ka socdo ama ay dagaal ku hayaan bulshooyinka aan iyaga ahayn, taasina waxa ay keentay in xuduudahoodu ay dhiig noqdaan.

Qoraagu waxa uu qabaa in reer galbeedku ay labadaa ilbaxnimo iska ilaaliyaan, oo isha ku hayaan. Waxaa kale oo qoraagu siinaya talo dunida reer galbeedka isagoo kula talinaya in ay la saaxiibaan waxa uu qoraagu ugu yeeray ilbaxnimooyinka aan dhanna-ahayn "Swing Civilizations", oo ah Hinduuga, Ortodhox iyo tan Latin America, waxa kale oo uu kula talinayaa in ay garab siiyaan reer galbeedku bulshooyinka u dhega-nugul, iyo weliba in ay ka faa'idaystaan farqiga u dhaxeeya labadaa- Islaamka iyo China. Waa talo u muuqata qaybi oo xukun, talooyinka qoraaga waxaa kaloo kamid ah, in reer galbeedku qiimayn isku sameeyaan.

Ugu danbay qoraagu buuggiisa waxa uu ku soo gabo-gabaynayaa, isagoo xiganaya 1950-kii saadaal uu bixiyey Lester Pearson, oo oranaysa: "waa wakhti ilbaxnimooyinka kala duwan ay baranayaan in ay isku garab noolaadaan si nabad ah, wax is-weydaarsadaan, bartaan midba midka kale, darsaan midba midka kale taariikhdiisa iyo fikradihiisa, farshaxankiisa iyo dhaqankiisa, si is-dhaafsi ah tanaadinaysa/kobcinaysa midba midka kale". Yeelkeede, Samuel Huntington waxa uu qabaa aragti taa ka duwan oo ah, aragti buuggiisa dhan ka duulayo taas oo ah, waagan cusub, isku dhaca xadaaraduhu waa khatarta ugu weyn ee nabadda adduunka, nidaam caalamiya oo xadaaraduhu asaas u yihiin waa xaqiiqada hubaantida ah oo lagu hor-istaagi karo dagaal adduun.

"... In the emerging era, clashes of civilizations are the greatest threat to world peace, and an international order based on civilizations is the surest safeguard against world war". 





                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale


                                    Dhaka, Bangladesh.  

Friday, February 15, 2019

Fashilku Halkuu Ka Jiraa?

Sida uu qabo Dr. Yuval Harari, aadanuhu waa xayawaan sheekooyinka wax isugu gudbiya ama sheekooyinka ku fekera, kana door bida tirada iyo xaqiiqooyinka. Qarnigii labataanaad saddex afkaarood baa adduunkan aynnu ku nool nahay isugu soo hadhay, saddexdaas oo ay hormuud u ahaayeen, Maraykan iyo Ingiriis, oo dhinac ah, Raashiya iyo China oo dhinac ah iyo Jarmalka, oo Hitler horboodaayey. Balse, saddexda afkaarood ba doodoodu waxa  ay ahayd in mid walba hayso xalka adduunka u fiican. Yeelkeede, haddana waxaa ka horreeyey aragti qadiimi ahayd, oo badi dhulweynaha reer Yurub ka jirtay, taas oo ahayd fikradii fiyuudaaliisamka (Feudalism), taas oo dadku u qaybsanaayeen koox yar oo hantida iyo dhulka leh (Landlords) iyo dadka inta badan oo shaqaale ahaa (Landless), fikradaa waxaa ka takhalusay kacdoonadii ka curtay dunida reer galbeedka, waxaana ka dhashay nidaamkan hanti-goosadka ah (Capitalism) kaas oo dadka u beddalay nidaamkii hore, ee Fiyuudaaliisamka, oo kaniisadii Kaatooligu qayb lixaad leh, ku lahayd. 

Nidaamkan ayaa dadka u ballan-qaaday, dhammaan dadku in ay nimcaysan doonaan, oo ay ka raysan doonaan dhibkii, burburkii iyo silicii soo maray; kacdoonkii dalka Faransiiska ka curtay, ee lagaga soo horjeeday fiyuudaalismka (feudalism) waxaa halku dheg u ahayd: Sinnaan (Equality), xorriyad (liberty) iyo walaaltinimo (Fraternity). Inkasta oo uu dhaamay, oo ay dad badana soo dhoweeyeen, nidaamkan hanti-goosadka, haddana dad badan baa aad uga horyimad, oo ka waayey wixii laga filaayey. Aqoonyahanadii naqdiyey (critic) oo nidaamka hanti-goosadka ah ka biyo diiday, waxaa kamid ahaa, Karl Marx. Muddo soddan sanno u dhow, oo laga joogo kacdoonkii dalka Faransiiska ayuu Karl Marx dhashay, oo ku beegan gu'gii 1818-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Jarmalka. Waxa uu fursad u helay in uu wax barto, xilligaas oo ay waxbarashadu aad u adkayd, wuxuuna jaamacadda ka diyaariyey falasafada iyo sharciga isagoo ku sugnaa dalka Jarmalka, oo laga cayrin doono kadib markii uu bilaabay in uu naqdiyo nidaamka hanti-goosadka ah, isagoo ku dhaliilay, in nidaamkani aannu ahayn kii keenaaayey: sinaanta, xorriyadda iyo walaaltinimada.

