Tirada Akhristayaasha Boloogga

Thursday, July 11, 2019

Buug soo Koobid: Galbeed miyuu Khasiray?


Buuggan gacantayda ku jira waxaa qoray Kishore Mahbubani, waxaana uu ugu magac-daray: "Has the West Lost It?". Muddo hadda laga joogo sannad. Qoraa Kishore mar kale baynu qoraal isaga ku saabsan oo kooban ka qoraynaa, maadama uu yahay mid kamid ah dadka adduunka ugu saamaynta badan. Waxaan se halkan idinkula wadaagayaa buuggan yarahan uu qoray. Waxaan rabaa hal arrin in aan xuso ka hor qoraalkayga; buuggan si qoto-dheer uga hadli maayaan, sababta waxa weeyee qoraalka haddii uu dheeraado dhallinyaro badan baa ka caajisaysa in ay dhammayso. Balse qoraalkan kooban waxa ay muhiimadiisu noqon doontaa labo arrimood: kow, in uu sawir guud idinka siiyo waxa uu buuggani ka hadlayo, labo, in uu idinku dhiirigeliyo in aad buuggan akhridaan. 

Buug yarahan waxa uu ka hadlayaa saddex arrimood oo muhiim ah: kow, waxa uu ka hadlayaa muhiimada xaadaradda reer galbeedku adduunka u leedaahay, labo, khaladaadka xeeladeed oo ay sameeyeen, gaar ahaan Maraykanka oo hormuud u ah xadaaradaas, taas oo sababtay in awooddo kale ku soo baxaan, saddex, xalka reer galbeedka iyo waxa la gudboon, si ay ula qabsadaan adduunkan aannu mar danbe ka shaqayn doonin ama go'aamin doonin amarka dunida galbeed.

Inta aanan u gelin buuggan waxaa muhiim in la xuso in buuggan ciwaankiisu- Has the West Lost It?- uu dood dhaliyey, dadka qaarkoodna ay qoraaga iyo buuggiisa ku tilmaameen mid wax kicinaya (Provocative book). Balse waxaa se in mar kale la sheego mudan maaha markii koowaad oo Kishore qudhiisa taa lagu dhaliilo qoraalo hore uu qoray, sidan bay dood noocaas ah u dhaliyeen. 

Hadiyaddii Reer Galbeedka.

Labo boqol oo sanno muddo ku siman oo ay adduunka hoggaaminayeen reer galbeedku, waxa ay ahayd xilligii ugu wanaagsanayd ee aadanaha soo marta ama la noolaado, weliba soddonkii sanno ee u danbeeyey. Sidii uu qoraagu qudhiisu xusayna haddii aanay guulaysteen xaadaradii reer galbeedku adduunka maanta waxa uu ku jiri lahaa xaaladda aynu maanta ku jirno mid aad ugu duwan. Balse, hadiyadda ugu qaalisan oo ay reer galbeedku adduunka kale soo gaarsiiyeen baa ah, sida qoraagu qabo, awoodda sababaynta (Power of Reasoning).  Hadiyaddaa sababaynta oo lagu daray Sayniska iyo Tiknoolojiyada waxaa qaatay dalalka Aasiya si ay dhibaatooyinka ka jira dalalkooda ugu xaliyaan. 

Fiditaanka sababaynta laga dhaxlay reer galbeedka waxa ay dhalisay saddex kacdoon oo aamusan kaas oo qeexaya guusha aan caadiga ahayd ee bulshooyin badan oo aan reer galbeed ahayn. Saddexdaa kacdoon oo kala ah: kow, Kacdoon Siyaasi (Political Revolution); kumanaan sanno bulshda Aasiya waxa ay ahayd bulsho ku dhaqanta nidaamka dhul-goosiga ah (Feudal System) taas oo ah nidaam dad faro ku tiris ah wax walba gacanta ugu jiraan iyo dadka inta badan oo dulmanayaal ah. Aasiya oo dhan dhaqankaas baa ka jiray, waxaa soo raaca nidaamka kale oo aan kaa waxba dhaamin oo afka qalaad ku noqonaya "Caste System", oo Hindiya ku caan baxday. Qofku halkuu ka dhasho iyo cidda uu ka dasho buu ku gowracnaan jiray. Si fudud qadartu wax walba qofka u go'aamin jirtay. Haddii uu qofka ka dhashay reer dabaqada la yaso ah, sidaas buu noloshiisa ku dhammaysanaya, ma jirto sabab uu wax kale uga fekero. 

Dhammaan dadkii xilligii xukumaayey bulshooyinkaa waxa ay doonaan bay samayn jireen, maaha waxa shacabku doonaan  ama doonayaan. Ma jirin dadka xukunka hayey cid la xisaabtanta, iyagaa dadka la xisaabtami jiray. Balse qarnigii labaatanaad qaybtiisa danbe baa awoodda sababaynta ee reer galbeedka laga dhaxlay waxa ay xoraysay maskaxihii inta badan u af-duubnaa khuraafaadkaas. Is-beddelkaas siyaasi ee dhacay baa keenay in nimankii talada bulshooyinka qaybo badan oo kamid ah Aasiya ay fahmaan in dadkooda ay xaq ugu leeyihiin in la xisaabtamaan, sidaasi waxa ay ka muuqataa dalal badan oo qaatay nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Hindiya, Jabaan, Koonfurta Kooriya iyo Sri Lanka.


Dalal badan oo aan qaadan nidaamka dimuqraadiga ah, sida: Shiinaha waxa uu noqday dal hal xisbi oo hal magac leh, balse hoggaamiyaashu kala duwanyihiin qaabka ay ay u fekeraan iyo weliba qaabka ay u dhaqmaan. Tusaale ahaan, Mao Zedong waxa uu ahaa hoggaamiye u qaab dhaqan eg, boqortooyooyinkii Shiinaha soo maray, intii uu xilka dalkaas hayey waxa uu dhib badan marsiiyey dadkiisa. Balse marka la barbar dhigo Deng Xiaoping waxa uu hagaajiyey nolosha dadka Shiinaha, maadama oo ay dhaqaale ahaan horay uga xirxirnaayeen adduunka waxa uu u furay adduunka, waxa uu wax baray dadkiisa. Shiinuhu muddo ku siman soddon sanno waxa ay saboolnimada daran (Absolute poverty) ka saareen siddeed boqol oo milyan. 

Kacdoonka labaad waxa weeye, kacdoon nafsiyaddeed (Psychological Revolution) bulsho wakhti dheer halku ku dhasho wax walba u go'aaminayeen, oo aanay halkaa dhaafi karin, balse markii uu dhacay kacdoonkaa nafsiyadeed waxaa is-bdeddashay nolasha dadka. Kuma koobnaan oo kaliya halka ay ku dhashaan iyo cidda ay ka dhashaan. Kontan sanno ka hor waxbarashada jaamacaddeed waxa ay ahayd eber, konton sanno kadib waxbarashada jaamacaddeed waxa ay noqotay caalami. 

Kacdoonka saddexaad waxa weeye, kacdoonka dhanka dawladdeed (Governance Revolution). Wakhti dheer bulshooyin badan baa qabay in dawlad wanaag in ay beddeli karto ayna ka saari karto dhibaatooyinka bulsheed oo ay wajahayaan. Balse, taas bulsho badan oo ku dhaqan dalka Aasiya waa waxa ay hantiyeen. Shiinaha, Koonfur Kooriya, Taywaan, Hoon-Koon, Singaboor, Malaysiya, Indonuusiya, Hindiya iyo dalal kale waxaa u suurto gashay dawlad wanaagii ay ku taamayeen; dalal dhowr ah oo ay kamid tahay Bangladesh, Baakistaan iyo dalal kale dawlad shaqaynaysa oo qirsan ugu yaraan in lala xisaabtamayo baa ka jira, kuwaas dhaqaale kobac sameeyey. 

Maxaa Cadaynaya in aynu Ku Jirno Wakhtigii ugu Wanaagsanaa ee la noolaado?

Balse, waxaaba macquul ah inaad shekisantahay, oo aad weli is-leedahay soo kuwan Yaman lagu dhammaaday, oo dagaalku ka socdo, soo kan Siiriya lagu baabba’ay, meeday Ciraaq? Meeday Koonfurta Suudaan? Meeday Koongo? Meeday Soomaaliya? Meeday iyo meeday? Ama waxaad weli ka shakisantahay saboolnimo adduunka ka jirta. Armaad ba ka shakisntahay dhanka waxbarashada. Baal aan ku siiyo xog yar oo kooban oo kaa qancinaysa dagaalka, waxbarashada iyo saboolnimada. 

Waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka, sida uu qabo Steven Pinker waxa aynu noolnahay xilligii ugu wanaagsanaa oo noole ku noolaado adduunkan. Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii labataanaad waxaa hoos u dhacay dhibaatada adduunka. Sida 2006-dii xogteeda ku baahisay Human Security Brief waxa ay leedahay tirada ku dhimata dagaalada dhexmara dalalka waxa uu hoos u dhacay in ka badan 65,000 kun sannadkiiba, laga soo bilaabo sannadkii 1950-kii, isagoo yimid wax ka yar 2,000 kun sannadkiiba, xilligan aynu joogno. 

Dhanka kale, Max Roser oo jaamacadda Oxford  ka tirsan waxa uu leeyahay: "1950-kii afar meelood oo saddex meelood dadka adduunka ku nool waxa ay ku noolaayeen saboolnimada daran (Extreme poverty), 1981-kii waxa ay timid dadka xaaladaa ku nool 44%, 2016-kii waxa ay daraasaadku soo jeedinyeen in ay hoos ugu dhacday wax ka hooseeya 10%".

Dhanka waxbarashada waxa uu leeyahay: "sannadkii 1800-kii dadka waxna qora waxna akhriya waxaa tiradooda lagu qiyaasaayey 120 milyan, maantana waxaa lagu qiyaasaa dadka waxna qora waxna akhriya 6.2 bilyan. Dr. Peter Diamandis waxaa dooddiisa ku raacay Steven Pinker isagoo ku dooddaya in wakhtigani yahay xilligii ugu habboon ee la noolaado". Sababta uu leeyahay Dr. Peter waxa weeye waxa uu diiwangeliyey sida loo waayey saboolnimada daran, ku shaqaynta carruurtu ay hoos ugu dhacday, dhimashada carruurta yaryar ee ka yar shan sanno ay hoos ugu dhacday, dilistii ay hoos ugu dhacday, waxbarashadii iyo aqoontiina ay gareen adduunka oo dhan. 

Waa Maxay Khaladaadka Xeeladeed (Strategy) ay Sameeyeen reer Galbeedku oo sababay in Awooddoodu hoos u dhacdo?


Mudane  Kishore Mahbubani khaladka koowaad waxa uu ka dhigay, khalad ay reer galbeedku sameeyeen, 1990-kii. Sannadkan waxa ay ku beegnayd markii reer galbeedku ka adkaadeen Soofiyeedkii oo awoodda kula tartamaayey iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey dalalkii xorta ahaa iyo kuwii Sofiyeedka. Sannad ka hor, oo ku beegan 1989-kii waxaa maqaal qoray Francis Fukuyama uu ugu magac-daray: "The End of History". Dooodda maqaalkan oo markii danbe uu buug ka dhigay waxa ay ahayd in ay guulaystay aragtida xorta ah, reer galbeedkuna ay guusha sii wadan doonaan. Aragti xorta ahni tahay nooca dawladnimo ee ugu danbaysa; halkan waxa ay ku kala leexdeen Karl Marx. Si kale qoraalku waxa uu ku dooddaayey in dagaalkii afkaareed iyo tadawur (Evolution) uu dhammaaday. Marka galbeedka laga yimaadana ay dhammaan dalalka kale isi soo dhisaan, balse galbeedku iyagu aannay u baahnayn dib-u-habayn, dadka hormuudka ahna yihiin.

