Tirada Akhristayaasha Boloogga

Wednesday, September 4, 2019

Sidee Doodda Dumarka Soomaaliyeed u Fahannaa?


Dhowaanahan waxaa soo batay doodda u dhaxaysa ragga iyo dumarka, dooddani waxa ay noqotay dood dhinacyo badan laga is-taago, sida: guurka, siyaasadda, dhaqanka iyo shaqada. Waxa ay dooddani adkaataa, marka laga dooddayo guurka, sida oo kale marka laga dooddayo shaqada iyo doorka siyaasaddeed ee dumarka. Guurka marka laga dooddayo rag badan baa dumarka ku dhaliila in ay yihiin dhibta cida wada, waxa ay soo daliishadaan aayado qur'aan ah, waxayna raaciyaan xadiisyo badan, iyagoo ku duraya dumarka in ay xadkii dhaafeen. Mararka qaarkood dumarka waxaa loo soo kaxaystaa odayaasha dhaqanka kuwaas oo taariikh hore iyagoo adeegsanaya dumarka dhaliil oo dhan dusha ka saara, marka kale waxaa loo soo kaxaystaa wadaad, si lamid ah, wuxuu cabsi iyo arggagax ku abuuraa dumarka, isagoo u digayana waxa uu u sheegaa in ay khaladkooda saxaan. 


Ragga qudhooda waxaa loo soo jeediyaa dhaliil badan, dhibaatooyinka jira oo dhan waxaa loo xanbaariyaa ragga, dumarka qudhoodu waxa ay soo daliishadaan qur'aan, xadiisyo iyo weliba taariikhdii nebigeenna (N.N.K.H) iyo sidii uu dumarkiisa ula dhaqmi jiray. Siyaasadda marka la joogo aad baa loo kala fogaadaa, rag iyo dumar badan baa qaba in dumarka guryaha lagu hayo, oo ay doorkaas guriga ka soo baxaan, siyaasadduna ay tahay shaqada ragga. Rag iyo dumar kale baa taas u arka sheeko khiyaali ah, oo aan xilligeedii la noolayn, waajibna ay tahay in dumarku ka qayb qaataan siyaasadda dalkooda. Labada qoloba waxa ay soo daliishadiin aayado qur'aan ah iyo weliba xadiisyo. Qolada danbase waxa ay marar badan ku daraan taariikhda casriga ah dumar badan oo siyaasadda qayb ka soo qaatay. 



Shaqada marka la joogo, sidaas si la mid ah waxa loo kala qayb-samaa labo kooxood: koox ku dooddaysa in dumarku  guryahooda joogaan, oo ay raggooda ama aabbahood u daayaan wixii shaqo ah; kooxda labaad waa koox fikirkaas aad uga soo horjeeda, kuwaas ku doodda in dumarka fursad lamid ah tan ragga la siiyo. Sidii aan horay u xusayna labada qoloba waxa ay soo daliishadaan qur'aan iyo xadiisyo. 


Balse, su'aashu waxa weeye: Maxaa dooddan hadda ku soo beegay? 

Su'aashan si aynnu uga jawaabno waxa aynu u baahanahay in aynu taariikhda dib ugu laabanno, si aynu u fahano wakhtigan aynnu maanta noolnahay. 

Inta taariikhda laga xasuusto, ugu yaraan laga soo bilaabo xilligii kacdoonkii wax beerashada (Agricultural Revolution), mar walba labada jinsi ee kala ah: Nin iyo Naag. Ninka ayaa ahaa ka gacanta sare leh, oo wax walba maamulilaayey. Dumarka waxaa soo gaara waxa ay ahayd wixii uu u garto ninka ay markaa la joogto. Ninku in ay wax walba gacanta u galaan, oo ay dumarku noqdaan dhibanayaal, waxaa keenay arrimo dhowr ah, oo laga xusi karo: dhaqankii bulshooyinka ay dhigteen iyo daruufihii nololeed ee xilligaas. 

Siduu buuggiisa: "Sapiens", A Brief History of Humankind", Yuval Harari ku xusay gabadhu marka ay dhalato ilaa inta laga guursanayo iyo weliba inta ay nooshahay waxa ay ahayd hanti uu iska leeyahay hadba markaa ninka ka masuulka ah, sida: aabbaheed, walaalkeed ama ninkeeda. Tusaale ahaan haddii la kufsado gabadh waxa lagu gafay hanti qiimo badan oo uu nin kale iska leeyahay, waxaana arrinta iska arki jiray rag, iyadoo aannay xattaa gabadhii dhibanaha ahayd meesha la keenin. Tan ka sii darana waxa ay ahayd wixii magaceeda lagu soo qaato in aannay waxba ka soo gaari jirin.

Noloshaas dumarka ra'iyagoodu muhiim ma ahayn, fursadaha kale ee jirana mar walba waa ka aradnaayeen. Ninka had iyo jeer waxaa lala xiriirin jiray ragganimo "Masculinity". Tusaale ahaan ragga sifaha la siin jiray waxaa kamid ahaa: awood, khatar u bareerid, mandaq ah (Rational), caqli adeegsasho (logical), iyo qof wax sababeeya. Dumarka waxaa la siiyey sifo ka soo horjeeda taas ragga, oo ay ugu horreyso jileecnimo. 

Waxa ay taariikhdu soo bandhigaysaa marar badan bulshooyin aad u nacbaa dhalashada gabdheed, inkasta oo ay weli dhaqankani baaqi yahay, gaar ahaan bulshooyinka ay ka mid tahay Soomaalidu ay aad u aaminsayihiin in wiilka ka wanaagsan yahay gabadha. 


Noloshaas si uu shakhsiyadiisa (Identity) u qeexo ninku waxa uu reerkiisa u buuxin jiray dhowr arrimood oo ay kamid tahay keenida wixii reerku quudan lahaa iyo wixii hawl ah ee banaanka ah; sidaa si lamid ah gabadhu si ay u qeexdo shakhsiyadeeda shaqadeeda ugu badan waxa ay ka qaban jirtay guriga, sida: carruur korin, cunto karin iyo hawlaha kale ee markaas guriga la xiriira. 


Noloshaas waxa jiilba jiil u dhiibo, oo ay raggu yihiin kuwa wax walba maamulaya, dumarkuna yihiin kuwii oggol wixii hadba loogu taliyo, ayaa waxaa dhacay kacdoonkii warshadaha (Industrial Revolution) Waxay horumar soo samaysaba Tiknooloojiyada iyo Sayniska ayaa adduunka wax weyn ka beddelay. Dadka qaarkood baa aaminsan in ninka reer Yurub ama reer Galbeed u gartay fursadaha maanta ay ku naaloonayaan dumarkoodu, balse, xaqiiqadu waxa ay tahay dumarku fursado badan oo ay helaan waxa ay ku timid horumarka tiknooloojiyada iyo Sayniska iyo dhaqdhaqaaqyadii ay dumarka reer galbeed sameeyeen. 

Inta sida fiican loo xasuusto, qarnigii labaatanaad bay ahayd marka dumarku fursadahooda ugu badan heleen, gaar ahaan dumarka reer galbeedka. 1920 bay ahayd markii dumarka Maraykan loo oggolaaday in ay codayn karaan, oo ay xaquuqdaa kala simaan ragga. Dalka Ingiriiska wax badan kama horreyn dalka Maraykanka markii loo oggolaaday in dumarku xaq kan ragga lamid ah u leeyihiin in ay codeeyaan, lana dooran karo. Dagaalkii labaad ee adduunka kaddib, waxa ay ku beegnayd markii ay si xawli ah dumarku shaqooyinka ugu badan heleen, siyaasadda ka qayb qaateen, ugu danbayna raggii wax walba u yeerin  jiray iyo dhaqankii la soo kala dhaxlaayey su'aal galiyeen. Halkan waxaa ku dhammaaday shakhsiyadii ninku naftiisa ku qeexi jiray. Nin danbe ma oran karo anaa ah quudiyaha reerka, waayo gabadhuba hadda waa shaqaysataa. Ma oran karo waxaan masuul ka ahay qoyskayga oo wixii soo gaara anaa madaxa saaranaya, waayo, dawladdaa ka masuul ah qof walba, nin iyo naag ba. Amaanka qoyskiisa ma sugi karo, oo waxaa ka faalo qaaday booliska, dood  raqiis ah haddii uu is-dhaho xaaskiisa  ku harowso, waa gabadh wax baratay dood adag baa jawaab u ah.  Intaas oo kaliya maahee dumarku waxa ay kamid yihiib ciidamada iyo booliska. 

Markaas wixii ka danbeeyey raggii galbeedka waxaa ku dhacay wareer shakhsiyaadeed (Identity Crisis). Waayo ma yaqaan sida uu u qeexo ragganimadiisa. Sida aan horay u soo sheegay ninku si nafsadiisa u qeexo waagii hore waxa uu ahaa quudiyaha reerkiisa (Breadwinner), balse, maanta xaaskiisa baa shaqaysata wax ay uga baahantahayna ma jirto. Gabadhii baa awood siyaasi ah leh, ninka iyo gabadhuna waa isku baahanyihiin si ay dan gaar ah oo siyaasi ah u wada gaaraan. Marka la joogo waxbarashada iyo shaqadana dumarku iyo raggu waa simanyihiin. Ka soo qaad in xaaskaaga ay iyadoo suuqa u socota ay la dagaalanto nin ama naag suuqa maraayey. Uma baahna in ay ninkeeda u sheegto, waxa ay tagaysaa jeelka ugu dhow, waxa aynna dacwadeeda u dhiiban booliska, sidaas baana hawsheeda lagu xallin. Maxaa dumarku ninka uga baahanyihiin marka?  

Tiknooloojiyada baa keentay in ay murquhu qiimo beelaan, dabaddeed rag iyo dumar fursadaha nolosha si siman u waajahaan. Tusaale ahaan maanta waxaad arkaysaa dhallinyarada adduunka, gaar ahaan Soomaalida oo aad ugu yaacday jiimka. Su'aashu waxa ay tahay: maxaa jiimka loo galaa? Ma jiro wiil jiimka u aada in uu iska celiyo wiil kale, ama ma jiro nin jiimka u aada si uu murqo u helo, dabaddeed uu dekadda uga xaamaasho. Kaliya jiimka raggu waxa ay u adaan waxa uu noqday qurrux. Dhallinyarada ugu badan waxa ay aaminsanyihiin in ninka jiimka dhigtaa, oo murqaha leh, uu ka qurrux badan yahay kan aan murqo kuus-kuusan lahayn.

Xattaa gabdhaha baa aaminsan in ninka dhisan oo murqo leh ka qurrux badan yahay, dhigiisa bilaa murqaha ah. Balse, mid ogow waxani ma jirin soddon sanno ka hor. Waa aragti ay saxaafaddu dhistay. Sidaa si lamid ah gabadha jiimka dhigata, uma aado in ay gabadh ay is-hayeen ay la dagaalanto, balse, waxa ay u adaa si ay raggu ugu dhahaan waa gabadh qurrux badan. 


Tiknoolooniyada baa keentay in murqihii qurrux loo isticmaalo, oo aannay yeelan wax qiimo ah, oo qurrux dhaafsiisan. Miyaad maqashay nin murqo leh baa Shabeel qabtay? Maya! Balse, maanta waxaad arkaysaa nin murqo leh oo gabdho isku haystaan, oo mid walbaa ku dooddayso in ay jeceshahay! Sabab? Waa nin qurrux badan. 

Carro-edegayntii (Globalization) baa keentay in adduunku uu aad iskugu xirmo. In adduunku uu maanta noqdo hal qol, sida uu ku doodday Thomas Friedman, waxaa sababay shan qodob, oo kala ah: Warbaahinta (Mediascapes), Tiknooloojiyada (Technoscapes), isku socodka dadka (Ethnoscapes), isku furanka iyo isu socodka lacagta iyo dhaqaalaha adduunka (Financescapes) iyo weliba isku socodka afkaaraha (Ideoscapes). Shantaas qoddob oo uu keenay Arjun Appadurai, baa keenay in dhaqamadii, lacagtii, fikradihii, ganacsigii, afkaarihii iyo dadkuba isku gooshaan daqiiqad daqiiqad. 


Halgankaas galbeed ka soo bilaabmay waxa uu dhowaan yimid dalkeenna Soomaaliya. Waxaa keenay waxa ugu badan waa qodobadaas aan kor ku soo xusay. Gabdhaha Soomaaliyeed oo muddo dheer aan cod lahayn iyo nin siduu doono ka yeela, baa wakhtigan madaxa isla galay. Xusuusnow in maahmaahyada iyo gabayada lagu liidayo dumarka Soomaaliyeed oo ay tiriyeen ragga Soomaaliyeed in aannay tiro lahayn. Tusaale ahaan gabay uu leeyahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo Carab liidiya ayaa barbar dhigay dumarka. Gabaygaas waxaa kamid ahaa:

Maan-dhow cayaayirka iga daa Carabi waa naage. 

Abwaankii waynaa ee Salaan Carrabay qudhiisu waxa uu leeyahay gabay uu nin ku liidaayey oo uu dumarka ninkaas barbar dhigay. Maahmaahyada Soomaaliyeed ee baxayna tiro ma leh. Tusaale ahaan waxaa kamid ah: Dumarku waa carruur cago weyn. Dumarku waa indho ku garaad le'. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadi karaa. Dumar nin ay lag-daan kama kacaan. Gabadha waxaa laga aaminsanaa, welina laga aaminsanyahay, sidii ay doonto wax ha u baratee qof aan caqligeedu dhammays ahayn iyo qof mar walba u baahan in la jiheeyo, oo aan xor noqon karin.

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay had iyo goor door bidaan wiilasha. Tusaale ahaan: haddii nin dhinto oo uu ka tago gabdho, waxaa la oranayaa heedhe waxba kama tagin! Balse, haddii uu ka tago wiilal, waxaa la oranayaa magaciisu waa sii jirayaa. Wiilasha iyo gabdhaha hal nin baa dhalay, sababta midna qiimo loogu yeelay, midna loo qiimo tiray waxa weeye in wiilku ka qiimo badan yahay gabadha. Qoyska Soomaaliyeed in uu gabdho badan dhalo waxa uu ka jecel yahay hal wiil uu dhalo.  Tusaale kale: haddii wiil iyo gabadh walaalo ah hal mar iskuul wada dhammeeyaan in labada mid jaamacad loo diro waxaa fursad fiican leh wiilka. Gabadhu iyada nin baa guursanaya, oo iyadu innaga maaha. 

Ninka Soomaaliyeed waxa u fekeraa, aaminsanyahayna in uu ka sarreeyo gabadha, kana qiimo badan yahay. Taasna waa waxa uu ka dhaxlay bulshadiisa iyo dhaqankiisa. Maanta marka laga dooddayo guurka, siyaasadda iyo shaqada raggii aad bay u caraysan yihiin, sababtuna waa gabadh horfadhida oo difaacanaysa xaq iyo xaquuq ay leedahay. Ninkii Soomaaliyeed dumarkii waxa uu arkaa addoon ka sii baxsanaya. Waana sababta maanta furniinka, khilaafka iyo dagaalka aad u badnaysiisay. Gabadh shaqaysanaysa, oo aan ninka baahi weyn u qabin- marka laga yimaado galmada oo ah baahi laga simanyahay- ayaa ninku rabaa in uu ula dhaqmo sidii awoowihii ayeeyadii ula dhaqmi jiray. Taasina macquul maaha wakhtigan.