Dalka Jarmalka ayaa laga masaafuriyey, waxaana loo masaafuriyey, Karl Marx, dalka Faransiiska; dalka Faransiiskuna waxa uu isku dhaafiyey Biljamka, ugu danbayn Baraasalis waxa ay u sii masaarufisay dalka Ingriiska, gaar ahaan caasimadda dalkaas, London. Waa halka uu ku noolaan doono noloshiisa inta ka dhiman isaga iyo xaaskiisu, waana halka ugu badan ee uu qoraaladiisa ku qoray, ugu danbayna ku dhiman doono, qabrigiisuna ku yaal. Karl Marx, waxa uu dhintay isaga oo aan afkaarihiisa si qoto-dheer loogu fiirsan, looguna dhabo gelin, iska daa in la hirgeliyo, lagana dhagaysto afkaartiise, waxa uu noqday tuke-canbaar leh, oo dhib-wade ah. Haddii aannu ahayn sharwade, dalkiisa lagama soo cayriyeen, labo dal oo kale isma soo dhaafiyeen, ugu danbayn masaafuris kuma noqdeen dal aan dalkiisa ahayn. Waxa uu dhiman doonaa isagoo og in nidaamka hanti-goosadka ah wax badan ka khaldanyihiin, in uu yahay nidaam dad yari ku danaadayaan, dadka inta badana ay yihiin dhibanayaal. Waxa uu dadka u kala qaybiyey labo qolo: qolo tanaaday- Burjuwaasii (Bourgeoisie) iyo qolo aan waxba gacanta ugu jidhin, oo ah dadka intiisa badan, borolaateriyeet (Proletariat), Burjuwaasii, waa qoloda hore  ay gacanta ugu jirto wax walba oo hanti laga dhalinaayey, oo qoloda dhaqaaluhu ugu yeedhaan "Means of production", oo kala ah: dhul (Land), dhaqaale (Capital) iyo shaqaale (labor) iyo qofka intaas isku keenaya oo loo yaqaan Entrepreneurship; qoloda labaad waxba gacanta uguma jiraan aan ka ahayn labadooda gacmood iyo maskaxdooda, waana dadka inta ugu badan.

Karl Marx isagoo sidaa u dhaliilaya nidaamka hanti-goosadka ayuu dhimanayaa, waxa uu dhintay gu'gii 1883-dii. Waxa uu ka tagay buug badan iyo maqaalo aad u faro badan, in kasta oo uu jacayl u qabay, una go'ay dhaqaalaha, ugana tagay cilmigii uu jaamacadda ku bartay oo ahayd Falasafada iyo sharciga haddana kuma koobnayn dhaqaalaha oo qudha, balse, waxa uu wax ka qoray: siyaasadda, dhaqanka, falsafada iyo taariikhda.

Muddo markii uu sii mootanaa Karl Marx, ayaa afkaarihiisii dib loo soo noolaysiiyey, balse, markan kuma koobna goob ganacasi, dal iyo dowlad gaar ah. Markan afkaartiisii waxaa ay isaga gudubtay, dal ilaa dal kale, qaarad ilaa qaarad kale. Waxay walaalaysay: dad kala dhaqan ah, kala diin ah, kala taariikh ah, kala midab ah, kala dal ah, balse hal ujeeddo wadaaga. Sida taariikhyanadu sheegaan, qoraaladiisuna ay marag ka yihiin, Karl Marx waxa uu ahaa nin naxariis badan, dulmigana aad u neceb, dadkuna in ay tanaadaan si guud u doonaaeyey. 

Qarnigii labaatanaad adduunkan waxaa isugu soo hadhay saddex afkaarood, oo mid walba taageeraheeda wadato: kow, fikrad Maraykan iyo Ingiriis horboodayeen oo ah aragtida xorta ah (Liberal ideology), aragtii kumyuunisti (Communist ideology), oo Ruushku hoggaamiye u ahaa iyo ugu danbayn aragtidii Faashiisamka (Fascist ideolgy). Dagaalkii labaad ee adduunka, ee lagu jabiyey Jarmalka, waxaa la guuldaraystay afkaartiisii. Laga soo bilaabo 1940-kii ilaa laga soo gaadhayo dhammaadkii qarnigii labataanaad, oo ku siman 1980-kii adduunka waxa uu u qaybsanaa wax Maraykan raacsan iyo afkaartiisa iyo kuwo raacsan Ruushka iyo afkaartiisa. 

Haddii Karl Marx uu ahaa aqoonyahan qalin wax ku diida, oo doonaya in uu caddaalad-darrada iyo sinnaan la'aanta adduunka ka jirta uu qalin ku suuliyo; waxa ay afkaarihiisu saamayn doonaa jiialal danbe oo doonaya in ay gumaysiga, caddaalad-darrada, sinnaan la'aan la'aanta, dhiig-marashada (Exploitation) dhibta iyo gaajada in aqoon iyo ficil ba lagu suuliyo. Si kastaba ha ahaatee, laga soo 1950-kii ilaa laga soo gaadho 1967-dii aragtida xorta ah ee Maraykan hormuudka u ahaa waxay halgan iyo loolan adag la gashay si guud aragtidii Communist-ga, gaar ahaan wiil ku dhashay dalka Arjantiin (Argentine): Ernesto "Che" Guevara, waxa uu ahaa: qoraa, fiisigisyahan, diblomaasi, hoggaamiye dagaal (Guerrilla leader), iyo kacaani Maarkiisiya (Marxist Revolutionary), haddii maqaadiirtu u qorshaysay inuu ku dhasho dalka Arjantiin, oo loogu yeedho wiilkii reer Argentine, waxa uu noqon doonaa, nin ficilkiisu iyo taariikhdiisuba ay ka gudubto dalkaas uu ku dhashay oo uu noqdo nin reer Latin America ah, halkaas kuma istaagayso ee waxa uu noqon doonaa nin heer caalamiya iyo nin muwaadin u ah, dalal kala duwan. Che, waxa lagu xusuusan doonaa halgankiisii dheera, qabashadii uu saaxiibkii Castro la qabtay dalka Cuba iyo ugu danbayn isagoo noloshiisa u hudhay ka xoraynta adduunka gaajada, faqriga, ku tiirsanaanta, bur-bur oo dhan oo ku sababeeyey waxa ugu yeedhay gumaysiga (Imperialism), dagaalo aannu ku guulaysan oo ka galay dalka Kongo, ugu danbayn waxaa lagu dili doonaa dalka Booliifiya (Bolivia), oo uu kaga jidhay dagaal uu rabay in uu dalkaa kaga saaro dawladdii xilligaas jirtay, oo taageero ka helaysay Maraykanka. 