Kishore ayaa ku tilmaamay in Francis Fukuyama uu dhaawac xooggan u gaystay maskaxda reer galbeedka. Xilliga Francis Fukuyama huradada u diray reer galbeedka waxa ay ahayd xilligii ay dhammaan dalalka tartanka iyo horumarka bilaabeen, gaar ahaan Hindiya iyo Shiinaha. 

Khaladka labaad oo ay reer galbeedku sameeyeen Kishore waxa uu ku tilmaamay, khalad ay sameeyeen sannadkii 2001-dii. Sannadkan waxaa Maraykan ka dhacay qaraxyadii labadii daarood ee ganacsiga, ee caanka ku ah 9/11. Sannadkan waa sannadka Maraykunku uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argaggixisada iyo weliba faro gelintii uu ku sameeyey Af-Gaaanistaan, labo sanno kadibna waxaa uu Maraykan gudaha u galay dalka Ciraaq. Balse, sannadkii 2001-kii intii uu dagaalka Maraykan ku sii jeeday waxa uu sameeyey khalad kaas oo ah in uu Shiinaha u oggolaaday in xubin ka noqdaan ururka ganacsiga adduunka (World Trade Organization), taas oo keentay fursada Shiinaha iyo waxa aqoonyahano badan ugu yeraan afka qalaad: "Creative Destruction". 

Khaladka Saddexaad waxa uu mudane Kishore ku tilmaamay khalad dhowaan ahaa, kaas oo dhacay sannadkii 2014-kii. Tusaale yar aan bixiyo: sannadkii 1980-kii awoodda wax gadashada ama lacagta miqiyaaska lagu cabiro awoodda lacagta dal ee loo yaqaan afka qalaad (Purchasing Power Parity) taas oo lagu cabiro dalalka dhanka awooddooda lacageed, marka laga hadlayo dakhliga daleed (GNP) Maraykanka waxa uu adduunka ka ahaa 25%; halka Shiinuhu ka ahaa 2.2%. Taas oo dad badan filayeen in Shiinuhu aannu gaari karin Maraykanka. Balse, soddon iyo afar sanno kadib waxaa dhacday waxa taariikhyahanadu ugu yeeraan mucjiso, sannadkii 2014-kii awoodda wax iibsi iyo awoodda lacageed Shiinuhu waxa uu galay kaalinta koowaad, halka Maraykan galay kaalinta labaad. Balse Maraykan mar kale xaqiiqadaa dhab uguma fiirsan. 

Maxaa la Gudboon Reer Galbeedka? 

Qoraagu waxa uu qabaa in wakhtigani aannu ahayn, wakhti waxa reer galbeedku rabaan aannu ka socon doonin, si kale haddii aynnu u dhigno, ma noqon doono qarnigan iyo wixii ka danbeeye, wakhgi reer galbeedku ay qarin doonaan (domination) ama go'aamin doonaan waxa ka dhacaya adduunka. Mudane Kishore saddex talo oo saaxiibtinimo ah buu u soo jeedinayaa reer galbeedka. 

Talada koowaad: Yaraynta faro-galinta (Minimalist)

Labo boqol oo sanno ay adduunka si buuxda amarkoodu uga shaqaynaayey reer galbeedka, waxa ay ku caan baxeen faro-galin qaawan oo ay ku sameeyaan bulshooyin kale. Tusaale ahaan qarnigii sagaal iyo tobnaad qaaradda Yurub baa waxa ay guumaysatay dhammaan adduunka, marka laga reebo meelo faro ku talis ah. Markii bulshooyinkaas xorriyadii ka qaateem reer Yurub dad badan baa u qaatay in faro-galintii dhammaatay. Balse, xaqiiqdii faro-galintii reer galbeed waa wadaan. Bariga dhaxe ilaa Waqooyiga Afrika ilaa Aasiya ilaa Laatiin Ameerika waxa ay ka wadaan faro-galin toos ah. Marka qoraagu waxa kula talinayaa in ay dhaqankaas xun yareeyaan, kuna mashquulaan hagaajinta arrimaha gudahooga ah.


Talada Labaad: Multilateral

Mudane Kishore waxa uu ku dhiiri-gelinayaa reer galbeedka in ay dhowraan oo xoojiyaan hay'addaha caalimiga ah, sida: Qaramada Midoobay (UN), Hay'adda lacagta adduunka (IMF), Baanka Adduunka (WB), Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) iyo kuwa lamid ah. Waxaa uu qabaa dhaliil badan ba ha yeesheenne in hay'addahani shaqeeyeen, dagaalkii saddexaad ee adduunkana ah iyagu hor-istaageen. Waxa uu soo qaadanayaa hadal uu madaxweynihii hore Bill Clinton ka jeediyey jaamacadda Yale oo ku dhiirgelinaya Maraykanka in ay xoojiyaan hay’addaha kala duwan ee caalimiga ah,sida: Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay. Mudane Kishore waxa uu dhaliil badan u soo jeediyey dalka Maraykanka in uu wakhti dheer ku hawlanaa curyaaminta hay'addahaa, sida oo kale waxa uu ka digayaa dhaqamada foosha xun ee oday Trump in ay macquul tahay mid kamid ah hay'addaha ugu wanaagsan adduunka, oo ah waxqabad reer galbeedku asaasitaankooda ku amaanan yihiin iyo hadyad qaali ah oo adduunka soo gaarsiiyeen in uu burburin karo, taas oo ah World Trade Organization. 

Talada Saddexaad: Machiavellian

Mudane Khishore Mahbubani taladiisa ugu danbaysa oo reer galbeedka siinayo waxa weeye in reer galbeedku wax ka bartaan filosoofar Machiavelli oo ah wiilkoodii; isla markaasna ah nin aad la isugu khilaafsanyahay. Dad badan buu arka Machiavelli nin macallin u ah  xumaanta oo dhan, halka filasoofor Isaiah Berlin iyo mudane Kishore u arkaan nin la khalad fahmay, balse yoolkiisu ahaa barwaaqada bulshada iyo soo saarista bulsho wanaagsan iyada oo la maraya habab kala duwan. 


                     W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale

Monday, June 17, 2019

Bariga Dhexe: Jid Aan Jiho Lahayn.


Hordhaca

1993-dii maqaal uu qoray oo uu ugu magac daray: Clash of Civilizations", Samuel Huntington ayaa waxaa ku jiray ciwaan hoosaad, uu ugu magac daray: Islam's bloody borders". Inkasta oo uu noqday maqaalkii labaad ee ugu doodda badnaa, oo uu daabaco wargayska Foreign Affairs, haddana ciwaanka qaylada ugu badan ka soo yeedhay waxa uu ahaa ciwaan hoosaadka aynu kor ku xusnay, oo uu qoraagu ugu yeeray: "Xuduudaha dhiigaya ee Islamka (Islam's bloody border)". 

Qoraaga ayaa si aad ah loogu hiifay ciwaan hoosaadkaas, inkasta oo qoraagu 1993-dii qoraalkiisii dad badani ku diideen, umalyn maayo maanta oo aynu ku jirno, 2019-kii in uu jiro qof diidaya ama dood ka keenaya in dalal badan oo muslim ah, weliba bariga dhexe dhiig ka soconayo- ama ha noqdo dagaal banaanka kaga yimid ama mid iyagu dhexdooda ka socda. Labaatan iyo lix sano kadib waxaa run noqonaya ciwaan hoosaadka Samuel ee oranaya: "Islam's bloody border". 

Ka soo bilow: Ciraaq, Siiriya, Lubnaan, Liibiya, Af-gaanistaan, Baakistaan, qayb kamid ah Masar, Yaman warkeeda daa. Balse su'aashu waxa ay tahay: "Halkee masiibadan ka timi? Halkee wax ka qaldanyihiin? Maxay muslimtiina guud ahaan, gaar ahaan dadka dega bariga dhexe, oo xundhur u ah xadaaradda Islamka, laga soo bilaabo burburkii dawladdii Cusmaaniyiinta, ay uga bixi la'yihiin: dawlad xumo, musuqmaasuq, waxbarasho aan tayo lahayn, xarumo caafimaad oo aad u tayo liita, kaligii taliye dabo dhilif ah, qabyaalad, dhaqaale xumo, deganaansho la'aan siyaasadeed, dhibaatooyin kale iyo dagaalo xasuuq u eg? Qoraalkan baa isku dayi doona in uu ka jawaabo su'aalahaaas iyo kuwa kale. Waxaan rabaa inta aanan qoraalka uguda gelin in aan xuso, qoraalkan waxa uu xooga saari doonaa bariga dhexe.

Bilowgii iyo Horumarkii Xadaaradda Islaamka

Xadaaradda Islaamku waxa ay bilaabmatay, markii Eebbe soo diray nebi Muxammed (N.N.K.H), muddo hadda laga joogo Kun iyo afar boqol sano. Wixii intaa ka horreeyey ma jirin xadaarad Islaam ah, balse waxaa jiray xadaaraddo kale oo ay kamid yihiin tii Roomaanka, xaadaradda shiinaha, iyo weliba  xaadaraddii Beershiya.  Ka hor inta aan nebinimada loo soo dhiibin Nebi Muxammed (N.N.K.H) Carab waxa kaliya oo isku keena ama kala kaxeeya waxa uu ahaa qabiilka. Qofka ka dhashay qabiillada awoodda leh, waxa uu ahaa laandheere iyo nin laga  xushmeeyo gudaha ummadii Carbeed ee xilligaas; qofka ka dhashay qabiil yarna, waxba uma ool. 

Arrinkuse waxa uu is-beddelay markii Eebbe soo diray Nebi Muxammed (N.N.K.H), inkasta oo qabiillo waa weyn ka horyimaadeen, oo beniyeen farriintii nebi Muxammed, oo uu kamid yahay qabiilkii uu ka dhashay, haddana waxay ku qaadatay nebi Muxammed (N.N.K.H) muddo ku siman seddex iyo labaatan sano in uu dhiso xadaarad iyo dawlad xaqiiqo u jirta, oo dunida Carbeed gaartay, oo ay xataa qireen xadaaradihii ka da'da weynaa ee markaas jiray. Nebi Muxammed ka hor inta aan la soo dirin, aqoonta Carbeed aad bay u hoosaysay, wacyigooduna aad buu u liitay, Afka Carabiga ma dhaafsiisnayn inta Carabi degto. Balse sidii Eebbe u soo diray nebi Muxammed wax walba waa is-beddeleen, halkii Carabta aqoontoodu u liidatay waxaa beddeshay aqoon, wacyi liita, qof soo jeeda, Afkii Carabiguna waxa uu noqday Afka xadaarada Islaamka, halkii qabiilkana waxaa beddalay fikraddii nebi Muxammed hormuudka ka ahaa ee ummadda Islaamka ah. Carab halkii markii hore waxa isku hayey ay ahaayeen qadiyad abtirsiimo, waxaa beddeshay fikir ummadda islaamka ah.

