Tirada Akhristayaasha Boloogga

Friday, May 22, 2020

Yaa ku Yidhi Halyey iyo Hal-abuur Walba Caddaalad buu Helaa?

Hordhac

Qaarad iyo qaran walba, xaaladda adduunka maanta waxaa lagu sifayn karaa hal eray oo kaliya- ARGGAGAX! Dal walba- mid awood leh iyo ku faqiir ah, mid horumaray iyo mid dib-u-dhacsan, mid daryeel caafimaad oo tayo leh haysta iyo mid aan haysan, mid xulufo leh iyo mid aan lahayn- dhammaantood xaaladdooda waxaa lagu sifayn karaa mid arggagax leh. Bulsho badan oo dhaxashay nolol xorriyaddu saaxiib iyo hoy u tahay, bulsho badan oo aan dareemin muhiimada iyo qiimaha xorriyadda ayaa kaddib markii ay hal mar guryihii lagu xarreeyey, loo diiday in ay is-booqdaan, laga mamnuucay in ay cisbitaalka ku booqdaan dadkii ay jeclaayeen, laga hor is-taagay in ay duugaan sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd kuwii ay jeclaayeen ayaa hal mar dareemay qiimaha xorriyada, faa’iddada caafimaadka iyo raafadka xabiska.
Badankoodu hadda ayey dareemeen dhibta lagu hayo shacabka reer Falastiin, kuwaas oo qarni barkii xorriyad daleed iyo mid daddeed ba loo diiday; bulsho badan ayaa dareentay nolosha uu hadda ku noolyahayJulian Assange, Salmaan Al-cawda iyo inta lamidka ah ee caddaalad darrada u xiran. Bulsho badan oo ay Hindiya ugu horreyso ayaa dareentay dhibta reer Kashmiir uu ku hayo maamulka xagjirka ah ee Modi iyo Amit Shah. Ma maqashay abaar dhib badnayd oo sannaddadan danbe dhulka Soomaalida haysay, oo dad badan u bixiyeen SIMA, saamaynta uu Koorano Fayraska ku yeeshay adduunka waxaa lagu magcaabi karaa "Xanuunkii Sima".

Saddexda Saamaynta Leh.

Yeelkeede, xaaladda arggagaxa iyo saamaynta leh ee uu adduunka ku yeeshay Karoona Fayrasku waxa uu dal kasta iyo bulsho walba ku khasbay in ay saddex qolo u dabo fariistaan: talo, hoggaamin, hal-abuur iyo rejo. Saddexdaas qolo oo kala ah: Madaxda dalkooda, Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimaha iyo Saynisyahanada.

Siyaasiyiinta.

Xaaladdan adag ee lagu jiro waxa ay kala saartay hooggaamiyihii kartida u saaxiibka ahaa iyo kii kartida darnaa. Dhammaan khuburada caafimaadku iyo aqoonyahanada kale ba waxa ay ammaan u soo jeediyeen hoggaamiyayaal dhowr ah oo si fiican uga badbaadiyey dadkooda Fayraskan halista ah, dalalkaas haddii aan dhowr ka tilmaamo waxaa kamid ah: Singaboor, Taywaan, Taylaan, New Zealand iyo Jarmalka. Hoggaamiyayaasha fadhiidka noqday waxaa kamid ah: Trump ka Maraykan, Boris Johnson ka Ingiriiska, oo xattaa xanuunkii isaga soo ritay, Jair Bolsonaro ha Baraasiil, Modi ga Hindiya, hoggamiyaha Talyaaniga iyo Macron ka Faransa.

Hoggaamiyayaasha Diimaha.

Culimada diimaha ama hoggaamiyayaasha diimuhu markii Koroona Fayrasku u kala gudbay dhowr dal, waxa ay u qayb-sameen labo kooxood: koox aad u yar, oo wacyi ahaan iyo aqoon ahaan dhisan, oo markiiba ku baaqday in la dhagaysto talada, aqoonta iyo amarada ka imaanaya khuburada caafimaadka iyo qolo labaad oo aad u faro badan, oo markiiba khuraafaad dadka ula dareeray, kuwaas oo xattaa keenay waxa ay ugu yeerayn daawo.

Koonfurta Kuuriya oo si xun xanuunku ugu dhuftay waxaa la sixi waayey oo diiday taladii iyo amaradii khuburada caafimaadka kaniisad ay ku cibaadaystaan koox Kiristan ah, oo xagjir ah. Taas oo aad u faafisay xanuunka. Kaniisadan oo lagu magcaabo Shincheonji (New Heaven and Earth) Jannada cusub iyo Dhulka, waxaa asaasay nin lagu magcaabo Lii Maan Hii, sannadkii 1984. Ninkan oo sheegtay in uu yahay ninka Ciise u hadla, ayaa ku doodday xattaa in aannu dhimanayn. Lii iyo xertiisu waxa ay diideen in la xiro kaniisadooda; waxa aynna ku dooddeen Karoonahan in loogu marmarsiiyoonayo diintooda iyo cibaadadooda.

Hindiya, bishii March-14-keedii, qolo Hinduu ah, waxa ay cabeen kaadi Lo'aad, waxa aynna sheegeen in ay daawo ka tahay kaadida Lo' du Fayrska Karoona, taas oo ay keento bakteeriya, inkasta oo ay hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) sheegtay in xanuunkan Fayras keeno, balse, aannay keenin Bakteeriya. Nin lagu magcaabo Om Prakash ayaa sheegay in ay wakhti dheer isticmaalayeen kaadida Lo'da si ay ugu nadiifiyaan jirkooda iyo ruuxdooddada; isla jeerkaasna ay daawo ka tahay jeermiska Karoona Fayras.

Hinduugaas waxa ay canbaarayn u soo jeediyeen dowladda Hindiya iyagoo ku dhaliilay in ay soo dhoofsanayaan daawo qalaad, iyadoo ka dhuumanaysa kaadida Lo'da oo ah daawo diimeed wakhti badan bulshadaasi soo isticmaalaysay. Waxaa se yaab lahayd baadari aad looga yaqaan Maraykanka, oo kaniisad ka taajiray oo deggan dalka Maraykanka laguna magcaabo Kenneth Copeland ayaa labadii bishii afraad muuqaal uu siidaayey ku sheegay in uu dabaysha ku dari doona Fayraska Karoona; taasi la yaab bay runtii noqotay. Iskadaa in uu dabayl ku daree, hal Milyan oo Maraykan ah ka badan baa Fayraskii soo ritay, boqol iyo konton kun oo nafood na waa galaaftay.

Culimo badan oo Islaam ah ayaa qudhooda markii cudurka ka dilaacay Shiinaha, sheegay in cudurkan Ilaahay ugu talo galay Shiinaha, si uu ugu hiiliyo muslimiinta dhiban ee Wiigariska, oo dowladda dalkaasi ku hayso dhib aan yarayn. Markii cudurkii Shiinaha dhaafay oo u gudbay dalal badan oo aan Muslim ahayn, culimadii waxa ay ku dareen in cudurkan Ilaahay ku imtixaanayo dadka aan muslimka ahayn, kuwaas oo sida ay hadalka u dhigeen xadgudbay. Culimada tabliiqa ah ayaa qudhoodu aan joojin kulamo iyo muxaadooriyin ay ku lahaayeen Baakistaan iyo dalal kale, iyaga oo ku doodday in aannu cudurkani Muslimiinta ku dhicin. Taas oo keentay in cudurkii si dhakhso ah u faafo, ilaa markii dambe dowladda Baakistaan joojisay kulamo ay lahaayeen culimadaas tabliiqa ah, marka kalenna go'doomisay masaajidyo ay tabliiqu kullan ku lahaayeen oo xanuunka laga helay.

Malaysiya bishii saddexaad ee sannadkan dad tiradoodu tahay 673, oo laga helay xanuunka, saddex meelood oo labo meelood waxa ay kullan ku lahaayeen masaajid ay ku kulmeen kooxda tabliiqa, oo asal ahaan ka soo jeeda Hindiya iyo Baakistaan.

Ciraaq Shiikh lagu magcaabo Hadi Al-modarresi oo sheegay in xanuunkan Shiinaha Ilaahay ugu talo galay si uu ugu hiiliyo musliiminta Shiinaha, buu soo ritay Fayraskii. Inkasta oo gadaal laga qaxiijiyey in cudurka laga daaweyey isaga iyo qoyskiisa ba. Culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu horreeyo Umal inkasta oo uu markii danbe afka duubtay, dadkana ka wacyi galiyey xanuunkan halista ah, balse, markii hore waxa uu ku doodday in xanuunkan Ilaahay gaalada ku imtixaanayo, kuwaas oo macaasidoodii badatay; sidaas si lamid ah waxaa sameeyey Shiikh Barbaraawiga Hargaysa, oo markii hore xanuunka ku sheegay xanuun Ilaahay gaalo ku imtixaanayo, is-buuc kaddibna isagaa isku jawaabay oo is-radiyey. Isagoo leh, xanuunkan looma aannayn karo xanuun gaaalo. Shiikh Xuseen Cali ga Tabliiqa ah waxa uu ka horyimid isagoo jeedinaayey khudbad talada caafimaadka ee oronaysa in aan la isi salaamin, si aannu xanuunku u gudbin.

Yeelkiise yaabku, Boosaaso Shiikh lagu magcaabo Rusheeye oo ka shaqaysta waxa uu ugu yeedhay dumarka Jinku galo ayaa sheegay in uu hayo daawadii Karoona Fayraska isagoo dadka horkeenay booyad biyo ah; Shiikhaas oo markii danbe Boosaso isaga baxay, oo aaday dhankaas iyo Burco. Burco iyo Hargaysa waxaa ka soo baxay wadaado sheegay in hayaan daawadii Karoonaha.