Si kastaba ha u dhacdee, ugu danbayn aragtidii Communist-ga waa laga adkaaday, oo waxa adduunka qarnigii labaatanaad dhammaadkiisii ilaa iyo maanta ku soo hartay hal aragti, oo ah aragtida xorta ah. Si kastaba ha u dhacdee adduun kala xidh-xidhnaa qarnigii labatanaad iyo dagaalo joogta ah, waxaa beddalay adduun isku furmay, oo ay ka shaqayso aragtida Maraykan, Hindiya ilaa China ilaa Brazil iyo wadano badan oo kale waxaa ka dhacday isbeddal weyn, caalamkuna waxa uu noqday dalal isku tiirsan, oo aan kala maarmin, ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaanba, sidaas waxaa sahlay aragtida xorta ah, ee adduunkan ku soo hartay iyo weliba horumarka tiknooloojiyudu (technology),  samaysay. Waxaana adduunkan ka dhacay in dadku, dalalku iyo ganacsiyadu ay isku tiirsanaadaan (globalization). 

Maraykan isaga oo danihiisa kooban (Narrow National Interest), eeganaya ayuu kali-taliyaal la saaxiibay, oo in ay xilka ku dheeraadaan sabab u noqday, hadalo qurrux badan, oo xaqiiqada ka fog, sida: Dimuqraadiyad, suuqa xorta ah, xuquuqda aadanaha, waxa uu ku burburiyey dalal badan, oo ay Ciraaq ka mid tahay, ilaan iyo maantana aan soo kaban. Iskadaa hadaladii Maraykan ee wanaagsanaaye, maanta dalkaasi dad iyo dalba aad buu u liitaa. Marka intaa laga yimaado se, maanta adduunku waxa uu noqday adduun aan kala maarmin, oo si walba isugu tiirsan. Sida uu horay u yidhi, khabiirka reer Maraykan, Thomas Friedman adduunkan aynu maanta ku noolnahay waxa uu marayaa halkii aad ka xumaan lahayd koritaanka dalka kula tartamaya, taa beddalkeed, in aad ka xumaato dhibka soo gaadha dalka baratanka aad kula jirto. Tusaale-ahaan: dalka Hindiya maanta in uu kor-u-kac dhaqaale sameeyo iyo in burbur dhaqaale ku yimaado dalalka ay kamid yihiin Maraykan iyo dalalka kale waxaa u wanaagsan in ay dhaqaale kac sameeyo, waayo, dhaqaale burbur haddii uu ku yimaado, saamayn mayso oo qudha dalka Hindiya, balse, waxay saamaynaysaa adduunka oo dhan. 

Isku furanka adduunka, oo ay aragtida xorta ah, hoggaaminayso iyo tiknooloojiyada (technology) horumarka ay samaysay waxa ay fududaysay in maanta aadanuhu ku jidho wakhtigoodii ugu fiicnaa, oo jiil noolaado. Taas macnaheedu maaha, dhib kama jirto adduunkan; dhibaato badan oo ay kamid yihiin: gaajo, colaad, musuqmaasuq, qaxooti, dawlad la'aan, dhiig-miirasho, waxbarasho xumo, dagaalo iyo kuwa kale ba adduunkan waa ka jidhaan, balse, si guud marka loo qiimeeyo xaaladda guud ee dadka adduunka, qarnigan dadka nool waxa ay ku jidhaan xilligii ugu fiicnaa oo la noolaado, sida ay qabaan khuburo badan. 

Yeelkeede, dhowrkii sanno ee u danbayey adduunka waxaa ka socday isebeddalo siyaasaddeed oo waa weyn iyo weliba mid dhaqaale, oo lagaga soo horjeedo aragtida xorta ah iyo weliba suuqa xorta ah. Kacdoonadan badankoodu waxa ay ka socdaan adduunka oo dhan, balse, dunida reer Galbeedka waxaa ka soo baxay waxa afka qalaad loogu yeedho "Nationalist/populists  leaders", hoggaamiyayaasha eegaya danaha dadkooda iyo dalkooda oo dafiraya danaha adduunka. Dalka Faransa waxaa loolan adag gashay gabadha garabka midig (right-wing) Marine Le Pen, dalka Maraykanka waxaa la doortay Donald Trump, dalka Barzil waxaa ka soo baxay Jair Bolsonaro, dalka Talyaaniga waa la mid, ka bixidii Biritayn midowga Yurub, Isbayn iyo dalal kale oo Yurub ah. Dhammaan doorooshooyinkan iyo weliba aftida Biritayn kaga baxday Midowga Yurub iyo doorashada Trump waxay diraysaa fariin ah, in shaki la galiyey aragtidii adduunkan ku harsanayd iyo shaki soo kala dhex galay adduunkii isku tiirsanaa.
  