Dhimashadii Nebi Muxammed (N.N.K.H) waxa ay muslimiinta uga dhignayd labo arrin oo isla socda: kow, waa mar in qaybsanaan iyo weliba fikirkii qabiilka uu dib u soo cusboonaaday, weliba dhimashadii Eebbe ha ka raalli noqdee Abu-bakar Saddiiq, Cumar binu Khadaab iyo weliba Cismaan. Khaliifkii afraad oo Cali binu Abii daalib ahaa waxa ka dhacay is-jiid jiid siyaasadeed iyo cidda xaqa u leh in ay hoggaanka ummada qabato, dagaalo dhimasho badan sababay waxa ay dhex mareen Cali binu Abii daalib iyo Mucaawiya binu Abii Sifyaan. Labo, arrinka labaad waxa uu ahaa in xadaaraddii Islamku fidday, oo ay gaartay Waqooyi Afrika (
Northern Africa) qaarad weynaha Aasiya iyo qaybo kamid ah Yurub, oo ay kamid tahay dalka maanta loogu yeedho Isbayn. Labada arrinba saamayn weyn buu ku yeeshay xadaaradda Islaamka, waa mida koowaad' e khilaafkii siyaasadeed ee bilaabmay xilligii Cali binu Abii Daalib iyo Macaawiya ma ahayn khilaaf bilowday oo dhammaaday, balse waxa uu ahaa khilaaf ilaa maanta taagan. 


Aqoonyahano badan oo arrimaha Islaamka darsa baa qaba aragtida ah, khilaafkii Cali binu abii daalib iyo Mucaawiya in uu ahaa dhalashada waxa maanta loogu yeedho Shiico, oo dunida muslimka ka ah 10% ilaa 15% tiro lagu qiyaaso. Qaybsanaantaa ku timi xadaaraddii Islaamka inkasta oo ay dhaawac weyn u gaysatay, haddana kama hor istaagin diinta Islaamka iyo xaadaradda Islaamkaba in ay koraan dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, aqoon ahaan, tiro ahaan, dhul ahaan iyo weliba horumarka dhanka sayniska.

Horumarka ummadda Islaamka waxa uu keenay in ay noqdaan laacib muhiim, oo doorkiisa ka ciyaara waxa ka socda dunida; kaliya ma ahayn laacib muhiim ah, balse muslimiintu mar bay hoggaaminayeen adduunka. Balse waxaa muhiim ah in la xuso, tan iyo dhimashadii nebi Muxammed (N.N.K.H) iyo weliba marka laga yimaado seddexdii khaliif ee ugu horreeyey, siyaasadda muslimiintu waxa ay ku socotay hal qaab oo kaliya oo ah "Xukunka qoyseed", ama qori isku dhiibka xilka wiil iyo aabbihii ama qoys aan sidaa u kala fogayn.

Marka lagu daro xataa, xilliyadii muslimku ugu horumarka fiicnaayeen oo dad badan ku sheegaan xilligii dawladdii Cabaasiyiinta, oo ay siiyaan naanaysta "Golden age", muslimka siyaasad ahaan is-beddel weyn kuma imaan. Waxaan la isku diidayn saamaynta dhan walba leh, oo ay gaareen dadka ku abtirsada xadaarada Islaamka; sidaa si lamid ah, waxaan la isku diidayn in siyaasada muslimiintu aanay horumar samayn, oo ay hal qaab ku socotay.

 Horumarka Xadaaradda Galbeedka

Dunida reer galbeed wakhti badan bay ku noolaayeen dib-u-dhac iyo weliba dhibaatooyin aad u tiro badan. Wakhti aad u dheer waxaa in badan oo Yurub ah, xukumaayey boqortooyadii Roomaanka, oo kaashanaysa kaniisada oo xilligaas saamayn culus lahayd. Dhanka horumarka sayniska aad bay ugu danbeeyeen, weliba waxa ay ku darsadeen caburinta ciddii waxaa la timaada, xilligaas Yurub mugdiga u ahayd, shiinaha oo ku abtirsada xadaarad qadiimi ah, oo lagu magcaabo Sinik, waxa ay ku naaloonaysey horumar badan oo lagu amaani karo, sidaa si lamid ah, xadaaradda Islaamka waxaa ka socday horumar dhan walba ah, marka laga reebo siyaasadda oo aannay ka muuqan heshiis.

Wax badan oo ay boqortooyadii isku dayday caburin, waxaa ugu danbayn ka soo baxay rag aqoonyahanno ah, oo ka biyo diiday qaabka wax u socdaan, inkasta oo la dilay qayb badan oo kamid ah, balse ugu danbayn waa ka guulaysteen, waxaana dhaawac xoogan ku yimi boqortooyadii Roomaanka. Xilligan waa xilliga ay taariikhyanadu ugu yeeraan "
Renaissance ", oo ku beegan, laga soo bilaabo qarnigii afar iyo tobnaad, sida oo kale, dhowr qarni kadib waxaa ku began xilligii ay kacdoonadu ka curteen dhulwayanaha Yurub, tusaale ahaan qarnigii siddeed iyo tobnaad dalka Faransiiskaa waxaa ka dhacay kacdoon, sidaa si lamid waxa uu ka dhacay Ingiriis iyo Maraykanka.

Wixii ka danbeeyey qarnigii shan iyo tobnaad waxa ay Yurub u ahayd waa cusub, halka boqortaydii markaas ka jirtay shiinaha ay gaf weyn oo siyaasi ah  samaysay, waxa ay joojisay maraakiibta isaga goosha qaaradaha iyo dhulalka kala fog-fog, oo ujeedkoodu yahay ganacsiga. Halkaas shiinaha waxaa uga bilaaban doona burbur dhaqaale iyo weliba bulsho. Xadaaraddii Islaamka dhexdooda waxaa ka socday dagaal dhanka siyaasadda ah, halka Yurub ay bilowday aqbalaada Sayniska, soo dhowayntii wixii horumar iyo dhismo dhan walba ah: mid dhaqaale, siyaasi iyo weliba ciidan.

Yurub waxaa billowgii hoggaanka u qabtay dhan walba dalka Ingiriiska, dhaqaalyahanka weyn ee Jeffrey Sachs, buuggiisa The End of Poverty, wuxuu ku qeexay horumarka dawladdii Ingiriiska mid bulsho, siyaasi iyo weliba deegaan. Dawladda Ingiriisku horumarka tiknooloojiyada waxa ay kaga hormartay boqortooyadii shiinaha, oo wakhti dheer kaalinta koowaad ku jirtay. Waxaa kaloo xusid mudan labo arrimood: kow, horumarka Yurub ee dhan walba leh, ee Ingiriis hoggaanka u qabtay iyo weliba dib u dhaca ku billowday boqortooyooyinkii tartanka kula jiray, sida: xadaaradda Islaamka iyo weliba xadaaradda Sinik-ta, waxa ay keentay in reer Yurub gaar ahaan dawladda Ingiriisku ay seddex meelood deegaamaystaan, dadkii asalka u ahaana ka xoogaan, kow, Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka maanta ugu awoodda badan adduunka Maraykanka, labo, Ustareeliya (Australia), seddex, New Zealand, seddexdan dal waa seddexda uu ugu yeeray dhaqaalyahankii, taariikhyahanka ahaa Angus Maddison "Western offshoots".

Arrinka labaad waxa weeye, laga soo bilaabo qarnigii lix iyo tobnaad waxa uu ahaa xilligii dhaqaale kobaca casriga ah ee adduunku uu si fiican billowday, sababtu waxa ay ahayd horumarka dhanka tiknooloojiyadda, sayniska iyo weliba kacaankii warshadaha (Industrial Revolution) ee markaa la gaaray. Dhowr qarni bay ku qaadatay reer Yurub in ay samaystaan siyaasad dhiig cusub wadata, dhaqaale aqoon iyo agab casri ah ku shaqaynaya iyo awood ciidan, oo ay ku jirto wixii ka horyimaada. Tusaale ahaan 1800 sanadku markii uu ahaa reer Yurub waxay xukumayeen 35% dhulka adduunka, toddobaatan iyo siddeed sano kadib, oo ku began sandkii 1878-dii waxay xukumayeen 67% adduunka, 1914-kii waxay xukumayeen 84%. Fariid sakeriya maqaalkisii ugu danbeeyey “The Self-Destruction of American Power”, waxa uu leeyahay sandkii 1900, dawladdii Ingiriiska waxa ay xukumaysay afar meelood dadka adduunka ku nool.  Inkasta oo ay reer Yurub awood yeesheen, boqortooyo walba oo jirtayna ka awood bateen dhan walba, haddana reer Yurub dhexdooda waxaa dhex maray dagaallo aad u culus, oo ay taariikhyanadoodu ku sifeeyeen dagaalkii koowaad ee adduunka iyo weliba dagaalkii labaad ee adduunka.

Marwaan Bishwaar, sida uu ku soo qaatay barnaajimyadiisa uu ka baahiyo Al-Jazeeera waxa uu xusay in dagaalkii koowaad ee adduunka ay reer Yurub kaga dhinteen 6, 800, 000 kun, oo rayid ah, halka ciidamada ku dhintay dagaalkaas lagu qiyaasay 9,700, 000 kun oo qof; dagaalkii labaad ee adduunka waxaa ku dhintay dad rayid ah oo tiradooda lagu qiyaaso 30, 500, 000 kun oo qof, halka ciidamadu lagu qiyaaso 21, 000, 000 oo qof. Natiijadii dagaalkii labaad waxa ay noqotay guul-darrada dalal dhowr ah iyo guusha dalal kale. Waxaa in la xuso mudan labo arrimood oo muhiim ah: kow, reer galbeedka tiro ahaan adduunka waxa ay ka yihiin wakhtigan, 12%, waa tiro aad u yar, balse tayo ahaan aad u sarreeya, sida uu qabo Kishore Mahbubani, xadaarada galbeedka la'aanteed horumarka aadanuhu gaaray, lama gaareen reer galbeedka la'aantood. Labo, labo boqol oo sano oo xadaarad reer galbeed adduunka xukumaysay, ma jirto xadaarad aanay gumaysan ama aanay saamayn: siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan.

Burburkii boqortooyadii Cismaaniyiinta iyo nolosha Cusub ee muslimiinta

Awoodda iyo horumarka reer Yurub kaliya ma keenin horumar iyo dagaalo lagu hoobtay oo aanan la mahadin, balse waxyaabaha uu keenay waxaa kamid ahaa, nidaam siyaasi oo cusub, iyo weliba dalalka oo aanay horey u aqoonsanayn boqortooyooyinkii hore. Dagaalkii koowaad markii uu dhammaaday waxaa burburay afar boqortooyo oo markaas jiray, kow, waxaa soo galaya boqortooyadii Cismaaniyiinta, oo markaas metelaysay xadaaradda Islaamka, dawladna u ahayd muslimiinta. Labo, boqortooyidii Raashiyaanka, seddex, boqortooyadii Jarmalka, afar, Austro-Hungarian. 
Dawladdii Cismaaniyiinta oo u soo talinaysay muslimiinta badankood, muddo ku siman 1299-kii ilaa 1922-kii ayaa soo gabagabowday. Markii ay burburtay, xarunteeda oo ay ahayd dalka maanta loo yaqaan Turkiga, waxaa ka asaasmay dal casri ah, oo loogu magac daray Turki, waxaana asaasay Mustafa Kamaal, oo lagu naanayso Ataaturk (Ataturk) oo macne ahaan noqonaysa aabbihii Turkiga. 