Isku soo duuboo, dhammaan siyaasiyiinta fashilmay, oo ay ugu horreeyaan Trump ka Maraykan, Bolsonaro ha Baraasiil iyo kuwa Iiraan iyo hoggaamiyaayasha diimaha ee aynnu ka soo sheekaynay dhammaantood waxa ay ka sinaayeen hal arrin taas oo ah in ay kor u qaadayaan aragtida mu'aamaraadka ama shirqoolka (Conspiracy Theories) iyagoo leh halkaas baa lagu sameeyey Karoonaha, sidaasna waa loo sameeyey, cidaasna waa loogu talo galay, si loogu dilo dadkooda iyo dhaqaalahooda.

Qoloda saddexaad ee adduunka sida dhow loo sugaayey taladooda, khibradooda, aqoontooda iyo weliba hal-abuurkooda ku saabsan talaal lagu la tacaalayo fayraskan waa Saynisyahannada, oo ah qoloda aynnu kaga sheekayn doono qoraalkeenan. Saynisyahannadu waxa ay inta badan caan ku yihiin hadal yar iyo howl badan. Saddexdii qarni ee aynnu soo dhaafnay ma jirto cid ka wax qabad badnayd saynisyahannada kuwaas dhinac walba hal-abuurkooda lagu liibaanay.

Qoraalkeennan kagama sheekayn doono wax qabadkii saynisyahanada oo dhan, kaliya waxa aynnu eegi doonaa sida ay horumar wayn uga sameeyeen caafimaadka (Health) iyo sida ay xanuuno badan oo dilaa ahaa u soo af-jareen, iyagoo soo saaraya talaalo iyo daawooyin.

Waxqabadka Saynisyahanada Dhanka Caafimaadka.

Buuggiisa Englightenment Steven Pinker waxa dadka waydiiyey su'aashan: How do we explain the gift of life that has been granted to more and more of our species since the end of the 18th century? Su'aasha sida aad doonto uga jawaaab, balse, ma jirto cid ka mudan mahadnaq iyo amaan, Ilaahay ka sakow, aqoonyahanada sayniska, kuwaas oo xanuuno badan oo dilaa ahaa soo afjaray.

Xanuunada safmarka ah (Epidemics) waxa ay dili jireen milyinis qof ka badan, waxa dhulka la simi jireen xadaarado dhan, waxa aynna burbur xoogaan iyo dhibaato kaga tagi jireen dadka. Cudurradaas safmareenka ah faqiir iyo taajir ba uma aabbo yeeli jirin, labada ba isku si buu u layn jiray. Sannadkii 1836 ninkii xilligaas ugu taajirsanaa addduunka oo lagu magcaabo Nathan Mayer Rotheschild ayaa u geeriyooday xanuun ka soo bax ah; dhowr boqortooyo oo Ingiriis ah waxaa xilligoodii soo gaabiyey oo ay u geeriyoodeen dhowr xanuun oo kala duwan, sida: Malaariya, Tiibay (TB), oof-wareen (Pneumonia), tiifow (Typhoid) iyo furuq (Smallpox), madaxweynii Maraykanka Henry William Harrison wax yar kaddib caleemo saarkiisii  waxaa soo ritay xanuun, kaas oo uu muddo bil ah kaddib u geeriyooday; James Polk madexweyne kale oo Maraykan ah isna waxaa soo ritay daacuun colooleed saddex bil kaddib markii uu baneeyey xafiiska sannadkii 1849 kii.

Balse, sida taariikhda ku cad, laga soo bilaabo dhammaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad, markaas oo ay saynisyahannada hal-abuureen talaalka iyo kaddib markii la dedejiyey aragtida jeermiska ee cudurada, waxaa xal loo helay xanuun badan oo galaafan jiray bilyanis dad ah; waxyaabaha la gaaray ama la ogaaday waxaa kamid ah: awoodda iyo faa'iddada gacmo dhaqashada, ummulisada, daawaynta biyaha wasakhaysan, kuwaas oo galaafan jiray tiro badan oo dad ah iyo in la xakameeyey xanuunka jadeecada.

Sannadkii 1995 koox saynisyahanno ah ayaa ku dhawaaqay talaalka cudurka Dabaysha (Polio) ee uu hal-abuuray saynisyahanka Jones Salk, cudurkaas oo sannad walba galaafan jiray kumanaan dad ah. Jones kaligii maahee, waxaa jira saynisyahanno kale oo uu kamid yahay Karl Landsteiner kaas oo daaha ka qaaday noocyada dhiiga (Blood Groups) taas oo ay ku badbaadeen bilyanis dad ah.

Koox kale oo saynisyahanna ah oo aadan maqal, balse maalin walba hal-abuurkoodii iyo waxqabadkoodii dad lagu badbaadiyo baan halkan kuugu soo gudbin, saynisyahanadaa waxaa kamid ah: Abel Wolman iyo Linn Enslow oo hal-abuuray daawada biyaha lagu sifeeyo ee loo yaqaan Kolooriin (Chlorination of water) taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 177 milyan oo nafood, William Foege kaas oo keenay habka lagu ciribtirayo furuqa (Smallpox Eradication Strategy) taas oo badbaadisay dad lagu qiyaaso 131 milyan, Maurice Hilleman kaas oo hal-abuuray daawada siddeedda (Eight Vaccines) waxa aynna badbaadisay 129 milyan dad lagu qiyaaso ah, John Enders talaalka jadeecada (Measles Vaccine) waxa aynna badbaadisay 120 milyan tiro lagu qiyaaso oo dad ah.

Howard Florey oo hal-abuuray daawo anti-baayootik ah oo lagu magcaabo Penicillin taas oo badbaadisay tiro lagu qiyaaso 82 milyan oo dad ah. Gaston Roman oo hindisay talaal lagu magcaabo Diphtheria iyo tenanus taas oo ay ku badbaadeen dad 60 milyan lagu qiyaaso. David Nalin oo hal-abuuray daawo afka laga qaato kaddib marka qofku fuuq baxo, taas oo badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 54 milyan. Paul Ehrlich oo hal-abuuray daawada Diphtheria iyo tenanus waxa ay badbaadisay 42 milyan.

Andreas Gruntzig oo hal-abuuray daawada cudur kala xidha halbowlaha dhiiga kaas oo lagu magcaabo Angioplasty waxa aynna badbaadisay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 15 milyan. Grace Eldering iyo Pearl Kendrick ayaa iyaguna hindisay talaalka qiix-dheerta taas oo badbaadisay 14 milyan. Gertude Elion oo hal-abuuray daawada Rational drug design taas oo badbaadisay 5 milyan. Koox cilmi-baadhayaal ah oo diiwaan galiyey inta dad ee hal-abuurkaaas ku badbaaday ayaa sheega dad lagu qiyaasi shan bilyan oo dad ah, iyagoo doortay kaliya boqol saynisyahan oo kaliya.

Cudurka furuqa oo qarnigii labaatanaad galaaftay tiro dad ah oo lagu qiyaaso 300 milyan ayaa la soo af-jaray ama la cidhib tiray. Mo ogtahay akhristow in bukaankii ugu danbeeyey ee xanuunkaas furuqa laga daweeyey uu ahaa Soomaali sannadkii 1977? Waxaan filayaa, waa maya. Balse, waad garanaysaa dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya.

Xanuunka duumada (Malaria) oo galaafan jirtay kala badh dadkii noolaa qarnigii labaatanaad iyo wixii ka horreeyey ayaa rejo laga qabaa in la cirib tiro inta lagu guda jiro qarnigan. Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2015 ayay hoos u dhacday 60%, hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa dejisay qorshe lagu yaraynayo xanuunka 90% sannadka 2030, waxaana la rejaynayaa in laga ciribtiro xanuunkan soddan iyo shan dal, oo kamid ah shagaashan iyo toddoba dal oo xanuunkan faafaa ka jiro. Xanuunkan duumada ayaa laga soo afjaray dalka Maraykanka sannadkii 1951, kaas oo uu ka ahaa shaacsane.

Intaas waxaad ku sii dartaa horumarka laga gaadhay aqoonta dhakhaatiirta, kuwaas awood u yeeshay in ay aqoon buuxda u leeyihiin jirka qofka, iyagoo qalliin ku samaynaya meel walba oo jirkeenna kamid ah. Ha ilaawin hal-abuurka qalabka cusub kaas oo fudeeyey in si fudud xanuuno badan lagu daawayn karo ama lagu xakamayn karo. Waa sax, waxaa jira xanuuno badan, sida HIV, AIDS oo aan weli daawo loo helin, balse, waxaa guul ah sida loo xakameeyey, oo dalal badan oo xattaa Afrika ugu horreyso looga yereeyey xanuunkan.



Ugu danbayn xanuunka Karoona Fayraska oo maanta madaxa la galay shan milyan oo qof oo bukto ah, dhimishaduna kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins, waxa uu ku soo beegmay xilli aqoonta, tiknooloojiyada, khibrada iyo awoodda saynisku ay aad u sarreyso, waxaana hadda saynisyahanada laga sugayaa in ay sannad gudihii kaga jawaabaan fayraskan. Ha moodin in cudurkan sidaa dhaksaha u faafayo ay keentay awood darrada iyo aqoon yari dhanka dadka ah, balse waxaa sababay wada-shaqayn la'aanta dhanka dowladdaha ah, gaar ahaan labada dowladdood ee adduunka ugu awoodda badan, Shiinaha iyo Maraykanka, iyo weliba karti darada madaxada qaar, sida madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Arrin siyaasiddeed baa keenay in uu si dhakhso ah ku faafo.