 Hadda ba su'aashu waxa ay tahay: Maxaa isbeddalay? Halkeese wax ka qaloocdeen?

Saddex arrimood in ay dhibaatadan sababeen baan u arkaa, saddexdaas oo kala ah: kow, horumarka ay samaysay Tiknooloojiyadu (Technology development). Labo, sinnaan la'aan dhanka dhaqaale ah (Income Inequality). Saddex, fashilka ku yimi aragtidii xorta ahayd (failure of liberal ideology).
Horumarka Technology-ga

Tan koowaad oo ah, isbeddalka ku yimi Tiknooloojiyada; tobanaankii sanno ee u danbeeey aadunuhu waxa uu horumar fiican ka sameeyey dhanka Tiknooloojiyada, haddii aad maqli jirtay diyaarad casri ah baa la sameeyey, gaadhi cusub baa soo baxay, waxaas laga soo gudub, aaduhu waxa uu gaadhay in uu sameeyo mashiinada caliga leh (Artificial Intelligency) kuwaas oo shaqada ka saaray kumanaan dad, dagaalkii labaad ee adduunka waxaa baahi weyn loo qabay duuliyayaal, balse, maanta waxaa jidha diyaarado keligood is-wada, haddii aad suuqa alaab u doonan jirtay, oo safar u geli jirtay, maanta waxaa la marayaa in aad ku adeegato qaab online ah, oo gurigaaga lagugu keeno. Waxaa maanta la helayaa ama dhowaanba soo baxaya gawaadhi iyagu is-wada, oo aan qofna wadin, oo ka khasaaro yar, kana shaqo badan dareewalada, ka hor Inernaytka (internet),  tusaale-ahaan jaamacadda waxaa waraaqaha shaqada looga baahanyahay u kala gudbin jidhay dad shaqaale ah, keliya jaamacadda maaha, Bankiyada iyo goobaha kale ee shaqada baa iyana lamid ahaa. Balse, wakhtigan aynnu maanta joogno uma baahnid qof warqadahaa kuu kala gudbiya, Yurub qof jooga baa daqiiqad gudaheed boqolool waraaqood oo muhiim u ah, u diraya Africa, isla maalin gudaheedna jawaabteeda buu helayaa. Xattaa aaduhu shaqadaa intaa le'eg kama bixi kareen. Tani waxa ay sababtay, kaliya maaha in ay dad shaqadii ka saartay, balse, in ay dadku la qabsan waayaan isbeddalka aan la caabin karin, ee Technology-ga ama ay dib is-ku cusboonaysiin waayaan (update).

Labo: Sinnaan La'aan dhanka dhaqaale ee Jirta

Qodobka labaad oo ah, sinnaan la'aan dhanka dakhliga ah, qarnigii sagaal iyo tobnaad buu Karl Marx ka digay in aannu nidaamka hanti-goosadka (Capitalism), aannu keenayn: sinnaan, xorriyad iyo walaaltinimo, oo ahayd ujeedadii ugu weynayd oo ay u dhasheen kacdoonadii ka curtay dunida reer galbeedka, blase, cidi kama dhagaysan. muddo ku siman 250 sanno oo ay jirtay aragtida hanti-goosadka, waxaa cadaatay wixii uu Karl Marx ku dhaliilayey. Maanta dalalka adduunka ee qaniga ah (richest country) iyo kuwa saboolka ah (poorest country) waxaa u dhaxaaye farqi aad u weyn. Maaha sinaan la'aantu mid u dhaxaysa dalalka oo qudha, balse, dal walba gudihiisa waxaa ka jidha sinnaan la'aan aad u saraysa. Maxammed Al-bawaasiisi, oo ah wiilkii ay ka bilaabmeen kacdoonadii Carbeed, waxa uu dab naftiisa la qabad siiyey saboolnimada haysay, fursad la'aanta iyo shaqo la'aanta dalkiisa ka jirtay, halka Madaxweynihii xilligaas Sayid Caabidiin oo muddo xilka dalkaas hayey uu dhaqaalihiisu is-aqoon; Masar la mid, Liibiya la mid, Siiriyana kaba sii daran.

Oxfam oo ah, urur caalamiya oo la dagaalama saboolnimada ayaa xog ay daabacday 2010-kii ku sheegtay in dad tiradooda lagu qiyaaso 388 ay leeyihiin hanti ka badan dadka halka hoose jooga oo ah dad lagu qiyaaso 3.3 bilyan dad ah.  - 2017-kii ayayse ka sii dartay markii Oxfam mar labaad soo bandhigtay in siddeed qof oo kaliya ay ka hanti badan yihiin dadka halka soo jooga, oo markan tiradoodu sii koradhay, oo lagu qiyaaso 3.6 bilyan. Dadka hantidaas leh waxaa kamid ah: Bill Gates, Warren Buffett, Jeff Bezos, Carlos Slim HelĂș. Bernie Sanders ayaa isagoo aad u xanaaqsan ololihiisii ku galay sinnaan la'aan ka jirta dalka Maraykanka, isagoo aad ugu soo celcelinaayey in wax laga qabto, waxa uu tilmaamay in dad lagu qiyaaso 0.1% ay ka hanti badanyihiin dadka salka jooga, oo ah 90%. Sida oo kale waxa uu tilmaamay in qoyska Walton ee Walmart iska leh in ay ka hanti badan yihiin 40% dadka salka dhaqaale ahaan jooga, ee dalka Maraykanka. Kaliya dadkan tirada yar oo ku naaloonaya dhaqaalaha iyo hantida adduunka, kaliya fursad uma haystaan: helida waxbarasho tayo, caafimaad tayo leh, fursad shaqo, balse, waxay khatar ku yihiin jiritaanka sharciga ama dal la wada leeyahay, sida ay khuburo badan qabaan. Sida meelo badan ka dhacdayna dadka hantida leh, waxay toos saamayn muuqata ugu leeyihiin doorashooyinka ka qabsooma dalkooda. 
Fashilka ku Yimid Nidaamka Hanti-goosadka ah ama Aragtida Xorta ah. 