Ka soo qaad maanta waxaa guursaday labo nin oo aad taqaan oo la kala dhaho Guuleed iyo Geele. Guuleed waxa uu guursaday gabadh ku nool dalka Maraykanka; halka Geele guursaday gabadh ku nool Soomaaliya. Labadaas nin bal qiyaas kee farxad badan maalintaas? Inkasta oo ay labaduba faraxsanyihiin, haddana waxaan shaki ku jirin ninka guursaday gabadha Maraykan ku nool in uu xooggaa ka farxad  badan yahay saaxiibkiis. Sababtu waa maxay? Sababtu waxa weeye gabadha Maraykan ku nool waxa ay haysataa: shaqo, aqoon, khibrad, dhaqaale, nolol wanaagsan iyo baasaboor. Ninka gabadhaas guursanaya, ee sidaas u faraxsan, maxay gabadhu uga baahantahay? Ka soo qaad in ay arooskeeda iyadu bixiso, ka soo qaad in ay bixiso dhaqaalaha uu ku tagayo dalka Maraykanka, kana soo qaad in ay ku noolaadaan gabadhu guri ay leedahay. Maxaa ninku gabadhaas dheeryahay marka? Ninkaas baa intuu dood soo fariisto oranaya aniga afar xaas baa la ii banaayey in aan guursado. Ninkaas baa waxa uu aaminsanyahay in uu ka   sarreeeyo, oo ka caqli badan yahay dumarka.


Tiknoolojiyadu saamayn toos ah kaliya kuma yeelan burburinta wax walba oo raggu qiil ka dhiganaayey, balse, sidoo kale waxa ay beddesay noloshii dadkoo dhan. Sida aan ku xusay dhowr qoraal oo hore, maanta wakhtigan aynnu noolnahay waxaa lagu sheegaa xilligii ugu wanagaasanaa ee jiil noolaado, taarkhyahanada, aqoonayahanada bulshada iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin: Kishore Mahbubani, Dr. Yuval Harari, Steven Pinker, dhammaantood baa sidaas qaba. 


Afartan sanno ka hor ama konton sanno ka hor bulshada Soomaaliyeed waxa ay badankoodu ku noolaayeen nolol tan maanta ka duwan, waxayna u badnaayeen nolosha miyiga ah. Noloshaasi waxa ay ku dhisnayd  halgan joogta iyo nolol aad u dhib badan. Ninku gurigiisa saddex shay oo muhiim buu u imaan jiray, saddexdaas oo kala ah: Cunto, hurdo iyo galmo. Waa macquul in la iska waraysto guurid ama wax cusub oo soo kordhay, balse, noloshu saddexdaas baa asaas u ahayd. Ninkani waxaa dhiirigelin jiray carruur uu dhalo.  Ma jirin gabadh ninkeeda ka sugaysa erayo macaan, heeso iyo jacaylka xadka ka baxsan, ninkuna kama sugi jirin xaaskiisa in ay u qaado hees jacayl ah oo ay qaaday fanaanad hore. Jacaylku noloshaas muhiim ma ahayn, waayo daruufaha nololeed baan  saamaxayn. Furniiinku waa yaraa, sababtuna waa gabadha xattaa iyadoo tacadi kala kullanta ninkeeda bannay furniin ka dalban jirin, waayo haddii uu furo ma aysan jirin meel kale oo ay aado. 

Maanta noloshaas lammaane ku noolaan kara ma jiro. Waayo wakhtigii waa is-beddalay. Xaaskaaga waxaa laga yabaa in ay kaaga xanaaqdo heblaayo Faysbuuggeeda baad sawir ay soo gelisay faallo ka bixisay, oo aad ammaantay, dabaddeed muran halkaas ka dhashay uu kalsoonida qoyskaa burburiyo. Waxaa sidoo kale macquul ah in gabadh aad la sheekaysato ay kaaga tagto, oo xiriirka kuugu jarto WhatsApp-ka sawir ay soo dhigtay oo aad fiirin waydo. Ka warran marka ninka raba noloshaas hore oo konton sano ka hor la noolaa in ku dhaqo gabadh sanadkan nool? Macquul maaha.

Taas waxaa sii dheer noloshaas hore qoys walbaa waxa uu ku noolaa nolol fudud (Simple life). Halka maanta shaqadu, aqoontu, shay'adda kala duwan (Stuffs), guri dhisasho iyo dalxiis ay qoys walba u baahanyihiin. Marka maanta waxaa isku dhacaya afkaarihii hore (Old ideas) iyo doorkii dhaqankii hore dejiyey (Traditional Roles) iyo noloshan cusub, oo horumarkeeda wadata. 

Labadii sanno ee ugu danbeeyey waxaan daawaday dooddo loo qabtay dumar iyo rag, dooddahaasi waxa ay ka hadlayeen: guur, shaqo ama siyaasad. Waxaad moodaa in doodda halka laga bilaabayo ay aad u khaldantahay, oo aannay abaarayn halka dhibtu ka timi, sida oo kale, waxaa muuqata in ragga iyo dumarka dooddaya ay badan kooda ka muuqato: aqoon-yari iyo wacyi xumo. Qaar baan oranaya jacayl buu gurigu ku dhismaa, waa sax oo jacayl waa loo baahanyahay, balse ma yahay xalka dhibaatooyinka jira oo dhan. 

Doodda asaaskeedu maanta waa in uu ka bilaabmaaa: maxaa is-beddalay? Afkaarihii hore iyo dhaqanadii hore ma iska qaadanaa, mise dib baynnu u fiirinaa? Dumarku ragga maxay maanta uga baahinyihiin? Tiknooloojiyadu sidee wax u beddeshay? Waa maxay noloshan casriga doorka ninka laga rabo si u buuxiyo doorkiisa aabbanimo iyo ragannimo? Sidee qoys noloshan casriga ah la jaan-qaadi kara u abuurnaa?

Ugu danbayn ragga Soomaaliyeed waa in ay maskaxdooda ka saaraan fikradaha duuga ah ee oranaya ninkaa ka garasho sarreeya gabadha, ninka ah kan xigamada iyo caqliga leh, ninkaa ah kan wax walba og, ninkaa ah kan wax walba maamulaya, ninkaa ka sarreeya, kana qiimo badan dumarka. Haddii afkaarahan khadka laga saaro, dabaddeed la fahmo isbdeddalka dhacay, dabaddeed si miyar qabta loo fiiriyo sida loo fahmi karo noloshan cusub, dooddu xalaal bay noqonaysaa wax badana waa la isla fahmayaa. 


                            W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale.  T.



Saturday, August 17, 2019

Bulshooyinka Horumaray Maxay ku Hormareen?


Qarnigii koowaad [CE] GDP- ahaan, adduunka Aasiya waxa ay ka ahayd 76.3%, halka galbeedka Yurub ay ka ahaayeen ama ka soo geli jireen GDP ahaan 10.8%. Sannadku markii uu ahaa 1000 (CE) galbeedka Yurub hoos bay u dhaceen, oo waxay GDP ahaan tageen 8.7%, Halka Aasiya ay ka ahayd 70.3%. Balse, Kacdoonkii warashadaha (Industrial Revolution) baa dhaliyey is-beddal ay dhaqaalaha adduunku uu ka wareego dunida Aasiya una wareegi doona galbeedka Yurub. 

Sannadku markii uu ahaa 1820-kii galbeedka Yurub saamigoodu waa kordhay wuxuuna tagay 23.6%, halka Aasiya ay hoos dhac ku yimid ayna tagtay 59.3%. Dhulalka ay reer Yurub deegaamaysteen, ee kala ah: Maraykanka, Kanada, Ustareeliya, Niyuusi-laan oo lagu naanayso (Western Offshoots), ayaa iyaguna ka qayb qaatay horumarka dhaqaale ee adduunka. Laga soo bilaabo sannadkii 1820 dhowrkan dal ayaa dhaqaale koror xawli ku socda ku talaabsaday. Dalalkan aan soo tilmaamay, ayaa GDP ahaan ka ahaa adduunka wax ka badan 25%, sannadku markii uu ahaa 1998-dii, halka saamiga reer galbeedka Yurub ay ka ahaayeen 20.6%, halka Aasiya ay ka ahaayeen saami ahaan 37.2%. 

Tiro-koobkaa aan ku siiyey aan si kale u dhigo. Labo qarni marka laga reebo oo reer Yurub adduunka xukumayeen, inta badan awoodda dhaqaale ee adduunka waxa ay ahayd Aasiya. Horumarka reer Yurub oo ay arrimo badan oo aan qoraalkan kaga sheekayn doono ay keeneen, waxa uu ku socday xawaare. 

Su'aashu waxa weeye: Maxaa galbeedka Yurub iyo dhulka ay deegaamaysteen, ee aan kor ku soo xusay keenay horumarkooda? Maxaa se Aasiya dhaqaalaha adduunka hoggaaminaysay dib-dhacooda keenay? Maxaa kaanay horumarka Aasiya, markii danbena? Maxaa keenay in awoodda dhaqaale iyo mida siyaasadeed ay qarnigan inta aynu ku jirno u wareegayso Aasiya? 

Qoraalkan ma noqon doono aragti oo qura (theoretical), balse, waxa uu si qoto-dheer uga sheekayn doonaa qodobadii horumarka u keenay reer Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo weliba wax ka yar afartan sanno dalal badan oo ku yaal Aasiya. Waxaan ka sheekayn doonnaa toddobo qodob, oo aynu qodob qodob u dul istaagi doono. Qoddobadan aan ka sheekayn doono waa qodobadii uu ugu yeeray qoraaga Kishore Mahbubani "Seven pillars of westerm Wisdom". Qoraalkan baa sidoo kale, tusaalihisa ugu badan ku soo qaadan doona, qaarada Aasiya, galbeedka Yurub iyo weliba Waqooyiga Ameerika.  Maadama ay yihiin dalal soo tijaabiyey toddobadan qodob. 

Dalka Jabbaan waxa uu kamid yahay dalalkii ugu horreeyey ee ku dayday kuna baraarugay horumarka galbeedka. Dalalka Aasiya dhaca waxa ay ka horreysay hal qarni iyo kontan sanno marka laga hadlayo horumarka. Qarnigii sagaal iyo tobnaad, gaar ahaan sannadkii 1860-kii ayaa koox la baxday: "Meiji Reformers", oo ay ka go'antahay in ay dalkooda ka badbaadiyaan hagardaamada gumaystaha reer galbeedka ee Aasiya ku siqay iyo adduunka kale waxa ay u jihaysteen dhanka iyo galbeedka, si ay u soo ogaadaan sirta ka danbaysa horumarka galbeedka. Waa soo heleen sirtii! Dalka Jabbaan sirtii markii uu hirgeliyey waxa ay kamid noqdeen dalalka hormmaray. Hal qarni kadib waxaa sirtii helay dalalka la isku dhaho afarta Shabeel- Singaboor, Taywaan (Taiwan), Koonfurta Kuuriya (South Korea), Thailand iyo Hong Kong- markii ay sirtii dhaqan galiyeenna horumar sameeyey. Malaysiya ayaa iyanna heshay sirtaas, taas oo horumar dhaqaale ku talaabsatay. Halka dalka Shiinaha iyo Hindiya ay heleen labaatankii ilaa soddonkii sanno ee u danbeeyey. Waxaa xusid mudan horumarka Shiinaha iyo weliba Hindiya in ay gilgileen adduunka. Sababtu waxa weeye, tirada dadk ay ka badan dal walba oo maanta jira. 

Qodobka koowaad: Dhaqaalaha Suuqa xorta ah "Free-market Economics". 

Taariikh kala duwan oo nidaamka dhanka dhaqaalaha bay reer Yurub soo mareen, taariikhyanada iyo aqoonyahanada dhaqaalaha ayaan qayb badan oo nidaamyadaa dhaqaale kamid ah, isku diiddanayn. Nidaamka suuqa xorta ah inta aannay reer Yurub u gudbin waxaa ka horreeyey nidaam dhaqaale oo loo yaqaanay "Feudel system". Kaas oo dad yar ay dhulka lahaayeen, dadka inta kalena shaqaale u ahaayeen. Nidaamka Yurub waxa uu ka jiray xilliyada ay ugu yareen: "Xilligii madoobaa", ee Yurub.

Nidaamkaa waxaa galaaftay kacdoonadii ka curtay Yurub; isla kacdoonadaasina waxa uu keenay nidaamka suuqa xorta ah (Free-Market econimics). Inkasta oo ay aqoonyahanno badan ka biyo diideen nidaamkaas, oo uu kamid yahay Karl Marx, balse, lama dafiri karo, doorkiisa uu ka ciyaaray horumarka baaxda weyn ee Yurub. Adam Smith oo ah aabbaha suuqa xorta ah, waxa uu aaminsanaa in horumarku ka yimaado qofka oo xorriyad la siiyo iyo suuqa oo xor looga dhigo. Taasi wax ay keenaysaa in qofku halkuu doono ka shaqayn karo, cidii uu rabona u shaqayn karo, sidii uu rabona ugu shaqayn karo. Labo, in qofku xirfadiisa iyo fikradiisa suuqa xorta ah ka iibin karo. Taasina dawladdu ma keentee, waxaa keena suuqa xorta.

Aasiya ayaa iyana waxaa ka jiray nidaamyo aan sidaa uga fogayn nidaamkii hore oo ay soo xusnay, kuna sheegnay: "Feudel System". Balse, nidaamkaas waxaa ka sii daray markii dalal badan oo xorriyad qaatay ay ka fiirsi la'aan u qaateen- oo haddana khalad fahmeen Karl Marx- aragtida Hanti-wadaagga (Communism). Dawladdaa ah cidda kaliya ee wax walba suuqa ku saabsan go’aamin doonta  waa waxa dalal badan oo Aasiya ah, Afrika ah iyo weliba Latin Amerika ah dib-u-dhacooda keenay. Dadkii baa maskax ahaan la curyaamiyey, maadama qofku aannu wax walba samayn karin, oo sidii dawladdu rabto wax walba loo qabanayo, sida oo kale mushahar isku mid ah la wada siinayo. Taasi waxa ay abuurtay curyaamin dhaqaale iyo mid maskaxeed.

Waa tii ay jirtay oraah caan ah, oo lagu sifayn jiray dadkii ku hoos noolaa dawladdihii shuuciga ahaa, taas oo oranaysay: "They pretend to pay us, we pretend to work". Qolooyinkan Hanti-wadaagga ayaa aaminsanaa in ay yihiin siyaasiyiin loo soo diray in burburiyaan dhiigmiirata iyo daalimiinta xoogga iyo xeeladda ku haysata bulshada, ee uu Karl Marx ugu yeeray: "Bourgeousie", una hiilayaan dadka tirada badan ee dulman, ee uu isla Karl Marx ugu yeeray: " proletariat". Yoolkooduna yahay bulsho bilaa dabaqad ah, bulsho si siman khayraadka u qaybsata iyo bulsho wada-hormarsan. Dhammaan dalalkii qaatay fikradii dhaqaale ee Hati-wadaagga, dhammaadkii waxa ay ka sinaayeen, hal shay: "koritaan la'aan dhaqaale iyo horumar la'aan".