Bariga dhexe oo ah xuddunta xadaaradda Islaamka, qoraalkanna uu xooga saari doono, ayaa waxaa mustaqbalkiisa ka talin doona, laba dal inta badan, labo magaalo baana lagu jaangoyn doonaa: Baariis iyo Landhan. Badi maanta dalalka bariga dhexe ka jira waa dalal aan dhab ahayn (Artificial state) waxayna dhasheen waxaanan ka badnayn boqol sano ka hor, waa waxa uu ugu yeeray diblomaasigii reer Masar Taxsiin Bashiir qabiillo calamo leh "Tribes with flags". Samuel Huntington wuxuu leeyahay asaasaha Sacuudigu waa maxsuulka xirfadiisa uu ka abuuray is-bahaysi qabiileed, isagoo u maraya guur iyo wadooyin kaleba.

Fikraddaas mid ka duwan waxaa qaba aqooyahanka reer Kanada oo ka baxay jaamacadda Qaahira, ee dalka Masar 1975-tii, ee lagu magcaabo Chris Giannou, waxa uu reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska ku eedeeyey qaabka ay u maareeyeen burburkii dawladdii Cismaaniyiinta kadib. Dhammaan dalalka bariga dhexe waa maxsuulkii gumaystihii reer Yurub, waxaa laga reeba dalal faro ku tiris ah, tusaale ahaan Iiraan.

Iiraan marka koowaad maaha dal Carab ah, marka labaad Iiraan waxay hoy u ahayd xadaarad weyn oo qadiimi ah, oo ah tii Beershiya, mar seddexaad Iiraan, markii Muslimku gaaray waxay kamid tahay meelaha diinta Islaamka laga qaatay, balse aan laga beddelin Afkoodii hooyo iyo weliba dhaqankoodii, afar, Iiraan 1906-dii waxa ay lahayd dastuur, casri ah, markaasna badanka dalalka Muslimka ah ma jirin ama dastuurba maskaxdooda kuma jirin.

Waaga Cusub ee Bariga Dhaxe

Asaasitaankii dalalka cusub ee Bariga Dhexe waxaa ka biyo diiday tiro badan oo Islaamiyiin ahaa, oo rabay in ay qaybsnaantu ay tahay dagaal ka dhan ah muslimiinta iyo midnimadooda. Yeelkeeda, Bariga dhexe kaliya lama qaybin oo dalal cusub lagama dhisan, balse waxaa loogu daray gumaysi. Waxayse arrintu ka sii dartay asaaskii Israa'il, oo ahaa riyo Yuhuudi muddo naawilaysay; halka asaaskoodu ka noqday burburka, rejo la'aan iyo weliba qarowga Carabta si guud, si gaar ahna reer Falastiin.

Halgan dheer kadib waxaa xorrinimadii qaatay badi dalalka Bariga dhexe, balse waxaa xusid mudan intii lagu gudo jiray halgankii xornimo doonka iyo weliba xorriyaddii kadib in bariga dhexe labo qolo awoodda u tartamaysay; Cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin. Ururadii Islaamiyiinta siyaasiga ah ee ugu horreeyey waxaa Masar ka asaasay Xasan Al-Bannaa sanadkii 1928-dii, oo asaasay xisbiga Ikhwaanul Muslimiin, mid kamid ah, xisbiga islaamiga ah ee ugu awoodda badan Masar. Inkasta oo dalalka Carbeed ee bariga dhexe ay gacanta u galeen cilmaaniyiin, kali-taliyeyaal ah ama kuwo qoys ah wax ku xukuma oo boqortooyo isku sifeeyey. Halgan cusub bay bilaabeen ururada Islaamiyiinta ah, si guud, si gaar ah Ikhwaanul Muslimiinku waxa uu gaaray dalal badan oo Carab ah, meelaha aanu gaarina waxaa ka jiray ururo kale oo Islaami ah.

Mucaaradkii ugu adkaa cilmaaniyiinta xilka qabtay waxa uu kaga yimi Ikhwaanul Muslimiinka, taasi waxa ay keentay dawladdii Masar in ay disho ugu danbayn maskaxdii ka danbaysay fikradaas. Balse taasi kama joojin halgankii ay wadeen. Waxaa xusid mudan, laga soo bilaabo halgankii Carabi u gashay xornimada in cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta ay u dhexeysay nacayb aad u dheer. Inkasta oo ay doorashooyinkii dhacay gu'gii Carabta (Arab spring) ee soo bilowday 2011-kii ay jireen cilmaaniyiin iyo Islaamiyiin wada shaqaynayey, sida oo kale doorooshiyinkii ka dhacay dalka Masar siddeedtamaadkii waxay wada-shaqayn dhex martay xisbiga Wafdi iyo Ikhwaanul muslimiin, mid waa cilmaani, kan kalena waa islaami.

Laga soo bilaabo xornimadii kadib, oo ku beegan qarnigii labaatanaad bartankiisii, ilaa iyo maanta bariga dhexe aad buu uga danbeeyaa meelo badan oo adduunka kamid ah. Vali Nasr waxa uu ku dooday carro-edegaynta (Globalization) adduunka ka dhacday, oo keentay in adduunku uu aad iskugu xirmo, oo aanu kala maarmin, in ay Carabi ka maqantahay, tusaale isagoo u soo qaadanaya in aanu jirin wax soo saar Carabi samayso; Vali Nasr isla buuggiisa Forces of Fortune, waxa uu ku dooday in ay bariga dhexe horumar ka sameeyey meelo kala duwan, weliba dhanka dhaqaalaha, balse horumarka dhaqaale  waxa uu ku koobanyahay dalalka soo saara shidaalka ee Khaliijka, balse u fiirso dalalka aan shidaalka lahayn dhammaantood waa kuwo aad u liita dhan walba: dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo weliba aqoon ahaan.

Kali-taliyaal Magacyo Kala Duwan

Xornimadii kadib Bariga dhexe, sida aan horay u xusay waxaa xukumaayey kali-taliyeyaal cilmaaniyiin ah, boqortooyo isku sheeg qabiil ku dhisan, wadaaddona kaa- shanaya, warka naxdinta leh baa ah meelaha qaar waxaa xukumaayey qoysas ama qabiillo tiro yar,(Minority)- dhib malaha ha xukumee- aanan wax horumar ah gaarsiin dadkiisa iyo dalkiisa. Tusaale ahaan, dalka Ciraaq tirada ugu badan waa shiico (Majority), in badan oo kamid ah waxaa xukumaayey Sunni oo Ciraaq marka la joogo aad u tiro yar (minortiy) dhib maleh oo kan tirada yarba dalka waxbuu ku leeyahay in uu xukumona xaq buu u leeyahay, balse dhibtu waxa ay tahay in uu dagaal dadban iyo mid toos ahba lagu qaaday dadkii tirada badnaa: xorriyad la'aan, dhaqaale xumo, caafimaad xumo, waxbarasho xumo, hoggaan xumo, dawlad tayo liidata, musuqmaasuq, eex, dulmi iyo wixii lamid ah; sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday oo weli ka jirtaa dalka Siiriya, oo shiico  tiro yar [Calawi] baa xukumaysay inta badan dalka Siiriya, oo Sunni ah, weliba waxaa u raacday in hal qoys wiil iyo aabbihii xukumayeen.

Masiibada dalka Siiriya uu kaga duwanyahay Ciraaq waa; markii uu dhintay madaxweynihii hore ee Siiriya, Xaafid Al-asad waxa uu Bishaar al-asad oo ah wiilka Xaafid ku maqnaa dalka dibadiisa. Markii aabbihii dhintay buu dalka dib ugu soo laabtay, da'diisa oo yar dastuurku uma oggolaanayn in uu noqdo madaxweynaha dalkiisa, balse yaa ku yidhi, dastuur baa bariga dhexe lagu dhaqmaa, Bishaar Al-asad waxa uu beddelay dastuurkii, waxa uuna noqday madaxweyne. Masar dastuurka ninkii xilka hayaa sidii doono buu u dhigaa, xataa kan hadda xilka hayaa.

Qarni barkii dalalka bariga dhexe iyo waqooyiga afrika waxaa xukumaayey kali- taliyaal cilmaaniyiin u badan, meelaha qaarna boqortoyo, balse nasiib-darradu waa tan: bishii sagaalaad, kowdeedii, sanadkii 1969-kii af-genbi ciidan waxaa madaxweyne ku yimi dalka Liibiya Mucamaral Qadaafi, sanad ka hor 1968-dii waxaa af-genbi dalka Ciraaq ku qabsaday Sadaam Xusayn, 1952-dii waxaa madaxweyne noqday dalka Masar Jamaal Cabdinaasir, waxaa beddalay kali-taliye oo toban sano xukumaayey dalka Masar Anwar Sadaat, 1981-dii baa shirqool lagu dilay, waxaa beddelay gacanyarihiisii, oo markaa aad ugu dhowaa, Xusni Mubaarak, oo soddon sano xukumaayey, Tunuusiya, Sayidul Caabidiin, baa xukumaayey muddo dheer. Dhibtuse waxa ay tahay badanka nimanka ciidamada ahaa ee xilka qabtay aqoon jaamacaddeed ma lahayn, kaliya aqoontoodu waxa ay ahayd ciidamada.

Waxaa kaloo xusid mudan in dawladaha khaliijka oo nidaamka boqortooyo isku xukuma, uu af-genbi aanu dhiig ku daadan uu ka dhacay, dalka Qadar, boqorka hadda talada dalkaa haya ayaa aabbihii xilka kala wareegay. Sanadkii 1996-dii waxaa fashilmay af-genbi kale oo lala damacsanaa boqorka aabbihii xilka ka xoogay, Al-jazeera muuqaal ay siidaysay dhowr isbuuc ka hor, sanadkan aynu ku jirno, waxa uu cadaynayaa in Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay af-genbigaa ka danbeeyeen.


Gu'gii Carabta (Arab Spring)

Nin dhallinyaro ah, oo qudaarta ka ganacsada, baa booliska Tuniisiya si foolxun ula dhaqmeen, oo ay ka qaadeen gaarigii yaraa ee uu qudaarta ku iiibsanaayey, dacwo isagoo ah buu u tagayaa xarunta dawladda hoose, balse mar labaad buu kula kulmayaa bahdilaad iyo xaqiraad. Maxaa kuu haray oo aad u nooshahay buu is-weydiiyey? Jawaab waxaa u soo baxday in uu is-gubo, meel aan ka dheerayn buu ka soo iibsaday gaas, kama war-wareegin in uu dab naftiisa qabadsiiyo, dhowr cisho kadib waxa uu u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dabkii. Waa Maxamed Bawaasiisi, oo reer Tunuusiya ahaa, balse wiilkaa yar baa shidi doona kacdoon galaafan doona kali-taliyaashii xilka iska hayey oo qaarkood aamineen labo shay: in ay dalka ugu caqli badanyihiin, oo ay keligood xukumi karaan iyo in aanay ba dhimanayn. Nadar Al-Haashimi waxa uu sheegay Maxamed Bawaasiisi gadaashii afar boqol oo qof oo Carbeed baa nafta iska jaray, inta aan la diiwan gelin ba warkeeda. Maxay dhallinyaradu ay naftooda u goynayaan? Jawaabta oo fudud waa: shaqo la'aan, waxbrasho xumo, musuqmaasuq, horumar la'aan, fursad la'aan, dawlad tayo xun, xorriyad la'aan, caddaalad-darro iyo dulmi joogto ah.