Qodobka Saddexaad oo ah fashilka ku yimi, nidaamka Hanti-goosadka (Capitalism/ Liberal), gu'gii 1929-kii ilaa 1930-kii ayuu fashil weyn ku yimi nidaamka hanti-goosadka, kadib dhaqaale yahankii weynaa ee reer Ingiriis John Maynard Keynes, ayaa markaa ku dooday in dawladdu suuqa farageliso, oo ay iyadu hagto, in kasta oo isaga qudhiisu afkaartiisa beddalay, haddana waxa uu la kulmay dhaleecayn badan, in kasta oo laga qaatay afkaartiisii. Muddo kadib, oo ku beegan 1970-kii dawladdii Ronald Reagan iyo gabadhii reer Ingiriis ee laga soo doortay xisbiga Conservative-ka Margaret Thatcher ayaa soo celieyey in dawladdu suuqa gacanta kala baxdo, oo isagu ismaamulo, balse, 2008-dii ayuu mar labaad fashil ku yimi, oo khaasirihiisa ilaa maanta lala dareemayaa.

La iskuma diidana dhibaatada hanti-goosadka, in kasta oo tobanaan sanno ka hor dalalka Galbeedka aan laga taaban karin, oo ay ahayd waxa keliya oo aan la dhaliilin, balse, maanta aqoonyahanadii ka aflaxay jaamacadda Maraykanka oo lasoo cabsiiyey aragtidaa ayaa ka soo booday, waxaana kamid ah, Richard Wolf, oo ah aqoonyahan dhaqaale oo weyn, Sanator Bernie Sanders iyo aqoonyahanka reer Bangaladesh Dr. Maxamed Yuunis, oo ah asaasaha Grameen Banka. Aqoonyahanno kale oo kamid yahay Dr. Yuval Harari na waxa uu ku dooday aannay la qabsin karin xilligan, sababtoo ah: Artificial Intelligence, Bio-technology iyo Info-technology, baanay la jaan-qaadi karin. Marka waa in ay dib isku cusboonaysiisaa ama waa in laga guuraa, oo aragti beddasha la helaa.




                   W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

                                Dhaka, Bangalaadesh.   


Friday, January 11, 2019

Halkee Ka Aadnaa Halkan?


IMG_0750 copy.jpg
Waxa ay ahayd doorashadii shanaad oo ka dhacda Buntilaan, tan iyo markii la asaasay Buntilaan, muddo laga joogo labaatan sanno. In kasta oo aynu galnay sannad cusub, 2019-ka; in kasa oo aynu u joogno isbeddal weyn oo ka dhacay adduunka, guud ahaan dhanka saxaafada, gaar ahaan baraha bulshadu ku xadhiidho, sida: Faysbuugga iyo Tiwitarka, oo badi dadka Soomaaliyeed, oo u badan dhallinyaro ay ku xidhanyihiin, haddii aannay ba la qabatimin (Addictive). Balse, aan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan aannay caqliyadoodu isbeddal weyn aannu ku imaan, welina aannay baraarugin, oo aannay ka muuqan bisayl isbeddal togan doon, dadka caqliyadoodu xorta tahayna waxa ay u qaybsameen: qaar goonni joog noqday, (Isolation); oo dadka ka dhex baxay, noqdayna dal joog iyo dibed joogba iyo qaar ku dhex milmay siyaasadda dhaqaalaha iyo qabyaaladda ah, ee foosha xun, waxna ka beddi kari waayey. Doorashadii ka dhacday dhowaan Buntilaan, waxa ay soo celisay su'aalo aan weli laga jawaabin iyo su'aalo taagnaa oo ay sii murugtay. Weli dadka waxa ay isweydiinayaa: horta Buntilaan halkee u socotaa? Halkee ka timi? Yaa xil ka qaban kara? Yaase jagooyinka ugu sareeya ee Buntilaan loo oggolyahay in ay qabtaan? Sidan wax loo xulo, ma xaqbaa? Ma xulbaa? Ma xalbaa? Ma xorbaa? 


Waan ka xumahay in aan dhaho burburkii kadib iyo burburkii ka hor siyaasadda Soomaaliya waxaa hormuud ka ahaa, siyaasiyiin aan aqoon badan lahayn, karti darro-u-raacdo, tuuganimo-u-raacdo, dantiisa uun ka shaqaysta, oo aan ka shaqayn danta dadkiisa, ku shaqaysta xilka loo dhiibto, oo aan dadka ugu shaqayn, magac iyo mansab u raadsanada xilka. Dadka xaaladooduna ay ku wareegto, konton sanno in ka badan: waxbarasho xumo, caafimad xumo, nolol xumo, dhaqaale xumo, ammni-darro, caddaalad-darro, colaad iyo mustaqbal la'aan. Tani waxa ay sababtay in bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ay u qaybsamaan labo kooxood: koox yar, oo lagu tilmaamo hormuudka bulshada oo ku tanaaday hantidii ummada- kooxdani waa kooxda aan ugu yeedho Soomali burjuwaasii (Somali bourgeoisie), iyo dadka inta badan oo ku dulman dhulkoodii; dadkii hormuudka u ahaana, ay go'aamiyeen halka maanta xaaladda Soomaaliyeed taagantahay. 