Isku soo duuboo, weli ma helin saynisyshanadaas aynnu ka sheekaynay, oo keenay horumarkaas iyo guushaas aqoonsigii ay mudnaayeen. Balse, yaa ku yidhi taariikhda caddaalad samaysa? Yaa ku yidhi halyey iyo hal-abuur walba caddaalad buu helaa?


Xigasho:

1: Buugga Steven Pinker, Enlightenment.
2: Al-Jazeera
3: BBC News
4: South China Morning
5: Dawn.com
6: World Health Organizatin (WHO)
7:Agence France-Presse (AFP)
           8: Johns Hopkins University
9: Hiiraan.com
10: The New Arab


                 W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.

Saturday, March 28, 2020

Adduunka Fayraska Karoona Dabadii


Aadanuhu hadda waxa ay waajahayaan dhibaato caalamiya. laga yaabaa in ay tahay dhibaatadii ugu waynayd ee jiilkan. Go'aanada ay qaataan dadku iyo dawladduhu is-buucayadan soo socda ayaa qaabayn doona adduunka sannadada imaan doona. Ma saamayn doonaan oo kaliya hababkeenna daryeelka caafimaad oo kaliya, balse, dhaqaalaheenna, siyaasadda iyo dhaqanka. Waa in aynnu la nidaamnaa ficil qorshaysan si degdeg ah. Waa in aynnu sida oo kale xisaabta ku darsanaa cawaaqibyada fog ee ka dhalan karta ficiladeenna. Kala doorashada baddiilka (Alternatives), waa in aynnaan is-waydiin oo kaliya, sidee looga gudbaa khatartan degdeg ah, balse, adduun noocee ah ayeynu dhaxli doonaa kaddib marka aynnu ka gudubno duufaantan. Haa, duufaantan waa dhaafi doonaa, aadanuhu waa badbaadi doonaa, badankeennu waxa aynnu ahaan doonaa kuwo weli nool- balse, waxa aynnu ahaan doonaa adduun ka duwan kan maanta.
Kuwo badan oo xaaladdo degdeg ah oo ku meel gaar ah ayaa noqon doona kuwo sii jira. Taasi waa dabeecadda xaaladdaha degdeg ah. Waxa ay horay u soo dhigaan hababka taariikheed. Go'aanno qaadan lahaa xilliga xaaladdu caadi tahay sannado badan ayaa lagu meel marinayaa saacado. Qaan-gaar la'aanta iyo weliba tiknooloojiyada khatar badan ayaa la hawl galinayaa. Waayo khatarta in aan waxba la qaban baa ka wayn. Dhammaan dalalkii ayaa hadda isku beddalay Guinea-pigs oo si baaxad wayn loogu samaynayo tijaabo bulsheed. Maxaa dhacaya marka qof walba shaqadiisa ka gudanayo guriga, laguna wada xiriirayo masaafo ahaan (distance)? Maxaa dhacaya marka dhammaan is-kuulada iyo jaamacadduhu ku baxaan qaab Online ah? Xilliga caadiga ah, dawladdaha, ganacsiyada iyo gudiga waxbarashadu ma yeelayaan in ay sameeyaan tijaabadaas, balse, wakhtigan maaha mid caadi ah.
Xilligan dhibaatada, waxa aynnu waajahaynaa labo doorasho oo gaar ah oo muhiim ah. Kan koowaad waa kan u dhaxeeya kalitalisnimada kormeereed (Totalitarian surveillance) iyo awoddaynta muwaadiniinta (Citizen Empowerment). Kan labaadna waxa uu dhaxeeyaa go'doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnida adduunka (Global Solidarity).
Kormeerida Maqaarka Hoose (Under-the-skin Surveillance).
Si aad u joojiso cudurkan saf-mareenka ah, dhammaan dadku waxa ay u baahinyihiin in ay raacaan xeerar goonniya. Waxaa jira labo hab oo lagu gaaro. Habka koowaad waxa weeye in dawladdu ku samayso dadka kor-joogtayn joogt ah, kuwa xeerka jabiyana lagu ciqaabo. Maanta, waa markii koowaad taariikhda aadanaha, tiknooloojiyadu macquul ka dhigtay in kor-joogtayn lagu sameeyo qof walba wakhti kasta. Konton sanno ka hor, KGB ma awooddin in ay la socoto muwaadinka Soofiyeedka ee ka jooga 240m labaatan iyo afar saac ee maalintii. Xattaa ma awooddin KGB in ay si heersare ah u maamusho xogtii la soo aruuriyey. KGB waxa ay ku tiirsanayd sirdoonka dadka iyo lafo-gurkooda. Mana saamayn karayn in ay sirdoonkooda la socodaan muwaadin kasta. Balse, hadda dawladdu waxa ay ku tiirsantahay tiknooloojiyad mar walba joogto ah iyo Al-goriisam awood badan leh, halkii ay kaga tiirsanaan lahayd sirdoonka dadka.
Dagaalka ka dhanka ah oo ay kula jiraan fayraska saf-mareenka ah ee Karoona dhowr dawladdood ayaa is-ticmaalay agabka wax lagu kormeero (Surveillance tools). Kiiska ugu muhiimsan ee laga xusi karano waa kan Shiinaha. Iyagoo si dhow u kormeeraya taleefanada gacanta, samaynaya in la isticmaalo boqolaal milyan oo kaamiro oo lagu aqoonsanayo wajiyada iyo in dadka amar lagu siiyo in hubiyaan, diraan heerkulka jirkooda iyo weliba xaaladdooda caafimaad, dawladda Shiinaha maaha oo kaliya kuwo markiiba sheegaya kuwo looga shakiyo in qabaan fayraska Karoona, balse, waxa ay la socdaan qof walba dhaqdhaqaaqiisa waxayna sheegayaan cida uu xiriir la sameeyey. Tiro ablikayshano talafeenka gacanta ah ayaa uga digaya muwaadiniinta dadka u dhow ee qaaday fayraska.

Wax ku Saabsan Sawirka (About the Photography).
Sawirradan la socda maqaalkan waxaa laga soo qaaaday Webcams wadooyinkii Talyaaniga oo saxare u muuqda marka kor laga fiiriyo. Waxaa helay, oo ka faa'daystay Graziano Panfili sawir qaade hadda ku nool xaalad karantiin ah (Lockdown).
Tiknooloojiyada noocan oo kale ah kuma koobna Bariga Aasiya oo kaliya. Raa'sul wasaaraha Israa'iil ayaa dhowaan soo saaray amaro ah in loo daabulo Wakaalada Amaanka ee Israa'ii tiknooloojiyada wax lagu kormeero (Surveillance Technology) sida caadiga waxaa loogu talo galay kayd lagu la dagaalamo arggagixisada, balse, hadda waa in lagu raadraaco dadka la buka fayraska Karoona Markii ay gudiga baarlaamaanka ah ee joogtada ah diideen in ay dalabkaas sharciyeeyaan Netanyahu waxa uu isticmaalay dikrayto xaalad degdeg ah.
Waxaaba macquul ah in lagu dooddo waxan wax cusub kuma jiraan. Sannadihii ugu danbeeyey dawladda iyo kambaniyada waa wayn ba (Corporations) labaduba waxa ay ahaayeen kuwo isticmaala tiknooloojiyad casriya taas oo lagu raadraaco, lagu kormeero loogana faa'iidaysto dadka. Balse, haddii aynnaan taxadar muujin fayraskan saf-mareenka ah waxaa laga yabaa si kasta ha ahaatee in uu astaan u noqdo xaalad kormeer oo taariikhiya. Maaha oo kaliya in xaalad caadi ah ka dhigto daabulida agabka wax lagu kormeero dalalka markii horeba iska diiday, balse, in ay tilmaan u tahay is-beddal lagaga imaanayo kormeerida maqaarka dushiisa ilaa kormeerida maqaarka hoostiisa (under-skin).
Weli, marka fartaadu taabato shaashada moobaylkaaga, kuna dhufato linki dawladduna ay rabtay in ogaato waxa saxda ah oo fartaadu kilik (click) garaysay, fayraska karona dartii, dantii dawladda hadda waa is-beddeshay. Hadda dawladdu waxa ay doonaysaa in ay ogaato heer kulka fartaada iyo garaaca dhiigaaga ee maqaarka hoostiisa.