Balse qodobo aan soo koobay kuma filna, in aynu fahano kacdoonadii badankoodu fashilmeen ee soo bilowday 2011-kii. Waxa ay u baahantahay in aynu xooga dul istaagno dhibaatooyinka kiciyey dadka Carbeed.



Tirada dadka Bariga Dhexe iyo Muslimiinta

Tiro ahaan dadka muslimiintu si aad ah bay u korodhay, laga soo bilaabo 1950-kii ilaa maanta, si gaar ahna waxaa kordhay bulshada Carbeed aan tusaale yar soo qaato: 1965-tii ilaa 1990 dalka Marooko dadkiisu waxa uu kordhaayey sanadkii 2.65%, waxay ka soo dhaqaaqeen sanadkii 1965-tii 29.8 milyan, 1990-kiina waxa ay yimideen 59 milyan, sidaa si lamid ah waxa ay ka dhacday dalka Al-jeeriya oo sanadkii koraayey 3.0%, dalka Masar waxa uu koraayey 2.3%, 1965-tii waxa uu ka soo dhaqaaqay 29.4 milyan waxaana uu yimid 1990-kii 52.4 milyan. Jamaal Cabdi Naasir markii uu madexweyne ahaa dalka Masar waxa tirada dadkiisa lagu qiyaasaayey 18 milyan, sanadka aynu ku jirno waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 90 milyan. 

Mar haddii aynu soo hadal qaadnay tirada dadka, inkasta oo uu qoraalkan xooga saari doono bariga dhexe, sida aan horay u xusay, balse waxaa ila muhiim noqotay in aan wax yar ka iraahdo tirada dadka muslimiinta iyo tirada guud ee aadanaha. Tirada guud ee dadka ku nool adduunka intii u dhaxaysay 1965-tii ilaa 1990-kii waxa uu kordhaayey 1.85% sanadkiiba. Sanadkii 1965-tii tirada dadka adduunka ku nool waxa ay ahaayeen 3.3 bilyan, 1990-kiina waxa ay gaareen 5.3 bilyan. Halka muslimku korayeen sanadkiiba 2.0%, 2.5% iyo 3.0%.

Tirada guud ee dadka maanta adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa toddoba bilyan, shan meelood hal meel ka mid ah (1/5) waa muslim, qaramada midoobay waxa ay sheegtay in bartamaha qarnigan tirada guud ee dadka adduunka ku nool ay gaarayso toban bilyan, seddex meelood hal kamid ah (1/3) dadka adduunka ku nool waxa ay noqon doonaan dadka muslimka, waa tiro lagu qiyaaso 3.5 bilyan; Samuel Huntington buuggiisa "The Clash of Civilizations", waxa uu ku leeyahay 1980-kii muslimku adduunka waxa ay ka ahaayeen 18%, 2000- waxa lagu qiyaasayaa tiro ahaan 20%, halka 2025-ka lagu wado in ay ka noqdaan 30%.


Koritaanka Dhaqaalaha iyo Fursadaha Shaqo

Inkasta oo ay si guud Muslimiintu, si gaar ah bariga dhexe muslimiinta ku nool, guul uga gaareen sida carruurta loo dhalo, waxa ay ku guul daraysteen in ay carruurtaa mustaqbal wanaagsan u diyaariyaan. Bal u fiirso xogtan, 140 milyan oo dadka Carbeed ah waxay ka hooseeyaan xariiqda saboolnimo, inta aanay kacdoonadu bilaaban, in kabadan 50% dhallinyarada dalka Yaman, Ciraaq iyo Al-jeeriya waxa ay ahaayeen shaqo la'aan; shaqo la'aan naxdin gariir ah iyana waxay ka jirtay, welina ka jirtaa dalka Masar. Waxaa kaloo in la xuso mudan 180 milyan baa dhallinyaro ah dadka Carbeed, 60% dadka bariga dhexe waxa ay ka yaryihiin Shan iyo labaatan jir.

Dalka Iiraan 40% waxa ay ku noolyihiin meel ka hoosaysa xariiqda saboolnimada, farqiga u dhaxeeya saboolka iyo taajirku waa sii ballaartay; saboolku sabool buu sii noqday, qanigu qani. Shaqo la'aantaa waxaa sababay koritaankii dhaqaalaha oo istaagay (Economic Growth Stagnation) wax soo saar maskaxeed oo aana jirin, waxa ay aqoonyahanadu ugu yeeraan "Creative destruction" oo aan la samayn, dib u dhac ku yimid dhanka warshadaha (decreased industralisation) musuqmaasuq, kaabyaasha dhaqaalaha oo aad u liita, iyo tan ugu weyn oo ah hoggaamiye xumo.

Horumarka Dhanka Aadanaha

Dhankii shaqadii iyo dhaqaalihii haddii aynu aragnay, bal aynu eegno markan, dhanka xaaladda aadanimo (Human condition), hab-nololeedka (standard of Living) dadka ku nool bariga dhaxe aad buu u liitaa; haddii ay noqoto: waxbarasho, dakhli ama dadka shaqeeya iyo xaaladda caafimaad. Sanadkiiba United Nations Development Program (UNDP) waxa ay soo saartaa warbixin ay ugu magac dartay Arab Human Development Report, tusaale ahaan 2002, waxa ay warbixintooda ku xuseen caqabado dabo-dheeraaday, sida: xorriyad la'aan, xaquuq dumurka ah oo aanan jirin, aqoontii oo aad u liidata, warbixino kale baa sheegaya nabad galyo xumo, iyo dawlad gabtay doorkeedii daryeel. 35% dumarka ayaa haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare, taasoo muujinaysa in ay aad u sarayso dumarka aan waxba baran (High Illiteracy Women) Waxaa kaloo aanan jirin gudbinta aqoonta ama waxbarashada taas oo aad u yar; is-diiwaan gelinta waxbarashada sare oo hoos u dhac ku yimid iyo maalgalinta waxbrashada sare oo iyana hoos u dhac ku yimid, sanadkii 1985-tii baa ka maalgalin sareysay waxbarashada sare, marka maanta loo eego. Waxaa intaa raacda dadka oo aanan haysan wargayso tayo leh, iyo muuqaal baahiye tayadiisu aad u sarayso, oo ay kala socdaan xog dhexdhexaad ah, dalka Masar oo kale wixii baraarug maskaxeed bulshada ku abuuraya aad baa loo yareeyey, kali-taliye walba oo Carbeedna sidaas buu sameeyey. Tayada waxbrashada hoose oo aad u liidata.

Halkan kun oo sano oo laga joogo dhammaadkii khilaafadii Cabaasida, oo sida aan horay u xusay dad badan ugu yeeraan naanaysta "Golden Age", buug yar baa loo turjumay Afka Carabiga, waxaa ka badan inta loo turjumay Afka Isbaanishka, ee dalka Isbayn hal sano. Sida uu ina tusayo tiro-koob la sameeyey 2005-tii oo ay samaysay golaha sare ee dhaqanka ee dalka Masar (Egypt's Supreme Council Culture) waxa uu leeyahay dunida Carbeed sanadkiiba waxaa buug la daabacaa 1, 650 buug; halka dalka Maraykanka la daabaco sanadkii 85,000 oo buug. Saynisyahankii reer Masar, Axmed Suwayl ee ku guulaystay bilada Noble Prize ee Chemistary-ga sanadkii 1999-kii, buuggiisa Age of Sceince oo la daabacay sanadkii 2005-tii waxa uu ku leeyahay: "Warqadaha sayniska ah, ee caalamka la daabaco dunida Carbeed waxa ay ka tahay 0% ilaa 0.03%, halka Israa'iil  ay warqadaha Sayniska ah ee la daabaco ay ka tahay 1.3%. Ku darso Yahuud oo dhan marka la isku daro waa waxaanan ka badnayn toban milyan; halka tiro ahaan maanta Carabi u dhaaftay  boqol milyan. 

Maqaal uu qoray Jamaal Sanad al-Sawaydi, oo uu ugu magac daray: "Arabic Language in Light of Change: Difficulties and Challanges", waxa uu ka digayaa in Afka Carbeed la waayi doono haddii aanan maal-galin lagu samayn, isagoo weliba xusaya in aanu ahayn maanta ahayn Af cilmiyeed. Waxa uu soo xiganayaa abwaan Xafiis Ibraahim oo ka digaya saxariirta maanta Afka Carbeed ku jiro in uu noqdo kii uu dhiman lahaa, wuxuuna leeyahay abwaanku:

 "Don’t leave me to the torments of life, for fear you may lament my demise".

"Ha igaga tegina saxariirta nolosha waxaan idiinka cabsanayaa inaad ka baroor-diiqdaan [Calaacal] geeridayda".

Waxaa kale oo qoraagu xusayaa in aanay jirin wax wax soo Saar Saynis ah, weliba Sayniska biyuurka ah oo ku soo baxay Afka Carbeed, qaybta Social Science iyo humanities wax soo saarka afka Carbeed uu aad u yaryahay.

Dawlad wanaagga Bariga Dhexe

Buuggooda "Why Nations Fail", Daron Acemoglu iyo James A. Robinson waxa ay ku doodeen wax dalna hormariyey oo barwaaqo dhan walba ah u horseeday; dalkalena burbur iyo dib-u-dhac walba u horseeday waa hay'adaha dawliga ah, baa dal hormariyey, midna din-u-dhigay, marka labada qoraa waxay ku dooddayaan aragtida hay'adaha (Institutional Theory). Balse su'aashu waxa ay tahay yaa horta dhisa hay'adaha? Ma iyagaa iska dhisma? Mise dad baa dhisa? Halkan baynu ka fahmaynaa in labada qoraa si dadban ugu dooddayaan bulsho horumarkeedu iyo fashilkeedu waxa uu ku xiranyahay hoggaamiyaha taladu ka go'do.

Bariga dhexe muddo dheer waxaa ragaadiyey af-genbi ciidan. Balse, ciidamadii qabtay oo xukumaayey bariga dhexe muddo ka badan qarni barkii, waxa ay ku sifoobeen dawlad xumo, musuqmaasuq. Tusaale ahaan waxaa lagu qiyaasaa hantida madaxweynihii hore ee dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax in ka badan soddon milyan, Xusni Mubaarak waxa uu ku sifoobay musuqmaasuq, Xafid Al-asadkii hore ee Siiriya, waxa la sheegaa in uu u yeeray, dhammaan wasiiradiisii, kuna yiri: "Xilka idin ka qaadi maayo, ana ha igu soo warwareegina". Wasiir walba waxa uu xalaalaystay booskiisa. Si dadban waa aynu wada shaqaysanno, nin walbow booskaa aad hayso wixii kaa soo gala iimaanso, anna ha igu soo warwareegina. Sadaam Xusayna waxba ma dhaamin.