Dalka Shiinaha oo wakhti dheer ku dhaqmaayey nidaamka dhaqaale ee Hanti-wadaagga ayaa waxa uu nidaamkaas dhaqaale ka guuray xilligii uu hoggaaminaayey Shiinaha Deng Xiaoping,  sannadku markii uu ahaa 1979-kii.

Dunida saddexaad dalalkii ugu horreeyey ee xornimada markii ay qaateen ka biyo diiday aragtidii dhaqaale iyo siyaasadii Soofiyeedka iyo hanti-wadaagga waxaa kamid ahaa Singaboor iyo hoggaamiyahooda Lee Kuan Yew. Hoggaamiyahan ayaa qaatay aragtida dhaqaale ee suuqa xorta ah. Soddonkii sanno ee ugu horreeyey ee xorriyadda haysatay (1965-1995), Singaboor ayaa samaysay horumar dhaqaale, sannadkii celcelis ahaan 8.6%. Gross National Income-ka (GNI) ayaa ka yimid hal bilyan sannadkii 1965-tii, ilaa 86 bilyan sannadkii 1995.

Dawladda Shiinaha markii u soo guurtay nidaamka dhaqaale ee suuqa xorta ah, meelihii ugu horreeyey ee ka faa'idaystay waxa kamid ahayd magaalada Shenzhen. Magaaladan aadka u yarayd, ee kalluumaysiga iyo dib-u-dhaca caanka ku ahayd, deriskana la ahayd Hong Kong oo horumar dhaqaale samaysay. Dhaqaalaheeda ayaa aad u koray, kadib markii Shiinaha qaatay aragtida suuqa xorta ah. Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 2005-tii dadka magaaladaas ayaa kordhay soddon kun ilaa kow iyo toban milyan. Dhaqaalaheeda ayaa kordhay celcelis ahaan 28% intii u dhaxaysay 1980 ilaa 2004. Shenzhen ayaa waxaa hadda ku taal dekedaha kontaynarka ugu mashquulka badan, sida oo kale garoonka diyaaradaha afraad ee Shiinaha ugu mashquulka badan. Magaaladan ayaa dhaqaale ahaan koradhay 126 jeer, taas la macno ah, in ay xattaa Singaboor dhaaftay. 

Shiinaha kaliya maaha, xattaa Hindiya iyo dalal kale oo Aasiya kamid ah, horumarkoodu waxa uu bilaabmay markii ay qaateen aragtida dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sannadkii 2007-dii warbixintii Baanka adduunka (World Bank) ee uu ugu magac daray: "World Economic Prospects: Managing the Next Wave of Globalization". Waxa ay xuseen intii u dhaxaysay 1981 ilaa 2001-dii in dalalka dhaca bariga Aasiya ay saboolnimada daran aad hoos ugu dhacday- Shiinaha oo qura waxa uu saboolnimadaas ka saaray dad ka badan afar boqol oo Milyan. Sannadkii 2000 tiro lagu qiyaaso 56 Milyan ayaa ahayd [adduun ahaan] dabadaqada dhexe dhaqaale ahaan (Middle Class), 2030 waxaa la rejaynaa in tiro lagu qiyaaso 361 milyan in ay kamid noqdaan dabada dhexe, tiradaas oo ka badan tirada dalka Maraykanka.

Qodobka labaad: Sayniska iyo Tiknooloojiyada “Science and Technology”.

Rumayso ama ha rumayso, bulsho walba bulshada ay ka horreyso dhanka Sayniska iyo tiknooloojiyada waa ka hormarsantahay. Sababta ugu weyn oo ay labo boqol sanno ay adduunka reer Yurub iyo Maraykan u xukumayaan, waxa weeye: Saynis iyo Tiknooloojiyadda. Ilaa qarnigii toddoba iyo tobnaad ilaa kii siddeed iyo tobnaad Aasiya saynis ahaan iyo tiknooloojiyad ahaan waxa ay la sinnaayeen kaa reer Yurub, balse wixii ka danbeeyey labadaa qarni Yurub ayaa noqotay midda hormartay. Sida uu qabo qoraa Kishore Mahbubani, sababta Aasiya ka reebtay reer Yurub, waa: wadaadadii diimaha ama maskaxdii diimaysnayd taas oo ku gacan saydhay horumarka adduunka iyo aaminaad la'aan horumarka aadanaha. Waxaa kaloo xusid mudan in reer Yurub wakhti dheer boqortooyo iyo wadaado iskaa shanaya ay diidanaayeen sayniska iyo tiknooloojiyadaba.

Dhowrkii qarni ee ugu danbeeyey horumarka ugu weyn ee aadanuhu gaaray baa ahaa, horumarka sayniska iyo tiknooloojiyada. Caalamka waxaa maanta ka dhigay hal qol- sida uu yiri Thomas Friedman- oo aan waxba u kala qarsoonayn, oo waa labadaas shay oo aynnu soo xusnay. Haddaba, wakhti dheer oo ay Aasiya ka danbaysay Galbeedka Sayniska iyo Tiknooloojiyada, maanta horumar wanaagsan bay ka sameeyeen. Waxaaba muuqata in Aasiya ayba meelaha qaar kaga hormartay reer Yurub, marka la joogo Sayniska iyo Tiknoolajiyada.

Bishii tobnaad, sannadkii 2006-dii, wargayska Time Magazine waxaa uu soo qaatay sheeko uu cinwaan uga dhigay: "Asia's Great Science Experiment". Waxa uu qoraalkodu soo xiganayaa saadaal uu sameeyey Richard Smalley, oo ahaa aqoonyahan ku guulaystay Nobel Chemistry-ga, kaas oo uu yiri: "Sannadka 2010, 90% dadka ku guulaysanaya shahaada PHD-da sayniska iyo injineernimada waxa ay noqon doonaan Aasiya. Sida oo kale dawladdaha Aasiya ayaa kor u qaaday maalgalintooda Sayniska. Intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2005 dawladda Shiinaha ayaa labo laabtay dhaqaalaheeda "GDP" ayaa galinayso cilmi baarista iyo horumarka. Waxa ay ka soo dhaqaaqday 0.3% ilaa 1.3%. Halka Koonfur Kuuriya ay iyaduna samaysay maalgalin taa lamid ah. Sannadkii 1994 dawladda Koonfur Kuuriya ayaa dhaqaale ahaan galisay daraasaadka iyo horumarka dhaqaale lagu qiyaaso 9.8 bilyan, halka sannadkii 2004 ay galiyeen 19.4 bilyan. Dawladda Maraykanka ayaa maalgalinta ay ku samayso sayniska iyo injineernimada hoos dhac ku yimid.

Hindiya ayaa iyana horumar aad u sarreeye ka samaysay sayniska iyo tiknooloojiyada. Hindiya waxaa ku yaal jaamacaddaha iyo macaahida ugu wanaagsan ee adduunka laga barto tiknooloojiyadda iyo Sayniska. Singaboor, Malaysiya, Hong Kong, Koonfur Kuuriya, Indonoosiya, Taywaan, dhammaantood waxa ay horumar ka sameeyeen dhanka tiknooloojiyada iyo Sayniska.

Dal walba horumarka dhanka baarista Sayniska  iyo tiknooloojiyada waxa ay ku xiranatahay inta qof oo "PHD", ka haysataa cilmigaas. Aasiya waxa ay horumar weyn ka samaysay in ay saamayn toos ah ku yeelato cilmigaas. Warbixintoodii ay Baanka Adduunku (WB) ay ugu magac dareen: "Global Economic Prospects: Managing the Next Wave of Globalization" waxa ay soo bandhigeen in ardayda Aasiya ee dalka Maraykan ka diyaarisa Sayniska iyo Injineernimada, kuna diyaarisa "PHD", in ay koreen. Laga soo bilaabo sannadkii 1983-dii ilaa 2003-dii ardayda afar dal oo Aasiyaan ah, oo kala ah: Shiinaha, Taywaan, Hindiya iyo Koonfur Kuuriya, ayaa helay wax ka badan 50% ardayda Maraykanka ee ka qalin-jabisay Sayniska iyo Injineernimada, taas oo ku guddoomeeen shahaada "PHD". 176, 000 waxa ay ka heleen 89, 700 kun. Taas oo ka badan afar jeer ardayda reer Yurub ee waxka dhigata Maraykanka. Reer Yurub ayaa ka helay (23, 000), Shiinaha ayaa ka helay arday ka badan 35, 300 kun oo ardayda ka qallin-jabisay jaamacaddaha Maraykanka, gaar ahaan kuwa shahaada "PHD" ku diyaariyey Sayniska iyo Injineernimada.

Sannadihii u dhaxaysay 1993 ilaa 2003 ayaa ardayda shahaada sare ee "PHD" ku diyaariyey Sayniska iyo Injineernimada lagu qiyaasaa 19, 700; isla sannadahaas intii u dhaxaysay ardayda Hindiya ayaa iyanna ka helay 17, 500, halka ardayda Koonfur Kuuriya ay ka heleen 17, 000 kun. Aan ku soo koobo qodobkan, dal walba oo hormaray waxa ay horumar ka sameeyeen sayniska iyo Tiknooloojiyada.

Qodobka Saddexaad: Karti iyo Hufnaan "Meritocray". 

Buuggiisa: "The New Asian Hemisphere, the Irresistable Shift of Global Power to the East". Kishore Mahbubani Waxa uu isku weydiiyey su'aashan: why is Brazil a soccer superpower and an economic middle power?

 Maxay Brazil u noqotay awood aan caalamiya  marka la joogo kubbadda cagta? Maxay sidoo kale dhaqaale ahaan ay u noqotay  mid dhexe awood ahaan? Waxa uu qoraagu kaga jaawabayaa: Brazil marka kubada cagta la joogo waxaa la soo xula dadka kartida leh, sida oo kale fursad loo simanyahay waxaa la siiyaa dadka kubada ciyaara, iyadoo marka la soo xulayo laga soo xulo magaalo walba. Balse, marka siyaasadda iyo dhaqaalaha la joogo dabaqad goonniya ayaa sida ay rabto wax walba u maamusho, halka aan dadka lagu xulan karti iyo hufnaan.

Dhammaan ururada iyo hay'addaha ugu awoodda badan adduunka, ee sida gaarka ah loo leeyahay- ha noqoto jaamacad ama ganacsiye- waxaa ay u guulaysteen waxa weeye, dadka hawl-wadeennada ah ama ugu sarreeya waxaa lagu xushaa karti, aqoon iyo khibrad. Dalalka maanta horumarka gaaray, bilowga horumarkooda, waxa ay ka sinnaayeen hal mid, kaas oo ah: karti in qofka lagu xusho. Reer galbeedka ayaa karti iyo hufnaan caan ku ahaa, ilaa ay qoraayasha qaar yiraahdaan, waxaaba curiyey reer galbeedka. Balse, xaqaaqadu maanta waxa weeye, dal walba oo hormaray iyo sida oo kale hay'ad walba ama urur si gaar ah loo leeyahay oo guulaystay waxaa dadka lagu xushaa karti iyo aqoon. Afrika iyo Latin Amerika waxa ay ku fashilmeen waxa weeye dadka hoggaanka ummadda u haya karti iyo aqoon kuma yimaadaan. Tusaale yar aan ku siiyo: Maxay shirkada Dahabshiil u guulaystay? Soomaalilaan se maxay ugu guul-darraystay in ay dhisto hal cistbitaal oo tayo leh, muddo labaatan sanno ka badan?

Qodobka Afraad: Waaqici "Pragmatism"


Ma garanayo in kalmada waaqici ay macno ahaan noqon karto "Pragmatism", ama ay macno ahaan buuxin karto. Balse, kalmadaas [Pragmatism] waxaa qeexideeda bixiyey, hoggaamiyihii Shiinaha ee horumarkeeda ka danbeeyey, laguna magcaabo Deng Xiaoping, kaas oo sidan u qeexay: "It doesn't matter whether a cat is black or white; if it catches mice, it is a good cat".

Oo macno ahaan noqonaysa: "Muhiim maaha in bisidu cadahay ama madow dahay, haddii ay qabanayso jiirka waa bisad wanaagsan".

Qeexidan macno ahaan waxa ay noqonaysaa, in aanad noqon qof ay hal wado oo kaliya hay. Kaas oo fikradaas ku dhegan, xattaa haddii ay shaqayn waydo (dogmatic mind). Dhaqaalyahankii reer Ingiriis John Maynard Keynes markii uu beddalay fikradiisii ku aadanayd dhanka dhaqaalaha, waa tii aad loogu dhagay, qarnigii labaatanaad, si fudud, oo caqli ku dhanyahay, waa tii u yiri: "When the facts change, l change my mind". Taas oo caan ka noqotay adduunka. Xigmadan dhaqaalyahanka ayaa cadayn u ah, in qofku wakhtiga iyo daruufta la noolaado, oo aanu noqon qof hal fikrada (Ideology) iska dhagan,  balse, uu ku dhaqmo falsafadii Malcom X ee ahayd: "By any means neccessary". 

Dal walba oo aad aragto oo hormmaray, waxa asaas u ahaa "Pragmatism". Dalkii ugu horreeyey oo fahmay sirta reer galbeedka ay ku hormareen, waxa uu ahaa Jabbaan. Jabbaan iyagoo cabsi ka qaba, ayey qarnigii sagaal iyo tobnaad markii ay arkeen awoodda reer Yurub, waxa ay door bideen in ay koox u diraan magaalooginka kala duwan ee Yurub, si ay dal waba waxa uu ku wanaagsan yahay uga soo bartaan. Jabbaan shaqaalaysiinta hay'addaha dawladda (Civil Service Recruitment) waxa ay kaga daydeen Jarmalka. Manhajka waxbarasho waxa ay kaga daydeen Maraykanka. Sida oo kale waxa ay reer galbeedka ka soo qaateen nidaamka sharciga iyo maxkamdaha. Intaas kaliya kuma koobnaane, waxa ay ka barteen reer galbeedka qalbka ay beeraha u isticmaalaan, si ay dhaqaalahooda kor ugu qaadaan.

Galbeedku haddii ay hormuud u ahayeen Jabbaan; Jabbaan baa horuumad u noqotay dhammaan dalalka kale ee Aasiya. Dalalkii koowaad ee ku dayday, waxaa kamid ahaa: Singaboor, dabadeed Hong Kong, Koonfur Kuuriya, Taywaan, Malaysiya iyo weliba Shiinaha iyo Hindiya. Tusaale ahaan: Shiinaha oo muddo ku dheganaa afkaaraha hanti-wadaagga Shiinaysan, ayaa waxaa xilka qabtay Deng Xiaoping, safar uu ku tagay 1979 Singaboor, Kuala Lumpur iyo Bangkok ayaa beddeshay afkaartiisii dhaqaale oo dhan. Saddexda magaalo ee uu tagay, saddexduba waxa ay ka hormarsanaayeen magaalooyinka Beijing iyo Shanghai. Waxa uu Shiinaha ka keenay hanti-wadaag, waxaana ay u guureen hanti-goosad (free economics). Dhammaan dalalkan Aasiya horumarkooda waxaa hormuud u ahayd, aragti siyaasadeed ee loo yaqaan "Look East". Taas oo ah, in dalalka aan galbeedka ahayn, ee hormmaray wax laga barto, sida: Jabbaan.