Sida caalamka badankiis maanta ka jirtana, xaaladda Soomaalidu maanta waxa ay noqotay , qof raadsanaya waxa uu cuni lahaa ama aan hayn waxa uu carruurtiisa waxbarasho ku geeyo iyo qof carruurtiisii waxbarasho la'aadi waayeen dhereg iyo baruur darteed (obesity). Si fudud, Soomaaliya maanta waxaa ka jirta sinnaan la'aan (inequality) dhanka dhaqaalaha iyo sinnaan la'aan dhanka mansabka ah, waxaana ka jidha guud ahaan Soomaaliya, kala sarayn qabiil nidaam (Clan Seniority System). Soomaaliya maanta waxa ay maraysaa in xaq-darrada xaq loo arko, caddaalad-darradana caddaalad loo arko, xumaantana samaan loo arko. Soomaaliya, wakhtigan, qofka laguma xushmeeyo kartiidiisa iyo aqoontiisa, balse waxaa lagu soo dhoweeyaa qabiilkiisa iyo dhaqaalihiisa, laguma soo dhoweeyo, lagumana maamuuso daacadnimadiisa iyo run-ka-hadalka, waxaa lagu soo dhoweeyaa ninka mumaamarada hoosta ka wada, ee ka shaqaynaya musuqmaasuq iyo caddaalad-darro. 

Mar la weydiiyey caalimkii weynaa ee Ruumi: Sidee ummad u dhimataa? Waxa uu ku jawaabay: "marka ay ummudu joojiso in kala saarto sax iyo khaladka, waa dhimataa". Shaki igama jidho maanta in Soomaalidu xaaladdaa lagu dhinto ku jirto; kamana war-warweegayo in aan dhaho dadka hormuudka noo ah, badankood ma kala saari karaan, waxa saxan iyo waxa khaldan; haddiiba aanay saxdana khalad u aqoon, khaladkana sax u aqoon. Waxa aynnu ka sugnaana waa in ay noqdaan malaggii nafta ina ka qaadi lahaa, haddii aanay halistaa xal loo helin.

Haddii aan u soo laabto dooraashadii ka qabsoontay Buntilaan, waxa ay ahayd mid si goonniya loo eegaayey loona sugaayey. Marka laga yimaado siyaasi Cabdiweli Cali Gaas, in shano oo uu xil hayey, aannu qaban wixii laga sugaayey, lagana filaayey, balee iskadaa inuu qabtee, waxa uu ku fashilmay in uu wax ka qabto dhaqaalaha Buntilaan, isagoo ah dhaqaalyahan. Waxa uu Gaas laf-dhuun gashay ku noqday dawladda dhexe, ee haatan talada haysa. Gaas, marka laga yimaado waxaa kaloo doorashadan macno weyn u samaynaayey, awooddaha qarsoon ee gobolka ku herdamaya, ha noqoto dunida reer galbeed ee Maraykan hormuudka ka yahay iyo dunida Carbeed. Ugu danbayn doorashadan waxaa macno weyn u samaynaayey, musharaxiin aqoonyahanno ah, inta laga bartayna aqoon iyo karti u saaxiib, sida Dr. Cali Ciise Cabdi, oo musharax ahaa. Ninkan iyo ragga kaloo lamid ah, oo Juxe, ku jidho, waxa ay ahayd, waxa doorashadan xiisaha u samaynaya. 

Balse su'aasha taagnayd waxa ay ahayd: Madax-dhaqameedku ma soo xuli doonaan, iyagoo og xaaladda gobolka, iyagoo og muhiimada doorashadan, xildhibaano karti iyo aqoon leh? Mase waxa ay soo xuli doonaan kan dhaqaalaha sita, kan nin madax-dhaqameed u dhow, oo caddaalad-darradu halkaas bay ka sii socon doontaa? Buntilaan, ma waxay noqon doontaa meel lawada leeyahay? Mise meel lawada leeyahay, la siina kala leeyahay?- George Orwell formula. Buntilaan ma waxa ay u baahantahay reer reer beddala? Mise waxa doorkan bulshada loo dooran doonaa: yaa mudan? Yaa karti leh? Yaa hoggaamiyaha? Yaa taariikh nadiif leh? Yaa afkaar siyaasaddeed doorashda ku gelaya, oo aan ku gelayn, dhaqaale iyo markan waa markii qabiilkayga? Buntilaan dooroshiyinkii ka qabsoomay, ee tan dhacday ka horreeeyey dhammaantood waxa ay ku suntanaayeen dhaqaale iyo qabyaalad. Nidaamkaa foosha xun si looga gudbo Buntilaan, waxaa lagu rejo weynaa doorashadan hadda qabsoontay, in ay noqontoonto, tii nasakhi lahayd doorashooyinkii ka horreeyey. La moodse, noqon weyday! Doorashadii ugu danbaysay oo uu mudane Deni ku guulaystay, waxa ay qabsoontay sidii doorashooyinkii hore, ee ku dhisnaa: dhaqaale ma sidataa iyo doorkan waa doorkii qabiilkayga. Ma hayo dhaqaalaha saxda ah, oo ku baxay doorashadii Buntilaan, balse markii aan dhagaystay dadka arrimaha Buntilaan sida dhow ula socdaa, waxaa la sheegayaa dhaqaale kor u dhaafaya maalaayiin in lagu bixiyey doorashadii ka dhacday gobolkaas. Waxa ay ahayd- Guutaale ahaan kolay, wax la filanaayey in doorashadaasi noqon doonto mid musuqmaasuq hareeyo iyo mid aan qofka loo eegin: Waa kuma musharaxin? Karti ma u leeyahay xilka?