Musuqmaasuq kaliya kuma sifoobin, eex, dulmi, xorriyad la'aan, caburin, dil, garaacid iyo dhammaan waxii lagu yiqiin dawlad xun bay ku sifoobeen. Balse waxaa jiray wax ay ugu yeeraan aqoonyahanka ka faalooda gobalka jiilkii hore (Old Generation) oo ah kali-taliyeyaashii xilka ku qabtay af-genbi, kuwa hore waxa ay u janjeereen dhankii Soofiyeedka, balse waxaa jira kuwa kale oo lagu magcaabo jiilka cusub (New Generation) kuwan danbe waa carruurtii kali-taliyeyaasha ama natiijadii iyagu waxa ay ku soo beegmeen, xilli laga adkaaday Soofiyeedkii, marka siyaasadooda waxaa jihaynaysay International Monetary Fund (IMF) iyo World Bank (WB), balse jiilkii hore iyo jiilkii danbe waxay ka sinnaayeen in ay ku tacaddiyaan xilka loo igmaday.


Maxaa ka Dhashay? 

Kacdoonadii Carabta ee soo bilowday 2011-kii, waxaa guulaystay oo kaliya kii Tunuusiya, oo is-beddel ku yimid, dalka Masar markii koowaad reer Masar waxa ay doorteen madaxweyne si dimuqraadiya, Maxamed mursi, balse sanad kadib, oo ku beegan sanadkii 2013-kii waxaa af-genbi ku sameeyey ciidamada, oo uu hoggaaminayo Cabdifataax Al-Siisii.

U fiirso halkan, dalka Yaman, waxaa 2015-kii duulaan ku qaaday Sacuudiga iyo xulafadiisa. Sacuudigu waxaa kaga baxa dagaalka Yaman bilyan lacag in ka badan bishii, weli wax natiijo ah kama hayo, dhaleecayn weyn waxa ay kaga timid adduunka oo dhan. Xaaladda Yaman waxa ay noqotay mid aad u xun, oo xasuuq u eg. Balse Yaman waxaa isku haysta Shiico tiro yar iyo Sunni oo aqlabiyada ah, qabiillona meesha kama maqna, waxaa kale oo ay Yaman noqotay garoon ay ku ciyaaraan Sacuudiga iyo Iiraan. Dalka Liibiya Sunni baa Sunni dilaya, qabiilna meesha kama maqna, waxaa u raacda awooddaha gobolka oo iyana ka dhigtay garoon lagu ciyaaro dalka Liibiya. Dalka Siiriya shiico tiro yar iyo Suni tiro badan baa is-haysta, isla Siiriya waxa ay noqotay garoonka ugu weyn ee awooddaha adduunku ku ciyaaraan, Ciraaq dawlad aan cago badan ku taagnayn baa ka jirta, oo aan awooddeedu shaqayn, Ciraaq qudheeda waxaa isku haysta Shiico tiro badan iyo Suni tiro yar, qudheedu laga soo bilaabo 2003-dii waxa ay ahayd garoon ay ku ciyaaran awoodaha gobalka iyo awoodaha caalamka. Lubnaan dawlad cago adag ku taagan kama jirto, loollanka Sacuudiga iyo Iiraan oo cirka isku sii shareeray, oo gaaray halkii ugu xumayd, xariir aan wanaagsanayn oo dhex yaal dawladaha Khaliijka gudahooda, labo sano in ka badan baa Sacuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Masar go'doomiyeen dalka Qadar, welina wax saansaan heshiis ah kama muuqato.

Xuutiga dagaalka kula jira Sacuudiga oo duqayn u gaysta Imaartaadka iyo Sacuudiga. Hardan siyaasadeed oo ka jira gudaha Sacuudiga, Maxamed Binu Salmaan oo cadow badan ka samaystay rag awood leh, oo boqortooyada ah. Bruce Riedel oo soddon sano ka soo shaqaynaayey CIA-da Maraykanka aqoon fiicanna u leh dalka Sacuudiga waxa uu sheegay in dagaalka u dhexeeye qoyska boqortooyada, gaar ahaan Maxamed Binu Salmaan iyo qoyska boqortooyada uu soo bixi doono, dhimashada Maxamed Binu Salmaan aabbihii, Michael  Maloof oo horay uga tirsanaa Pantegon-ka Maraykanka isna waxa uu saadaaliyey in Sacuudiga qudhiisa is-beddel af-genbi uu ka dhici doono, khuburo kale baa iyana saadaaliyey kacdoon in uu ka dhalan karo dalka Sacuudiga.  Iiraan oo cunaqabatayn caalamiya Maraykan galiyey, xaaladda kanaalka Hormus oo aanan sahlanayn iyo Falastiin oo ku jirta xaaladdeedii ugu liidatay, Kushnar oo ah wiilka uu soddaga Trump u yahay oo wada heshiiskii qarniga (deal of the century) inkasta oo aanan la ogeyn waxa uu heshiiskaasi yahay, balse waxa ay u muuqataa kii Falastiin oran lahaa maba jirtaan, oo wax labo dal oo Israa'iil iyo Falastiin la dhaho ma jiraan. Waxaa kaloo iyana Bariga Dhexe iyo Koonfur Aasiya caado ka noqotay ururada Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee hubaysan, kuwaas oo caqabad ku noqoday nabad dhalata.


Gunaanad

Akhristaha sharafta lahow, qoraalkan kooban waxa uu xooga saarayey bariga dhexe si gaar ah, balse waxa aanu si qoto dheer uga hadlin muslimiinta kale ee adduunka oo ah dadka ugu badan ee muslimka ah, bariga dhexe muslimiinta guud waxa ay ka yihiim wax yar, Iiraan iyo Sacuudiga oo la isku daray waxaa ka muslimiin badan dadka Muslimka ah ee Hindiya ku nool, Indoniisiya qoraalku kama sheekayn inkasta oo ay ku noolyihiin muslimka adduunka ugu badan. Balse, ogow, bilyan Muslim ah baa maalin walba shan jeer qibladoodu tahay magaalada barakaysan ee Maka, oo ah xudunta Islaamka, taas oo ina tusaysa muhiimada bariga dhexe u leeyahay muslimiinta.

Waxaanu qoraalkan sidoo kale aanu waxba ka oran doorka reer galbeedka si gaar ah Maraykan oo caado ka dhigtay laga soo bilaabo qarnigii labaatanaad in ay faro gashtaan arrimaha bariga dhexe, waxaanu qoraalku aanu waxba ka oran Israa'iil iyo xiriirka u dhexeeya Carabta iyo weliba dagaaladii dhex maray. Sida oo kale waxaanu qoraalku waxba ka oran dawladda Ruushka oo maanta noqotay laacib muhiim ka ah arrimaha bariga dhexe.

Sida oo kale waxaanu qoraalku si faahfaahsan uga hadal Islaamiyiinta hubka qaatay oo xagjirka noqday, kuwa siyaasada xal ka doonay, iyo weliba xiriir aan wanaagsanayn ee qudhooda u dhaxeeya. Waxaanu sidoo kale aanu ka hadlin, kacdoonkii Carabta Yaa caqabad ku ahaa in uu guulaysto? Waxaanu ka hadlin doorka warbaahinta Carbeed, weliba si gaar ah Al-jazeera oo noqotay mid kamid ah warbaahinta ugu saamaynta iyo awoodda badan adduunka iyo Al-Jazeera oo bariga dhexe kooto ku xiratay.


                         

                              W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale


Wednesday, May 22, 2019

Maxaa Iiraan Lagu Galay?


Dhalashada Iiraanta Cusub

Muddo dheer dalka Iiraan waxaa ka talinaayey boqortooyo lagu magcaabo Pahlavi ( Pahlavi Dynasty), boqortooyadaa Iiraan ka talinaysay muddo tobanaan sano ah, waxaa galaaftay kacdoonkii ka dhacay dalka Iiran, sanadkii 1979-kii; sanadkaa waxaa ka dhacay dalka Iiraan kacdoon lagu tuuray dawladdii uu xilligaa hoggaaminaayey Maxamed Rida Shaah; Shaah dad badan baa ku dhaliila in uu ahaa dabo-dhilif u shaqeeya, ama ka shaqeeya danaha reer galbeed. Yeelkeeda, waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay dunida reer galbeedka  kacdoonkan ay wadaan wadaado Islaami ah, in uu ka dhaco dalka Iiraan, welibana ay dalka la wareegaan; waxaa se in la xuso ah, kacdoon ka dhan ah dawladdihii Muslimka ahaa ee xilligaas jiray ama xornimadii kadib nidaamayadii talinaayey in ay wadeen wadaaddo Islaami ah, balse suni ah iyo xisbiyo siyaasi ah oo suni ah, oo laga tilmaami karo xisbiga siyaasiga ah ee Islmaagi ah Ikhwaanul Muslimiinka, balse uma suurto galin in suniga oo dunida Muslimka ah ka ah 85% ilaa 90% in ay dal kacdoon ku qabsadaan, Iiraan oo shiico tahay qaalibiyada, dunida Muslimka ahna ka ah, wax lagu qiyaaso 10% ilaa 15% ayaa ku guulaystay in ay dhisaan dawlad ku abtirsata Islaam. 

   Kacdoonka Iiraan ee guulaystay waxaa hoggaamiye ka ahaa, Aayatullaahi Khumayni, oo ilaa maanta dunida si fiican looga yaqaan, tani waxa ay ka caraysiisay dalal badan oo suni ah, gaar ahaan dalka Sacuudiga, labo sababood ba: waa mida koowaad' e nidaamkii Shaah oo xiriir wanaagsan la lahaa Sacuudiga iyo weliba saaxiibada qadiimiga ah ee Sacuudiga, dunida reer galbeedka, gaar ahaan dalka Maraykanka, labo Sacuudigu waxa uu ogaa in Aayatullaahi Khumayni uu dib u soo noolaysiinayo fikirka shiiciga ah iyo weliba loolankii u dhaxeeyey Sunniga iyo Shiiciga, waxaa kaloo xusid mudan in dawladda Sacuudigu ay fikirka Khumayni labo siyood ba ay uga cabsatay: mar waa in Shiico ku dhiiranayso, kuna faanayso dawladdaa iyaga matasha oo u dhalatay, mar labaad waa in ay ka cabsadeen in fikirkaasi uu ku fido gobolka.

    Aayatullaah Khumayni shakhsi ahaan waxa uu aaminsanaa in fikirkiisu aanu ku koobnayn Iiraan oo kaliya, balse uu faafi doono, oo gaari doono dunida Muslimka ah. Bilowgii uu xilka qabtayba shiicada degan dalka Baakistaan waxaa gashay ruux cusub oo ka soo shidaal qaadanaysa dalka Iiraan, waxay bilaabeen dhaqaaq siyaasi ah, dawladdii xilligaas oo aanan u bogin baa caburis dadban iyo mid toos ah ba kala hortimid dhaqdhaqaaqaa, balse waxaa si cad uga hadlay oo welibana dawladdii Baakistaan u hanjabay Aayatulaah Khumayni, isagoo ku leh, waxaan idinku samaynayaa wixii aan ku sameeyey Shaah.