Macaanka Xaaladdaha Degdega (The Emergency Pudding).
Mid kamid ah dhibaatooyinka aynnu waajahayno marka aynnu ka shaqanayno meel la is kormeerayo ayaa ah in aynnan ogayn sida la innoo kormeerayo iyo waxa la imaan doonto sannada soo socda. Tiknoloojiyada wax lagu kormeero (Technology Surveillance) ayaa ah mid si degdeg ah horumar u samaynaysa, wax u muuqday sayniska khiyaaliga ah (Science-fiction) toban sanno ka hor ayaa maanta ah war hore (Old news). Inkasta oo ay tahay fikrad la tijaabiyey, ka soo qaad in ay dawladdu dalbato in muwaadin walba xirto qalabka lagu la socda jirka iyo dabaceedaha gaarka ah ee qofka, gaar ahaan wadno garaaca iyo heer kulka jirka (Biomatric bracelet) labaatan iyo afar saac ee maalintii. Maxsuulka xogta waxaa kaydinaya, haddana falan-qayn ku samayn doona Al-goriisam dawladdu leedahay. Al-goriisam kaasi waxa uu awood u leeyahay in uu ogaado in aad xanuusantahay ka hor inta aadan adigu ogaan, waxa ay sida oo kale ogaan halkee baad ku sugnayd iyo weliba cidda aad la kullantay. Xiriirsanaanta gudbinta fayraska waxaa laga yabaa in la soo yareeyo ama la soo af-jaro. Qalab noocaas oo kale ah waxaa laga yabaa in uu soo af-jaro cudurkan saf-mareenka ah. War aad u wanaagsan, sax?
Dhibtu waxa weeye, dabcan, taasi waxa ay sharciyad siinaysaa kormeerid cusub (New Surveillance) oo arggagax leh. Haddii aad ogtahay, tusaale ahaan in aan daawaday Fox News halkii aan ka daawan lahaa CNN taasi waxa ay wax kaa baraysaa aragtidayda siyaasaddeed iyo weliba laga yaabee tan shakhsiyadayda. Haddii aad awood u leedahay in aad kormeerto waxa ku dhacaya heerkulka jirkayga, cadaadiska dhigayga iyo wadno garaacayga marka aan daawanayo muuqaal, waxaad ogaanaysaa waxa iga farxiya, waxa iga oohiya iyo waxa iga caraysiiya.
Waa muhiim in aad xusuusnaato in carada, faraxadda, caajisnimada iyo jacaylku in ay yihiin daahiro bayloojiya (Biological Phenomena) sida qandhada iyo qufaca. Isla tiknooloojiyada sheegaysa qufaca waxa ay awood u leedahay in ay sheegto qosolka. Haddii kambaniyada waa wayn iyo dawladduhu bilaabaan in ay ka faa'idaystaan qalabka lagu la socda dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka ogaan karaan shakhsiyadeenna si ka wanaagsan sida aynnu innagu u ognahay. Ma sadaalin karaan oo kaliya dareemaheenna, balse, waxa ay ka faa'idaysan karaan dareemaheenna, waxa aynna inna ka gadi karaan wax walba oo ay rabaan- haddii ay noqoto badeecad ama siyaasad.
Qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah ee qofka waxa ay ka dhigi karaan Cambridge xogta lagu la fo guro (Cambridge Anlytica's Data) xeeladdeeda lagu jabsado mid u muuqata xillgii dhagxaanta (Stone age). Bal sawirro Waqooyiga Kuuriya sannadka 2030 markaas oo muwaadin kasta laga rabo in uu xirto qalabka lagu socdo dabeecadaha gaarka ah iyo jirka qofka labaatan iyo afar saac ee maalintii. Haddii aad dhagaysato khudbad uu jeedinayo hoggaamiyaha wayn, qalabkuna uu sheego in aad caraysan tahay, waad tagtay.
Dabcan, waad ka dhigi kataa qalabka wax lagu la socdo (Biometric Surveillance) mid ku meeel gaar ah, kaas oo la isticmaalayo inta lagu jiro xaaladda degdeg ah. Marka ay dhammaatano la qaadayo. Balse, go'aanada ku meel gaarka ahi waxa ay leeyihiin dabeecado aan wanaagsanayn oo ah in ay sii jiraan, gaar ahaan mar walba oo ay jiraan xaaladdo degdeg ah oo qarsoon. Dalkayga hooyo ee Israa'iil, tusaale ahaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku meel gaar ah intii lagu gudo jiray dagaalkii madax-banaanida ee sannadkii 1948 kaas oo lagu meel mariyey tiro amaro ah oo lagu faaf-reebayo saxaafada, la wareegida dhulka iyo xeer gooniya si loogu samayato macmacaan (kugu ciyaari maayo). Dagaalkii madax-baanaanida waa mid waa hore lagu guulaystay, balse, Israa'iil kuma dhawaaqin in xaaladdii degdeg ahayd dhammaatay. Waxa ay ku guuldarraysatay in ay baabi'iso amaro badan oo ku meel gaar ahaa kuwaas oo la qaatay sannadkii 1948 (xaaladdii degdeg ahayd ee sannadkii 1948 nasiib wanaag waxaa la qaaday sannadkii 2011).
Xattaa, marka la soo af-jaro fayraska Karoona, qaar kamid ah dawladdaha u ooman xogta waxay ku dooddi doonaan in la sii joogteeyo agabka lagu la socda xogta khaaska ah ee qofka, maxaa yeelay cabsida laga qabo fayraska Karoona oo mar labaad dilaaca ama maayee xanuunka Ebola oo ka soo bixi kara mar kale bartamaha Africa ama mayee ... waad heshay fikrada. Dagaalka ugu culus dhowaanahan waxa uu ka socday xogaheenna khaaska ah. Dhibaatada fayraska Karoona ayaa laga yabaa in ay sii xoojiso dagaalka. Goortii dadka la kala dooran siiyo xogta shakhsiga ah iyo caafimaadka, badanaa dadku waxa ay door bidaan caafimaadka.

Saabuunta Booliska (The Soap Police).
In dadka la waydiiyo in ay kala doortaan xogaha khaaska ah (Privacy) iyo caafimaadkooda (Health) waa halka dhibtu taal. Maxaa yeelay waa doorasho khaldan. Waxa aynnu xaq u leenahay in aan helno labadoodaba. Waxa aynnu dooran karnaa in aan difaacano caafimaadkeenna, joojinona fayraska Karoona ee saf-mareenka ah, maaha in ay bilowno hirgelinta nidaam kalitalisnimo oo wax kormeera (Totalitarian Surveillance Regime), balse, in la awooddeeyo muwaadiniinta (Empowering Citizens). Isbuucyadii ugu danbeeyey dedaaladii guulaystay ee lagu tacaalaayey fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxaa la yimid Koonfurta Kuuriya, Singaboor iyo Taiwan. Inkasta oo ay dalalkani la yimaadeen agab (Application) lagu tixraacayo, waxa ay ku tiirsanaayeen tijaabo gun-dheer, soo sheegida xogo daacad ah iyo rabitaan in la shaqeeyeen muwaadiniintooda oo ah kuwo wacyi fiican leh.
Kormeerida dawladda dhaxe (Centralised Monitoring) iyo ciqaabida aadka u daran maaha hababka kaliya ee dadka ka dhigaya in adeecaan sharciga. Marka dadka loo sheego xaqiiqooyinka cilmiga ku salaysan, dadkuna aamminaan xogta ay sheegayso dawladdu, dadka waxa ay qabanayaan wax saxda ah, iyagoo aan u baahnayn in uu ilaaliyo walaalka wayn (Big Brother). Bulsho wacyi fiican leh oo is-diraysa baa ka wanaagsan ayaa badanaa ka awood badan, oo ka wanaagsan mid boolis ilaalinaayo oo jaahil ah.
Ka soo qaad, tusaale ahaan in aad saabuun ku dhaqdo gacmahaaga. Tani waa mid kamid ah waxyaabaha ugu sarreeya ee aadanuhu nadaafad ahaan horumar ka sameeyey. Ficilkani yari waxa uu badbaadiyaa nolasha malaayiin qof sannad walba. Inkasta oo aynnu iska dhaxalnay innagu, waxa ay ahayd qarnigii sagaal iyo tobnaad markii saynisyahanadu ogaadeen muhiimada ay leedahay in gacmaha lagu dhaqdo saabuun. Wixii ka horreeyey xattaa dhakhtarada waxa ay isaga gudbi jireen dhowr qaliin iyaga oo aan dhaqin gacmahooga.
Maantase bilyan dad ah baa maalin walba gacmahooga dhaqa. Maaha in ay ka baqayaan saabuunta booliska (Soap Police) balse, waa in ay fahmeen xaqiiqada. Gacmahayga waxaan ku dhaqaa saabuun, maxaa yeelay waxaan maqlay in fayraska iyo bakteeriyadu, waxaan fahmay in ay noolahan yaryari (Tiny organism) ay sababaan xanuun, waxaan kaloo ogahay in saabuuntu disho.
Balse, si loo gaadho in dadku raacaan loona helo oo wado-shaqayn heer sare ah waxaad u baahantahay aaminaad. Dadku waxa ay u baahanyihiin in ay aaminaan sayniska, dawladda, iyo warbaahinta. Dhowrkii sanno ee ina dhaafay, siyaasiyiin masuuliyada ka maran ayaa si cad u curyaamiyey sayniskii, dawladdii iyo warbaahintii. Waxaaba laga yabaa in siyaasiyiintaa ka maran masuuliyada in ay isku beddelaan kali-taliyaal, iyagoo sabab uga dhigaya in aan waxba lagu aamini karin shacabka.
Sida caadiga ah, aaminaadii sannado badan la soo burburinaayey laguma dhiso karo hal habeen. Balse, hadda maaha xilliyadii caadiga ahaa. Marka lagu jiro dhibta, maskaxdu waxa ay awood u leedahay in ay si degdeg ah isku beddesho. Waxaa laga yabaa in ay adiga iyo carruurtada idin dhextiil dood aan wanaagsan, balse, marka ay dhacdo xaalad degdeg ah, waxaas si degdeg ah ula soo baxaysaa aaminaad iyo saaxiibtinimo idiin qarsoonayd. Waxaadna u kala ordaysaan caawinta midba midka kale.
Halkii aad ka dhisi lahayd nidaam lagu kormeero dadka, maaha wakhti danbe in dib loo dhiso aaminaada sayniska, dawladda iyo warbaahinta. Waa in aynnu ka faa'idaysanaa tiknoolooniyada cusub, iyadoo awood la siinayo muwaadiniinta. Waxaan door bidayaa in aan ogaado heer kulka jirkayga, garaaca dhiigayga, balse, waa in aan xogtayda loo isticmaalin in aannay dhisan dawlad kali-talis ah. Halkii, waa in ay noqotaa xog iga dhigaysa mid wacyi sare leh iyo mid ka dhigaysa in dawladda lala xisaabtamo.
Haddii aan labaatan iyo afar saac ee maalintii aan la socdo xaaladdayda caafimaad ogaan maayo oo kaliya in aan halis ku ahay dadka kale, balse, dabeecadaha ka qayb-qaadanaya caafimaadkayga. Haddii aan helayo xisaab iyo xog lagu kalsoonaar karo oo ku saabsan faafida fayraska Karoona, waxaan ogaan karaa in dawladdu ii sheegayso run iyo ay la timid siyaasad ay kula dagaalamayso fayraskan saf-mareenka ah. Xusuusnow mar walba tiknooloojiyada dawladdu u adeegsanayso in ku kormeerto dadka, waxaa sida oo kale loo adeegsan karaa in lagu kormeero dawladda qudheeda.
Fayraska Karoona ee saf-mareenka ah waxa uu noqon doonaa imtixaan wayn oo muwaadineed. Maalmaha imaan doona, waa in qof walba ka doortaa aaminaada xogta sayniska iyo khuburada caafimaadka, aragtiyaha aan salka iyo raadka lahayn ee shirqoolka iyo siyaasiyiinta danlayda ah. Haddii aynnu ku fashilano in aan qaadano go'aanka saxda ah, waxaa laga yabaa in iska wareejino xorriyadeennii ugu qaalisanayd, innagoo ku fakerayna in sidaasi tahay qaabka kali ah oo aynnu ku ilaalin karno caafimaadkeenna.