Arrinkani dalalka oo kaliya goonni kuma aha, balse, hay'addaha sida gaarka loo leeyahay iyo weliba shakhsiyaadka dadkooda u kacay, si horumar u gaarsiiyaan waa isticmaalaan. Maxamed Yoonis, oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa 1971 jaamacad ka soo dhammeeyey dalka Maraykan, waxaana uu ku soo diyaariyey dhaqaalaha. Bilowgii waxa uu ku biiray jaamacad ku taal magaalada dekaddaha Chittagong halkaas oo uu bare ka noqday. Wax badan isaga oo aan dhigayn buu ka tagay, si uga gudbo aragti baa sidaas tiri, oo warqad ku qoran, oo ula yimaado wax dhab ah, oo shaqaynaya. Xusuusnow Bangladesh markaas bay dagaal ka soo baxday, sannado badan waxaa dhib badan u gaystay Baakistaan oo ay dal wada ahaayeen. Bangladesh dhul ahaan waa dal aad u yar, marka laga reebo dhanka bada. Khayaraad badan oo dadkooda deeqa ma haystaan, waxaana markaas u raacday jahwareer siyaasaddeed iyo masiibooyin dabiiciya.

Sidaas buu waxa uu ku bilaabay "Micro-credit". Dayn yaryar oo dadka la siiyo. Balse, isagu waxa uu dayntiisa siiyaa dumarka, gaar ahaan kuwa aadka ugu baahan. Maanta waxa uu kamid yahay dadka Bangladesh la mahadiyo, balse, barnaamijkiisiina waxa uu dhaafay Bangladesh, waxaana uu gaaray adduunka kale, xattaa Maraykanka. Farqiga u dhaxeeyey Maxamed Yuuniskii macallinka ahaa iyo Maxamed Yuuniska dadka lacagta u qaybinaya waa: Macallinku qofka aragti buu baraa, tusaale ahaan waxa uu baraayey, sida dhaqaale loo sameeyo, iyagoo aannay dadkuba dhaqaale haysan. Balse, Yooniska danbe waxa uu ahaa "Pragmatic", sida uu ku sheegay buuggiisa: The World of Three Zeros".  Maxamed Yuunis sannadkii 2006 buu ku guulaystay Noble Prize.

Qodobka Shanaad: Dhaqanka Nabaddeed "Culture of Peace". 

Dalal badan oo Afrika waxyaabaha ay ku fashilmeen waxaa kamid ah nabad in ay usoo jiidaan dadkooda, oo ay ka jiidaan dagaalo. Dalalkaas waxaa kow ka ah dalka Soomaaliya. Muddo ku siman soddon sanno ku dhow, baannay dawlad dalka oo dhan maamusha yagleelin, welina siyaasi dabo dhilif ah ama mid hangaaban ama mid aqoon yari hayso baa kursi iyo siyaasada dalka siduu rabo ka yeelaya. Dalalka Soomaaliya deriska la ah, siyaasad xumadooda iyo garasho xumadooda waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen curyaaminta dawlad Soomaaliyeed, taas bay u qaateen in ay dani ugu jirto, balse, xaqiiqadu waxa ay tahay, Soomaaliya oo dhisan baa uga faa'ido badan, Soomaaliya dunsan.

Arrinta nabad in lagu guul-daraystaa dalalka saboolka ah goonni kuma ahee, waa arrin shaacsane ah. Reer Yurub oo horumar wanaagsan sameeyey, baa maalin cad qoryo isku qaatay, iskana dilay dad tiro beel ah, taas oo keentay in awooddoodii hoos u dhacdo, oo ay lacag baryo ah u doontaan Maraykanka, halka qaarka kale hoos galaan awooddii Soofiyeedka.

Balse, hal gobol ayaa qoryaha iyo hubka soddonkii sanno ee u danbeeyey aamusiyey, gobolkaasina waa Bariga Aasiya. Aasiya waxa weeye qaaradda kaliya ee hubka Nukliyeerka lagu garaacay, Jabbaan soo ma xasuusatid. Haa, isbuucan baa loo dabaal dagayaa sannad guuradiisii.  Fiitnaam wixii ka dhacay ha sheegin, labada Kooriya warkooda daa. Baakistaan iyo Hindiya halkee ku ilowday? Meeday Shiinaha iyo Hindiya? Meelo badan oo adduunka kamid ah dhaqaalaha dal oo kordha waxa ku lamaan dagaal, sida oo kale dhaqaalaha dal oo burbura waxaa ku lamaan dagaal. Intaas iyadoo ay dhaceen haddana dalalka dhaca bariga Aasiya, waxa ay ku guulaysteen aamusinta qoryaha.

Sida oo kale dalalka la isku dhaho Koonfur bari Aasiya, kuna midooba ururka "Association of Southeast Asian Nations (ASEAN). Ayaa iyanna labaatankii sanno ee u danbeeyey nabad ku guulaystay. Kishore Mahbubani ayaa ku tilmaamay in ururkani dhanka diblomaasiyada uu kaga wanaagsanyahay dhigiisa Midowga Yurub (European Union). Sababta ugu weyn ee dalalkani ugu guulaysteen nabadda waa: waxa ay ka tageen falsafada siyaasadeed ee oranaysa "Zero-sum mentality". Anigu aan guulaysto, adna khasaar, iyagoo qaatay falsafada siyaasaddeed ee oranaysa: adna guulayso, anna aan guulaysto, taas oo ay asaas u tahay isku tiirsanaan dhaqaale.

Qoddobka Lixaad: Sharciga oo Sarreeya  "Rule of Law"

Sharciga oo sarreeya, labadii boqol ee sanno ee u danbaysay waxaa ku caan baxay dawladdaha reer galbeedka. Si fudud marka sharcigoo sarreeya loo sharaxo waxa weeye: sharci qof walba qabanaya iyo sharci awooddaha dawladda iyo tan shakhsi kala saaraya. Afrikada madow, badankood hurdo ay galeen dhowr qarni ka hor bay weli ku jiraan, sharcigu isku dadka uma qabto. Nimanka awoodda badan leh sharciga waa ka sareeeyaan, halka kuwa masaakiinta ah sharcigu qabto. Dawladdii dhexe ee Soomaaliya sharci oo lagu dunto dhaqan bay u ahayd, marka qaarna waxaa sharci ahaa waxa talisku doonaayo. Maamuladan qabiilaysan sharcigu isku si uma qabto dadka. Ninka ka dhashay qabiil awood leh, sharciga isagaa ka sarreeya, ninka qabiil maskiin ah ka soo jeedo, sharciga qabta. Haddii aadan i rumaysanayn jeelasha booqo. Xattaa, dambiilaha umadda xasuuqay, ee arggagixisada ah, marka la soo qabto oo uu awood waayo, haddii uu qabiil awood leh ka soo jeedo, waxaa la sharfaa qarkood xil baa loo dhiibaa, qaarna waxaa la dhahaa xabsi guri.

Aasiya caan waxaa ka ahaa sharcigaas lagu tumanayo iyo shakhsiyaad aan xaquuq lahayn, balse, dawladdu ku amartay in wajibaad saaranyahay. Balse labaatankii sanno ee u danbeeyey waxaa soo baxay dawladdo horumar dhankaas ka sameeyey. Malaysiya waxaa jeel sugayaa Najib Razak iyo xaaskiisa Rosma oo awoodda intii ay hayeen ku tagri falay. Dadka hoggaanka haya ee ka tirsan xisbiga Chinese Communist waa ka awood yaryihiin, kana saamayn yaryihiim Mao Zedong oo mar ahaa hoggaamiyaha Shiinaha. Ha loo eedeeyo isbeddalka ka dhacay dhanka warbaahinta taas wax badan daaha ka qaaday ama ha noqoto dad baraarugay. Balse, maanta waxaa hoggaanka dalal badan oo dhaca Aasiya iyo Yurub laga arki karaa in aaminsanyihiin in sharcigu qabanayo.

Sharciga oo sarreeya ama dadka isku si' u qabtaa waa bilowga horumarka; caddaalada iyo sharciga oo aan sarreyn waa horumarka oo dib-u-dhaca iyo weliba burbur bulshedd.

Qodobka toddobaad: Waxbarashada "Education". 

Qodobkan baa ugu danbeeye waxyaabaha ummadda hormartay lagu garto ama aan dhaho lagu hormmaro. Waxbarashada ayaa asaas u ah qodobadaas aynnu soo xusnay oo dhan. Waxbarashada oo hagaagta waa horumarka oo la arko; waxbarashadoo xumaatana waa horumarkoo la waayo. Labo macallin oo jaamacadda ii dhaga ayaan su'aal isku mid ah waydiiyey, goobo iyo goor kala duwan, su'aashayda ayaa ahayd: "Maxay Malaysiya uga hormarmartay dhanka waxbarashada dalka Bangladesh? Labaduba waxa ay isiiyeen jawaab isku mid ah, taas oo ah: "Malaysiya waxa ay dejisay manjah tayo leh, iyadoo waxbarashada lagu saleeyey afka Ingirisiida".

Sidaas si dhow waxaa yiri hoggaamiyihii Singaboor horumarkeeda ka danbeeyey Lee Kuan Yew, isagoo waraysi bixinaya ayuu yiri: "... markii dalku maalgalin helay, waxaannu ku dhaqaaqnay in aan dadka waxbarno". Dadka wax barno, waa in manhaj tayo leh la dejiyaa. Halkan Malaysiya iyo Singaboor hal mid bay ka siman yihiin, kaas oo ah in dhammaan ardaydooda baraan afka Ingiriisida. Waa lagu dooddi karaa Ingiriisida waxa ay bulshdooda u bareen waxa weeye, waxaa ku nool dalalkooda: dad kala af ah, kala dhaqan ah, kalana diin ah. Balse, xaqiiqadu wax ay tahay, sida uu Mahathir Maxamed u sheegay taariikhyahanka Tariq Cali ee reer Baakistaan, in aannay dadkiisu adduunka kale ka harin. Macno ahaan wax aya noqonaysaa: "Afka Ingiriisada maanta waxa uu noqday af cilmiyeed".

Xaddaarad walba oo hoggaanka adduunka u soo qabatay, waxa ay hoggaanka u haysay waxbarashada. Ma jirto xaddaarad aan hoggaanka hayn, balse, ku liidatay waxbarashada. Aqoonta iyo awooddu waa is-raacaan. Xilligii dawladdii Cabaasida, ee lagu naanayso: "Golden Age", muslimiintu waxa ay lahaayeen xarumo waa weyn oo hoy u ah waxbarashada. Gurigii xigmada, oo Baqdaad ahayd iyo Qurduba oo Isbayn ku taal, waxa ay tusaale u ahaayeen aqoonta sare ee muslimiinta. Girigii hore, si lamid ah. Shiinaha xilligii boqortooyadii Tang. Hindiya xilligii boqor Akbar.

Yurub xaddaaradeedu dhammays ma noqoteen, haddii aannay aqoonta ka soo qaadan Baqdaad iyo xarumihii kale ee cilmiga ee muslimiintu maamuli jireen, Shiinaha iyo weliba Giriiga. Maanta jaamacaddaha adduunka ugu culus waxa ay ku yaalaan dunida reer galbeedka. Waxa ay noqotay meesha aqoonta iyo ilbaxnimada hoyga u ah. Lee Kuan Yew, dadkiisa iyo dalkiisa horumar ma gaarsiiyeen, haddii aannay Ingiriis waxbarasho tayo leh siin. Mahathir Maxamed ka Malaysiya lamid. Koonfur Kuuriya, Hong Kong, Taywaan, Hindiya, Thialand, Jabbaan iyo weliba Indonuusiya ragga dhanka siyaasada iyo weliba dhanka dhaqaalaha maamulaa kuwooda ugu sarreeya waxa ay aqoona marti uga soo noqdeen reer galbeedka.

Buuggiisa: "The New Asian Hemisphere", Kishore Mahbubani waxa ku leeyahay dalka ugu badan oo ardaydiisu ka faa'ideen waxbarashada Maraykana waxaa kow ka ah Hindiya "76, 503" arday oo Hindi ah ayaa ka baxay waxbarashada Maraykanka sannadadii u dhaxeeyey 2005-2006. Shiinaha ayaa kaalinta labaad ku jira, oo waxa uu haystaa "62, 582", Kooriya ayaa saddex soo gashay oo waxa ay heshay "58, 547", Jabbaan baa ku soo xigta, oo waxa ay heshay "38, 712". Guud ahaan "236,344" oo arday Aasiyaan ah ayaa ka waxbarasho tayo leh ka helay dalka Maraykanka. Intii u dhaxaysay 1978-2003 tiro arday ah oo gaarysa 580, 000 oo dalka Shiinaha u dhalatay ayaa dalkaas dibadiisa waxbarasho ugu maqnayd.

Balse, maanta Aasiya waxa ay horumar wanaagsan ka samaysay dhankaas iyo waxbarashada. Jaamacaddaha iyo macaahiida ugu wanaagsan adduunka kaliya kuma koobna Galbeedka, sida oo kale waxaa darafka ku dhagan Aasiya. Sannadkii 2006 Times Educational Supplement boqolka jaamacaddod ee adduunka ugu fiican ee soo saareen afar iyo toban waa Aasiyaan. Shan iyo labaatanka ugu sarreeyana, saddex jaamacaddood waa Aasiyaan, waxaana kamid ah: jaamacadda Tokyo, jaamacadda Beijing iyo jaaamacadda qaranka ee Singaboor (National University of Singapore). Malaysiya, Singaboor, Jabbaan, Hindiya iyo Shiinaha waxa ay kamid yihiin meelaha maanya waxbarashada loo aado.





                              W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

Thursday, July 11, 2019

Buug soo Koobid: Galbeed miyuu Khasiray?


Buuggan gacantayda ku jira waxaa qoray Kishore Mahbubani, waxaana uu ugu magac-daray: "Has the West Lost It?". Muddo hadda laga joogo sannad. Qoraa Kishore mar kale baynu qoraal isaga ku saabsan oo kooban ka qoraynaa, maadama uu yahay mid kamid ah dadka adduunka ugu saamaynta badan. Waxaan se halkan idinkula wadaagayaa buuggan yarahan uu qoray. Waxaan rabaa hal arrin in aan xuso ka hor qoraalkayga; buuggan si qoto-dheer uga hadli maayaan, sababta waxa weeyee qoraalka haddii uu dheeraado dhallinyaro badan baa ka caajisaysa in ay dhammayso. Balse qoraalkan kooban waxa ay muhiimadiisu noqon doontaa labo arrimood: kow, in uu sawir guud idinka siiyo waxa uu buuggani ka hadlayo, labo, in uu idinku dhiirigeliyo in aad buuggan akhridaan. 

Buug yarahan waxa uu ka hadlayaa saddex arrimood oo muhiim ah: kow, waxa uu ka hadlayaa muhiimada xaadaradda reer galbeedku adduunka u leedaahay, labo, khaladaadka xeeladeed oo ay sameeyeen, gaar ahaan Maraykanka oo hormuud u ah xadaaradaas, taas oo sababtay in awooddo kale ku soo baxaan, saddex, xalka reer galbeedka iyo waxa la gudboon, si ay ula qabsadaan adduunkan aannu mar danbe ka shaqayn doonin ama go'aamin doonin amarka dunida galbeed.