Soomaali, taariikh wanaagsan waxa ay ku lahayd madax-dhaqameedka, waxa ay ahaayeen garaadka iyo araga bulshada, waa halka Soomaali ka socon jirtay weligeed, waa madaxii ummada Soomaaliyeed. Waa asaasayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo dejiyayaasha dastuurka aan qornayn, ee kuwa aynnu qor-qoranay, ee laga soo minguuriyey ummadaha kale ka wanaagsan, marka la joogo Soomalida dhexdeeda. Madax-dhaqameedka Soomaaliyeed waxay caan ku ahaayeen ka shaqaynta danta guud, horumarinta wixii Soomaali horay u dhigaya, qabashada wixii khaldan, toosinta wixii taban, in kasta oo madax-dhaqameed walba uu matali jidhay, qabiil goonniya, haddana waxaa laga sinnaa danta guud. Madax-dhaqameedkii meeqaamka joogay, oo ahaa madaxii Soomaaliyeed, waxay sku beddaleen dhowanahan majo, haddii lagu yaqaanay toosinta wixii qaloocan, hadda qaloocinta wixii dantooda ku hor-imaanaya, xattaa danta guud; haddii ay madax-dhaqameedku ay caan ku ahaayeen garasho dheer iyo mustaqbalka fog, maanta waxay caan ku yihiin dano dhow, oo aan shakhsi dhaafsiisnayn. Saaxiibkood iyo wiilkoodu waa kii lacagta haysta, xattaa, haddii uu nin xunyahay, oo dambiile ah, kii lacag haysta iyaga agtooda waa mid wanaagsan, oo xalaal ah. 

Waxa ay maanta hormuud ka yihiin, masuulna ka yihiin hoggaanka tayada xun, karti liita, ee ilaa maanta hortaagan Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan. Si kastaba, doorashadii waxa ay u dhacday, sidii caadada ahayd, oo ku dhisnayd qori-isu-dhiibka qabiilaysan (Maxamuud Saleebaan), iyo dhaqaale, ma sidataa? Inkasta oo uu sii mootan yahay muddo laga joogo toddoba sanno, oo ay ka danbeeyeen labo doorasho, oo ka dhacay Buntilaan, Alle ha u naxariistee Cabdiqaadir Aroma baa laga hayaa: "Buntilaan qof aragti gorgor leh, markuu dastuurkeeda akhriyo, waxaa hoos kaga qoran, maamulka Buntilaan nin aan Maxamuud Saleebaan ahayn, waa ka mamnuuc". Guutaale ahaan ma aaminsani nidaam bulsho ku dhaqanto baa horumar keena, ma aaminsani dimuqraadiyad qof iyo cod ah, baa horumar keenta, mana qabo horumar ma gaarto bulsho qoys u taliyaan. Balse, waxaan qabaa nidaamka dadka hoggaanka u haya, baa keena horumar ama dib-u-dhac. Balse nidaamkan qori isu dhiibka ah, ee Buntilaan ka jidha, waa nidaam musharaxiinta lagu xusho dhaqaale iyo qabiil. Taasi ma soo wado wax dan iyo xal ah, oo aan ka ahayn dib-u-dhac.

Ma ihi mucaarad ka soo horjeeda Deni, sida aannan u ahayn taageero Deni u jidbaysan. Balse waxaan ahay shakhsi kamid dadka doorashadii ka dhacday Buntilaan niyad-jab ku abuurtay, taa macnaheedu maaha Deni uma qalmo xilka madaxweyne, balse, waa qaabka wax u socdaan. Deni, waxaan qabaa in wakhti la siiyo, waxaan aaminsanahay in ficil lagu xukumo qofka. Qoraal uu hadda ka hor qoray buu Ibrahim-Hawd ku yidhi: "Xilka ama gun baad ku noqon ama gob", marka, Deni, shan sanno oo uu haysto taariikhda waxa u geli doonta: taariikh guneed ama taariikh gobeed!  Gaas waxa uu olalaha ku galay in qorshahiisa ay kamid yihiin, welibana ay muhiim tahay in la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah. Shan sanno uu xilkaa hayey, wuu ku guuldarraystay in uu doorasho hal qof iyo hal cod ah suurto gal ka dhigo, Deni, ololihiisa waxa auu ku galay doorasho hal qof iyo hal cod ah, mase qabo in uu suurto gelin karo; xattaa, haddii doorasho hal qof la gaadho waxaan aamminsanahay in foolxumo soo kordhin doonto, oo ay dadku isku nici doonaan, colaadna ay abuuri doonto, maadama bulshadu wacyigooda siyaasi aad u liito, dhaaaale xumo baahsan jirto, aqoonta dadka ay aad u hoosayso, shaqo la'aan baahsan jirto, maxkamado awood leh aannay jidhin oo xisbiyada kala saadha, guddi doorasho oo caddaalad ah, isla jeerkaasna awood leh, aanay jidhin, hay'ado ka baxi kara doorashada hal qof iyo hal cod aannay jidhin, dhaqaale doorasho lagu qabto iyo weliba xisbiyo aragtiyo siyaasadeed ku dhisan oo aan ku dhisnayn isbahaysi reer, aannay jidhin,waayo Soomali ma hayno aragti siyaasi oo kala qaybisa, aan ka ahayn aragti qabiileed. Intaa marka la isku qabto aad bay u adagtahay doorasho nadiif ah, xalaal ah, dadka isku keenta, ee aan kala geyn in ay ka qabsoonto Buntilaan iyo guud ahaan Soomaaliya. 