Waxa Aynnu u Baahanahay Qorshe Caalamiya (Global Plan).
Go'aanka labaad ee muhiimka ah ee aynnu waajahayno ayaa ah kan u dhaxeeya go'doominta daleed (Nationalist Isolation) iyo isku duubnaanta dhammaan adduunka (Global Solidarity). Fayraskan saf-mareenka ah iyo dhibaatada ka dhalatay ee dhaqaale burbur labaduba waa dhibaatooyin caalamiya (Global Problems). Waxaanna lagu xalin karaa in dalalku dhammaan ka wada-shaqeeyaan (Global Co-operation).
Ugu horreyn si looga guulaysto fayraskan waxa aynnu u baahanahay in dhammaan dalalku aynnu wadaagno xogta. Taasi waa faa'iidada ay dadka ka haystaan fayraska. Karoona fayraska Shiinaha iyo Karoona fayraska Maraykan isma dhaafsan karaan sida aadanaha loogu gudbiyo fayraska. Balse, Shiinuhu waxa uu siin karaa Maraykanka cashar muhiim ah oo ku saabsan fayraska Karoona iyo sida loola tacaalo. Xogta uu daaha ka qaada subaxii dhakhtarka Talyaani ee Milan joogaa ayaa badbaadin karta nafo badan oo reer Tahran ah fiidkii. Marka ay dawladda Ingiriis ka labo labayso dhowr siyaasaddood waxa ay talo ka heli kartaa Kuuriya oo dhibtan soo martay bil ka hor. Si ay tani u dhacdo waxa aynnu u baahanahay wada-shaqayn iyo is-aaminaad.
Dalalka waa in ka go'antahay in wadaagaan xogta si daah-furan aynna noqdaan kuwo talo raadsada iyo weliba kuwo awoodda in ay aamminaan xogta iyo aqoonta ay heleen. Waxa kale oo aynnu u baahanahay dedaal caalamiya si aynnu u soo saarno una qaybino qalabka caafimaadka, weliba qalabka tijaabada lagu qaado iyo mashiinada neefsashada (Respiratory machines). Halkii uu dal walbaa uu u hawl-gali lahaa kaligiis, kaydsan lahaana qalab walba oo uu helo, dedaalada wada-shaqayneed ee caalamiga ah ayaa soo dedejin karta wax soo saarka, xaqiijin kartana qalabka lagu badbaadinayo dadka in loo qaybiyo si caddaalad ku jirto. Sida dal walba u qarameeyo warshadihiisa muhiimka marka uu ku jiro dagaal dagaalka adaanaha ee ka dhanka ah fayraska Karoona waxa ay innoo ka baahanyihiin in aadanaha u fekerno (Humanise) marka la soo saarayo waxyaabaha muhiimka ah. Dalalka qaniga ah ee uu ka jiro kiisaska kooban ee fayraska waa in ay u diraan dalalka saboolka ah ee uu ka jiro kiisas badan oo fayraska ah qalabka muhiimka ah, isagoo aaminaya in marka u baahanyahay taageero uu ka helayo dalalka kale.
Waa in aynnu sidoo kale u fekernaa in dalalka ay ka jirto kiisaska kooban ee fayraska uu diraa dhakhaatiirta caafimaadka dalalka uu ka jiro kiisaska faraha badan ee fayraska, si ay u caawiyaan xaaladda ay u baahanyihiin, sida oo kalenna khibrad uga bartaan. Haddiiba fayraska saf-mareenka ah uu jihada kale aado caawinaadu aado dhanka kale.
Wada-shaqaynta caalamiga ah sidoo kale waxa ay geli karaa dhanka dhaqaalaha. Ka soo qaad dabeecada dhaqaalaha iyo xiriirsanaanta dalabaadka, haddii dawlad kastaa ay kaligeed wax iska qabsato iyadoo aan ahmiyad siinayn kuwa kale, natiijadu waxa ay noqonaysaa qas iyo mid dabo-dheeraata. Waxa aynnu u baahanahay qorshe ficil oo caalamiya, waxa aynnuna ugu baahanahay si degdeg ah.
Sida oo kale waxa aynnu u baahanahay heeshiis caalamiya oo khuseeya safarka. Xayiraada safarada caalamiga ah bilooyin waxa ay abuuri doonaan dhibaatooyin kale, wax aynna adkayn doontaa dagaalka lagu la jiro fayraska Karoona. Dalalku waxa ay u baahanyihiin in ay wada-shaqeeyaan si ugu yaraan safarada muhiimka ah, sida: saynisyahanada, dhakhtarada, wariyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatadu isaga gooshaan adduunka. Tan waxaa lagu gaari karaa iyadoo la helo heshiis caalamiya iyadoo dadka safraya lagu sii baarayo dalalkooda. Haddii aad ogtahay in dadka la soo hubiyey loo oggolyahay diyaarada waxaad u oggolaanaysaa dalkaaga.
Nasiib-darro, dalalka wakhtigan way adagtahay in ay intan sameeyaan. Curyaamin wadareed ayaa dib-u-dhigtay beesha caalamka. Waxa ay u muuqata in aannay jirin wax hoggaamin ah. Mid la rejaynaayey ayaa ahayd in isbuucyadii ina dhaafay la rabay in uu qabsoomo shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka ku bahoobay G7, si ay ula yimaaadaan qorshe guud. G7 waxa ay qabteen shir ku qabsoomay muuqaal isbuucan kamana soo bixin qorshahaasi.
Dhibaatooyinkii hore ee adduunku soo maray, sida: dhaqaale burburkii 2008 iyo fayraskii saf-mareenka ahaa ee Ebola, dawladda Maraykan waxa ay ciyaartay doorkeedii hoggaamineed ee adduunka, balse, nidaamka Maraykan ee maanta jiraa waxa ay u muuqaata in uu doorkaas ka haajiray. Waxa uu cadeeyey in uu danaynayo saraynta Maraykan in ka badan mustaqbalka aadanaha.
Maamulkani xattaa waxa uu meel cidlo ah kaga tagay xulafadiisii ugu dhowayd. Markii uu mamnuucay safarada Yurub oo dhan, dhib wayn ba kuma hayn in uu sii siiyo wax ogaysiin ah. Ha ka la tashado oo kaliya reer Yurub amarada aadka u daran (Drastic measures). Waxaaba fadeexaysay dalka Jarmalka, kaas ku dacwaysay in uu u soo gudbiyey hal bilyan farmasiiyada Jarmalka kuwaas oo uu rabay in uu ka iibsado xaquuqda gaar ahaaneed ee talaalka cusub ee Covid-19. Xattaa haddii maamulkan hadda jiraa uu beddelo dhaqankaas oo la yimaado qorshe caalamiya, dalal faro ku tiris ah baa raacaya dal aan masuuliyad qaadayn, khaladna qiranayn, wax walba oo wanaagsana naftiisa ku sifaynaya, isagoo wixii dhaleecayn dusha ka saaraya kuwa kale.
Haddii aanay dalalka kale buuxin booskaa uu beeneeyey Maraykan, kaliya ma sii adkaanayso in la joojiyo fayraska saf-mareenka ah, balse, waxa ay sababi doontaa in dhaxalkiisu sumeeyo xiriirka caalamiga ah sannadada imaan doona. Hase yeeshee dhibaato walba sida oo kale waa fursad. Waa in aynnu rejaynaa fayraskan saf-mareenka ah in aadanahu xaqiijistaan khatarta daran ee ku hayo midnimo laa'aanta caalamiga ah.
Aadanahu waxa ay u baahanyihiin in kala doortaan, miyayna isla burburnaa midnimo la'aanta darteed? Mise waxa aynnu la nimaadnaa wado kale oo ah isku duubnida caalamaga ah (Global Solidarity)? Haddii aynnu doorano midnimo la'aanta, kaliya ma sii dabo-dheerayn doonto dhibaatada, balse, sida oo kale waxa ay sababi doontaa masiibo ka sii daran. Balse, haddii aynnu doorano isku suubnida adduunka, maaha kaliya guul laga gaarayo fayraska Karoona, balse, sida oo kale dhammaan cudurada saf-mareenka ah ee imaan doona mustaqbalka iyo dhibaatooyinka khatarta ah oo ay waajihi doonaan aadanuhu qarniga kow iyo labaatanaad.