Inta aanan u gelin buuggan waxaa muhiim in la xuso in buuggan ciwaankiisu- Has the West Lost It?- uu dood dhaliyey, dadka qaarkoodna ay qoraaga iyo buuggiisa ku tilmaameen mid wax kicinaya (Provocative book). Balse waxaa se in mar kale la sheego mudan maaha markii koowaad oo Kishore qudhiisa taa lagu dhaliilo qoraalo hore uu qoray, sidan bay dood noocaas ah u dhaliyeen. 

Hadiyaddii Reer Galbeedka.

Labo boqol oo sanno muddo ku siman oo ay adduunka hoggaaminayeen reer galbeedku, waxa ay ahayd xilligii ugu wanaagsanayd ee aadanaha soo marta ama la noolaado, weliba soddonkii sanno ee u danbeeyey. Sidii uu qoraagu qudhiisu xusayna haddii aanay guulaysteen xaadaradii reer galbeedku adduunka maanta waxa uu ku jiri lahaa xaaladda aynu maanta ku jirno mid aad ugu duwan. Balse, hadiyadda ugu qaalisan oo ay reer galbeedku adduunka kale soo gaarsiiyeen baa ah, sida qoraagu qabo, awoodda sababaynta (Power of Reasoning).  Hadiyaddaa sababaynta oo lagu daray Sayniska iyo Tiknoolojiyada waxaa qaatay dalalka Aasiya si ay dhibaatooyinka ka jira dalalkooda ugu xaliyaan. 

Fiditaanka sababaynta laga dhaxlay reer galbeedka waxa ay dhalisay saddex kacdoon oo aamusan kaas oo qeexaya guusha aan caadiga ahayd ee bulshooyin badan oo aan reer galbeed ahayn. Saddexdaa kacdoon oo kala ah: kow, Kacdoon Siyaasi (Political Revolution); kumanaan sanno bulshda Aasiya waxa ay ahayd bulsho ku dhaqanta nidaamka dhul-goosiga ah (Feudal System) taas oo ah nidaam dad faro ku tiris ah wax walba gacanta ugu jiraan iyo dadka inta badan oo dulmanayaal ah. Aasiya oo dhan dhaqankaas baa ka jiray, waxaa soo raaca nidaamka kale oo aan kaa waxba dhaamin oo afka qalaad ku noqonaya "Caste System", oo Hindiya ku caan baxday. Qofku halkuu ka dhasho iyo cidda uu ka dasho buu ku gowracnaan jiray. Si fudud qadartu wax walba qofka u go'aamin jirtay. Haddii uu qofka ka dhashay reer dabaqada la yaso ah, sidaas buu noloshiisa ku dhammaysanaya, ma jirto sabab uu wax kale uga fekero. 

Dhammaan dadkii xilligii xukumaayey bulshooyinkaa waxa ay doonaan bay samayn jireen, maaha waxa shacabku doonaan  ama doonayaan. Ma jirin dadka xukunka hayey cid la xisaabtanta, iyagaa dadka la xisaabtami jiray. Balse qarnigii labaatanaad qaybtiisa danbe baa awoodda sababaynta ee reer galbeedka laga dhaxlay waxa ay xoraysay maskaxihii inta badan u af-duubnaa khuraafaadkaas. Is-beddelkaas siyaasi ee dhacay baa keenay in nimankii talada bulshooyinka qaybo badan oo kamid ah Aasiya ay fahmaan in dadkooda ay xaq ugu leeyihiin in la xisaabtamaan, sidaasi waxa ay ka muuqataa dalal badan oo qaatay nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Hindiya, Jabaan, Koonfurta Kooriya iyo Sri Lanka.


Dalal badan oo aan qaadan nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Shiinaha waxa uu noqday dal hal xisbi oo hal magac leh, balse hoggaamiyaashu kala duwanyihiin qaabka ay ay u fekeraan iyo weliba qaabka ay u dhaqmaan. Tusaale ahaan, Mao Zedong waxa uu ahaa hoggaamiye u qaab dhaqan eg, boqortooyooyinkii Shiinaha soo maray, intii uu xilka dalkaas hayey waxa uu dhib badan marsiiyey dadkiisa. Balse marka la barbar dhigo Deng Xiaoping waxa uu hagaajiyey nolosha dadka Shiinaha, maadama oo ay dhaqaale ahaan horay uga xirxirnaayeen adduunka waxa uu u furay adduunka, waxa uu wax baray dadkiisa. Shiinuhu muddo ku siman soddon sanno waxa ay saboolnimada daran (Absolute poverty) ka saareen siddeed boqol oo milyan. 

Kacdoonka labaad waxa weeye, kacdoon nafsiyaddeed (Psychological Revolution) bulsho wakhti dheer halku ku dhasho wax walba u go'aaminayeen, oo aanay halkaa dhaafi karin, balse markii uu dhacay kacdoonkaa nafsiyadeed waxaa is-bdeddashay nolasha dadka. Kuma koobnaan oo kaliya halka ay ku dhashaan iyo cidda ay ka dhashaan. Kontan sanno ka hor waxbarashada jaamacaddeed waxa ay ahayd eber, konton sanno kadib waxbarashada jaamacaddeed waxa ay noqotay caalami. 

Kacdoonka saddexaad waxa weeye, kacdoonka dhanka dawladdeed (Governance Revolution). Wakhti dheer bulshooyin badan baa qabay in dawlad wanaag in ay beddeli karto ayna ka saari karto dhibaatooyinka bulsheed oo ay wajahayaan. Balse, taas bulsho badan oo ku dhaqan dalka Aasiya waa waxa ay hantiyeen. Shiinaha, Koonfur Kooriya, Taywaan, Hoon-Koon, Singaboor, Malaysiya, Indonuusiya, Hindiya iyo dalal kale waxaa u suurto gashay dawlad wanaagii ay ku taamayeen; dalal dhowr ah oo ay kamid tahay Bangladesh, Baakistaan iyo dalal kale dawlad shaqaynaysa oo qirsan ugu yaraan in lala xisaabtamayo baa ka jira, kuwaas dhaqaale kobac sameeyey. 

Maxaa Cadaynaya in aynu Ku Jirno Wakhtigii ugu Wanaagsanaa ee la noolaado?

Balse, waxaaba macquul ah inaad shekisantahay, oo aad weli is-leedahay soo kuwan Yaman lagu dhammaaday, oo dagaalku ka socdo, soo kan Siiriya lagu baabba’ay, meeday Ciraaq? Meeday Koonfurta Suudaan? Meeday Koongo? Meeday Soomaaliya? Meeday iyo meeday? Ama waxaad weli ka shakisantahay saboolnimo adduunka ka jirta. Armaad ba ka shakisntahay dhanka waxbarashada. Baal aan ku siiyo xog yar oo kooban oo kaa qancinaysa dagaalka, waxbarashada iyo saboolnimada. 

Waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka, sida uu qabo Steven Pinker waxa aynu noolnahay xilligii ugu wanaagsanaa oo noole ku noolaado adduunkan. Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii labataanaad waxaa hoos u dhacay dhibaatada adduunka. Sida 2006-dii xogteeda ku baahisay Human Security Brief waxa ay leedahay tirada ku dhimata dagaalada dhexmara dalalka waxa uu hoos u dhacay in ka badan 65,000 kun sannadkiiba, laga soo bilaabo sannadkii 1950-kii, isagoo yimid wax ka yar 2,000 kun sannadkiiba, xilligan aynu joogno. 

Dhanka kale, Max Roser oo jaamacadda Oxford  ka tirsan waxa uu leeyahay: "1950-kii afar meelood oo saddex meelood dadka adduunka ku nool waxa ay ku noolaayeen saboolnimada daran (Extreme poverty), 1981-kii waxa ay timid dadka xaaladaa ku nool 44%, 2016-kii waxa ay daraasaadku soo jeedinyeen in ay hoos ugu dhacday wax ka hooseeya 10%".

Dhanka waxbarashada waxa uu leeyahay: "sannadkii 1800-kii dadka waxna qora waxna akhriya waxaa tiradooda lagu qiyaasaayey 120 milyan, maantana waxaa lagu qiyaasaa dadka waxna qora waxna akhriya 6.2 bilyan. Dr. Peter Diamandis waxaa dooddiisa ku raacay Steven Pinker isagoo ku dooddaya in wakhtigani yahay xilligii ugu habboon ee la noolaado". Sababta uu leeyahay Dr. Peter waxa weeye waxa uu diiwangeliyey sida loo waayey saboolnimada daran, ku shaqaynta carruurtu ay hoos ugu dhacday, dhimashada carruurta yaryar ee ka yar shan sanno ay hoos ugu dhacday, dilistii ay hoos ugu dhacday, waxbarashadii iyo aqoontiina ay gareen adduunka oo dhan. 

Waa Maxay Khaladaadka Xeeladeed (Strategy) ay Sameeyeen reer Galbeedku oo sababay in Awooddoodu hoos u dhacdo?


Mudane  Kishore Mahbubani khaladka koowaad waxa uu ka dhigay, khalad ay reer galbeedku sameeyeen, 1990-kii. Sannadkan waxa ay ku beegnayd markii reer galbeedku ka adkaadeen Soofiyeedkii oo awoodda kula tartamaayey iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey dalalkii xorta ahaa iyo kuwii Sofiyeedka. Sannad ka hor, oo ku beegan 1989-kii waxaa maqaal qoray Francis Fukuyama uu ugu magac-daray: "The End of History". Dooodda maqaalkan oo markii danbe uu buug ka dhigay waxa ay ahayd in ay guulaystay aragtida xorta ah, reer galbeedkuna ay guusha sii wadan doonaan. Aragti xorta ahni tahay nooca dawladnimo ee ugu danbaysa; halkan waxa ay ku kala leexdeen Karl Marx. Si kale qoraalku waxa uu ku dooddaayey in dagaalkii afkaareed iyo tadawur (Evolution) uu dhammaaday. Marka galbeedka laga yimaadana ay dhammaan dalalka kale isi soo dhisaan, balse galbeedku iyagu aannay u baahnayn dib-u-habayn, dadka hormuudka ahna yihiin.

Kishore ayaa ku tilmaamay in Francis Fukuyama uu dhaawac xooggan u gaystay maskaxda reer galbeedka. Xilliga Francis Fukuyama huradada u diray reer galbeedka waxa ay ahayd xilligii ay dhammaan dalalka tartanka iyo horumarka bilaabeen, gaar ahaan Hindiya iyo Shiinaha. 

Khaladka labaad oo ay reer galbeedku sameeyeen Kishore waxa uu ku tilmaamay, khalad ay sameeyeen sannadkii 2001-dii. Sannadkan waxaa Maraykan ka dhacay qaraxyadii labadii daarood ee ganacsiga, ee caanka ku ah 9/11. Sannadkan waa sannadka Maraykunku uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argaggixisada iyo weliba faro gelintii uu ku sameeyey Af-Gaaanistaan, labo sanno kadibna waxaa uu Maraykan gudaha u galay dalka Ciraaq. Balse, sannadkii 2001-kii intii uu dagaalka Maraykan ku sii jeeday waxa uu sameeyey khalad kaas oo ah in uu Shiinaha u oggolaaday in xubin ka noqdaan ururka ganacsiga adduunka (World Trade Organization), taas oo keentay fursada Shiinaha iyo waxa aqoonyahano badan ugu yeraan afka qalaad: "Creative Destruction". 

Khaladka Saddexaad waxa uu mudane Kishore ku tilmaamay khalad dhowaan ahaa, kaas oo dhacay sannadkii 2014-kii. Tusaale yar aan bixiyo: sannadkii 1980-kii awoodda wax gadashada ama lacagta miqiyaaska lagu cabiro awoodda lacagta dal ee loo yaqaan afka qalaad (Purchasing Power Parity) taas oo lagu cabiro dalalka dhanka awooddooda lacageed, marka laga hadlayo dakhliga daleed (GNP) Maraykanka waxa uu adduunka ka ahaa 25%; halka Shiinuhu ka ahaa 2.2%. Taas oo dad badan filayeen in Shiinuhu aannu gaari karin Maraykanka. Balse, soddon iyo afar sanno kadib waxaa dhacday waxa taariikhyahanadu ugu yeeraan mucjiso, sannadkii 2014-kii awoodda wax iibsi iyo awoodda lacageed Shiinuhu waxa uu galay kaalinta koowaad, halka Maraykan galay kaalinta labaad. Balse Maraykan mar kale xaqiiqadaa dhab uguma fiirsan. 

Maxaa la Gudboon Reer Galbeedka? 

Qoraagu waxa uu qabaa in wakhtigani aannu ahayn, wakhti waxa reer galbeedku rabaan aannu ka socon doonin, si kale haddii aynnu u dhigno, ma noqon doono qarnigan iyo wixii ka danbeeye, wakhgi reer galbeedku ay qarin doonaan (domination) ama go'aamin doonaan waxa ka dhacaya adduunka. Mudane Kishore saddex talo oo saaxiibtinimo ah buu u soo jeedinayaa reer galbeedka. 

Talada koowaad: Yaraynta faro-galinta (Minimalist)

Labo boqol oo sanno ay adduunka si buuxda amarkoodu uga shaqaynaayey reer galbeedka, waxa ay ku caan baxeen faro-galin qaawan oo ay ku sameeyaan bulshooyin kale. Tusaale ahaan qarnigii sagaal iyo tobnaad qaaradda Yurub baa waxa ay guumaysatay dhammaan adduunka, marka laga reebo meelo faro ku talis ah. Markii bulshooyinkaas xorriyadii ka qaateem reer Yurub dad badan baa u qaatay in faro-galintii dhammaatay. Balse, xaqiiqdii faro-galintii reer galbeed waa wadaan. Bariga dhaxe ilaa Waqooyiga Afrika ilaa Aasiya ilaa Laatiin Ameerika waxa ay ka wadaan faro-galin toos ah. Marka qoraagu waxa kula talinayaa in ay dhaqankaas xun yareeyaan, kuna mashquulaan hagaajinta arrimaha gudahooga ah.


Talada Labaad: Multilateral

Mudane Kishore waxa uu ku dhiiri-gelinayaa reer galbeedka in ay dhowraan oo xoojiyaan hay'addaha caalimiga ah, sida: Qaramada Midoobay (UN), Hay'adda lacagta adduunka (IMF), Baanka Adduunka (WB), Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) iyo kuwa lamid ah. Waxaa uu qabaa dhaliil badan ba ha yeesheenne in hay'addahani shaqeeyeen, dagaalkii saddexaad ee adduunkana ah iyagu hor-istaageen. Waxa uu soo qaadanayaa hadal uu madaxweynihii hore Bill Clinton ka jeediyey jaamacadda Yale oo ku dhiirgelinaya Maraykanka in ay xoojiyaan hay’addaha kala duwan ee caalimiga ah,sida: Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay. Mudane Kishore waxa uu dhaliil badan u soo jeediyey dalka Maraykanka in uu wakhti dheer ku hawlanaa curyaaminta hay'addahaa, sida oo kale waxa uu ka digayaa dhaqamada foosha xun ee oday Trump in ay macquul tahay mid kamid ah hay'addaha ugu wanaagsan adduunka, oo ah waxqabad reer galbeedku asaasitaankooda ku amaanan yihiin iyo hadyad qaali ah oo adduunka soo gaarsiiyeen in uu burburin karo, taas oo ah World Trade Organization. 