  Dawladda Islaamiga ah, ee Iiraan bilowgii waxa ay ku koobnayd, kuna mashquulsanayd gudaha dalkeeda saamayn xoog lehna kuma lahayn gobolka, marka laga raabo dagaal siddeed sano socday oo dhex maray Iiraan iyo Ciraaq, gobolku waxa uu ahaa nabad, waxaana inta badan saamayn muuqata ku lahaa dawladdaha reer galbeedka iyo weliba xulafadooda qadiimiga ah ee dawladdaha Muslimka ah, gaar ahaan dawladdaha Suniga ah. 

Billowgii Saamaynta Iiraan ee Gobolka.

Dagaalkii ka dhankaa ahaa Ciraaq, oo uu Maraykanku ku qabsaday dalkaas, sanaddii 2003-dii baa waxa uu beddalay nidaamkii wax u socdeen oo dhan. Dad badan oo aqoonyahan ah, oo aad ugu dhuun-duleela siyaasadda gobolka iyo weliba mida Maraykanka baa qaba in dagaalkaas lagu khaldanahaa, siyaasad khaldan oo la qaatayna ay ahayd. Aqoonyahanadaa waxaa kamid ah Francis Fukuyama oo ah aqoonyahan weyn oo dhanka siyaasadda wax ka qora. Yeelkadeede, Buush iyo nidaamkii sii waxa ay ku doodeen in dagaalka Ciraaq uu yahay dabayshii dimuqraadiyada ee gobolkaas iyo weliba soo afjarka xagjirka ka dagaalama gobolkaas.

Haddii 2003-dii uu Buush lagu qanciyey ama uu ku qancay dagaal lagu qaado Ciraaq in uu horseedi doono barwaaqo iyo dimuqraadiyad iyo weliba shacab is-oggol oo ka dhaxeeya hal dal iyo calan waa marin habaabeen.

    Dalka Ciraaq waxaa aqlabiyadda ah Shiico, waxaana in badan soo xukumaayey Suni oo uu ugu danbeeyey Saddaam Xusayn; dagaalkii Maraykanku ku galay Ciraaq waxa uu dhaliyey sida dad badan aqoonyahani qabaan dalkii ugu horreeyey oo Carab ah, oo shiico aqlabiyadda tahay, kaas oo aan horrey u jirin.

    Burburkii nidaamkii Saddaam Xusayn waxa uu ahaa billowgii saamaynta Iiraan. Iiraan waxa ay toos faraha ula soo gashay dalka Ciraaq siyaasaddiisa, waxa ayna noqotay laacibka keliya ee ugu amarka sareeya, taas oo ay ku gaaracday dhiggooda dalalka sunniga ah ee uu hoggaaminayo Sacuudigu iyo weliba dalalka galbeedka ee uu hoggaaminiyo Maraykan. Wixii ka danbeeyey saamaynta ay Iiraan ku yeelanaysay gobolka waa koraysay, halka saamaynta dunida Carabtu hoos u sii dhacaysay. Waxaa in la xuso ah, markii Kurdidu ay bilaabeen in ay afti ku goostaan dhulkooda Maraykan waa uga digay Kurdida in ay falkaa sameeyaan, balse waxba kama beddelin arrinta. aftidii markii ay qaadeen Kuridu oo ku dhawaaqeen in ay goosteen, Iiraan ayaa Kurdidii kala hadashay arrintii aftida miiska wada-hadalkana ku soo celisay. Kurdidu waxay xulufo dhow la yihiin Iiraan, waxayna qayb weyn oo lixaad leh, ka yihiin dadka oggolaanaya saamaynta Iiraan ee gobolka.

Markii uu billowday kacdoonkii Carabtu waxa ay mar labaad ahayd fursad u soo baxday dalka Iiraan. Iiraan kacdoonadii Carabta ka dhashay waxa ay sii siyaadisay saamaynta ay ku leedahay gobolka. Gobolka bariga dhexe oo muddo astaan u ahaa siyaasad deggan, oo ay xukumaan boqorro ama kali taliyeyaal waxaa beddalay xasilooni-darro siyaasadeed iyo dagaallo joogta ah, tobankiii sano ee u danbeeyey. Xasilooni-darro siyaasadeed oo walba oo ka dhacda bariga dhexe ama xasilooni-darro walba oo ka dhex dhacda dalalka carabta waxa ay fursad dahabiya u tahay dalka Iiraan, saamaynteeduna sii koraysay. 

Iiraan miisaaniyada ku baxda difaaceeda waa ka yaryahay dhiggeeda dalalka ay xifaaltamaan. Tusaale ahaan sanadkii 2016-kii machadka Stockholm International Peace Research waxa uu sheegay in 3% dakhligeeda ay dalka Iiraan ku maalgaliso ciidamadeeda; halka dalalka Sacuudigu dakhligiisa sanadkii 10% uu ku maal galiyo ciidamadiisa, Israa'iil 6%, Ciraaq 5% halka Jordan ay ku maalgaliso 4%. Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada aad bay uga danbaysaa dalka Sacuudiga, isla sanadkii 2016-kii dalka Sacuudigu waxa uu ku bixiyey 63.7 bilyan, dhanka difaaca, halka dalka Iiraan ay ku bixisay 12.7 bilyan dhanka difaaca, taas oo ka dhigan in Iiraan dhanka maalgalinta ciidamada ay aad uga danbayso Sacuudiga.

    Balse Iiraan si ay taas uga kabato waxa ay maalgalin isugu jirta tababar, dhaqaale iyo qalab siisay Xuutiyiinta dalka Yaman ka dagaalamaya, kuwaas oo dagaal kula jira xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga oo dalkaas dagaal kaga jira muddo sanada ah, waxaa xusid mudan in Sacuudiga iyo xalufadiisa oo dhaqaale badan haysta, dhaqaale badana galiyey soo iibsashada hubka aanay weli ka guulaysan Xuutiyiinta dagaalka kula jirta. Xuutiga kaliya ma maalgalin dalka Iiraan, waxa  kale oo ay Iiraan taageero siisaa Xisbu-llaah iyo weliba Xamaas, oo dagaal ka dhan ah Israa'iil wada, halkaas kuma istaagin Iiraan waxa ay si toos ah faraha ula gashay dagaalka sokeeye ee ka dilaacay Siiriya iyo weliba  taageero ay siiso kooxo shiico ah, oo dalkaas ka jira, dagaalna kula jiray kooxdii argagixisada ahayd ee Daacish.  Siiriya, Iiraan waxa ay ka noqotay laacibka ugu muhiimsan ee arrimaha siyaasiga ah ee dalkaas iyo weliba dalka ugu horreeya oo weli ku joogo madaxweynaha Siiriya Bishaar al-asad. Markii uu billowday dagaalka sokeeye ee dalka Siiriya; dalalka Ciraaq iyo weliba Siiriya waxaa ka dillaacday kooxda argagixisada ah ee Daacish, taas oo dhul badan qabsatay, kadib waxaa cagta mariyey dalal badan oo ay kamid yihiin: Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo weliba Turkiga.

Obama iyo Iiraan

Dalka Maraykanka oo cuno-qabatayn saaray dalka Iiraan, taas oo la xiriirta hubka nukliyeerka iyo weliba habdhaqanka ay ka wado gobolka oo aan la jeclaysan, muddo dheer ayey xanibaadaasi saarnayd, taas oo ay aad u soo dhoweeyeen Israa'iil iyo weliba dalalka suniga ah, oo Sacuudi ugu horreeyo. Madaxa dalalka Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa si kulul u canbaareeyey Iiraan. Balse saamaynta sii koraysa ee Iiraan waxba kama dhimin, ee waa ku sii kortay; halka Sacuudiga iyo dalalka ay xulafada yihiin saamayntoodu hoos u dhacday. Soomaalidaa tiraahda geedku biyaha waa ku baxaa, Iiraan dhaleecaynta iyo hanjabaada madaxda galbeedka, Israa'iil iyo Sacuudiga waa ay ku kortay.

Sanadkii 2015-kii ayaa dalalka Maraykanka, Ruushka, shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo weliba Jarmalka waxa ay heshiis la galeen dalka Iiraan , kaas oo khuseeyey hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo weliba dabeecadaha ay ka wado gobolka, ugu danbayn dalalkaasi waxa ay ku guulaysteen in ay heshiis la gaaraan dalka Iiraan; Iiraan waxaa laga khafiifiyey cuno-qabatayntii saarnayd. Balse Israa'iil iyo weliba dalalka Suniga ah, ee Sacuudigu hoggaamiyo heshiiskaas waa caro-galiyey, waxa ay ka shekiyeen saaxiibkoodii hore, balse qudhooda waxaa loogu beddalay heshiiskaa in laga iibiyo hubab ay markaa baahi u qabeen. Yeelkadeede, Iiraan saamaynteedii gobolka waa sii korodhay. Heshiiskaa kadib xiriirka u dhaxeeyey Riyaad iyo dhiggeeda ma uusan qaboobin, uma se dhowaan, waxaa sii xumaaday xiriirka laba dal; waxayse ugu darnayd markii dalka Sacuudigu uu dilay dad ka badan afartan oo uu ku jiro wadaad weyn oo lagu magcaabo Nimir Al-nimir, oo shiici ahaa, una dhashay dalka Sacuudiga kaas oo ay ka carootay Iiraan. Taageero ka carooday dilka wadaadkaa oo reer Iiraan ah ayaa weerar ku qaaday safaarada Sacuudiga ee dalka Iiraan, inkasta oo ay Iiraan falkaa dhaleecaysay, kama joojin Sacuudiga iyo xulafadiisa in ay xiriirka u jaraan dalka Iiraan.

Xilligii Trump

   Ganacsade Trump oo aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn siyaasadda ayaa loo doortay madaxweyne dalka Maraykanka. Trump waxaa lagu bartay tan iyo ololihiisii: been, hanjabaad, muslim nacayb, hadallo is-burin, nin cunsuri ah, taageero u ah Israa'il, aad ugu kacsan xiriirka ganacsi ee shiinaha iyo weliba nin diidan heshiiskii lala galay dalka Iiraan iyo weliba heshiiskiisii khuseeyey cimilada, ee lagu saxiixay dalka Faransiiska. Doorashadiisa, siyaasadiisa arrimaha gudaha lama saadaalin karin, iskaddaa tiisa arrimaha dibadee.

  Waxaa xaqiiqo noqonaya hadalkii Fariid Sakariya ee ahaa: "Understanding Donald Trump's foreign policy is a bit of challenges since the president has written and spoken little on the subject for most of his life".

  In la fahmaa siyaasadda arrimaha dibedda ee Donald Trump waa caqabad maadama madaxeynuhu uu wax yar ka qoray ama ka hadlay maadada noloshiisa inta badan.

    Safarkiisii ugu horreeyey Trump waxa uu ku tagay dalka Sacuudiga halkaas oo uu kula kulmay dalal badan oo muslim ah, Sacuudigana xulufo la ah. Halkaas waxaa ka bilaabanaya dhibaato kale. Markii uu dalkiisa ku laabtay muddo kama soo wareegin markii wadanada Sacuudiga, Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn ay cuno-qabatayn cirka, dhulka iyo badda ku soo rogeen dalka Qadar, oo ay xulufo dhow ahaayeen. Dalalkan ayaa Qadar ku eedeeyey argagixiso taageerid iyo falal kale, balse mar kale fursad waxay siiyeen dalka Iiraan oo ay dalka Qadar u soo dhowaatay, Iiraan kaliya ma aha dalka Turkiga oo muddo saldhig ka doondoonaayey bariga dhexe ayaa isna helay fursad dahabi ah kaas oo soo dhowaystay dalka Qadar, welibana saldhig milateri ka helay.