                                        W.Q.:  Yuval Noah Harari
                                       W.T.:  Maxamed Cabdi Maxamed "Guutaale". 

Friday, December 13, 2019

Isbeddelka ku Dhacay Qoyska


Hordhac

Sawirro adigoo nool 1800-kii, labo qarni ka hor, aabbuhu doorka uu qoyskiisa ku leeyahay waa iska cadayd, wixii hawl banaanka ah looga baahdo, sida: wixii la quudan lahaa iyo wax walba oo xoog u baahan. Hooyada shaqadeedu waxay ahayd: carruur dhalid, nuujin, korid, wax barbaarin, wax karin, wax dhaqid iyo shaq walba oo guriga dhexdiisa looga baahdo. Muran kama jirin, doorka aabbuhu ku leeyahay qoyskiisa, sidaa si lamid ah shaki kuma jirin doorka hooyada ee qoyskeeda. Ninka doorkiisa gabadhu ma buuxin karin; ninkuna ma buuxin karin doorka haweenka. Noloshaas lama kala maarmayn, gaar ahaan gabadhu ninka kama maarmayn, waana sababta furniinku u yaraa. Ninku gurigiisa waxa uu u soo doonan jiray, saddex shay oo asaas ahaa, oo kala ah: cunto, hurdo iyo galmo. Waxaa soo raaci jiray waa mar iyo dhif ninku iyo naagtu ka wada-sheekaystaan hawl soo koradhay, oo muhiim ah. Gabadh walba oo dhalataa waxa doorka ay guriga iyo nolasha ku leedahay ka qaadan jirtay hooyadeed; wiil walba oo dhashana waxa uu noqon doono waxa uu kaga dayan jiray aabbihii (Traditional roles).

Mar kale  sawirro adigoo nool sannadku markii uu ahaa 1900, qarnigii tagay, markaas oo weli dadku noolaayeen nolol baadiye ah, weli buuq kama jirin doorka ninku leeyahay ama doorka gabadhu leedahay. Qoyska qudhiisa buuq kama furnayn. Nolashaas dumarku nasiibka leh waa tan dhasha toban carruur ah; aabbaha toban carruur ah lehna waa hantiile wayn. Guurka ninku labo ilaa saddex haween ah buu ahaa, balse furniinku aad buu u yaraa. Inkasta oo ay carruurtu badankood dhiman jireen duruufo jiray awgeed, haddana carruurtu waxa ay ahayd hantida ugu fiican ee nin walbaa ku faani jiray ama lagu kala sarreeyey. Ma jirin gabadh ku haminaysa waxbarasho heer ka gaar ama guurka u yara kaadso. Gabadha guurka ka daahda waa gabadh naanaysyo badan lahayd, guumays ba ha ugu horreysee!

Mar kale sawirro adigoo nool bartamihii 1980-kii markaas oo abwaankii weynaa, ee Singub samaynayo heesta uu qaado Axmed Cali Cigaal ee magaceeda la dhaho: "Gabdhuhu waxay ku faanaan", ee ay dhextaalka u tahay:

Gabdhuhu waxay ku faanaan
Guri iyo nin yeelee
Waxa guurka kugu diray
Garan maayo aniguye.

Wakhtigan dalka waxaa ka jirta dawlad casriya, oo ku cusub dadka Soomaaliyeed, dadkii inkasta oo ay weli badankoodu deganyihiin dhulka baadiyaha ah, haddana waxaa jira dadku in qaab fikir ahaan iyo dhaqan ahaan magaaloobayaan. Balse, weli muran kama jiro qoyska badan. Waxaa qiimo leh guurka iyo gabadha guriga leh, sida hadalka abwaanka laga akhrisan karona gabadha nin heshaa, oo guri degtaa gabadhi kama sarrayn.

Sawirro markan dhammaadka 2019-kii, markan wadaad Soomaaliyeed oo magaciisa la dhaho Kiiniyaawi, oo asal raac ah ayaa jeediniya khudbad, waxa uu kula talinayaa gabdhaha in aannay wakhtiga iskaga lumin PhD ama waxbarasho, oo ay yaraanta ku guursadaan. Waxa uu leeyahay guurka oo laga dahaa gabdhaha dani uguma jirto. Balse, markan hadalkaas guurso ah waxaa ka dhalatay caro aad u xooggan, waxaa hadalkaas dhibsaday dumar iyo rag waxbartay ilaa markii danbe wadaadkii lagu khasbay in uu raalli-gelin bixiyo. Arrintuna waxa ay noqotay wadaadkii baa yaabay!

Maxaa isbeddelay markan? Maxay dumarku u qaylinayaan? Ma isbeddel baa ku dhacay qoyska? Haddii jawaabtu tahay: HAA. Waa maxay isbeddelkaasi?

Xasuusin Kooban

Qoraal aan qoray bishii sagaalaad ee sannadkan, ciwaanna aan uga dhigay: "Sidee Doodda Dumarka Soomaaliyeed u fahanaa?" Ayaan kaga sheekeeyey isbeddalka ku yimi doorka ragannimada iyo dumarnimada. Waxaan ku doodday in tiknooloojiyadu ay baabi'say doorkii dhaqan ahaan soo jiray ee ninka iyo naagta lagu qiimayn jiray, maantana ay weli wareer ka tagaan yahay waxa laga rabo nin iyo waxa uu yahay doorka gabadha. Qoraalkaas waxa aan ku sheegay in raggii xanaaqsanyahay, dumarkiina wareersanyihiin. Waxaan kaloo sheegay in furniinkii batay, sababtuna ay salku ku hayso isbeddelkaas dhacay.

Qoraalkan waxaan kaga warrami doonaa isbeddelka ku dhacay qoyska iyo weliba yaraanta ku timid dhalida carruurta iyo weliba sababaha keenay dhalmo yarida, ma maqaadiir baa? Mise isbeddel dhacay oo xaqiiqo ah? 

Tiro-koob ku Saabsan Dadka Adduunka

Saddexdii qarni ee ugu danbeeyey waxa ay kulmiyeen labo shay: kow, in tirada dadka adduunka ku nool ay aad u kordhaan, labo, isla jeerkaasna, mar kale tirada dadka adduunka ku soo biiraysa hoos u dhac ku yimaado. Ka soo qaad, intii u dhaxaysay 1750-kii ilaa 1950-kii oo ku beegan bartamihii qarnigii tagay, tirada dadka adduunka ku nool waxa ay korodhay hal bilyan ilaa ay gaareen saddex bilyan; laga soo bilaabo sannadkii 1950-kii ilaa 2000 oo ku beegan bilowgii qarnigan aynnu ku jirno, tirada dadka adduunka ku nool waxa ay korodhay saddex bilyan ilaa ay gaadhay lix bilyan. Wakhtigan dadka adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa toddoba bilyan.

Inkasta oo aan lahayn tiro koob sax ah, haddana qiyaasta ugu wanaagsan ee la xiriirta dhalmada waxa ay tibaaxaysaa sannadku markii uu ahaa 1800 in gabadh walba dhali jirtay carruur u dhaxaysa 6.0 ilaa 8.0. Taas macne ahaan waxa ay noqonaysa in gabadha reer Yurub ay haysatay carruurta ay maanta haystaan gabadha Afrikaanka ah ama aan dhaho gabadha Soomaaliyeed.

Balse, su'aashu waxa weeye: Maxaa keenay baahida carruurta badan?

Reer walba in uu carruur badan haysto dhowrkii qarni ee ina dhaafay waxaa keentay baahi xaqiiqo ah oo jirtay. Kow, baahida koowaad waxa ay ahayd carruurta oo ahayd il-wax soo saar. Sidee? Ka soo qaad in aabbuhu yahay beeralay, si uu beertiisa u fasho, waxa uu u baahan yahay dad kala shaqeeya. Labo gacmood oo kasta waxa lahaayeen wax soo saar. Aabbaha dadka kala shaqaynaya beertiisa waa in ay noqdaan carruur uu dhalay. Ma jirin tiknooloojiyad casriya oo u saamaysaxaysa in qofku beertiisa kaligii ku filnaado. Ka soo qaad mar kale in ninkaasi yahay xoolo-dhaqato, sida: Geel ama Ari', waxa uu baahan yahay carruur kala shaqaysa. Ka soo qaad in uu yahay kaluumaysato ninkii waxa uu baahanyahay cid kala shaqaysa xeebta. Marka carruurtu waxa ay ahayd hanti toos ah (Basis of Wealth).