Talada Saddexaad: Machiavellian

Mudane Khishore Mahbubani taladiisa ugu danbaysa oo reer galbeedka siinayo waxa weeye in reer galbeedku wax ka bartaan filosoofar Machiavelli oo ah wiilkoodii; isla markaasna ah nin aad la isugu khilaafsanyahay. Dad badan buu arka Machiavelli nin macallin u ah  xumaanta oo dhan, halka filasoofor Isaiah Berlin iyo mudane Kishore u arkaan nin la khalad fahmay, balse yoolkiisu ahaa barwaaqada bulshada iyo soo saarista bulsho wanaagsan iyada oo la maraya habab kala duwan. 


                     W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

Monday, June 17, 2019

Bariga Dhexe: Jid Aan Jiho Lahayn.


Hordhaca

1993-dii maqaal uu qoray oo uu ugu magac daray: Clash of Civilizations", Samuel Huntington ayaa waxaa ku jiray ciwaan hoosaad, uu ugu magac daray: Islam's bloody borders". Inkasta oo uu noqday maqaalkii labaad ee ugu doodda badnaa, oo uu daabaco wargayska Foreign Affairs, haddana ciwaanka qaylada ugu badan ka soo yeedhay waxa uu ahaa ciwaan hoosaadka aynu kor ku xusnay, oo uu qoraagu ugu yeeray: "Xuduudaha dhiigaya ee Islamka (Islam's bloody border)". 

Qoraaga ayaa si aad ah loogu hiifay ciwaan hoosaadkaas, inkasta oo qoraagu 1993-dii qoraalkiisii dad badani ku diideen, umalyn maayo maanta oo aynu ku jirno, 2019-kii in uu jiro qof diidaya ama dood ka keenaya in dalal badan oo muslim ah, weliba bariga dhexe dhiig ka soconayo- ama ha noqdo dagaal banaanka kaga yimid ama mid iyagu dhexdooda ka socda. Labaatan iyo lix sano kadib waxaa run noqonaya ciwaan hoosaadka Samuel ee oranaya: "Islam's bloody border". 

Ka soo bilow: Ciraaq, Siiriya, Lubnaan, Liibiya, Af-gaanistaan, Baakistaan, qayb kamid ah Masar, Yaman warkeeda daa. Balse su'aashu waxa ay tahay: "Halkee masiibadan ka timi? Halkee wax ka qaldanyihiin? Maxay muslimtiina guud ahaan, gaar ahaan dadka dega bariga dhexe, oo xundhur u ah xadaaradda Islamka, laga soo bilaabo burburkii dawladdii Cusmaaniyiinta, ay uga bixi la'yihiin: dawlad xumo, musuqmaasuq, waxbarasho aan tayo lahayn, xarumo caafimaad oo aad u tayo liita, kaligii taliye dabo dhilif ah, qabyaalad, dhaqaale xumo, deganaansho la'aan siyaasadeed, dhibaatooyin kale iyo dagaalo xasuuq u eg? Qoraalkan baa isku dayi doona in uu ka jawaabo su'aalahaaas iyo kuwa kale. Waxaan rabaa inta aanan qoraalka uguda gelin in aan xuso, qoraalkan waxa uu xooga saari doonaa bariga dhexe.

Bilowgii iyo Horumarkii Xadaaradda Islaamka

Xadaaradda Islaamku waxa ay bilaabmatay, markii Eebbe soo diray nebi Muxammed (N.N.K.H), muddo hadda laga joogo Kun iyo afar boqol sano. Wixii intaa ka horreeyey ma jirin xadaarad Islaam ah, balse waxaa jiray xadaaraddo kale oo ay kamid yihiin tii Roomaanka, xaadaradda shiinaha, iyo weliba  xaadaraddii Beershiya.  Ka hor inta aan nebinimada loo soo dhiibin Nebi Muxammed (N.N.K.H) Carab waxa kaliya oo isku keena ama kala kaxeeya waxa uu ahaa qabiilka. Qofka ka dhashay qabiillada awoodda leh, waxa uu ahaa laandheere iyo nin laga  xushmeeyo gudaha ummadii Carbeed ee xilligaas; qofka ka dhashay qabiil yarna, waxba uma ool. 

Arrinkuse waxa uu is-beddelay markii Eebbe soo diray Nebi Muxammed (N.N.K.H), inkasta oo qabiillo waa weyn ka horyimaadeen, oo beniyeen farriintii nebi Muxammed, oo uu kamid yahay qabiilkii uu ka dhashay, haddana waxay ku qaadatay nebi Muxammed (N.N.K.H) muddo ku siman seddex iyo labaatan sano in uu dhiso xadaarad iyo dawlad xaqiiqo u jirta, oo dunida Carbeed gaartay, oo ay xataa qireen xadaaradihii ka da'da weynaa ee markaas jiray. Nebi Muxammed ka hor inta aan la soo dirin, aqoonta Carbeed aad bay u hoosaysay, wacyigooduna aad buu u liitay, Afka Carabiga ma dhaafsiisnayn inta Carabi degto. Balse sidii Eebbe u soo diray nebi Muxammed wax walba waa is-beddeleen, halkii Carabta aqoontoodu u liidatay waxaa beddeshay aqoon, wacyi liita, qof soo jeeda, Afkii Carabiguna waxa uu noqday Afka xadaarada Islaamka, halkii qabiilkana waxaa beddalay fikraddii nebi Muxammed hormuudka ka ahaa ee ummadda Islaamka ah. Carab halkii markii hore waxa isku hayey ay ahaayeen qadiyad abtirsiimo, waxaa beddeshay fikir ummadda islaamka ah.

Dhimashadii Nebi Muxammed (N.N.K.H) waxa ay muslimiinta uga dhignayd labo arrin oo isla socda: kow, waa mar in qaybsanaan iyo weliba fikirkii qabiilka uu dib u soo cusboonaaday, weliba dhimashadii Eebbe ha ka raalli noqdee Abu-bakar Saddiiq, Cumar binu Khadaab iyo weliba Cismaan. Khaliifkii afraad oo Cali binu Abii daalib ahaa waxa ka dhacay is-jiid jiid siyaasadeed iyo cidda xaqa u leh in ay hoggaanka ummada qabato, dagaalo dhimasho badan sababay waxa ay dhex mareen Cali binu Abii daalib iyo Mucaawiya binu Abii Sifyaan. Labo, arrinka labaad waxa uu ahaa in xadaaraddii Islamku fidday, oo ay gaartay Waqooyi Afrika (
Northern Africa) qaarad weynaha Aasiya iyo qaybo kamid ah Yurub, oo ay kamid tahay dalka maanta loogu yeedho Isbayn. Labada arrinba saamayn weyn buu ku yeeshay xadaaradda Islaamka, waa mida koowaad' e khilaafkii siyaasadeed ee bilaabmay xilligii Cali binu Abii Daalib iyo Macaawiya ma ahayn khilaaf bilowday oo dhammaaday, balse waxa uu ahaa khilaaf ilaa maanta taagan. 


Aqoonyahano badan oo arrimaha Islaamka darsa baa qaba aragtida ah, khilaafkii Cali binu abii daalib iyo Mucaawiya in uu ahaa dhalashada waxa maanta loogu yeedho Shiico, oo dunida muslimka ka ah 10% ilaa 15% tiro lagu qiyaaso. Qaybsanaantaa ku timi xadaaraddii Islaamka inkasta oo ay dhaawac weyn u gaysatay, haddana kama hor istaagin diinta Islaamka iyo xaadaradda Islaamkaba in ay koraan dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, aqoon ahaan, tiro ahaan, dhul ahaan iyo weliba horumarka dhanka sayniska.

Horumarka ummadda Islaamka waxa uu keenay in ay noqdaan laacib muhiim, oo doorkiisa ka ciyaara waxa ka socda dunida; kaliya ma ahayn laacib muhiim ah, balse muslimiintu mar bay hoggaaminayeen adduunka. Balse waxaa muhiim ah in la xuso, tan iyo dhimashadii nebi Muxammed (N.N.K.H) iyo weliba marka laga yimaado seddexdii khaliif ee ugu horreeyey, siyaasadda muslimiintu waxa ay ku socotay hal qaab oo kaliya oo ah "Xukunka qoyseed", ama qori isku dhiibka xilka wiil iyo aabbihii ama qoys aan sidaa u kala fogayn.

Marka lagu daro xataa, xilliyadii muslimku ugu horumarka fiicnaayeen oo dad badan ku sheegaan xilligii dawladdii Cabaasiyiinta, oo ay siiyaan naanaysta "Golden age", muslimka siyaasad ahaan is-beddel weyn kuma imaan. Waxaan la isku diidayn saamaynta dhan walba leh, oo ay gaareen dadka ku abtirsada xadaarada Islaamka; sidaa si lamid ah, waxaan la isku diidayn in siyaasada muslimiintu aanay horumar samayn, oo ay hal qaab ku socotay.

 Horumarka Xadaaradda Galbeedka

Dunida reer galbeed wakhti badan bay ku noolaayeen dib-u-dhac iyo weliba dhibaatooyin aad u tiro badan. Wakhti aad u dheer waxaa in badan oo Yurub ah, xukumaayey boqortooyadii Roomaanka, oo kaashanaysa kaniisada oo xilligaas saamayn culus lahayd. Dhanka horumarka sayniska aad bay ugu danbeeyeen, weliba waxa ay ku darsadeen caburinta ciddii waxaa la timaada, xilligaas Yurub mugdiga u ahayd, shiinaha oo ku abtirsada xadaarad qadiimi ah, oo lagu magcaabo Sinik, waxa ay ku naaloonaysey horumar badan oo lagu amaani karo, sidaa si lamid ah, xadaaradda Islaamka waxaa ka socday horumar dhan walba ah, marka laga reebo siyaasadda oo aannay ka muuqan heshiis.

Wax badan oo ay boqortooyadii isku dayday caburin, waxaa ugu danbayn ka soo baxay rag aqoonyahanno ah, oo ka biyo diiday qaabka wax u socdaan, inkasta oo la dilay qayb badan oo kamid ah, balse ugu danbayn waa ka guulaysteen, waxaana dhaawac xoogan ku yimi boqortooyadii Roomaanka. Xilligan waa xilliga ay taariikhyanadu ugu yeeraan "
Renaissance ", oo ku beegan, laga soo bilaabo qarnigii afar iyo tobnaad, sida oo kale, dhowr qarni kadib waxaa ku began xilligii ay kacdoonadu ka curteen dhulwayanaha Yurub, tusaale ahaan qarnigii siddeed iyo tobnaad dalka Faransiiskaa waxaa ka dhacay kacdoon, sidaa si lamid waxa uu ka dhacay Ingiriis iyo Maraykanka.

Wixii ka danbeeyey qarnigii shan iyo tobnaad waxa ay Yurub u ahayd waa cusub, halka boqortaydii markaas ka jirtay shiinaha ay gaf weyn oo siyaasi ah  samaysay, waxa ay joojisay maraakiibta isaga goosha qaaradaha iyo dhulalka kala fog-fog, oo ujeedkoodu yahay ganacsiga. Halkaas shiinaha waxaa uga bilaaban doona burbur dhaqaale iyo weliba bulsho. Xadaaraddii Islaamka dhexdooda waxaa ka socday dagaal dhanka siyaasadda ah, halka Yurub ay bilowday aqbalaada Sayniska, soo dhowayntii wixii horumar iyo dhismo dhan walba ah: mid dhaqaale, siyaasi iyo weliba ciidan.

Yurub waxaa billowgii hoggaanka u qabtay dhan walba dalka Ingiriiska, dhaqaalyahanka weyn ee Jeffrey Sachs, buuggiisa The End of Poverty, wuxuu ku qeexay horumarka dawladdii Ingiriiska mid bulsho, siyaasi iyo weliba deegaan. Dawladda Ingiriisku horumarka tiknooloojiyada waxa ay kaga hormartay boqortooyadii shiinaha, oo wakhti dheer kaalinta koowaad ku jirtay. Waxaa kaloo xusid mudan labo arrimood: kow, horumarka Yurub ee dhan walba leh, ee Ingiriis hoggaanka u qabtay iyo weliba dib u dhaca ku billowday boqortooyooyinkii tartanka kula jiray, sida: xadaaradda Islaamka iyo weliba xadaaradda Sinik-ta, waxa ay keentay in reer Yurub gaar ahaan dawladda Ingiriisku ay seddex meelood deegaamaystaan, dadkii asalka u ahaana ka xoogaan, kow, Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka maanta ugu awoodda badan adduunka Maraykanka, labo, Ustareeliya (Australia), seddex, New Zealand, seddexdan dal waa seddexda uu ugu yeeray dhaqaalyahankii, taariikhyahanka ahaa Angus Maddison "Western offshoots".

Arrinka labaad waxa weeye, laga soo bilaabo qarnigii lix iyo tobnaad waxa uu ahaa xilligii dhaqaale kobaca casriga ah ee adduunku uu si fiican billowday, sababtu waxa ay ahayd horumarka dhanka tiknooloojiyadda, sayniska iyo weliba kacaankii warshadaha (Industrial Revolution) ee markaa la gaaray. Dhowr qarni bay ku qaadatay reer Yurub in ay samaystaan siyaasad dhiig cusub wadata, dhaqaale aqoon iyo agab casri ah ku shaqaynaya iyo awood ciidan, oo ay ku jirto wixii ka horyimaada. Tusaale ahaan 1800 sanadku markii uu ahaa reer Yurub waxay xukumayeen 35% dhulka adduunka, toddobaatan iyo siddeed sano kadib, oo ku began sandkii 1878-dii waxay xukumayeen 67% adduunka, 1914-kii waxay xukumayeen 84%. Fariid sakeriya maqaalkisii ugu danbeeyey “The Self-Destruction of American Power”, waxa uu leeyahay sandkii 1900, dawladdii Ingiriiska waxa ay xukumaysay afar meelood dadka adduunka ku nool.  Inkasta oo ay reer Yurub awood yeesheen, boqortooyo walba oo jirtayna ka awood bateen dhan walba, haddana reer Yurub dhexdooda waxaa dhex maray dagaallo aad u culus, oo ay taariikhyanadoodu ku sifeeyeen dagaalkii koowaad ee adduunka iyo weliba dagaalkii labaad ee adduunka.

Marwaan Bishwaar, sida uu ku soo qaatay barnaajimyadiisa uu ka baahiyo Al-Jazeeera waxa uu xusay in dagaalkii koowaad ee adduunka ay reer Yurub kaga dhinteen 6, 800, 000 kun, oo rayid ah, halka ciidamada ku dhintay dagaalkaas lagu qiyaasay 9,700, 000 kun oo qof; dagaalkii labaad ee adduunka waxaa ku dhintay dad rayid ah oo tiradooda lagu qiyaaso 30, 500, 000 kun oo qof, halka ciidamadu lagu qiyaaso 21, 000, 000 oo qof. Natiijadii dagaalkii labaad waxa ay noqotay guul-darrada dalal dhowr ah iyo guusha dalal kale. Waxaa in la xuso mudan labo arrimood oo muhiim ah: kow, reer galbeedka tiro ahaan adduunka waxa ay ka yihiin wakhtigan, 12%, waa tiro aad u yar, balse tayo ahaan aad u sarreeya, sida uu qabo Kishore Mahbubani, xadaarada galbeedka la'aanteed horumarka aadanuhu gaaray, lama gaareen reer galbeedka la'aantood. Labo, labo boqol oo sano oo xadaarad reer galbeed adduunka xukumaysay, ma jirto xadaarad aanay gumaysan ama aanay saamayn: siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan.