   Trump waxa uu mamnuucay in ay dalkiisa soo galaan lix dal oo muslim ah oo ay Iiraan ka mid tahay, waxa kale oo uu laalay heshiishkii lala galay dalka ee Iiraan ee ku saabsanaa nukliyeerka Iiraan. Waxaa xusid mudan in markii uu Trump ku dhawaaqay in uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, ee uu saxiixay wiilkii madoobaa, in uu hadlay raa'isul wasaaraha Israa'iil Netanyahu uuna yidhi: "anaa ka codsaday in uu Trump ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan". Trump mar kale waxa uu cuno-qabatayn ku soo rogay dalka Iiraan, welibana waxa uu ku hanjabay in dalka Iiraan la tacaamula uu cawaaqib xumo kala kulmaayo, mar kale waxaa arrintan soo dhoweeyey  ra'iisul wasaaraha Israa'iil, mar kalena yidhi: "anaa ka codsaday Mr. Trump in uu sidaa sameeyo". Keliya Israa'iil ma soo dhowayn go'aanka Trump, waxaa kaloo aad u soo dhoweeyey dalka Sacuudiga iyo wadammo uu hor boodo oo sunni u badan.

   Khuburo badan baa saadaalisay in maadaama heshiiska Iiraan la tuuray ay waxa keliya oo banaan ay tahay dagaal. Obama qudhiisa ayaa yidhi: "...heshiis aan Iiraan lala gelin, doorashada keliya oo noo banaan waa dagaal". Balse Iiraan uma joojin waxaas oo dhan saamaynta ay gobolka ku leedahayna waa sii korodhay. Iiraan waxa ay saaxiib dhow ka dhigatay dalka Ruushka, kaas ay heshiisyo badan kala saxiixdeen, saaxiibka uu Ruushku la saaxiibay Iiraan waxa ay siisay fursad ah in bariga dhexe siyaasadiisa uu ka noqdo laacib muhiim. Jarmalka, Ingiriiska iyo weliba Faransiiska muhiim kama aha siyaasadda bariga, sida Raashiyaa. Ruushku fursadaas ma gaareen haddii aanu Iiraan u suurto gelin. Taasi waxa ay muujinaysaa muhiimada dalka Iiraan iyo saamayntiisa. Sida uu qoraal uu qoray ku sheegay Vali Nasr Ruushku waxa uu noqday awoodda keliya ee cid walba kala hadasho arrimaha gobolka.

   Ruushka, Iiraan iyo Turkiga waxa ay jaangoynayaan mustaqbalka Siiriya. Aqoonyahanno badan baa qaba in aanu Ruushku dhaqaale iyo awood ciidan saamayntaa ku yeelan, balse uu ku gaaray siyaasad iyo weliba saaxiibka uu ka dhigtay Iiraan, oo ah mid kamid ah awoodaha gobolka, welibana kuwa ugu muhiimsan. Sidii uu Trump u laalay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, xiisaddu waa sii kacaysay, waxaa saxaafada iyo tuwitarka la isku marinaayey hanjabaad joogto ah. Maxamed binu Salmaan oo dalka Sacuudiga maanta ugu awood badan, Trump, Mike Pompeo, Bolton iyo weliba Netanyahu waxa ay weerar afka ku qaadeen dalka Iiraan.

Waxayse xaaladdu ka sii dartay markii uu Trump argagixiso ku tilmaamay ciidanka gaarka ah ee kacaanka, ee dalka Iiraan, waxa kaloo ay xaaladdu ka sii dartay markii la isku muran dhaafay marinka Hormus, Maraykan oo diyaaradihiisa dagaalka u daabulay gobolka iyo weliba maraakiib Sacuudigu leeyahay oo lagu waxyeeleeyey biyaha Imaaraatka Carabta. Ilo aan la magcaabin oo Maraykanka ka shidaal qaata baa weerarka ku eedeyey dalka Iiraan, balse weli wax cad lagama hayo, balse waxa ay sii xumaysay xiisaddii xumayd ee u dhaxaysay Maraykan iyo Iiraan. Waxaa kaloo la sheegay in ciidamo gaaraya 120, 000 ay u daabulayaan gobolka. Trump waa beeniyey dagaal lagu qaadayo Iiraan, waxaaana uu sheegay in uu Iiraan ka rabo in ay soo wacaan.

     Waxaa se ila quman in aan wax yar ka iraahdo John Bolton oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Trump. Bolton waxaa lagu xasuustaa rabitaankiisii iyo weliba doorkiisii uu ku lahaa dagaalkii Ciraaq, waxa uu kamid ahaa maskaxihii ka danbeeyey dagaalka Ciraaq. Weli waxa uu ka mid yahay dadka faro ku turiska ee aaminsan in go'aankii lagu galay dagaalkaa uu ahaa mid saxan. Mudane Trump markii uu magcaabay Bolton dad badan baa saadaaliyey in uu dagaal horseedi karo. Bolton waxa uu yaqaan labo doorasho mid uun: In dagaal la qaado ama in nidaamka uu diido la beddalo, sida uu hadda ka wado Venezuala, billowgiina uu ku dayey Iiraan. Waxa uu hadda kamid yahay dadka tirada yar ee Trump ku riixaya dagaalka Iiraan.

    Dagaalkan Iiraan ka dhan cida dabada ka riixaysa ma aha oo keliya John Bolton, waxaa horboodaya Israa'iil, Maxamed Binu Salmaan ka Sacuudiga iyo xulafadiisa. Waxaan rabaa in aan xuso hadal uu yidhi Vali Nasr oo ah aqoonyahanada darsa waxna ka qora gobolka, kana mid ah, ragga ugu horreeya, oo ahaa: xaqiiqada la yaabka ah waxa ay tahay awoodda halgan ee bariga dhexe ayaamahan, Carabi waa ka maqantahay, u fiirso dagaalada hadda socda, dhammaantood waa awoodo aanan Carab ahayn- Iiraaniyiin, Turki, Raashiyaan, Israa'iil iyo Amerikaan- ayaa galaya dagaalada si ay u go'aamiyaan: yaa qaabayn doono dunida Carbeed. Loollanka socda waxaan rabaa in aan akhristow kuugu celiyo carabi waa ka maqantahay, waa macquul in ay la socdaan dalal kale, sida: Maraykan ama Israa'iil, balse kama dhigna in ay door muhiim ah ciyaarayaan.

Maxaa Iiraan lagu Galay?
Iiraan waxa lagu haysto inta aanan u gelin aan is-weydiino, IIraan maxay isku halanaysaa, oo waa iyadan la dhaqaajin la'yahaye? waxa keliya oo IIraan isku halaynaysaa waa hubkeeda sawaariikhda ah iyo weliba hubka nukliyeerka ah, taas oo siisay kalsooni ahin aan dagaal lagu qaadi karin, haddii lagu qaadano ay gobolku aanu nabad ka ahaanayn. su'aashii hore aan usoo laabto oo ahayd: IIraan Maxaa Lagu Galay? 

   Iiraan waxaa lagu galay dhowr arrimood oo muhiim ah: kow Iiraan waxa ay saamayn muuqata iyo awood muuqata ku yeelatay gobolka taas oo baqdin galisay Maraykanka, maadaama uu u arko in Iiraan danihiisa ka hortimid. Labo, Israa'iil kama raalli aha, awoodda muuqata ee Iiraan, kow, Iiraan waxay taageero siisaa jabhado dagaal kula jira Israa'iil. labo, Israa'iil, Iiraan waxa ay u aragtaa awoodda kaliya oo Muslim ah, oo gobolka taas oo khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama Israa'iil ay ka takhalustay dhammaan dalalkii caqabadda ku ahaa waxa hadda dhishan oo Sacuudigu ugu horreeyana aanay Israa'iil ku soo dhici karin, Israa'iil waxa ay u aragtaa dagaal lagu qaado Iiraan in ay faa'ido weyn ugu jirto.

Saddex, Iiraan waxaa aad ugu dhegan dalal u badan sunni oo uu hoggaamiyo Sacuudiga kuwaas oo uu ka dhexeeyey loollan taariikhiya labada farac ee Islaamka ku abtirsada waa Suniga iyo Shiicada e. Dunida galbeedka halka ay ka eegaan dalka iyo dadka; ama dadku uu dal ka dhaxeeyo, dunida Carabta ama sunniga iyo shiicada waxaa muhiim u ah isku dheelitirnaan awoodeed waxa uu ugu yeedhay Vali Nasr "Balance of Power". Tan iyo sidii uu u dhashay kacdoonka Iiraan 1979-kii, waxaa sii kordhayey awoodda shiicada, gaar ahaan Iiraan, halka dhiggooda sunniga ay awooddoodu hoos u dhacday, ama ay galeen dagaal sokeeye oo ay adagtahay in laga soo kabto. Taasi waxa ay caro-gelisay Sacuudiga oo tamar kale aanan maanta hayn, balse dagaal lagu qaado Iiraan u arka in mar labaad ay faa'iido ugu jirto.


Gunaanad

      Qoraalkan kooban waxa uu ka warramayey dhalashadii cusbayd ee Iiraan, gaar ahaan kacdoonkii dhacay 1979-kii. Qoraalkan waxa kale oo uu ka sheekeeyey saamaynta Iiraan ee gobolka iyo sida ay ku soo bilaabmatay, iyo halka ay gaartay, qoraalku waxa kale oo uu sheegay in dunida Carbeed maanta dagaalka ka socda dhulkooda ay ka maqanyihiin, halka Iiraan awooddeeda iyo saamaynteeda ay korodhay. Qoraalku waxa kale oo uu si kooban u dul istaagay heshiiskii dalalka awoodda badan, oo Maraykan ugu horreeyo la galeen Iiraan iyo hubkeeda nukliyeerka, qoraalka waxa uu si kooban uu u dul istaagay Iiraan waxa lagu galay, waxaa kale oo qoraalku sheegay Iiraan waxa ay isku halaynayso. qoraalku waxaa kale oo uu dul istaagay Ruushka oo laacib muhiim ah ka noqday gobolka. Qoraalku waxa kaloo uu xusay in heshiiskaas aanu raalli-gelin Israa'iil iyo Sacuudiga. Ugu danbayn waxa kaloo qoraagu xusay xilligii Trump yimi iyo waxa is-beddelay, iyo khatarta dagaal ee macquulka ah. 

Waxaa xusid mudan, oo aan akhristaha sharafta leh u sheegayaa in si mawduucan loo fahmo loo baahanyahay qoraal dhexdhexaad, oo xog sax ah xanbaarsan laga qoro loollanka qotoda-dheer ee u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada. Mawduucan wax laga qoray Af-somaali ahaan, waa yaryihiin dadka badanaa ka hadlaa waa culimada Soomaaliyeed kuwaas oo aan si dhexdhexaad ah uga hadlin mawduucan. Waxa aan isku dayi doonaa in aan ka qoro, qoraal dhexdhexaad ah oo wax inoo iftiimiya, Waa haddi Eebbe idmo. 





                         W.Q.: Maxamed C. Maxamed - Guutaale


                                    Dhaka, Bangladesh.