Labo, baahida labaad waxa ay noqonaysaa carruurta oo ahayd ciidan. Maadama oo aannay jirin dawlad casriya, oo dadka u dhaxaysa iyo maamul awooddiisu shaqayso, qaabka qof waliba ku badbaadsan karo naftiisa iyo hantidiisa waxa ay ahayd in uu haysto carruur badan oo uu dhalay. Nin ba ninka uu ka carruur badanyahay waa ka ciidan badnaa, kana awood badnaa. Saddex, baahida saddexaad waxa ay ahayd maadama aannu jirin dawlad daboosha (Social Security) baahida qofka markii uu shaqo gab noqdo, qofku waxa uu ku khasbanaa in uu haysto carruur xanaanaysa marka uu waynaado. Sida uu qabo George Friedman dhinac marka laga eego waxa ay ahayd dhaqan iyo caado, dhan kale marka laga eegaso waxa ay ahayd ka fekerka dhanka dhaqaalaha (Rational economic thinking). Dhowrkaa baahiyood oo asaasi ah iyo baahiyo kale baa keenay in nin walba ku fekero in uu haysto carruur badan. Dhalida carruur waxaa u xil-saarnayd waa gabadha, waxaynna ahayd shaqada koowaad ee hooyada. Waana sababta gabadha marka ay sidaa u qaan gaadho loo guursan jiray. Marka sidaas loo guursadona waxa ay bilaabi jirtay in ay uur qaado, carruurana u dhasho si aan kala go' lahayn. Ilaa ay ka dhimanaysano ama ka dhalmo daynayso gabadha shaqadeedu waxa ay ahayd dhalida iyo nuujinta carruurta. Taas oo haddii ay dhasho carruur badan ahayd hooyo sharfanayd.

Marka laga yimaado duruuftaa ninka iyo naagta ku khasabtay in ay carruur badan dhalaan, haddana waxaa in la xuso mudan, duruufo jiray awgood in carruurtu inta aannay qaadh-gaadhin ay badi dhiman jireen (High rates of Infant Mortality) haddii uu badbaadano in ay aad u hoosaysay inta qofku noolaan karo. Labadan markii xal loo helay oo ay carruur badan ka badbaadeen dhimashadii, isla jeerkaasna ay kor loo qaaday inta qofku noolaan karo (Life expectancy), iyadoo loo marayo helida daawo tayo leh, isla markaasna casri ah, helida cunto tayo leh iyo weliba daryeel dawladdeed, waxa ay keentay in ay bataan tirada dadka adduunka ku nool. 

Laga soo bilaabo labadii qarni ee u danbeeyey, oo badi adduunka dadka ku nooli ay u soo wareegeen magaalooyinka, isla jeerkaasna la helay dawlad casriya, haddana dadku weli waxa ay dhalayeen tiro carruur ah oo badan. Sababtuna waxa ay ahayd carruurta oo weli ahayd hanti wax soo saar leh, tiknooloojiyada oo bilow ahayd iyo dawladda oo aan dabooli karin baahidii markaas jirtay.  Meelaha ugu badan oo dhowrkii qarni ee u danbeeyey carruurta dhalata ay aad ugu badnaayeen waxaa kow ka ahayd Aasiya iyo weliba Afrika.

Inta aanan sharaxaad kooban oo qodobaysan ka bixin sababta ay hoos ugu dhaceen carruurta dhalanaysa, bal horta aan ku siiyo tiro-koob soo bandhigaya sida ay hoos dhac ugu imaanayo ama ugu timid tirada dadka adduunka ku soo biiriya.


Tiro-koob ay soo saartay qarmada midoobay ayaa sheegaysa in ay hoos u dhacayso dadka dhalanaya 50% inta u dhaxaysa sannadka 2000 ilaa 2050. Warbixino kale ayaa sheegaya in inta aan la gaarin sannadka 2050 ay hoos u dhacday tirada dadka adduunka. Qaybta danbe ee qarniga kow iyo labaatanaad ayaa sidoo kale la filayaa in hoos dhac wayn ku yimaado tirada carruurta dhalanaysa, waxa ay sheegaysaa warbixintu in 10% uu kordhaayo tirada dadka adduunka. Warbixino kale ayaa tibaaxaya in tirada dadka adduunka ku soo biiraysa ay u yaraanayso dhammaadka qarnigan ilaa bilowga qarniga kan xiga.

Tiro-koobyada ayaa soo bandhigaya in dalalka horumaray (developed countries) ay tiro ahaan hoos u dhac wayn ku imaan doono, halka dalalka soo koraya (developing countries) aannay ka baxasanayn in ay hoos dhac ku yimaado tirada dadkoodu, balse aannay sida dalalka horumaray tiro ahaan si degdeg ah hoos u dhac ku imaan doonin. Qarmada midoobay warbixin ay leedahay ayaa sheegaysa in 1970-kii ay gabadhu celcelis ahaan dhali jirtay 4.5 carruur ah, halka sannadkii 2000 ay gabadha dhalaysay 2.7 carruur ah. Isla hay'adda qarmada midoobay ayaa sheegaysa in sannadka 2050 ay hoos u dhacayso tirada carruurta dhalanaysa.

Arrinta aan layaabka lahayn waxa weeye in afartan iyo afarta dal ee hoggaaminaya horumarka adduunka ayaa gabadhii waxa ay dhashaa 1.6 carruur ah. Taas macno ahaan waxa ay noqonaysaa in ay hoos u dhac wayn ka jiro tirada carruurta u dhasha dalalka horumaray. Ruushka iyo Jarmal ayaa qayb ka ah dalalka dhalmadu hoos u dhacday. Bilowgii qarnigii kow iyo labaatanaad, gaar ahaan intii u dhaxaysay sannadkii 2001 ilaa sannadkii 2005 ayaa lagu qiyaasaa tirada guud reer Yurub ahayd 728 isla xilligaas waxa ay sheegaysaa in sannadka 2050 ay tirada guud ee reer Yurub gaarayso 653 ilaa 557 milyan. Balse buuggiisa 21 lessons for the 21st Century, ee la daabacay sannadkii 2018-kii Yuval Harari ayaa sheegaya in tirada guud ee reer Yurub ay tahay 500 milyan. Inta aan la gaarin 2050, sannadkii 2018-kii haddii hoos dhac wayn ku yimid reer Yurub, waxa ay muujinaysaa in dhammaadka qarnigan ama qaybta danbe ay tirada dadka reer Yurub sii yaraan doonto.

Maxaa Sababay in hoos dhac ku yimaado carruurta dhalanaysa?

Qodobka koowaad ee aan ku bilaabayo waxa uu noqonayaa Horumarka. U fiirso dal walba oo horumar sameeyey, horumarkaasi waxa uu saamayn toos ah ku yeeshay qoyska. Dalalka Maraykanka, Yurub iyo Jabbaan waxa ay ahayd meelihii koowaad ee carruurta dhalanysa ay hoos u dhacaan, waayo mar walba oo horumar yimaado, waa mar walba oo tirada carruurta dhalanaysa ay hoos u dhacdo. Kaliya maaha Jabbaan iyo dalalka reer galbeedka meelaha horumarku saameeyey carruurtii dhalanaysay, balse, sida oo kale dalalka Singaboor, Malaysiya Hong Kong, Taywaan iyo weliba Koonfur Kuuriya dhammaantood waxa hoos u dhacay carruurta dhalanaysa kadib horumarkooda.

Qodobka labaad waxa uu noqonayaa, uguna muhiimsan, sida aan horay u xusay carruurtu waagii hore waxa ay ahayd hanti wax soo saar leh. Noloshii halganka ku dhisnayda waxa ay lahaayeen qiimahooda. Markii la helay dawlad casriya, isla markaasna loo soo wareegay magaalooyinka, carruurtii si ay noqdaan ilo-wax soo saar, waa in marka hore iyaga qudhooda wax la baraa ama xirfad la baraa, si ay ugu shaqaystaan. Halka waagii hore carruurtu reerka hanti wax soo saar ugu ahaayeen, waxna soo galin jireen, hadda carruurtii waxa ay noqdeen kuwo quudanaya oo isticmaalaya waxa soo gala reerkii.

Marka ilmihii waxa uu rabaa waxyaabo badan, sida: waxbarasho, nafaqo, dhar, kabo uu xirto iyo weliba daryeel caafimaad. Qarmada midoobay ayaa sheegaysa in shan iyo labaatanka dal ee adduunka dhanka waxbarashada hoggaaminaya uu ilmuhu waxbrasho iskuul ku qaato inta u dhaxaysa shan iyo toban ilaa toddoba iyo toban. Ka soo qaad in uu shan iyo toban jir iskuul ku dhammeeyey waxaad ku dartaa jaamacad afar sanno ah, waxa uu da' ahaan noqonayaa sagaal iyo toban sanno jir. Isagoo ilmihii ku dhow 20 sanno jir, waxaa macquul ah in aannu weli shaqayn oo qoyskii wixii dhaqaale ah ee soo gala in uu la quuto. Marka halka reerkii uu dhali lahaa toban carruur ah, oo ay qaali tahay in la koriyo, qoyska fekerayaa waxa ay ka door bideen hal, labo ama saddex carruur ah.

Ka soo qaado tusaale ahaan dalka Faransiiska. Sida uu ku soo qaatay buuggiisa Next 100 Years, George Friedman, toban carruur ah qarnigii siddeed iyo tobnaad waxaa laga yabaa in ay Faransa ahayd hadyad Eebbe (Godsend). Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad waxaa laga yabaa in toban carruur ah Faransa in ay ahayd culays (Burden). Toban carruur ah dhammaadkii qarnigii labaatanaad Faransa waxaa laga yabaa in ay ahayd masiibo iyo is-miidaabin (Catastrophe and Suciade). Waayo aad bay wakhtigan u adag tahay in la koriyo ama laga adkaado baahida toban carruur ah. Bal u fiirso maanta qoysaska haysta carruurta badan waxa ay ku noolyihiin nolol aad u liidata, haddii aad u sii dhowaatana waxaad dareemaysa in aannan u shaqaynayn sidii la rabay (Dysfunctional families).