Burburkii boqortooyadii Cismaaniyiinta iyo nolosha Cusub ee muslimiinta

Awoodda iyo horumarka reer Yurub kaliya ma keenin horumar iyo dagaalo lagu hoobtay oo aanan la mahadin, balse waxyaabaha uu keenay waxaa kamid ahaa, nidaam siyaasi oo cusub, iyo weliba dalalka oo aanay horey u aqoonsanayn boqortooyooyinkii hore. Dagaalkii koowaad markii uu dhammaaday waxaa burburay afar boqortooyo oo markaas jiray, kow, waxaa soo galaya boqortooyadii Cismaaniyiinta, oo markaas metelaysay xadaaradda Islaamka, dawladna u ahayd muslimiinta. Labo, boqortooyidii Raashiyaanka, seddex, boqortooyadii Jarmalka, afar, Austro-Hungarian. 
Dawladdii Cismaaniyiinta oo u soo talinaysay muslimiinta badankood, muddo ku siman 1299-kii ilaa 1922-kii ayaa soo gabagabowday. Markii ay burburtay, xarunteeda oo ay ahayd dalka maanta loo yaqaan Turkiga, waxaa ka asaasmay dal casri ah, oo loogu magac daray Turki, waxaana asaasay Mustafa Kamaal, oo lagu naanayso Ataaturk (Ataturk) oo macne ahaan noqonaysa aabbihii Turkiga. 

Bariga dhexe oo ah xuddunta xadaaradda Islaamka, qoraalkanna uu xooga saari doono, ayaa waxaa mustaqbalkiisa ka talin doona, laba dal inta badan, labo magaalo baana lagu jaangoyn doonaa: Baariis iyo Landhan. Badi maanta dalalka bariga dhexe ka jira waa dalal aan dhab ahayn (Artificial state) waxayna dhasheen waxaanan ka badnayn boqol sano ka hor, waa waxa uu ugu yeeray diblomaasigii reer Masar Taxsiin Bashiir qabiillo calamo leh "Tribes with flags". Samuel Huntington wuxuu leeyahay asaasaha Sacuudigu waa maxsuulka xirfadiisa uu ka abuuray is-bahaysi qabiileed, isagoo u maraya guur iyo wadooyin kaleba.

Fikraddaas mid ka duwan waxaa qaba aqooyahanka reer Kanada oo ka baxay jaamacadda Qaahira, ee dalka Masar 1975-tii, ee lagu magcaabo Chris Giannou, waxa uu reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska ku eedeeyey qaabka ay u maareeyeen burburkii dawladdii Cismaaniyiinta kadib. Dhammaan dalalka bariga dhexe waa maxsuulkii gumaystihii reer Yurub, waxaa laga reeba dalal faro ku tiris ah, tusaale ahaan Iiraan.

Iiraan marka koowaad maaha dal Carab ah, marka labaad Iiraan waxay hoy u ahayd xadaarad weyn oo qadiimi ah, oo ah tii Beershiya, mar seddexaad Iiraan, markii Muslimku gaaray waxay kamid tahay meelaha diinta Islaamka laga qaatay, balse aan laga beddelin Afkoodii hooyo iyo weliba dhaqankoodii, afar, Iiraan 1906-dii waxa ay lahayd dastuur, casri ah, markaasna badanka dalalka Muslimka ah ma jirin ama dastuurba maskaxdooda kuma jirin.

Waaga Cusub ee Bariga Dhaxe

Asaasitaankii dalalka cusub ee Bariga Dhexe waxaa ka biyo diiday tiro badan oo Islaamiyiin ahaa, oo rabay in ay qaybsnaantu ay tahay dagaal ka dhan ah muslimiinta iyo midnimadooda. Yeelkeeda, Bariga dhexe kaliya lama qaybin oo dalal cusub lagama dhisan, balse waxaa loogu daray gumaysi. Waxayse arrintu ka sii dartay asaaskii Israa'il, oo ahaa riyo Yuhuudi muddo naawilaysay; halka asaaskoodu ka noqday burburka, rejo la'aan iyo weliba qarowga Carabta si guud, si gaar ahna reer Falastiin.

Halgan dheer kadib waxaa xorrinimadii qaatay badi dalalka Bariga dhexe, balse waxaa xusid mudan intii lagu gudo jiray halgankii xornimo doonka iyo weliba xorriyaddii kadib in bariga dhexe labo qolo awoodda u tartamaysay; Cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin. Ururadii Islaamiyiinta siyaasiga ah ee ugu horreeyey waxaa Masar ka asaasay Xasan Al-Bannaa sanadkii 1928-dii, oo asaasay xisbiga Ikhwaanul Muslimiin, mid kamid ah, xisbiga islaamiga ah ee ugu awoodda badan Masar. Inkasta oo dalalka Carbeed ee bariga dhexe ay gacanta u galeen cilmaaniyiin, kali-taliyeyaal ah ama kuwo qoys ah wax ku xukuma oo boqortooyo isku sifeeyey. Halgan cusub bay bilaabeen ururada Islaamiyiinta ah, si guud, si gaar ah Ikhwaanul Muslimiinku waxa uu gaaray dalal badan oo Carab ah, meelaha aanu gaarina waxaa ka jiray ururo kale oo Islaami ah.

Mucaaradkii ugu adkaa cilmaaniyiinta xilka qabtay waxa uu kaga yimi Ikhwaanul Muslimiinka, taasi waxa ay keentay dawladdii Masar in ay disho ugu danbayn maskaxdii ka danbaysay fikradaas. Balse taasi kama joojin halgankii ay wadeen. Waxaa xusid mudan, laga soo bilaabo halgankii Carabi u gashay xornimada in cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta ay u dhexeysay nacayb aad u dheer. Inkasta oo ay doorashooyinkii dhacay gu'gii Carabta (Arab spring) ee soo bilowday 2011-kii ay jireen cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin wada shaqaynayey, sida oo kale doorooshiyinkii ka dhacay dalka Masar siddeedtamaadkii waxay wada-shaqayn dhex martay xisbiga Wafdi iyo Ikhwaanul muslimiin, mid waa cilmaani, kan kalena waa islaami.

Laga soo bilaabo xornimadii kadib, oo ku beegan qarnigii labaatanaad bartankiisii, ilaa iyo maanta bariga dhexe aad buu uga danbeeyaa meelo badan oo adduunka kamid ah. Vali Nasr waxa uu ku dooday carro-edegaynta (Globalization) adduunka ka dhacday, oo keentay in adduunku uu aad iskugu xirmo, oo aanu kala maarmin, in ay Carabi ka maqantahay, tusaale isagoo u soo qaadanaya in aanu jirin wax soo saar Carabi samayso; Vali Nasr isla buuggiisa Forces of Fortune, waxa uu ku dooday in ay bariga dhexe horumar ka sameeyey meelo kala duwan, weliba dhanka dhaqaalaha, balse horumarka dhaqaale  waxa uu ku koobanyahay dalalka soo saara shidaalka ee Khaliijka, balse u fiirso dalalka aan shidaalka lahayn dhammaantood waa kuwo aad u liita dhan walba: dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo weliba aqoon ahaan.

Kali-taliyaal Magacyo Kala Duwan

Xornimadii kadib Bariga dhexe, sida aan horay u xusay waxaa xukumaayey kali-taliyeyaal cilmaaniyiin ah, boqortooyo isku sheeg qabiil ku dhisan, wadaaddona kaa- shanaya, warka naxdinta leh baa ah meelaha qaar waxaa xukumaayey qoysas ama qabiillo tiro yar,(Minority)- dhib malaha ha xukumee- aanan wax horumar ah gaarsiin dadkiisa iyo dalkiisa. Tusaale ahaan, dalka Ciraaq tirada ugu badan waa shiico (Majority), in badan oo kamid ah waxaa xukumaayey Sunni oo Ciraaq marka la joogo aad u tiro yar (minortiy) dhib maleh oo kan tirada yarba dalka waxbuu ku leeyahay in uu xukumona xaq buu u leeyahay, balse dhibtu waxa ay tahay in uu dagaal dadban iyo mid toos ahba lagu qaaday dadkii tirada badnaa: xorriyad la'aan, dhaqaale xumo, caafimaad xumo, waxbarasho xumo, hoggaan xumo, dawlad tayo liidata, musuqmaasuq, eex, dulmi iyo wixii lamid ah; sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday oo weli ka jirtaa dalka Siiriya, oo shiico  tiro yar [Calawi] baa xukumaysay inta badan dalka Siiriya, oo Sunni ah, weliba waxaa u raacday in hal qoys wiil iyo aabbihii xukumayeen.

Masiibada dalka Siiriya uu kaga duwanyahay Ciraaq waa; markii uu dhintay madaxweynihii hore ee Siiriya, Xaafid Al-asad waxa uu Bishaar al-asad oo ah wiilka Xaafid ku maqnaa dalka dibadiisa. Markii aabbihii dhintay buu dalka dib ugu soo laabtay, da'diisa oo yar dastuurku uma oggolaanayn in uu noqdo madaxweynaha dalkiisa, balse yaa ku yidhi, dastuur baa bariga dhexe lagu dhaqmaa, Bishaar Al-asad waxa uu beddelay dastuurkii, waxa uuna noqday madaxweyne. Masar dastuurka ninkii xilka hayaa sidii doono buu u dhigaa, xataa kan hadda xilka hayaa.

Qarni barkii dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga afrika waxaa xukumaayey kali- taliyaal cilmaaniyiin u badan, meelaha qaarna boqortoyo, balse nasiib-darradu waa tan: bishii sagaalaad, kowdeedii, sanadkii 1969-kii af-genbi ciidan waxaa madaxweyne ku yimi dalka Liibiya Mucamaral Qadaafi, sanad ka hor 1968-dii waxaa af-genbi dalka Ciraaq ku qabsaday Sadaam Xusayn, 1952-dii waxaa madaxweyne noqday dalka Masar Jamaal Cabdinaasir, waxaa beddalay kali-taliye oo toban sano xukumaayey dalka Masar Anwar Sadaat, 1981-dii baa shirqool lagu dilay, waxaa beddelay gacanyarihiisii, oo markaa aad ugu dhowaa, Xusni Mubaarak, oo soddon sano xukumaayey, Tunuusiya, Sayidul Caabidiin, baa xukumaayey muddo dheer. Dhibtuse waxa ay tahay badanka nimanka ciidamada ahaa ee xilka qabtay aqoon jaamacaddeed ma lahayn, kaliya aqoontoodu waxa ay ahayd ciidamada.

Waxaa kaloo xusid mudan in dawladaha khaliijka oo nidaamka boqortooyo isku xukuma, uu af-genbi aanu dhiig ku daadan uu ka dhacay, dalka Qadar, boqorka hadda talada dalkaa haya ayaa aabbihii xilka kala wareegay. Sanadkii 1996-dii waxaa fashilmay af-genbi kale oo lala damacsanaa boqorka aabbihii xilka ka xoogay, Al-jazeera muuqaal ay siidaysay dhowr isbuuc ka hor, sanadkan aynu ku jirno, waxa uu cadaynayaa in Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay af-genbigaa ka danbeeyeen.


Gu'gii Carabta (Arab Spring)

Nin dhallinyaro ah, oo qudaarta ka ganacsada, baa booliska Tuniisiya si foolxun ula dhaqmeen, oo ay ka qaadeen gaarigii yaraa ee uu qudaarta ku iiibsanaayey, dacwo isagoo ah buu u tagayaa xarunta dawladda hoose, balse mar labaad buu kula kulmayaa bahdilaad iyo xaqiraad. Maxaa kuu haray oo aad u nooshahay buu is-weydiiyey? Jawaab waxaa u soo baxday in uu is-gubo, meel aan ka dheerayn buu ka soo iibsaday gaas, kama war-wareegin in uu dab naftiisa qabadsiiyo, dhowr cisho kadib waxa uu u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dabkii. Waa Maxamed Bawaasiisi, oo reer Tunuusiya ahaa, balse wiilkaa yar baa shidi doona kacdoon galaafan doona kali-taliyaashii xilka iska hayey oo qaarkood aamineen labo shay: in ay dalka ugu caqli badanyihiin, oo ay keligood xukumi karaan iyo in aanay ba dhimanayn. Nadar Al-Haashimi waxa uu sheegay Maxamed Bawaasiisi gadaashii afar boqol oo qof oo Carbeed baa nafta iska jaray, inta aan la diiwan gelin ba warkeeda. Maxay dhallinyaradu ay naftooda u goynayaan? Jawaabta oo fudud waa: shaqo la'aan, waxbrasho xumo, musuqmaasuq, horumar la'aan, fursad la'aan, dawlad tayo xun, xorriyad la'aan, caddaalad-darro iyo dulmi joogto ah.

Balse qodobo aan soo koobay kuma filna, in aynu fahano kacdoonadii badankoodu fashilmeen ee soo bilowday 2011-kii. Waxa ay u baahantahay in aynu xooga dul istaagno dhibaatooyinka kiciyey dadka Carbeed.



Tirada dadka Bariga Dhexe iyo Muslimiinta

Tiro ahaan dadka muslimiintu si aad ah bay u korodhay, laga soo bilaabo 1950-kii ilaa maanta, si gaar ahna waxaa kordhay bulshada Carbeed aan tusaale yar soo qaato: 1965-tii ilaa 1990 dalka Marooko dadkiisu waxa uu kordhaayey sanadkii 2.65%, waxay ka soo dhaqaaqeen sanadkii 1965-tii 29.8 milyan, 1990-kiina waxa ay yimideen 59 milyan, sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday dalka Al-jeeriya oo sanadkii koraayey 3.0%, dalka Masar waxa uu koraayey 2.3%, 1965-tii waxa uu ka soo dhaqaaqay 29.4 milyan waxaana uu yimid 1990-kii 52.4 milyan. Jamaal Cabdi Naasir markii uu madexweyne ahaa dalka Masar waxa tirada dadkiisa lagu qiyaasaayey 18 milyan, sanadka aynu ku jirno waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 90 milyan. 

Mar haddii aynu soo hadal qaadnay tirada dadka, inkasta oo uu qoraalkan xooga saari doono bariga dhexe, sida aan horay u xusay, balse waxaa ila muhiim noqotay in aan wax yar ka iraahdo tirada dadka muslimiinta iyo tirada guud ee aadanaha. Tirada guud ee dadka ku nool adduunka intii u dhaxaysay 1965-tii ilaa 1990-kii waxa uu kordhaayey 1.85% sanadkiiba. Sanadkii 1965-tii tirada dadka adduunka ku nool waxa ay ahaayeen 3.3 bilyan, 1990-kiina waxa ay gaareen 5.3 bilyan. Halka muslimku korayeen sanadkiiba 2.0%, 2.5% iyo 3.0%.

Tirada guud ee dadka maanta adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa toddoba bilyan, shan meelood hal meel ka mid ah (1/5) waa muslim, qaramada midoobay waxa ay sheegtay in bartamaha qarnigan tirada guud ee dadka adduunka ku nool ay gaarayso toban bilyan, seddex meelood hal kamid ah (1/3) dadka adduunka ku nool waxa ay noqon doonaan dadka muslimka, waa tiro lagu qiyaaso 3.5 bilyan; Samuel Huntington buuggiisa "The Clash of Civilizations", waxa uu ku leeyahay 1980-kii muslimku adduunka waxa ay ka ahaayeen 18%, 2000- waxa lagu qiyaasayaa tiro ahaan 20%, halka 2025-ka lagu wado in ay ka noqdaan 30%.