Siyaasada Buntilaan waxaa si fiican u qeexaya, hadal uu yidhi borofaysar reer Tansaaniya ah, oo ah: "Waxa suurto galka ah siyaasada Afrika, mar kasta maahan wax la fuliyo, waxa la fuliyo, mar kasta maaha wax saxan, waxa saxan, mar kasta maahan wax akhlaaqaysan, waxa akhlaaqaysan mar kasta mahaan wax la rabo, waxa la rabona, mar kasta maahan wax suurto gal ah.
What is logical in African politics is not always pratical, what is pratical is not always right, what is right is not always ethical, what is ethical is not always desired and what is desired is not logical.

Doorashadii Buntilaan ma jirto waxa ay kaga duwanayd, dooraashooyinkii hore ee ka dhacay gobolkaas. Cabdilaahi baa yimi, Cadaa xigay, Faroole baa yimi, Gaas baa xigay, ugu danbayn waa Deni. Buntilaan marka laga yimaado qabiilkan wax lagu xulanayo ee foosha xun, oo geedka lagu xidhay: kartidii, aqoontii iyo tayadii, waxay u muuqataa ceel saddex reer maalinba qolo ka cabayso. Inkasta oo ay qabiilkan xilka isku dhiibdhiibaya, aannay wax badan dhaamin nolosha dadka kale, waayo dad yar baa ku tanaada xilka, ee qabiil lama gaarsiiyo, ee qabiilku waa dariiq loo sii maro ceelka. Sidaas awgeed waxaan kamid ahaa dadkii aadka u dhagaystay, ee sida dhowna ula socday khudbadihii musharaxiinta Buntilaan, waxaan islahaa doorashadani waa waa tii la oran lahaa: yaa tayo leh? Yaa mudan hoggaanka? Balse, waxaan islahaa waxaa sida aad u dhagaysanayso si ka dhow u dhagaysanaya Baarlamaanka, si sannadkan lixdan iyo lixdaa qof dadka ugu ra'raan meel naq leh, oo laga sahminayo khudbadaha musharaxiinta waanse qarway, waxaan nimanka qabana waan ka doonay.

Ugu danbayn, dhallinyarada Soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaan Buntilaan, oo lagu tilmaamo tirada ugu badan dalka waa in la bilaabo halgan cusub oo hor leh, oo isbeddal doon ah, oo ku dhisan rabitaan dhab ah, si aan u helno dad ina matala, oo xilka ku qaban: qabiil iyo qarash. Waxaan filayaa, maamulada Soomaaliya ka jidha dhammaantood, Muqdisho ilaa Garoowe, Hir-shabeele ilaa Koonfur Galbeed, Galmudug ilaa Jubalaan, nimanka xilka ka hayaa, si dadban in aanay matelin shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah, shacabka Soomaaliyeed maaha kuwa dhabta ah, oo doortay. Xildhibaanku waxa soo doortay, oday madax-dhaqameed ah, oo aan u fekerayn dan guud, kuna keenay caddaalad-darro, eex iyo weli dhaqaale. Xildhibaankii oo dhaqaale laga soo qaaday, isaguna waxa uu dhaqaale ka qaaday raggii xilka madaxtinimada raadinaayey. 

Sidee, dad si ganacsi ah, siyaasada Soomaaliya ugu shaqaysanaya, oo dhaqaale lagu kala qaadanayo, ay ugu shaqeeyaan dan guud ama ugu fikiraan si guud (collectively), dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay la yimaadaan kacdoon isbeddel doon, oo lagu beddalayo waxa foosha xun, ee dalkeenna ka socda. Bernie Sanders baa yidhi: "haddii aadan aragti ku soo galayn siyaasada, ka bax". Nidaamkan maanta jidha, ee sidaa doorasho u qabanaya waa in aynu beddalnaa, haddii kale oo aynu u adkaysano qaabka wax u socdaan, wakhti dheer baynu xorriyada iyo nolol wanaagsan sugi doona. Xorriyadu maaha oo kaliya in aad ka madax-banaan tahay awood banaanka kaaga timi; balse, haddii aadan haysan shaqo xor ma tihid, haddii aadan haysan caafimaad xor ma tihid, haddii aadan haysan qof adi si dhab ah kuu matala, xor ma tihid, haddii aadan hadli karin xor ma tihid. Shacabka Buntilaan waxay ka dhiganyihiin, sidii qof Dhurwaa ku aamminay xoolihiisii, kadib markii uu Dhurwaagii cunay xoolihiina, uu qofkii yaabay, oo isweydiiyey: Muxuu Dhurwaagu xoolaha u cunay, waan aaminee. PLO formula. 

Dhallinyaradu Soomaaliyeed guud ahaan ama isbeddalka hormuud ha ka noqdaan, oo qiimihiisa ha bixiyaan ama noloshaa iyo mustaqbal la'aanta baynnu ku jidhaynaa. Waa in aynnu hormuud ka noqonaa kacdoon siyaasadeed oo nadiif ka ah: musuqmaasuq, eex, caddaalad-darro, kala sarayn, oo aynnu hormuud ka noqonaa: yaa karti leh? Yaa hooggimya ah? Yaa taariikh nadiif leh? Yaa aqoon leh?




                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale
                                Dhaka, Bangalaadesh.