Qodobka saddexaad waxa uu noqonayaa in aannay jirin baahi keenaysa in carruur badan qoysku dhalaan. Waxa aynnu soo aragnay in baahi la garan karo ay keentay in carruur badan qoysku dhalaan, balse dhammaan baahiyihii hadda waa xaliyey. Ka soo qaad tii daryeelka qofka, dawladda ayaa kafaalo qaadaysa qofka, kadib marku uu waynaado, xattaa haddii aannay dawladdu kafaalo qaadin qofka shaqaystay intii uu xoogga ahaa waxaa macquul ah in uu naftiisa kafaalo qaado. Labo, ma jiro qof ka baqaya in xoolihiisa laga qaado, sababtuna waa in dawladdi jirto. Mana jirto sabab ku khasbaysa baahi carruur u difaacda dhulkiisa iyo hantidiisa. Saddex, in ilmo la koriyo oo qaali noqotay, maadama uu kaaga baahanyahay dhaqaale faro badan waxa ay keentay qoysas badan in yareeyaan carruuta ay dhalayaan.

Qodobka Afraad waxa uu noqonayaa labo arrimood oo isla socda. Qodobka koowaad waa in horumar wayn aadanuhu ka samaayey tayeynta nolosha dadka si guud, si gaar ahna dumarka. Qoraalkaygii kan ka horreeyey ee aan hordhaca ku soo xusay, uguna magac-daray: "Sidee u Fahanaa Doodda Dumarka Soomaaliyeed?" Waxa aan ku doodday in wakhti dheer raggu qabsadeen boos walba oo nolasha dadka muhiim u ahaa, dumarkuna ay ahaayeen kuwo aan cod lahayn. Waxaan kaloo sheegay in taariikhda qoran ay tahay taariikhda ragga iyo guulo ay gaareen, dumarkana laga saaray doorkii ay ku lahaayeen horumarka aadanaha.

Waxaan ku doodday tiknooloojiyada iyo sayniska iyo weliba dawladnimada casriga ah ay qiimo tirtay doorarkii dhaqamadii hore (Traditional roles) ay kala siiyeen ragga iyo dumarka. Waxaan kaloo sheegay murqihii qiimo beeleen, oo ay noqdeen wax qurrux maanta laga doono. Waxaan sheegay fursadaha maanta jira badankood in ay hoos imaanayaan kuwo u baahan aqoon iyo xirfad, labadaasna waxaan ku doodday in ay ragga iyo dumarku u simanyihiin, oo gabadha awood u leedahay badanka shaqooyinka maanta raggu qabtaan in ay qaban karaan. Qoraalkaygaasi kama dooddayn isbeddelkaas dhacay ma wanagaasanyahay mise waa xunyahay? Waxa kaliya uu soo bandhigay waxa uu ahaa in aan laga baxsan karin isbddelkaas dhacay. Qoraalku sidoo kale waxa uu sheegay in isbeddkalkaasi uu saamayn doono qoyska.

Qodobka aynnu soo sharaxnay, oo aynnu kow ka dhignay, waxa uu ina ku xirayaa qodobka labaad oo noqonaya, in dumarkii shaqaystaan, waxna bartaan. Si lamid ah wiilka, gabadhu si ay u noqoto gabadh wax soo saar, dhan shaqo iyo weliba dhan maskaxeed, waxa ay ku khasbantahay sida walaalkeed in ay aado iskuul, marka ay dhammayso iskuulna jaamacad, marka ay jaamacad dhammaysano shaqo. Guurkii waxa ay noqotay in nin iyo naag ba ay dib-isaga dhigaan, carruur dhalidna mar danbe laga sii dhigto, sababtuna waxa weeye noloshii oo qaali noqotay. Waagii hore sida aynnu halka hore ku soo aragnay gabadha shaqadeeda koowaad waxa ay ahayd wax dhalid, guur iyo guri. Balse, maanta hadafyo kale iyo shaqooyin kale bay gabadhu leedahay, oo guurku waxaa laga yabaa in uu shaqooyinka mid kamid ah yahay. Balse aannu ahayn waxa ay gabadhi u nooshahay oo kaliya ama waxa ugu muhiimsan oo ay sugayso.

Bal sawirro in gabadhu ku qaangaadho shan iyo toban sanno jir, ku darso in ilaa iyo 25 sanno jir ay waxbarasho ku jirto. Ka soo qaad in gabadhaasi ku guursato 27 ama aan dhaho 25 jir. Ka soo qaad in ay dhasho labo carruur ah, una dhaxayso shan sanno. Ka soo qaad in gabadhaasi ay siddeed sanno ama toban sanno ku bixiso nuujinta, daryeelka iyo nafaqaynta carruurteeda. Ku darso siddeed iyo toban bilood ay uur lahayd. Taas macno ahaan waxa ay noqonaysaa in qiyaas u dhiganta 10%, gabadha ay galisay carruur dhalid, nuujin iyo barbaarid. Halka waagii hore gabadha ilaa ay ka dhimanayso ay wax dhali jirtay, oo aannay shaqo kala lahayn, gabadha wakhtigan waxa ay wakhti ku bixinaysaa 10% nolosheeda kamid ah carruur dhalid. Ku darso in gabdhihii hore inta ay noolaan jireen ay aad u koobnayd, halka maanta gabadha noolaan karto, kontan, lixdan ilaa iyo siddeetan inta u dhaxaysa, tani waxa ay sheegaysa in gabadha wakhtigan noolaan karto in ka badan intii ay noolayd ayeeyadeed.

Ugu danbayn isbeddelkaas ku dhacay dumarka, waxa ay keentay in dumarku shaqaytaan, oo ay ka madax-banaanaadaan dhaqaale ahaan nimanka. Waagii hore sida aan soo sheegay furniinku aad buu u yaraa, sababtuna waxa ay ahayd gabadha oo aan dhaqaale ahaan xor ahayn. Gabadha waxaa laga yabaa iyadoo dulman in ay ku khasbanayd in ay la joogto ninkeeda, sababtuna waxa weeye ma haysan wax u dhaama. Halkaas waxa aynnu ka fahmaynaa waagii hore ninka iyo naagta is-qaba waxaa isku hayey waxa ay ahayd dabar dhaqaale, halka wakhtigan ninka iyo naagta jacayl isku hayo.

Jacaylka dhibtiisa ugu wayn waxa weeye in aannu joogto ahayn. Lammaanaha duruufta dhaqaale isku hayo, waxa ay ka waarid badan yihiin guurkoodu kuwo duruuf jacayl isku hayo. Ninka iyo naagta kuwada joogo jacayl, haddii jacaylkii dhammaado khasab waxaa imaanaysa waa furniin. Waxyaabaha maanta furniinka badiyey waxa weeye lammaanaha waxaa isku keenay waa jacayl, ee duruuf dhaqaale maaha. Jacaylkuna waa yimaadaa, waana tagaa.


Gunaanad

Inta aannan soo koobin qoraalka waxa uu ka hadlayo, bal aan ku xusuusiyo isbeddelkaas ku dhacay qoyska iyo horumarka aan la joojin karin dadkii waxa uu u kala saaray labo qolo: kow, qolo rabta in dumarka guriga lagu hayo, si ay carruur badan u dhalaan, loona ilaaliyo qoysas dhaqameedkii hore (Tradational families) labo,  qolo labaad oo rabta in isbeddelkaas dhacay lala jaan-qaado, macquulna aannay ahayn in dib loo noqdo, dibna looga fekero qaabka loo qeexayo nolosha guurka, lammaanaha iyo hadba carruurta la dhalayo.

Dadka aaminsan in la noolaado boqol sanno ka hor noloshii la noolaa, oo loo yaqaan asal raac waa laga guulaysan doonaa, haddii aannay isbeddel ku samayn qaabka u fekerayaan, waayo macquul maaha in isbeddelkaas dhacay dib loo celiyo. 

Ugu danbayn qoraalkan kooban waxa uu ka sheekeeyey baahida keentay dhowrkii qarni ee galbaday in qoys walba haysto carruur faro badan, sida oo kale waxa uu sharaxay in carruurtu ahayd hanti, il-wax soo saar iyo ciidan dhan walba leh. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay in dadka dhalanaya ee ku soo biiriya adduunka ay hoos u dhaceen, gaar ahaan dalalka horumaray. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay sababaha keena yaraanta carruurta iyo weliba in wagii hore carruurta ahayd ciidan iyo il-wax soo saar, balse si carruurtu u noqdaan il-wax soo saar loo baahanyahay in qoys walba carruurta dhaqaale xooggan galiyaan si ay naftiisa wax u bari lahaayeen. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay dumarku maanta haytsaan fursad tan ragga lamid ah, isbeddelna ku yimid dumarka oo horumar sameeyey. Sida oo kale qoraalku waxa uu xusay in baahiidii keentay in qoys walba dhalo carruur badan maanta aannay jirin. Sida oo kale waxa uu xusay waagii hore ninka iyo naagta is-qaba waxaa isku hayn jiray duruufo dhaqaale halka maanta jacayl isku hayo. Caadifad qoyska ku dhismayna waxa aynnu sheegnay in uu badiyey furniinka. 

Ugu danbayn waxa aynnu sheegnay in dadku labo kala noqdeen: qolo rabta in lagu noqdo ama la sii ahaado qabkii ay ahaayeen qoysaskii hore iyo qolo kale oo leh isbeddelka aynnu la jaan-qaadno, rabana in dib loo qeexo qoys iyo waxa laga rabo.




                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.