Koritaanka Dhaqaalaha iyo Fursadaha Shaqo

Inkasta oo ay si guud Muslimiintu, si gaar ah bariga dhexe muslimiinta ku nool, guul uga gaareen sida carruurta loo dhalo, waxa ay ku guul daraysteen in ay carruurtaa mustaqbal wanaagsan u diyaariyaan. Bal u fiirso xogtan, 140 milyan oo dadka Carbeed ah waxay ka hooseeyaan xariiqda saboolnimo, inta aanay kacdoonadu bilaaban, in kabadan 50% dhallinyarada dalka Yaman, Ciraaq iyo Al-jeeriya waxa ay ahaayeen shaqo la'aan; shaqo la'aan naxdin gariir ah iyana waxay ka jirtay, welina ka jirtaa dalka Masar. Waxaa kaloo in la xuso mudan 180 milyan baa dhallinyaro ah dadka Carbeed, 60% dadka bariga dhexe waxa ay ka yaryihiin Shan iyo labaatan jir.

Dalka Iiraan 40% waxa ay ku noolyihiin meel ka hoosaysa xariiqda saboolnimada, farqiga u dhaxeeya saboolka iyo taajirku waa sii ballaartay; saboolku sabool buu sii noqday, qanigu qani. Shaqo la'aantaa waxaa sababay koritaankii dhaqaalaha oo istaagay (Economic Growth Stagnation) wax soo saar maskaxeed oo aana jirin, waxa ay aqoonyahanadu ugu yeeraan "Creative destruction" oo aan la samayn, dib u dhac ku yimid dhanka warshadaha (decreased industralisation) musuqmaasuq, kaabyaasha dhaqaalaha oo aad u liita, iyo tan ugu weyn oo ah hoggaamiye xumo.

Horumarka Dhanka Aadanaha

Dhankii shaqadii iyo dhaqaalihii haddii aynu aragnay, bal aynu eegno markan, dhanka xaaladda aadanimo (Human condition), hab-nololeedka (standard of Living) dadka ku nool bariga dhaxe aad buu u liitaa; haddii ay noqoto: waxbarasho, dakhli ama dadka shaqeeya iyo xaaladda caafimaad. Sanadkiiba United Nations Development Program (UNDP) waxa ay soo saartaa warbixin ay ugu magac dartay Arab Human Development Report, tusaale ahaan 2002, waxa ay warbixintooda ku xuseen caqabado dabo-dheeraaday, sida: xorriyad la'aan, xaquuq dumurka ah oo aanan jirin, aqoontii oo aad u liidata, warbixino kale baa sheegaya nabad galyo xumo, iyo dawlad gabtay doorkeedii daryeel. 35% dumarka ayaa haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare, taasoo muujinaysa in ay aad u sarayso dumarka aan waxba baran (High Illiteracy Women) Waxaa kaloo aanan jirin gudbinta aqoonta ama waxbarashada taas oo aad u yar; is-diiwaan gelinta waxbarashada sare oo hoos u dhac ku yimid iyo maalgalinta waxbrashada sare oo iyana hoos u dhac ku yimid, sanadkii 1985-tii baa ka maalgalin sareysay waxbarashada sare, marka maanta loo eego. Waxaa intaa raacda dadka oo aanan haysan wargayso tayo leh, iyo muuqaal baahiye tayadiisu aad u sarayso, oo ay kala socdaan xog dhexdhexaad ah, dalka Masar oo kale wixii baraarug maskaxeed bulshada ku abuuraya aad baa loo yareeyey, kali-taliye walba oo Carbeedna sidaas buu sameeyey. Tayada waxbrashada hoose oo aad u liidata.

Halkan kun oo sano oo laga joogo dhammaadkii khilaafadii Cabaasida, oo sida aan horay u xusay dad badan ugu yeeraan naanaysta "Golden Age", buug yar baa loo turjumay Afka Carabiga, waxaa ka badan inta loo turjumay Afka Isbaanishka, ee dalka Isbayn hal sano. Sida uu ina tusayo tiro-koob la sameeyey 2005-tii oo ay samaysay golaha sare ee dhaqanka ee dalka Masar (Egypt's Supreme Council Culture) waxa uu leeyahay dunida Carbeed sanadkiiba waxaa buug la daabacaa 1, 650 buug; halka dalka Maraykanka la daabaco sanadkii 85,000 oo buug. Saynisyahankii reer Masar, Axmed Suwayl ee ku guulaystay bilada Noble Prize ee Chemistary-ga sanadkii 1999-kii, buuggiisa Age of Sceince oo la daabacay sanadkii 2005-tii waxa uu ku leeyahay: "Warqadaha sayniska ah, ee caalamka la daabaco dunida Carbeed waxa ay ka tahay 0% ilaa 0.03%, halka Israa'iil  ay warqadaha Sayniska ah ee la daabaco ay ka tahay 1.3%. Ku darso Yahuud oo dhan marka la isku daro waa waxaanan ka badnayn toban milyan; halka tiro ahaan maanta Carabi u dhaaftay  boqol milyan. 

Maqaal uu qoray Jamaal Sanad al-Sawaydi, oo uu ugu magac daray: "Arabic Language in Light of Change: Difficulties and Challanges", waxa uu ka digayaa in Afka Carbeed la waayi doono haddii aanan maal-galin lagu samayn, isagoo weliba xusaya in aanu ahayn maanta ahayn Af cilmiyeed. Waxa uu soo xiganayaa abwaan Xafiis Ibraahim oo ka digaya saxariirta maanta Afka Carbeed ku jiro in uu noqdo kii uu dhiman lahaa, wuxuuna leeyahay abwaanku:

 "Don’t leave me to the torments of life, for fear you may lament my demise".

"Ha igaga tegina saxariirta nolosha waxaan idiinka cabsanayaa inaad ka baroor-diiqdaan [Calaacal] geeridayda".

Waxaa kale oo qoraagu xusayaa in aanay jirin wax wax soo Saar Saynis ah, weliba Sayniska biyuurka ah oo ku soo baxay Afka Carbeed, qaybta Social Science iyo humanities wax soo saarka afka Carbeed uu aad u yaryahay.

Dawlad wanaagga Bariga Dhexe

Buuggooda "Why Nations Fail", Daron Acemoglu iyo James A. Robinson waxa ay ku doodeen wax dalna hormariyey oo barwaaqo dhan walba ah u horseeday; dalkalena burbur iyo dib-u-dhac walba u horseeday waa hay'adaha dawliga ah, baa dal hormariyey, midna din-u-dhigay, marka labada qoraa waxay ku dooddayaan aragtida hay'adaha (Institutional Theory). Balse su'aashu waxa ay tahay yaa horta dhisa hay'adaha? Ma iyagaa iska dhisma? Mise dad baa dhisa? Halkan baynu ka fahmaynaa in labada qoraa si dadban ugu dooddayaan bulsho horumarkeedu iyo fashilkeedu waxa uu ku xiranyahay hoggaamiyaha taladu ka go'do.

Bariga dhexe muddo dheer waxaa ragaadiyey af-genbi ciidan. Balse, ciidamadii qabtay oo xukumaayey bariga dhexe muddo ka badan qarni barkii, waxa ay ku sifoobeen dawlad xumo, musuqmaasuq. Tusaale ahaan waxaa lagu qiyaasaa hantida madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax in ka badan soddon milyan, Xusni Mubaarak waxa uu ku sifoobay musuqmaasuq, Xafid Al-asadkii hore ee Siiriya, waxa la sheegaa in uu u yeeray, dhammaan wasiiradiisii, kuna yiri: "Xilka idin ka qaadi maayo, ana ha igu soo warwareegina". Wasiir walba waxa uu xalaalaystay booskiisa. Si dadban waa aynu wada shaqaysanno, nin walbow booskaa aad hayso wixii kaa soo gala iimaanso, anna ha igu soo warwareegina. Sadaam Xusayna waxba ma dhaamin.

Musuqmaasuq kaliya kuma sifoobin, eex, dulmi, xorriyad la'aan, caburin, dil, garaacid iyo dhammaan waxii lagu yiqiin dawlad xun bay ku sifoobeen. Balse waxaa jiray wax ay ugu yeeraan aqoonyahanka ka faalooda gobalka jiilkii hore (Old Generation) oo ah kali-taliyeyaashii xilka ku qabtay af-genbi, kuwa hore waxa ay u janjeereen dhankii Soofiyeedka, balse waxaa jira kuwa kale oo lagu magcaabo jiilka cusub (New Generation) kuwan danbe waa carruurtii kali-taliyeyaasha ama natiijadii iyagu waxa ay ku soo beegmeen, xilli laga adkaaday Soofiyeedkii, marka siyaasadooda waxaa jihaynaysay International Monetary Fund (IMF) iyo World Bank (WB), balse jiilkii hore iyo jiilkii danbe waxay ka sinnaayeen in ay ku tacaddiyaan xilka loo igmaday.


Maxaa ka Dhashay? 

Kacdoonadii Carabta ee soo bilowday 2011-kii, waxaa guulaystay oo kaliya kii Tunuusiya, oo is-beddel ku yimid, dalka Masar markii koowaad reer Masar waxa ay doorteen madaxweyne si dimuqraadiya, Maxamed mursi, balse sanad kadib, oo ku beegan sanadkii 2013-kii waxaa af-genbi ku sameeyey ciidamada, oo uu hoggaaminayo Cabdifataax Al-Siisii.

U fiirso halkan, dalka Yaman, waxaa 2015-kii duulaan ku qaaday Sacuudiga iyo xulafadiisa. Sacuudigu waxaa kaga baxa dagaalka Yaman bilyan lacag in ka badan bishii, weli wax natiijo ah kama hayo, dhaleecayn weyn waxa ay kaga timid adduunka oo dhan. Xaaladda Yaman waxa ay noqotay mid aad u xun, oo xasuuq u eg. Balse Yaman waxaa isku haysta Shiico tiro yar iyo Sunni oo aqlabiyada ah, qabiillona meesha kama maqna, waxaa kale oo ay Yaman noqotay garoon ay ku ciyaaraan Sacuudiga iyo Iiraan. Dalka Liibiya Sunni baa Sunni dilaya, qabiilna meesha kama maqna, waxaa u raacda awooddaha gobolka oo iyana ka dhigtay garoon lagu ciyaaro dalka Liibiya. Dalka Siiriya shiico tiro yar iyo Suni tiro badan baa is-haysta, isla Siiriya waxa ay noqotay garoonka ugu weyn ee awooddaha adduunku ku ciyaaraan, Ciraaq dawlad aan cago badan ku taagnayn baa ka jirta, oo aan awooddeedu shaqayn, Ciraaq qudheeda waxaa isku haysta Shiico tiro badan iyo Suni tiro yar, qudheedu laga soo bilaabo 2003-dii waxa ay ahayd garoon ay ku ciyaaran awoodaha gobalka iyo awoodaha caalamka. Lubnaan dawlad cago adag ku taagan kama jirto, loollanka Sacuudiga iyo Iiraan oo cirka isku sii shareeray, oo gaaray halkii ugu xumayd, xariir aan wanaagsanayn oo dhex yaal dawladaha Khaliijka gudahooda, labo sano in ka badan baa Sacuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Masar go'doomiyeen dalka Qadar, welina wax saansaan heshiis ah kama muuqato.

Xuutiga dagaalka kula jira Sacuudiga oo duqayn u gaysta Imaartaadka iyo Sacuudiga. Hardan siyaasadeed oo ka jira gudaha Sacuudiga, Maxamed Binu Salmaan oo cadow badan ka samaystay rag awood leh, oo boqortooyada ah. Bruce Riedel oo soddon sano ka soo shaqaynaayey CIA-da Maraykanka aqoon fiicanna u leh dalka Sacuudiga waxa uu sheegay in dagaalka u dhexeeye qoyska boqortooyada, gaar ahaan Maxamed Binu Salmaan iyo qoyska boqortooyada uu soo bixi doono, dhimashada Maxamed Binu Salmaan aabbihii, Michael  Maloof oo horay uga tirsanaa Pantegon-ka Maraykanka isna waxa uu saadaaliyey in Sacuudiga qudhiisa is-beddel af-genbi uu ka dhici doono, khuburo kale baa iyana saadaaliyey kacdoon in uu ka dhalan karo dalka Sacuudiga.  Iiraan oo cunaqabatayn caalamiya Maraykan galiyey, xaaladda kanaalka Hormus oo aanan sahlanayn iyo Falastiin oo ku jirta xaaladdeedii ugu liidatay, Kushnar oo ah wiilka uu soddaga Trump u yahay oo wada heshiiskii qarniga (deal of the century) inkasta oo aanan la ogeyn waxa uu heshiiskaasi yahay, balse waxa ay u muuqataa kii Falastiin oran lahaa maba jirtaan, oo wax labo dal oo Israa'iil iyo Falastiin la dhaho ma jiraan. Waxaa kaloo iyana Bariga Dhexe iyo Koonfur Aasiya caado ka noqotay ururada Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee hubaysan, kuwaas oo caqabad ku noqoday nabad dhalata.


Gunaanad

Akhristaha sharafta lahow, qoraalkan kooban waxa uu xooga saarayey bariga dhexe si gaar ah, balse waxa aanu si qoto dheer uga hadlin muslimiinta kale ee adduunka oo ah dadka ugu badan ee muslimka ah, bariga dhexe muslimiinta guud waxa ay ka yihiim wax yar, Iiraan iyo Sacuudiga oo la isku daray waxaa ka muslimiin badan dadka Muslimka ah ee Hindiya ku nool, Indoniisiya qoraalku kama sheekayn inkasta oo ay ku noolyihiin muslimka adduunka ugu badan. Balse, ogow, bilyan Muslim ah baa maalin walba shan jeer qibladoodu tahay magaalada barakaysan ee Maka, oo ah xudunta Islaamka, taas oo ina tusaysa muhiimada bariga dhexe u leeyahay muslimiinta.

Waxaanu qoraalkan sidoo kale aanu waxba ka oran doorka reer galbeedka si gaar ah Maraykan oo caado ka dhigtay laga soo bilaabo qarnigii labaatanaad in ay faro gashtaan arrimaha bariga dhexe, waxaanu qoraalku aanu waxba ka oran Israa'iil iyo xiriirka u dhexeeya Carabta iyo weliba dagaaladii dhex maray. Sida oo kale waxaanu qoraalku waxba ka oran dawladda Ruushka oo maanta noqotay laacib muhiim ka ah arrimaha bariga dhexe.

Sida oo kale waxaanu qoraalku si faahfaahsan uga hadal Islaamiyiinta hubka qaatay oo xagjirka noqday, kuwa siyaasada xal ka doonay, iyo weliba xiriir aan wanaagsanayn ee qudhooda u dhaxeeya. Waxaanu sidoo kale aanu ka hadlin, kacdoonkii Carabta Yaa caqabad ku ahaa in uu guulaysto? Waxaanu ka hadlin doorka warbaahinta Carbeed, weliba si gaar ah Al-jazeera oo noqotay mid kamid ah warbaahinta ugu saamaynta iyo awoodda badan adduunka iyo Al-Jazeera oo bariga dhexe kooto ku xiratay.


                         

                              W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale